Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Shirweyne Loogu Baaqayo Jaaliyadda JSL Bristol/UK. St Pauls Sports Centre 23/11.       Somali pirates demand $25 mln for oil tanker       J. Djibouti Oo Sheegtay In Aqoonsiga JSL Ka Dhex Guuxayo.       Faallo mal leh... No Comment... Keine Kommentar... No Coment... Biduun tacliiq.       " Al Qaeda waxay ka xuntahay Horumarka Somaliland" Proff Buubaa.       Qabqable Yey Oo Lagu Soo Rogi Doono Cunaqabatayn Dhaqaalaha Iyo Safarada.       Gudoomiye-Ku-Xigeenka G/Sool Oo Ka Warbixiyay Dhagax-Dhigga Jaamacada G/Sool JSL       Saraakiil Ka socotay Sirdoonka Maraykanka FBI Oo Hargeysa Soo Gaadhay.       Madaxweynaha JSL Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday J. Jibouti      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M

Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
N
Nugaal
O

Ogadennews
OGADEN ONLINE
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
Radiohargeysa
RadioSomaliland
Ra''yi press
radiohargeysalive
radiohargeysa24
radiohargeysa
Realpuntlander
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supperhero. Sir Omar Al-Hagi


Heesaha Hirgalay

Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.

xajka sanadkan oo lagu tegi doono baasboorka jsl.

xajka sanadkan oo lagu tegi doono baasboorka jsl.

News


 Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa sheegay in Xajka sanadkan lagu tegi doono Baasaboorka Somaliland iyo Baasaboorkii hore Somalia ee Cagaarka ahaa, isla markaana ay dadweynaha Koonfurta Somalia Baasaboorrada Cagaarka ah kaga dhoofi karaan Madaaradda dalka.




Waxaanu sheegay inuu safarro is-xiga toddobaadka soo socda ku tegi doono dalalka Shiinaha iyo Kenya.

Wasiirka oo Saxaafadda qaarkood wax ka waydiisay Siyaasadda Xukuumad ahaan uga meel taala joojinta Maamulka Cabdilaahi Yuusuf joojiyay isticmaalka Baasaboorkii hore ee Somalia ee Cagaarka ahaa, kaas oo badi Bulshada reer Somaliland ku dhoofaan, gaar ahaan waqtigan oo uu soo dhaw yahay waqtigii Xajku iyo samaysiga Maamulkaasi uu samaystay Baasaboor cusub, ayaa sheegay in aan Madaarrada dalka lagaga dhoofi Karin Baasaboorka cusub ee Xukuumadda Cabdilaahi Yuusuf. “Horta arrintaa dawladdu hore ayay uga hadashay siyaasad baana uga meel yaala, Baasaboorka qolada Imbigaati wadataa mid aynu aqoonsanahay maaha dalkeenuna Baasaboor ayuu leeyahay.

Waxaananu u aragnaa inay dhibaato uun ku sii siyaadinayaan Bulshada reer Somalia ee imika dhibaatooyinka, Mashaakilka iyo Dagaalladu haystaan inay dhibaato uun kaga dhigayaan Baasaboorka, gaar ahaan waqtiyada soo dhaw ee Xajka oo lagu carqaladaynayo gudashada Xajka. Anaga dalkayaga waa ka mamnuuc, nin Baasaboorkaa wataana dalka ma soo geli karo, Diyaaradahayaga laguma soo raaci karo, mana ictiraafsanin.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Duulista Hawadu waxa kale oo uu sheegay in dadweynaha Koonfurta Somalia ay Madaaradda dalka kaga dhoofi karaan Baasaboorkii hore, isla markaana ay Xukuumad ahaan u fududayn doonaan. “Dadka reer Somalia ee Islaamka ah ee aanu walaalaha nahay waxaanu u samayn karnaa in Madaaradda Somaliland kaga dhoofaan oo Xajka ka tegaan Baasaboorradii Cagaarka ahaa ee markii Somalia laysku odhan jiray la lahaa, sida ay sannadadii u dhawaydba u isticmaali jireen oo waanu u fududaynaynaa.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Mar la waydiiyay su’aal u dhignayd, Baasaboorkan Cagaarka ah miyaan dawladda Sacuudigu joojinin, sidee loogu tagi karaa Xajka. Waxa uu ku jawaabay, “Maya, ma joojinin wali oo sanadkii dhawaa Xajka ayaan tegay, waxay ku talo galeen inay joojiyaan, hase yeeshee waxa dhacday in laysku qabtay oo ay yidhaahdeen kii hore ha la wado. Waxaanu u sheegaynaa Dawladaha Sacuudigu ka mid yahay Xajku maaha wax Siyaasad geli kara, waanu ogyahay Sacuudigu in dalkani kala go’ay oo Somalia iyo Somaliland la kala yidhaahdo oo aan Baasaboorkoodu halkan ka shaqayn Karin, Baasaboor Somalia leedahayna Somaliland laga bixin Karin.

