Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL Oo Meel Mariyay Ajandaha Kal-Fadhiga 26aad.       Mudaaharaadyo Rabashado Wata Oo Ka Socda Dalka Maraykanka.       Tacsi Tiiraanyo Leh.       Fadhigii Maanta Golaha Wakiilada Oo Loo Qaybiyay Ajandaha Kal-Fadhiga 26aad.       Tacsi Tiiraanyo Leh.       Faallo Ma Leh...Shib Ka Dheh....No Comment. ... Keine Kommentar...       Khilaafkii Golaha Wakiiladda JSL Oo La Soo Afjaray.       Ururadda EU Iyo AU Oo Magacaabay Wasiirkii Hore Arr. Dibadda JSL.       Xisbiga UCID Oo Jawaab Ka Bixiyay War Ka Baxay TV-ga Qaranka JSL.      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
Oodweynenews
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.
Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

boqorkii codka macaan muj. maxamed mooge liibaan wuxuu ahaa....

boqorkii codka macaan muj. maxamed mooge liibaan wuxuu ahaa....

Articles


 
Boqorkii codka Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan. Alla ha u naxariistee waxa uu ahaa nin ay taariikhdu qortay. Wuxuu ahaa ragii u soo kifaaxay gobonimada JSL halgan dheerna u soo maray madaxbanaanida dalkiisa hooyo. Mj. Maxamed Mooge wuxuu ku dhashay Magaalada Hargaysa kuna kacaamay yaraantyiisii. By: Mj. Saciid Cabdi Dheen.




Mujaahid Maxamed Mooge - Baban. Wuxuu ahaa shaksi aan la ilaabi karin halyay ku dheer ummadiisa geesi u huray naftiisa dadkiisa iyo dalkiisaba. Shacbiga Somaliland ayaa qadarin wayn iyo kalgacayl u hibeeyay Mujaahidka.

Waxaad arkaysaa meelo badan oo mujaahidka loogu magac daray sida degmada Maxamed Mooge oo ka tirsan gobolka marodi jeex oo shalay loo wanqalay loona qabtay munaasabad aad u balaadhan oo ay kasoo qayb galeen dhamaan qaybaha bulshada. Wًًًًًًaxaa jira machadyo iyo goobo waxbarasho oo sita magaca Mujaahid Maxamed Mooge.

Waxaad kaloo arkaysaa dhulka cayaaraha iyo garoomada oo sita magaca mujaahidka. Sidoo kalana waxaa lagu dhigtaa taariikhda mujaahidka dhamaan goobaha waxbarashada si ardaydu wax uga ogaato taariikhda dahabka ah ee mujaahidka. Carwada ku taala Magaalada Hargaysa ayaa ah meelaha lagu soo bandhigo dhaxalkii uu mujaahidku uga tagay ummadiisa. Sida Kamankiisii uu inbadan ku guubaabin jiray dadkiisa asagoo kaashanaya codkiisii iyo luuqdiisii dahabiga ahayd ee shacabka ku dheerayd.

Mujaahid Maxamed Mooge wuxuu ifka kaga tagay gabadhiisa oo la yidhaa Yaasmiin Maxamed Mooge oo hadda ah marwo reer iyo caruurba leh nolol fiicana ku nool  dadkuna had iyo jeer jecel yahay inay salaamaan ama wax waydiiyaan. Mujaahid  Maxamed wuxuu la dhashay  fanaanka wayn ee la yidhaa Axmed Mooge Liibaan Ilaahay dhammanatood ha  u naxariisto.

HARGAYSINA XORNIMADEED,
CIDNA KUMA HALYSEEN,
HEERYADII MA DIIDEEN,
DAGAAL MA HUBQAATEEN,
WAA HABKAAN U FALAYEE,
HAL ADAG MA YEELEEN.

