Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Xuska 18ka May, Khudbadii M/weynaha JSL Ee Fagaaraha Beerta Xorriyada Hargeysa.       JSL: Laba Maalmood Oo Fasax Ah.       Dareen Naxdin Leh......       Shiiq-Shariif Oo QM Ka Dhawaajiyay Nooca Wada-Hadalada JSL Iyo Somalia.       M/ku-Xigeenka Oo Shaahaadooyin Guddoonsiiyey 1106 Macallin....       Xaflad Si Weyn Loo Soo Agaasimey Oo Loo Qabtay Safiirka Cusub Ee JSL/Canada.       Faallo mal leh...Shib kadheh.... No Comment... Keine Kommentar... No Coment... B       Koox U Cumaamadatay Madax-Dhaqameed Bug Ah Oo U Tahriibtay Muqdisho.       Shan Mashruuc Loo Dhagax Dhigay Gobolka Saaxil..      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

BBC Somali

Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.
Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa

boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa

News

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) oo ka mid ah madax dhaqameedyada Beesha Bariga Burco ayaa mar labaad todabaad gudihii shaaca ka qaaday in uu burburay shirkii uga socday Beesha Bariga Burco Magaaladda Gar-adag/Sanaag.

Boqor Buur-madow ayaa ku sababeeyey bur-burka uu sheegay in uu ku yimid shirka in uu yahay, ajendayaashii markii hore shirka loo dajiyey in lagaga wadda hadlo oo la majaro habaabiyey. Kaas oo madashii shirku ka socday loo rogay madal siyaasadeed taasna aanay markii hore balanta beesha aanay ku jirin.

Waxanu ku dhawaaqay boqor Buur-madow in uu beesha shir kale ugu baaqay kaas oo ka dhici doona xaruunta gobalka Saraar ee Caynabo shirkan ayuu sheegay in ay beeshu kaga arinsan doono arrimaha iyadda u gaar ah oo aanay cidna la wadaagin

Hase yeeshee hadalkaa ka soo yeedhay Boqor Buur-madow waxa si kulul ugu gacan saydhay shir-gudoonka shirka Gar-adag kaas oo sheegay in uu si habsami leh uga socdo shirku Gar-adag fikirkiisiina uu hadlay Boqor Buur-madow oo aanay la qabin xubnaha kale ee shirka ka soo qaybgalay.

Dhanka kalena Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa u ambabaxay magaalada Gar-adag ee shirka beesha bariga Burco uga socdo.

Iyada oo si rasmi ah loo ogayn sababta dhab ah ee uu gudoomiyuhu marlabaad ugu kicitimay gar-adag. Iyada oo hore loo sheegay in uu shirkani ka madaxbanaan yahay wax siyaasad ah oo uu ku kooban yahay oo kaliya shir dhaqan oo beesha gudaheeda oo kaliyi kaga arinsanayso danaheeda u gaar ah iyada oo mudo todobaad ah halkaa ka socday shirku ayaanay jirin warar si madax-banaan u xaqiijinaya halka uu shirkaasi hada marayo.

Warar aan si rasmi ah u soo bixin ayaa sheegaya in gudoomiyaha baaq u yeedhitaan ahi ergooyinka shirka uga yimid. Balse baaqaasi waxa uu yahay lama xaqiijin ilaa hada.

Source Qarannews

Posted on Thursday, August 07 @ 15:47:13 DAVT by admin

boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa - boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.

Pages : [ 1 ] [ 2 ]

Name : Birjeex
Subject : Re : boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
Ka Haber Jeclo ha ii dambeeyee waxaan ku baaqayaa shirweyne Beesha Isaaq oo degdeg ah kaas oo ay kaga arrinsanayaan siyaasada geeska Afrika laguna dooran lahaa hogaamiye aqoon, karti iyo waayo aragnimo leh una qalma xilka madaxweyne Somaliland. Sorry Daahir dilaal your time is up

Name : Dahir jacjac
Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
No more shir beeleed, never try it again in this democratic and civilised society to do so. Somaliland is a grown up country that will go on as a nation, we should be ashamed for the immature Gar adag clans who can not even understand what the millnium goal consists of.
Name : Qarxiye
Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
Mr Birjeex waxa uu yidhi, "Ha ii danbeeyo Shir Beeleedka H/Jeclo ee waxa aan ku baaqayaa shirbeeleed Isaaq"!

Ma iska kicin baa, mise waa iska kacsi? Mise waa sidii ninkii yidhi, aan khiyaamada ku baree hashaada ii soo lis?!

Shirbeeleed.... Shirbeeleed.... Shirbeeleed siyaasadaysan meel laguma gaadho ee waxa wanaagsan in fikraddaas gebi ahaanba laga gudbo oo laga guuro. Wax aan burbur ahayn ma keento. Miyaan lagu taamilo qaadan 4.5ta Somalia.

Waxa la og yahay in aanay u dhacayn sida loo malaynayo. Ninkii is leh qardhaas yar oo aad gooni xidhato ayay rooxaan gooni ahi kugu soo degaysaa. Waa khaldan yahay, dawladnimana uma bisla.

Sidaas darteed sidii lixdankii waa ceeb ninkii danbe ee laga maqlo qabiil iyo qabyaalad siyaasadaysan Somaliland. Guryaha ha lagu haysto laakiin yaan bannanka loo saarin iyada oo caantayn ah oo aan waxba lagu qaadayn.

Qarxiye
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
Talobixin ku socota Beelwaynta Habar Jeclo iyo tageeris shirka garadag:-

hadhwanaag 2008-08-07 (Hadhwanaagnews) Anagoo ah wax garadka hoos ku xusan,waxaanu habalyo iyo bogaadin u diraynaa Indheer garadka, aqoonyahanka beelwaynta habar jeclo ee shirka ku leh magaalada Gar adag ee Gobalka Sanaag.

Waxaanuna uga hambalyaynaynaa garashada iyo ka barandagista shirkan ku qabsoomay wakhti munaasib ku ah kuna haboon isku imitaanka beesha iyo midaynta beesha oo tafaraaruq iyo kala qaybsanan aan xadlahayn oo aan lagu aqoon la soo daristay mudooyinkii danbe. madaama beeshu tahay beelaha ugu waa wayn mandaqada geeska Afrika :lehna dagaanka ugu balaadhan uguna baxada wayn Somaliland:Dagaankaas oo ka kooban Gobalka - Sanaag, G-Saraar, G-Sool, G-Togdheer, G-saaxil, G-buuhoodle iyo kilirka shanaad ee Itoobiya. Waxaanu u aragnaa in shirkan soo celin doono isku duubnidii iyo sharaftii lagu yaqaanay beesha oo ku caan ahayd Geesinimo,Xaqsoorid, Xeerbeegtinimo, Garasho dheer , Dhaqan wanaag , Talo wanaag iyo daris wanaag. Waxayna beeshu ku suntan tahay,- qayb libaaxna ka qaadatay halgamadii kala duwanaa ee dhiiga iyo dheeftaba loo huray. Iyadoo beel waynta Habar jeclo lagu xasuusto la dagaalankii iyo guumaysidiidkii ay kula kacday -kulana dirirtay Ingiska-(British Empirier)- iyadoo ay hormuud ka ahaayeen gobanimo u dirirkii halyaydii : Shiikh Bashiir, Faarax Omar , Michal Maryama , Ina Shixiri , Maxamed Ducaale(dholayare) , iyo halgamaagii waynaa ee Xaaji Muuse Galal oo ahaa aabihii ololihii aqoon ku dirirka iyo qaar kale oo badan.

Waxaa kale oo ay Beeshu tahay cududii iyo awoodii xididada u saartay Qawlaysatadii daraawiishta kana sifaysay dhamaan mandaqada Somaliland: dagaalkaas oo uu hugaaminayay halyaygi caanka ahaa ee “Carab Dheere” -taariikhdana galay. Waxaa marnaba aan la ilaawi Karin kalintii horyaalka ahayd ay Beeshu-(habar jeclo) -ku mutaysatay bilad geesiga ahaydna lafdhabarti halgankii qadhaadhaa ee ururkii dhaq-dhaqaaqa SNM iyo dhexmaray taliskii Macangaga ahaa ee Jaale Maxamed Siyaad Bare:”waxaana wakhtigaa lagu naanaysi jiray “(Dhiirane Isaaq)-ahaydna beesha ugu faramaha iyo halganka adkayd si niyad sami iyo kalsooni lehna logu arki jiray goobaha dagaalka iyadoo aan la hagran jirin maal iyo muruqba.

Beeshan oo aan marnaba gorgortan galin Gooni isku taaga, jiritaanka iyo midnimada qaranka Somaliland ahaydna Beshii dhidibada u aastay gooni isku taaga qaranka Somaliland. laguna yaqaan dulqaad iyo dacad nimada Somaliland, markastana danteeda ka hurmarisa danta guud ee dalka iyo dadka. si kastaba ha ahaatee iyadoo aan taariikhda dhaxal galka ah ee ay beeshu leedahay aan qalin iyo book iyo saacado toona lagu soo koobi Karin. waxaase marag madoonta ah oo aan marnaba indhaha laga qarsan Karin” habmaamulka iyo talaxumada iyo habacsananta haysatay beesha habar jeclo mudooyinkii danbe” . Waxaaynu ognahay burburka dhaqan guurka ah iyo ragaadiska ee ku yimi beesha in ay ka danbeeyaan dad u dhashay beesha oo ah waxmagarato iyo qawlaysato dano gaara leh. Kuna adeegta magaca reerka iyagoo huwan magacyo been ah oo aan cidna u Boqoran iyo Sandalado sixir barar ah. kuwaas oo aan wax-naba xeerin , kana xishoon markastana u adeega dadka u cadawga ah sharafka reerka: dadkaas magacyada beenta ah xanbaarsan oo manta qaarkood Caynaba u fadhiyaan burburka reerka iyo kala qaybinta beel sharafta habar jeclo iyo mucaarad ku noqoshada midnimada habar jeclo: kuna soo qaatay xoogaa shilimaad ah oo dabada loga soo dhiibay laguna yidhi gar iyo gardaraba yaan shirkaa wax natiijo ah ka soo bixin.

Wuxuu yidhi Abwaankii gabyay :”dukhsiguba dareen xumo ayuu qudhanka u dabaashaa, taas waxaa la darajo ah ninka soorta duudka ah dadku nacay isagu cunay dar-dar saday fandhaalada”, ilahaw sharafta hanaga qaadin ,Gabay kale oo Hadraawi lahaa ayaa wuxuu ahaa: Guri ba’ayna waa cadaw ninkii raarta sii guray , gudoon dhacayna waa fulay ninkii gaar u faashadaye,gobanimana waa quus ninkii gawska dhaafsaday.

Waxaa iyana jirta in mudooyinka danbe ay soo bateen suldaanimo iyo boqor nimo aan lagu sifayn kartidii iyo aqoonta iyo garaad kii hibo ee ay suldaanimadu lahan jirtay, dhaxalgal-keeduna noqday in sidii shaadhadh dukaan yaala nin waliba mid ku soo labisto oo aan loo eegin sifooyinkii ay lahaan jiray cumaamadu:Maah maah baa tidhaahda” hadii kuugtu badato maraqaa xumaada”, - sidaas awgeed waxaa fiican in laga fiirsado samaysiga sandaladaha hadii laga marmi waayana waa in loo hibooyo Nin gaya oo qaadi kara milgaha iyo karaamada ay Cumadu leehay(“suldaanimadu leedahay “)- sababtuna waxay tahay “ sandalad xun sixir ka daran”,Taas oo ay macnaheedu tahay sandaladaan farshaxanimo ama fiiro lagu dhisin way kula fogaataa oo foolxumay ku raagtaa . Dhibaatadan baaxada wayn, waxa lagaga badbaadi karraa in talo midaysan oo xeel dheer laga yeeshaa boqorada iyo suldaan bararka aan buuxin milgihii iyo hidihii ay lahan jirtay suldaanimadu, kana leexday sharaftii iyo karaamadeedii .wana in si buuxda kalsoondii iyo maamuuska logala noqdaa kuwa ku talaxtagay, camalkana ka dhigtay burburka reerka, iyadoo loo eegayo buuxista kaalinta boqornimo, hadii laga marmi waayana waa in lakeenaa badalkoodii oo leh sifooyinkii iyo sharaftii xalaasha ahayd ee sandalad lahaan jirtay .

Hadii aynu is waydiino sifooyinka boqor ama suldaan lagu noqon karo; Su’aashu waxay tahay - maxaa ka mid ah Astamaha Boqor ama Suldaanka lagu yaqaan: Suldaanka ama boqor waxaa lagu yaqan Xishood, Ale ka cabsi , Wax xeerin(xurmayn) , Xalaal cunid, Xeer beegtinimo,Aragti dheere, Wax-garad, Go’aan adkaan, Geesinimo, Gudoon adkaan, Garsoorid, Golo joog, Gacal jacayl, Dad isku wad, Wanaag ka talin, Talo-wanaag , Dulqaad, Hubsinyo badni, Faxal-nimo iyo Hadal helid ama codkarnimo: hadii intaas laga waayo waa sandalad xun oo waa sun iyo waabeeyo waana qaran jab ….waxaana fiican in dib logu noqdo oo laga fiirsado boqoradii iyo suldaamadii wakhtigii danbe samaymay hadii ay beeshu doonayso in ay sideedi hore ku noqoto, waa in dib isku noqosho xoogan oo xeel dheer la sameeyaa.

Talo bixin:

1. beeshu waa in ay shirkaa manta Gar’adag uga socda ka soo saartaa talo wax ku ool ah oo huwan hadaf fog iyo aragti dhaxal galana u noqota jiilasha danbe, cidkastoo isku dayda burburinta iyo baajinta shirkana waa in gacan birleh lagu qabtaa

2. beeshu waa in ay samaysataa gudi guud si aad ah lagu taxadiray lagana fiirsaday oo ka madax banan sandalahada, maadaaba suldanimadii iyo boqornimadii noqotay wax dano gar ah lagu fushado oo aan marnaba danaha reerka ka talin.

3. beeshu waa in talaabo ku haboon laga qadaa dadka beesha ka tirsan ee sharafta reerka iyo hurumarkeeda ku lidiga ah magac kastoo ay sitaan boqornimo iyo siyaasiba.

