|
 |
Main |
 |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
 |
BBC Somali |
 |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi |
|
|
|
|
|
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed. |
 |
|
|
|
|
Proudly Somalilander |
 |
|
|
|
|
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde. |
  |
|
|
|  |
boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
|
boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa |
 |
|
 Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) oo ka mid ah madax dhaqameedyada Beesha Bariga Burco ayaa mar labaad todabaad gudihii shaaca ka qaaday in uu burburay shirkii uga socday Beesha Bariga Burco Magaaladda Gar-adag/Sanaag.
Boqor Buur-madow ayaa ku sababeeyey bur-burka uu sheegay in uu ku yimid shirka in uu yahay, ajendayaashii markii hore shirka loo dajiyey in lagaga wadda hadlo oo la majaro habaabiyey. Kaas oo madashii shirku ka socday loo rogay madal siyaasadeed taasna aanay markii hore balanta beesha aanay ku jirin.
Waxanu ku dhawaaqay boqor Buur-madow in uu beesha shir kale ugu baaqay kaas oo ka dhici doona xaruunta gobalka Saraar ee Caynabo shirkan ayuu sheegay in ay beeshu kaga arinsan doono arrimaha iyadda u gaar ah oo aanay cidna la wadaagin
Hase yeeshee hadalkaa ka soo yeedhay Boqor Buur-madow waxa si kulul ugu gacan saydhay shir-gudoonka shirka Gar-adag kaas oo sheegay in uu si habsami leh uga socdo shirku Gar-adag fikirkiisiina uu hadlay Boqor Buur-madow oo aanay la qabin xubnaha kale ee shirka ka soo qaybgalay.
Dhanka kalena Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa u ambabaxay magaalada Gar-adag ee shirka beesha bariga Burco uga socdo.
Iyada oo si rasmi ah loo ogayn sababta dhab ah ee uu gudoomiyuhu marlabaad ugu kicitimay gar-adag. Iyada oo hore loo sheegay in uu shirkani ka madaxbanaan yahay wax siyaasad ah oo uu ku kooban yahay oo kaliya shir dhaqan oo beesha gudaheeda oo kaliyi kaga arinsanayso danaheeda u gaar ah iyada oo mudo todobaad ah halkaa ka socday shirku ayaanay jirin warar si madax-banaan u xaqiijinaya halka uu shirkaasi hada marayo.
Warar aan si rasmi ah u soo bixin ayaa sheegaya in gudoomiyaha baaq u yeedhitaan ahi ergooyinka shirka uga yimid. Balse baaqaasi waxa uu yahay lama xaqiijin ilaa hada. Source Qarannews
|
|
|
Posted on Thursday, August 07 @ 15:47:13 DAVT by admin |
|
|
|
|
Name : Mr. Halgame Subject : Re : boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa Date : 2008-08-07
|
Talobixin ku socota Beelwaynta Habar Jeclo iyo tageeris shirka garadag:-
hadhwanaag 2008-08-07 (Hadhwanaagnews) Anagoo ah wax garadka hoos ku xusan,waxaanu habalyo iyo bogaadin u diraynaa Indheer garadka, aqoonyahanka beelwaynta habar jeclo ee shirka ku leh magaalada Gar adag ee Gobalka Sanaag.
