Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Fariinta M/Weyne Siilanyo Ee Qalin-Jebinta Ardayda JSL Iyo DF-da Somalia.       Muslimiintii Maraykanka Oo Loo Diiday Gudashada Xajka.       Xoolihii Ugu Badnaa Abid Oo Todobaad Laga Dhoofiyey Dekedda Berbera/JSL.       549 Arday Oo Ka Qalinjibiyey Kuliyadaha Kala Duwan Ee Macaadka SIDAM/Hargaysa.       Shirkadda 4R INC Oo Dacwad Ku Soo Oogtay Madax Ka Tirsan Xukuumadda JSL.       Diiwaangelintii Madaniga Doorashooyinka JSL Oo Laga Bilaabay Hargaysa.       Faallo Ma Leh...Shib-Ka-Dheh......No Comment....Keine Kommentar.....       Wada-Shaqaynta Dawladda Norway Iyo JSL.       Tacsi Tiiraanyo Leh.      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
Oodweynenews
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.
Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!

jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!

News


 Wasiir-Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda JSL, oo aan dhawaanahan is-bedbedalka siyaasadda ka hadal, ayaa maanta Xisbiga Mucaaridk KULMIYE ku eedeeyay in uu wado tilaabo Iqilaab u eg, isla markaana ku hawllan sidii Burco uga sii gooasan lahayd JSL 6da April oo ku beegan Xuska Maalinta Ururkii SNM.


Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda JSL Md. Yuusuf Ciise - Tallaabo oo aan beryahan ka hadal is-bedbedalka siyaasadda ayaa Xisbiga Mucaaridk KULMIYE ku eedeeyay in uu wado Iqilaab ka dhan ah JSL. Isla markaana ku hawlan sidii Magaalda Burco/Togdheer uga sii goosan lahayd Somaliland laguna dhawaaqo 6da April 2009 oo ku beegan Maalinta Xuska Ururkii SNM.

Wasiir-Ku-xigeenka Cadaaladda Md. Talaabo waxa uu sidaa ku sheegay Shir Jaraa'id oo uu maanta ( shalay ) ku qabtay Huteel Imperial Magaaladda Hargeysa, isaga oo Xisbiga KULMIYE ugu hanjabay inaan haddii ay isku daygaas ka waantoobin waayaan aanu sii jiri doonin Xisbigaasu, inqilaabka uu wadaana fashilmi doono oo haddii ay dhab noqoto lagu qaadi doono sharciga dunida uga yaal ciqaabta Inqilaab la isku deyay oo fashilmay. Waxaanu iftiimiyay in haddii taasu dhacdo dalka lagu xukumi doono sharci deg-deg ah ( Emergency Law ). Waxaanu sheegay in qaladaad badan oo dhinicii diiwaan-gelinta ka dhashay ay qayb ka yihiin dib u dhaca doorashada Madaxtooyada.

Wasiirku waxa uu sheegay in muran Xisbiyada dhexdooda iyo Komishanka Doorashooyinka ka abuurmay uu ka mid yahay waxa keenay dib-u-dhaca doorashada Madaxtooyada. Taasina ay sababtay in Guurtida go'aan aan loo dhamayn Komishanku u gudbiyay. Waxaanu intaa ku daray in ay Golaha Guurtidu guteen wajaabkii dalka iyo dadka ka saarnaa oo wadani ah. Taas oo kalliftay in ay muddo-kordhin sharci ah sameeyeen.

"Waxa kale oo aynu isticmaalnay wax caadadeena noqday oo aan ceebteena ahayn, ceebteeda dambena aan cidi qaadanaynin, taas oo ah loolan doorashada ka horeeya oo had iyo jeer aynu Tabco-duleed iskula wareegayno oo Xukuumaddiiba inaan doorasho lagu ridin ee horteed la rido oo la cimri-dedejiyo, sharciga galdaloolo laga eegto.

Waxba layskulama hadhin, KULMIYE ayaan wax iskala hadhin, Xukuumaddaan wax iskala hadhin, waxay noqotay Odayaashii halkaa fadhiyay inay qoloba wax ku shubato, oo ay noqotay markii ugu horeysay ee ay aad u kala dilaacaan, yeelkeeda maadaama ay fulinta arrinta iyagu lahaayeen go'aan bay soo saareen aqlabiyad ah oo mudda-kordhin ayay sameeyeen". Ayuu yidhi Wasiir Tallaabo.

Wasiir Ku-xigeenku waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, "Kordhintaasi waxay abuurtay Cumuq-cumuq badan, hanjabaad, 6da April dawladi ma jirto, sidii Maadagastar ayaynu ciidamada kicinaynaa iyo Burco ayaynu dawlad kale ka dhisaynaa iwm. Wararkaas ayaa suuqa ku jira, wararkaas aan idin leeyahayna waa warar xogogaal ah oo rag ka Madax ah Xisbiga KULMIYE ayaanu ka haynaa! Waxaas oo dhamina waxay ka soo wada horjeedaan shuruucda dalka u yaal. Waxay ka soo horjeedaan dantii aynu lahayn, qarannimadii iyo ictiraafka aynu doonayno. Annaguna haddii aanu nahay Hay'adda Sharci Fulinta waxaanu ka degaynaa hadalada noocaas ah iyo in aan loo noqon oo ay dembi yihiin"!

"Sidii uu sheegay Guddoomiyaha Xisbiga UCID. Kii maalintii dhawayd la isku dayayna inqilaab qarsoon buu ahaa! Dad la isku deyaya in caqliga laga xado oo la laaluusho iwm. Waxba inagama qarsoona oo kor waayeel waa wada indho! Kan aanu hadda ragga qaarkii afkooda ka hayno "Burco ayaanu dawlad ka dhisanana" isaguna kaba sii daran oo waa mid ujeedadii dadka ka soo horjeedaa, far cadaw bay u eekaan kartaa, dambi bay dhalin kartaa, ninka iskudaygaas maseeya waa nin inqilaab dhigay oo kale, hadday u marto waa meesheeda, haddii se ay u mari waydo waxa nin inqilaabka sameeyay oo mutaystay in la mariyo waxa la mariyo kuwas sidasa yeela aduunka: Waxa ay mudan yihiin in la xidho, maxkamad la keeno oo la dilo haddii ay ku cadaato. Waxaana la mid ah ninka dadka kiciya ee iska horkeen ee horseeda qalalaasi iyo fowdo". Ayuu yidhi Wsiir Tallaabo.

"Xaaladahaa aan ka sheekaynayo ee imika hadalka marayaa haddii ficil loo bedelo oo ay fashilmaan, cidda waddaa waxa ay la mid yihiin cid ku kacday inqilaab fashilmay.

Sidaas daraadeed. Waxaan Annigu uga digayaa ragga waxaa ku naaloonaya wax ay uga jeedaanba ee si furan uga hadlaya ama si furan u wad-wada inay tahay qalad wayn oo khatar ku ah dalka, dadka iyo naftoodaba. Cidda ka dambaysa oo dhan ayaa la qaban doonaa oo sharciga iyo qawaaniinta lala tiisan doonaa. Waana dada qawaaniintii dalka dul maray.Markaasna ay tahay in iyagana lala durmaro qawaaniintii. Waxaana taas la mid ah dadka ka soo horjeesta go'aanada iyo sharciga meel maray sida go'aankaas Golaha Guurtida oo dastuuri ah. Waxa furan in laga hadlo haddii ay jiraan wax qaldamay si qaanuuni ah. Wixiii kale ee ka soo horjeedaana waa qaran-dumus, qaran-dumisnimadana in laga fayoobaado ayaan jecelahay, addiga oo wax wanaagsan doonaya ma aha in wax xun lagu bedesho. Waa belaayo, addiga oo qabaw ku tartami karana inaad tidhaahdo is-bedal doon baan ahay oo meeshaba waan rogayaa waana qalad". Ayuu yidhi Wasiir Tallaabo.

Wasiir ku-xigeenku waxa uu sheegay, haddii aan nabadgalyada laga wada-shaqaynin in khasaare qaran oo balaadhani imaan karo, isaga oo taa ka hadlayana waxa uu yidhi Wasiir Ku-xigeenku, "Dawladan JSL sidaa lagu ridaa way adag tahay, laakiin khasaare qaran oo balaadhan ayaa ka dhalan kara haddii la isku dayo....Sidaa daraadeed, nabadgalyada ha la wada illaaliyo oo yaan shacbiga la kicin, siyaasiga inqilaab ku fikarayaana la noqdo iyo in uu fowdo wax ku helo.  Illaahay kama dhigee, Xisbiga sidaas yeela sharci ma ahaan doono. Mana jiri doono. Burbur baa imaan doona, dimuquraadiyad baan jiri doonin, saxaafad baan jiri doonin ee xaalad deg-deg ah ayaa lagu xukumi doonaa dalka wax lagu dili karo, waxna lagu xidhi karo oo waxba ma jiri doonaan, haddii waxaas lagu talaabsado, Annigu si sharciyan ah ayaan arrintan uga hadlayaa".

Wasiir-Xigeenku mar uu ka hadlayay Xuska Maalinta SNM oo ku beegan 6da Bishan April waxa uu yidhi, "SNM waynu wada ahayn ee waxan ninka dibada joogaa SNM ugu murmaa maxay tahay?! 6da April ma aha maalintii suurta la afuufayay ee waa maalintii la xusayaya SNM. Loomana baahna nin kale oo tarabal keena iyo nin si khaldan u adeegsanaya magaca SNM.  Mana jiro nin si gaar ah u leh SNM iyo xukuumad toona. Nin waliba maalintii uu SNM yimid waynu isgaranaynaa oo isaga oo dhuumanaya ayuu yimi, SNM-na Somaliland ayay dhashay, waanay jirtaa oo hawlsheedii bay qabsanaysaa, ee ninka leh maalinta 6da April dawladi ma jirto meel ay SNM ku gudoonsatay in dawladnimada la laalo ma jirto. Waa qarda-jeex, waa qaynuun-darro, waa sharaf-darro, markaa ragga leh 6da April dhib baa dhacysa. Waxaan leeyahay 6da April waa maalin nabadgalyo oo taariikhdeeda iyo xuskeeda loo ballamay iyo in quraan iyo ducooyin loo akhriyo raggii u shadiiday xoraynta qaranka JSL. Markaa ninka leh 6da April iyo suur baa la afuufayaa haddaad doonayso inaad qaladaad samayso maalin kale u ballan oo ka dhigo".

Waxa uu sheegay Wasiir-Xigeen Md. Talaabo in Xisbiyadu dadweynaha kaliya xaq ugu leeyihiin inay cod waydiistaan, ka dhex ololeeyaan, laakiin go'aanka hawlaha doorashooyinka Komishanka ayaa iska leh wixii ka baxsanna waxa iska leh Golayaasha Qaranka ee ah adkaynta Qaranimada iyo shuruucda loo dhigayo. Waxaanu qayrul-sharci ku tilmaamay in hogaanka dawladda ay qabato cid aan doorasho ku imaanin. Isla markaana waxa uu Xisbiga KULMIYE ku eedeeyay in uu waraaqo u gudbiyay Hay'adaha Ajanabiga ee dalka ku sugan. Kuwaas oo loogu sheegayo in aan dalka deganansho ka jirin.

"Waxaan leeyahay qaranimadii loo soo shahiiday ee loo soo halgamay ma sidaas ayay u hawl yartahay in la yidhaahdo dhex ha loo hayo  6da April ka dibna ma jirayso.  Ma dawladaha inna leh ma jirtaan ayuu la safan yahay ninka sidasa lhi mise Madaxweynenimo ayuu dalka ka rabaa?! Waddanka waa loo soo halgamay, loo soo dhintay. waxaana halgankii hore ka sii dheer halganka maanta soconaya". Ayuu yidhi Wsiir Tallaabo. Waxaanu Mucaaridka u soo jeediyay in ay ku qancaan go'aanka Guurtidu sida ay ugu qanci lahaayeen go'aanku noqon lahaa muddo-kodhin-la'aan iyo dawladda oo dhex loo hayo oo ah wax inagu cusub oo jiitankeeda yeelan karta. 

Ssidaa daraadeedna, waxa uu soo jeediyay Wasiir-Xikeenku in la sabro oo la isu dulqaato laguna qanco dib-u-dhaca ku yimid duruufaha inagu xeeran ee awoodeheena ka baxsan mudada yar ee berrito dhammaanaysa oo ka dhow dhib iyo fowdo la galo oo aan dhammaad lahayn haddii aanay wax kale jirin!?

SL Media.

Posted on Thursday, April 02 @ 03:06:04 AST by admin



jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?! - jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : hodan129@hotmail.com
Subject : Re : jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
alaakariin waataan kuu uruurinay madax furashadii laguu haystay hadaan nahay haweenka kulmiye maantana waanasiib inaad kii kubireeyay soo raacdo oo kii xabaasha kaa soosaaray aad caydo umadaa kuujawaabi adeer anigu waxaan ku odhanlahaa waar aamuskaa kuu khayra

Name : Farxiya Yusuf ( SNM )
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
Marwo Hodan. Afkaasu ma aha kii Haweenka Somaliland. Dhaqanna uma lihin ee tumaad ahayd oo ma inaga hubtaa?!

Waxa aan qabaa in uu Wasiir-ku-xigeenku si fiican u hadlay oo ay hawshiisa tahay in uu dadkiisa iyo dalkii kala badbaadiyo. Runtana u kala sheego. Mujaahidka weligiisba waa lagu yiqiin geesinimada iyo in uu ragga runta u kala sheego. SNM waa raggii lugaha u taagay. Waana ku mahadsan yahay.

Farxiya Yusuf ( SNM )
Name : Aar Qoyay
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
Wallaahi inaanu kani geeridii nabigana ogay. Addunyada maxaa dad ku nool.

Horta Tallaab maanta la baran maayo oo waa la yaqaanaa ninka uu yahay, laakiin SNM-na waxay ba'aday marka kanoo kale yidhaahdo mabd'a ayaan ku dagaallamay. Haddaan gabayga aqaanno maanta waan u gabyi lahaa kane, yaa madaxa Gaarriye toban daqiiqo i amaahiya an runta u sheegee.

Waar ma'adiga cid wax yeeli kara oo mujaahidiinta dalkooda faqash ka badbaadinaya xidhxidhi kara, car bal waad ku dhacdaaye. Waa la ogyahay in hadallada laga xishoodo laguu soo dhiibo oo lagu yidhaahdo makhaayadaha isla taag. Laakiin dhibaato ma jirto oo in yar ayaa ka hadhay intii u Rayaale meel Addis ka fog kugu xidhayay. Marka se dalka laga xoreeyo faqash adiga waa lagu cafiyi doonaa, oo baribaad SNM ahayd.
Aar
Name : Qarxiye
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
Arr Qoyay ama Bisad qabobsatay. Kii aad doontaba ha lagu yidhaahdo.

Mujaahidiinta kan aad doonta miyaad ka saaraysaa SNM kii aad doontana miyaad ku soo daraysaa. Shalayna dushiisa ayaynu wax ku ahayn tallaabo, maanta tiisa iyo tii Alle ayaynu wax ku nahay.

Faqash ayay hadal ka baratay iyada oo Faqash ka wda liidata oo aan caqli iyo cilmi toona isula iman. Shikadaas waa laga soo gudbay maanta waa qaran. Nabadgelyadana baryo laguma helo waana loo wada baahan yahay.

Ha la kala xishoodo oo wax ha la isula hadho oo afka ciyaala suuqa golaha ha laga daayo haddii kale waa yooyootan sidii la doonaba ha la inoo arko. Ileyn nimaan xishoonayn dagaal xeeli kama hayso.

Sorry! Maan jeclayn in aan sokeeyaha ku soo kala fireeyo ee way naga keensanayaan.

Qarxiye
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
TALAABO CAYDA KULMIYE HADDAANAY KAA BIXINAYNIN JIIFKA IYO CUNTADDA MAAD RAGGA AFKOODU WAX JARAYO U DEYSID

Waxaan Salaamayaa dhamaan shacabka soomaaliland, Waxaanan u sheegayaa Somaliland Marxaladdo kala duwan ayey soo martay oo laga soo gudbay, Wax kastaaba bar bilow iyo bar dhamaad ayey leeyihiin arrinkan maanta taaganina wuxu ku dhamaan si kheyr leh insha alla.

Hadaba Jawabtani waxay daba socotaa dhaleecayntii iyo been ka abuuristii xisbiga kulmiye uu kula kacay ninkan talaabo la yidhaahdo, Anigu runtii waan u khajilay markaan saaxadda Mareegaha wax lagu qoro ku arkey magaciisa iyo turaanturadiisan. Waxa isu kay qaban la' Talaabo miyaanu ahayn ninkii berigii dhoweyd catowga iyo cayda gaalaa bixinayey ee ina riyaalle iyo dowladiisa caayey aakhirkiina aff-labadii kala waaxay
Ee qaylla dhaanta soo diray igga soo gaadhaay iga soo gaadhay inta aanay meel kalle illa tegin qofkan dumarka ah ee aan u xidhanahay, Ma adigii ayaa haddlaya waa wax laga xishoodo.

hadalkaasuna waxa uu lamidyahay Meydkii qolladdii sidey ay waddadii xabaalaha ka lumeen dabadeed ay is waydiinayeen jiddkii xaggaas ayuu ahaa maya ee dhinacaa ayuu ahaa kadib intuu meydkii soo sara fadhiistey yidhi berigii aan noollaa waddadaas ayaa loo mari jirey.

Waxa dhacday dowladdan ina riyaalle in ay talaabo u balan qaadey in ay u dirto dhakhtar debeda ah kadib markii uu ardasababa yimi ay warwareejisey fiisihiina la siin waayey, hudheelkii uu deganaana cuntaddii iyo jiifkii ku qabsaday, maxakamadna lagu geeyey laguna xukumay in aanu dhaafin qolka inta lacagta laga bixinayo, hase yeeshee lacagttii oo dowladu
ka bixinwayday aadna usii farabatay ayey qofkii dumarka ahaa ee lahayd huteelku go'aan kalle qaadatay, una sheegtey talaabo in aanu u qalmin in uu room kamida huteelka ku jiro oo ay u wareejinayso gurigeeda ama halkii kalle ee ay u garato, halkaas markii ay arrinku marayey ayuu oday yuusuf qaylo dhaan soo direy oo uu shacabkii s/land ee qurbaha-jogey arrinkii soo gaadhsiiyey sidaasna laggaga sii daayey xabsigii cajaa'ibka ahaa ee riyaalle.