4. beeshu waa in ay midaysaa cududeeda iyo siyaasadeeda iyo taladeeda waxkastoo karaamada iyo milgaha reerka wax u dhimaya dhinac laga soo wada jeestaa

5. beeshu waa in anay marnaba tageerin waxkastoo midnimada iyo qaranimada Somaliland iyo walaaltinimada beelaha Somaliland wax yeelaya.

6. Beeshu waa in ay hurmood ka noqotaa : horumarna ku samaysaa deegaanka ay dagto: ee ka kooban Bad iyo Buuro iyo Bariba , soona dhawaysaa beelaha kale ee ay dariska iyo walaalahaba yihiin .

7. beeshu waa in ayna u dulqaadan wax -samir ahna tusin wax kastoo sharafteeda iyo karaamadeeda beel nimo wax u dhimaya, cidkastoo wadana waa in sharci iyo ciqaabta ay mutaysatay la mariyaa.

Fiiro gaar ah: beeshu waa in ay dorashada soo socda codkeeda ku shubtaa meesha ku haboon oo anay marnaba kala jabin waayo manta cida la dooranaya waa madaxwaynihii Somaliland ee dalka iyo dadkaba dhibaatada ka saari lahaa.

Gabo gabo;

Somalidu waxay ku maah maahdaa taladan la ruugin waa lagu rafaadaa, sidaas awgeed waxaanu u sheegaynaa aqoon yahan ka manta talada reerka u guntaday ee Garadag ku shiraya in ay soo saran go,aan dhaqan gala oo taabo qaada , kuna shaqeeya sida ay u soo saareen, kana turjumaya hadaf fog iyo himilo horumar u horseeda beesha iyo dalkaba una noqda dhaxal reeb jiilka cusub .waxaynu ognahay in manta reer Somaliland oo dhan u dhagtaagayaan shirka Garadag, lona naawilayo in uu noqon doono shirkii ugu balaadhnaa ee ka dhaca Somaliland sidaas darted waa in uu shirku noqdaa mid dhaxal gal ah oo qodoxda iyo qondhacadaba laga idleeyey .

Waxaanu u rajaynaynaa in uu shirku guul iyo is afgarad ku dhamaado. waxanuna ilaahay ka rajaynaynaa in uu noqdo mid dadka iyo dalka anfaca oo bash bash iyo barwaaqo inoo horseeda.amiiiiiiiiiiin amiiiiiiiin

Guuuuuuuuuuuuul iyo gobanimo.

Waxaa si wada jir ah u soo diyaariyay

1. Aqoon yahan Abdi maliki Abdi Hassan(indho-cade).
Telophone:0092-3005878179
E-mail:maliki331@hotmail.com

2. Aqoon yahan maxamed General Hassan ali Abokor.
Telephone:0092-3234337405
E-mail:mdeeq_h@hotmail.com

Pakistan,lahor city:
************************************************************************************
Hadhwanaag marnaba kama masuul aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmaddeeda iyo xilkeedaba sida. Waxa keliya oo ay Hadhwanaag Media dhiirri gelinaysaa waa isdhaafsiga aragtida, canaanta gacal iyo talo wadaagga
Name : Jamac Dhegaweyne
Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-08
Horta inaad rag la hadasho waxa ka horreysa adiga oo qabyaaladda ka xorooba ka qof ahaan taasnina ay noqoto mid si dhakhso ah lagaaga arki karo. Ummaddu danta ka dhexeysa waxay wadaagi karaysaa markay meel u wada socoto, sidaad ka war qabto adiga iyo reerkaaguba taa waa majara habaabiseen laakiin waa ku fashilanteen ka dib markii aad guul darraysteen hirgelinta wax u qushuuca foolxumada qayaxan ee faraha kula jirtaan oo ah mid cadowga ummaddan xattaa kuwa iyaga dhexdooda colaaduhu dhex yaallaan tan way ka siman yihiin. Inay dumiyaan guulaha Somaliland gaadhay way u heshiiyeen dhammaantood idinkaana ah waddada keliya ee ay haystaan si kalsooni ku jirtana ay iyaka iyo idinka oo wada socdaa ka soo abaabushaan burburinta hayàdaha qaran ee Somaliland. Jabhado la idiin samayanayaana ma jiraan oo cagta ayaa la marinayaa wixii fawdada ka waantoobi waaya.

haddaba xayawaan yahow maxaad u tegi weday Gar Adag halkaas ayay joogaan kuwii ku dhegysan lahaa iyo kalalushe iyo reer Cabdillahi Yuusuf iyo General Cadde iyo Caways iyo Maxakamdaha banaadir iyo Qudhmis raacyadiinnii oo idiliye waa kee ka aad sawaryahow meesha ka muuqdaa aad warka u waddaa. Somaliland maaha maanta beelo waana qaran dimuqraaddi ah dawlad iyo xisbiyoba mara laga reebo beel qudha ee bariga Burco degta iyo xisbiga keliya ee ceebeeyay magaca xisbi Qaran oo ah mid qabyaaladaysan. Haddaba maydaan gar qaadaan oo waxaa Gar adag idin dhigay si ay u sii adkaato waana arkaysaan in ummaddu intaab cabasho idiin soo gudbinayso oo dhegaha furaysteen kana sii dartaan waagii yimaaddaba kolkaa sidee bay kuula noqotay amma aad u suuraysaa inaad indha adayg awaadii ku dacwidu aniga keligay ha la i maqlo aan idin baabiiyee. Miyaanad cawaannimadaada xis iyo dareen toona lahayn. Laba mid soo gala ta koobaad la mid noqda oo ka mid noqda ummadda si aad uga hadashaan arrimaha dalkan lana idiin dhegysto oo sharaf iyo maamuus ku heshaan, yeeli waaya oo sii wada wixii majo xaabinta ahaa iyo dulmigii aad ummaddan kala hadhi weydeen indho garasho awgeed la idiinku sad burinayay lakkin ismaad weyddiin ilaa goorma ayaa la idiin dul qaadanayaa taana ninkow xisaabtaada haddanay hore ugu jirin la soco in qorshheedu uu diyaar yahay oo qasab aad ku edebsan doonto.
haadaa wassalaam
Name : Quulle
Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-08
Wednesday, 6 August 2008JAHAWAREERKA IYO RAJADA MADOW EE S/LAND.

Nin philosopher ah ayaa yidhi "Aqoon daridu ma aha adiga oo aan wax aqoon ee waa adiga oo wax waliba sida ay yihiin ma ahee si kale u yaqaana"

JAHAWAREERKA IYO RAJADA MADOW EE S/LAND.

Nin philosopher ah ayaa yidhi "Aqoon daridu ma aha adiga oo aan wax aqoon ee waa adiga oo wax waliba sida ay yihiin ma ahee si kale u yaqaana" . Arintan waxaan uga jeedaa dadka aad ugu baaqa in S/Land ay tahay wadan dimoqraadi ah oo nabadi ka jirto , laakiin carqalada keliya ee haysataa ay tahay ictiraaf la''''aanta. Arinkani waa mid xaqiiqada aad uga fog shacbiga S/land weli waxa uu ku jiraa hungooyinkii soo taxnaa ilaa lixdankii ee ahaaa sidan:
a) Marka calanka la qaato in la badhadhayo . Waxa ka soo baxay dhibtii iyo burburkii isku darka .
b) Asaaskii SNM oo la filayay in ay horseedo madaxbanaani iyo waqti cusub oo dimoqraadiyad iyo horumar dhan kasta ah. Laakiin waa lagu hungoobay oo waxa dhacay in maamuulkii loo huray dhiig iyo hanti uu gacanta u galay nimankii kacaankii la tuuray iyo rag aan ujeedada halgankaa u soo ban bixin oo wado xun mariyay.
c) Ku dhawaaqidii S/land oo dadka qaarkii aaminsanaayeen in uu bilaabmay waqtigii casriga ahaa ee la sugayay ee xornimada , dimoqradiyada , cadaalada iyo in sharcigu wax xukumo ; dadka qaarkiina ay odhan jireen si cad waxaan noqon doonaa Hong-Kong ta geeska Africa . Waa lagu hungoobay oo waxa ka soo baxay laba dagaal oo aad u xunxun oo ay horseedeen labadii maamul ee ugu horeeyay ee Tuur iyo Cigaal . Dagaaladan oo keenay dhimasho iyo khasaare ka balaadhan kii xukuumadii kacaanka waxay dhaxalsiiyeen wadanka nidaam xumo aan dhamaanayn.

Dhibaatooyinkani ma aha qaar uu ictiraaf saxi karo , waa qaar jiri doona haddii la ictiraafo iyo haddii kale . Asaaska dhibaatooyinkani waa qaar dhaqan dhaqaale (socio-economic) , oo ku qotoma faqri, jahli, qabyaalada iyo cunista qaadka intooda badani . Haddii aynu eegno sida ay halbawlaha S/land u haystaan iyo waxii laga qaban karo waa sidan :

TIIRKA NIDAAMKA MAAMUL EE S/LAND.

Sida aan kor ku soo tilmaamay waxa ka mid ah maalmaha madow ee S/LAND xiligii dagaaladii maamuladii Tuur iyo Cigaal . Dagaaladan oo khasaaraha naf iyo maal ka sokow dhaxalsiiyay umada reer S/LAND godob iyo is aamin daro iyo uur xumo jirta , nidaamka maamul ee ka jira wadanku wuxuu ku qotomaa godobtan iyo is aamin daridan qabyaaladeed . Dagaaladan oo ay sababtay murano jiray waqtigii SNM ta iyo uurxumo qabiil oo wadanka ay la soo galeen maxsuulkeedu waxa uu noqday dawlad iyo hay''''adaheedii iyo xisbiyo mucaarid ah oo ku salaysan nidaamkan aan kor ku xusay ee uurxumo qabiil.
Haddii aynu ku horaynu nidaamka maamul ee maanta jiraa waa mid maamulkeeda uu nin keliya gacanta ugu jiro :
madaxwaynaha ayaa qofkii xidhan ama maxbuuskii dagaalka cafiya, kii uu fahmi waayo xidhi kara , neefka xoolo ah ee la dhoofinayo xukuma oo sicirka u jara , asgariga aerportka ilaalinaya isaga magacaaba ama bedela , bankiga dhexe iyo hawlaha cashuuraha isaga ayaa maamula , riiga biyaha baadha iyo qiimaha shidaalka ee Total isaga ayaa xukuma , heshiisyada dibada sida kii Berbera isaga ayaa gala oo baarlamaan ama shacab la ogi ma jiro . Waxaas oo dhan waxa ka sii daran madax weynaha cid la xisaabtantaa ama sharci qaban karaa ma jiro , markii uu baarlamaanka ka hadlay waxa uu sheegi kari waayay wax qudha oo la taaban karo oo dawladiisu qabatay . S/land waxa keliya ee aan madaxwaynuhu xukumin waa dhalashada iyo dhimashada.

GOLAHA GUURTIDA :
Waxa la odhan karaa waxay u shaqeeyaan sida hay''''adaha mukhaabaraadka ee rabshada kiciya ka dibna iyaga loo xilsaaro si ay dabka iyo rabshada u damiyaan , guurtida oo badankoodu ah odayaal aan wax qorin waxna akhriyan ama aan la socon waaqica waxa lagu soo xulaa hab qabiil iyada oo Soomaalidu tidhaa "waayeel ha ururin ee wax yaqaan ururi" , waxay ka amar qaataan oo guno siiya hadba ninka meesha xukuma , iyaga ayaa rabshadii 15may bilaabay si ay u tusaan in ay door muhiim ah ka ciyaaraan siyaasada wadanka , waxa ka sii daran dhacdooyinka la isku khilaafo sida tan 15 may iyo arintii sharciyaynta xusbigii Qaran ma jirto maxkamad sharciyeed wax xukunta ee iyaga ayaa u xukuma sida uu waydiisto ninka maamula wadanku , waxay warbixin ka dhegaystaan wasiiro uu ka mid yahay arimaha dibeda iyaga oo badankoodu aan garan karin halka uu khariidada kaga yaalo wadanka Belgium ee xarunta Yurub .
LAAMAHA SHARCI DEJINTA & CADAALADA IYO GARSOORKA:
Waxa la odhan karaa ma jiraan waayo sharci dhab ah oo kala haga shicibka , ganacsatada , iyo muramada siyaasadeed ma jiro oo waqtiga la jaan qaadayaa ; waxa halkooda ku jira odayaasha guurtida ( primitive system) oo ay isu kordhiyaan xiliga iyaga iyo Daahir Mugabe Kaahin , waxaanay wadanka ku xukumaan degreeto iyo roob doon .
Cadaaladda iyo fulinteeda waxa hayo maamulaha , sharci isaga qabtaana ma jiro , hadddii uu diido inuu kursiga baneeyo ma jiro nidaam cadaali ah oo ka dhaadhicin karaa dhiig iyo rbashad mooyee .
XILDHIBAANADA
Waxa haysta dhibaatada qaybsanaanta qabiilka , xisbinimada iyo qaarkood oo aan lahayn waayo aragnimo badan oo maamul. Markii ay la kulmeen nidaamka wadanka loo wado iyo sida sharci la’aanta ah ee uu socdo waxay noqdeen meel lagu il la’yahay haddii aad tagto adiguna ishaa la iska ridaa.
XISBIYADA MUCAARADKA :
Sida la ogyahay waa xisbiyo aan ku dhisnayn afkaar siyaasad/dhaqaale (ideology) ama aan hayn wax ka duwan xisbiga talada haya, waxay u dhisan yihiin nidaam qabiil oo ma matalaan dhamaan dadka iyo afkaaraha reer S/land oo dhan, waxaa la odhan karaa waxay u jiraan nidaam ay odayaashoodu u gaadhaan kurisga .Hogaamiyayaasha fashilmay ee xisbiyadani waxay naftooda ka fogeeyeen nidaam dimoqraadi ah , waxay umadda ka hor joogaan nidaamka keliya ee xisbigan talada haya lagu bedeli karo, iyaga ayaana waqtiga u dheeraynaya , waayo waa la hubaa in laga badin doono marka lagu daro xarfada keli taliyayaasha .
Nin philosopher ah ayaa yidhi “jiritaanka nidaamka xun waxa ka sii axmaqsan ninka hortaagan jidkii lagu bedeli lahaaa” sida hogaamiyayaashan oo diidan dad wax bedeli kara in ay meesha u baneeyaan . Hadii aynu wax yar ka eegno xisbiyada:
- KULMIYE : waa xisbiga mucaaridka ah ee ugu wayn , waxa uu si badheedh ah kuraasta ugu qaybsadaa hab qabiil oo horsseeedaya dib u socodnimo , ma hayo wax fikrad ah oo lagaga baxo dhibta maamul xumo ee maanta jirta . Xisbigan Kulmiye waxa hogaamiya niman door ku leh dagaaladii iyo godobihii soo taxnaa ilaa iyo waqtigii SNM , beelaha qaarkood waxay ka dhex arkaan cadaawaddii beelaha oo la siyaasadeeyay . Hogaanka xisbiga waxa haya nin oday ah oo lagu jabiyay doorashadii hore . Maamulka UDUB waxay hubaan in ay si dhib yar ninkan mar labaad u jabin karaan , waana sababta ay xisbi ahaan ugu aqoonsanyihiin, waayo wax khatar ah kuma hayo balse waa magac u yaal loo isticmaali karo doorasho leh magac dimoqraadi .
- UCID: waa xisbi u badan dad qurbo joog oo caadifadaysan oo xaqiiqda iyo nidaamka wadanka loo maamulo ka fog , waxaa taladiisa oo dhan ay ku urusantay hogaamiyahooda caadifiga ah (emotional) , sida Kulmiye nimanka wadanka maamulaa way aqoonsanyihiin , waayo waxa hubaal ah in la jabinay sidii markii hore wax khatarna kuma hayo kursigooda- waa nin dabaysha la cayaaraya.
- QARAN : waxa talada u haya niman odayaal ah oo la odhan karo qudhooda waa la soo dhadhamiyay oo wax cusub ma aha , laakiin waxay khatar gelin karaan kursiga Rayaale iyo shanta sano ee soo socota oo u qorshaysan . Sababatu waa afkaarahooda oo ka cadcad iyo iyaga oo ka wadanisan, iyo hogaanka xisbiga badankiisu ka soo jeedo beelaha ugu badan ee codka siiya xibiga Udub oo wiiqi kara taageerada beeleed ee xisbiga kacaanka Udub.
Sida uu sheegay aqoonyahanka Luc van de Broele ee jaamacadda ULB, ahna mid ka mid ah la taliyaha Yurub ee arimaha geeska Africa, shirkii la magaac baxay “ Daah ka qaadista xaqiiqada ka jirta S/land” waxa uu yidhi “in S/land aanay aduunka ku khiyaamayn karin been ah Dimoqradiyad , ka dib xadhigii odayaasha Qaran waxa uu caalamka tusay in S/land aan lagu dooorsan karin Soomaaliya , waayo waxay sharciyaaysteen keli talisnimo kadib markii ay hogaanka Qaran ku xukumeen in aanay doorasho ka qayb geli karin , la dooran karin . Waxa kale oo ay mamnuuceen xisbi mucaarid run ah iyo ururo siyaasadeed in la sharciyeeyo , waa astaanta wadamada kelitalisnimada (dictatoship) “ .