Waxaanuna uga hambalyaynaynaa garashada iyo ka barandagista shirkan ku qabsoomay wakhti munaasib ku ah kuna haboon isku imitaanka beesha iyo midaynta beesha oo tafaraaruq iyo kala qaybsanan aan xadlahayn oo aan lagu aqoon la soo daristay mudooyinkii danbe. madaama beeshu tahay beelaha ugu waa wayn mandaqada geeska Afrika :lehna dagaanka ugu balaadhan uguna baxada wayn Somaliland:Dagaankaas oo ka kooban Gobalka - Sanaag, G-Saraar, G-Sool, G-Togdheer, G-saaxil, G-buuhoodle iyo kilirka shanaad ee Itoobiya. Waxaanu u aragnaa in shirkan soo celin doono isku duubnidii iyo sharaftii lagu yaqaanay beesha oo ku caan ahayd Geesinimo,Xaqsoorid, Xeerbeegtinimo, Garasho dheer , Dhaqan wanaag , Talo wanaag iyo daris wanaag. Waxayna beeshu ku suntan tahay,- qayb libaaxna ka qaadatay halgamadii kala duwanaa ee dhiiga iyo dheeftaba loo huray. Iyadoo beel waynta Habar jeclo lagu xasuusto la dagaalankii iyo guumaysidiidkii ay kula kacday -kulana dirirtay Ingiska-(British Empirier)- iyadoo ay hormuud ka ahaayeen gobanimo u dirirkii halyaydii : Shiikh Bashiir, Faarax Omar , Michal Maryama , Ina Shixiri , Maxamed Ducaale(dholayare) , iyo halgamaagii waynaa ee Xaaji Muuse Galal oo ahaa aabihii ololihii aqoon ku dirirka iyo qaar kale oo badan.
Waxaa kale oo ay Beeshu tahay cududii iyo awoodii xididada u saartay Qawlaysatadii daraawiishta kana sifaysay dhamaan mandaqada Somaliland: dagaalkaas oo uu hugaaminayay halyaygi caanka ahaa ee “Carab Dheere” -taariikhdana galay. Waxaa marnaba aan la ilaawi Karin kalintii horyaalka ahayd ay Beeshu-(habar jeclo) -ku mutaysatay bilad geesiga ahaydna lafdhabarti halgankii qadhaadhaa ee ururkii dhaq-dhaqaaqa SNM iyo dhexmaray taliskii Macangaga ahaa ee Jaale Maxamed Siyaad Bare:”waxaana wakhtigaa lagu naanaysi jiray “(Dhiirane Isaaq)-ahaydna beesha ugu faramaha iyo halganka adkayd si niyad sami iyo kalsooni lehna logu arki jiray goobaha dagaalka iyadoo aan la hagran jirin maal iyo muruqba.
Beeshan oo aan marnaba gorgortan galin Gooni isku taaga, jiritaanka iyo midnimada qaranka Somaliland ahaydna Beshii dhidibada u aastay gooni isku taaga qaranka Somaliland. laguna yaqaan dulqaad iyo dacad nimada Somaliland, markastana danteeda ka hurmarisa danta guud ee dalka iyo dadka. si kastaba ha ahaatee iyadoo aan taariikhda dhaxal galka ah ee ay beeshu leedahay aan qalin iyo book iyo saacado toona lagu soo koobi Karin. waxaase marag madoonta ah oo aan marnaba indhaha laga qarsan Karin” habmaamulka iyo talaxumada iyo habacsananta haysatay beesha habar jeclo mudooyinkii danbe” . Waxaaynu ognahay burburka dhaqan guurka ah iyo ragaadiska ee ku yimi beesha in ay ka danbeeyaan dad u dhashay beesha oo ah waxmagarato iyo qawlaysato dano gaara leh. Kuna adeegta magaca reerka iyagoo huwan magacyo been ah oo aan cidna u Boqoran iyo Sandalado sixir barar ah. kuwaas oo aan wax-naba xeerin , kana xishoon markastana u adeega dadka u cadawga ah sharafka reerka: dadkaas magacyada beenta ah xanbaarsan oo manta qaarkood Caynaba u fadhiyaan burburka reerka iyo kala qaybinta beel sharafta habar jeclo iyo mucaarad ku noqoshada midnimada habar jeclo: kuna soo qaatay xoogaa shilimaad ah oo dabada loga soo dhiibay laguna yidhi gar iyo gardaraba yaan shirkaa wax natiijo ah ka soo bixin.
Wuxuu yidhi Abwaankii gabyay :”dukhsiguba dareen xumo ayuu qudhanka u dabaashaa, taas waxaa la darajo ah ninka soorta duudka ah dadku nacay isagu cunay dar-dar saday fandhaalada”, ilahaw sharafta hanaga qaadin ,Gabay kale oo Hadraawi lahaa ayaa wuxuu ahaa: Guri ba’ayna waa cadaw ninkii raarta sii guray , gudoon dhacayna waa fulay ninkii gaar u faashadaye,gobanimana waa quus ninkii gawska dhaafsaday.