Haddaba Miyaaney Damiir xumo ahayn ninkii siddaa kuu galay addiga oo wasiir sheeganaya inaad maantana haddal laguu soo dhiibey aad shirka la timaadid, waayo ma filayo in caqli aad wax kaga hadasho ama aad wax ku diido aqoontaadu kusiinayso. Waxa aan kugula talinayaa inaad ka istuqfaarsatid hadalkan kaa soo yeedhey oo haddii in uun damqasho kugu hadhay aad ka baxdid Udub iyo wasiir-kusheegan oo Magacii kaa dhimaye tashatid. Waa haddii kalle Dee haddal somalidu waxay tidhaahdaa, afnoolina waa haddlaa Eyna waa ciyaa.

Waxa kalloo aan ku xasuusinayaa inaad ku markhaati furtay dowladdan ina riyaale inay iyaddu tahay ta lacagta gidaar kasta la ordaysa qiimihii qarankana ku iibisey shillimaad iyo muddo kordhin, arrinkaas oo haddii bulshadu ka tashan u keeni kara cawaqib xummo.

SOOMALILAAND MA GAYDO SHILIMAAD.

ISMAIL ABDI JIIR .

Source: Sooyaal News.
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
Kabaqaade-Riyaale Yuusuf Ciise Tallaabo

April 2nd, 2009

Yuusuf Ciise Talaabo aniga oo in muddo ahba ku eegayay, waan kaala noqday maamuuskii mujaahidnimo waxaan kuugu yeedhayaa magaca aad jeceshahay Kabaqaade Yuusuf Ciise Tallaabo.Adigu waxaad isu aragtaa nin daacad u ah Riyaale, aniga iyo inta badan reer Somaliland waxaan kuu aragnaa kabaqaade dalkiisii iibsaday.

Markii Siyaad Barre lala dagaalamayay dadna waxay SNM u sheegan jireen dagaal ay kula jiraan reero dadna waxay ka ahayd mabda ay ummaddooda kaga xoraynayaan daaquudkii Siyaad Barre kuna doonayaan xoriyad, caddaalad iyo madaxbannaani waarta. Intiii SNM sheegan jirtay maanta ayaa la kala arkaa kii ugu jiray inuu reero kula dagaalamo, sida Yuusuf Ciise Tallaaboo oo dagaal kula jiray reerka Hartiga, iyo ninka mujaahidka dhabta ah ee dalkiisa iyo dadkiisa ka xoraynayay duliga oo maanta wali halkii ka sii wada inuu raadiyo Somalilnad oo xor ah.

Haddaba cilmi laawe Yuusuf Ciise Tallaabo wuxuu halkii ka wadaa dagaal shakhsi, ninkii hore ugu sheegi jiray mujaahid waa inuu ogaadaa inaan ninkani mujaahid ahayn ee uu ahaa warlord, maantana ka tirsan maamul burburinayana wixii laga soo dagaalamay kabahana u sida nin ka tirsanaa NSS-tii.

Muhaajidku waa kii dalkan xoriyaddiisa ilaaliya, nin u u xuub siibtay budhcadnimo iyo hanjabaado loola jeedo mujaahidiin dalkan uga lexojeclo badan igama geyo inaan ugu yeedhno mujaahid.

Kabaqaadaha Riyaale, Yuusuf Ciise Tallaabow aqoon laawe ayaad tahay wasiir ku xigeen dhaafi waayay, wax aad dalka u soo kordhisaana ma jirto, waa ayaan darro adiga oo mujaahid lagugu sheegi jiray inaad kaba qaade Riyaale ku dambayso aakhiro cimrigaagii.

Saaxiib ma maantaad mujaahidiin kaa sharaf iyo cilmi badan ugu hanjabtay dil toogasho ah adiga oo Riyaale u adeegaya?

Han yaridaa Tallaabow. Waa ayaan darro mar haddaad magacii iyo sharaftii laguu hayay iyo qarankaagii Somaliland aad daaquudkii NSS-ta ahaan jiray ee Riyaale aad maanta kaga iibsatay wasiir ku xigeen.

Saaxiib kabaqaadow, Ilaahay baad been u sheegtay markaad tidhi dil baan ku xukumayaa mujaahidiinta. Xukunka degdegga ah ee aad ku hanjabtay soo daa kii dastuuriga ahaana daaqadda ka tuur si raggu is arko markaa wixii aad hayso banaanka soo dhig anna waxaan kuu ballan qaadayaa inta aanad mujaahidiinta far saarin in aan annagu is aragno oo aan waliba dhegta dhiigga kuu dari doono Tallaabow.

Tallaabow waxa aad samaysatay cadow adiga oo u adeegaya Riyaale, markaa ma laga yaabaa inaad adigu u baahato ciidan ku galbiya sida Riyaale marka aad dhexmarayso dalka iyo dadka aad dilka ugu hanjabtay?

Xasan Gaas

xasangaas@gmail.com

Source: somaliland.org
Name : Soo Qaddime
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-03
SUMBAY BAA KU RAAGAYE HADDII
ANN LAGA TUMIN SAARKA

WIXII UU SURUCYO QABAY HADDII
ANN SALOOLKA LOO BADINNIN

SAXALKA UURKA IYO NACA QABIIL
HADDAAN SUURAD LAGU CASHARIN

SAFANTA OOGADA KU TAAL HADDII
AAN SUUBAG LAGAGA DUUGIN

IN TOOBINKA LA SAARO IYO HADDAAN
XIDIDDO LAGA SIIBIN

DHAAXUU NABADDA SAYDHAYE HADDAAN
CELL ADAG LAGU TUURIN

CAYNKII SABIGA HADDAAN XAFFAAYAD
SAAB LEH LAGU MEERIN

HAW FADHIYIN IN SAAQIDKAAD OGEYD
SAAXIGA KEENAAYE

HAW FADHIYIN IN SACABKII UU TIMO
SUBAXAN YEESHAAYE

HAW FADHIYN QABYAALADDA NIN LAGU SABAY
INU SAHAL KU DHAAFAAYE

HAW FADHIYIN SAHAN DANBUU WAX NOQON
OO LA SUGAYAAYE




IN SIILAANYO DAAHIRO
SAAQIDNIMO INU KA KARO
AMMA DAAYO SAQAJAAN
SINIIN BAAN ARKAAYO
SODDON BAAN KA DHOWREE
MA SAADAAL KALAA DHIMAN
TAASI WAY SAL DHEERTOO
SUURTA GALBA MAAHOO
SUGI MAAYO ABIDKAY
SAAKA ARJUN MOOYEE
MA SAANSAAN KALAA HADHAY
SIBITOOR LIQ MOOYEE
MA SASAB BAA WAX II TARAY
SAANI LAGA WAAYE
HADDAAN LA SANDULLAYNIN
SOMALILAND DHEELDHEEL IYO
SAFFAAD KU WAAYI MAAYEE
HADDAAN SUUKAYGII XUMAA
SAAKA AAN LA WAAYIN
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-03
Riyaale tirada 29-ka ma faal baa u qabtay bal ha la soo ogaado arintaa
saraarnews - Hargeysa, April 1, 2009


Wasiirkii hore ee Deegaanka iyo Horumarinta miyiga Soamliland Md Fu’aad Aadan Cadde, oo xilligana ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa Saxaafada ugu baaqay inay soo baadhaan waxa qabashada doorashooyinka dalka iyo dhacdooyinka siyaasiga ah ku beega tirada 29.

Md Fu’aad Aadan Cadde, wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu maanta xarunta dhexe xisbiga KULMIYE uu kula hadlayay warfidiyeenka, waxaanu yidhi:

“Aniga wax baa iga yaabiyay, Qaraxii Hargeysa ka dhacay wuxuu dhacay 29-kii October 2008, Doorashadii madaxtooyada hore waxa looga dhigay 29-ka March, Dhagaxa Madaxweynuhu isku xeeray waa 29 xabo, Guurtidii uu dirtay ee uu yidhi wax ii saxeexa ee mooshinka Golaha horkeentay waa 29 Mudane, dadkii qaraxa ku dhintay isaga iyo allihiisee wuxuu yidhi waxay ahaayeen 29 Qof, cid uu mag siinayo ma aynaan arage’e, haddana waxa la yidhi 29-ka September waa maalinta doorashada la qabanayo, 29-ka bisha October-na waa maalintuu meesha ka degayo ayaa la leeyahay, bal waxaad soo baadhaan waxan oo 29 ah.”

Source: http://www.saraarnews.com
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-03
Marka Wasiir-kuxigeenka Cadaaladdu Rabo In Lagu Dilo Yaa Kuu Xaqsooraya?

April 3rd, 2009

Marka Madaxwaynaha waddanka Dahir Rayale uu dastuurka ku tumanayo, doorasho aanu diyaar u ahayn ee uu jecel yahay inay Guurtidu mar walba mudada xilka u kordhiso, Marka wasiir-kuxigeenka Cadaaladu uu rabo in la dilo ama la xidho hogaamiyaha xisbiga KULMIYE, marka Guurtidu mar walba u kordhiso xukunka Dahir Rayale ee wakhtigu ka dhamaaday, marka askarta police-ku ay rasaas ku ridaan dadka shicibka ah ee si nabadgelyo ah u mudahaaradaaya, marka xoolaha dadwaynaha sida idaacada, baabuurta dawlada, televisionka dawlada loo isticmaalo in tartanka UDUB lagu geliyo; waxa is waydiin leh intii UDUB gefkan gelayeen maxay sameeyeen KULMIYE ee arrinkan kaga jawaabeen?

KULMIYE markii lagu yidhi doorashadii waa la idinka helay sannadkii 2003-da way ogolaadeen oo waa kii Gudoomiye Ahmed Silanyo waddanka badbaadiyay iyada oo dhamaan wadnaha farta lagu hayo. Markii mudada xilka loo kordhiyay Rayale sanadkii 2008-ka waa kii KULMIYE iyo Ahmed Silanyo ogolaadeen muddo kordhinta. Maanta markii mudada loo kordhiyay 2009-ka waa kaa KULMIYE ka werweraya nabada iyo xasiloonida, ka talinaya danta qaranka, danta shicibka, iyo sidii waddankan loo badbaadin lahaa oo loo heli in shicibka la siiyo fursad ay helaan xuquuqdooda oo ay ku doortaan madaxwaynahooda. Maanta shicibka Somaliland meelkasta oo ay joogaan qurbo iyo gudaha labadaba waxay ka siman yihiin inay doonayaan in waddanka doorasho ka dhacdo, waanay ka soo horjeedaan mudo kordhinta xilka Dahir Rayale. KULMIYE wuxu ku tashaday inuu xuquuqda shicibka Somaliland u raadiyo ku dodo sidii doorasho xor iyo xalaal ah loo gaadhi lahaa sida ugu dhakhsaha badana looga bixi lahaa mudadan mar walba xilka la kordhinayo Dahir Rayale dawladiisa.

Shicibka Somaliland ha is waydiiyeen haddii madaxwayne kasta oo la doortaa uu kordhisanayo xilka muddo labasanadood ah, maxaa ku kelifaya inuu raadsado in doorasho dhacdo? Jawaabtu waxa weeye waxa laga yaabaa in madaxwayneyaasha ka dambeeya Dahir Rayale ay sidiisoo kale yeelaan oo ay marayaan waddada ay maanta Dawlada Rayale marayso oo awoodooda saaraan sidii mar walba xilka loogu kordhin lahaa halka ay awoodooda ka saari lahaayeen sidii doorasho loo qaban lahaa. Maanta waddanka Somaliland wuxu u baahan yahay isbedel iyo in la badbaadiyo; Dahir Rayale iyo wasiiradiisa waddanka xukumayay 8-da sannadood kuuma soo wadaan isbedel wax kuu tara. Shicibka Somaliland waxan u sheegayaa in xisbiga KULMIYE yahay ka maanta doonaya in doorasho deg-deg ah waddanka ka dhacdo si muwaadiniintu u helaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ay ku doortaan madaxwayne.

Waxa shaki la’aan ah in maanta shicibka Somaliland is waydiinayaan haddii maanta KULMIYE doorashada ku guulaysto maxaan aniga iga soo gelaya? Maxay kaga duwan yihiin UDUB-ta imika joogta? Waxan arrinkan kaga jawaabayaa in KULMIYE samaynayo dawlad waddanka u naxaysa, shicibkana siinaysa mudnaanta, illaha dhaqaalaha oo dhan u faraysa shicibka si loo abuuro meel ay dadku u shaqo tagaan. KULMIYE wuxu furayaa in shicibku yeelan karo idaacado oo ay xaq u leeyihiin, in shicibku yeelan karo shirkado ay iyagu iska leeyihiin oo aanay dawladu soo faro gelinin, KULMIYE wuxu markiiba meesha ka saaraya gudida isku magacawday “Gudida Nabadgelyada” laakiin dadku u yaqaaniin “Gudida laaluushka” ee xidhxidha dadka shicibka ah ee masaakiinta ah. KULMIYE wuxu dhisayaa dawlad u dhexaysa dhamaan shicibka Somaliland meel kasta oo ay joogaanba oo dacaad u ah qaranka iyo shicibka, dawlad ilaalinaysa dastuurta. KULMIYE wuxu qabanayaa doorashada xiligii loogu talo galay, KULMIYE Guurtida kama dalbanayo in xilka loo kordhiyo. KULMIYE wuxu samaynayaa maamulka maxkamada oo daacad u ah qaranka, shicibkana si cadaalad ah ugu xaq sooraan. KULMIYE wuxu samaynayaa dawlad kooban oo tayo leh, KULMIYE wuxu samaynayaa Idaacad iyo television ka dhexeeya qaranka oo dhan oo aan lagu ilaalin danta KULMIYE oo keliya.

UDUB, Dahir Rayale, Ahmed Yassin iyo Wasiiradiisa 8-deed sanadood ayaad arkayseene ma filaysaan inay isbedel idin keenayaan? Waxa shicibka Somaliland ka filayaan Dahir Rayale waa wixii ay ka heleen sideedii sanadood ee la soo dhaafay. Miyaanad khaatiyaan ka joogin Dahir Rayale oo ku hor taagan 11 sannadood? Sida keliya ee Somaliland guul ku gaadhaysaa waa in isbedel la sameeyo oo aan laga ogolaan Dahir Rayale inuu dastuurka ku tunto. Maalin ay noqotaba way dhacaysaa doorashadu, shicibku way xasuusan yihiin ninka dantooda u daqaalamayay iyo ninka xuquuqdooda duudsiyay ee diiday doorashada ee doonaya korodhsiga.

Shicibka Somaliland ee doonaya isbedel iyo sidii waddanka horumar loogu samaynaa lahaa waxay taageerayaan KULMIYE, shibicka aan wali hubin waxa KULMIYE soo wado, waxan rajaynayaa in maqaalkani tuso xisbiga lexejecladu ka hayso waddanka inuu yahay KULMIYE oo ficilkiisu muujinayo sidaas, iyo xisbiga’aan kala jeclayn waxa waddanka ka dhacaya iyo horumarka waddanka oo aan la isku taxalujinin waa UDUB, waxaana muujinaya ficilkooda.

Waa nasiib darro halkii aynu ka filaynay in xukuumada Dahir Rayale ay ictiraaf ka keento caalamka kale ayay waxay keliftay in ficilkeedu kelifo in xukuumada Somaliland lumiso ictiraafkii shicibka Somaliland ay aqoonsanaayeen dawladooda dhexe iyo maamulkeeda. Ictiraaf UDUB keento hadalkiisa iska daa, waa kuwaa maanta kelifay in badh ka mida shicibka Somaliland ay aqoonsigii kala noqdeen xukuumada Somaliland.

Shicibka Somaliland waxa ku waajiba marka doorasho dhacdo inay taageeraan xisbiga dantooda ka talinaya, xisbiga waddanka lexojeclo ka hayso, xisbiga’aan dalban doonin in loo kordhiyo mudada ay xilka hayaan, xisbiga doorasha ku qabanaya xiligii loogu talo galay. Xisbiga waddanka iyo shicibka u shaqaynaya ee gudanaya xilkii loo igmaday; xisbigiga keliya ee maanta u hiilinaya shicibka iyo qaranka, ee xuquuqdooda u daqaalamaya waa KULMIYE.

Rashid Garuf
Virginia, USA
rgaruf@gmail.com

[ Reply ]



Name : Garowe Online
Subject : Re : jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
HARGEISA, Somalia Apr 2 (Garowe Online) - The government in Somalia's separatist republic of Somaliland has responded strongly to opposition criticism, warning that the government "will not accept threats" from the opposition, Radio Garowe reports.

A statement issued by Somaliland's leading opposition party, Kulmiye, expressed the party's opposition to a decision by the House of Guurti, the upper house of parliament, which granted the administration of President Dahir Riyale a six-month extension period to lead the region until presidential elections later this year.

"The Kulmiye Party sees the March 28, 2009, decision by the House of Guurti which extended the President's term by six months as a violation of the law and the constitution," the statement read, adding that legitimate constitutional excuses for an extension such as "threats to national security are non-existent."

The statement went on to say that the House of Guurti "does not have the constitutional right" to establish election dates, arguing that it is the sole duty of the Somaliland election commission.

Further, the Kulmiye party's political statement indicated that the proposal of the lower house of parliament, the House of Representatives, was not respected.

"There was no respect for the elected House of Representatives' decision that if the election is not held within the one-year term extension period [starting May 2008], then the two lawmaking bodies [houses of parliament] convene for a joint session and reach a single decision," the statement read.

Therefore, the statement went on, "the Kulmiye Party will not recognize Dahir Riyale and his deputy [Vice President Ahmed Yusuf Yasin] as legitimate after April 6, 2009."

The opposition party warned strongly against the government's misuse of public institutions, including state-run media, public funds, and the security forces.

Mr. Ahmed Mohamed Silanyo, the Kulmiye party chairman, is the leading opposition figure in Somaliland's presidential election. In 2003, he lost by less than 90 votes to incumbent President Riyale.

Government response

Somaliland's presidential office has issued a counter-statement, specifically responding to the Kulmiye party's political position.

"At first, we will say that the words from him [Silanyo] and his party [Kulmiye] are a naked violation of the law and constitution of Somaliland...which state that the President and the Vice President can [only] be replaced by a new elected President," the presidency's statement read.