Heestan oo runtii xasuus wayn ku leh dhamaan bulshada, ahaydna heesihii guubaabada ku salaysnaa runtii waa hees murti wayn ku fadhida waxaana dareemi kara shucuurtii garanaaaya waqtigeedii ama dhuuxi kara abuurka midhaheeda.
Mujaahid Maxamed Mooge waxa dhagaysan jiray maalin kastaa ilaa 3 Millon iyo badh qof. Waxa dawladii Siyaad Barre ay isku dayday inay joojiso codkiisa qofkii lagu maqlana la xidho dadka qaarna waaba la dili jiray. Hase yeeshee codkii Mujaahidku wuxuu noqday mid aan la joojin karin. Mid aan la kantarooli karin. Cod aan la xayiri karin. Ka dibna waxa dhacaday in dawladii Siyaad Barre uu codkii Mujaahid Maxamed  uu ka xoog batay.

HAWRAARTU LABA MALEH,
KII HALGAMI  LAHAA IYO,
KII HUGURIGU LEEXSHIYO,
HALYAYGII JIHAADOOW,
TAARIIKHDU WAY HADHI,
WAANAY KALA HUFMAYSAA,
XISBIGAN HEEGAN KA ANA,
GUUSHA U HADHAAYA.

Run baad sheegta Mj. Maxamadoow. Guushii waatay u hadheen shacabkii ee ay duhur cad ka eryeeen askartii shacabka u cago juglayn jiray.

Waxa aan ka waraystay rag badan oo mujaahidina. Waxaanay ii xaqiijiyeen runtii markaad maqasho heesaha guubaabada ee Mj. Maxamed Mooge, waxa kugu dhalanaaya dareen gaara. Waxaanu aad u laba jibaari jirnay dagaaladii iyo weeraradii aanu ku haynay asakartii Siyaad Barre. Waxaanu ku dadaali jirnay in aanu ka erino askarta dawlada dhulka ay  dulmiga ku hayeen shacbiga ee ay hantidoona ka dhici jireen.
Askartii Siyaad Barre ayaa ayaga laftoodu xoog uga caban jiray meelaha lagu sheego  Muj Maxamed Mooge inuu soo galay. Maamulkii Siyaad Bare ayaa askartiisa kula dardaarmi jiray in aanay ka baqan Muj Maxamed Mooge.
Mujaahid Maxamed wuxuu ahaa nin bulshaawiya oo kaftan badan dadkuna hadalkiisa aad u xiiseeyaan had iyo jeerna waxaa la joogi jiray bulsho badan kuwaas oo murtidiisa ku diirsan jiray.

Muj Maxamed waxaa lagu yaqaaanay nin dabeecad wanaagsan dadkana aanay iska hor iman. Waxa kaloo Muj Maxamed uu caan ku ahaa nin aad u xarago badan oo dirays-qaad wanaagsan.

XEEBTAA JABUUTEE,
SOOMALI LAGA XADAY,
HADII AAN XAGAA TAGAY,
MA JEBININ XEERKEE,
MAXAA LAYGU SOO XIDHAY.

Waa 1974 ka dib markii Maxamed lagu xidhay jeelka Hargaysa asagoo ka soo laabtay Jibuuti. Ka dibna Taliskii Siyaad Bare ku eedeeyay inuu kacaanka ka soo horjeedo.

Ma maqashay MAXAMED MOOGE IYO SIYAAD BARE OO ISU HANJABAY.

Maxamed oo lagu yaqaanay nin geesiya kana yimi magaalda Hargaysa oo ah xarunta  suugaanta ayaa waqti lagu jiro XALANE  sameeyay afaray gabay ah.

Amar dhacay Aaminay haddii aad igala ooyayso,
Ma ogtahay Indiyan ooshinkaan ku ag wareegaaye,
Ma ogtahay askari jaahil ah ayaan amar ka qaatay,
Ma ogtahay anfacada aan cunaa ma laha iidaan e',
Ma ogtahay waxa aan eersadaa odayga weeyaani.

Siyaad ayaa maqlay afaraydaa ka dibna wuxuu yimi dugsiga Xalane ee tababarka macalimiinta. Wuxuu Siyaad Barre soo kaxaystay askar duub cas ah oo aad u badan laakin Maxamed Mooge iyo asxaabtiisii umay jixin-jixin. 
Siyaad Barre ayaa soo galay ayadoo afarta dhinac laga galbinaayo oo ciidan hubaysani hareeraha ka socdaan kadibna wuxuu yidhi waxan rabaa in la sheego ninka afaraydan tiriyay.