Waxaa iyana jirta in mudooyinka danbe ay soo bateen suldaanimo iyo boqor nimo aan lagu sifayn kartidii iyo aqoonta iyo garaad kii hibo ee ay suldaanimadu lahan jirtay, dhaxalgal-keeduna noqday in sidii shaadhadh dukaan yaala nin waliba mid ku soo labisto oo aan loo eegin sifooyinkii ay lahaan jiray cumaamadu:Maah maah baa tidhaahda” hadii kuugtu badato maraqaa xumaada”, - sidaas awgeed waxaa fiican in laga fiirsado samaysiga sandaladaha hadii laga marmi waayana waa in loo hibooyo Nin gaya oo qaadi kara milgaha iyo karaamada ay Cumadu leehay(“suldaanimadu leedahay “)- sababtuna waxay tahay “ sandalad xun sixir ka daran”,Taas oo ay macnaheedu tahay sandaladaan farshaxanimo ama fiiro lagu dhisin way kula fogaataa oo foolxumay ku raagtaa . Dhibaatadan baaxada wayn, waxa lagaga badbaadi karraa in talo midaysan oo xeel dheer laga yeeshaa boqorada iyo suldaan bararka aan buuxin milgihii iyo hidihii ay lahan jirtay suldaanimadu, kana leexday sharaftii iyo karaamadeedii .wana in si buuxda kalsoondii iyo maamuuska logala noqdaa kuwa ku talaxtagay, camalkana ka dhigtay burburka reerka, iyadoo loo eegayo buuxista kaalinta boqornimo, hadii laga marmi waayana waa in lakeenaa badalkoodii oo leh sifooyinkii iyo sharaftii xalaasha ahayd ee sandalad lahaan jirtay .
Hadii aynu is waydiino sifooyinka boqor ama suldaan lagu noqon karo; Su’aashu waxay tahay - maxaa ka mid ah Astamaha Boqor ama Suldaanka lagu yaqaan: Suldaanka ama boqor waxaa lagu yaqan Xishood, Ale ka cabsi , Wax xeerin(xurmayn) , Xalaal cunid, Xeer beegtinimo,Aragti dheere, Wax-garad, Go’aan adkaan, Geesinimo, Gudoon adkaan, Garsoorid, Golo joog, Gacal jacayl, Dad isku wad, Wanaag ka talin, Talo-wanaag , Dulqaad, Hubsinyo badni, Faxal-nimo iyo Hadal helid ama codkarnimo: hadii intaas laga waayo waa sandalad xun oo waa sun iyo waabeeyo waana qaran jab ….waxaana fiican in dib logu noqdo oo laga fiirsado boqoradii iyo suldaamadii wakhtigii danbe samaymay hadii ay beeshu doonayso in ay sideedi hore ku noqoto, waa in dib isku noqosho xoogan oo xeel dheer la sameeyaa.
Talo bixin:
1. beeshu waa in ay shirkaa manta Gar’adag uga socda ka soo saartaa talo wax ku ool ah oo huwan hadaf fog iyo aragti dhaxal galana u noqota jiilasha danbe, cidkastoo isku dayda burburinta iyo baajinta shirkana waa in gacan birleh lagu qabtaa
2. beeshu waa in ay samaysataa gudi guud si aad ah lagu taxadiray lagana fiirsaday oo ka madax banan sandalahada, maadaaba suldanimadii iyo boqornimadii noqotay wax dano gar ah lagu fushado oo aan marnaba danaha reerka ka talin.
3. beeshu waa in talaabo ku haboon laga qadaa dadka beesha ka tirsan ee sharafta reerka iyo hurumarkeeda ku lidiga ah magac kastoo ay sitaan boqornimo iyo siyaasiba.
4. beeshu waa in ay midaysaa cududeeda iyo siyaasadeeda iyo taladeeda waxkastoo karaamada iyo milgaha reerka wax u dhimaya dhinac laga soo wada jeestaa
5. beeshu waa in anay marnaba tageerin waxkastoo midnimada iyo qaranimada Somaliland iyo walaaltinimada beelaha Somaliland wax yeelaya.