SHACBIGA & ICTIRAAFKA:
Maahmaah faransiis ah ayaa tidhaa “ umad waliba way mudantahay ninka maamula “ , arintan waxaan uga jeedaa shacbiga reer S/land iyagaa ugu wacan dhibtan rajo xumaanta ah ee aan dhamaanayn , dhibtu waxay ku qotontaa :
1- Maandoriyaha Qaadka oo isticmaalkiisu qayb kasta oo ka mid ah bulshada ilaa dumar , ciyaal iyo qurbojoog ku fiday ; fikirkoodii iyo maskaxdoodii naaqusay , ilaa waqtigana aan laga hadlin sidii wax looga qaban lahaa . Qaadku waxa uu qaatay dhaqaalihii yaraa ee xawaalada ku geli jirtay wadanka , maskaxdii iyo waqtigii dadka . Maxaa dhici lahaa hadii lacagta Qaadka ku baxda maalinkasta lagu soo iibin lahaa cuntada asaasiga ah sida bariis , sonkor iyo daqiiq ? waxa hubaal ah in qof gaajoonaya aan lagu arkeen S/land . Wax ka qabashada maandooriyuhu waa udub dhexaad ka mid ah siyaasadaha waawayn ee dawladaha aduunka , S/land oo sida kansarka u galayna lagama hadlo wax ka qabasho daayoo .
2- Qabyaalada oo sida cudurka kansarka iyana u gashay bulshadda oo gashay ilaa jaamacadii ahayd xarunta ilayska umada kuna biyoshubantay in qabiil walba uu gobol calaamadaystay aan lahayn ujeedo dhaqaale iyo mid siyaasadeedtoona oo umadda horukac u horseedaysa , laakiin xisbiga Udub iyo Rayaale doonayo in uu kursigiisa ku sii haysto. Arintani waxay sabatay in qaranimadii meel lagu tuuro , waayo iyada iyo qabiil meel ma wada galaan.

Waxa hubaal ah in arintan Qaadka iyo Qabyaaladu ay ku noqdeen umada reer S/land dhibaato aan xal lagu dayin oo faraha ka baxday oo la odhan karo waa ciqaab rabbaaniya oo u baahan in la raadiyo waxa lagu mutaystay . Dadkii saarnaa doonidii nebi Yoonis (NNKH) markii ay fahmeen in baddii kacday iyo xaaladii ku hareeraysnayd ay ahayd cadho Eebe way qori tuurteen si loo helo waxa ama qofka Eebe ka cadhaysiiyay , markii S/land loo qori tuurayna waxay noqotay sababtu dulmiga , xaqiraada iyo xadgudubka lagu hayo dadka loo yaqaan Gaboooyaha ee tirada yar , hadii ay xaqooda u hadlaan la cabudhiyo oo la ciqaabo . Waxana hubaal ah inta arinkaa wax laga qabanayo in S/land aanay ka baxayn jahawareerkan haysta oo reer waliba ka marag kacay, kadib markii uu gaar u shiray, oo uu soo saaray baaq odhanaya in wadanka sidii la rabay iyo meeshii la rabay midna loo socon , arintani waxay ku dambaynaysaa burbur .

Shacbiga waxa lagu maaweeliya rajo ah ictiraaf kadib markii ay fashilantay rajadii nabadu oo qalalaasihii 15may dadku arkeen in muran yar oo siyaasdeed uu burburin karo nabadda , sababtu waa nabadda S/land oo aan ku dhisnayn tiir adag oo ah cadaalada iyo sharci kala hagga sida umadaha ilbaxay ee ilaa waqtigan oo dawladnimo loo xidhxidhay sharcigu ku jiro gacanta odayaasha halkii la rabay sharci ay odayaashu taageraan oo gacantiisa ku jiraan . Arintan waxa ka marag kacay ergayga UN-ka ee Soomaliya ka dib markii uu yidhi “nabadda S/land kuma tiirsana tiirar adag oo la isku halayn karo” .
Dawladda S/land waxay dadka u sheegtaa in ictiraaf soo dhowyahay waayo madaxwaynaha ayaa booqday USA, Djibouti ,wadamo Khaliijka ah waxaanay ku faanaan in ictiraaf raadinta ay meel fiican gaadhsiiyeen, laakiin arintani wax dadaal ah oo ay leeyihiin ma aha ee waa arin la socota isbedalada ka dhacaya geeska Africa sida dagaalkii Eitrea iyo Djibouti , dagaalka maamulka Bush ee la magacbaxay la dagaalanka argagixisada oo ku soo fiday geeska Africa ka dib soo bixitaankii Maxkamadihii islaamiga ee Xamar iyo dalalka carabta oo ka walaacsan in asalraacu qabsado geeska Africa.
Maamulka S/land isaga ayaa ugu wayn carqalada gudaha ee ictiraafka ka dib markii uu noqday keli talis ku guuldaraystay abuurista wadan leh laamaha maamul oo dhan oo kala madaxbanaani ka jiraan , tan oo ah shuruudaha sahli kara in dawlad la ictiraafi karo . Waxa kale oo maamulku ku guuldaraystay in siyaasada ku saabsan ictiraaf raadinta ay ka qayb geliyaan cid kale , waxa ay rabaan ay ku hadlaan iyaga iyo dad yar oo jibaysan oo Internetka ku soo qora in S/land ay tahay dimoqraadiyada ugu wayn caalamka islaamka , in S/land tahay Switzerlandta Africa iyo nac-nac kale, waxaan filayaa in dadka sidan u hadlaa waxba ka ogayn caalamka waxa ka jira iyo xaqiiqada rajo la’aanta iyo dib u socodnimada ka jirta S/land iyo in maamulkii ku dambeeyay dilaal ku dhegan macal qabadka xoolaha yar ee la dhoofiyo . Doorasho madaxwayne (hadii ay dhacdo) iyo wafti siyaasiyiin ah ama ganacsato oo wadan kale tagaa kama dhigaan dimoqraadi ee qof waliba dantiisa ayuu u socdaa.
Dadka reer S/land waxa la gudboon inay door qaranimo leh ka ciyaaraan wadankooda gaar ahaan qurbo joogu oo lagu dirqiyo xisbiyada mucaaradka in ay baneeyaan carqalada ay iyagu ku yihiin in isbedel yimaado oo xisbiyada ka dhigaan qaar furan oo shacbiga reer S/land oo dhan matala, horjoogayaalka xusbiyada ee guul daraystay(doorashadii hore) in jaanis siiyaan dad dhalin yar ah oo waqtiga la jaanqaadaysa nadiifna ah si nidaaamka wadanka loo hagaajiyo. Dawlada waa in lagu dirqiyaa in ay samayso gole madaxbanaan oo ka arimiya qorshaha ictiraaf raadinta , golahaas oo ka kooban xisbiyada mucaaridka sheegta , aqoonyahanada, culimo aw diinka , golayaashha dowlada etc si mar walba looga tashado halka xaal marayo; laakiin nasiibdaro taladii wadanka oo dhan hal nin ayay gacanta ugu jirtaa , baarlamaan ama shicib lama soo hor dhigo waxii uu heshiis soo galo ama meelaha uu booqdo waxa uga soo baxa , sida arinta ku saabsan dekeda Berbera , lama oga xataa in uu S/land meel daran lagu wado sidii Edward Shevardnadze oo uga qayb qaatay shirqoolkii burburiyay USSR . Ha iloobin Tuur markii xukunka laga qaaday si kastaba ha noqotee waxa uu diiday S/land iyo kala go’, Cigaalana shirkii ugu horeeyay ee soomaalida loogu qabtay Djibouti wuu ka qaybgalay waxaanu wax ka saxeexay waraaqihii taageersanaa midnimada , wax uu kaga soo horjeedana wareegtadii shirkaasi kuma sheegin , laakiin markii uu noqday madaxwaynaha wuu difaaci jiray S/land si uu kursigiisa u ilaashado .
Waa in dawlada lagu cadaadiyaa in ay la shaqayso dadkooda aqoonyahanka ah oo laga bilaabo in manhaj fiican oo aduunka la jaanqaadaya loo qoro wax bararsahada , laguna soo daro maado(subject) la yidhaa bulshada oo ujeedadeedu tahay in caruurta yaryar ee soo kacaysa lagu ababiyo khatarta qaadka iyo qabiilka , waayo caruurta iyo waxbarashadu hadii lagu daro war baahinta waa rajada keliya ee hadhay in dhibtan qaadka iyo qabiilka wax laga qabto.
Hadii ictiraaf la waayo inta ka horaysa degista koonfurta iyo soo noqoshadii dawladii dhexe ee koonfurta wax rajo ah oo muuqda S/land ma laha , waayo maalintaa laga bilaabo reer koonfurku waxay hirgelinayaan fikarada keliya ee ay heshiiska ku yihiin ee ah burburinta S/land oo ay ku gaadhi karaan xirfadahan :
a) Marka ay la wareegaan magacii dawladnimadaii soomaliyeed way ka faa’idaysanayaan oo waxa la hirgelinayaa lacagtii shiling somaaliga iyaga oo la kulmaya hay’adaha lacaga aduunka sida IMF iyo World Bank , dalalka carabta , Yurub iyaga oo mar walba garabsan doona wadamada Talyaaniga oo Soomaaliya uga masuul ah Yurub iyo Masar oo jaamacada carabta hormuud ka ah ( labadan wadan oo carqalad joogto ah ku ah ictiraaf raadinta S/land) , kadib waxa la furi doonaa bankigii dhexe ee soomaaliya oo wax ka tari LC la’aanta iyo carqalada ganacsatada soomaali oo dhan haysata ,waxa la siin doona dayn fara badan iyo caawimo waayo waa wadan la ictiraafsanyaahya oo jira , laakiin uma suurto galayso S/land oo aan la ictiraafin waxan kor ku xusan oo dhami .
b) Sida dawladan imbigaati isku dayday waxa la samayn doonaa waraaqo aqoonsi iyo baasboorkii taas oo ay u adeegsan doonaan in ay shacbiga reer S/land ee waraaqo aqoonsi iyo baasaaboor aduunku ictiraafsanyahay u ooman ay ugu cagajugleeyaan kuna jiitaan ; waxa dhici doonta in aduunku dadka reer S/land ee u safraya ganacsi , xaj iwm lagu qasbo inay waraaqo iyo baasaaboor ka raadsadaan Xamar .
c) Sida uu sheegay hogaamiyaha dawlada Imbigaati ee ah “ hadii S/land ciidankeeda kala bixi waydo gobolada bari waxaa dawlada federaalka ah ku qasab ah in ay ka saarto” , waxa ay tusaysaa in soo noolashaha dawlada soomaliyeed (Xamar) ay diyaar ugu yihiin ishirdi mulateri oo dhex mara iyaga iyo S/land oo ku salaysan goboladan aan deganayn ee Sool iyo Sanaag . Arinkani waxa uu khatar ku noqon doonaa jiritaanka S/land.