Citing a constitutional clause, the statement defended the House of Guurti's "right" to extend President Riyale's term in office "until there are elections."

"The Chairman of Kulmiye Party [Silanyo] previously declared that he is confident with the decisions of the House of Guurti, which is a constitutional body, yet he opposes the House of Guurti's vote to ratify a term extension for the President and the Vice President," read the Somaliland government's response.

Further, the statement accused the Kulmiye party of "not respecting the constitution," while advising the opposition to "believe and uphold the consitution and the law if one wishes to lead the country [Somaliland]."

Lastly, the government's response warned that "no one will be accepted to threaten the constitution."

Somaliland's political crisis has entered a new period, as the government and the opposition have been further divided by the House of Guurti's controversial vote to delay the presidential election for the second time in two years.

The House of Guurti, which is an unelected lawmaking body mandated with far-reaching constitutional powers, received a four-year term extension in 2007 supported by President Riyale.

By comparison, the 82-seat House of Representatives was elected in a public vote but has been denied a role in the ongoing political crisis.

Located in northwestern Somalia, Somaliland unilaterally declared independence from the rest of the country in 1991 but has not been recognized internationally.

Source: Garowe Online

Name : Mr. Halgame
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
Salaadiinta Beelaha habarjeclo oo Hambalyeeyey Dedaalka wadaninimo ee Xubnaha Beelaha Harti kaga jira Guurtida Somaliland

Beelahaas Harti kolay degaan iyo dad iyo dhulba waa naga dhaxeeya. Waxaanu wada degnaa Sool, waxaanu wada degnaa Togdheer iyo Sanaag
Somalilandfuture - Hargeysa, April 2 , 2009

Salaadiinta Beesha Habarjeclo ayaa u soo jeediyey hambalyo xubnaha beelaha Harti ugu Jira Gollaha Guurtida Somaliland, waxayna aad uguga mahadnaqeen sida ay u illaaliyaan, isku xidhnaanta iyo isku duubnida Somaliland dadkeeda. Xubnaha Salaadinta ah ee baaqa soo jeediyey ayaa si ka fiirsasho leh u soo bandhigay niyad wanaag ay ay hayaan xubnaha beelaha harti ee ku jira Gollayaasha Qaranka. Suldaan ka mid ah salaadiinta beelaha habarjeclo ayaa yidhi.

“ Beelahaas Harti kolay degaan iyo dad iyo dhulba waa naga dhaxeeya. Waxaanu wada degnaa Sool, waxaanu wada degnaa Togdheer iyo Sanaag. Waxaanu mar walba ugaga mahadnaqaynaa’ laga soo bilaabo shirkii beelaha Danwadaag, Shirarkii nabadynta iyo illaa maanta oo Somaliland hanaqaaday, in ay si xilkasnimo leh u illaalinayeen xidhiidhka beelaha danwaagta ah”.

Inkastoo aanu sheegin hamblayadaasi waxa ay ka turjumayso, haddana waxa ay dadku u fasishay in ay ku jihaysan tahay doorashadii muddo kordhinta xukuumada Somaliland oo Beelaha harti la foodeen beesha habarjeclo oo xubnahoodii isu raaceen diidmada xukuumada. Waxa sidoo kale ku raacay diidmadaas xubno kale oo ka soo jeeda gobolada Somaliland, laakiin waxaa si laxaad leh u diiday muddo kordhinta xubnaha beelaha Harti ugu jra Guurtida.

Guddoomiyaha Guddida Habarjeclo ayaan weli ka hadlin arrinta muddo kordhinta, waxaase la sheegayaa in uu telefoon kula xidhiidhay xubno badan oo beelaha harti ka soo jeeda, una mahadnaqay dedaalkooda, badbaadinta iyo kaqaybqaadashada arrimaha qaran.

Source: http://www.saraarnews.com
Name : Soo Qaddime
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-03
SUMBAY BAA KU RAAGAYE HADDII
ANN LAGA TUMIN SAARKA

WIXII UU SURUCYO QABAY HADDII
ANN SALOOLKA LOO BADINNIN

SAXALKA UURKA IYO NACA QABIIL
HADDAAN SUURAD LAGU CASHARIN

SAFANTA OOGADA KU TAAL HADDII
AAN SUUBAG LAGAGA DUUGIN

IN TOOBINKA LA SAARO IYO HADDAAN
XIDIDDO LAGA SIIBIN

DHAAXUU NABADDA SAYDHAYE HADDAAN
CELL ADAG LAGU TUURIN

CAYNKII SABIGA HADDAAN XAFFAAYAD
SAAB LEH LAGU MEERIN

HAW FADHIYIN IN SAAQIDKAAD OGEYD
SAAXIGA KEENAAYE

HAW FADHIYIN IN SACABKII UU TIMO
SUBAXAN YEESHAAYE

HAW FADHIYN QABYAALADDA NIN LAGU SABAY
INU SAHAL KU DHAAFAAYE

HAW FADHIYIN SAHAN DANBUU WAX NOQON
OO LA SUGAYAAYE




IN SIILAANYO DAAHIRO
SAAQIDNIMO INU KA KARO
AMMA DAAYO SAQAJAAN
SINIIN BAAN ARKAAYO
SODDON BAAN KA DHOWREE
MA SAADAAL KALAA DHIMAN
TAASI WAY SAL DHEERTOO
SUURTA GALBA MAAHOO
SUGI MAAYO ABIDKAY
SAAKA ARJUN MOOYEE
MA SAANSAAN KALAA HADHAY
SIBITOOR LIQ MOOYEE
MA SASAB BAA WAX II TARAY
SAANI LAGA WAAYE
HADDAAN LA SANDULLAYNIN
SOMALILAND DHEELDHEEL IYO
SAFFAAD KU WAAYI MAAYEE
HADDAAN SUUKAYGII XUMAA
SAAKA AAN LA WAAYIN
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-03
Riyaale tirada 29-ka ma faal baa u qabtay bal ha la soo ogaado arintaa
saraarnews - Hargeysa, April 1, 2009


Wasiirkii hore ee Deegaanka iyo Horumarinta miyiga Soamliland Md Fu’aad Aadan Cadde, oo xilligana ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa Saxaafada ugu baaqay inay soo baadhaan waxa qabashada doorashooyinka dalka iyo dhacdooyinka siyaasiga ah ku beega tirada 29.

Md Fu’aad Aadan Cadde, wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu maanta xarunta dhexe xisbiga KULMIYE uu kula hadlayay warfidiyeenka, waxaanu yidhi:

“Aniga wax baa iga yaabiyay, Qaraxii Hargeysa ka dhacay wuxuu dhacay 29-kii October 2008, Doorashadii madaxtooyada hore waxa looga dhigay 29-ka March, Dhagaxa Madaxweynuhu isku xeeray waa 29 xabo, Guurtidii uu dirtay ee uu yidhi wax ii saxeexa ee mooshinka Golaha horkeentay waa 29 Mudane, dadkii qaraxa ku dhintay isaga iyo allihiisee wuxuu yidhi waxay ahaayeen 29 Qof, cid uu mag siinayo ma aynaan arage’e, haddana waxa la yidhi 29-ka September waa maalinta doorashada la qabanayo, 29-ka bisha October-na waa maalintuu meesha ka degayo ayaa la leeyahay, bal waxaad soo baadhaan waxan oo 29 ah.”

Source: http://www.saraarnews.com

[ Reply ]



Name : Kala Lumis Tilmaame
Subject : Re : jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
DADKA SOMALILAND WAY OGYIHIIN KUWA LA SHURAAKADA ARGAGIXISADU INAY REER KALA LUMIYE YIHIIN.

YAA SAMEEYAY QARAXII HORE EE GUURTIDA ?
SOW IYAGA MA AHAYN KUWII MAALINTAA WEERARKA KU QAADAY FADHIGII GUURTIDA IYAGOO SI SHARCIGA BAAL MAARSAN U SOO JIIDHAY IRRIDAHA KUNA HANJABAY HADDAAN TOODA LA YEELIN INAY QARXIN DOONAAN GOLAHABA MARKA AY SAACADDU TAHAY 12.00 DUHURNIMO. ISLA SUBAXAA KOLKII FADHIGII GUURTIDU KA QABSOOMI KARI WAAYAY QAYLADII NIMANKAA WAA TII GUURTIDU SIDA CAD U SHEEGTAY IN LOO HANJABAYO OO WAQTINA LOO QABTAY KU SIMAN 12.OO, ISLA DHARAARTII ISLA SAACADDII WAAKII QARAXU KA DHACAY
XARUNTA GUURTIDA, NASIIB MA DHICIN KHASAARE XAGGA NAFTA AHI WAXAYSE GEYSTEEN KHASAARE MAADDI AH OO BAAHSAN.

KOLKII AY ARRINTAA WARBAAHINTU KU XOOMEEN HORBAADAYAASHA KALA LUMISKA QAAR BADANNA AY MASHQUULIYEEN TELEFONNADOODA SOW KUWII CABAADKA KA WADHAY INAANAY IYAGU QARXIN GUURTIDA MIYAANAY SHEEKO CARRUUREED IYO FULEYNIMOBA AHAYN TAASI.

XAMAR BAA LAGAGA DHAWAAQAY MAXAAKIIM AYAYNU MAQALLAY OO KOLBA MEEL WEERARTA OO QABSATA, SOW AFKOODA UMMAD YAHAY KAMAYDAAN MAQLAYN NIMANKAA XAMAR JOOGA OO KU TIRAABAYA INAANY JIRIN SOMALILAND OO AY DHAWAANNA QABSAN DOONAAN IYAGOO YIDHI HADDEERBA WAA JOOGNAA DADKUNA WAY NOO YEEDHEEN OO IYAGAA NA RABA MIYAANAY XATTAA MAGAACIBIN BURCO IYADOO LA GARANAYO CIDDA UUGA YEEDHATAY EE AY SHEEGAYAAN OO AHAYD KUWII DHALLIN YARADA HUBEEYAY EE UU WATAY SHAYDAAN CALI WARSAME.

- DANBIILAYAASHA KA SOO HOR JEESTA QARANNIMADA SOMALILAND MAXAY SAAXIIB UULA NOQDAAN KALA LUMISKA EE AY UGU DARSADAAN SUFUUFTIISA SIDA CABDALLA XAAJI CALI OO AHAA NINKII AWELBA KALA LUMISKA KU JIRA INTUU BBC-DA KA LA HADLAY LAHAA WAXAAN TAAGEERSANAHAY SHIRKA SOMALIWEYN EE SIDA BADHEEDHKA AH MAR UU JOOGAY BERBERA UGU TIRAABAAYAY IN AANAY JIRIN SOMALILAND.

MARKII BILAYSKU IS YIDHAAHDEEN QABTA SOWTII AY QARIYEEN KALA LUMISKU EE LOOLA CARARAY BARIGA BURCO MIYAANU MAALINTII XIGTAYBA KA LAHAYN IDAACAAHA YAA ANIGA I XIDHI KARA IMMINKABA BURCO AYAAN JOOGAAYE, MIYAAN HADDANA LAGA DABA TEGIN SI LOO SOO XIDHO OO AAN KALA LUMIS LUMISKII UULA ROORIN DHANKA GARAWE OO AY CILAAQAAD SOO JIREENA ILAA WAAGII CIGAAL LA LAHAAYEEN. TAN GAROWE WAXAY BILAABANAY KOLKII MAAYARKII WAAGAA LAGA ERYAY SHAQADA OO AY MARKIIBA JAWAABTOODA AHAYD INAY U TAGAAN CABDILLAHI YUUSUF IYAGOO DHOWR IYO TOBAN NIN AH OO MAANTA KULMIYE KU WADA JIRA OO AANAY HALKAA JOOGIN MUDDO AAD DHEER. TII U DAMBAYSAYNA MIYAANAY AHAYN KUWII XILDHABAANNADA KULMIYE AHAA EE SIDOO KALE IYANA U CARARAY GAROWE KOLKII AY KA FASHILANTAY JABHADAYNTII AY WADEEN IYO BAABUURTII KURKA LAGA JARAY WAXAN SHEEGAYAA XILDHIBAANNADA KU HAATAN KU JIRA GOLAHA WAKIILLADA EE KALA AH YUUSUF ASHFAQO IYO XASAN GUURE GUURE OO BIL IYO BADH KA DIB SOO NOQODKOODII LAGU XIDHAY LAAS CAANOOD MUDDO LIX CISHO AH.

MIYAAN KALA LUMISKU AHAYN KA HORENA LIX XILDHABAAN UGU DIRTAY SHIRARKII KENYA OO AHAA QAAR KALA DAMBEEYAY WAX GUDAHA KA TEGAY SIDA SIFIR OO ZERO KA AH DAMIIRKANA , CABDALLAHAN AYNU KA HADLAYNAY IYO QAAR KALE IYO KUWA AY KA MID AHAAYEEN MADAXII HORE EE SOMALILAND FORUM IYO WAXAAS WAX LA MIDA.

MIYAAN SAFARKII SIILAANYO EE NAIROOBI AANU WALAD AFKIISA KU WAR BIXIN IN SIILAANYO RABO RAÌISAL WASAARE, MIYAAN AAKHIRKII GORGORTANKAA LAGU HELIN WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA OO AAN LOO MAGAACIBIN OOMAAR OO AHAA XUNAHA UGU FIRFIRCOON KALA LUMISKA.

MIYAAN HADRAAWI, SULDAAN CISMAAN IYO RAXAN KALE OO DHAMMANTOOD SOMALIEYN AHI SI CAD CAD UUGA DHEX MUUQAN SHIRARKA KALA LUMIYE OO AANAY XUBNO TIIRAR AH.

WAAR URURKANI WAA KA ARGAGIXISADU AY ISKU SOO HALLAYSO EE MAR WALBA HOOYGA U AH WAXA AAN MURAN KA TAAGNAYAN INUU CAADAYSTAY FALALKA NOOCAAS AH OO HANJAABAD IYO CAGA JUGLAYNBA UMMADDA KU HAYO AF IYO ADDINBA ANOO AAD UGU TUHUN QABA INU XATTAA KU LUG LEEYAHAY QARAXYADAII 29KII OKTOOBAR OO AANU NADIIF KA AHAYN.

UMMADDU WAA HORE AYAY ISKU RAACDAY INAY KA GUDUBTO HABKA WAX U QAYBSIGA EE KU DHISAN BEELNIMADA UNA GUDUBTA DAWLAD DHAMMAYSTIRAN OO LEH AHNNAAN DIMUQRAADIYEEDKA AXSAABTA TIRADA BADAN SI QABYAALADDA MEESHA LOOGA SAARO , KUWII KALE WAY KU SOCDAAN QODOBKAASI DISTOORIGA AH LAAKIIN KALA LUMIYE AYAA DIIDAY KANA HOR YIMI SI CADNA U AH XISBI BELEED. TAASI MIYAANAY AHAYN DENBI WEYN OO LAGA GELAYO QARANNIMADA SOMALILAND OO WACAD FUR LAGU SAMEEYAY HESHIISYADII LAGU SOO AFJARAY WIXII HORE LOOGU DHAQMI JIRAY EE AHAA AXDI QARAMEEDKA AMMA NATIONAL CHARTERKA.

WAXA KALOO AAD LA SOCOTAAN IN URURKAN XAARANTA AHI UU CURYAAMIN WEYN KU HAYO DHAQAALAHA DALKA ISAGOO U HANJABAY SHARIIKADDII SIBIDHKA OO SHEEGTAY IN TOOS LOOGU WAR GALIYAY INAANAY ISKU IMAN DALKA IYO SIDOO KALE TII ASANTE EE PETROLKA OO IYADU DAABACDAY OON QARINBA SHEEGTAYNA CIDDA E.MAILKA U DIRTAY IYO HALKAY JOOGAANBA, WAXA INTAA DHEER IYADOO AAD LOOGU DHIIRRADAY IN LAGU YIDHAAHDO INGIRIISKA IYO DAWLADO KALEBA INAAN SOMALILAND LA AQOONSAN OO TAANA ISLA DAWLADIHII CADDEEYEEN INU KALA LUMISKA YAHAY.

ILAAH BAAN IDINKU DHAARSHEE MA AMUUMAA TIHIIN, MA MARKAAD GEERI BAA KU SUGAYSAAN MISE CAQLIGAA IDIN GABAABSIYAY DADYAHOW. HADDII AAD WAX QAADANAYSAAN MAANTA AYAY TALO IDIIN TAALLAA SI SOMALILAND AY CAAFIMAAD U HESHANA WAA IN HELAA WIXII KALA LUMISKA LAGU BEDDELI OO UMMADDANA TIRADA DHIMAN EE HAATAN LABADA AH LOOGA DAAYAA SI LOO HELO SADDEXDII XISBI QARAN EE DALKA IYO DADKA U EEDAGI LAHAA, OO TALLABBO SHARCIGA WAAFAQSANNA LOOGA QAADO KUWAN MUJRIMIINTA AH EE ISU BAHAYSTAY BURBURINTA QARANNIMADA SOMALILAND.

MA TAQAAN INNABA WAXA URURKAN GALA EE KA KOOBAN YAHAY?

!-FIDNO WALAYAAL DALKA KA RIDAY DAGAALLO SOKEEYO SIDA SIILAANYO, INA BIIXI, INA KAAHIN IYO WAX LA NOOCA IYAGOO KU GABBADA WELI MAGAC WAA HORE AY ISKA GUBEEN OO AH KI MUJAAHIDNIMADA.

2. QAAR AHAA WASIIRRO HORE OO SHAQADA LAGA ERYAY KA DIB HAWL GUDASHO LAÀAN AMMA XATTOOYO X.D.SI HAWL YARAANA AH AYAA DENBIILAYAASHA LOOGU QAABILAA XARUMAHA DAL DUMISKA KALA LUMIYE.

3- XUBNO KA MID AH SOMALIWEYN OO IYANA AAN U TEGIN KARIN XISBIYADA KALE BALSE OG HALKA AY HAWSHOODA SOMALIWEYNNIMO KA SII WADI KARAAN INAY TAHAY KALA LUMISKA.

