Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Ciidamo Baadi Ku Ahaa Pugtland Oo Dib Ugu Soo Baqoolay Dalkooda.       Ciid Wanaagsan: Ciid Al-Fidr Al-Mubaarak.       Wasiirka Xannaanada Xoolaha JSL Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Seeraha.       British MEP: \"Somaliland Recognition By The Iinternational Community Is Ov       Gabadh Fannaanad/Xildhibaanad U Dhalatay JSL Oo Maanta Lagu Dilay Muqdisho.       Xukuumadda JSL Oo Soo Marti-Qaaday Ergayga Gaarka Ah Ee QM.       Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Waddani Iyo Kulmiye Oo Socdaal Ku Jooga J. Jabuuti       Qoraallo..........Maqaallo........... Articles........       Magacaabid Xil Cusub Ururka SSE      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
Oodweynenews
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.
Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.

dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.

Articles


 
Anigoo ah Sheekh Axmad Nuur Odowaa da'dayduna  tahay 115 jir. Waxaan halkan kula socodsiinayaa Bulshada Reer Sheekh Isxaaq gudo iyo dibadba in taariikh ahaan dayactir iyo dibudhis lagu sameeyo XARUNTA DARIIXA SHEEKH ISXAAQ EE MAYDH. By: Mj. Sir, Omar Al-Haji.






DAYACTIRKA IYO DIBUDHISKA DARIIXA SHEEKH ISXAAQ EE MAYDH ( Sheikh Ishaq Renovation Project ).


Hiddo Iyo Dhaqan: Anigoo ah Sheekh Axmad Nuur Odowaa da'ayduna qiyaastii tahay 115 jir ( boqol iyo shan iyo toban jir ), waxan halkan kula socodsiinayaa dhamaan Durriyadda Reer Sheekh Isxaaq gudo iyo dibadba inaan ISHAARO ku helay sidii loogu samayn lahaa dayactir iyo dibudhis XARUNTA DARIIXA SHEEKH ISXAAQ EE MAYDH, waxana ugu horaynaya ah dib-u-dhiska masaajidka oo aan kharashkiisa anigu ula diyaar ahay.

Sida aad ku arki doontaan sawirka halkan ku yaala waxay Xaruntu u baahantahay dayactir balaadhan iyo dib-u-dhis ka kooban guryaha martida siyaarada u tagaa ku nasan lahaayeen, rug waxbarasho iyo cilmi baadhiseed, musqulo, biyo galin iyo sidaan ISHAARADA ku helay garoon dayuuradeed oo laga dhiso dhulka u dhaxeeya DARIIXA iyo xeeliga badda, qorshahoodii iyo qiimayntoodiiba gacanta ayaa lagu hayaa, hadii Eebbe idmo.

 
Waxan hadaba ogysiinayaa cidii Duriyadda Reer Sheekh Isxaaq, rag iyo dumarba, ee hawshaa qiimaha weyn leh wax ku darsanaysa inay ku soo hagaajiyaan xisaabta lambarkeedu yahay  D13915  ee aan magacayga kaga furay Sharikadda Dahabshiil-Hargeysa. WA BILAAHI TAWFIIQ.

Ilaahay sida roon ha inna waafajiyo, waxanan isku og nahay khayr iyo wanaag.

WA BILAAHI TAWFIIQ


Posted by;

Sir, Omar Al-Haji
guulalla2@hotmail.com

Posted on Thursday, June 04 @ 20:34:44 AST by admin



dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh. - dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ] [ 2 ]

Name : Mustafe
Subject : Re : dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-04
Waa wax wanaagsan balse websiteska Somaliland ha la xidhiidhan dadka howshan wada si loo hubiyo in aan cadowga Somaliland account-kan lehayn, ileyn weynu ognahay waxa ka dhacay Hargeysa iyo fadeexadi "fadhi=ku-macaash".

Marka la hubiyo accountkan iyo dadka iska leh ayaa lacagta lagu soo shubi kara.

Name : Lama Seege
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-05
I do own my mind. Who owns yours? I’m curious, who pulls your strings. Where do you get this shit?

I understand you were probably born this way,Stop this old polshit


Lama Seege

[ Reply ]



Name : EHLUL IHSAN
Subject : Re : dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-05
"ALERT ALL DURIYA PEOPLE"

THIS IS A BIG CONSPIRACY TO WIPE OUT YOUR HISTORY
PLEASE DO NOT DISTURB THAT SITE because of ITS A PIECE OF OUR HISTORY AND IT IS SYMBOL FOR ALL MUSLIMS AS WELL
IT IS A HISTORIC SITE WE SHOULD PRESERVE IT NOT TO CHANGE IT

PLEASE TAKE ANOTHER SITE AND BUILD ANOTHER DAREEH IF YOU WANT TO BUT LEAVE THIS SITE AS IS

THANK YOU

Name : Lama Seege
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-05
I'M SO SORRY FOR THE SANDWICH I'VE CAUSED YOU. You know, maybe I put too much faith in intelligence. It has always been paramount to me. I think I've become naive about it. I understand a lot of smart people possess a capacity for compassion that borders on the sublime. Yet,



How do we do this? Sure, it was a landslide
Name : Cabdiqani Diiriye
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-05
Sheekhu waa awawgeen xurmo iyo xusuus ayuuna inaga mudan yahay, dhisidda dariixa waa arin aan diiniyan banaanayn oo Nabdigii salallaahu calayhi wasalam wuu diiday,

Sheekhu muu codsan in laga dul dhiso dariix iyo qudbi in la caabudo oo ubad iyo danbi dhaaf la waydiisto ayaa ka dhalay markii sheekh al kawnayn loo dhisay dariix,

dumarka dhali waaya ayay dhagax ku fadhiisin jiren niman soo shaqo tagay, Muj Cumar Dheere waxaan ka codsanayaa inuu arintaa ka noqdo ilaahay dartii inagana daayo,


Salaama
Name : Ku-Cadeeye
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-05
Ninkan isku sheegay 115 sanno waakii Jiif oo jaq ku xaalufiyay Somalilanderska. Hala qabto intaanay wax ma hubsatadu ku boobin intii jeebkooda ku hadhay!

Ku-Cadeeye
Name : Hawd#Labnimo
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-05
Saxiibkay C/naashir Six Walanwal.....Waxa uu ii sheegay in reerkoodu ay hawshaas qaabilsanaayeen,oo weliba dahabka ay dumarku dhigaan ay ka soo dhoofi jireen intay iibiyaan,Waa sida uu ii sheegay C/nasir Six.......oo CANADA JOOGAA..

[ Reply ]



Name : Guuleed Xaaji
Subject : Re : dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-05
Horta anigu weligayba arrimaha waxa aan ka eegaa dhinaca wanaagsan ifka iyo aakhirada labadaba.

Fikraddu ma aha mid janno iyo demdi dhaaf lagu gadhayo, mana aha mid wax u taraysa Marxuumka Al-Sheikh Isaxaaq (AHN ) haddii dariix la saaro iyo dabaqyo la kor saara toona. Mana aha mid siyaasaad ama cunsuriyad salka ku haysa oo wax kale looga jeedo, wax la igaga qaadayo.

Anigu fikradda waxa aan iska taagay dhinaca hor-u-marka degaanka. Mana xuma habka loo adeegsaday haddii lagu gaadho guusha dhismayaasha la soo hadal qaaday, sida Masaaji Weyn oo adeegyo leh, Madaar weyn oo ay ka faa'iidaystaan dadka degaanku, Madaaris iyo Malcaamado wax lagu barto, iyo Meelo lagu nasto ama loo Dalxiis tago oo taariikhi ah iwm.