Guud ahaan waxa kor ku xusani waxay tusayaan mustaqbalka madow ee hor yaal S/land iyo sida ay u moogan yihiin , diyaarna ugu ahayn in ay jawaab iyo xal ka helaan iyaga oo ku mashquulsan is jiidjiidadka qabyaaladeed ; waxa hubaal ah in wadanku ku sii jeedo burbur ay tahayna waqtuigii la badbaadin lahaa oo laga ilaalin lahaana inuu mar kale si hawl yar oo farsamo ugu hoos siibto maamulka koonfurta . Sidii loo badbaadin lahaa oo u taala umadda reer S/land xisbiga iyo qabiilka ay doonto ha ka tirsanaadeene.

AHMED OMAR
Somaliland mouvement for realism.
Brussels , Belgium
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-08
DIE WITH YOUR EVIL RAGE!

Dadka noocan ah ee ina sheegta asalkoodu, maxay ahaayeen?

Hadaba, kuwa dadnimada xun ee la isla wada arkay ee halkan ka ciya sida dameeraha ee badowda ah ee weliba iska soo caaya muwaadiniinta xalaasha ah ee ummadooda, qadyadooda, iyo jiritaanka dalkooda hooyo difaacaya ama kuwa si nabad ah oo xarago leh dantooda beeleed ka shireysa sida Beesha HJ taasoo waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala ama Diinta iyo Shareecada Islaamka ee misna, aan ka hadlin ama cambaarayn markii, ay Beelaha kale ee Somaliland uu mid kasta beel ahaan uga shirayeen danahooda ee misna, qiiqa isku qariya iyagoo ay iska dhigayaan inay qadyadu, muwaadinnimadu, wadaniyadu, iyo Somalilandnimadu, ay ka dhab tahay oo Reer Somaliland si buuxda ula jiraan iyagoo misna si cad Xukumada iyo shaqsiyaad gaar ah ugu taageeraya cadaalad darada, dulmiga iyo xumaha dhinac walba saameeyey ee weliba si wey u ragaadiyey geedi socodkii dimoqraadiyeed ee ummadan tabaaleysan iyo dalkan yar ee aan haysan aqoonsi caalami ah sidaasna u waxyeeleeya qadyada iyo jiritaanka Somaliland, waa munaafiqiinta uu Eebe inoogu sheegay Quraankiisa Kariimka, sidaas daraadeed, nooma dhuman karaan, waxna nama yeeli karaan ee ha iska ciyeen sida dameeraha geedigana inoo wada.

Hadaba, munaafiqiintani, waxba ku qaadi kari maayaan qabyaalada sumeysan ee ay adeegsadaan, nacabnimo uurka u fadhida, cadowtinada ay u qabaan kuwa xaqa ku taaan, xinkooda, xasadkooda, iyo xumahooda Alle ku caasiga ah ee halkan ka akhrista sida uu Eebe ku sheegay:
__________________________________

Surah 63. Al-Munafiqun (The Hypocrites)

1. When the Hypocrites come to thee, they say, "We bear witness that thou art indeed the Messenger of Allah." Yea, Allah knoweth that thou art indeed His Messenger, and Allah beareth witness that the Hypocrites are indeed liars.

2. They have made their oaths a screen (for their misdeeds): thus they obstruct (men) from the Path of Allah. truly evil are their deeds.

3. That is because they believed, then they rejected Faith: So a seal was set on their hearts: therefore they understand not.

4. When thou lookest at them, their exteriors please thee; and when they speak, thou listenest to their words. They are as (worthless as hollow) pieces of timber propped up, (unable to stand on their own). They think that every cry is against them. They are the enemies; so beware of them. The curse of Allah be on them! How are they deluded (away from the Truth)!

5. And when it is said to them, "Come, the Messenger of Allah will pray for your forgiveness", they turn aside their heads, and thou wouldst see them turning away their faces in arrogance.

6. It is equal to them whether thou pray for their forgiveness or not. Allah will not forgive them. Truly Allah guides not rebellious transgressors.

7. They are the ones who say, "Spend nothing on those who are with Allah.s Messenger, to the end that they may disperse (and quit Medina)." But to Allah belong the treasures of the heavens and the earth; but the Hypocrites understand not.

8. They say, "If we return to Medina, surely the more honourable (element) will expel therefrom the meaner." But honour belongs to Allah and His Messenger, and to the Believers; but the Hypocrites know not.

9. O ye who believe! Let not your riches or your children divert you from the remembrance of Allah. If any act thus, the loss is their own.

10. and spend something (in charity) out of the substance which We have bestowed on you, before Death should come to any of you and he should say, "O my Lord! why didst Thou not give me respite for a little while? I should then have given (largely) in charity, and I should have been one of the doers of good".

11. But to no soul will Allah grant respite when the time appointed (for it) has come; and Allah is well acquainted with (all) that ye do.

[ Reply ]

Name : Muxummad Cabdillaahi
Subject : Re : boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
Date : 2008-08-07

WAXA KA DARAN MEGALOMATISKAN DHURMAYA KUWA DALKA IDINLA SHEEGANAYA EE QARAN DUMISKA AH UNA ADEEGA CADOWGA DALKA IYAGOON U AABBO YEELIN AYAY DHAMMAANTOOD KU WAAFAQSANYIHIIN CADOW KASTA OO SOMALILAND LEEDAHAY IYAGOO U RIYAAQA GACANNA KU SIIYA, AHNA HOOYGA LOOGU TALO GALAY JABHADDA QARSOON. DALKIINNA U SARA KACA OO SAFEEYA XUDUUDDA GUDAHA INTAYDAAN TEGIN XADADKA CAALAMIGA AH. KUWA HALKAN KA NACNACLEEYA WAA NACASYADA AFKA LOOGU SOO RIDO SIDA SOMALIDA CAADADA U AH INAY SOO HORMARIYAAN NACASKOODA MARKAY DABKA HURINAYAAN.

ablaablaha sharkiinna
aragtida rakhiiska ah
agnayahay halkaagii
sowdigan ishaaraada
haddii illig bukooda iyo
haddaad indhaha beesho
haddii af dholowgaagiyo
daacadiyo urteeda iyo
dhuuso adiga kaa timi
aflagaad miyay noqon

afartaa intaan askumay
earayada labeenta ah
aaraartayda migilka ah
asluub ma u sheegoo
ma asteeyay hadalkii

afar kalena waxn idhi
futtada ay albaabkiyo
irriduhu ay muuqdaan
kii oon ukukumayskii
weli aayar soo dhicin
allahayow afsaartii
maxaa iala xidhkeedii
astur loogu diiday
aagaantii wax soo maray
uunkii oo u jeeda
eegi waayay akhastii
iyadoo ay lulatoo
iska reeba aan garan
misna eed buu duul kale
durba soo abaabulay
kii ilaalin jiray iyo
kula eertay madaxdii
abaal laawe waa sidan
ajarkiyo axsaankana
uruguu ka qaadaa
afkoon ciidda loo darin
anshi xumo ma daayee
waageerka adiguu

afartaa intaan askumay
earayada labeenta ah
aaraartayda migilka ah
asluub ma u sheegoo
ma asteeyay hadalkii

afarkalena waxan idhi
ayaxii aad ahayd iyo
caku eeshan kii dhigay
caku reer ish weynow
caku axmaar dhaleenow
caku iinta kugu taal
caku ajiga baydhiyo
baydarigan addoonka ah
caku unuggan saqajaan
caku irrifka dhoodiyay
caku huuro oodday
ilkihii ka daateen
caku agabka heensaha
abjadkii dul saarnaa
caku uskaggoodii
jidhfo oogadooda iyo
wax heerar ku aasanaa
caku nolol adduunyooy
amankaaggu wuxu yahay
ibtilada ninkii dhalay
kolkuu inu arrimiyo
shirka lagu ammaana
siillanyoo asaasaqay
miayay dugsiga aanada
gar adag looga baaqoo
ku asqooday beeshii
wax ujeeddadii tahay
in isirka dhuuryadu
aloolkii isugu yimi
halkii lagu abudhi lahaa
arjunkeeda loo wacay

afartaa intaan askumay
earayada labeenta ah
aaraartayda migilka ah
asluub ma u sheegoo
ma asteeyay hadalkii
afartaa intaan askumay
earayada labeenta ah
aaraartayda migilka ah
asluub ma u sheegoo
ma asteeyay hadalkii

afar kalena waxan idhi
wax afkiisa shaqaalkii
xaydhu ay aguugnayd
ufta aan lahayniyo
ishtu ay ka buuxday
lakabyada asoodiga
dhoollaha ku ururay
weli soo af waajaa
higgadiyo agagada leh
uuska dà`yo hoodhlaha
xammaytidu abqaallayd
ixda habar xabuushada
ducatada iblays dhalay
alwadkiyo ma daayaan

af qadhmuune hadalkii
eeyna taagtii buu ciyay
dhuusada urteeduna
isagay ku noqotaa
horta yuu abhinayaa
tolow yuu ayeelaha
irko maanta leeyahay
yay irdhadu weerada
agteedii catowdaa
aahda iyo taaha iyo
arammida fogaatiyo
eebadii ku taallay
aheey luudankiisii
oohinta uula baydhaa

afar kalena waxay tahay
siliciyo abaartiyo
aafo waa walaalkaa
argagixisadiiyeeyay
adna olgga shaydaan
wax aad ab wadaagtaan
maano iisho eelkeed
ehelkaagu wuxu yahay
faqashtii afweyne
sabtu waa adoo kale
lama oga sinjiga kii
insi aad la hayb tahay
amma oodda aad tahay
asalkaagu uu yahay
adhaxdii dujuumiyo
idhinkii sablaaliyo
kurtun waarray agahed
ibta duumadeedii
eebada ku soo daray
dhiig waa is siiseen
abgaal baa ahaateen
ajuuraan inaad tahay
eelaay uuma baaqdeen
aweys waa adeerkaa
adiguu ku soo diran
abudhyahayow digoodiga
garraha u adeegaa
afka baarkii weeyee
maadigaa isaaq iyo
awlaiyada sheegtoo
asxaabtii rasuulkiyo
asaliga ag joogsaday
impagaati baad tahay
uluuf iyo uluuf sabaan
ardaa waalan baad tahay

Muxummad Cabdillaahi

Name : s.n.m
Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
WaaaaW kuugu timi halkaaga saaxiib abwaanka sannadka abwaan muxummad, waa salaan mujaahide laa faqashta reer Dhuuryo
Name : jameeco
Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
iyaagaa maqnaadoo
sida agoon cadhoodoo
awrkiraalenimo iyo
arbushaadda loo diray
uubatada haysay
kelidood ahaadaye
inta kale islaax baa
ijtihaadku uu yahay
waana uliyo dirkeed
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
Anigu garan maayo nooca dadka sidan u hadla.

Tollow, ma Gudabuurkii aan hadli jirin oo af barad ah waxna ismooday baa mise, waa Dafoorqiiqleyaashii muran naagoodka ah ee afka qadhmuunaa ee dadnimada bahdilan lahaa ee weliba dhaqanka iyo caadada sabta lahaa ee damiirlaawayaasha wax ma xeeriyaasha ahaayoo halkan ka dhex kaluumeysana baa ileyn, waanu naqaana sida Reer Somalilandta kale iyo Reer Somalia-da kale xitaa Jareer ama Reer Goleedku, ay u hadlaane.

Saaxiib, malahaa, waxa kaaga habooneyd adigoo ku eedeeya shirka beesha, in uu maal geliyey OSAMA BIN LADIN iyo xulufadiisa Argagixisada Caalamiga ahi dabeetana u sheega George W. Bush iyo Atto Meles Zinawi!!

Hase yeeshee, horay, idiinku hirgeli weyday Xisbiga KULMIYE, waa argagixiso, HJ ama Bariga Burco, waa argagixiso ama waa Somaliweyn ama waa Mbagathi ama waa Maxaakiim, iwm.

Sidaas daraadeed, fadlan, soo barta sida beenta kaa mari karta loo sheego, sida wax loo eedeeyo, sida dembiga la isugu shaabadeeyo, iyo sida wax loo dacaayadeeyo oo ka baxa hebelkan iyo reer hebeltan baa kan ah iyo keer ah iyo nacnacda badan ee laga wada hataaray ee aad golahan mar kasta kula soo kuftaan.

Ogaada, Reerkan iyo degaankan aad afkiina qadhmuun ku soo taageysaan, waa Somaliland badhi; waana warankii ummada iyo dalka Somaliland. Marka, idinkoo aan xitaa hayn badhkii kale ee Reer Somaliland, yaad isku haleynaysaan, haddii xeedho iyo fandhaal kala dhaco?

F.G.: Nin caytamay, waa nin diciif ah oo aan isku kalsoonayn oo fuley ah oo is leh afka cid ku handad ama ku ciil bax kaasoo markay, dhiida gaadho sidii u caadada ahaa dabada rogta (carara) ama is dhiiba oo mudo cago dhigta lagana reysto mudadaas uu is nabaayo, hase yeeshe, ileyn bahan ceedhin ma daaye nina caadadii ma baaje, mar kale, xumahiisii la soo laba kacleeya mudo kalena, wax qasa ilaa iyo inta mar dambe hadana afka la jebin doono.

Guul iyo Gobanimo,

Mr. Halgame,
May God bless the people and the State of Somaliland. Amiin.
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
Talobixin ku socota Beelwaynta Habar Jeclo iyo tageeris shirka garadag:-

hadhwanaag 2008-08-07 (Hadhwanaagnews) Anagoo ah wax garadka hoos ku xusan,waxaanu habalyo iyo bogaadin u diraynaa Indheer garadka, aqoonyahanka beelwaynta habar jeclo ee shirka ku leh magaalada Gar adag ee Gobalka Sanaag.