4. CID KASTA OO NECEB SOMALILAND SIDII MAXKAMDAHA KUWII TAAGEERAY AYAA IYANA KU JIRA.

5. SIILAANYO IYO TABACIISU OO AH KUWA KU MUDDAHAARADA WUFUUDDA AMMA DIBEDAHA UUGA OLOLEEYA INAA LA AQOONSAN DALKA, WELINA AAN KA QAYB NOQON DEDAALKA WADA JIRKA AH EE UCID-UDUB WADAAN OO TIRABA DHOWR JEER UU FAYSAL CALI WARAABE SHAKHSIYAN UU UGA SII HORREEYAY LONDON SI UU UUGALA QAYB GALO KULAMADDA ICTIRAAF DOONKA AH IYADOO AAN MAR QUDHA LA ARAG KALA LUMISKA OO CAYNKAA YEELA.

UMMADDU WAXAY DALBANAYSAA IN DIB LOOGU SOO CELIYO XISBIGII LAGA DHACAY.

HA IILANNIN ABIDKAA
HA U LIICIN CADOWGAA
LURKU KUMA SAHDEEYO
LIBINBAAD KU NAALOON
I LOVE YOU SOMALILAND

KALA LUMIS TILMAAME

Name : Kala Lumis Tilmaame
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
QODOBKA 6-aad kuwii rabshad walayaasha ahaa ee gabboose iyo Maxamad Xaashi ee iyana mar damcay inay xisbi qassab ah oo sharci darro ah inay samaystaan. Nimankaa oo keliya cadho shakhsi ah oo ku salaysan qof neceyb ay halkaa gaadhsiisay sida qaar kaloo badn ayaa iyana aakhirkii daf yidhi godka la yidhaa isha qudhunka ee KALA LUMISKA taa si wanaagsan baad u ogtihiin waayo ma jirto meel kale oo qudhunku isku urursdao oo aa ka ahayn halkaa.
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
An overly enthusiastic Riyaale Supporter from Borame wrote this topic:

April 1st, 2009

“Waxaa arrin lagu farxo ah shalay oo ay golaha guurtida Somali Land Madaxwayne Daaahir Rayaale Kaaahiin muddadii xil haynta u kordhiyeen, si uu xilka madaxnimada u sii hayo illaa bisha 10aad doorashaduna ay dhacdo bisha 9aad, alxamdulilaah.
markaa madaxwayne Rayaale waa nin Siyaasi ah wuxuna ku guulaystey inuu beeshii taaageeri jirtey SNM dullinimo ayna ka soo kaban dhaxalsiiyey, raggii SNM iyo magaca beeshooda ku halgami jireyna balaayo ayuu ku dhigey, markaa anigu reer Awdal waxaan kula talinaya inay Rayaale taallo u dhisaan isaga oo nool marka uu dhintana ilaahay cimrigiisa ha dheereeyee ay qabrigiisa siyaartaan, sobobtoo ah siyaasad ayuu ku kala jajabiyey beelihii reer Hargeysa waxaana arrin sida quraanka loo rumaystey noqotey in ayna beesha Dhexe iyadu is maamuli Karin oo ay isku dhacayaan haddii uu Rayaale ka dhex baxo. arrintaana ilaahay ha ka raalli ahaadee Rayaale ayaa mabda` sugan ka dhigey oo maanta ineyna beesha Hargeysa kaligeed ismaamuli karayn waa la ogaadey oo ayna Raayaale ka maarmayn, innagauna inaan ku dabo faylno weeyaan, beelaha kala duwan ee reer Awdal ee Kulmiye u ololeeyaana ha ka waantoobeen waxa ay wadaan.
Madaxwayne Rayaale siyaasado iyo tallaabooyin istiraatiiji ah buu qaaday oo uu ku liciifiyey kibirkii iyo santaagii reer Hargeysa waxaana ka mid ahaa:
1. nimankii asaasey xisbiga Qaran ee Dr.Gaboose iyo Maxamad Xaaashi markii loo taagwaayay waa kii Rayaale jeel ku gurey ee xataa kaliya siyaasiyiinta reer Borama uun u ogolaadey inay booqdaan, dabadeed markii ay talo nimankii ku ciirtey waa kii aroor ciid ah sii daayay kuna daray cafis uu ugu talo gelay 50 ka tirsan tuugtii guryaha u dhici jirtey, dabadeed nimankii waxaa qasab ku noqotey iney si edeb leh ugu noolaadaan dalka xisbigoodiina ciyi waa ka baryey buu noqdey oo lama aqoonsan.
2. muddo kordhintii hore ee bishii 5aad ee sannadkii hore waatii madaxda xibiyada mucaaradka oo dhami ku dhaarteen iney ogolaan doonin madaxnimada Rayaale wixii ka danbeeya 15ka May, dabadeed markii uu madaxwaynuhu kala jajabiyey ee uu iyaga isku jabiyey waxay u hoggaansameen duruufihii jirey qasab bayna ku qaateen.
3. madaxwayne Rayaale markii uu tegey Ethiopia sannadkii hore wuxuu la soo saxeexdey heshiis dhigaya in uu tebiyo cid kasta oo maamulkiisa khatar gelineysa oo dabcan argagixiso lagu tilmaami karo, arrintaasina waxay noqotey mid uu Rayaale kaga cabsiiyo Muraaridka.
4. markii ay doorashooyinkii soo dhawaadeen ayuu madaxwayne Rayaale alle ha ka raalli ahaadee ku dhawaaqey gobollo iyo degmooyin cusub, suurto gelna maaha in reer gobo lama degmo la siiyey ay madaxwaynaha afka ku taagaan.
5. madaxwayne Rayaale wuxuu isku dayay inuu doorashooyinkii xisbiyada mucaaradka saamayn aan muuqan ku yeesho, tusaale ahaan khilaafkii xisbiga Kulmiye kaalin wax ku ool ah ayuu ka cayaarey oo Halyey C/raxmaan buu ku taageerey kala jajabinta xisbigaasi, kadib waxa uu ku guuleystey inuu shakhsiyad uu ku kalsoonyahay ku darsado hoggaanka sare ee xisbiga Ucid, waxaana ku soo baxay ku xigeenka xisbigaasi Dr.Maxamad Rashiid oo ay Rayaale isku ogyihiin inuu taageerada Kulmiye ee Awdal kala jajabiyaan.
6. madaxwayne Rayaale waa nin cilmiga sirdoonka aaad u yaqaan oo reer walba marka ay guux bilaabaan iyaga ku dhex dhaca oo kala jajabiya.
6. haddii uu maanta Siilaanyo dagaal inuu qaado damco waxa uu madaxaynuhu adeegsan dooonaa hantida iyo ciidanka dawladda, qalabkiisa warbaahinta waxa uu u adeegsan inuu dadka kaga dhaadhciyo in uu Siilaanyo Rabo inuu Habar Awal gumeysto, sidaa darteedna beesha Hargaysa ayaa ku kala dhiman oo ku kala jabi, sidaasna innaga ayay dani innoogu jirtaa.
7. madaxwayne Rayaale waxa uu 3 bilood odayaal badan oo reer Awdal ah oo uu gurigiisa kula shirey ugu ballan qaadey inuu u halgami doono kordhinta kuraasta reer Awdal oo uu ka dhigi doono 40 kursi, laakiinse iyaga looga baahanyahay iney ku dagaallamaan si hadhaw nabad galyo darro laga cabsi qabo awgeed loogu ansixiyo.
Markaa haddaba ninka Rayaale necebi ha dhinto, , Siilaanyo iyo Saylicina waxba wadanka uma soo wadaan.
Daaahir Raytaale Kaahin ha noolaado, Daaahir Rayaale Kaahin ha noolaado. Ninkii necebina ha dhinto. By Cabdi Jaaamac Dirir, Hargeysa, dirir45@yahoo.com.”

He is boasting and thinks that he is praising Riyaale, but he is actually revealing Riyaale’s secrets and devious tactics. Take a hint and read between the lines. He really has just confirmed to us what we knew he is doing all along. Riyaale has taken his cues from his old master and can not be trusted; treason, abuse of power, infringement of the law of the land, mismanagement and bribery to influence the outcome of the House of Elderly decision making, such as the postponement of elections dates, time and again, for no apparent reason. If this is not constitutional grounds for impeachment, I don’t know what is. Public confidence has now been irrevocably lost in this man, but Somalilanders tolerated this menace for six years; we can tolerate him for another six months.

To the House of Elderly I say, shame on you and your flagrant decision. It is not only shocking and unbelievable, but it is appalling!!! Damiirkiinnii, dadnimadiinnii iyo wadaninimadiinni waxa siisateen qado iyo mijin qaad ah.

Reer Borame waxan leeyahay, bililiqaysigii Hargeisa, haddii ay xumaan kale ku sii dartaan iyagay u darantahay. Riyaale annagaa kursiga saarnay, annagaana ka qaadi doonno. Riyaalena guryaha reer Borame haddii uu kaga dhex faanayo inuu raggii SNM-ta ahaa ee ay ku dhaadanayeen baan Shariata ka qaaday. Ragga SNM-tu waa raggii kursiga aad fadhido kuu xalaaleey, abaal gudkoodii haddii ay sidaa kula noqotay, waxa jiri mar aannu Sharafta kaa qaadi doonno. As they say, what goes around comes around.

Amina A. Hassan-Gurhan
Calgary, Canada

Gurhan02@yahoo.com

Source: somaliland.org

[ Reply ]



Name : Soo Qaddime
Subject : Re : jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
SUMBAY BAA KU RAAGAYE HADDII
ANN LAGA TUMIN SAARKA

WIXII UU SURUCYO QABAY HADDII
ANN SALOOLKA LOO BADINNIN

SAXALKA UURKA IYO NACA QABIIL
HADDAAN SUURAD LAGU CASHARIN

SAFANTA OOGADA KU TAAL HADDII
AAN SUUBAG LAGAGA DUUGIN

IN TOOBINKA LA SAARO IYO HADDAAN
XIDIDDO LAGA SARIN

DHAAXUU NABADDA SAYDHAYE HADDAAN
CELL ADAG LAGU TUURIN

CAYNKII SABIGA HADDAAN XAFFAAYAD
SAAB LEH LAGU MEERIN


IN SIILAANYO DAAHIRO
SAAQIDNIMO INU KA KARO
AMMA DAAYO SAQAJAAN
SINIIN BAAN ARKAAYO
SODDON BAAN KA DHOWREE
MA SAADAAL KALAA DHIMAN
TAASI WAY SAL DHEERTOO
SUURTA GALBA MAAHOO
SUGI MAAYO ABIDKAY
SAAKA ARJUN MOOYEE
MA SAANSAAN KALAA HADHAY
SIBITOOR LIQ MOOYEE
MA SASAB BAA WAX II TARAY
SAANI LAGA WAAYE
HADDAAN LA SANDULLAYNIN
SOMALILAND DHEELDHEEL IYO
SAFFAAD KU WAAYI MAAYEE
HADDAAN SUUKAYGII XUMAA
SAAKA AAN LA WAAYIN

Name : Mr. Halgame
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
Liiska Saraakiishii Iyo Ciidamadii NSS-ta Ee Ka Hawlgeli Jiray Somaliland: Haddii Aad Liiskan Iska....


Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) wasiirka daakhiliga ee Daahir Riyaale Kaahin

Mihnaddii hore ee Cabdillaahi Cirro ku shaqaysan jiray wakhtigii taliskii dhiigyacabka ahaa ee Siyaad Barre dalka ka talin jiray, waxay ahayd shaqooyinka loogu necebyahay dunida oo dhan, haba ugu sii darraato dunida ay ka amar ku taagleeyaan kelitaliyeyaasha ay ka midka ahaayeen Mengistu iyo Siyaad Barre. Cabdillaahi Cirro oo shaqadiisaas tilmaan ka bixinaya bishii April ee 2008, wuxuu ku tilmaamay “Baadhe”.

NSS-tu waxay masuul ka ahayd jidhdil iyo qudhgooyo dad loo tuhunsanaa inay maamulkii Siyaad Barre ka soo horjeedeen

Baadhe waxa loo qaadan karaa shaqo ka mid ah shaqooyinka badan ee nadiifta ah ee dadku ku shaqaystaan tusaale ahaan qof macdan baadhe ah. Sababta aan Cabdillaahi Cirro faahfaahin uga bixin ee uu afka uga dhawrayay shaqadiisaas waa la wada garankaraa, waayo dadka shaqadaas qabtaa waxay ahaayeen dadka loogu necebyahay bulshada dhexdeeda. Wuxuu Cabdillaahi Cirro ahaa NSS, basaase ama ciidanka dhabarjebinta. Shaqooyinkoodu waxay isugu jireen (1) inay dabagal basaasnimo ku sameeyaan muwaadiniinta uu shakiga ka qabay taliskii dhiigyacabka ahaa ee Siyaad Barre, (2) waxay tacdiib ama jidhdil (torture) arxan darro ah ku samaynjireen qof kasta oo farta loogu fiiqo, manay aqoon in qofku barii’ ka yahay dembi iyada oo aan maxkamadi ku caddaynin. Waxay shaqadoodu ahayd qofkasta oo Kacaanku ka shakiyo inuu dembiile yahay oo uu tacdiib mutaysanayo illaa inta laga caddaynayo inuu yahay qof Kacaanka daacad u ah.

Cabdillaahi Cirro iyo ninka isaga xilka u dhiibay ee Daahir Riyaale Kaahin, iyo xubno kale oo xukuumaddiisa isku bahaystayba waxay ka wada tirsanaayeen ciidanka dhabarjebinta wakhtiyadii taliskii Siyaad Barre ee intii aanay dhicin ku dishay dad lagu qiyaaso illaa nus malyuun qof, dhinaca Somaliland-na ilaa 100,000 oo qof sannadihii u dhexeeyay 1988 ilaa 1990 oo qudha.

Waxa aad loo xasuustaa qiimaha, qaddarinta iyo jacaylka uu ummadda dhexdeeda ku lahaa qofka xuquuqdooda u dirirayay iyo nacaybka iyo karaahiyada loo hayay ka basaaska u ahaa taliskii Siyaad Barre. Ciidanka NSS-tu waxay masuul ka ahayd baadhitaanno ugu dambayntii keenay in muwaadiniin badan loo dilo been abuur iyo dembiyo la sameeyay laguna khasbay inay qirtaan kadib markii tacdiib arxan darran lagula kacay.

Dadka ka soo shaqeeyay shaqada Cabdillaahi Cirro oo kale, waxa la odhan karaa ma jirto wax ixtiraam ah oo ay u hayaan sharciyada iyo kala dambaynta qaranka u yaalla, dastuurkooduna waa amarada ka soo baxa afka ninka xil u dhiiba. Cabdillaahi Cirro intii uu xilka hayay waxa amaro uu Daahir Riyaale bixiyay u xabsiga ugu taxaabay muwaadiniin badan oo aan wax maxkamad ah la soo marin.

Dhowaanahan waxa dalka ka dhacayay qaraxyo, aan muddo gaaban eegnay bal in baadhitaan muuqda oo dhexdhexaad ah lagu sameeyo cidda ka dambaysa. Laakiin sidii caadiga u ahayd Cabdillaahi Cirro wuxuu laanta afka Soomaaliga ee BBC-da siisay waraysi uu toos ugu eedeeyay falkaas xisbiga KULMIYE. Waxa haddaba caddaatay in cidda ka dambaysa ee dani ugu jirto in dalka fawdo laga aloosaa ay tahay xukuumadda Daahir Riyaale, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in ummadda loo sheego inay askartiisu ay beryahan dambe magaalada Hargeysa ku qarxiyaan bambooyin gacmeed, si ay ugu meel marto dacaayadaha ah xisbiga mucaaridka ee KULMIYE khalkhal galinayo nabadgelyada, kadibna ay qiil ugu sameeyaan tallaabada sharci darrada ah ee muddo kordhinta ah xaalad nabadgelyo awgeed.

Iyada oo ay muhiim tahay in la ururiyo xogaha taariikhda dadka Somalilnad ka haya xilal sarsare, waxaan fursad u siinaynaa muwaadiniinta reer Somaliland ee haya xogo ku saabsan taariikhda Cabdillaahi Cirro, wasiirka daakhiliga inay noo soo gudbiyaan. Waa lagama maarmaan in wax laga ogaado taariikhda muwaadin kasta oo xil u haya ama u tartamaya dalka Somaliland si wax looga ogaan karo in qofkaasi u fulindoono xilka qaran si daacadnimo u ah dalka iyo inuu khatar hor leh ku yahay. Waayo qofka marka loo dhiibo xil qaran wuxuu ka dhiganyahay duuliyaha diyaaradda (pilot) ee gacantiisa lagu aaminay nafaha rakaabka diyaaradda saaran (masiirkii qaranka).

Guji halkan: Hagardaamooyinka Ay Ciidankii NSS-Tu Kula Kici Jireen Dadka Rayidka Ah.Guji halkan: Liiska Saraakiishii Iyo Ciidamadii NSS-ta Iyo Warbixino Lagaga Hadalayo Muj C/raxmaan Aw Cali Faarax iyo K/S Cali Asad

Liiska Saraakiishii Iyo Ciidamadii NSS-ta Ee Ka Hawlgeli Jiray Somaliland: Haddii Aad Liiskan Iska weydo, Ka Dambe Iska Eeg..

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qayb ka mid ah Saraakiishii iyo Ciidamadii NSS-ta ee ka hawlgeli jiray dalka Somaliland laga soo bilaabo sannadkii 1981 ilaa 1990 iyadoo NSS-ta iyo ciidamadii la odhan jiray Xuuraanku ay ka mid ahaayeen hay’adihii cadaadiska ee taliskii Siyaad Barre u adeegsan jiray dhaca, boobka, kufsiga, xadhigga iyo dilka dadka rayidka ah.

Waxa kale oo cadadkan iyo kuwo dambeba aanu idiinku soo bandhigi doonaa macluumaad xiiso leh oo ku saabsan sidii ay u hawlgeli jireen ama loo hawlgalin jiray ciidamadii NSS-ta.