Markaas in sidaas looga qayb qaato weji hor-u-mar ahaan iyo taariikh ahaan ilama xuma oo waan soo dhoweyn lahaa fikraddaas iyada ah. Mashruucii Fadhi-ku-dhereg iyo habar baa lacag laga dhacay ma ahaan karto mid wax walba oo hor-u-mar leh looga maago. Mana ahaan karto sidii qisadii odayga iyo gabadha ee, "Inaantaa meherkeeda mar wixii iga gaadhay la isoo marin maayo". iwm.

Bal markaas si kale maskaxda ha looga shaqaysiiyo oo ha looga faa'iidaysto danta guud ee degaanka iyo dalka. Waayo iyaduba waa fikrad nooceeda ah oo ku salaysan dhaqanka.

Guuleed Xaaji


[ Reply ]



Name : Ali Mohamoud Noor Ali-Eid
Subject : Re : dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-05
BAAFIN: YAA YAQAANNA Sir Omar Al-Haji 00 115 jir ah

Ugu horrayn waxan u ducaynayaa awowgay Naxariisi korkiisa ha ahaatee Al-Sheikh Ishaq Binu Ahmed. bal idinna Aamiin dhaha. Intaa waxaa ii raaca in arrinka halkan lagaga hadlayaa uu yahay mid ku saabsan mudankii ay ka soo taffiirmeen qawmiyadda weyn ee loo yaqaanno SAADADA GEESKA AFRIKA waxaanan hadalkayga ku bilaabayaa hal ku dhegga caanka ah ee ah:

SHEEKHA MAYDH YAALLOW
SHEEKH ISAXAAQOW
SHALILLAAH YAA SHIEKH ISAXAAQ
AWOOWOW SHAR NAGA HAY


Maahmaah ayaa tidhaahda hubsiino hal baa la siistaa, waxan uga socdaa ninna inaanu ku kicin gef iyo aflagaaddo isagoo khabar maafish ah oo aan ka war hayn xaqiiqada warkan amma sida sida ay wax u socdaanba oo aan lagu degdegin raddul ficil xanaf leh.

Haddaba laba ayuunbay middood tahay xaajadan aadka u qarada weyn labadaas oo kala ah:

(Kow) Si kastaba ha u hadlee bal in horta ay jirto cid garanaysa qabanqaabiyaha magaciisu yahay Sir Omar Al-Haji, halka uu ku nool yahay, iyo wixii war laga hayo ee ku xeeran shakhsiyaddiisa, hore miyuu sidan oo kale u yeeli jiray, ma looga qaateen baa iwm oo aynu u baahnnahay faahfaahin dheeraad ah, haddii uu haddaba yahay sama wade dadaalaya waa in taa la soo caddeeyo si aynu muran laàan iyo innagoo ku kasooni ku qabna ugala qayb qaadanno hawshan la soo qaaday oo ah mid aad u qiimo weyn.

(Laba) in arrinku yahay mid laga leeyahay hadaf qalloocan oo noqon kara sharaf rid lagula kacayo waalidkayo oo lagu wanjalayo dadkiisii oo ah mid raad xun ku reebaysa masùuliyaddeedana uu qaadi doono qofkii amma kooxdii ka dambaysay ee soo abaabushay falkaa xun, oo noqon kara arrin hunguri xumo ah sidii Mashruuc la rabo in xoolo lagu xaslado oo sifa noocaas ah adduunyo lagu urursado iyana waa tu subxaano leh oo xanuun badan ku ridaysa durriyaddisa damaq badanna leh oo aan loo dul qaadan karin welibana keenaysa in jawaab kulul laga bixiyo noocay doonto ha noqotee.


Ka hadalka arrimaha qaarkood haddii aan ujeeddo wanaagsan laga lahayn waxay noqonayaan GODOB laga gelayo ummad dhan oo malaayiin ah.

HADDABA OGAADA CID KASTA OO KU GEFTA MAGACA SHIEKH ISAXAAQ IN TAA LAGAGA DABA IMAN DOONO, waan ku celinayaa taasi maaha mid la iskaga hadhi doono, xunkeeduna waa ciqaab kulul hadaanay qudh gooyabo ahayn. Sababta aan sidaa u leeyahay waa mid la fahmi karaa waxa ay dhali karto tanoo kale kolkaa waa iga digniin taasi.

Anoo sidii aan sheegay aan ku degdegayn inaan ka hor dhaco arrin aanan war badan ka ogayn oo hubsiino ku jira ayaan haddana ryi ka dhiiban karaa warka kor ku xusan.


Waxa runtii shaki ka yar muujinayaa oo igu mudan dhowr arrimood oo aan kor ka akhriyay, Somalidu magcyada ay labxdo waynu naqaannaa waa ina hebel hebel, kuwa carabta, gaalada amma ajnebi kale iyagana la garay laakiin si walba oon laba tagoogood isu saaro weli isumay kay qaban isku xidhka magaca uu leeyahay qabanqaabiyuhu Sir Omer Al-Haj oo haddaynu yar eegno kuula ekkoonaya mid dar kale uu leeyahay isagoo ku bilaabma sidan, SIR oo ah derejo ay bixiso boqoradda ingriisku ahna waxaynaan shaqo ku lahayn oo nin gaaleed leeyahay waxa ku xiga OMER kaa waa garannay wa ku sii xiga AL-HAJ wadhi tani waa ka waawayn oo haddana ka waasacan.

Waxa iyana isweyddin leh da`da qabanqaabiyaha oo ah sida kor ku xusan 115 jir weli tamarinaya oo u diyaara inu Dato ku shaqeeyo oo accont-yo furo oo safarro dhaadheer oo ilaa TABCA ka taloowgeedu ku jiraan uu galo oo u diyaar ah masÙUliyaddaa iyana calaamatu Suàal ayaa saarayaa.

Waxa iyana la yaab leh Mashruucan Sheekha ee ka sheegayo oo ah mid aad u culus lana soo bandhigay sawirradii Architects-yadu sameeyeen oo aad u qurux badan haddii aanu ahayn sawir been abuura, ayaad mooddaa inu yahay mid aan laga gayoonayn oo kici kara boqollaal million oo Dollar iyadoo weliba ay intaa ku sii dareen masaajddo meelo loogu talo gelayo martida, baytalmayo iyo dhiish iyo dhaashba oo runtii iila muuqda wax iska male awaala, weliba sidu leeyahay Al-haj waa nin maal qaabeena oo hantidiisa u huraya inu ugu taburraco hawshaa iyada ah.

Isku soo wada xooriyoo waxa ka asal ah in labadii qodob ee aan kor ku sheegay la soo kala caddeeyo si loo waajaho arrinkan wax ka qabashadiisa.

East and west Somaliland is best

Ali Mohamoud Noor Ali-Eid
Oslo,Norway

Name : Dawlad
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-05
Md. Mj. Ali Eid. Aniguba sidaada oo kale ayaan shakiyay, laakiin waxa aan ka faa'iidaystay E-mailka ninka soo gudbiyay fariinta Mj. Cumar oo ah sida ku cad dhammaadka fariintiisa: ( guulalla2@hotmail.com ) oo aan toos ula xidhiidhay Mj. Cumar, markaasna arrinta iiga xog waramay. Adiguna la xidhii Hargaysa iyo Md. Md. Sir, Omar Al-Haji. Wixii aad kala kuklanto iyo wixii aad ku qanacdo wax nooga sheeg ( Sax iyo Kahlad ).