6. Beeshu waa in ay hurmood ka noqotaa : horumarna ku samaysaa deegaanka ay dagto: ee ka kooban Bad iyo Buuro iyo Bariba , soona dhawaysaa beelaha kale ee ay dariska iyo walaalahaba yihiin .
7. beeshu waa in ayna u dulqaadan wax -samir ahna tusin wax kastoo sharafteeda iyo karaamadeeda beel nimo wax u dhimaya, cidkastoo wadana waa in sharci iyo ciqaabta ay mutaysatay la mariyaa.
Fiiro gaar ah: beeshu waa in ay dorashada soo socda codkeeda ku shubtaa meesha ku haboon oo anay marnaba kala jabin waayo manta cida la dooranaya waa madaxwaynihii Somaliland ee dalka iyo dadkaba dhibaatada ka saari lahaa.
Gabo gabo;
Somalidu waxay ku maah maahdaa taladan la ruugin waa lagu rafaadaa, sidaas awgeed waxaanu u sheegaynaa aqoon yahan ka manta talada reerka u guntaday ee Garadag ku shiraya in ay soo saran go,aan dhaqan gala oo taabo qaada , kuna shaqeeya sida ay u soo saareen, kana turjumaya hadaf fog iyo himilo horumar u horseeda beesha iyo dalkaba una noqda dhaxal reeb jiilka cusub .waxaynu ognahay in manta reer Somaliland oo dhan u dhagtaagayaan shirka Garadag, lona naawilayo in uu noqon doono shirkii ugu balaadhnaa ee ka dhaca Somaliland sidaas darted waa in uu shirku noqdaa mid dhaxal gal ah oo qodoxda iyo qondhacadaba laga idleeyey .
Waxaanu u rajaynaynaa in uu shirku guul iyo is afgarad ku dhamaado. waxanuna ilaahay ka rajaynaynaa in uu noqdo mid dadka iyo dalka anfaca oo bash bash iyo barwaaqo inoo horseeda.amiiiiiiiiiiin amiiiiiiiin
Guuuuuuuuuuuuul iyo gobanimo.
Waxaa si wada jir ah u soo diyaariyay
1. Aqoon yahan Abdi maliki Abdi Hassan(indho-cade).
Telophone:0092-3005878179
E-mail:maliki331@hotmail.com
2. Aqoon yahan maxamed General Hassan ali Abokor.
Telephone:0092-3234337405
E-mail:mdeeq_h@hotmail.com
Pakistan,lahor city:
************************************************************************************
Hadhwanaag marnaba kama masuul aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmaddeeda iyo xilkeedaba sida. Waxa keliya oo ay Hadhwanaag Media dhiirri gelinaysaa waa isdhaafsiga aragtida, canaanta gacal iyo talo wadaagga
|
[ Reply ] |
|
Name : Mr. Halgame Subject : Re : boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa Date : 2008-08-08
|
BAAQ GAAR AHAAN UGU SOCDA CIIDAMADA QARANKA SOMALILAND
Waxaad og tihiin duruufihii iyo marxaladahii isugu jiray dayac, darxumo, baahi, dagaal, qax iyo barakac ee ummadda Somaliland usoo dhabar agaygeen ee ugu soo dulqaateen si ay jiritaankooda iyo midnimadooda u sugaan. Waxaad ogtihiin wixii naf iyo maalba loo huray calanka manta Somaliland ka taagan. Waxaad ogtihiin maanta duruufaha iyo dhibaatooyinka dhaqaale, siyaasadeed, nabadgalyoiyo murug ee ka jira dalka, ee maanta qofkasta iyo qoyswalba saameeyay. Waxaad wada ogsoontihiin sadexdii gole ee umaddu ku aamintay aayahoodii oo waxay kordhiyaan ha joogtee, dhibaatooyin iyo xaaladaha ay abuureen ee isdaba jooga ah umaddii ku jahwareetay oo laga dhamaan waayay.