Tusaale ahaan qoraal ka soo baxay taliskii NSS-ta ee gobolkii Waqooyi-galbeed sannadkii 1987-kii oo ku saabsanaa habka ay ciidamada iyo saraakiisha NSS-tu u hawlgalayaan dabaal-degga 26-kii June 1987-kii, waxa uu u qornaa sidan:

TALISKA CIIDANKA NSS-KA IYO DABAAL DAGA 26-KA JUUN EE 1987

Habka hawl-galka ciidamada ee dabaaldaga 26-ka Juun 1987

Maadaama ay tahay dabaal dagii 26ka Juun, waa in ciidanka NSS-ka dhammaantii isu yimaado saacadu markay tahay 4:30 galabnimo, isaga oo hawlgal la galaaya ciidamada nabadgelyada ee kale. Ciidanka waxa caawa hawlgalka xaruntiisu noqonaysaa xarunta Hangashta. Dhammaan goobaha muhiimka ah waa in la hanto nabadgelyadooda. Dhammaan dadka la tuhmo waa in faraha lagu dhigo lana hayaa inta xaaladiisa laga baaraan dagaayo. Ciidanka hawlgalka tiradiisu ugu yaraan waa 15 sarkaal, waxa hawlgalka u qaybin doona G/le dhexe Caydiid Casoowe, G/le Khaalid Xaaji, X/le Cabdi Caarshe iyo dhame Jeemis.

LIISKA SARAAKIISHA HAWLGALKA CAAWA 26KA JUUNE EE 1987

1. G/LE/DHEXE – Caydiid Casoowe

2. G/LE – Khaalid Biixi

3. G/LE – Aadan Xasan Kaahin

4. DHAME – Maxamed Jamis

5. DHAME – Cabdi Caydiid

6. L/X/LE – Mahdi Allaali

7. G/LE – Cismaan Aadan Samar

8. L/X/LE – Cabdi Caarshe

TALISKA NSS-KA GOBOLKA WAQOOYI GALBEED IYO DABAAL DAGGA JUUN

Taliska NSS-ka gobolka Waqooyi Galbeed ee Hargeysa 26/6/1987, dhammaan ciidanka aan Saraakiisha ahayn ee ka qayb galaya u dabaal-dega maalinta 26-ka Juun liiskoodu waa sidan:

1. Daa’uud Jaamac Cigaal

2. Cumar Macalin Nuur

3. Rashiid Yuusuf Jimcaale

4. Maxamed Cabaas Ismaaciil (20/7/85 S/A/LE ka tirsan NSS-ka gobolka WG, Hargeysa)

5. Ibraahim Xaaji Xasan

6. Cali Maxamed Ducaale

7. Mahad Shire Cali

8. Cabdiqaadir Warsame Maxamed

9. Maxamed Siyaad Ibraahim

10. Axmed Yuusuf Xuseen

11. Axmed Abshir Socdaal

12. Axmed Sadiiq Maxamed Cabdi

13. Maxamed Nuur Xuseen

14. Xasan Maxamed Ugaas

15. Cumar Axmed Yuusuf

16. Cabdi Mire Muuse

17. Cabdillaahi Dheere

18. Cali Daahir Guuleed

19. Muumin Muxiyadiin Axmed

20. Nuur Jimcaale Arbe

21. Cabdiqaadir Abshir Mire

22. Axmed Nuur Cabdi Aadan

23. Maxamed Cali Muxumed

24. Maxamed Muxumed Yuusuf

25. Axmed Cabdi Yuusuf

26. Aadan Maxamed Cali

27. Cabdillaahi Xaaji Jaamac

28. Maxamed Xirsi Axmed

29. Muxumed Cumar Askar

30. Yuusuf Jaamac Faarax

31. Faarax Axmed Maxamuud

32. Mawliid Aw Axmed

33. Xuseen Xasan Gudaal

34. Cabdi Maxamed Xasan

35. Maxamed Xasan Ducaale

36. Maxamed Cumar Yuusuf

37. Axmed Muuse Tulud

38. Cabdillaahi Jaamac Saleebaan

39. Maxamed Ciise Seed

40. Mire Muuse Cismaan

Waxa diyaariyey G/le dhexe – Jaamac Xuseen (Shaafi)

Taliye ku xigeenka NSS-ka G/W/Galbeed Hargeysa.

HABKA QAYBINTA CIIDANKA IYO WAAXAHA HARGEYSA

Habka qaybinta ciidanka ka hawlgalaya Waaxaha magaalada, baadhista iyo hawlgalka magaalada Hargeysa ee caawa 26-ka June 1987.

1. GURYO SAMO

1. G/L – Aadan Waayeel (Taliye)

2. K/L – Rashiid Yuusuf Jimcaale

3. K/L – Maxamed Abshir Socdaal

4. K/L – Axmed Sadiiq Maxamed Cabdi

2. GACAN LIBAAX

1. Dhame – Cabdi Caydiid

2. K/L – Xasan Maxamed Ugaas

3. S/A/LE – Maxamed Cali Muxumed

4. S/A/LE – Muxumed Cumar Askar

5. L/A/LE – Yuusuf Jaamac Faarax

6. S/A/LE – Faarax Axmed Maxamed

3. 26 JUUN

1. G/LE – Cismaan Aadan Dude

2. K/L – Cumar Jaamac Cigaal

3. K/L – Cumar Macalin

4. K/S – Maxamuud Xasan Ducaale

5. K/L – Maxamed Cumar Yuusuf

6. L/A/LE – Maxamed Ciise Seed

7. S/A/LE – Cabdi Xiis Maxamed

4. IFTIN

1. 1/X/LE – Mahdi Allaale

2. K/S – Axmed Muuse Tilud

3. K/L – Cali Axmed Ducaale

4. K/S Maxamed Ceelaabe

5. K/L Muumin Muxiyadiin

6. 1/A/LE – Mawliid Aw Axmed.

source haatufnews

Date: 2009-04-02
Readed 161 Times
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
Liiska Saraakiishii Iyo Ciidamadii NSS-ta Iyo Warbixino Lagaga Hadalayo Muj C/raxmaan Aw Cali Faarax

Thursday, 19 June 2008

Guji halkan: Hagardaamooyinka Ay Ciidankii NSS-Tu Kula Kici Jireen Dadka Rayidka Ah

Guji halkan: Liiska Saraakiishii Iyo Ciidamadii NSS-ta Ee Ka Hawlgeli Jiray Somaliland: Haddii Aad Liiskan Iska.

Intiinii la socotay cadadkii Haatuf ee shalay waxaan idiinkui soo gudbinay liiska qayb ka mid ah saraakiishii iyo ciidamadii hay’addii NSS-ta ee ka hawl gali jirtay gobolladii loo yaqaanay woqooyi oo hadda ah Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan gobolkii la odhan jiray woqooyi galbeed oo hadda ah gobolka maroodi jeex ee caaasimada u ah Somaliland.

Hay’adaas NSS-ta ama nabad-sugida oo ahayd hay’addii sirdoonka, cabudhinta iyo cadaadiska u qaabilsanayd taliskii Siyaad Barre.

Liiska shalay ku soo baxay Haatuf oo ay ku qornaayeen magacyadii 40 nin oo isugu jira saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamadii NSS-ta, waxay ahayeen tirada ka qayb qaadatay hawlgal NSS-tu ka fulisay Hargeysa 26 June 1987, oo kelilya balse, tirada iyo baaxada ciidamadii NSS-ta ee ka hawgali jirtay Hargeysa ama gobolka woqooyi galbeed ma ahayn wax qoraal lagu soo koobi karayo, iyada oo in badan oo ciidankii NSS-ta ay si dahsoon ama qarsoon u shaqayn jireen.

Hadaba, iyada oo hadba, ntii suura-gal ah aan idiin soo ggudbin doono liisaska magacyada saraakiishii NSS-ta iyo warbixino ku xardhan qoraalo (Documents) ay dusha kaga shaambadaysan tahay sir culus oo ay ka diyaariyeen qaar ka mid ah hawl-galadoodii gobolladan:

Waakan liiska madaxdii iyo saraakiishii NSS-ta ee ka hawlgali jiray gobolladii la odhan jiray woqooyi.

Sarkaalka ugu horeeya liiska G/Dhexe Axmed Aadan Cabdi oo toogasho lagu dilay December1986, waxa lagu tilmaamay inuu ahaa taliyihii ugu khatarta badnaa ama ugu xariifsanaa ee soo mara NSS-ta gobolka woqooyi galbeed ama Hargeysa.

Waxa la sheegay inuu ahaa nin qunyar-socod ah oo gacan qabow ku fuliya hawlgalladiisa NSS-nimo, oo ay ku jireen shirqoolo dhagareed, basaasnimo iyo cabidhinta iyo cadaadiska dadweynaha oo uu u fulin jiray si cilmiyaysan oo farsamo iyo xadaaradi ku shaqlan tahay. Waxa uu abuuray shabakado basaasideed oo isku xidhan, waxana uu daadejiyey NSS-ta oo gaadhsiiyaymin xaafadaha oo qoysba qoys ka shakiyay ama qoysba qoyska xiga uu basaasay ilaa dhammaan goobaha bulshadu isugu timaado, sida iskuulada, xeryaha ciidamada, goobaha shaqada iwm.

Axmed Aadan oo hawlgaladiisaa ka sokow si dadban iyo si toos ahba u laayay hal-door badan, waxay SNM ku xukuntay dil, ka dib markii warbixino door ah oo uu ururku helay ay u arkeen daaquud mujrim ah oo khatar weyn ku haya SNM, wax yar ka dibna Mujaahidiin naftood hurayaal ah oo ka tirsanaa SNM ayaa goor habeenimo ah 12/12/86 ku toogtay magaalada Hargeysa.

Waxaana ka mid ahaa hawlgaladiisii warqadan hoos ku naqilan oo uu Axmed Aadan ku amrayo taliyihii nabadsugidda degmada Hargeysa 28/12/85 sanad ka hor dilkiisa:-


" EG. 28. 21’00/C.
KA:- NSS-KA G/W/GALBEED. "HARGEYSA"
KU:- NSS-KA DEGMADA. "HARGEYSA" (GACAN SAAR)
NSS/GWG/5/1-31/85 (.) TIXRAAC WARQADDA ABAANDUULAHA QAYBTA 26aad TIRSI LR/KAB/QB26/3/2/34/85 EE 7/11/85

(.) WAXAA LASOO SHEEGAY IN 3DA NIN OO HOOS KU QORAN DEGAANKOODUNA YAHAY DAMBAL OO HARGEYSA BADEECAD KA QAATA AY XOGTA CIIDAMADEENA U GUDBIYAAN XABASHIDA IYO DABADHILIFTA S.N.M-TA IYADOO UU SOO HAWL GALIYAY DABADHILIF EX G/LE CABDIRAXMAAN AW CALI GEELLE

(.)WAXAYNA KALA YIHIIN:-

1)-DHEGAWEYNE REER CIISE(.)

2)-CARAB DHOOLAAL CIISE REER GEEDDI. &

3)- MAXAMED CALI SUUFI EX CIISE REER MUUSE

(.) WAX FAAHFAAHIN AH OO KALE LAGAMA HAYO

(.) SIDAAS DARTEED HALLAGA BAADI GOOBO MEELAHA AY YIMAADAAN SAFRAHA CIISUHU GACANTANA HALAGU DHIGO

(.) NALA SOO SOCODSIIYA HADBA WIXII ARRINTA IDIN KAGA SOO KORDHA (.) G/DHEXE AXMED AADAN CABDI.
(G/DHEXE AXMED AADAN CABDI)
TALIYAHA CIIDANKA NABAD SUGIDA G/W/GALBEED
28/12/85"


Ragga warqadan lagu amrayo in talaabo laga qaado waxa lagu xidhiidhinayaa Muj C/raxmaan Aw Cali Faarax, madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland. C/raxmaan Aw Cali, waxa uu wakhtigaa ahaa taliyaha Aaga galbeed ee Araabi ee xoogagii Ciidamada xaqu dirirka ee SNM.

NSS-ta iyo ciidankeedu ma ahayn oo keliya askarta hay’addaas u diiwaan gashanayd ee mushaharka ka qaadanayey, balse waxa ku jiray in badan oo aan si toos ah uga tursanayn NSS-ta balse si dadban ula shaqayn jirey, kuwaas oo qaarkood ay ahaayeen masuuliyiin ama shaqaale ka tirsnaa hay’ado kale oo dawli ah ama aan dawli ahayn.

Waxaana ka mid ahaa ninka warqaddan hoos ku naqilan uu kaga warbixinayo taliyihii NSS-ta degmada Hargeysa, Caydiid Axmed Casoowe, taas oo soo baxday 04/07/1987.


"=TALISKA NABAD SUGIDDA SOOMAALIYEED=
=NABAD SUGIDDA DEGMADA=
=HARGEYSA=
HARGEYSA
04.07.1987
TIRSI/NSS/1/1-2/87
KU:- TALIYAHA XAFIISKA HANGASH EE Q/26aad =HARGEYSA=
OG:- TALIYAHA NSSKA G/W/GALBEED =HARGEYSA=
UJEEDO: - WAR BIXIN LA XIDHIIDHA K/S CALI XASAN (CALI ASAD)


Tixraac warqada Lam. Yahay HNG/3/5-554/87, ee la qoray 4.7.1987, kuna saabsan jaallaaha ujeedada ku xusan. Waxaan idiin la socodsiineynaa in uu Jaallahaasi uu NSSta Degmada hawl ahaan ula shaqeeyn jiray dhinaca Xuuraanka iyo la socodsiin joogto ah dhinaca nabadgelyadda.
Waxaanu xogogaal u nahay in uu guddiga dejinta xubin firfircoon ka yahay, wuxuuna noola muuqdaa Wadani daacad ah, marka aan ku dabaqo hawlaha uu hadda nala qabto. Waxaa jirta inuu ballan adag u qaaday inuu Xafiiska NSSta Degmada si qarsoodi ah ula shaqeeyo, dhinacyada xuuraanka, nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka. Ballamahaasi uu qaaday qaarkood waxaanu la socodsiinay oo og Taliyaha NSSka gobolka, Nabadsugidda Degmo ahaan wuxuu noola shaqeeyaa si xilkasnimo ku jirto oo waanimo ku dheehan tahay. Waxaanu nagula jiraa hawlgal dhab ah muddadan dambe. Aragtiyadu jaallahaas dhinaca siyaasad iyo fikradaha waxaan u aragnay mid caafimaad qabta.

G/LE DHEXE (CAYDIID MAXAMED CASOOWE)
TALIYAHA NABAD SUGIDDA DEGMADA HARGEYSA"

Ninka warqaddani ka warbixinayso, Cali Xasan (Cali-Asad) oo hadda ah Badhasaabka gobolka Hargeysa, waxa uu wali u shaqeeya habkii hore ee aan la kala garan jirin cidda dhabta ah ee uu u shaqeeyo iyo waxay shaqadiisu tahay toona.

Source: Haatuf

[ Reply ]



Name : hamza
Subject : Re : jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
QORSHHE LAGU MAJO XAABINAYO JIRITAANKA SOMALILAND OO AY FASHILIYEEN AQOONYAHANNADA IYO JAAMICIYIINTA GUDAHA DALKA KU SUGAN KA DIB MARKII AY YIMAADDEEN KULAN LOOGU MAGAC DARAY WADA TASHI OO KULMIYE SOO ABAABULAY BALSE NOQDAY MID XAMBAARSANAA UJEEDDOOYIN GURRACAN.

Haddii aanu nahey Ardeyda Jaamacadaha Kulmiye Kumanaan Qancin Kulankii Maansoor ee Hargeisa

Wednesday, 01 April 2009

Anaga oo ah ardeyda dhalinyarada jaamacdaha hargeisa dhigata waxaanu ka qayb galney xalfad kulmiye & Tageerayaashiisu soo diyaariyeen oo ahayd mid dhalinyarada lagu soo casuumey lakiin Noqotey Madal olole lagu jiro kulmiye ,oo ardeyda jamacadaha la khiyaameeyay.

Runtii markii aanu aragney firkadaha khaldan ee xusbiga kulmiye uu noo soo jeediyey waxaanu Go’aan ku gaadhney in aan maaanta oo taarikhdu tahay 29/03/2009 in aanu soo bandhigno Wixii Aanu ka qaadney kulanka dhalinyarada ee habeenkaas.


Waxaana isla garaney in aanu xusbiga kulmiye haddii talada dalka loo dhiibo aanu awood u lahayn In uu wax maamulo,isla markaana cadeystay in uu wax uun dhaliilo & baabiyo ,oo media ka Yidhaahdo Baanka ayaanu beddeli doona,hashiisyada dalalka aanu jaarka nahey waanu joojin Doona ee ka mid yihiin Ethiopia,Jabuuti, taasina waxay ku tusaysaa in hoggaanka xusbiga qurcud Habeen ah uu gudaayo waa mid dhalinyarada ,wayeelka,jamiciyiiinta wax yeelasa waayo dalaalka Aanu soo sheegnay waxaa loo tagaa waxbarasho & cafimaad,laguna tago baasaboorka Somaliland.

Waxay ka horimanaysaa riyada & himilada Somaliland ay higsanayso waxayna wiiqaysaa Geedi Socodka haykalka dowladnimo,waxayna ka hor imanaysaa ictiraaf raadinta oo xumkmada & Shacaba ay ku hamiyaan,isha allah aanu heli doono,xukumada ay halganka wayn ee lama ilawaanka Kaga jirtaa sidii dalkan uu ictiraaf caalami ah u heli lahaa,waxaana cadaynayaa safarada hore ee Madaxweynaha & kii ugu Danbeeyey ee madaxweynahu ku tagey dalka Britain


Waxaa jirtey in habeenkii kulankii xusbiga kulmiye sameeyey lagaga Hadley idaacada radio Hargeisa oo runtii karamada ay lahayd hoos loo dhigey oo la yidhi cid gaar ah ayay u shaqaysaa Halka barigii kaanbaynka si toos ah uga dhagaysan jirney xusbiyada mucaaridka ah ee Ucid & Kulmiye,




Kulmiye ahaan iyagaa sharciga jabiyey waxaa iska sameystay idaacad horyaal la yidhaahdo oo Kulmiye gaar ah u shaqeeysa oo sheegata codka shacabka oo waxba ka jirin ,masiirka Umada Somaliland ku sheegta maamul cid gaar ah ay wato,oo qirsanaan in dalka dawlad & Madaxweyne Uu ka jiro,taasina waxay cadeyn u tahay masuuliyad darada ka dhex muuqata Gudaha kulmiye & Hoggaanka xusbiga oo baabinaya dalka Somaliland,umana qalmo uu dalka uu hoggaan u noqdo.


Xusbiga kulmiye hadyo jeerna waxaa uu cadeystay in uu wax kasta diido kana soo horjeesto dadka Qaranka ,& danta Shacabka Somaliland,waxaanu tix galiyaa kursiga,waxaana uu ilaawey wixii aanu 19sano Soo Wadney,taasina waxay cadeyn u tahay in dalkeena & dadkeena uu dan ka lahayn kulmiye.


