Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Cheif Caaqil, Maxamed Daahir Qasiis Oo Maanta Geeriyooday.       Waftigii Sare Ee Xisbiga UCID Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhoweeyay G/Sanaag.       Soo Dhawayntii Boqor Buurmadow Ee London.       Russian navy hands over alleged pirates to Somaliland.       Kaki\'s Gold, Doha 2010 World Championships and Jama Karaiin.       80 Tan Oo Cunto Ah Oo Bil Kasta Loo Qaybin Doono Danyarta G/Sool.       Boqolaal Ciidamo Ah Pugtland Oo La Soo Dhoobay Xurumaha Bosaso. Waa Maxay Sababt       U.S. Policy in Somalia.       Munaasabadda Kuuliyad Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Kuuliyadaha Jaamacadda ADMAS.      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Heesaha Hirgalay

Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.

Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

shirweynaha qorba-jooga jsl ee bristol/uk iyo dood furan. muranka sharciga jsl.

shirweynaha qorba-jooga jsl ee bristol/uk iyo dood furan. muranka sharciga jsl.

Opinion


 Waxaa Magaalada Bristo/UK laga qabanqaabinayaa, shirweyne madax-bannaan oo lagaga wada hadlo amma lagaga doodo xaaladda guud ahaan JSL, gaar ahaan dhinaca khilaafka siyaasadeed amma distoor ee ka dhashay muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyay Xukuumadda Rayaale. By: Mj. Alpha.




SHIRWEYNAHA BRISTOL IYO DOODA MURANKA SIYAASADEED EE SOMALILAND.

Waxaa magaalada Bristol ee wadanka UK laga qabanqaabinayaa, shirweyne madax bannaan oo la doonayo in lagaga wada hadlo amma lagaga doodo xaaladda guud ahaan Somaliland, gaar ahaan dhinaca khilaafka siyaasadeed amma distoor ee ka dhalatay mudo kordhinta golaha guurtidu u samaysay Madaxweyne Rayaale iyo Ku-Xigeenkiisa. Kaas oo looga jeedo in lagu taakuleeyo fikradaha haboon Dalka ee wax ka taraya taladiisa loo dhan yahay.

Hadaba waxaan qabanqaabada shirkaasi ka waraystay Md. Mj. C/risaaq Ibrahim Koshin ( Alpho ) oo aan maqlay inuu ka mid yahay xubnaha qabanqaabinaya shirkaasi, waxaanu waraysigii aan C/risaaq la yeeshay uu u dhacay sidan:

S - C/risaaq salaan ka dib waxaan maqlay in magaalada Bristol ee aad degantahay adiga iyo xubno kale aad ka qabanqaabinaysaan shirweyne lagaga doodayo arinta mudo kordhinta iyo dibu dhaca doorashada ee Somaliland. Maxaa arinkaa aad war naga siin kartaa?

J - Ismaaciil aad ayaad u mahadsantahay, waxaase wax lala yaabo ah sida uu warkaasi kuu soo gaadhay adiga oo London Jooga iyadoonu wali ku soo shaac bixin suuqyada Bristol. Haddiise aan u soo noqdo jiritaanka warkaasi, arinkaasi wuxuu ahaa hindise aniga iyo niman aanu asxaab ku ahayn siyaasadda in badan, walibana qaar kood aanu wada xidhnaan jirnay waqtigii Siyaad Barre, aanu soo hadal qaadnay imikase aad moodo inuu hadal qaadkii dhaafay oo suuro galintiisii aanu ku talo jirno.
 
S - Waa maxay waxa shirka lagaga wada hadlayaa iyo waliba ujeedada ka danbaysaa, muxuuse faa'iido yeelanayaa mar haddaad wadankii debedda ka joogtaan mindida daabkeedana aydaan haynin?