Lama sheegin cidna may hadal [oo yaa u baxaya nin askar dhago xidhan wata ] hadana Siyaad ayaa hadlay asagoo xanaaqsan codkana kor u qaadaya, "WAXAN RABAA IN LA SHEEGO NINKA SAMEEYAY AFARAYDAN"?!
Hal nin ayaa ardaydii ka soo dhex baxay. Wuxuu ahaa nin wajigiisa geesinimo ka muuqato wuxuu u soo dhaqaaqay dhinicii Siyaad Barre sanqadha socodkiisa ayaa marba marka ka sii danbaysa aad ka dareemaysay inay ahayd mid geesinimo ku jirto ardaydii ayagoo yaaban ninkan ku socda xagii Siyaad Barre ayay isha la wada raaceen. Wuxuu ahaa nin haybadi ka muuqato oo aad u dheer oo cas runtiina ay ka muuqato haybad iyo sharaf nin ragga lagu tilmaamo.
 
Wuxuu ahaa Mujaahidkii Maxamed Mooge Liibaan. Kadibna wuxuu hor istaagay Siyaad Barre. Waxaanu yidhi waar annagaa tirinee maxaad la qaylinaysaa?! Siyaad oo aan waligii wax ka horyimaada iyo wax u hanjaba midna aan arag ayay aad iyo aad ay ugu noqotay wuxuu la yaabo!

Siyaaad ayaa Mujaahid Maxamed Mooge intuu kor u eegay ayuu amar ku siiyay in askartii kaxeeyaan. Waxa markaas hadal aad u dheeri uu dhex maray mujaahidka iyo Madaxwynihii waqtigaa ka talinaayay Somaliya Jaalle Siyaad Barre.
Muj Maxamed Mooge sida dadku ii sheegeen wuxuu Siyaad Bare ka codsaday in aanu afarray danbe tirin. In uu joojiyo ka soo horjeeka dawladda iyo kacaanka.

Wuxuu u ballan qaaday Madaxwaynuhu in uu qarash iyo maal badan siin doono hadii uu joojiyo ardayda iyo wax garadka uu markaas Maxamed Mooge wax u sheegayay, kuna baraarujinaayay in kacaanka laga soo horjeesto.
Hase yeeshee, sida aan taariikhda ku helay Mujaahid Maxamed Mooge wuu ka diiday  Madaxwaynaha arimahaas oo dhan waxaanu u sheegay in dadka iyo dalka uu Madaxwaynuhu cadaalad ku maamulo kana daayo qabiilka iyo qabyaaladda uu ku maamulaayo.

Walaalkay dhabiyo dhiigaygiyoow,
dhulkii hooyo waa kan,
dhalashadiina waa laba,
waydin dhaariyee,
hays dhalan rogina.
  
Heestan ayaa ahayd mar uu Muj. Maxamed Mooge fariin gaara u soo diray asxaabtiisii dhinaca fanka ay aad iskugu dheeraayeen, meelna ku soo wada kacaameen  waxaanay kala ahaayeen.

1, Cabdale Sagsaag, Illaahay ha u naxariistee.
2. Axmed Cali Dararamle oo hada jooga cariga Ingriska.
3. Faysal Cumar Mushteek oo hada jooda Hargaysa Somaliland.

Mujaahid Maxamed Mooge waxa kaloo dhinaca fanka garabyadiisa ahaa abwaan  Maxamed Ibraahim Hadraawi. Abwaan Cabdi Qays. Abwaan Axmed Seelaabaan Bidde. Abwaan Cabdi Iidle. Fanaanda Xaliimo Khaliif- Magool. Allaah yarxamu, ayay Maxamed si gaara heeso badan u wada qaadeen. Waxaana ka mid ahaa:

Ma macaantay sheekadu,
Ma dhadhamisay midhihii,
Mise waa wax kaa maqan,
Muxibadiyo reenkuu,
Maxamed  maxamed,
Magooleey,
Maashaa ala weeyaan,
Muska inaan yagleelnaa.