Mahadsanid

Dawlad
Name : Ali Mohamoud Noor Ali-Eid
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-05
MJ Ku Caddeeye

Waad ku mahadsan tahay warka aad na soo siisay laakiin weli iima muuqato in E-mail aan u diro oo la iiga soo jawaabo ay wax badan ka tarayso inay meesha ka saarto mugdiga ku gedaaman sababtoo ah waxa la iigu soo jawaabi karaa mid iska cilmayaysan oo la soo qururxiyay una eeg wax lagu qanco. kol haddii aanad arkayn amma aqoon hore u lahayn jawaab qoraala oo la soo diray laguma qanci karo.

Haddaba taa beddelkeeda waxan weli taagnahay haddiiba odeygu innaga mid yahay cimrigaana jiro dee lama waayin cid taqaanna oo iyagana aynu naqaanno, waana ciidankaa ka aan filayo in warkoodu wax wayn ka tari lahaa arrinkan kolkaa fadlan waa baafine yaa horta garanaya Sir Omer Al-Haj oo 115 jir ah.

Mahadsanid
Ali-Eid
Name : Dawlad
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-05
Mujaahid Cali Maxamoud Nuur. Caawa sidee bay wax yihiin oo yaa kaa cadhaysiiyay?!

Horta ninkan kula hadlaayaa ma aha Mj. Ku-Caddeeye ee waa Mj. Dawlad.

Marka labaad Sir, Omar Al-Haji ma aha ninka jiray 115 Sano. Mj. Cumar waa nin aad garan doonto marka aad hoos isu waraysataan. Waxa aad wax ku fahmaysaa ma aha qoraalo ee waa macna iyo hadalka idin dhex mari doona Mj. Cumar Al-Xaaji.

Markaas adiga ayaa garan doona ee la xidhiidh Mj. Sir, Omar Al-Haji. Haddii aad waxba garan weydo, la xidhiidh Mj. Haiban oo ay caawa Hargaysa wada joogaan Mj. Sir, Omar Al-Hagi. Halkaasna baafintaada ka bilow. Markaasna nagu soo warceli waxa aad kala kulantay in uu mashruucani shaqayn karo oo aynu gacan ka geysano iyo in kale. Inkasta oo aan anigu ku qancay.

Mahadsanid

Dawlad
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-05
DIGNIIN!

MASHRUUCII "FADHI KU MACAASH", WAXA TUUGTII UUGA SOO BAXDAY NATIJO YIDIDILO WEYN LEH SIDA IN REER SOMALILAND AY YIHIIN DAD WARMOOG AH OO DAACAD AH OO CADIIFIYIIN AH OO ISKU DAYDA OO SI HBSIINYO LA'AAN AH WAX KU WADA DAATA, WAANEY SOO ROGAAL CELIYEENO, WAXAY HADA INAGA SOO GALEEN MEEL HALIS AH OO LA XIDHIIDHA ISIRKII QOWMIYADEENI DHAMAYD IYO AWOOWGEEN SHEIKH ISXAAQ BIN AXMED (ILLAHAY HA U NAXARIISTEE).

Sida ay iila muuqato, ninka magacan leh ee "Sir Omer Al-Haj" ee la leeyahay, waa 115 jir, waxa uu iila magac iyo hadal ekaaday tuugtii Nayjeeriyaanka (Nigeria) ee hawlaha budhcadnimada noocan ah lagu bartay sida email laguu soo diro oo la yidhaahdo tartar bakhtinasiib ah emailkaaga lagu xidhiidhiyey emailo kale oo caalamai ah, ayaad adigu ku guuleysan intaas oo malyuun oo doolar ama Euro ah ;

ama inta laguu soo diro e-mail ku magacaabaan nin maalqabeen ah oo isna Sir hebel iyo Al-Haj hebel ku magacaaban oo nasiib daro dhimanaya maadama uu cudurka kansarka qabo, hase yeeshee, doonaya inuu dar Illahay uu xasanaad sameeyo oo adiga kuu xilsaaro inaad intaas oo malyuun oo doolar ah aad u qaybiso masaakiintaa ama aad hawsha noocaa iyo noocaa ah ee ajarku ku jiro aad ku qabatid ee akoontadaada (account) ee bangigaaga iyo macluumaadkaaga oo dhan ii soo dir si aan si deg deg ah aan lacagta toos kugu soo xawilo;

ama qiso la xidhiidha naag garoob ah oo uu ka dhintay nin siyaasi ah oo caan ah oo meel fulaan ka talin jiray ama madaxweyne ama wasiir ama maalqabeen weyn ah oo doonaysa inay lacagta dhan intaas oo malyuun ay dalkeeda si qarsoodi ah uga saarto ee adiguna boqolkiiba 25% ama 50% qaado ee hawshaas aanu wada galno, sidaas daraadeed, akootadaada iyo macluumaadkaaga ii soo dir si aan lacagta uugu soo shubo, iwm.

Hadaba, haddii aad lambarka akootadaada iyo macluumaadkaaga kale aad si jaahilnimo ah u bixiso, waxa dhacaysa in marka hore wixii hanti ahayd ee akootadaada ku jirtay la dhaco maadaama loo soo sameystay aqoonsi ay ku yaalaan macluumaadkaagi oo dhan, waxa kale oo dhacaysa in credit card, driving licence, iwm lagula soo baxco macluumaadkaaga oo xitaa amaaho kumaakun doolar ah bangiga lagaga qaato magacaaga taasoo adiga laguu qabsan doono.

TALO:

1.) Waa in talaabo deg deg ah la qaada oo ninkan la soo hela waxa uuyahay, haddii waxa uu watona ay noqoto khiyaamo iyo dhac qoomiyad dhan loola badheedhay, waa in qudha laga jara.

2.) Waa in guud ahaan saxaafada Somaliland sida jaraa'idada iyo shabakadaha, ay ka saaraan ama tirtiraan maqaalka ama qoraalka ninka sheeganay Sir Omer Al-Xaji ee u muuqda ku been abuur iyo khiyaamona wata.

3.) Waa in aaney jaraa'idadu iyo shabakaduhu aaney soo dhejin xitaa maqaal ama qoraal kale oo arrinta ama taageeraya ama mucaaridaday si arrinku uu damo ilaa iyo inta laga soo hubsan doono, waxa arrintan ka jira.

Guul iyo Gobanimo,

Mr. Halgame,
May God bless the people and the State of Somaliland. Amiin.
Name : Dawlad
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-06
Mj. Halgame,

Miyaanay labada xag-jirnimo waxba inooga dhexeen ( The double extremism ). Bal ka soo qaad mashruucaas oo sida uu yahay u jira. Miyaanu ahayn hawlkarnimo dheeraad ah oo la muujiyay iyo wax-qabad hor leh oo noociisa ah.

Adiguna Mj. Halgame waxa aan kuu rajaynayaa in aad sida Mj. Cali Maxamoud u dirto fariin qabanqaabiyaha mashruuca Md. Mj. Sir, Omar Al-Haji. Halkaasna inta aan arrinta la dhalleecaynin horta xaqiiqada la soo taabto oo adiga laftarkaagu ( Mj. Halgame ) aad kaba mid noqoto maamulayaasha mashruuca, maadaama aad aqoonta iyo cimilada dhinacaas Bariga dalka dadka uga aqoon roon tahay.