Waxaad ogtihiin dastuurkii iyo shuruudihii dalka loo dajiyay ee madaxwaynaha iyo golayaasha lagu doortay ee meesha ku yimaadeen, ee idinka idiin ansixiyay inaad sharciga fulisaan, in maanta lungo laga joogo oo madaxwaynihii ilaalinlahaa maanta laga baryayo inuu dastuurka tisgaliyo. Waxaad arkaysaan hantidii iyo dhaqaalihii umaddaoo si toosa loo boobayo oo ilaa madaxwaynihii cid danaynaysaa jirin. Waxaad kalood ogtihiin in khayraadkii dalka sida kaluunkii iyo macdantii shirkadaha shisheeye heshiis hoos loogula galay oo manta waxaa oo heshiisa aan midna cidi la ogeyn madaxwaynaha iyo wasiir iyadoo aan baarlamaanka midna la horgayn.
Waxay maanta taagan tahay in dekadii Barbara la soo xidho oo loo hogaansamo damacii madaxda Jabuuti. Waxaa maanta maamulka Somaliland ku dhiiraday in ganacsigii xoolaha nool loo xakameeyo nin layiraahdo ALJAABIRI iyo laba ma naxaan oo dilaal u ah, oo lagu siiyo qiime aad uga hooseeya qiimihii suuqa xoolaha nool, lana diiday sidii dastuurku dhigaayay ninkaa in suuqa lagula tartamo. Waxaa nasiib daro ah iyadoo maanta uu madaxwaynihii ciidankii qaranka u adeegsado dano ganacsi gaar ahaaneed oo xoolihii Jaabiri xoog lagu raro, iyadoo xoolihii ganacsatada soomaliland bakhtigoodii Barbera wadhan yahay. Waxaa nasiib daro kale ah iyadoo uu caadeystay madaxwayne Rayaale in gefkasta iyo dembi kasta oo maamukiisa ka yimaada uu xal uga dhigo inuu ciidanka qaranka adeegsado oo umadda ku cabudhiyo.
Waxaad ogtihiin in madaxwanaha Somaliland uu yahay nin cod bixin dadwayne lagu doortay ee aanu ahayn kaligii telis xoog iyo ciidan dalka ku qabsaday sidii M.S.Barre. Waa idinka kuwa qudha ee maamulka dalka ka dhigi kara dal sharciga iyo dastuurka loo siman yahay oo waxa qudha ee la dhowraa uu sharciga yahay ama ka dhigi kara maamulkii S. Barre oo aan car iska rogin. Waxaa ogaataan inaad tihiin ciidankii qaranka oo aydaan xisli iyo maamul gaar ah u shaqayn. Idinka iyo madaxwaynuhu xeerka iyo sharciga waa usimantihiin. Waa inaad kala garataan xuduudka aa kala leedihiin idinka iyo madaxda siyaasiyiinta. Amarkasta oo aan dastuurka iyo shuruucda dalka waafaqsanayn ninkii bixiya iyo kii fuliyaa waa nin ka qaybqaatay burburkii dalka oo qaranimadii ka galay dambi qaran.
Illaa immika madaxwaynaha iyo madaxda ciidamadu waxay u dhaqmayaan habkii maamulkii Siyaad Barre ee umaddu ka dagaalantay. Waxaan idiinku baaqayaa oo idinkula dardaarmayaa si aynu u ahaano qaran jira;
1. Siyaasiyiinta iyo xisbiyada tartan baa ka dhaxeeya. Haku milmina tartankooda. Dhan hanoqonina ee dhex ahaada.
2. Yaan la idiin adeegsan dano iyo damac gaar ahaaneed.
3. Ha noqonina ciidan loo adeegsado burburkii dalkooda iyo caddaalad darrada.
4. Ha kala biqina siyaasiyiinta inaad u sheegtaan markay dastuurkii iyo sharcigii ku danaysanayaan, waxaa dhici karta inay garwaaqsadaan.
5. madaxwaynaha iyo kooxdiisu markay ku fashilmeen maamulkii dalka waxay ku talo galeen in dagaal iyo qas ay dalka ka abuuraan oo ka bilaabaan xadhiga birmagaydadii umadda, xaafado loo baadho cabudhin iyo caga juglayn sidii maamulkii Siyadd Barre. Ha noqonina kuwo lagu meelgaaro oo dadkoodii loo adeegsado.