Waxaanu ku soo gababaynaynaa oo u baqaynaa shacabka Somaliland meelkasta oo ay joogan in Iska jiraan Bohoosha uu kulmiye u qodaayo dhalinyarada,ardeyda jamacadaha.Waxaana kulmiye Ku leenahay’’Ma jeclin cid nabadgelyada & dawladnimo ka soo horjeeda in aanu doorano oo kulmiye Kow ka yahay’’Waxaana cod buuxa ku tageeraynaa xusbiga udub ee hada talada dalka haya.

Ardeyda Jaamacada Hargeisa

Saleebaan Cali Faarax
Xasan Cabdi Maxamuud
Saynab Xasan Daahir
C/qani Daahir Muuse
Maxamed Faarax Habane

Ardeyda Jaamacada Admas:
Muuse Maxamed Yuusuf
Shukri C/risaaq Cali
Kaltuun Muuse Xasan
Subeer Faarax X,Cabdi
Jaamac Maxamuud Askar
Ardeyda Jaamacada Golis:-
Mahad C/fadax Cabdi
Cumar Saleeban Cumar
Guulleed Xasan Maxamuud
Muxiyodiin Muuse X.Xuseen
Ibraahin Sheekh Xasan X.Maxamed

Name : Mr. Halgame
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
Waraysi Xassaasi Ah: “Madaxweynuhu sida uu Somaliland uga burburiyey Gudaha ayuu dibadana uga burbiryey, oo uu weliba abuurayaan sidii uu qofba-qof fooda ugu dhufan lahaa.” Xasan Jaamac Cali (Bacado).

“Qof beni aadam ah oo dhaar -maray oo hadana wixii uu ku dhaartay dhinac-maraya Madaxweynaheena ayuum baynu ku aragnay. Markaa waxaan lee yahay Madaxweyne is casil, horena waan kuu…”

Hargaysa (Oodweynenews)- Xasan Jaamac Cali (Bacado) oo ka mid ah siyaasiyiinta qurbo-jooga ee reer Somliland ayaa Madaxweyne Rayale u soo jeediyey eedeemo calculus oo ay ka mid ytihiin in uu shuruucdii iyo dastuurkii dalka ku tuntay, in uu dhaqaalihii wadanka adhaxda ka jebiyey iyo in uu Somaliland haadaan ka tuurayo, isla markaana waxa uu u soo jeediyey in uu is casilo oo uu xilka ka dego, maadaadma oo uu ku fashilmay waajbaadkii qaran ee wadanka ka saarnaa.

Mr. Bacado waxa uu sidaa ku sheegay waraysi dheer oo ay maanta magaalada Hargaysa kula yeesheen shabakadaha wararka ee Ooweynenews.com iyo Xigmanews.com, kaas oo lagaga xog-waraystay arrimo badan oo ku saabsan xaaladaha siyaasaseed , dhaqaale iyo nololeed ee Somaliland ka jira.

Waraysigaas oo dhinacyo badan taabaynayaana waxa uu u dhacay sidan:-

S: Waxaad ka mid tahay qurbejooga reer Somaliland, dalkana muddo badan ayaad ka maqnayd, markii aad soo noqotay maxaa isbedel dareerntay oo ku soo jiitay?

J: Intii aan dalka joogay waxaa i soo jiitay waxyaabo naxdin iyo farxadba isu jira. Waxaan la kulmay dadka oo intii badnayd dawarsanayso sida ay doono qof waliba u ha dawarsadee, ka dib markii dhaqaalahoodii burburay, iyada oo Sidaa tahay ayaa hadana dadku ku dadaalayaan sidii ay dalkooda iyo Qarankoobada u badbaadin lahaayeen, waxaana ay jecel yihiin iyaga oo gacmaha is haysta in ay dalkooda horumariyaan. Waxaa kaloo jira in badan oo masuuliyiinta dalka ka mid ah oo aan garanayn wixii ay dadku kaga badbaadi lahaayeen mashaakilka ka midka yihiin darxumad, gaajada, caydha, cudurada, ceebta iyo cibaado la’aanta. Kolkaa waxyaabihii i soo jiitay kuwaas ayaa ka mid ah.

S: Sideebay kuula muuqataa in bulsho-weynta reer Somaliland la jaan-qaadayso geedi-socodka siyaasadeed ee wadanka iyo ta Xisbiyadaba?

J: Bulshweyntu waxa ay fahantay siyaasiyiinta wadanku in ay baal-marasan yihiin hogaanka saxda ah. Waayo, bulshadu way ku wada qanacsantahay in hogaanka saddexda xisbi [KULMIYE, UDUB IYO UCID] in aanay ahayn kuwo ka saari kara lahaa dhibaatooyinka. Markii aan ka tegay dalka 2004-kii waxaa la moodayay in ay dhinacii wanaagsanaa ee la hiigsanayey u socoto siyaasayada Somaliland

Waxaa weeyaan lama arag Ummad wax dooratay oo cod bixisay oo tartan gashay oo wax kala heshay, oo hadana la leeyahay muddo saddex sannood ah mar walba ha la kordhiyo [muddada xilka Madaxweynaha], taas oo runtii qof walba xitaa ka kordhinaya iyo ka loo kordhinayaba aan farxad ku kahayn, qofka beni’aadamka ah haddii aanu faxad ahayn maskaxdiisu ma shaqaynayso.

Waxaan arkaa in dhaqaalihii wadanku marka aan isu eego 2004-dii iyo imika in uu 40% hoos u dhacay dhinac walba. Siyaasada lafteedu 50% ayay ka leexatay waddadii saxda ahayd ee lagu hagayey.

Bulshaduna waxa ay xasuusan yihiin dagaaladii iyo dhibaatooyinkii foosha xumaa ee soo maray iyaga oo markasta danaynaya in wax kasta lagu dhameeyo wada-hadal iyo waddada saxda ah. Waxaana aad moodaa siyaasiyiintu iyaga oo taa arkaaya in ay buslhada ku bajinayaan ‘nabad-gelyada ha ilaaliyo,’ laakiin isagu aanu ilaalinayn. Waayo, haduu siyaasigu raaci waayo dastuurkii iyo xeerarkii Qaranka dee nabadgelyada muu ilaalin, markaa beenbuu sheegayaa ninka siyaasiyaga ahi kolka uu isa soo taago ee uu lee yahay ‘nabad-gelyada ha ilaaliyo’ Dastuurkii Qarankuna aanu uga duwanayn warqada Musqusha lala galo, dadweynuhu maaha kuwo arki kari waayay taas, waa dadweyne aad iyo aad mid wax qora iyo mid aan wax qoribin-ba ay Aqoontooda siyaasadeed sarayso, oo arkaaya in ay siyaasiyiintoodii ku hun-goobeen, waxaana aan lee yahay insha’allaahu ha daalina qaar idinka farxiya ayaa iman doonee

S: Adigu waxaad ka mid tahay xisbiga UBUD oo aad marna iska soo sharaxday doorashadii Golaha Wakiilada, miyaad marna kala hadashay hogaanka jira ee dalka dhaqaalahaas hoos u dhacay iyo siyaasada ay Xukuumadu ku maamulayso dalka?

J: Haa, waan kala hadlay Madaxweynaha, M/ku xigeenka, Golaha Wasiirada iyo aqoonyahano fara badan, run ahaantiina keligay kalamaan hadal ee waxaanu ahayn garab dhan oo UDUB ah oo isbedel doon ah, ayaa moqifkaa guracan ee wax lagu maamulayo. Dhaqaale xumaanta dalkeena haysata waxaa u sabab ah siyaasada, oo haddii ay siyaasadu xumaato dhaqaale xumaan ayaa yimaada, dhaqaale xumaani haday taamado burbur ayaa yimaada, oo way isku xidhan yihiin. Markaa waxa ay maanta gaadhay in uu Ajaanib dhaqaalihii [Aljaabiri iyo kuwa la mid ah] wadanka u hungurooda oo uu qaato, qofkii muwaadinka ahaa ee wadanka u dhashayna uu baryaayo kaa Ajaanibka ah, taas oo aanay taariikhada hore u dhicin in dhaqaakaha Somaliland loo hunguruudo, qorshe xumaantaas Madaxweynaha waanu ku kala aragti duwan-nahay, oo waan u macneeyey, oo waan u sheegay, oo waan tusay, warbaahintana waan ka hadlay. Bulshaduna sida ay u dhan tahay way isku raacsantahay mucaaridba iyo muxaafidka xitaa marka lagu daro kuwa la socda ee hadda la jooga Madaxweynaha in siyaasada uu maanta wax ku hoogaaminayaa in ay tahay Haadaan laga dhacaayo.

Hadaba, waxaa la isku raacsan yahay Haadaantii waynu ku dhacaynaaye intaynaan ku dhicin sideebaynu uga leexaan, qaar waxa ay lee yihiin meel kale oo aynu u leexano garanmaynee Haadaantaa aynu eegano ilaa inta aynu ku dhacayno, qaarnaa waxa ay leeyihiin ‘waar Haadaantii waynu aragnaayoo waynu ku dhacayneey fadhiista, oo inta aynu fadhiisano aynu dib uga raxaabano [dib uga gurguurano] oo dariiqaa ka lee xano,’ oo haddii ay kugu soo oodanto waa laga leexdaa.

Madaxweynuhu waxa uu dalka hogaaminayaa muddo tobadan sannadood ah, oo markii hore Madaxweyne ku xigeen ayuu ahaa oo siyaasadana qayb ayuu ku lahaa, markii dambena Madaxweyne ayuu noqday, hadana waa loo kordhiyay, hadana mar kale ayaa loo kordhiyey. Dhaqaalihii dalka ee uu maalintaa u yimi, lixada Gobol ee dalka haddii aan eego shan Gobo loo ka mid ah dhaqaalahoodu hoos ayuu u liicay, marka laga reebo Gobolka Awdal oo dhaqaalihiisu waxoogaa kor-u-kacay, taasw oo ay sabab u tahay dee xoolihiibaa xagaa u kacay, wixii Jabuuti laga soo qaadayayna way soo maraan, oo waxoogaa cashuur ah ayaa hadalkaa ka abuurmay. Lakiin dalka intiisa kale oo dhan dhaqaalihiisu hoos ayuu y dhacay. Markaa maxaa taa sabab u ah? Waxaa sabab u ah Baayac-mushtarkii dalka oo la tusiwaayay halkii ay dhaqaalaha ka abuuri lahaayeen, maxaa yeelay ninka siyaasiga ahi dhaqaale ma hayo, laakiin wadxa uu dersaa nibnkaa dhaqaalaha doonayaa wadadii uu dhaqaalaha ku abuuri lahaa iyo sida ay u abuurayaan.

Markaa, waxaa weeye waddadii siyaasada Madamxweynuhu hogaamisay, waa waddo ninka dhaqaale doonayaa uu ku qasaarayo, oo ka Adhiga wata, ka Geela wata iyo dabada wax ka keenayaaba uu ku qasaarayo. Wax-soo-saarkii wuu qasarayaa, hudheeladii iyo baayacmushtakii la furaba waa lagu qasaarayaa. Kolkaa waxa aynu arkaynaa in siyaasada Madaxweyne Rayaale wadanka ku hagayaa ay ka dhigan tahay nin gudcur gudaya, waxaana oo loo baahan yahay in bulshada yar iyo weyn-ba in ay hiimsa-hiimsahaa wax ku dareemaan oo dariiqadaa laga joogsado.

S: Waxaad aad u dhaliishay siyaasada Madaxweynuhu dalka ku hagayaa in ay haddaan ka ridayso, miyaan la odhan Karin qolodiina qurbe-jooga ahi dhibaatada dalka ka taagan wax weyn ayaad ku lee dihiin?

J: Waxa weeyaan bulshada qurbah-joogta guud ahaan, waxa aan odhan karaa dhaqaalaha iyo masaariifta yar ee dalku ku soconayo iyagaa bixiya, dhaqaale xumaanta iyo qordhe xumaanta qurbaha ka taagan-na waxa ka masuul ah Madaxweynaha. Waayo, Madaxweynuhu umuu abuurin bulshada qurbaha-jooga isku xidhkii iyo hogaankii ay inta ay dhaqaale ku abuuraan ay dalka ku keeni lahaayeen.

Dhibta ka taagan dalka gudihiisa ee siyaasad xumaanta ahi dee dibadana way ka jiraysaa, maxaayeelay dee Madaxweyne kan [Rayaale] ayuumbaa u wada ah. Markaa waxa weeyaan qorshe u la imanaayo ma jirto, waa ninkaa kolba inta uu London iska tago oo hal-bawlihii qurbe-jooga Somalilad ah ku dhici kari la’ in uu Ummadaii la shiro, ee odhanaaya Ummada billay idiidaaye ee laba-laba uun iigu yeedha. Waxaa jooga boqool kun oo qof oo Madaxweynaha diyaar ula ahaa in ay xoog, xoolo iyo maskaxba in ay isla bar-bar tagaan, waa kaa garan kari waayay in uu la shiraba, doorkii dhawayto la muu shirin, mararkii ka horayayna la muu shirin, taas ayaa markaa curyaamisay wax kasta oo ay u tari lahaayeen dalka.

Haddii aad eeg dadka uu wakiilada Somaliland uga-dhigay adduunka, sida ay u dhan yihiin waa dad ka soo jeeda laba gobol oo ka mid ah lixda Gobol ee Somaliland. Waxa ay ahayd in Gobol ka kasta uu Wakiilada kaga jiro dad ka soo jeeda Gobolada Somaliland oo dhan, qofkuna markaas ayuu xidhiidh cid la samayn karaa. Dadka uu ka dhigayo wakiil ama Safiir, waa in ay ahaadaan dad aqoon lagu soo xulay, oo soo maray jaran-jarooyin, maaha in uu magacaabo qof aan haysan gaadhi ama guri amaba bulshadaba aan sumcad ku dhex lahay oo isaguba caydh-qaadana. Madaxweynuhu sida uu Somaliland uga burburiyey Gudaha ayuu dibadana uga burbiryey, oo uu weliba abuurayaan sidii uu qofba-qof fooda ugu dhufan lahaa.

S: Ugu dambayntii Maxaad uu sii jeedin lahayn Xukuumada, Axsaabta mucaaradka ah iyo dadweynahaba, maadaama oo lagu jiro waqti xaalado siyaasadeed oo cakirani wadanka taagan yihiin?

J: Waxaan u soo jeedinayaa Busho-weynta reer Somaliland, aqoonyahanka, wax-garadka in ay la yimaadaan midnimo, xidhood, xigmad, ixtiraam, kala dambayn iyo isu dulqaadasho

Axaabsabtana waxaan u soo jeedinayaa; Xisbigu maaha wax qof lee yahay, oo macnahiisu waa Qaran, markaa qolyaha Axsaabta hogaaminaayow Ummada inkaar ayaad ka shaqaysateen, oo masaa’ib Ummada Somaliland loo soo diray ayaad tihiin marka laga hadlayo, waayo, waxaad noqoteen niman siyaasadii dalka ku fashilmay, oo marka fashilmeen aan garanayn ‘waar anagu waanu fashilanay oo wanau ganay waynaye ee cid garanaysa noo keena,’ weliba ciddii uu mucaaridku ku dayan lahaayeen waa xukuumada. Haddaba waxa mucaarika ka qaldamay oo dhan, waxaa masuul ah Madaxweynaha, waayo saddexda Xisbiba isagaa Madaxweyne u ah.

Nasiib darrada jirtaana waxa ay tahay Madaxweynahan Kitaabka qur’aanka ah gacanta saaray ee dhaartay, ayaan diyaar u ahayn in uu fuliyo waxan uu ku dhaartay, Qof beni aadam ah oo dhaar -maray oo hadana wixii uu ku dhaartay dhinac-maraya Madaxweynaheena ayuum baynu ku aragnay. Markaa waxaan lee yahay Madaxweyne is casil, horena waan kuu iidhi imikana waan ku lee yahay weligayna kaalama hadhimaayo, oo musharax uma noqon kartid Qaranka.

Golaha Guurtidu way ku qaldan yihiin in ay ku qancaan [in ay muddada u kordhiyaan] waa mushara xisbiye, waayo Golaha Guurtidu waxa ay og yihiin Madaxweynuhu xeerkii in isaga oo dhaarsan uu baal-maray, oo uu yidhi cidi xisbigayga igula tartamimayso, xeerkiina waan bedelay, Golaha dhexe ee Xisbigana waxaan soo xulanayaa marka aan doono, dee xisbinimadu waxaa maaha. Waxaasi waa xasarad, waa xumaan iyo xabad dadka la dhex-dhigayo. Markaa Guurtidu Madaxweynaha ay taa ku arkayaan in ay u kordhiyaan waa hug-seeg [halmaan], waxaa run ahaantii ah in ay hug-seeg tahay.

Waxaa iyana imanaysa in Qolyaha Mucaaridka ee tidhi ‘go’aankii soo baxay kuma kosoonin, dee horta markii hore waad ogalaateen, oo waxaad tidhaahdeen Golaha Guurtida wixii ka soo baxa ayaanu yeelaynaa, ayaan dee warka ku maqlaayay. Waana dee Guurti jirta. Markaa go’aankaa muddo kordhinta ah ee sameeyeen, waxa uu ahaa go’aam aanay bulhadu raali kahayn xitaa qaar ka mid ah xisbiga UDUB. Waxaana ay eegtahay Sidaa uu Madaxweynuhu dasuurka ugu tuntay ayay iyaguna [Guurtida] ugu tubteen. Waayo, korodhsiiyo haa iyo maya ah labadaba waa laga rajaynayay, laakiin iyagagu in ay cayimaan maalinta doorashadu dhacayso dee xad u may lahayn.

C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]

Oodweynenews.com/Hargaysa

Cabdiheersare01@hotmail.com

Source: Hadhwanaagnews.

[ Reply ]



Name : Mj. Wardoon
Subject : Re : jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
Gudoomiyaha Ururka S/land Reform Party oo Hambalyo u diray Dawladda iyo shicibka Somaliland.


Gudoomiyaha uruka Somaliland Reform Party, Muudane Cabdi-Aar Cabdi ayaa hambalyo diiran u diray maamulka iyo shicib weynaha S/land, isaga oo ku hambalyaynaya sida dimuqraadiyada ah ee loogu kordhiyay mudada 6da bilood ah maamulka Madaxweyne Daahir Riyaale.