Mar kale waxa aan idiin saxayaa in aanu Sir, Omar Al-Haji ahayn ninka jiray 115ka sanadood sida aan u fahmay sheekada. Laakiin Sheekh Axmad Nuur Odowaa uu yahay ninka jiray da'daas.

Dawlad
Name : Ku-Cadeeye
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-06
Halgame,
Ali-Eid,

Ninkan Dawlad wuu cadeeyay inuu xogagaal yahay! Markaa isaguba muu caanaha ka caddeeyo arrinka! Ilayn waakan Ali-Eid tilmaanta u qeexaye!

Nin 115 jir ah oo tamirin kara mashruucaas oo kale u malayn maayo inuu jiro!!! Haaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa caqliga laga qaad ma Caloolay Majeerteen-baa! Ma dhinac kale oo uu ka caano dhamuu waayay.

Omar Al-Haji dhinac kale isaga rogg cayaarta,Caasha iy Cawo ciir mooyaane caano dhay ahi kuma hadhine..Cashadii tagtana lama soo cashee..

Ku-cadeeye

[ Reply ]



Name : Ali Mohamoud Noor Ali-Eid
Subject : Re : dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-06
Cudur daar magac,

Waxan ka cudur daaranayaa inaan qalday magaca Dawlad oo aan jawaab celinta la hadlay Ku Caddeeye, waxan ku kalsoonahay in aad aqbali doontaan labadiinnuba isweydaarintaas oo u dhacday madbaci ah.

Intaa waxa ii raaca in aad ugu qanacsanahay inaanu jirin wax farqi ah oo inna dhex yaallaa dhammaanteen inteennan arrinka ka faallootay iyo inta kale aan innagala qayb gelinba, iimana muuqdo nin jecel amma doonaya in dalkiisa iyo dadkiisa lagu gafo inu innagu jiro, Talo markay soo korodhona waa wax caadi ah in ruuxba gees ka eego oo la isku birbiiriyo si looga gaadho natiijo fiican, taasi baynu dhammaanteen ku foognayn anoo aad ula dhacay kulligiinba sida aad uga dareen qaadateen iyo ra`yiga aynu is waydaarsannayba.

Waan qaadanayaa taladaada igu soo noqnoqotay MJ.Dawlad laakiinwaxan isku dayi doonaa inaan sida carrabowday inaan helo Mj.Haiban oo Hargeisa ku sugan aqoonna u leh Al-Haj, Odey Haiban wsi wanaagsan baan u aqaannaa waana nin aan dalkiisa iyo dadkiisa toona u oggolaanayn inu horor cuno warkiisana waan ku qancayaa. aad baan idiin salaamayaa saaxiibbayaal kuliigiinba.

Mahadsanidin

Ali-Eid

Name : Dawlad
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-07
Md. Mj. Ali Eid,

Waa sida aan kugu jeclahay ilbaxnimada dheeraadka ah iyo aqoonta fiican. Waaba inta dadka intiisa badan laga la'yahay. Waxa intaas ii dheer sida uu Mj. Ali-Eid u adeegsado su'aalaha loo yaqaan "Iterrogatives" ama ( Istifhaamiyaadka ). Waa su'aalaha la'aantood aan la is fahmi karin waxna la dhisi karin.

Dhinacayga orod ayaan ku aqbalay cudurdaarka Md. Mj. Ali-Eid ( Madaxweynaha Mustaqbalka ). "Rag waa arrin keen iyo aqbal keen".

Arrinta muranka dhalisay ha lala xidhiidho Md. Mj. Sir, Omar Al-Haji. Furaha mashruuca isaga ah. Dhinaca wanaagsan ha la iska taago. Ugu taariikh ahaan.

Dawlad

[ Reply ]



Name : Xirta Sh Ahmed Nur Odawa ee (Ottawa)
Subject : Re : dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-06
Ascw,
Anigoo ah xertii Sh Ahmed ee magalada Ottawa, Si aad ayaan ugu farax sannahay in ay arintii Shiekha ee isharada dhismaha mashruca Maydh ee Sh Ishaq ahayd ay si hana qaada u socoto ooy abaabulkeedii si wanagsan u bilawday.
Dadka hawsha uu Shiekhu u idmayna ee hawsheeda in mudo ah ka soo dhaqaynayeyna aad ayey umahad san yihiin, Cumar Iyo
Xasan A. iyo inta kaleba ee Jasakumallahu khayraa(amiin)
Anaguna dhinacayaga warbahinta iyo abaabulka kalaba waan idin kala qayb qadanaynaa hawsha balaadhan ilahayna ha inagu garab galo(Amiin).

Wabilahi tawfiiq

Yusuf Sh Abiibaker


[ Reply ]



Name : Mr. Oday
Subject : Re : dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-06
Sheekh Axmed Nuur Odawaa waa sheekh da'weyn oo ilahay hibo iyo cilmiba siiyay. Ishaaradana cid waliba ma heshee intii Alla u gartuunbaa hesha. Hawsha la qabanayana isgaaba maal galin ku smayeeyay, ciddi xasaanadka wax ku darsanaysana waa wax wanaagsan.
Dad aydaan aqoon u lahayn inaad aflagaadaysaanna laga wanaagsan.

Mr. Oday


[ Reply ]



Name : Ali Mohamoud Noor Ali-Eid
Subject : Re : dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-06
KU: XUKUUMADDA SOMALILAND
KU: SHICIB-WEYNAHA REER SOMALILAND

UJEEDDO: SHIRQOOL MILETERI OO AY WADDO QARAMMADA MIDOOBAY OO SOMALIA KU SAABSAN

ABAABULKA UN-TU AY KU SHIRINAYSO SARAAKIISHII HORE EE FAQASHTA EE XASUUQYADA KA GAYSTAY SOMALILAND HAATANNA KULAMADA LEH WASHINGTON WUXU XAD GUDUB YAHAY IBNA AADNIMADA GUUD AHAANTEED, GAAR AHAAN WUXU MAR KALE SOO COSBIINAYSAA OO BOODHKA KA TUMAYAA HAMMIGII AHAA DABAR GOOYNTA ISAAQA WAA IN LA CAMBAAREEYO QORSHAHAN LOOGU ABAAL GUDAYO DEMBIILAYASHA DAGAALAKA EE AY QARAMMADA MIDOOBAY HOR BOODAYSO.

INKASTA OO AY LEEYIHIIN WAXA LAGU TAAGEERAYAA DAWLADDA SHARIIFKA AYAA LOO BAAHAN YAHAY IN LOO YEESHA DHAQDHAAQYADA NOOCAN OO KALE AH FIIRO GAAR AHAANEED.

WAXA KALE OO AY TAHAY IN LA CAMBAAREEYO KOOXDA SHARIIFKA EE MAANTA GARAB KA DAYAYSA HADHAAGA HORORKII AFWEYNE EE NACABKA AHAA, TAASOO KA DHIGAN CADWAADDA SOMALILAND INAY IYANA SI TOOS AH UGU SOO BIIREEN.