6. Yaan la idin gaarsiin heer aad umadda iska hortimaadaan oo aad burburkii labaad guudka aad u ridataan.
7. Garta ama ogaada halista ka iman karta hubka dadka lagu cabsiinayo.
8. Ninka madaxda u ah ciidanka sirdoonka waxaan leeyahay si fudud ha u qaadan qandaraas dalka lagu burburinayo sidii M Jibril
Ilaahay xaqqa ha idin waafajiyo.
Sulaymaan Cumar Kujoog
London UK
Jamhuuriya Online
|
[ Reply ] |
|
Name : cawad faarax caalin Subject : Re : boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa Date : 2008-08-08
|
MARNA KUMAANAAN FARXIN IN SHIRKII BEESHA EE GARADAG SIDAA KU BURBURO WAXAANAN ILAAHAY KA RAJAYNAYNAA IN KAN CAYNABI MIDHO DHALO IN SHAA ALLAAH
DADKA QAARKIINA HA XASUUSTEEN MUUSE ABOKOR IYO MAXAMED WAA WALAALO GARADAG IYO CAYNABINA WAXBA MA KALA AHA
ENG CAWAD FAARAX
LIVERPOOL UK
Name : Mr. Halgame Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa Date : 2008-08-08 Waxgaradka Caynaba oo dedaal ugu jira inay Buurmadow ka saaraan degmadooda iyo xukuumadda oo weriyayaal u dirtay
August 7th, 2008
Caynaba (Somaliland.org) – Odayaasha iyo waxgaradka degmada Caynabo ayaa dedaal ugu jira sidii ay Boqor Cismaan Aw Maxamuud iyo kooxda uu wato ee dagaalka kula jirta shirka Gar’adag uga saari lahaayeen Magaalada Caynabo, halkaas oo uu sheegay inuu ku qabanayo shirk u lid ah kan Gar’adag.
Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ayaa ilaa shalay ku hawlanaa is urursi ay doonayaan in rag miisaan leh oo ka kooban waxgaradka beelaha deegaankaasi ay tagaan Caynabo, si ay u burburiyaan qorshaha Buurmadow, kuna khasbaan inuu ka baxo degmadaas, iyada oo ay berrito magaalada Burco ka bixi doonaan koox odayaal, ganacsato iyo waxgarad reer Caynabo ah. Sidoo kalena, magaalada Hargeysa ayaa iyana waxa ka bixi doona berrito koox odayaal iyo aqoonyahanno ah oo ay ka mid yihiin Xasan Cabdi Khayre, Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Cismaan Cabdillaahi Jaamac (Saylici), kuwaas oo dhammaantood muujiyey sida ay uga xun yihiin, ugana soo horjeedaan qorshaha Buurmadow ka wado Caynabo, taas oo ay ku tilmaameen mid magac-xumo iyo dhegxumo ku ah dadka deegaanka Caynabo.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) waxa la sheegay in dadka deegaanka Gar’adag ay ku khasbeen inuu ka baxo degmadaas, kadib markii uu dhawr goor isku deyey inuu carqalad geliyo shirka Beelaha Bariga Burco (H/Jeclo) uga socda magaaladaas. Waxana uu degmada Caynabo kaga dhawaaqay inuu burburay shirka Gar’adag, shir ku lid ah shirka Gar’adag, isaga oo ku tilmaamay shirka Gar’adag mid lagu majaxaabinayo Qaranimada Somaliland, isla markaana wuxuu ku eedeeyey shirkaasi inuu ku lug leeyahay baabuur xukuumaddu sheegtay in qoorta la jaray si qoryo loo saaro oo ay ka baadi goobayso deegaamo ka tirsan gobolka Togdheer.
Dhinaca kale, xukuumadda Riyaale ayaa qaadday tallaabooyin ay ku taageerayso qorshaha Buurmadow isku deyayo inuu burburiyo shirka Gar’adag, waxaana maanta uga dirtay magaalada Hargeysa weriyayaal ka socda Warbaahinta dowladda, sida Telefishanka Madaxtooyada laga maamulo, wargeyska Maandeer iyo Radio Hargeysa. Waxa kale oo la filayaa inay ilaa berrito u baxaan degmada Caynabo Wasiirro ka tirsan xukuumadda Riyaale oo ka soo jeeda deegaanka Caynabo, kuwaas oo la sheegay in ay gaadhsiinayaan lacagta uu ku fulinayo hawshaas.