Mujaahid Maxamed heeska uu heesihiisa ugu jeclaa waa kan hoos ku qoran:

Abidkayba wan jiray jab intuu dhacaayee,
wadnahaygu jalawdiyo ma yaqaaan juglayntee,
jirid aan go'ayniyo xidid jiidataanee,
jiilaalku ima kari iyo jidin cadaadkuye,
soo jiidh wanaaggaa jeenigaa ku soo qaad...

Waxaa soo diyaariyay
Saciid Cabdi Dheen

Posted on Saturday, January 24 @ 17:01:14 AST by admin



boqorkii codka macaan muj. maxamed mooge liibaan wuxuu ahaa.... - boqorkii codka macaan muj. maxamed mooge liibaan wuxuu ahaa....
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : raqam 24
Subject : Re : boqorkii codka macaan muj. maxamed mooge liibaan wuxuu ahaa....
Date : 2009-01-25
waxaan maqlay alaa yarxamu mujaahidka waxay aad isu jeclaayeen
fanaanadii ala ha u naxariistee xaliimo khahliif magool

Name : Abdi Mohamed Ali
Subject : Re :boqorkii codka macaan muj. maxamed mooge liibaan wuxuu ahaa....
Date : 2010-04-05
Allaha u naxariistee Maxamed Mooge wuxuu ahaa fanaan aad aad jeclaa in aan dhagaysto codkiisa macaan.
Waxaanse aaminnsanahay in khalad wayn laga galay Somaliland ka dib markii ay la midoobeen dad ay moodayeen inay walaalo yihiin waa Koofure. Waxaan Rabbi uga baryayaa in Somaliland ay horumar iyo barwaaqo gaaraan. Waxaan ahay nin u dhashay Ogaden, Somaliland waxay ahaayeen dadkii ugu horeeyay ee ka hadla aayaha gobalka Ogaadeeniya ee dibada wufuuf u dira. Guuleysta walaalayaal balse naga daaya cadawga aad inoo gudbisaan!

[ Reply ]



Name : mustafe
Subject : Re : boqorkii codka macaan muj. maxamed mooge liibaan wuxuu ahaa....
Date : 2009-01-25
siciid dheen hanbalyo taariikhda mujaahidka ee aad ka qortay
shalay ayaanu ku difaacnay mid ka xun ayaanu aragnay taariikhda mujaahid maxamed
markaa magaciisa sheegi maynee wuxuu degan yahay newcros london
waa mid had iyo jeer hadal badan oo iska qosla
laakiin anagaa ku nidhi waar soco adoo kale waa la yaqaanaa la wareegaya isku dir iyo naxli
waanu u hanjabnay
siciid anagaa ninkaana magaciisa kuu soo diri aad gabay ku sii dayside

Name : Cumar Daarood Xassan
Subject : Re :boqorkii codka macaan muj. maxamed mooge liibaan wuxuu ahaa....
Date : 2009-01-25
Waxan mar labadaad aad iyo aad u soo dhaweynayaa taarikhda iyo xaqiiiqda ku saleysan ee u Saciid Dheen soo daabacay, runtii muj. Maxamed Moge Liiban halkan laguma soo koobi karo dhaqankiisi wanaagsan ee u bulshada dhexdeeda u ku laha wuxu ahaa Fanaanka fanaantinta soomaliyeed odhan, wuxu aha macalin qiimo weyne ku leh bulshada waxbarata, wuxu aha mujaahidkii ugu horeyay ee fanaanka ahaa, wuxu ahaa nin aad iyo aad bulshada soomaliyeed qeybaheeda kala duwan u jecl yihiin, ilaahey naxariistii jano ha ka waraabiye maxamed moge libaan iyo intii muslimahaba ee inaga hooseysa maanta aamin aamin aamin.

Waxan aad u xusuusta heestiisi u codka wanaagsan inagu soo gaadhsiin jirey ee aheyd HADDII GURI AD LEEDAHEY OO LAGULA AQAL GALI GEELIYO GAAMAN FARAS AYAAN KUGU GALBINAYA HIDAHEENA GAARKA AYAAN KUGU GALBINAYA iyo kuwiisi kale ee badanaa