J - Ismaaciil sadexdaada su'aalood ee is huwan aan midba gooni uga jawaabo. Waa ta hore'e Waad ogtahayoo ka war haynta wadanka iyo la socodka xaaladaha uu hadba ku suganyahay waa waxa ugu badan ee aynu ka wada hadallo haddii aynu nahay qurba jooga Somaliland, wakhti badanna wuu inagaga baxaa. Markaa waxaanu leenahay aynu doodno oo si maangal ah ha loo doodo hana lays qanciyo.Waayo waxaad arkaysaa muran bulshada qurba joogta ah dhexdeeda ka jira kaasi oo xayiray wax u qabadkii wadanka. Waxaa laga doodayaa muranka siyaasadeed ee hadda jira kaasi oo qayb weyn amma saamaynweyn ku leh siyaasadda arimaha debedda ee Somaliland. Ujeedada ka danbaysaa waa si qurba joog ahaan aynu u soo koobno khasaaraha ka dhalan kara murankeena oo sidaan kuu sheegay saamayn ku yeelan kara siyaasadda arimaha debeddda, faa'iidada uu yeelanayaana waa mawqif midaysan oo ka soo baxa insha Allaahu, kaasi oo laga yaabo in uu isku soo jiido gudo iyo debedna reer Somaliland.

S - C/risaaq yaad ugu talo gasheen in ay shirka ka soo qayb galaan?

J - Shirku haddii uu qabsoomo waxaa ka soo qayb galaya guud ahaan reer Somaliland, siyaasi, aqoonyahan iyo odayaalba wixii iman kara wuu u furan yahay, waxa kale oo aanu jecelahay inay ka soo qayb galaan madaxda sadexda xisbi qaran ee UK iyo madaxda ururada aan siyaasiga ahayn ee ka jira wadankan aynu ku noollahay.

S - Waxaa igu maqaalo ah in lagugu tiriyo amma aad ahayd madaxda xisbiga Kulmiye ee UK, waxaana laga yaabaa in qolada kula qabanqaabinaysaana ay xag u jan-jeedhaan. Sidee ayaad adiga iyo inta kula socotaaba dhex-dhexaad ugu noqon kartaan dooda iyo qaybinta wakhtiga amma loogu arki karaa inuu yahay shir aan kulmiye wadan amma ka danbaynin?

J - Ismaaciil inkasta oo kolay aqoonta aad ii leedahay ay tahay mid kooban, anigu xisbiga Kulmiye golahiisa dhexe kuma jiro xillna uguma magacaabni. Xisbina waxaa ah inta golihiise dhexe ku jirta. Waxaa iskaga keen qaldan inta xisbiga ah iyo inta taageerta, waana laba arimood oo kala duwan. Intaa waxaan ku darayaa, haddii aanu doonayno shir Kulmiye waanu ka dhigi lahayn, mase aha waa shir Somaliland oo dhan aanu ugu talo galay sadexda xisbina way u siman yihiin dooda, wakhtiga iyo agabtaba. Yaanay cidina ku soo talo galin wax dheeraad ah amma takoor ah.

S - Inkasta oo aynaan is arag Somaliduna ay ku maahmaahdo is barasho is arag kama horay, haddana C/risaaq anigu aqoon igaga kaa filan waan kuu leeyahay. Waan ogahay inaad siyaadsadda adigoo ciyaalo school ah aad gashay dilna lagugu xukumay, waan akhristay sheekooyinkii xiisaha badnaa ee jabintii jeelka Madheera iyo waliba taariikhdii SNM ee aad tafatiraha ka ahayd iyo inaad hadda tahay Gudoomiyaha Ururka samofalka ah ee CEEL-SHEEKH. Taasi waa aqoonta aan kuu leeyahaye, bal isagana waxoogaa nooga sheeg Ururkaa Ceelsheekh.

J - ( Isaga oo qoslaya ) Kolay aniguna ku odhan maayo iskukay sheeg ee sidaa horta aad ii soo baratay ayaan kuu soo baran doonaa. Intaasi waa iga kaftan. Ururkaasi horta waa markii ugu horaysay ee saxaafaddu ogaato. Waa urur samofal ah oo aanu arday dan yar ah kaga bixino Jaamacadda Hargaysa. Waxaanay hadda marayaan tiro dhan todoba iyo labaatan Arday. Ururkuna wuxuu dhisnaa hadda laba sannadood. Intaasi ayaan jecelahay inaan taa kaga baxo.