Mudane Cabdi-Aar Cabdi oo madax ka ah ururkan S/land Reform Party oo ay xaruntiisu tahay magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota, isla markaana ah uruka kulmiya aqoonyahanada, waxgaradka iyo siyaasiyiinta qurbo jooga qoomiyadaha kasoo jeeda deegaanada Sool iyo Sanaag bari, ayaa ku sheegay sida ay u shaqso S/land mid mucjiso ah, loona baahan yahay in aduunweynuhu ka faa'iidaysto. Dimuqraadiyadda ka jirta S/land waa mid aan la sharixi karin, isla markaana aan Afrikada kale aan marnaba kasuurtoobi karin ayuu yidhi mudane Cabdi-Aar.

Waxa xusid mudan sida ay mudanayaasha golaha Guurtidu u dhiibteen doodoodii xalaasha ahayd, ugu dambayntiina ay codkoodii u qaadeen si xalaal ah oo aan muran ku jirin, kadibna nin walba ku qancay natiidii meeshaas kasoo baxday, ayuu yidhi Mudane Cabdi-Aar.

Mudane Cabdi-Aar oo booqasho gaaban ku yimid xafiis gudoomiyaha xisbiga Udub-USA, Mudane Yusuf Budle, isaga oo ay weheliyaan saddex xubnood oo ka mid ah gudiga fulinta ee ururka SRP ayaa sheegay in ururkiisu si buuxda uga shaqayndoono ilaalinta nabadda iyo wadanoolaanshaha dadka reer Somaliland, isla markaana ay si buuxda u dhaleecayndoonaan cid kasta oo rabta in ay khalkhal ku keento jiritaanka iyo horumarka S/land.

Ururkan Somaliland Reform Party oo la aasaasay mudo laba sano laga joogo ayaa ah uruka kulmiya aqoonyahanada kasoo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag bari. Ururkan oo ilaa hadda ay xubno buuxa ka yihiin aqoon yahano aad uga caan ah dalkan USA, gaar ahaan gobolka Minnesota. Hogaamiyayaasha ama aasaasayaasha ururkan waxa ka mid ah Professor Maxamed Xasan Maxamuud (Abgaalow), aqoonyahan C/maalik Askar, aqoonyahan Maxamed Xuseen iyo kuwo kale oo badan. Sida uu sheegay Mudane Cabdi-Aar, waxa uu ururkiisu u dirayaa S/land bisha April horaanteeda aqoonyahano ka mid ah hogaanka sare ee ururkan oo uu hogaaminayo aqoon yahan C/maalik Askar.

Kooxdan oo ka kooban aqoonyahano Soomaali ah iyo kuwo ka kala socda jaamacadaha dalkan Maraykanka oo u dhashay dalkan USA ayaa si buuxda usoo wada maridoona dhamaanba gobolada S/land iyaga oo kasoo diyaarindoona qoraalo wax ku ool ah.

Ayan Mohamed

Somali Media Centre

St. Paul, MN USA

Name : Mr. Halgame
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
The current administration in Somaliland has over lived its usefulness and has to, by hook and crook, go before it....

(Musse Ahmed Dualeh)

hadhwanaag 2009-04-02 (Hadhwanaagnews)
The current administration in Somaliland has over lived its usefulness and has to, by hook and crook, go before it dismantles the foundations on which our cherished stability is built on.

___________________________


The long and tedious road to secession, security and democracy has been made possible by some really visionary Somalilanders of all tribes. Some were elders of all major tribes who live in Somaliland; others were seasoned politicians lead by the likes of the late president Egal, Abdurahman-tur and colonel Ahmed Aw-ali to just name few. These public figures and others can be called the founding fathers of our young nation-SOMALILAND. I remember the roles played by the GARAAD of all GARAADS, the late Abdiqani and the intellectuals of Borama in ascertaining that no further blood needs to be shed within boundaries of Somaliland. These people were real visionaries and deserve our respect. Thanks to those people, most of whom are unfortunately not with us today, we enjoy full peace and prosperity in comparison to what is happening in the Sourthern parts of Somalia. Thanks to them, may Allah reward them for the good deeds, we are now a democratic nation not simply because we have democratically elected president, but also because we have multiparty system and have strong opposition parties.

We are not fully democratic yet, but we are on the right path to becoming an exemplary for all the countries in the region. Even though not yet recognised as a country, we gained the respect of many powerful countries and if we continue on this path we will definitely achieve our goals. We can not afford to do otherwise; we can not press the self-destruction button now and start destroying all the good things the wise people of Somaliland have been building during the last 18 years of our existence.

I am hereby requesting from our honourable president and his government to heed to the calls of his people and to wisely steer Somaliland out of trouble. He can do that by swiftly acting in the interest of the people and lead the country to fair election without any further delay. Nor more further requests of your term in office to be extended, because that kind of staff has already damaged people’s confidence in your government. Indeed, the whole of process of democratic elections including electoral commission has been discredited. Your people are losing their sense of security, anger is building up under their skins and if your government does go peacefully if defeated in the following election there will be serious troubles ahead. At the moment, the way things are, we believe that the only thing between full-fledged civil war and Somaliland is Kulmiye party leader who has far been showing huge self-restraint. No body wants anything like that to happen in Somaliland and therefore you need to act in a responsible manner. Let me give you a peace of advice, arrange presidential election and leave the post. There is no way you are going to get re-elected, because after 8 long years your chance of retaining your post is theoretically minimum. In my opinion, the only way you can win this election is by:

-using the tax payers money for your election campaign
-using military force if necessary
-using coercion and threats

However, the above mentioned mechanisms would not be tolerated by the people of Somaliland and there will be dire consequences, so that is no go area unless you plan to follow the footsteps of siyad bare, mengistu and chewcescu of Rumania. The only decent decision to take is to safe your country from impending disaster and give others chance to pick it up where you left and move Somaliland further forward. That is the way forward and that is the only way you could write your name in the history books. The writing is on the walls and your government has done its part and has to therefore go.

Musse Ahmed Dualeh
01/04/2009

Source: Hadhwanaagews
Name : Kala Lumis Tilmaame
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
Maxaa hadal halkan la dhurayaa, la rabo in qiiqa la isku qariyo oo faqash gabbalkeedii uu dhacay lagu meeraystaa, waar siilanyuu ahaa kii ugu dambeeyay wax ka soo carara afweyne isna waad ogeyd wuxu uuga tegey inay ahayd buulka oo la dhigay ee haddaan wasiirnimada laga casili kamuu tageen.

kolkuu London waa kii diiday SNM ee Somalia first urur la yidhaa halkaa ay kaga dhawaaqeen isaga iyo siddeed wallawayna ee bbc-da ka lahaa urur Somaliyeed ayaanu samaynay oo afweyne ku mucaarida. markuu arkay inaanu kaasina shaqaynayn doorashadii snm tuna ay soo dhowdahay ayuu hunguri galay inu mansabkaa u ordo ninkaa yaa faqashsan, waa ninka kaliya ee leexo ka samaytay gurigiisa ee lala wada yaabay koluu afweyne la joogay ee leexada dusheeda khamrada ku dhuuqi jiray.

Dadkuba afweyne u wada shaqee, taa maanta wixii Somalilander ah waa la isa saamaxay 19 sannadood ka hor sidii South Africa waana la kala bogsaday oo qabiillo idil oo bari iyo galbeedba leh ayaa ka mid ahaa waxan aad sheegayso laakiin nin waddan doonayaa ayaa wanaag ka taliyay dalkana isaaq kelidii ma leh oo waa qaran ay nala wadaagaan qabaailka kale oo loo wada siman yahay xuquudiisa, ma waxaad kuwa kale u haystaa inay yihiin second nationals, sheeko gaab baad tahaye ka hadal waxa maanta taagan iyo adeerkaagan waashay iyo sidii aad beeshaada beenta loo sheegay uga furdaamin lahayd ee aad mar kale dib ugu soo celin lahayd mujtamacii ay ka midka ahaayeen balse aad ogtahay inay maanta go`doon ka yihiin iyo talo aan naxli lahayn oo dadka oo dhammi u siman yahay dalkooda. kaa socon mayso faqash iyo ku celicelintooda dhanka reerahana miyaad illowday in reerkaagu ahaa ka ugu tirada badan xagga u basaasidda afweyne somali oo dhan marka laga reebo qolo keliya oo nss iyo hangash iyo bangashba aad hoggaaminayseen intaad iska dhaafto nacanimada ku haysa nin weyn baad tahaye ka xorow qabyaaladda oo mar uun ha lagu adoo wanaag doonaya oo aan ficil yari reernimo roorayn.
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
Wareysi: Muj. Ahmed Mohamed Mohamud (Siilanyo) – Jabhadii SNM.

Wareysigan muhiimka ah ee iftiiminaya taariikh badan oo ay had iyo gooraale guracaan kuwa “QABIILEYSTEYAASHA, CIIL KAMA KORE YAASHA IYO HADHAAGA FAQASHTA” caadeystay inay dhooqeeyaan wax qabadkii iyo taariikhdii Halyeygan aqoonyahanka ah ee aragtida dheer lehi ee siyaasiga ruug cadaaga ah ee dadnimada wacan leh ee hal adeyga leh, wadashaqeynta wacan leh, samirka badan, gar qaadashada leh, tanaasulka leh ee inta uu Ummada iyo Dalka Somaliland u qabtay gaar ahaan Reer Sheikh Isxaaq, aaney cid kale u qaban, waxa la duubay taariikhda Wareysiga: May 26, 2008.

Hadaba, wareysigani ma dhama oo qaybtii dambe iyo gunaanadkii baa laga jaray fiidhowga sababaha kelifayna, waxaan u maleenaya, inay labadan arrimood midkood noqon karto sida:

1. Wakhtigii oo qolada TV ku cidhiidhi ahaa maadama ay ugu talogaleen inay daawadeyaashooda ka qayb geliyaan oo wakhti iyo fursad, ay fikirkooda ku darsadaan wareysigan ay siiyaan, iyo

2. Mujaahidka oo sheegay, inay ahayd in wixii ina soo maray lagu cibra qaato, bilaabeyna, in maanta dhulkeeni kataagan ku soo janjeedhiyo xukumada dalka ka talisa taasoo in la daboolo u baahatay maadama TV-gu uu u xagliyo Riyaale iyo UDUB dhaqaalena ku helo.

Haddii aaney sidaas ahayn, waxa ay meesha soo gelin lahaayeen fiidhiyow kale oo muujinaya wareysigii oo dhan.

Waxaanad Wareysigan ka daawan kartiin mareegtan hoos ku xusan:

http://www.tvsomalilandeurope.net/pages/articlePage.asp?Page=663

Guul iyo Gobanimo,

Mr. Halgame,
May God bless the people and the State of Somaliland. Amiin.
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
MADAXWEYNE RIYAALE IYO ISIR GUMAADKII MAATADA REER SOMALILAND

Madaxweyne, bal, dib u jaleec halkaad kaga jirtay dembiyadii dagaal iyo Isir Gumadkii qorsheysnaa ee wejiyada badnaa ee sida waxaashnimada ah loogu geystay maatada Reer Somaliland gaar ahaan maatada Beesha Sheikh Isxaaq ee aan waxba galabsan ee NSS-tu iyo ciidamadii kala duwana ee rijiimkii militariga ahaa ee fashiistaha ahaa ee Horor Siyaad Bare, ay si wadajirka ah ugu fuliseen.

Mida kale, bal, dib u jaleec adigoo ahaa Taliyihii NSS-ta Degmada Berbera, dhagarihii aad magaalada Berbera ka geysatay sida basaasnimadii Eebe ku caasiga ahaa, jidh dilkii axmaqnimada ahaa iyo bahdilaadii aadnimada ka baxsanaa, dembiyadii wada been abuurka ahaa ee NSS-taadu dadka rayidka ah ee aan waxba geysan dusha ka saari jireen ee badankoodu ku muteysteen ciqaabo halis ah sida in maxkamad ku sheeg oo cadaalada ka fog la hor keeno laguna qaado dembiyo been abuur ah ka dibna, tiirka la soo taagi jiray si xaq daro ahna dil toogasho ah loogu fulin jiray; qaarkoodna, ay ku muteysan jireen xadhig dheer oo adag oo isna xaqdaro ah, iyo markabkii dhamaa ee ay saarnaayeen boqolaalkii muwaadin ee laga soo tarxiiray dalka Saudi Arabia ee aydun wada xasuuqdeen dhiigoodoo ilaa maanta lagu haysto, maxkamada Dembiyada Dagaal ee Caalamiga ahna, goor ay ahaataba, lagu soo taagi doono maadama aadan ka waantoobin dulmigii iyo dhibaatadii aad shacbigan gobta ah ku haysey.

Hadaba, waxa la yaab leh adigoo og inaad dhagarahaas iyo godobtaas baaxadaas le’eg ka qayb galay ama aad la qaybsaday rijiimkii fashiistaha ahaa ee Horor Siyaad Bare ee aad ka mid ahayd aad misna, weli dadka ugu soo taagan tahay ee aad talo kastoo laguu soo jeediyo aad dhegaha uga fureysato ama u dadafeyso oo aad weliba ku sii indho adagtahay xumaha halkiina, aad ka wado nacabnimadii iyo colaadii rijiimkii iyo sida aadan weli uga waantoobin dulmigii ee aad weli halkii ka sii miisto nacabnimadii iyo colaadii aad u haysay Ururkii SNM ee xaq u dirirka ahaa, Mujaahidiintii ummadan iyo dalkan Somaliland xoreysay, iyo dulmiga aad haatan ku talax tagtay kuna sii fulineyso shacbiga tabaaleysan iyo dalka Somaliland ee curdinka ah ee aan aqoonsiga caalamiga ah haysan taasoo muujinayso inaadan wax lexejeclo ah ka lahayn ummadan iyo dalkan danahaaga gaar ahaaneedna aad meesha ka wadato.

Waxaanad mooda inaad ka abaalka dhacday ummadi iyo dalkii saamaxaada kuu fidiyey halkaana ku gaadhsiiyey oo siday kugu liseen aadan ugu hambeyn waayo waad kaba sii dartayo, waxaabad hadh iyo habeen u maleegaysa shirqoolo kala duwan kuwaasoo muujinaysa inaad si badheedh ah aad ugu wacad furtay kana soo horjeesatay oo weliba aad ugu sii dartay inaad si kibir ku jiro aad ugu si darto, maamul xumo dhinac walba saameysay, burburinta nidaamka dimoqraadiyada, burburinta nidaamka ganacsiga xorta ah, ragaadin geedi socodkii dimoqraadiyeed, la dagaalan xisbiyada mucaaridka ah, kelitalisnimo qaawan, ku tumasho Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala, ku tumasho xuquuqal insaanka, cabudhin xoriyatal qawlka, sumcadii wadanka uu ku lahaa beesha caalamka oo aad si weyn u dhooqeyso si uu u fogaado dedaalka loogu jiro ictiraaf raadinta, musuqmaasuq baahay, curyaaminta dhaaqaalihi yaraa ee wadanka, awdida badanaa ilahii dhaqaala, curyaaminta Dekeda Berbera, cashuuro xad dhaaf ah oo badankoodu bilaa sharci yihiin oo shacbiga iyo ganacsatada lagu curyaamiso, boobka hantida qaranka ee geed uga soo gabashada lahayn, ku amar taagleyn xad dhaaf ah oo kibir iyo axmaqnimo ku jirto, wadashaqeyn la’aan, garawshiyo la’aan, tanaasul la’aan, gar qaadasho la’aan, handadaad joogto ah, bahdilaada intii ummada iyo dalka ku lahyd miisaan iyo milgo iyo maqaam sare, xadhig xaq daro ah oo soo noqnoqda, qawda maqashii waxna ha u qaban, xaalad abuur joogto ah, khilaaf abuurid dastuuri ah, faragelinta badheedhka ah ee hawlaha qaran ee Koomiishanka Doorashooyinka, ku adkeysi mudo kordhin qayral dastuuri iyo xaaraan ah, dadafeynta doorashooyin dalka ka dhaca, isku day ridid dagaal sokeeye iyo fawdo ka dhex qaraxda ummada iyo dalka, iyo guud ahaan isku day minjoxaabita qadyadooda iyo jiritaanka Somaliland kuwaasoo la wada xidhiidha dembiyada khiyaamo qaran iyo qaran dumis lagaagana, hadhi doonin.

Dhinaca kale, Madaxweynow, degmada Berbera, sida aad ula socoto, waxaa ka dhacay xasuuqyo farabadan oo waxaashnimo ah, waxaad waagaasna rimiimkii ka ahayd sarkaal sare ama mas’uul sare sida Taliyihii NSS-ta ee Degmada Berbera, waxa kale oo aad ka mid ahayd GUDIGA NABAGELYADA ee DEGMADA BERBERA xubin sare oo maamuskeeda iyo qadarinteeda leh, sidaas daraadeed, waxaanu kaga baahan nahay arrimahan hoos ku xusan:

· In aad si daacad ah oo niyad sami iyo hagar la’aan ah, aad ummada iyo dalka aad warbixin buuxda ka siiso xasuuqyadii kala duwanaa ee ka dhacay Degmada Berbera iyo degaanada nawaaxigeeda.

· In aad si daacad ah oo niyad sami iyo hagar la’aan ah, aad warbixin buuxda naga siiso hab maamulkii NSS-ta, hab dhaqankoodii, noocyada hawlahoodii, waxyaabihii ay qaban jireen, hab basaasiddoodii, hab baadhiseedkoodii, hab ciqaabeedkoodii sida baada, madax furasho lacageed, jidh-dil, xadig, iyo noocyada hab jidh-dileed ee ay isticmaali jireen.

· In aad si daacad oo niyad sami iyo hagar la’aan ah, aad noogu nicadeyso cadadka dadka rayidka ah ee Degmada Berbera iyo degaanada nawaaxigeeda ee lagu xasuuqay, xiliyadii la xusuuqay, sababaha loo xasuuqay, sababaha loo cuskaday xasuuqyada, cida amarka xasuuqyada bixisay, cida fuleysay xasuuqiyada, iyo halka ay maydadkoodii ku dambeeyeen.