SII AKHRI WARKAN HOOS KU YAAL

EAST AND WEST SOMALILAND IS BEST
ALI-EID



QM oo war ka soo saartay Saraakiishii hore Melleteriga Somalia oo ku shiraya Washington


Washington 06 June 2009

United Nations Political Office for Somalia (UNPOS)

XAFIISKA QARAMADDA MIDOBAY U QAABILSAN ARRIMAHA SIYAASADDA SOOMAALIYA (UNPOS)

WAR-SAXAAFADEED 019/2009

SARAAKIISHII SARE EE CIIDAMADII HORE E DALKA SOOMAALIYEED OO KU SHIRAYSA WASHINGTON, DC

Nayroobi, 3 Juun-2009, Saraakiishii Sare ee ciidamadii hore ee Dalka Soomaliyeed ayaa ku kulmaya Waashington inta u dhaxeeysa 4-5 Juun 2009. Waxaana abaabulay shirkaasi Xafiiska Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaalia,UNPOS, waxaana shirka hagaaya Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaliyeed.

Shirku waxa uu ahaanayaa mid hordhac ah oo loogu go’ogol xaarayo siddi lagu helilahaa tageerada iyo ka soo qaybgalka Saraakiisha caanka ah ee hogaaminta Ciidamada Soomaaliyeed. Waxaana la filayaa in shirkan uu ka dambeen doona shir kale oo dhici doona daba-qaayada bisha Juulaay.

Ayada oo la dhowrayo Heshiiskii Jibuuti iyo sida ay Xukuumaddu ooga go’antahay in ay dib oogu dhisto Hayadaha Nabadgelyadda Qaranka, ayaa shirku waxa uu eegayaa sida uu ahaa qaab-dhismeedkii ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed intii aysan Dowladii burburin iyo sida oogu haboon ee wax looga qaban karo baahidda hadda jirta iyo tan mustaqbalkaba.

Former Somalia senior military officials to meet in Washington, DC 06.06.09 Clickhere

‘Waxaan rajaynaynaa in uu shirkan noqdo shirkii oogu horeeyay ee shirar badan oo mira dhal ah oo laqandoono’, ayuu yiri Ergaygga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah. “ Saraakiishan Sar-sare ee ka soo qayb-galaya shirkan waa saraakiil lagu xurmaynayo khibradda iyo aqoontoodi hore ee ciidannimo -wakhtigoodina waxaa Soomaaliya taariikh ahaan laga codsan jiray in ay wadamo kale oo African ah u tababarto ciidamo.

Mudadda Shirka uu socdo, ka soo qayb-galayaasha shirka waxa ay ka hadli doonaan sida oogu haboon ee lagu horumarin karo qay-baha nabedgelyadda qaabilsan.

‘ Tani waa fursan aad oogu wayn Ummadda Soomaliyeed waayo waxa ay cashar kabaranayaan sida ay horay u ahaan jireen si ay xal oogu helaan mustaqbalkkoda’ ayuu yiri Mudane Ould Abdallah.

Name : Cabdiqani Diiriye Aw Muxumed
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-06
Waxaan ka xumahay inuu qof inaga mid ahi aamino inuu awawgeen Sh Isxaaq shar inaga hayn karo taasi waa shirki"ilaahay uun baa kaligii oon cid lagu lammaanayn sharna celin kara khayrna keeni kara"

Midda labaad eraygan ishaara oo macnihiisu yahay Tilmaan: waa eray bixin ay adeegsadaa dadka ku talax tagay suufinimada oo ah mad-hab aan la isku raacsanay oo lagu muransan yahay, markaa qofka yidhaahda waxaas iyo waxaas inaan sameeyo su'aasha if iyo aakhirana hortaalaa waa:

1.Yaa kuu ishaaray
2.Ishaaro maxay tahay, yaa qeexi kara ama inaga qancin kara
3.Waxyigii wuu go'ay oo nabigeenii suubannaa kamuu danbayne maxaa socda oo qof lagu siin karaa khabar ama xog aan dadku la ogayn.
4.Anigoon waxba ka sheegay odayga ruug cadaadiga ah ee lacagta ku bixinaya dariix"qabri" miyaanay ahayn in la is waydiiyo diinteenu ma ogashay in qubuurta la dhiso, mise lagama hadli karo arinta.

subxaanallaah
Name : Dawlad
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-07
CabdulQaniyow.

Awoowe, Al-Sayid Sheekh Isaxaaq kama weyna waalid iyo sheekh mufti ah oo diinta fidiyay. Waxaanu mudan yahay inta kuwaasi mudan yihiin. In la xusu, in loo duceeyo, in lagu daydo ayuu mudan yahay. Intaas wax ka badan meesha ma yaaaliin. Dhismayaasha masaajid, marcaamado, madaar iwm ma aha wax la ceebaysto ee waa hor-u-mar iyo taariikh wanaagsan oo meesha ka dhacday.

Waxaaba afka ka weyn in la soo mariyo erayo ah in qof wax cafin karo ama cid janno gelin karo iwm. Cidina sidaas ma sheegan kuma andacoonin. Bal markaas adigu sheekh Cabdulqani dib isugu noqo oo mashruuca meel ha uga dhicin.

Dawlad

[ Reply ]



Name : Runsheeg
Subject : Re : dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-06
Ma xuma in Sheikha Saadada dhalay in maqaam kan ka weyn loo dhiso balse anigu waxaan ka sii jeclaan lahaa in laga dhigo qabrigiisa museum amba meel taariikhi ah oo la soo booqdo oo la mid ah tourist destinations sida Taj Mahal oo India ku taal hadaba inaga oo rabna horumarka Maydh iyo maqaamka Sheekhaba waxaa iyana barbar socota in la ilaashado taariikhda oo yanaan noqon sida ummadaha aan la aqoon xagay ka soo jeedaan ama ka soo farcameen sida kuwa ku abtirsada Daarood Ismaaciil Jabarti oo kabo tole ka ah dalka Yamen kaas oo aan ilaa imika la hayn qabrigiisi sanadkii hore 2008 koox yar oo ka soo jeeda qabiilkan aan nasabkiisa la hubin ayaa dhawr dhagax isdul saaray intay guri yar dhiseen oo labada midab ee calanka Somaliya ee buluuga iyo cadaanka ku rinjiyeen yidhi waa qabrigii Daarood Ismaaciil Koombe kix kix kix

Name : Dawlad
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-07
Runsheegow,

Nin baa beri u gefay Shir oo khaldamay. Waxa la socday Inaadheerkii. Markii shirka laga soo baxay ayuu ninkii gartay in uu khaldamay oo meel ka dhacay. Markaas buu ninkii Inaadeerkii oo dhinac taagan dherbaaxo ku waalay. Markii la weydiiyay sababta waxa uu ku macneeyay oo uu yidhi, "Haddii aan anigu khaldamay muxuu Inaadeerkay ii qaban waayay"!

Waxa haatan sidan ka dhigan in aad u gefto Abtiyaashay iyo awowgay hooyo oo aad kabatole ku sheegtay. Kabatole waaba shaqo ee waxa aad tidhi nasab ma aha. Waan ka xumahay. Xaalna aniga ayaa arrintaas inaga bixiyay.

Waxaanse ka mabsuuday sida aad u dhigtay hadalkaaga intiisa hore ee ku saabsan fikradda iyo Ishaarada Md. Mj. Sheekh Axmad Nuur Odowaa iyo qorshaha Md. Mj. Sir Omar Al-Haji oo aad dul dhigtay runta.