Weriyayaasha warbaahinta dowladda ayaa iyagana la filayaa inay sawir ka soo qaadi doonaan dad uu Buurmadow soo ururiyey oo uu ka dhigayo Shir beeshiisuu yeelatay oo ka soo horjeeda shirka Gar’adag, si rayul caamka loogu muujiyo in Shirka Gar’adag burburay ama beeshu kala jabtay. Waxa kale oo soo baxaya warar sheegaya in Daahir Riyaale ku amray wasiirradiisa iyo masuuliyiinta kale ee xukuumaddiisa inay taageeraan hawlgalka Buurmadow ee Caynaba.
Buurmadow oo markii shirku furmay madasha horteeda ka caddeeyey in aanu ka soo horjeedin shirka Beesha, ayaa laga shakisanaa inuu wato mashruuc uu ku burburinayo shirka, isla markaana codsigiisii ahaa in ergooyin loogu kordhiyo shirka ay ahayd ujeeddada inuu shirka ku darsado dad gudaha ka sameeyey arbush ama gudaha ka burburiya. Waxaana iminka soo baxaysa in tallaabadani ay tahay wejigii labaad ee mashruuca, kadib markii wejiga hore suurageli waayey.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa. |
|
[ Reply ] |
|
Name : cawad faarax caalin Subject : Re : boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa Date : 2008-08-08
|
OGAADANA
MADAX DHAQAMEEDYADA BEESHA YAAN LAKALA XIGSAN
Name : Mr. Halgame Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa Date : 2008-08-08 Gabay ku socda Boqor Buurmadow
August 7th, 2008
Dhambaalkan hoose wuxuu ku socdaa ninka loo yaqaan Boqor Buurmadow, waxaan aad uga xumahay in boqorka oo aniga iyo in badan oo ila mid ah oo uu metelo oo hadana dooran una dhiiban wax wilaayad ah oo uu nagu meteli karo ayuu nagu metelaa boqolaal go’aan oo aanan marna ka raali ahayn .
Gabaygan waxaa iga keenay cadho aan aad uga cadhooday boqorka oo haba yaraatee ka xishoon masuuliyiinta kuna isticmaala luqada uu doono , waxaan u sheegayaa boqorka inuu barto xishoodka hadii uu doonayo in laga xishoodo waxaanan hadiyad uga dhigayaa gabaygan oo ah gabay ku socda boqorka .
Boqoryohow buraamaynayee, baal kastaba eegay
Boqoryohow martabadii billayd , bidix ku laadlaadshey
Insi kuma bilaaline jinbaa , buugag kuu dhigaye
Iblays baa xumaan kuu baraxay, beena kuu qoraye
Kugu yidhi burjaad leedihiyo, baabab gooniyahe
Nin is biday naftiisana aan baran, baaban baad tahaye
Aan beyimiyo xaalkaagu waa mawjadaa baxare
Beledkii Togdheer iyo burciyo bari ha geeyeene
Buulka madaxa kuu saaran iyo derejo beenaadku
Waa buqul wax lagu baayacayood , biic u sidataaye
Bugta iyo waxaa kuugu jira , shaambad baal go’an
Waxa lagu balaadhshaa halkii , bini ka muuqdaaye
Marna waa bidhaan eegto iyo , diirad baaracahe
Boon iyo hadii qiiq kaaga baxo, Paris iyo China
Bu’da waxaad u saartaa halkii , tuhuku buuraaye
Nin hungurigu uu baahanyoo baaban baad tahay
Aan bayimiyo xaalkaagu waa mawjadaa baxare
Beledkii Sanaag iyo burciyo , bari ha geeyeene
Inaad baro madow leedahiyo, burada shaydaanka
Belo saadis aad abid ahayd , baaska ku yabooha
Marna aad baroon iyo lahayd , beebbe iyo kaare