· In aad si daacad ah oo niyad sami iyo hagar la’aan ah aad warbixin buuxda naga siiso cadaadiska iyo bahdilaada baahsanaa ee dhinacyada badnaa ee aydun ku hayseen dadka rayidka ah gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Besha Sheikh Isxaaq ee aydun waagaas si wadar ahaaneed ugu yeedhi jirteen “QURMIS”, “MAHBAR”, SNM, iwm. sida Shaqaalaha Dowlada ee kala duwan ee beesha ka soo jeeda Odeyaasha, Ganacsatada, Aqoonyahanada, Culima U Diinka, Haweenka, iyo ardayda ama dhalinyarada ee Degmada Berbera iyo degaanada nawaaxigeeda ee aad mas’uulka sare ka ahayd.

· In aad si daacad ah oo niyad sami iyo hagar la’aan ah, aad warbixin buuxda naga siiyo xasuuqii waxaashnimada ahaa ee loo geystay boqolaalkii muwaadin ee laga soo tarxiiray dalka Saudi Arabia ee markabka weyn saarnaa kaasoo ku soo xidhay Dekeda Berbera dabeetana, aydun xarunta NSS ee degmada isugu keenteen rakaabkii si aydun hawlo baadhiseed ugu sameysaan una kala gurtaan sida beelaha iyo degaanada, ay ka soo kala jeedaan kuwaasoo badanaa ka soo jeeday Besha Sheikh Isxaaq ka dibna, aydun midhadhkii ku jiray ee ka soo jeeday beelaha kale ee Soomaaliyeed la wada sii daayey ama xoriyadoodii loo ceshay halka, kuwi kale ee aan waxba galabsan gebi ahaantoodba si waxaashnimo ah loo xasuuqay dembiga keliya ee loo xasuuqayna uu ahaa, inay isir ahaan Besha Isaaq ka soo jeedeen oo keliya.

· In aad si daacad ah oo niyad sami iyo hagar la’aan ah, aad warbixin buuxda naga siiso hantidii ay dalka la soo galeen, alaabooyinkiidii, sida aydun ula dhaqanteen eheladoodii ee qaarkood ka warheleen in ehelkoodii la soo musaafuriyey loolana dhaadhacay xarunta NSS-ta, habkii loo xasuuqay sida in xabad lala dhacay iyo in faashash lala dhacay, iwm, in markoodii hore la jidh-dilay ama la bahdilay, halka, ay ku dambeeyeen maydadkii muwaadiniintaas marxuumiinta ahi ee aan waxba galabsan, xabaalo wadareedyada lagu kala guray boqolaalkaas mayd, iyo halka ay ku yaaliin xabaalahaas wadareed si loo calaamadeeyo mustaqbalkana aas waafaqsan Diinta iyo Shareecada loogu sameeyo.

Sidaas daraadeed, waxa lagugu adkeenaya inaadan arrintan xaasaasiga ah ee muhimada weyn u leh ehelkii marxumiinta xasuuqyadii kala duwaanaa gaar ahaan xasuuqii muwaadiniintii la soo tarxiiray, aadan wax cudur daar ah ka keenin namana qabato in mudo ka badan labaatan sannood oo ay mootanayeen wax nalooga iftiimin waayo, iyo inaad ku andacooto inaadan xasuuqyadaas waxba kala socon haba yaraate sida “ma ogeyn goortay ay dhaceen, sababaha loo fuliyey, iyo cida fulisay toona”, “goobta waan ka maqnaa xiligaa markaan, shaqada ku soo noqdayna, waxba la ilama socodsiin” adigoo weliba ahaa taliyihii dhamaa NSS-ta ee degmada Berbera taasoo aanu sinaba kaga asmaci doonin waayo, waaxaad ka mid ahayd Gudiga Nabadgelyada ee Degmada Berbera kuwaasoo ka koobnaa:

· Guddoomiyaha Degmada Berbera.
· Duqa Magaalada Degmada Berbera.
· Guddoomiyaha XHKS ee Degmada Berbera.
· Taliyaha NSS-ta ee Degmada Berbera.
· TTaliyaha Ciidamada Mariinada ee Degmada Berbera.
· Taliyaha Ciidamada Beriga ee Degmada Berbera.
· Taliyaha Booliska ee Degmada Berbera, iwm.

Madaxweyne, haddii arrintan lagaa codsanayo aad muhiimad gaar ah siin weydo oo aad dhayalsato iskana dadafeyso, waxay murugo hor leh, samir la’aan, iyo cadho ba’an ku keeni karta waalidkii, qoysaskii, agoomahii, ehelkii, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee marxumiintaas aan waxba galabsan ee sida waxaashnimada ah ee aadnimada ka baxsan loo isir gumaaday. Hadaba, waxaa maamul ahaan u dhaqan iyo caado ahayd in Gudiga Nabadgelyada ee Degmada ama Gobolka uu talo mideysan isku waafaqo go’aanana ka soo saaraan wixi walba ee lafulinayo ee ku saabsan hawlaha “nabadgelyeed” dabagalna lagu sameeyo si loo xaqiijiyo hirgelinteda buuxda ee go’anadaas taasoo muujinaysa, inaad ka mid ahayd go’aankii lagu fuliyey xasuuqyadii ka dhacay degmada gaar ahaan xawasuuqi loo geystay muwaadiniintii marxumiinta ah ee dalka Saudi Arabia laga soo tarxiiray ee sida waxaashnimada ah loo isir gumaaday kaasoo ka baaxad weyna xasuuqii marxuumiinta Reer Sheikh Isxaaq loogu geystay Xeebtii Jasiira ee magaalada Xamar.

Sidaas daraadeed, waxaanu hada kaaga fadhina inaa xaqiiqda iyo runta jirta ee xasuuqyadaas ku saabsan aad si cad oo aan werwareeg iyo gabasho lahayn, aad noogu sheegto oo aad weliba muhiimada weyn saarto halka, ay xabaalihaas wadareed ee sirta ahaa ee cadadka dadka intaas le’eg lagu guray, ay ku kala yaalin si looga bogsado xanuunkaas mudada dheer soo jiitamayey.

Dhinaca kale, xusuus ahaan, waxaan halkan kugu soo gudbinaya laba fiidhiyow oo ka mid ah fiidhiyowyada, ay iska soo duubeen Faqashtii maatada Reer Sheikh Isxaaq ee aan waxba galabsan ee sida waxashnimada ah u Isir Gumaadeysay taasoo ku cad fiidhowyadan hoos ku xusan:

* Hargeisa Under Siege (Part 1):

www.youtube.com/watch?v=6jKyFbUlMj0


* Hargeisa Under Siege (Part 2):

www.youtube.com/watch?v=H6wEy1dNhGU

Isku soo wada xooriyo, sinaba u ilaawi mayno isir gumaadkii rijiimkii militari ee fashiistaha ee Horor Siyaad Bare ee aad ka mid ahayd kuwaasoo noocyada iyo cadadka dembiya dagaal ee ay u geysteen maatada Reer Sheikh Isxaaq aan halkan lagu soo koobi karin. Hase yeeshee, waa mid aan sinaba u dhici doonin, in mar kale, maatada iyo guud ahaan shacbiga Somaliland loo geysto isir gumaad kale, waxaananu halkan kaaga soo jeedinaynaa inaad khaakhulkan aad wado iyo ciidamadan aad ka soo waariday Gobolka Awdal ee halka beel ka kooban ee aad magaalo madaxdii Hargeisa dul keentay iyo ciidaman iyaguna ka soo jeeda Gobolka Sool ee aad dul dhigtay magaalada Burco ahna magaalo madaxdii labaad ee dalka aad si deg deg ah uga qaado oo aad aagagoodii iyo xeryahoodii aad dib ugu celiso si aaney xaalada nabadgelyo iyo guud ahaan xasiloonida dalka aaney faraha uga bixin una caga dhigtid arrimahan nacabnimada ah ee aad adigu ka mas’uul tahay ee heerkaas cakiran ee khatarteeda lehi aad gaadhsiisay.

(We will never forget. And never again shall our people suffer another genocide. Period.)

Mr. Halgame,
May God bless the people and the State of Somaliland. Amiin.

[ Reply ]



Name : Jama Yusuf Shabash.
Subject : Re : jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
Mudane Siilaanyo miyuu Sharciga ka sareeyaa - Tolow daaya yaa yidhi ?

Hogaamiyaha Xisbigga Kulmiye, Mudane Axmed Siilaanyo ayaa cadaystay inuu ku tunto distoorka iyo axdiga qaranka. Wuxuu ku ballan qaaday inuu Dr Gaboose u furo Xisbi. Waxa kale uu Mr Cadami ugu ballan qaaday inuu u abuuro jagada Prime Minister-ka Iminkana wuxuu ganafka ku dhuftay go'aankii Golaha Guurtida ee waafaqsana distoorka iyo shuruucda dalka. Hadaba, Mudane Siilaanyo miyuu sharciga ka
sareeyaa? Mise rabshad ayaa laga baqaaya hadii jeelka mandheera loo taxaabo?

Miyaan Xeer dabbaaliyo, sharci laba dibleeyio, dar u qaybsan loohayn. Tolow daaya yaa yidhi?

Waa hawl looga fadhiyo inay ku dhaqaaqaan Xeer Ilaaliyaha Guud , Guddoomiyaha Maxkamadda Distooriga, iyo Golaha Guurtidda.


Jama Yusuf Shabash.
Jamayusuf36@yahoo.com

Name : Mr. Halgame
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-02
RIYAALE: KING RAT OF SOMALILAND:

Dahir Riyaale Kaahin, Boqorka Jiirka Somaliland ahna Hogaamiya Xisbiga talada haya ee UDUB, waxa keliya ee uu ku wanaagsan yahay, waa xaalad abuurka, wareegto ayaan soo saarey oo hebel baan xilkii ka qaaday iyo hebel baan xilkii u magacaabay, bootada ah aniga waa la I soo doortay iyo aniga…aniga…aniga sida aniga ayaa riiga keenay, iyo boobka hantida ummada iyo dalka oo keliya.

Intaas keliya weeye inta uu ku takhasuusay, wax kalena, ma yaqaan waayo waa ka xitaa Riig xun oo aanu lahayn caruurtii haraadanayd ku leynaya.

Waxa se, ka liita kuwa wax mooday ee soo doortay ee weliba kabo qaadka u ah kuwaasoo mijin jaad oo ureysa oo quudheed oo gebigeeduba joogta hal doolar loo soo tuuro sida lafta eyga loogu soo tuuroo laguna amro inay SNM, Mujaahidiintii dalka xoreysay, Xisbiga KULMIYE, Mas’uulinta kale ee ummada iyo dalka miisanka iyo maqaamka ku leh, beelaha qaar iyo degaanadoodaba, ay halkan iyo goobo kaleba si shaqsi ahaaneed iyo wadar ahaaneedba uga soo jeediyaan aflagaado joogto ah oo badheedh ah oo gunnimo ah.

Bal, han yaraantooda eeg! Bal, eeg waxa ay ku if iyo aakhiro seegayaan intuu le’eg yahay?

Guul iyo Gobanimo,

Mr. Halgame,
May God bless the people and the State of Somaliland. Amiin
Name : Kala Lumis Tilmaame
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-03
CUDURKA KU DHACA FARDAHA HADDII LAGA GUBO DAMEER DAWO LAGAMA GAADHAYO

HAB DHAQANKA AXSAABTA AYAA U BAAHAN IN WAX LAGA BEDDELO
SI UMMADDA DIB LOOGU SOO CELIYO XISBIGEEDII 3AAD EE LAGA DHACAY KAASOO ILAA HAATAN AY QAWLAYSATADA KALA LUMIYE AY AFDUUB KU HAYSATO.

MAAD SEEGIN TALADII KOL HADDII AY ISKAA TUSTAY BAAHIDA LOO QABO INAY JIRAAN DHALIILO QALLAFSAN OO DALKA KU NOQDAY DHADHAAB CULUS OO XANNIBTAY GEEDDI SOCODKA HAWLAHA QARANNIMO KUWAASOO DARTOOD LOO MARI WAAYAY JIDKII NOLOSHA TOOSAN LOONA BAAHAN YAHAY IN LA ISKA KOR QAADO.

LAAKIIN HALKA ABBAARTAY AYAAN AHAYN BOOGTII LOO RABAY IN DAWEEYO, IYADOO AY JIRAAN MAASHKILLO DHAWR AH OO AY TAHAY IN WAX LAGA QABTO AYAAN INNABA MURAN TAAGNAYN IN TA UGU HORRAYSA EE DALKAN KU NOQOTAY LAF DHUUNTA U FADHIDA UNA BAAHAN IN DHAKHSO LOOGA SAARO INTA AAN WAX KALEBA HORTA LAGA HADLIN WAA SUÀASHA AH MAXAA KULMIYE LAGA YEELAYAA.

URURKAN BUDHCAD KURSIYEEDKA AH EE HOR CARARO QAWLAYSTAHA SIILAANYO WAA MID UMMADDA LA DEGAY, NOQDAYNA URUR BEELEED DIB U CELINAYA DAWLADNIMADA OO RABA IN LAGU NEGAADO HABKII CAWAANNIMADA EE MEDIEVALKA HALKA DUNIDU MAANTA AY KA WADA GUDUBTAY BEELAYSIGA OO AH MID LA ISU TAR SHEEGTO AMMA LA ISKU DULMIYO.

MARNABA ,SINABA IYO CAYNNABA LOOMA DIFAACO KARO WAXAANA KU MEERAYSTA NIN JILICSAN OO KA QUUSTAY INU UMMADDA NABAD KULA NOOLAADO OO AAN KALSOONI KU QABIN INUU WAX NOQON KARO, AMMA JAAHIL FAWQA JAAHIL INDHA LA`OO AAN BAHAAÌMKA WAXBA DHAAMIN ISLA MARKAANA AAN KALA GARANAYN WAXA WANAAGSAN IYO WAXA XUN.

WAXA KALOO LOO AANAYN KARAA KUWA QABIILIISTAYAASHA AH INAY YIHIIN DUUL U XAGLIYA DHANKA SOMALIWEYNTA OO AY TAA UGU BADINAYSO DANNA AAN KA LAHAYN DALAN IYO DADKIISA WANAAGSANBA NOQDAYN QOON LAGU SHAQAYSTO OO AWRKIRAYAAL AH UNA ADEEGAYA NACABKA SOMALILAND.

XALKA MAANTA HORTEENNA YAALLA OO AAN YARAYN WAA TAA AAN TILMAAMAY TA AY TAHAY IN HORTA LA ISKA DULQAADO CULAYSKEEDA WAAYO OODO DHACMEED SIDAY U KALA KORREEYAAN AYAA LOO KALA HORRAYSIIYAA, WAANAN KU CELINAYAA WAXAY TAHAY WHAT SHALL WE DO ABOUT THE MOST DESTRUCTIVE ELEMENT IN OUR LIVES? WAANA URUR BEELEEDKA KALA LUMIYE HADDII HADAL IDINKA DAADAGAYO.

URURKAASI WUXU MAANTA KA DHIGAN YAHAY LAAN KA MAQAN GEEDKII LAAMALAWSHAHA AHAA EE DIMUQRAADDIYADDII AY UMMADDU BEERATAY OO HAATAN AY LABA QUDHA AHI KA SII HADHEEN LOONA BAAHAN YAHAY IN AMMA LOO SOO CELIYO AMMA LAAN KALE OO CUSUB LAGU TALLAALO GEEDKA KALA LUMIYANA LA BAABIIYO GEBI AHAANTIIBA, WAA TAA DAWADA KOOBAAD EE AY
WAXA AAN HADAL KA TAAGNAYN IN LOO BAAHAN YAHAY IN SI WEYN WAX LOOGA BEDDELO HAYÀDAHA SIYAASADEED EE DALKA, QODOBBO AAN QEEXNAYN OO DISTOORKA AH IYO ADKAYNTA SHARCIGA IYO CADDAALADDA.

WHAT SHALL DO ABOUT APPARTHEID CLANISTIC ORGANISATION OF KALA LUMIYE?
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-03
Riyaale tirada 29-ka ma faal baa u qabtay bal ha la soo ogaado arintaa
saraarnews - Hargeysa, April 1, 2009


Wasiirkii hore ee Deegaanka iyo Horumarinta miyiga Soamliland Md Fu’aad Aadan Cadde, oo xilligana ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa Saxaafada ugu baaqay inay soo baadhaan waxa qabashada doorashooyinka dalka iyo dhacdooyinka siyaasiga ah ku beega tirada 29.

Md Fu’aad Aadan Cadde, wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu maanta xarunta dhexe xisbiga KULMIYE uu kula hadlayay warfidiyeenka, waxaanu yidhi:

“Aniga wax baa iga yaabiyay, Qaraxii Hargeysa ka dhacay wuxuu dhacay 29-kii October 2008, Doorashadii madaxtooyada hore waxa looga dhigay 29-ka March, Dhagaxa Madaxweynuhu isku xeeray waa 29 xabo, Guurtidii uu dirtay ee uu yidhi wax ii saxeexa ee mooshinka Golaha horkeentay waa 29 Mudane, dadkii qaraxa ku dhintay isaga iyo allihiisee wuxuu yidhi waxay ahaayeen 29 Qof, cid uu mag siinayo ma aynaan arage’e, haddana waxa la yidhi 29-ka September waa maalinta doorashada la qabanayo, 29-ka bisha October-na waa maalintuu meesha ka degayo ayaa la leeyahay, bal waxaad soo baadhaan waxan oo 29 ah.”

Source: http://www.saraarnews.com
Name : Aar Qoyay
Subject : Re :jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?!
Date : 2009-04-04
Wax kale ma aha e Aarku wuxu ka yaabay, ninka isku magacaabay Qarxiye oo annagii na baraya SNM waxa ay tahay. Waxan ku idhi SNM waa ka bari dadka bilaa karaamada ah ee uu dhuuni-qaate Tallaabo ugu horreeyo, xataa kuwa kale ee SNM ahaan jiray ee ay mujaaidiinta kala aragtida yihiin sidiisa lagama dhigan tool amma agab ay faqash ku adeegsato.
Waxad qarxisaaba iska yare, adeer sokeeye nooma aha ayaan ku idhi ninka maanta Rayaale iyo Tallaabo ku taageersan caqliga fuudku ka buuxo ee is le Silanyo, Muse Bixi, Kaahin iyo Dhegaweyne ayaad xidh-xidhi kartaan.

Aar

[ Reply ]


Pages : [ jsl: 6da april, ma maalintii suurta la afuufayay baa?! 1 ]