Dawlad
Name : Ku-Cadeeye
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-07
Runsheegow,

Horta siday ku qurux badnayd ayaad u dhigtay,laakiin ku darsoo tusbaxa hakala furin yaanu daadane ee dee dhameeyoo saadada haku soo koobin tusbaxa 33 ee gaadhsii 99,una dhaaf halkuu AHN sh.Isaxaaq tusbaxiisu ku arooro.

Ku-cadeeye
Name : Runsheeg
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-07
Dowlad

runta'oon baan taabtaye Mujaahid anigu awoowgaa waxba kamaan sheegin anigaygan kula hadlayaa ayey wax ii yihiin balse runto ma fanta waayo hadaad dalka Yemen tagto waxaad ogaan lahayd in ay kabaha tolaan musqulaha dhisaana Reerka Jabarti Ismaaciil halkana ka daawo odaygii Cabdilaahi Yusuf oo u ducaynaya

http://www.somalitalk.com/2009/feb/28feb909.html

halkana ka akhriso taariikhda Jabarti

http://www.yementimes.com/00/iss36/culture.htm


Ilmaadeerayaal daacadnimadaiyo niyad wanaaga faro badan waa lagu asaasaqaa ragiinan ku abtirsada Sheikh Isxaaq Bin Axmed be PROUD of who you are Sheikh Isxaaq yaan la barbar dhigin TUMAALKA baan odhan lahaa sababta oo ah Sheikh Isaxaaq wuxuu la yimi dalkii Somalia kitaab uu caruur iyo cirrobaba wax ku baro seef lamoo iman dagaalna waligii muu qaadin ee wuxuu ahaa peaceful man and educater dhashiisuna waa ilbaxa geeska afrika waa ummad camal wanaagsan oo aan cidna dulmin waa ummad aan xaqdarro qabiil kale isugu tagin oo kuwa inta la dulmay oo ilmo Jabarti iyo abkii yam yam iyo qadaadweyn isugu tageen markay hadhuudhlaha ku dareen sidii caadada u ahyed SAADADA cafis u fidiyey taas oo ka turjumaysa Gobonimada Duriyadda Sheikha oo ka duwan Gunta kale arrinkaasi xaguu ka yimi ma istidhaahdeen waa calaamad u gaar ah Ahlul Baytka dhabta ah una eeg kana soo farcamay dhacdii waagii nabi Muxammed CSW Makko soo galay oo uu cafis u fidiyey dhamaan Ahlu Maka.. Saadada iyo kabo tolaha Geeska Africa camalkoodaa lagu kala gartaa
Name : Cabdiqani Diiriye
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-07
Walaal Dawlad, nin inaga mid ah baa qoray hadal ay islaamihii ayeeyooyinkeen ee aqoonta diintu ku yarayd ee ku ducaysan jiray"Sheekha Maydh yaalloow awoowow SHAR naga hayn" taasaa u jeeday,

Haddii ay qabriga awawgood qudbi wayn u dhisato inaynu iskaga dayano maaha, inagoon qabriga ku dul cibaadaysan aynu Maydh magaalo ahaan u camiri karnaa taas cidina ma diidana ayaan qabaa

salaama
Name : Ali-Eid
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-08
Diriye,

Haddaad quudhsatay suugaanta haweenka, waxa laguu hayaa qaar aad iyo aad kuu dhaama, dumadrku waa qayb innaga mid ah oo ka kaalintooda ka qaata arrimaha bulshada markay suugaan tahayna tiriya noocyyadeeda oo idil hadday tahay ammaanta sheekhii dhalay amma qiiro waddaninimo ha ahaatee sidaa awgeed maan gaab adiga oo kale ah ayuun baa liida lamana dulmiyi karo.

Kolkaa waxad ogaataa in haweenk qaarkood ay ka ragsan yihiin in badan oo rag sheegta sidaada laakiin dadka iska dhex jooga, waxaan kugula talinayaa amma kuu fiican inaad cashar ka barato ABWAANADDA NIMCO GABAYDO
-------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------




MAAN RAG ARAG-TAYE, MASKAX DUMAAR EEG!!!‏


BY : ABDIRAHMAN J. AHMED (Abdi-Shotaly)



26/05/09

Waxa uu OODWEYNENEWS.COM uu idiin soo bandhi-gayaa silsi-lad dheer oo gabay ah oo ay tirisay, abwaanad ku caan ah dhulka SOMALILAND siiba magaalada HARGAYSA oo la yidhaaho MRS NIMCO AADAN HURE oo ku magac dheer NIMCO GABAYDO, waa inan asal-keedu ka soo jeedo burco, iyo sheekh, waxba lama qariyo ee waa inan reer sheekh isaxaaq ah, REER SAHAL, oo qoyska ay ka soo jeedaa uu hide u lee-yahay AFTAHA-NIMO aad qoto dheer waxa u awoow ah GABAY-YAAGII CAANKA AHAA EE JAAMAC GACAN-LOW, bal hada isku day in aad xasuusato gabay-gii taariikhi-ga ahaa ee la magac baxay:- mitid fara-yar ,

MITID FARA-YAR MIDHIHII BATAA, KAMA MACAA-SHAANE,

IS MAROORIN-TAAS REER WACAYS, MAHADIN-MAAYAANE,

MIDH KABRIIDI MEEL LAGU QABTUU, MURUX KA YEELAAYE,

MAR HADAAY MISHII-NADU QARXAAN, MAWDKA LOO SIMANE,

Mur-tidan iyo qaar kale oo badan oo ku jira suugaanta SOMALILAND, ahna kuwa ugu xikmada badan, bay ku abtirsa-naysaa NIMCO-GABYDO, waa gabadh ku dhiiran in ay taariiikh-ddii runta ahayd ee aan cagta ku soo dhufanay ama soo marnay sida ay u dhan-tahay kala dhig-dhigto iyada oo wax turxaan ah, been, wax la qariyo mid-na aan u yeelin ee sideedii diirka uga qaadaysa marxalad kasta oo la soo jiidhay, lana soo gudboo-naatay umadan reer SOMALILAND, wacdara-hii ay wejiga u dhigtay, sidii ay uga gilgi-latay, heer-yadii gumaysiga siddii ay isaga tuur-tay, milan-kii ay ku dhex luntay wixii loo yaqaanay SOOMAALIYA, halgankii hubays-naa ee S.N.M, sidii loo xoreeyey ama lagu keenay CALANKA ay reer SOMALILAND maanta NABAD ku wada hoos joogaan ee lagu diirsaday, waxa ay aad ugu dheeraa-naysaa, laga soo bilaabo ilaa maalin-tii uu ku dhawaaqay AL-LE ha u NAXARIISTO'E CABDIRAXMAAN AXMED CALI magaca SOMALILAND ilaa imika-dan in alaale intii la soo gudboo-naaday
turuntu-rooyin, ama hakad ku
yimi dalka, caqaba-dahii ku adkaaday in laga gudbo, xalkii mar walba la isku deyaayey in loo helo, siddii loo kala badbaad-shay beelaha, sidii cagaha loogu dhidbay ee laga digtoo-naaday in ay cidi mar kale isku daydo iska hor-keen, sidii hubka looga qaaday ee loo xasi-liyey, maamulkii loo dhisay ee ka hana-qaadeen doora-shooyinkii deegaanka, madax-tinimada, iyo xildhi-baanada, gole-yaasha guurtidu, iyo dawlad-nimada buuxda ee lagu daansha-daanshoo-naayo maanta, dimuqraa-diyada madax banaan ee aan marna laga baqay-nin cidi in ay ku tumato.