Waxaanuna uga hambalyaynaynaa garashada iyo ka barandagista shirkan ku qabsoomay wakhti munaasib ku ah kuna haboon isku imitaanka beesha iyo midaynta beesha oo tafaraaruq iyo kala qaybsanan aan xadlahayn oo aan lagu aqoon la soo daristay mudooyinkii danbe. madaama beeshu tahay beelaha ugu waa wayn mandaqada geeska Afrika :lehna dagaanka ugu balaadhan uguna baxada wayn Somaliland:Dagaankaas oo ka kooban Gobalka - Sanaag, G-Saraar, G-Sool, G-Togdheer, G-saaxil, G-buuhoodle iyo kilirka shanaad ee Itoobiya. Waxaanu u aragnaa in shirkan soo celin doono isku duubnidii iyo sharaftii lagu yaqaanay beesha oo ku caan ahayd Geesinimo,Xaqsoorid, Xeerbeegtinimo, Garasho dheer , Dhaqan wanaag , Talo wanaag iyo daris wanaag. Waxayna beeshu ku suntan tahay,- qayb libaaxna ka qaadatay halgamadii kala duwanaa ee dhiiga iyo dheeftaba loo huray. Iyadoo beel waynta Habar jeclo lagu xasuusto la dagaalankii iyo guumaysidiidkii ay kula kacday -kulana dirirtay Ingiska-(British Empirier)- iyadoo ay hormuud ka ahaayeen gobanimo u dirirkii halyaydii : Shiikh Bashiir, Faarax Omar , Michal Maryama , Ina Shixiri , Maxamed Ducaale(dholayare) , iyo halgamaagii waynaa ee Xaaji Muuse Galal oo ahaa aabihii ololihii aqoon ku dirirka iyo qaar kale oo badan.

Waxaa kale oo ay Beeshu tahay cududii iyo awoodii xididada u saartay Qawlaysatadii daraawiishta kana sifaysay dhamaan mandaqada Somaliland: dagaalkaas oo uu hugaaminayay halyaygi caanka ahaa ee “Carab Dheere” -taariikhdana galay. Waxaa marnaba aan la ilaawi Karin kalintii horyaalka ahayd ay Beeshu-(habar jeclo) -ku mutaysatay bilad geesiga ahaydna lafdhabarti halgankii qadhaadhaa ee ururkii dhaq-dhaqaaqa SNM iyo dhexmaray taliskii Macangaga ahaa ee Jaale Maxamed Siyaad Bare:”waxaana wakhtigaa lagu naanaysi jiray “(Dhiirane Isaaq)-ahaydna beesha ugu faramaha iyo halganka adkayd si niyad sami iyo kalsooni lehna logu arki jiray goobaha dagaalka iyadoo aan la hagran jirin maal iyo muruqba.

Beeshan oo aan marnaba gorgortan galin Gooni isku taaga, jiritaanka iyo midnimada qaranka Somaliland ahaydna Beshii dhidibada u aastay gooni isku taaga qaranka Somaliland. laguna yaqaan dulqaad iyo dacad nimada Somaliland, markastana danteeda ka hurmarisa danta guud ee dalka iyo dadka. si kastaba ha ahaatee iyadoo aan taariikhda dhaxal galka ah ee ay beeshu leedahay aan qalin iyo book iyo saacado toona lagu soo koobi Karin. waxaase marag madoonta ah oo aan marnaba indhaha laga qarsan Karin” habmaamulka iyo talaxumada iyo habacsananta haysatay beesha habar jeclo mudooyinkii danbe” . Waxaaynu ognahay burburka dhaqan guurka ah iyo ragaadiska ee ku yimi beesha in ay ka danbeeyaan dad u dhashay beesha oo ah waxmagarato iyo qawlaysato dano gaara leh. Kuna adeegta magaca reerka iyagoo huwan magacyo been ah oo aan cidna u Boqoran iyo Sandalado sixir barar ah. kuwaas oo aan wax-naba xeerin , kana xishoon markastana u adeega dadka u cadawga ah sharafka reerka: dadkaas magacyada beenta ah xanbaarsan oo manta qaarkood Caynaba u fadhiyaan burburka reerka iyo kala qaybinta beel sharafta habar jeclo iyo mucaarad ku noqoshada midnimada habar jeclo: kuna soo qaatay xoogaa shilimaad ah oo dabada loga soo dhiibay laguna yidhi gar iyo gardaraba yaan shirkaa wax natiijo ah ka soo bixin.

Wuxuu yidhi Abwaankii gabyay :”dukhsiguba dareen xumo ayuu qudhanka u dabaashaa, taas waxaa la darajo ah ninka soorta duudka ah dadku nacay isagu cunay dar-dar saday fandhaalada”, ilahaw sharafta hanaga qaadin ,Gabay kale oo Hadraawi lahaa ayaa wuxuu ahaa: Guri ba’ayna waa cadaw ninkii raarta sii guray , gudoon dhacayna waa fulay ninkii gaar u faashadaye,gobanimana waa quus ninkii gawska dhaafsaday.

Waxaa iyana jirta in mudooyinka danbe ay soo bateen suldaanimo iyo boqor nimo aan lagu sifayn kartidii iyo aqoonta iyo garaad kii hibo ee ay suldaanimadu lahan jirtay, dhaxalgal-keeduna noqday in sidii shaadhadh dukaan yaala nin waliba mid ku soo labisto oo aan loo eegin sifooyinkii ay lahaan jiray cumaamadu:Maah maah baa tidhaahda” hadii kuugtu badato maraqaa xumaada”, - sidaas awgeed waxaa fiican in laga fiirsado samaysiga sandaladaha hadii laga marmi waayana waa in loo hibooyo Nin gaya oo qaadi kara milgaha iyo karaamada ay Cumadu leehay(“suldaanimadu leedahay “)- sababtuna waxay tahay “ sandalad xun sixir ka daran”,Taas oo ay macnaheedu tahay sandaladaan farshaxanimo ama fiiro lagu dhisin way kula fogaataa oo foolxumay ku raagtaa . Dhibaatadan baaxada wayn, waxa lagaga badbaadi karraa in talo midaysan oo xeel dheer laga yeeshaa boqorada iyo suldaan bararka aan buuxin milgihii iyo hidihii ay lahan jirtay suldaanimadu, kana leexday sharaftii iyo karaamadeedii .wana in si buuxda kalsoondii iyo maamuuska logala noqdaa kuwa ku talaxtagay, camalkana ka dhigtay burburka reerka, iyadoo loo eegayo buuxista kaalinta boqornimo, hadii laga marmi waayana waa in lakeenaa badalkoodii oo leh sifooyinkii iyo sharaftii xalaasha ahayd ee sandalad lahaan jirtay .

Hadii aynu is waydiino sifooyinka boqor ama suldaan lagu noqon karo; Su’aashu waxay tahay - maxaa ka mid ah Astamaha Boqor ama Suldaanka lagu yaqaan: Suldaanka ama boqor waxaa lagu yaqan Xishood, Ale ka cabsi , Wax xeerin(xurmayn) , Xalaal cunid, Xeer beegtinimo,Aragti dheere, Wax-garad, Go’aan adkaan, Geesinimo, Gudoon adkaan, Garsoorid, Golo joog, Gacal jacayl, Dad isku wad, Wanaag ka talin, Talo-wanaag , Dulqaad, Hubsinyo badni, Faxal-nimo iyo Hadal helid ama codkarnimo: hadii intaas laga waayo waa sandalad xun oo waa sun iyo waabeeyo waana qaran jab ….waxaana fiican in dib logu noqdo oo laga fiirsado boqoradii iyo suldaamadii wakhtigii danbe samaymay hadii ay beeshu doonayso in ay sideedi hore ku noqoto, waa in dib isku noqosho xoogan oo xeel dheer la sameeyaa.

Talo bixin:

1. beeshu waa in ay shirkaa manta Gar’adag uga socda ka soo saartaa talo wax ku ool ah oo huwan hadaf fog iyo aragti dhaxal galana u noqota jiilasha danbe, cidkastoo isku dayda burburinta iyo baajinta shirkana waa in gacan birleh lagu qabtaa

2. beeshu waa in ay samaysataa gudi guud si aad ah lagu taxadiray lagana fiirsaday oo ka madax banan sandalahada, maadaaba suldanimadii iyo boqornimadii noqotay wax dano gar ah lagu fushado oo aan marnaba danaha reerka ka talin.

3. beeshu waa in talaabo ku haboon laga qadaa dadka beesha ka tirsan ee sharafta reerka iyo hurumarkeeda ku lidiga ah magac kastoo ay sitaan boqornimo iyo siyaasiba.

4. beeshu waa in ay midaysaa cududeeda iyo siyaasadeeda iyo taladeeda waxkastoo karaamada iyo milgaha reerka wax u dhimaya dhinac laga soo wada jeestaa

5. beeshu waa in anay marnaba tageerin waxkastoo midnimada iyo qaranimada Somaliland iyo walaaltinimada beelaha Somaliland wax yeelaya.

6. Beeshu waa in ay hurmood ka noqotaa : horumarna ku samaysaa deegaanka ay dagto: ee ka kooban Bad iyo Buuro iyo Bariba , soona dhawaysaa beelaha kale ee ay dariska iyo walaalahaba yihiin .

7. beeshu waa in ayna u dulqaadan wax -samir ahna tusin wax kastoo sharafteeda iyo karaamadeeda beel nimo wax u dhimaya, cidkastoo wadana waa in sharci iyo ciqaabta ay mutaysatay la mariyaa.

Fiiro gaar ah: beeshu waa in ay dorashada soo socda codkeeda ku shubtaa meesha ku haboon oo anay marnaba kala jabin waayo manta cida la dooranaya waa madaxwaynihii Somaliland ee dalka iyo dadkaba dhibaatada ka saari lahaa.

Gabo gabo;

Somalidu waxay ku maah maahdaa taladan la ruugin waa lagu rafaadaa, sidaas awgeed waxaanu u sheegaynaa aqoon yahan ka manta talada reerka u guntaday ee Garadag ku shiraya in ay soo saran go,aan dhaqan gala oo taabo qaada , kuna shaqeeya sida ay u soo saareen, kana turjumaya hadaf fog iyo himilo horumar u horseeda beesha iyo dalkaba una noqda dhaxal reeb jiilka cusub .waxaynu ognahay in manta reer Somaliland oo dhan u dhagtaagayaan shirka Garadag, lona naawilayo in uu noqon doono shirkii ugu balaadhnaa ee ka dhaca Somaliland sidaas darted waa in uu shirku noqdaa mid dhaxal gal ah oo qodoxda iyo qondhacadaba laga idleeyey .

Waxaanu u rajaynaynaa in uu shirku guul iyo is afgarad ku dhamaado. waxanuna ilaahay ka rajaynaynaa in uu noqdo mid dadka iyo dalka anfaca oo bash bash iyo barwaaqo inoo horseeda.amiiiiiiiiiiin amiiiiiiiin

Guuuuuuuuuuuuul iyo gobanimo.

Waxaa si wada jir ah u soo diyaariyay

1. Aqoon yahan Abdi maliki Abdi Hassan(indho-cade).
Telophone:0092-3005878179
E-mail:maliki331@hotmail.com

2. Aqoon yahan maxamed General Hassan ali Abokor.
Telephone:0092-3234337405
E-mail:mdeeq_h@hotmail.com

Pakistan,lahor city:
************************************************************************************
Hadhwanaag marnaba kama masuul aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmaddeeda iyo xilkeedaba sida. Waxa keliya oo ay Hadhwanaag Media dhiirri gelinaysaa waa isdhaafsiga aragtida, canaanta gacal iyo talo wadaagga

[ Reply ]

Name : Dawlad
Subject : Re : boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
In kasta oo la yidhi, qof keli ah baa inta kale magac iyo magac daro u soo jiidi kara oo dhab ah. Hadana waxa aanu leenahay ha laga leexdo erayada iyo luqadaha dadka la isku wada darayo sida nimanka halkan sare ku soo gudbiyay gabay buraanburka oo yaan weligeed dadka la isku wada qaban.

Dawlad

[ Reply ]

Name : Mr. Halgame
Subject : Re : boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
Anigu garan maayo nooca dadka sidan u hadla.

Tollow, ma Gudabuurkii aan hadli jirin oo af barad ah waxna ismooday baa mise, waa Dafoorqiiqleyaashii muran naagoodka ah ee afka qadhmuunaa ee dadnimada bahdilan lahaa ee weliba dhaqanka iyo caadada sabta lahaa ee damiirlaawayaasha wax ma xeeriyaasha ahaayoo halkan ka dhex kaluumeysana baa ileyn, waanu naqaana sida Reer Somalilandta kale iyo Reer Somalia-da kale xitaa Jareer ama Reer Goleedku, ay u hadlaane.

Saaxiib, malahaa, waxa kaaga habooneyd adigoo ku eedeeya shirka beesha, in uu maal geliyey OSAMA BIN LADIN iyo xulufadiisa Argagixisada Caalamiga ahi dabeetana u sheega George W. Bush iyo Atto Meles Zinawi!!

Hase yeeshee, horay, idiinku hirgeli weyday Xisbiga KULMIYE, waa argagixiso, HJ ama Bariga Burco, waa argagixiso ama waa Somaliweyn ama waa Mbagathi ama waa Maxaakiim, iwm.

Sidaas daraadeed, fadlan, soo barta sida beenta kaa mari karta loo sheego, sida wax loo eedeeyo, sida dembiga la isugu shaabadeeyo, iyo sida wax loo dacaayadeeyo oo ka baxa hebelkan iyo reer hebeltan baa kan ah iyo keer ah iyo nacnacda badan ee laga wada hataaray ee aad golahan mar kasta kula soo kuftaan.

Ogaada, Reerkan iyo degaankan aad afkiina qadhmuun ku soo taageysaan, waa Somaliland badhi; waana warankii ummada iyo dalka Somaliland. Marka, idinkoo aan xitaa hayn badhkii kale ee Reer Somaliland, yaad isku haleynaysaan, haddii xeedho iyo fandhaal kala dhaco?

F.G.: Nin caytamay, waa nin diciif ah oo aan isku kalsoonayn oo fuley ah oo is leh afka cid ku handad ama ku ciil bax kaasoo markay, dhiida gaadho sidii u caadada ahaa dabada rogta (carara) ama is dhiiba oo mudo cago dhigta lagana reysto mudadaas uu is nabaayo, hase yeeshe, ileyn bahan ceedhin ma daaye nina caadadii ma baaje, mar kale, xumahiisii la soo laba kacleeya mudo kalena, wax qasa ilaa iyo inta mar dambe hadana afka la jebin doono.

Guul iyo Gobanimo,

Mr. Halgame,
May God bless the people and the State of Somaliland. Amiin.