S - Goorma ayaad u qorshayseen inuu shirkaasi qabsoomo?

J - Sidaan kuu sheegay waa bilow agaasinkiisu, waxaanu marka hore jecellahay inaanu la xidhiidhno madaxda xisbiyada iyo mas'uuliyiinta wadankan joogta iyo waliba aqoonyahanka iyo odayaashaba, qaarna waanu la xidhiidhnayba, intaa ka dib baanu jecellahay inaanu mudayno wakhtiga uu qabsoomayo waanuna shaacin doonaa si mug leh. Inshaa Allah.

S - C/risaaq adigoo soo koobaya bal noo qodobbee arimaha shirkaa lagaga wada hadlayo?

J - Horta waa dood, doodaana haddaan qodobeeyo waa:

1- Distoorka Somaliland ma u baahan yahay wax ka badal iyo wax ku kordhin, maxaase sababay in had iyo jeer laysku qabsado?
2 - Qodobka 83 farqadiisa sadexaad iyo shanaad oo ah kuwa muranku ka dhashay.

3 - Mudo kordhinta wakhtigan sax iyo khalad kay tahay.

4 - Maxaa xal ah?

Iyo ugu danbayntii baaqa shirka.

S - C/risaaq arinka shirkaa haddii aan yar hakiyo, waxaan wax kaa weydiin lahaa sheekadii jebintii Jeelka Madheera iyo buuggii aad ku balan qaaday halkaad kala maraysaan.

J - Runtii waxaan jeclaa mar haddii aan taariikh qorayo waliba buug ka qorayo inay dhamays tirnaato. Taariikhdaa qaybtii igu xidhnayd amma aan ka warhayey way ka dhamaatay xaggayga, waxaa wali iga dhiman qayb aad iyo aad u muhiim ah oo ku xidhan mujaahidiintii jeeka jabisay, qaybtaasi oo ah qayb aan laga tagi karin. Insha Alla waxaan is lahaa sanadwalba dalkii tag mase dhicin. Kolay sanadkan ayaan ugu dhawahay inaan tago soona dhamays tiro.

S - C/rosaaq ugu danbayntii maxaad ku tilmaami lahayd mudo kordhinta golha guurtida ee xiligan, maxaadse odhanaysaa dadweynahaa aad shirka ugu baaqaysaan?
 
J - Horta ta hore haddii aan jawaabteeda ku siiyo sida mudo kordhinta aan u arko, dee shirkaba waan iska dayn lahayn oo waxay ila tahay uun baan qori lahaa, waxaan jecelahay inaan la sugo doodaa iyo go'aankeeda. Dadweynaha Somaliland aqoonyahan, siyaasi iyo culimo iyo waayeelba waxaan odhan lahaa shirkaasi halaga soo qayb galo, waliba sharci yaqaanada reer Somaliland ha ka soo qayb galaan, jawiga lagaga soo qayb galayaana ha noqdo mid Somalilandnimo iyo wadani nimo, yaanu noqonin mid colaadeed iyo wax kala jiidasho. Waxaan jecelahay haddii talon iyo tusaale naloo soo dirayo amma ay jirto cid si gaar ah doodaa uga qayb qaadanaysaa ha nagala soo xidhiidho:
 
E-mailka Ismaaciil Maxamuud Liibaan ( Farshaxan )
wardoon@yahoo.co.uk
Wariye madaxbanaan. London

Posted on Sunday, April 19 @ 21:20:52 DAVT by admin



shirweynaha qorba-jooga jsl ee bristol/uk iyo dood furan. muranka sharciga jsl. - shirweynaha qorba-jooga jsl ee bristol/uk iyo dood furan. muranka sharciga jsl.
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.