Booliga bar lagu xoojiyiyoo, baadda lagu qaado
Baadilkana aad jeceshihiyo , boobka iyo xoogga
Ood juujuule beri baadhaataan , cidina beenayne
Bilyan maraga baan kuu hayaa, waa hal baaqiyahe
Aan beyimiyo xaalkaagu waa mawjadaa baxare
Beledkii sanaag iyo Burciyo , bari ha geeyeene
Nin Riyaale beertawgu xidhan , Booli lagu sooro
Xaaraantu beerkiisa iyio , bedenka xaydhaysay
Biishada xisaab boob ku timi, baadil iyo tuugo
Buuxsamay sidii booyad raran, uurku balaxoobay
Bakhtiyahan Ilaah aan ka baqan , berrina xaalaynin
Iyo buun nin kale leeyahoo , hebel ka buuqaayo
Oo baaqyo laga soo fushiyo, hebel bayaankiisa
Aan tiisa abid soo bandhigin , biica ah baad tahay
Aan beyimiyo xaalkaagu waa , mawjadaa baxare
Beledkii sanaag iyo burciyo bari ha geeyeene
Bulsho weynta reerkaagu way , kaa bogsoontahay
Biiggay ku raacsheen markaad, noqotay baaqdaaye
Aduunyada adoo baaqiyey , samir u baydheen
Iilkay barkimo kuu dhigeen, beden xabaaleede
Iska bogo boobkaaga wado, qaado biniyaadka
La basleel fariimaha bahdilan, buunyow la afuufo
Boy Ina Riyaale u ahow , xumaha baandheeya
Waxaa Tiriyey noona soo gudbiyey
Samiya Ali Madar (Samiya Mire)
samiyawww@yahoo.com |
|
[ Reply ] |
|
Name : Mr. Halgame Subject : Re : boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa Date : 2008-08-08
|
Afar Suldaan oo Beesha H/Jeclo oo Markii u horeysay ka hadlay Arinta BuurmadowPublished Aug 09, 2008 - 02:12 AM by siciid
Gar-adag(Togdheernews..8Ogost)Salaadiinta Beesha H/Jeclo ee ku sugan madasha shirka ee Gar-adag ayaa maanta jawaab ka bixiyay hadaladii ka soo yeedhay Boqor buurmadow,iyagoo sheegay in Shirweynihii Beeshu sidiisii u socdo,Islamrkaana Lagaga hadlayo Danaha beesha.
Suldaanka guud ee beesha habar jeclo Suldaan C/laahi oo ka hadlay shirjaraa,id oo ay maanta ku qabteen Gar-adag ayaa si weyn cambaareeyay hadadlada Kasoo yeedhay Buur madow isagoo tilmaamay shirweynihii beeshu aanu burburin ee uu sidiisii u socdo, kaasoo lagaga hadlayo danaha beesha, wax uu sheegayo Buurmadowna aany waxba ka jirin. Suldaanku, waxa uu intaas ku daray, in Dawlada uu ku hanjabayo Buurmadow ay tahay dawaldayadii aanu dhisanay ee ummadu lahayd.
Waxa kaloo halkaa ka hadlay Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, Suldaan C/raxmaan Qodax, Suldaan Carab, kuwaasoo dhamaantood cambaareeyay hadaladii ka soo yeedhay Boqor buur madow, iyagoo ku tilmaamay kuwo aan waxba ka jirin Shirkii Beeshuna u socdo sidii loogu talagalay Islamarkaana aan lagaga hadlayn wax ka soo horjeeda Qaranimada Somaliland ee uu yahay shir danaha beesha lagaga arinsanayo.
Gudoomiyaha Guurtida somalilnd Md.Saleebaan Gaal ayaa maanta u ambabaxay magaalada gar-adag ee uu ka socdo shirka beelaha Bariga Burco, kaasoo la filayo inuu ka qaybgalo, Waxa kale oo hore ugu sii sugnaa magaalada Gar-adag Gudoomiyha Xisbiga Mucaaridka Kulmiye Md.Axmed Siilaanyo.
Togdheernews
Burco.
|
[ Reply ] |
|
|