[ Reply ]

Name : Mr. Halgame
Subject : Re : boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
Wararkii Wargayska..Ogaal..Cadadkii..Arbaca..6..Ogost

Published Aug 06, 2008 - 06:46 PM by siciid
NEWS

"Buurmadaw oo dawladdu soo dirtay ayaa la kala dooransiiyay
inuu magaalada ka baxo iyo inuu beesha saamaxaad waydiisto” Xildhibaan Farxaan X. Maxamed Cali

Boqor Buurmadow oo sheegay in shirka Gar-adag burburay
Gar-adag: “Waa been shirku ma burburin ee

Buurmadaw oo dawladdu soo dirtay ayaa la kala dooransiiyay
inuu magaalada ka baxo iyo inuu beesha saamaxaad waydiisto”
Xildhibaan Farxaan X. Maxamed Cali

Caynabo (Ogaal) – Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw) iyo Caaqil Maxamed Cawad

Faarax ayaa sheegay inuu burburay Shirka Beelaha Habar-jeclo uga socda Degmada Gar-adag, isla markaana ay shir kale ku qaban doonaan Magaaladda Caynabo. Hase yeeshee, Xildhibaan Farxaan Xaaji Maxamed Cali oo ku sugan magaalada Gar-adag ayaa beeniyay jiritaanka warkaas, kuna tilmaamay midaan jirin.

Caynaba

Caaqil Maxamed Cawad Faarax oo xalay khadka telefoonka nagalala soo xidhiidhay Magaaladda Caynaba, isla markaana sheegay inuu yahay Chief Caaqil, ayaa sheegay inay ka soo baxeen Shirka Gar-adag, kaasoo uu xusay inuu bur-buray, shir kalena ay ka qaban-qaabinayaan Magaaladda Caynaba.
Xidhiidhka Caaqilku nala soo sameeyay ka dib waxaanu si toos ah ula xidhiidhnay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw), oo ku sugan Caynaba. Inkasta oo uu Boqor Cimaan diiday in su’aalo badan la waydiiy, hadana xogwaraysi kooban oo aanu arrintaa kala yeelanay waxa uu u dhacay sidan:

S: Boqor waxa nala soo xidhiidhay nin Caaqil ah oo sheegay in aad wada-joogtaan Caynabo oo aad shir kale ka abaabulaysaan, isla markaana aad ka soo baxdeen Shirkii Gar-adag. Arrintaa maxaa ka jira?

J: Shirkaasi wuu bur-buray oo dhab weeya arrintaasi, sababtuu u bur-buray iyo waxyaabaha beeshu kaga soo baxday iyo khatarihiisa iyo wixii aanu u aragno inay Somaliland dan u tahay shirka Caynaba ayaa laga hadli doonaa.

S: Imisa xubnood ayaad kaga soo baxdeen markaa shirka?

J: Waxaan ku idhi beel dhan baa ka baxday, beelo kale oo ka maqanina waa jiraan, kuwa kale oo ka soo baxayaana way jiraan.

S: Adigu xubnaha ka soo baxay ayaad ka mid ahayd sow maaha?

J: Beeshii oo dhan ayaa ka soo baxday oo aan aginu hogaaminayo.

S: Markaa goormaad Caynabo timaadeen?

J: Waxaanu soo gaadhnay maanta (shalay).

S: Markaa maxaad ka qabanaysaan Caynabo?

J: Beeshii ayaa ku shiraysa oo ku arrinsanaysa.

S: Beesha halkaa ku arrinsanaysaa waa tee?

J: Waa beesha Muuse Abokor oo ah beesha ugu balaadhan Habar-jeclo.

S: Dhinaca kale oo aanu la xidhiidhnay waxay noo sheegeen in lagaa soo mastaafuriyay Magaaladda Gar-adag, ka dib markii aad kali ku noqotay diidmada shirka beelaha Habar-jeclo, arrintaasi sow ma jirto?

J: Waxba kama jiraan waxaas aad sheegayso. Shirkaanu ka baxnay, mid dhaqan ma ahayn ee waa mid siyaasadeed oo aan ummada dan u ahayn xaqiiqdii. Waxaanu kaga baxnayna waanu ka hadli doonaaye caawa afka gacanta ha naga galinin, waayo taladii baanu u fadhinaa imika oo dad kale oo badan ayaa noo soo socda oo Gobolada ka imanaya.

Gar-adag

Doodaha dhinacaas Caynaba ku sugan ka dib, waxaanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay dhinaca madasha Shirwaynaha Beelaha Habar-jeclo ee Gar-adag. Isla markaana , waxaanu wax ka waydiinay dhawaaqa ka soo yeedhay Boqor Buurmadaw Xildhibaan Farxaan Xaaji Maxamed Cali. Su’aalihii aanu waydiinay Xildhibaanka iyo jawaabihii uu ka bixiyayna waxay u dhaceen sidan:

S: Waxa na soo gaadhay warar sheegaya in Shirkii bur-buray, isla markaana Ergooyin muhiim ah ay shirkaa ka soo baxeen, shir kalena ka abaabulayaan Caynabo, arrintaa maxaa ka jira?

J: Arrintaa wax Alliyaala iyo wax ka jiraa ma jiraan, waa been aan sal iyo raad toona lahayn shir bur-buray iyo cid ka baxday toona ma jirto. Shirkuna si fiican buu u socdaa, Buurmadaw oo dawladu soo dirtay oo doonayay inuu shirka bur-buriyo ayay u suuragali wayday, markuu ka quustay ayaa xalay (habeen-hore) reerku waxay ku yidhaahdeen laba soo kala dooro. Inaad shirka raaligelingayso oo wixii aad gef ku kacday beesha aad ka waydiisato saamaxaad, shirkana aad tagto oo noqoto Ergay Wufuuda ka mid ah iyo inaad intii aanu kuu dulqaadan karaynay kuu dulqaadanaye marka waagu baryo aad ka dhaqaajiso wixii intaa ka badan anagu kuumada dul-qaadan karayno ayay ku yidhaahdeen. Dhinacayagana wuxuu noo keenay xubno baad ah oo uu leeyahay iigu dara shirka, taana xalay (habeen-hore) ayaa go’aan loo dhiibay oo lagu yidhi Ergay ka maqan iyo reer ka maqan shirka midna ma jiro, cid laga aqbalayo Ergooyin dheeraad ah iigu darana ma jirto. Markaa, hadaad Cismaanaw shirka soo galaysana ka qaybgal, laakiin inta aad wado inteedii ayuun baa shirka ku jirta.

S: Nin Chief Caaqil ah ayaa Caynaba isna nagala soo xidhiidhay oo sheegay in shirkaasi bur-buray, isla markaana ay shir kale Caynaba ka qabanayaan beesha Muuse Abokor, taasi miyaanay jirin?

J: Waxba kama jiraan. Shirka Gar-adag waxa Guddoomiye ka ah beesha Muuse Abokor, Guriga la fadhiyaana waa Guri Muuse Abokor, cidda Shirka wadaana waa Muuse Abokor.

S: Xildhibaan Farxaan, Ergooyinka Shirka Boqor Cismaan markii hore miyaanu ku jirin?

J: Kuma jirine, waa raggii aan weligoodba ka soo xaadirin ee diidanaa, maalintii la furayay ayuun buu Madasha yimi. Qof ahaanna markay tahay ciddna looma diidana oo qof kasta oo Habar-jeclo ah shirku wuu u furan yahay.

[ Reply ]

Name : Mr. Halgame
Subject : Re : boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
"Shirweynaha Beesha ee Gar-adag Muu Burburin,Buur-madowna Keligii ayuu iska tegay"..Gud.Shirweynaha B/Habarjeclo.
Published Aug 07, 2008 - 09:36 PM by siciid

NEWS

Gar-adag (Togdheernews..7OGost)- Shirguddoonka shirka Beelaha Bariga Burco ee ka socda magaalada Gar-adag,

ayaa beeniyey warar lagu sheegay in uu burburay shirweynaha beesha Habar/jeclo ee halkaa ka socday.

Maxamed Jaamac (Gaadhi-jiidh) oo ah Guddoomiyaha shirguddoonka shirka Gar-adag oo xalay Jamhuuriya khadka telefoonka ugu warmayey, ayaa sheegay in shirweynaha Beeshu uu si caadi ah ugu socdo, wax iska bedelay hanaankiisuna aannu jirin, ergooyinkii shirweynaha ee isugu jiray madax-dhaqameedyo, xildhibaano, waxgaradka iyo dhammaan qaybihii kala duwanaa ee ergadu ay ku sugan yihiin madasha shirku ka socdo.

Boqor Cismaan Buurmadow oo ka mid ah madax-dhaqmeedyada beesha ee ka qaybgalayey shirka Gar-adag, ayaa saxaafadda u sheegay isagoo ku sugan magaalada Caynabo inuu shirkii Gar-adag burburay oo ay iskaga baxeen isaga iyo ergooyin kale.

Haddaba arrintaas oo aannu wax ka weydiinay Guddoomiyaha Shirguddoonka shirka Gar-adag Mr. Maxamed Jaamac (Gaadhi-jiidh), ayaa isaga oo arrintaa ka hadlayey waxa uu yidhi; "Waxa uu ka mid ahaa Boqorku [Buurmadow] madax-dhaqameedyadda shirka ka qaybgalay inkastoo aannu joogto u iman jirin madasha ee uu marmar iman jiray, iminkana isaga oo keliya ayaa ka tagay shirka, mana jirto cid raacday," ayuu yidhi Maxamed Jaamac.

Boqor Cisaam Buurmadow oo ku macneeyey sababta uu shirkaasi uga baxay ay ahayd kadib markii shirka majarihiisii ka baydhay, isuna bedalay shir siyaasadeed.

Haseyeeshee Guddoomiyaha shirka Gar-adag waxa uu sheegay in aan shirka waxba iska bedelin ajandihiisii u qorshaysnaa ee laga hadlayey danaha beesha.

"Shirkani waa shir beeleed oo lagaga hadlayo danaha beesha, loomana cayimin wakhti go,aan oo uu dhammaanayo, waxase la filayaa inuu toddobaadka dambe sii socdo, go’aamada iyo waxa ka soo baxana gunaanadka shirka, ayaa la sheegi doonaa," ayuu ku soo gebogabeeyey hadalkiisa Guddoomiyaha Shirka Gar-adag.

Shirweynaha Beesha Habar/jeclo uga socda magaalada Gar-adag, ayaa waxa uu furmay dabayaaqadii bishii hore ee July, kaas oo ay ka qaybgaleen ergooyin tiradoodu dhan tahay 145 ergay oo ka kala yimi gudo iyo dibadba.

Togdheernews
Burco

Name : Mr. Halgame
Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
Baaq Cambaarayn hadalkii BBCda ee Buurmadaw

hadhwanaag 2008-08-07 (Hadhwanaagnews) Anigoo ku hadlaya magaca beelaha Muuse Abokor/H/Jeclo ee ku dhaqan UK waxaan aad uga xunahay una dhaleecaynaynaa wararka been abuurka ah ee shalay oo taariikhdu ahayd 07/08/08 ka baxay laanta Afsoomaaliga ee idaacada BBCda kuwaasoo lagu sheegay in shirkii guud ahaan Beelaha H/Jeclo uga socday degmada Gradag uu burburay oo lagu kala tegay. Hadalka BBCda, waxa lagasoo xigtay waraysi laga qaaday mid kamida madax dhaqameedyada beesha M/Abokor H/Jeclo oo lagu magacaabo Cismaan Awmaxamuud Buurmadaw oo markaas Caynaba BBCda kalasoo xidhiidhay. Cismaan Awmaxamuud waxa shirka debeda loogasoo saaray lagana soo eryey , iyadoo lagu amray inuu magaalada ka baxo, kadib markii uu damcay inuu shirka carqalad=2 0ku abuuro, loona caqli celiyey laakiin uu diiday.

Qabanqaabada shirka Garadag oo socotay mudo sanad ku dhaw waxa ka qayb galaya ergooyin kor u dhaafay 150 qof oo lagasoo kala xulay jilibada hoose ee guud ahaan beesha H/Jeclo ka kooban tahay iyo in ku dhaw 200 oo qof oo marti shirka lagu casuumay ah, waxa uuna haatan si habsami ah uga socdaa degmada Garadag oo ka tirsan gobolka sanaag iyadoo aanay jirin wax carqalad ah oo ku xeeran loogana cabsi qabo guud ahaan hanaan u socodka shirka. Mr Cismaan Awmaxamuud Buurmadaw waxa uu waraysiga BBCda ku sheegay in beesha M/Abokor /H/Jeclo ay shirka kazoo baxday. Runtii waa hadal aan caruurtu ku hadlin oo lagu qoslo, sababtoo ah beesha M Abokor/H/Jeclo , waa iyaga kuwa shirka gudoominya isla markaana marti galiyey dedaalka ugu badana ku bixiyey in shirkaasi qabsoomo, sidaas darted wax suuro gal ah maaha dhaqan soomaalina maaha in beesha shirka gudoominyasa beelaha kale u yeedhay isla markaana marti galisay inay shirka ka baxdo kana horjeesato.

Run ahaantii ma fahmi karno goorta idaacada BBCdu ay isu bedeshay War-Lord saxaafadeed , sababtoo ah weriyaha BBCda warka u tebinayey waxa uu muujiyey ama u muuqday mid aad moodo inuu dagaal beesha H/Jeclo kula jiro, kadib markii uu warkiisa ku bilaabay “ Shirkii beesha Bariga Burco uga socday oo burburay kuna dhamaaday natiijo la,aan”. Wariyaha waxa ka muuqatay in aanu fahmin waxa loo yaqaan Impartialityga ama dhexdhexaadnimada xaga saxaafada oo ka mida Code of Cundactiga BBCdu ku shaqayso. iyadoo ay xaaraan tahay in saxfiyiintu ay qaateen war dhinaceed oo kadibna ay xaqiiqo jirta u ekaysiiyaan , tiiyoo aan dhinicii kale waxba la weydiin. Maadaama ay idaacada BBCdu sheegtay war xaqiiqda ka fog oo sal iyo raad toona lahayn kana been sheegtay shirka beesha H/Jeclo uga socda degmada Gradag ee sida fiican u socda , waxaan BBCda weydiisanaynaa in arinkaa ay raali galin buuxda ka bixiyaan sida ugu dhakhsaha badan

Yasin Jaamac Cali
London, UK

************************************************************************************
Hadhwanaag marnaba kama masuul aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmaddeeda iyo xilkeedaba sida. Waxa keliya oo ay Hadhwanaag Media dhiirri gelinaysaa waa isdhaafsiga aragtida, canaanta gacal iyo talo wadaagga

[ Reply ]

Name : Mr. Halgame
Subject : Re : boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
Boqor Buurmadaw Muxuu SHirka Gar-adag Uga soo Cararay?