NIMCO-GABYDO waxa kale oo ay ka hada-laysa maraxa-laddii dheerayd ee ay soo martay SOMALILAND laga soo b ilaabo 26/06/1960 markii ugu horay-say CALAN laga taago dhul ay lee-dahay SOOMAAlIYI, hal-kaas oo ahayd CAASIMADADA SOMAILANAD EE HARGAYSA, wakhtigii aan ku milanay SOOMAALIYIA, hawlihii in soo food-saaray, waxa keenay in aan dib ula noqono madax banaani-deenii, taas oo qoriga degta loo saaray, laguna soo hooyey, ka dib markii mudo aad u adag loo dhabar adeegay, runtiina laga gaadhay wixii dabka loo galay, ee ay umada reer somaliland ( reer sheekh isaxaaq) diiday in ay qaataan dulinimo iyo xaqi-raad oo la yaso, NIMCO waxay si gaar ah u qaadaa-dhigaysaa shaqada looga baahan yahay wasaaradaha, hay'yadaha, gole-yaasha iyo maamulada kala gedisan ee dawlada, musuq-maasaqa, cadaalad darada, baahida, abaaraha, qayaalada, isu-boorinta, iyo isku taag-naanta, i-jiid iyo i-jiid waa gacmo daali-se ha la joojiyo, xusubi-yada oo ay ku lee-dahay hays
qabsa-nina waa ogaay-deen shalay waxa ahay-deene oo yaan belo idiin sanqa-dhin ee ka daaya guubaa-bada aad ku wadaan umada ee ah dagaal-gelinta, GABAYADA NIMCO kuma koob-na oo keli ah intaase waxay aad ugu talax-tegaysaa dayaca haysta fanaa-niintii umada u soo halgamay iyo dar-xumada ka muuqata, daryeel la'aanta ku dhacay iyo qalbi-jabka ay kala kulmeen maamulka dalka u taagan iyo sida aan ilaa imika looga war qabin ee ay faro dhex-dood uga baxeen.

Fari kama qodna afkaar-ta NIMCO ay daadi-hinayso iyo sida ay qalbi-geeda uga go'an yihiin ka hadalka ay ku baraaru-jinayso, toosi-nayso, waayo wara-mayso umada uu ilaahay ka beeray, waa gabadh aan la arag sida ay murtida u aloosayso, waxa intaas dheer oo aanad keeni karin sida AY NIMCO uga hadashay geesi-yada soo maray jihaadka ee ku geeri-yooday, mid hubaysan, iyo kii suugaanta labada-ba ee ku dagaa-lami jiray sida TIMA-CADE, QAASIM, LIXLE, HABANE, KOOD-BUUR, MAXAMED MOOGE, HARAG-WAAFI iyo qaar kale oo badan, oo aad ka maqli doon-taan marka aan siidaayo xikma-daha murti-yeysan, iyo GABAYADA aan ka soo duubay NIMCO-GABAYDO, waxa ugu dambeeyey gabay-gii ay ka tirsay 18/may/ 09 oo aan ka daawa-nay tv-ga UNIVERSAL hadii aad daawatay habeen-kaas isaga ah, Hada-ba aniga oo idiin kala bixi doona baa waxan ku soo af-jarayaa maqaal-kan laga bilaabo maal-maha soo socda kala socda MAREEGTAN OODWEYNENEWS.COM.

Gaba-yaddii oo ay af-keeda ay ku sheegayso mid-mid , kuwaas oo socon doona wakhti aad u fara-badan, kuna soo bixi doona cinwaanka la yidhaaho MAAN RAG ARAG-TAYE, MASKAX DUMAR EEG. inta ka horaysa waa cabdiraxmaan jama axmed ( abdi-shotaly) oo idin leh wada xidhiidh wacan iyo idinka oo iga-la soo xidhiidha wixii ku xidhan SILSI-LADAN, waxa intaas ii raaca, qisoo-yin dhawr ah oo doora kuna saabsan sida ay mucaarid iyo muxaafid-ba uga soo hor-jeedaan oo aanay u jeclayn in ay taataa-bato arimaha ay qeexayso, loogu-na diiday in lagu daro, fanaan-niita iyo abwaanada ay dawladu siiso mushar-ka, amuura-han awgeed iyo kuwo kale oo aanan weli u gelin baa wiiga-ga soo socda iyaka oo tafa-tiran aan kolba qaar soo raacin doonaa marka aad gabay-geeda ku soo gudbiyo OODWEYNENEWS.COM.



*N.B. Maan rag arag-taye maskax dumar eeg.
abdi-shotaly,
oodweynenews.com.

[ Reply ]



Name : Mr. Halgame
Subject : Re : dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-06-07
RIYADII MR. HALGAME EE SANNADKA 2005:

Bismillaahi Raxmaani Raxiim.

Sannadkii 2005, ayaa waxan ku riyooday Soomaali oo u kala qaybsan laba kooxood kuwaasoo kala ah Reer Somaliland gaar ahaan Besha Sheikh Isxaaq iyo Reer Somalia oo iyagu isku jir ahaa ama aan kala soocnayn beel ahaan.

Dadka Reer Sheikh Isxaaq, waxay iila muqdeen tobaneeyo halka, dadka Reer Somalia, ay iila muuqdeen ilaa laba boqol oo qof.

Maalin cad baaney ahayd cirkuna caad ma saarneyn laydh baana dhacaysey, hase yeeshee, garan maayo inay arooryo, duhur, iyo casar ahayd ama bisha iyo maalinta, ay ahayd.

Goobtu, waxay ahayd goob gabaahiir ah oo banaan ah oo dhulku siman yahay oo aan caws, dhir, qori, iyo dhagax toona lahayn oo aan guryo iyo xoolo nool iyo duurjoog iyo shimbiroba aaney ka muuqan ilaa iyo inta indhaha aadmigu gaadhayo. Waxaaney goobtu u muuqatay goob cidla ah oo lama degaan ah oo aan dad iyo duunyo kale ku nooleyn oo boodh badan oo weliba bilaa sanqadh ah.

Dadka Reer Sheikh Isxaaq oo aan anigu ku jiro, wey wada taagnaayeen oo diif badani kamay muuqan wejiyadooda, hase yeeshee, maryahoodu (dhar), waxay ahaayeen kuwo duugoobay inkastoo aaney boodh ka muuqan.

Dadka Reer Somalia, dhulka ayey wada fadhiyeen oo diif badan iyo boodh, ayaa wejiyadooda iyo korkooda ka muuqday, waxaaney gashanaayeen maryo (dhar) aad u duugoobay.

Halka, ay dadka Reer Sheikh Isxaaq taagnaayeen iyo halka ay dadka Reer Somalia fadhiyeen, waxa qiyaas ahaan u dhaxeeya ilaa, saddex boqol (300) oo talaabo, si fiican baaney isugu muuqdeen.

Dadka Reer Sheikh Isxaaq ee wada taagnaa, islamay hadleyn oo waa la wada aamuusnaa, waxaaney ku soo wada jeedeen dadka Reer Somalia oo ishaasey ka eegayeen.

Dadka Reer Somalia ee wada fadhiyey, iyaguna islamay hadleyn oo waa la wada aamusnaa, waxaaney ku soo jeedeen dadka Reer Sheikh Isxaaq oo iyanguna ishaasey ka eegayeen.