omardarood
Name : ahmad barkat
Subject : Re :boqorkii codka macaan muj. maxamed mooge liibaan wuxuu ahaa....
Date : 2009-05-24
waar waa bidhii wuxuu ninkani meesha ku qoray waar isaaqaw waa la ini yaqaanaa wuxuu siyad bare inigu dhigeee maxaa kale oo aad haysaaan wali ma la ini ictiraafay waadawlad aad xin usamaysateen waligiin heer magaadhaysaan mantana ma waxaad qorteen maxamad moogaa siyaad bare uhan jabay your lier kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Name : cabdifataax
Subject : Re :boqorkii codka macaan muj. maxamed mooge liibaan wuxuu ahaa....
Date : 2009-12-12
muj maxamed mooge liiban wuxuu ahaa hal yaay udhashay s n m wuxuu ka mid ahaa ku wii ka had lay dhibaa tadii loo gaysanaayay reer isaaq iyo somali dhaqaalii lugu dhisay xamar waxaa lahad somaliland ka soo qad dakada barbara wixii ka soo bi xi jiray wataa lugu dhisay xamar wakii maxamed mooge la haa IYADOO DHALIN YARADU KU HILAN TAHAY
HUB IYO QORI HASHOODII IR MAANAYD
MIYAA LAGA HAGAAJOO IYAGOO
HAMUUN QABA MIYAA LUGU HOR MAALAA
taasi waa tu saale ay nu u soo qaadan kar no ale ah u naxariis tii

[ Reply ]



Name : jamaal ABDI ADAM
Subject : Re : boqorkii codka macaan muj. maxamed mooge liibaan wuxuu ahaa....
Date : 2009-06-03
RUN AHAANTII sidaynu wada oganahay alla ha unaxariistee M.maxamed mooge waxuu ahaa shakhsiyad cajiiba,waxuu ahaa,macalin,heesaaa,musician,mujaahid,aad ayaad umahadsantahay sxb mar dheen taatiikhdaa mujaahidka ee aad soo qoortay


[ Reply ]



Name : fowziya
Subject : Re : boqorkii codka macaan muj. maxamed mooge liibaan wuxuu ahaa....
Date : 2010-01-07
mj baad u taqqaanaan ana munaafaq baan u aqaan wuxu raadineyy in wadnaha laga toogto wuuna heley ,wuxuu raadineyey in aad go,daan oo amxaaro duhurkii dumarkiina wasaan iyo weliba ragiina nacalad baa idinku taal

Name : sahra fariid
Subject : Re :boqorkii codka macaan muj. maxamed mooge liibaan wuxuu ahaa....
Date : 2013-04-24
Fawziyay adiga hadan ku arkayo dhafoorka xunban ka togan laha afka xunbad dhigaysa

[ Reply ]



Name : amaam
Subject : Re : boqorkii codka macaan muj. maxamed mooge liibaan wuxuu ahaa....
Date : 2010-01-19
mohamed moogeh was best the ever simplely

Name : carafaad
Subject : Re :boqorkii codka macaan muj. maxamed mooge liibaan wuxuu ahaa....
Date : 2010-03-18
Mujahaahid maxamed mooge liibaab. waxa uu haaa ilaahay ha u naxariistee halyey aan lagu koobi karin qoraal iyo sheeko la soo ururiyey laakiin waxan leenahay ilaahay ha ku geeyo janadii fardowsa...Ilahay ha u naxariisto ha u nuuro xabaasha iilka neecaw qabaw iyo ha ku siiyo naruuru.. aamiin aamiin aamiin yaa rabiiii

[ Reply ]



Name : maxamed-mooge.com
Subject : Re : boqorkii codka macaan muj. maxamed mooge liibaan wuxuu ahaa....
Date : 2012-11-23
http://www.maxamed-mooge.com


[ Reply ]



Name : sahra fariid
Subject : Re : boqorkii codka macaan muj. maxamed mooge liibaan wuxuu ahaa....
Date : 2013-04-24
Mj maxamed mooge ilaahay hawnaxariisto geesi naga baxoo guuldhashu ahaa kuwan jareerta ah ayan sheegaya dee markii horeba anaga idiin moodnay dad musline ilma afwayne. Balaaya idinla midawda mardambe walee nama xasuuqdaan munafaqiin


[ Reply ]


Pages : [ boqorkii codka macaan muj. maxamed mooge liibaan wuxuu ahaa.... 1 ]