August 6th, 2008

Sida aynu ka wada warqabno waxa beryahan danbe shir ka socday degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, shirkan oo ay qabsadeen beesha Bariga Burco waxa soo qaban-qaabiyey xildhibaanada, wax garadka iyo qurbo jooga beeshaa. sidoo kale shirkan oo dhowaan ka furmay degmada Gar-adag waxa ka qayb galay ergo tiro badan iyo madax dhaqameedyada beeshaa, xukuumadda madaxweyne Rayaale ayaa dedaal balaadhan u gashay sidii ay shirkaa u fashilan lahayd balse kuma ay guulaysan. ragga madaxweyne Rayaale u xilsaaray bur-burinta shirkaa waxa ka mid ahaa Boqor Cismaan [Buur-madaw] oo ka mid ah madax dhaqameedyada beesha shirka qabsaday. dhowaan ayuu Buurmadaw tegey madasha shirku ka socdo ee Gar-dag, isaga oo Hargeysa ka sii horka cay koox dhalinyaro badan iyo xildhibaan Ibraahin Caraale Cabdi markii uu shirka tegey Buurmadaw waxa uu bilaabay olole ballaadhan oo uu ku doonayey in uu shirku burburo. markii ay u suurtoobi-weydey in uu shirku fashilmo ayuu Buurmadaw uruursaday dhalinyaro iyo odayaal qaarkood u bahaysanyihiin. kuwaasoo uu ka soo uruursaday Ceel-afweyn iyo meelo kale. ka dibna markii Buurmadaw loo yeedhay ee wax garadkii shirka ay ku yidhaahdeen Maxaad rabtaa? Buurmadaw waxa uu codsaday in ergada shirka la kordhiyo, ka dibna waxa lagu yidhi” Buurmadaw toban caaqil keenso iyada oo ay awelba beeshiisa la siiyey qaybtii ay ka heleen ergada. hadaba waxa isweydiinleh su’aasha ah haddii Boqorka la siiyey wixii uu codsaday maxaa maanta shirka ka soo baacsaday? halkii laga filayey in Boqorku keensado cuqaashii ayuu keenay dhalinyaro kuwaasoo u cuntami-waayey shirgoonkii iyo ergadiiba. waxa iyana is weydiinleh su’aasha ah maxay ahayd u jeedada awelba Buurmadaw uu shirka u tegey? Buurmadaw awelkii horeba waxa uu lacag kaga qaaday madaxweyne Rayaale in uu shirka carqaladeeyo, ujeedadiisuna waxay ahayd in uu lacag ka qaado Rayaale waana ta sababtay in shirkii oo geba-gebo ku dhow in uu ka soo cararo, isaga iyo koox uu wataa. waxana uu doonayaa in uu qodobada ka soo baxa shirka uu yidhaahdo looma dhamma, ama uu yidhaahdo shirka waa lagu kala qaybsamay oo wuu fashilmay. si kastaba ha’aatee waxa la sheekayaa in Buurmadaw doonayo in uu shir kale ku qabto degmada Caynaba. Buurmadaw waxa Boqortinimada loo caleemo saaray sanadkii 2001 waxana lacag faro-badan ku qarash garaysay xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo xilligaa ujeedooyin siyaasadeed ka lahayd waxa lagu caleemo-saaray degmada Ceel-afweyn isla markiiba Buurmadaw waxa uu ku guulaystey in uu heshiisiiyo C/laahi Yuusuf Axmed oo xilligaa ahaa madaxweynaha maamul Goboleedka Putland iyo jabhaddii ka soo horjeedey ee uu Hoggaaminayey Cadde Muuse. ka dibna Buurmadaw waxa uu noqday nin caan ah ah, wuxuna ka horyimi xukuumaddii Rayaale ee iyadu caleemo-saartay isaga oo isu qaaday nin haruu tallaabsaday, waxanu si qaawan warbaahinta gudaha ugu weeraray madaxweyne Rayaale. markii ay xukuumadda Rayaale u adkaysan weydey weeraradiisa ayaa habeen madaw xabsiga loo taxaabay dhammaadkii sanadkii 2003-dii muddo dheer ayuu jeelka Hargeysa ka jiiqlahaa Buurmadaw, aakhirkiina waa la siidaayey. intaa wixii ka danbeeyey Buurmadaw waxa uu ku noolaa qurbaha gaar ahaanna imaaraadka carabta. dhowaan markii uu dalka ku soo laabtay ayuu Buurmadaw u tafo-xaydey in uu shirkaa ka hortago isaga oo la soo saftay xukuumaddii cimaamada ka qaatay ee sharaftiisa iyo karaamadiisa dishey. isaga oo Boqorku ku dhex milmay siyaasadda, imikana la kala qaran la yahay in uu siyaasi yahay iyo in uu madax dhaqameed yahay.

C/laahi Axmed Caarshe, Freelance Journaliste
daauus70@hotmail.com

[ Reply ]

Name : Mr. Halgame
Subject : Re : boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
Dr Axmed Xuseen Ciise iyo Boqor Buurmadow oo xukuumadda Rayale mashruuc kaga qaatay burburinta xisbiga Kulmiye

August 6th, 2008

Dr Axmed Xuseen Ciise ayaa in badan waxa uu ku hawlanaa mashruuc siyaasadeed oo uu kasoo xanbaartay dhinaca xukuumadda Md Rayale. Md Axmed Ciise oo ah xubin ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa waxa wararku xaqiijinayaan in uu dedaal laxaad leh ugu jiro hanashada jagada wasiirka arrimaha dibedda ee xukuumadda Rayale.

Xubin aad ugu dhun daloosha dedaalka Dr Axmed Xuseen CIise oo shebekadda Somaliland.Org u warantay ayaa sheegtay in wasiirnimada Axmed Xuseen laba caqabadood hor taagan yihiin. Ta koowaad oo ah in Mudane Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ay isku beel kasoo jeedaan Axmed X Ciise uu isna u olalaynayo jagada Wasiirka arrimaha gudaha isla markaana dagaal u galay in Dr Axmed lasiin wasiirka arrimaha dibeda, maadama isagu jagadiisa waayayo haddii taasi dhacdo. Ta labaad ayaa ah in Md Rayale Dr Axmed u cadeeyey in ka hor inta wasiir laga dhigin uu is cadeeyo oo Kulmiye burburkisa iyo fashilkiisa ka shaqeeyo.

Isaga oo ka duulaya heshiiskan qaybtiisa labaad oo cadaymo la xidhiidha ay shebekadda Somalialnd.Org gacanta ku hayso ayaa Dr Axmed Ciise waxa uu furtay warbaahin la magac baxday waaheen taasoo ka kooban jaraa’id wadankii kazoo baxa, idaacad internetka laga dhagaysto, iyo qalab casri ah oo uu ku helay ururkiisi IPR, kaasoo oo uu u isticmaalo la dagaalanka ururka Kulmiye.

Lamaaneynta Boqor Buurmadow

Madaxweyne Rayale ayaa waxa uu mashruucas Dr Axmed Ciise ku lamaaneyey oo u hawl saaray Boqor Cismaan Buurmadow oo isna xukuumadda Rayale mashruuc kaga soo qaatay la dagaalanka xisbiga Kulmiye. Boqor Buurmadow oo isaga ujeedada ka danbaysa dagaalkisan lagu sheegay inay tahay dhaqaale iyo lacag uu kazoo qaatay Dahir Rayale ayaa in muddo ah ku sugnaa magaaldda Gar’adag oo beesha Habar Jeclo shir uga socdo si uu shirkaas u fashiliyo. Kadib markii shirkii laga soo eryey Boqor Buurmadow ayaa waxa uu goostay inuu bilaabo qorshe kale oo uu ku fashilinayo shirkaas, oo sida uu istusay, hadii uu guulaysto guul u ah Somaliland iyo xisbiga Kulmiye labadaba.

Qorshahaas kale ayaa ah mar haddii shirka uu dhexdiisa ka burburin kari waayay, sida Dr Axmed Ciise Kulmiye gudahiisa uu rabo inuu u burburiyo; inuu qoorshe kale oo uu ku kala daadiyo beeshaas shiraysa bilaabo, taasoo uu u adeegsanayo Dr Axmed Ciise iyo warbaahinta ama saxaafadda uu ugu adeego xukuumadda Rayale iyo danahiisa. Waxana manta ay warbaahinta Dr Axmed CIise far waaweyn gude iyo dibad ku iclaamisay in shirkii gar’adag fashilmay, iyada oo ka naxday in Buurmadow fashilmay oo laga soo eryey shirkii.

Dhinaca kale, waxa jirtay dhacdooyin hore oo Dr Axmed CIise iyo saxaafadiisu ay door laxaad leh ka qaateen, kuwas oo ka dhacay magaaladda caasimadda ee Hargeysa wakhtigaas oo beesha Habarjeclo lidaacadaha iyo telefishanada ay cuqaal iyo madax dhaqameed xukuumadu soo abaabushay ku dhowaaqen in ay ka baxaan magaagaladda Hargeysa, Wararku waxay sheegayan in abaabulka xukuumadda iyo UDUB ee arrintaas uu ka dhinac socday abaabul beelaysan oo ay wadeen shakhsiyaad uu ka mid yahay Dr Axmed Ciise.

Taxane ay la socdaan cadaymo qoraal iyo muuqalba leh oo la xidhiidha iskaashiga UDUB ama Rayale eek u wajahan Dr Axmed Ciise iyo Boqor Buurmadow kala soco boggan.

Source: somaliland.org

Name : Ahmed MohamedGelleh
Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-08
Labada nin ee aad meesha ku soo qaadeen way ka sareeyaan in wargayska la yidhaa somaliland.org uu wax ka sheego e taa ogaada

[ Reply ]

Name : Mr. Halgame
Subject : Re : boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
Waxgaradka Caynaba oo dedaal ugu jira inay Buurmadow ka saaraan degmadooda iyo xukuumadda oo weriyayaal u dirtay

August 7th, 2008

Caynaba (Somaliland.org) – Odayaasha iyo waxgaradka degmada Caynabo ayaa dedaal ugu jira sidii ay Boqor Cismaan Aw Maxamuud iyo kooxda uu wato ee dagaalka kula jirta shirka Gar’adag uga saari lahaayeen Magaalada Caynabo, halkaas oo uu sheegay inuu ku qabanayo shirk u lid ah kan Gar’adag.

Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ayaa ilaa shalay ku hawlanaa is urursi ay doonayaan in rag miisaan leh oo ka kooban waxgaradka beelaha deegaankaasi ay tagaan Caynabo, si ay u burburiyaan qorshaha Buurmadow, kuna khasbaan inuu ka baxo degmadaas, iyada oo ay berrito magaalada Burco ka bixi doonaan koox odayaal, ganacsato iyo waxgarad reer Caynabo ah. Sidoo kalena, magaalada Hargeysa ayaa iyana waxa ka bixi doona berrito koox odayaal iyo aqoonyahanno ah oo ay ka mid yihiin Xasan Cabdi Khayre, Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Cismaan Cabdillaahi Jaamac (Saylici), kuwaas oo dhammaantood muujiyey sida ay uga xun yihiin, ugana soo horjeedaan qorshaha Buurmadow ka wado Caynabo, taas oo ay ku tilmaameen mid magac-xumo iyo dhegxumo ku ah dadka deegaanka Caynabo.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) waxa la sheegay in dadka deegaanka Gar’adag ay ku khasbeen inuu ka baxo degmadaas, kadib markii uu dhawr goor isku deyey inuu carqalad geliyo shirka Beelaha Bariga Burco (H/Jeclo) uga socda magaaladaas. Waxana uu degmada Caynabo kaga dhawaaqay inuu burburay shirka Gar’adag, shir ku lid ah shirka Gar’adag, isaga oo ku tilmaamay shirka Gar’adag mid lagu majaxaabinayo Qaranimada Somaliland, isla markaana wuxuu ku eedeeyey shirkaasi inuu ku lug leeyahay baabuur xukuumaddu sheegtay in qoorta la jaray si qoryo loo saaro oo ay ka baadi goobayso deegaamo ka tirsan gobolka Togdheer.

Dhinaca kale, xukuumadda Riyaale ayaa qaadday tallaabooyin ay ku taageerayso qorshaha Buurmadow isku deyayo inuu burburiyo shirka Gar’adag, waxaana maanta uga dirtay magaalada Hargeysa weriyayaal ka socda Warbaahinta dowladda, sida Telefishanka Madaxtooyada laga maamulo, wargeyska Maandeer iyo Radio Hargeysa. Waxa kale oo la filayaa inay ilaa berrito u baxaan degmada Caynabo Wasiirro ka tirsan xukuumadda Riyaale oo ka soo jeeda deegaanka Caynabo, kuwaas oo la sheegay in ay gaadhsiinayaan lacagta uu ku fulinayo hawshaas.

Weriyayaasha warbaahinta dowladda ayaa iyagana la filayaa inay sawir ka soo qaadi doonaan dad uu Buurmadow soo ururiyey oo uu ka dhigayo Shir beeshiisuu yeelatay oo ka soo horjeeda shirka Gar’adag, si rayul caamka loogu muujiyo in Shirka Gar’adag burburay ama beeshu kala jabtay. Waxa kale oo soo baxaya warar sheegaya in Daahir Riyaale ku amray wasiirradiisa iyo masuuliyiinta kale ee xukuumaddiisa inay taageeraan hawlgalka Buurmadow ee Caynaba.

Buurmadow oo markii shirku furmay madasha horteeda ka caddeeyey in aanu ka soo horjeedin shirka Beesha, ayaa laga shakisanaa inuu wato mashruuc uu ku burburinayo shirka, isla markaana codsigiisii ahaa in ergooyin loogu kordhiyo shirka ay ahayd ujeeddada inuu shirka ku darsado dad gudaha ka sameeyey arbush ama gudaha ka burburiya. Waxaana iminka soo baxaysa in tallaabadani ay tahay wejigii labaad ee mashruuca, kadib markii wejiga hore suurageli waayey.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

[ Reply ]

Name : Mr. Halgame
Subject : Re : boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
Gabay ku socda Boqor Buurmadow

August 7th, 2008

Dhambaalkan hoose wuxuu ku socdaa ninka loo yaqaan Boqor Buurmadow, waxaan aad uga xumahay in boqorka oo aniga iyo in badan oo ila mid ah oo uu metelo oo hadana dooran una dhiiban wax wilaayad ah oo uu nagu meteli karo ayuu nagu metelaa boqolaal go’aan oo aanan marna ka raali ahayn .