Markaa ma filayo in Xajka la siyaasadaynayo oo dadka lagu xidhi karo Baasaboorka Kooxda Imbigaati, Somaliland-na waxa lagaga dhoofi karaa Baasaboorka Somaliland iyo dadka haysta kii hore.”

Mar Wasiirka Duulista Hawada la waydiiyay sida Xajka loogu tagi karo Baasaboorkii hore ee Somalia haddiiba dalalka Caalamku ay aqoonsadaan Baasaboorka cusub ee Cabdilaahi Yuusuf, waxa uu sheegay in aanu Sucuudigu wali joojin oo aanu Siyaasiyadaynayn dhoofka Xajka, balse haddii ay dhacdo in Sacuudigu ay tahay inuu aqoonsado Baasaboorka Somaliland.

“Anigu waxaan ka hadlayaa Xajka in la diidayana ma filayo, waxaan ogaa iyaga oo Waddamo badan la maray oo intooda badan la wada diiday. Haddiise ay noqoto in Sacuudigu aqbalo Baasaboorkooda, inagana keena ayuu aqbalayaa, waana in keena la aqbalaa..Baasaboorkeenana dadka waanu u fududaynaynaa.”

Wasiirka waxa la waydiiyay sababta ay Xukuumad ahaan u kala jeclaysanayaan Baasaboorkii hore iyo kan ay hadda Xukuumadda Cabdilaahi Yuusuf samaysatay, waxaanu Wasiirku ku jawaabay, “Miyaad ilowday inaynu kala go’nay..Baasaboorka hore waxa la sameeyay inaga ooo ka mid ah Somalia oo waynu wada samaysanay, laakiin kan Koox gaar ah ayaa samaysatay”.

Su’aal kale oo nuxurkeedu ahaa hab-dhaqanka Dadweynuhu kala kulmaan adeegga Madaarka oo ay cabashooyin ka jiraan iyo sababta uu wax uga qaban waayay oo Wasiirka la waydiiyay, ayaa waxa uu kaga jawaabay, “Runtii waxyaabaha iigu dhibta badan ayay ka mid tahay dadka toosintiisa ayaana ugu dhib badan qof bani’aadam ah oo si guran u yar baxay, waynu ognahay shalay halkaynu maraynay iyo maanta halka aynu marayno waanad ku yididiilanaysaa.”

“Mar waxa jirtay anigu aanan Madaarka ka dhoofi kari jirin ilaa lay kaxeeyo oo ina soo martay, maanta waxa laga hadlayaa Shaambadda caadi ugu dhufo ha qalloocine, waana arrin jirta oo waan ka waaniyaa Shaqaalaha Madaarka.

Dhibaatooyinka Madaarka ka jira waxa ka mid ah, dadka inoo yimaada ee reer Somaliland ah wuxuu ka yimi dhul la aamusan yahay oo aan buuq jirin, markaa marka uu Madaarka soo galo haddii wax la waydiiyo waxa laga yaabaa in uu sas qaadaba. Sidaa darteed, imika waxaanu ku wadnaa in iyaga oo aamusan (Shaqaaluhu) dadka hal su’aal ama laba su’aalood aan la waydiinin, inaan qofka soo degaya iyo Baanka Madaarka aan cidi u dhaxayn. markaa waxyaabo badan ayaanu ka qabanay waxna way noo dhiman yihiin. Ciddii aanu toosin kari wayno inaanu Madaarka ka kaxayno ayaanu ku rejo waynahay.

Mar uu Wasiirku ka jawaabayay su’aal ku qotontay halkay marayaan Wada-hadallo u socday Xukuumadda iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Hawada, kaas oo ku salaysnaa sidii Cashuurta laga qaado Diyaaradaha mara Hawada Somaliland ay Xukuumadda ugu soo xeroon lahayd, ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Nairobi looga yeedhay oo uu tegi doono, balse ka hor uu socdaal ugu kicitimi doono Dalka Shiinaha, kaas oo marka uu ka soo noqdo uu tegi doono Nairobi oo uu kaga qaybgali doono Shir arrintaa ku saabsan.“Waxaan doonayay in aanu halkan kaga hadalno, laakiin Nairobi ayaa layga yeedhay, haddii Alle yidhaahdo Shiinaha ayaan tegayaa ee marka aan ka imaaddo ayaan Nairobi tegi doonaa.”

Mar aanu wax ka sii waydiinay Wasiirka sababta socdaalkiisan ayaa waxa uu sheegay in uu kulamo kala soo yeelan doono Dawladda Shiinaha sidii ay Somaliland uga caawin lahayd dhismaha Jidka Diyaaraduhu ku soo degaan (Runway) ee Madaarka, una kicitimi doono toddobaadka soo socda.

Wargeyska Ogaal.
  

Posted on Monday, October 06 @ 06:08:18 DAVT by admin



xajka sanadkan oo lagu tegi doono baasboorka jsl. - xajka sanadkan oo lagu tegi doono baasboorka jsl.
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.