Juuq iyo jaaq la’; cabaar baana indhaha la iska eegayey lana aamusnaa.

Hadaba, iyadoo xaal halkaa maraayo oo aan la isla hadleyn meeshana lagu kala tegayn ishaana la iska eegayo uun, ayaa waxa, Reer Somalia ka soo dhex kacay Siyaad Bare oo diif badani ka muuqato kaasoo aan markii hore noo muuqan inuu dhex fadhiyo dadka Reer Somalia.

Waxa uu Siyaad Bare ka soo dhex baxay dadkii Reer Somalia, waxaana uu si toos ah u soo abaaray dadka Reer Sheikh Isxaaq; siduu u soo socdayna, aniga ayuu ii soo abaaray; gacantaanu ii dhiibay (salaan ahaan) isagoo aan kelmad ii odhan, waanan ka qaaday anigoo aan kelmad odhan;

Anagoo weli gacmaha is haysta, hase yeeshee, aan isla hadlayn dadka intoodii kalena ay na wada eegayaan oo ay wada aamusan yihiin ruuxna goobtiisii aanu ka dhaqaaqin, ayaan hurdadii ka soo toosay. DHAMAAD.

Guul iyo Gobanimo,

Mr. Halgame,
May God bless the People and the State of Somaliland. Amiin.

Name : caliweli
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-08-06
marka hore salaan .waxan doonayaa inaan idiin soo jeediyo talo.taas oo ku saabsan sidii aad u ogaan lahaydeen nin arinkan wada ee magiciisa layidhaahdo SIR OMER ALHAJ.waxad laxidhiidhaan sheekha muftaaxa maqaamka haya,oo iminka jooga magaalada HARGEYSA .sheekh siciid sheekh c/raxmaan sheekh siciid.taasi waa mid. arinta kale ee aan idinku taageerayaa waxa weeye in gobolkaa ladayacay wax loo qabto.MAQAAMKA SHEEKHANA LAGA DHIGO MUSEUM TAARIIKHIYA.magaalada MAYDH ee cuna qataynta lagu hayona iyo go,dooninta horumar loo sameeyo....waana in la ilaaliyo meelaheena taariikhiga ah.....waanaynu wada ognahay inuu dalkeenu iyo dadkeena saadada ahi cadaw badan leeyihiin...oo kaxun asal keena iyo meesha aynu kasoo jeedno(ahlul albayt )aynu nahay......../haddii aad u baahan tihiin taariikhdii sheekh isxaax iyo siduu dhulkeena ku yimi...iyo abtirsiimadiisii oo dhan ...ilaa banii haashim..ilaa nebi ibraahiim cs...ilaa nebi nuux cs....ilaa nebi aadan cs..aabihii banii aadanka.....iyo weliba haddii aad doonaysaan meesha aynu isugu nimaadno dhinaca abtirsiimada(BOQORKA URDUN)(BOQORKA MAGRIB)iyo boqoro kaleba ................cadaw badan ayaa sheekha u soo socda sidii ay u xadi lahaayeen maqaamkiisa una burburin lahaayeen....ee taa maka warqabtaan .....kuwaas oo isugu jira soomaali iyo ajinabi iyo carab,ba.. MAQAAMKA WAA IN ILAALO XOOG AH LA SAARO........................DAD ASLKOODA KA SOO JEEDO (AHLU ALBAYT)BAYNU NAHAY OO ILAAH BAA NA ILAALINAYA ,anana hadaba waa inaynu feejignaano ,oo hurdada katoosno, cadawga faraha badan ee nagu xeerana ka feejignaano.....ogaadana inlaynagu soo maqan yahay......................ilaahay ha na ilaaliyo.....aaaaammmmmmiiiiiinnnnn.allaa mahad leh
Name : caliweli
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-08-06
marka hore salaan .waxan doonayaa inaan idiin soo jeediyo talo.taas oo ku saabsan sidii aad u ogaan lahaydeen nin arinkan wada ee magiciisa layidhaahdo SIR OMER ALHAJ.waxad laxidhiidhaan sheekha muftaaxa maqaamka haya,oo iminka jooga magaalada HARGEYSA .sheekh siciid sheekh c/raxmaan sheekh siciid.taasi waa mid. arinta kale ee aan idinku taageerayaa waxa weeye in gobolkaa ladayacay wax loo qabto.MAQAAMKA SHEEKHANA LAGA DHIGO MUSEUM TAARIIKHIYA.magaalada MAYDH ee cuna qataynta lagu hayona iyo go,dooninta horumar loo sameeyo....waana in la ilaaliyo meelaheena taariikhiga ah.....waanaynu wada ognahay inuu dalkeenu iyo dadkeena saadada ahi cadaw badan leeyihiin...oo kaxun asal keena iyo meesha aynu kasoo jeedno(ahlul albayt )aynu nahay......../haddii aad u baahan tihiin taariikhdii sheekh isxaax iyo siduu dhulkeena ku yimi...iyo abtirsiimadiisii oo dhan ...ilaa banii haashim..ilaa nebi ibraahiim cs...ilaa nebi nuux cs....ilaa nebi aadan cs..aabihii banii aadanka.....iyo weliba haddii aad doonaysaan meesha aynu isugu nimaadno dhinaca abtirsiimada(BOQORKA URDUN)(BOQORKA MAGRIB)iyo boqoro kaleba ................cadaw badan ayaa sheekha u soo socda sidii ay u xadi lahaayeen maqaamkiisa una burburin lahaayeen....ee taa maka warqabtaan .....kuwaas oo isugu jira soomaali iyo ajinabi iyo carab,ba.. MAQAAMKA WAA IN ILAALO XOOG AH LA SAARO........................DAD ASLKOODA KA SOO JEEDO (AHLU ALBAYT)BAYNU NAHAY OO ILAAH BAA NA ILAALINAYA ,anana hadaba waa inaynu feejignaano ,oo hurdada katoosno, cadawga faraha badan ee nagu xeerana ka feejignaano.....ogaadana inlaynagu soo maqan yahay......................ilaahay ha na ilaaliyo.....aaaaammmmmmiiiiiinnnnn.allaa mahad leh
Name : caliweli
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-08-06
waxaan idiin hayaa cajalado muqaal ah oo laga soo duubay maqaamka sheekha. iyo wixii dayactir ah ee uu ubaahanyahay.SIR CUMAR ALXAAJI NA WAA LAGARANAYAA. kutubtii sheekh isxaaq laga qorayna waa laheli karaa iyo weliba 4 tii kitaab ee uu isagu qorayba. waana lagaranayaa meesha ay walaalihii sheekha tafiirtoodii ku nooshahay ,ee ay ilaa iminka ku dhaqan yihiin.
Name : joy joy
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2009-10-23
ka hubi
Name : Abdi Abdillahi Ibrahim
Subject : Re :dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh.
Date : 2010-02-21
In la dayac tiro maqaamka sheekha oo taariikh inoo ah waa muhiim. Waxaan dhamaan ka codsanayaa dadka daneeya in ay taariikh uga tagaan jiilka danbe waa in ay si fiican uga qayqaataan dhismaha dayactirka maqaamka sheekha oo dhamaanteen taariikh inoo ah.

//Sweden
Gävle

[ Reply ]


Pages : [ dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh. 1 ] [ dayacrirka iyo dib-u-dhiska dariixa sheekh isaxaaq ee maydh. 2 ]