Gabaygan waxaa iga keenay cadho aan aad uga cadhooday boqorka oo haba yaraatee ka xishoon masuuliyiinta kuna isticmaala luqada uu doono , waxaan u sheegayaa boqorka inuu barto xishoodka hadii uu doonayo in laga xishoodo waxaanan hadiyad uga dhigayaa gabaygan oo ah gabay ku socda boqorka .

Boqoryohow buraamaynayee, baal kastaba eegay

Boqoryohow martabadii billayd , bidix ku laadlaadshey

Insi kuma bilaaline jinbaa , buugag kuu dhigaye

Iblays baa xumaan kuu baraxay, beena kuu qoraye

Kugu yidhi burjaad leedihiyo, baabab gooniyahe

Nin is biday naftiisana aan baran, baaban baad tahaye

Aan beyimiyo xaalkaagu waa mawjadaa baxare

Beledkii Togdheer iyo burciyo bari ha geeyeene

Buulka madaxa kuu saaran iyo derejo beenaadku

Waa buqul wax lagu baayacayood , biic u sidataaye

Bugta iyo waxaa kuugu jira , shaambad baal go’an

Waxa lagu balaadhshaa halkii , bini ka muuqdaaye

Marna waa bidhaan eegto iyo , diirad baaracahe

Boon iyo hadii qiiq kaaga baxo, Paris iyo China

Bu’da waxaad u saartaa halkii , tuhuku buuraaye

Nin hungurigu uu baahanyoo baaban baad tahay

Aan bayimiyo xaalkaagu waa mawjadaa baxare

Beledkii Sanaag iyo burciyo , bari ha geeyeene

Inaad baro madow leedahiyo, burada shaydaanka

Belo saadis aad abid ahayd , baaska ku yabooha

Marna aad baroon iyo lahayd , beebbe iyo kaare

Booliga bar lagu xoojiyiyoo, baadda lagu qaado

Baadilkana aad jeceshihiyo , boobka iyo xoogga

Ood juujuule beri baadhaataan , cidina beenayne

Bilyan maraga baan kuu hayaa, waa hal baaqiyahe

Aan beyimiyo xaalkaagu waa mawjadaa baxare

Beledkii sanaag iyo Burciyo , bari ha geeyeene

Nin Riyaale beertawgu xidhan , Booli lagu sooro

Xaaraantu beerkiisa iyio , bedenka xaydhaysay

Biishada xisaab boob ku timi, baadil iyo tuugo

Buuxsamay sidii booyad raran, uurku balaxoobay

Bakhtiyahan Ilaah aan ka baqan , berrina xaalaynin

Iyo buun nin kale leeyahoo , hebel ka buuqaayo

Oo baaqyo laga soo fushiyo, hebel bayaankiisa

Aan tiisa abid soo bandhigin , biica ah baad tahay

Aan beyimiyo xaalkaagu waa , mawjadaa baxare

Beledkii sanaag iyo burciyo bari ha geeyeene

Bulsho weynta reerkaagu way , kaa bogsoontahay

Biiggay ku raacsheen markaad, noqotay baaqdaaye

Aduunyada adoo baaqiyey , samir u baydheen

Iilkay barkimo kuu dhigeen, beden xabaaleede

Iska bogo boobkaaga wado, qaado biniyaadka

La basleel fariimaha bahdilan, buunyow la afuufo

Boy Ina Riyaale u ahow , xumaha baandheeya

Waxaa Tiriyey noona soo gudbiyey

Samiya Ali Madar (Samiya Mire)
samiyawww@yahoo.com

Name : Mr. Halgame
Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
Ninkani, isagoo awelba waxba yahay ah shegtayna "Boqor" il qoodhaasna laga eegayey ficiladiisa aan dhaqanka iyo caadada inoo ahayn oo afkana laga gaabsanayey, ayuu isagii afka is jebiyey lugtana iska toogtay.

Maantana, shirkii tolkii ee magaalada Gar Adag uuga socday, waa laga soo eryey, shir kale oo uu qaban karaa ama cid uu haysto oo raaci doontana, ma jirto, wax uu yahayna, ma jirto.

Mida kale, cid dambe oo ku qadarin ama ixtiraami doonta Beesha uu ka soo jeedo ee lagaga biqi jirayna, ma jirto ee isagaa is dayriyey oo cidladaas is dhigay cadowgana isu jebiyey ee waa waxa uu ka helaa.

Guul iyo Gobanimo,

Mr. Halgame,
May God bless the people and the state of Somaliland. Amiin.
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-07
Talobixin ku socota Beelwaynta Habar Jeclo iyo tageeris shirka garadag:-

hadhwanaag 2008-08-07 (Hadhwanaagnews) Anagoo ah wax garadka hoos ku xusan,waxaanu habalyo iyo bogaadin u diraynaa Indheer garadka, aqoonyahanka beelwaynta habar jeclo ee shirka ku leh magaalada Gar adag ee Gobalka Sanaag.

Waxaanuna uga hambalyaynaynaa garashada iyo ka barandagista shirkan ku qabsoomay wakhti munaasib ku ah kuna haboon isku imitaanka beesha iyo midaynta beesha oo tafaraaruq iyo kala qaybsanan aan xadlahayn oo aan lagu aqoon la soo daristay mudooyinkii danbe. madaama beeshu tahay beelaha ugu waa wayn mandaqada geeska Afrika :lehna dagaanka ugu balaadhan uguna baxada wayn Somaliland:Dagaankaas oo ka kooban Gobalka - Sanaag, G-Saraar, G-Sool, G-Togdheer, G-saaxil, G-buuhoodle iyo kilirka shanaad ee Itoobiya. Waxaanu u aragnaa in shirkan soo celin doono isku duubnidii iyo sharaftii lagu yaqaanay beesha oo ku caan ahayd Geesinimo,Xaqsoorid, Xeerbeegtinimo, Garasho dheer , Dhaqan wanaag , Talo wanaag iyo daris wanaag. Waxayna beeshu ku suntan tahay,- qayb libaaxna ka qaadatay halgamadii kala duwanaa ee dhiiga iyo dheeftaba loo huray. Iyadoo beel waynta Habar jeclo lagu xasuusto la dagaalankii iyo guumaysidiidkii ay kula kacday -kulana dirirtay Ingiska-(British Empirier)- iyadoo ay hormuud ka ahaayeen gobanimo u dirirkii halyaydii : Shiikh Bashiir, Faarax Omar , Michal Maryama , Ina Shixiri , Maxamed Ducaale(dholayare) , iyo halgamaagii waynaa ee Xaaji Muuse Galal oo ahaa aabihii ololihii aqoon ku dirirka iyo qaar kale oo badan.

Waxaa kale oo ay Beeshu tahay cududii iyo awoodii xididada u saartay Qawlaysatadii daraawiishta kana sifaysay dhamaan mandaqada Somaliland: dagaalkaas oo uu hugaaminayay halyaygi caanka ahaa ee “Carab Dheere” -taariikhdana galay. Waxaa marnaba aan la ilaawi Karin kalintii horyaalka ahayd ay Beeshu-(habar jeclo) -ku mutaysatay bilad geesiga ahaydna lafdhabarti halgankii qadhaadhaa ee ururkii dhaq-dhaqaaqa SNM iyo dhexmaray taliskii Macangaga ahaa ee Jaale Maxamed Siyaad Bare:”waxaana wakhtigaa lagu naanaysi jiray “(Dhiirane Isaaq)-ahaydna beesha ugu faramaha iyo halganka adkayd si niyad sami iyo kalsooni lehna logu arki jiray goobaha dagaalka iyadoo aan la hagran jirin maal iyo muruqba.

Beeshan oo aan marnaba gorgortan galin Gooni isku taaga, jiritaanka iyo midnimada qaranka Somaliland ahaydna Beshii dhidibada u aastay gooni isku taaga qaranka Somaliland. laguna yaqaan dulqaad iyo dacad nimada Somaliland, markastana danteeda ka hurmarisa danta guud ee dalka iyo dadka. si kastaba ha ahaatee iyadoo aan taariikhda dhaxal galka ah ee ay beeshu leedahay aan qalin iyo book iyo saacado toona lagu soo koobi Karin. waxaase marag madoonta ah oo aan marnaba indhaha laga qarsan Karin” habmaamulka iyo talaxumada iyo habacsananta haysatay beesha habar jeclo mudooyinkii danbe” . Waxaaynu ognahay burburka dhaqan guurka ah iyo ragaadiska ee ku yimi beesha in ay ka danbeeyaan dad u dhashay beesha oo ah waxmagarato iyo qawlaysato dano gaara leh. Kuna adeegta magaca reerka iyagoo huwan magacyo been ah oo aan cidna u Boqoran iyo Sandalado sixir barar ah. kuwaas oo aan wax-naba xeerin , kana xishoon markastana u adeega dadka u cadawga ah sharafka reerka: dadkaas magacyada beenta ah xanbaarsan oo manta qaarkood Caynaba u fadhiyaan burburka reerka iyo kala qaybinta beel sharafta habar jeclo iyo mucaarad ku noqoshada midnimada habar jeclo: kuna soo qaatay xoogaa shilimaad ah oo dabada loga soo dhiibay laguna yidhi gar iyo gardaraba yaan shirkaa wax natiijo ah ka soo bixin.

Wuxuu yidhi Abwaankii gabyay :”dukhsiguba dareen xumo ayuu qudhanka u dabaashaa, taas waxaa la darajo ah ninka soorta duudka ah dadku nacay isagu cunay dar-dar saday fandhaalada”, ilahaw sharafta hanaga qaadin ,Gabay kale oo Hadraawi lahaa ayaa wuxuu ahaa: Guri ba’ayna waa cadaw ninkii raarta sii guray , gudoon dhacayna waa fulay ninkii gaar u faashadaye,gobanimana waa quus ninkii gawska dhaafsaday.

Waxaa iyana jirta in mudooyinka danbe ay soo bateen suldaanimo iyo boqor nimo aan lagu sifayn kartidii iyo aqoonta iyo garaad kii hibo ee ay suldaanimadu lahan jirtay, dhaxalgal-keeduna noqday in sidii shaadhadh dukaan yaala nin waliba mid ku soo labisto oo aan loo eegin sifooyinkii ay lahaan jiray cumaamadu:Maah maah baa tidhaahda” hadii kuugtu badato maraqaa xumaada”, - sidaas awgeed waxaa fiican in laga fiirsado samaysiga sandaladaha hadii laga marmi waayana waa in loo hibooyo Nin gaya oo qaadi kara milgaha iyo karaamada ay Cumadu leehay(“suldaanimadu leedahay “)- sababtuna waxay tahay “ sandalad xun sixir ka daran”,Taas oo ay macnaheedu tahay sandaladaan farshaxanimo ama fiiro lagu dhisin way kula fogaataa oo foolxumay ku raagtaa . Dhibaatadan baaxada wayn, waxa lagaga badbaadi karraa in talo midaysan oo xeel dheer laga yeeshaa boqorada iyo suldaan bararka aan buuxin milgihii iyo hidihii ay lahan jirtay suldaanimadu, kana leexday sharaftii iyo karaamadeedii .wana in si buuxda kalsoondii iyo maamuuska logala noqdaa kuwa ku talaxtagay, camalkana ka dhigtay burburka reerka, iyadoo loo eegayo buuxista kaalinta boqornimo, hadii laga marmi waayana waa in lakeenaa badalkoodii oo leh sifooyinkii iyo sharaftii xalaasha ahayd ee sandalad lahaan jirtay .

Hadii aynu is waydiino sifooyinka boqor ama suldaan lagu noqon karo; Su’aashu waxay tahay - maxaa ka mid ah Astamaha Boqor ama Suldaanka lagu yaqaan: Suldaanka ama boqor waxaa lagu yaqan Xishood, Ale ka cabsi , Wax xeerin(xurmayn) , Xalaal cunid, Xeer beegtinimo,Aragti dheere, Wax-garad, Go’aan adkaan, Geesinimo, Gudoon adkaan, Garsoorid, Golo joog, Gacal jacayl, Dad isku wad, Wanaag ka talin, Talo-wanaag , Dulqaad, Hubsinyo badni, Faxal-nimo iyo Hadal helid ama codkarnimo: hadii intaas laga waayo waa sandalad xun oo waa sun iyo waabeeyo waana qaran jab ….waxaana fiican in dib logu noqdo oo laga fiirsado boqoradii iyo suldaamadii wakhtigii danbe samaymay hadii ay beeshu doonayso in ay sideedi hore ku noqoto, waa in dib isku noqosho xoogan oo xeel dheer la sameeyaa.

Talo bixin:

1. beeshu waa in ay shirkaa manta Gar’adag uga socda ka soo saartaa talo wax ku ool ah oo huwan hadaf fog iyo aragti dhaxal galana u noqota jiilasha danbe, cidkastoo isku dayda burburinta iyo baajinta shirkana waa in gacan birleh lagu qabtaa

2. beeshu waa in ay samaysataa gudi guud si aad ah lagu taxadiray lagana fiirsaday oo ka madax banan sandalahada, maadaaba suldanimadii iyo boqornimadii noqotay wax dano gar ah lagu fushado oo aan marnaba danaha reerka ka talin.

3. beeshu waa in talaabo ku haboon laga qadaa dadka beesha ka tirsan ee sharafta reerka iyo hurumarkeeda ku lidiga ah magac kastoo ay sitaan boqornimo iyo siyaasiba.

4. beeshu waa in ay midaysaa cududeeda iyo siyaasadeeda iyo taladeeda waxkastoo karaamada iyo milgaha reerka wax u dhimaya dhinac laga soo wada jeestaa

5. beeshu waa in anay marnaba tageerin waxkastoo midnimada iyo qaranimada Somaliland iyo walaaltinimada beelaha Somaliland wax yeelaya.

6. Beeshu waa in ay hurmood ka noqotaa : horumarna ku samaysaa deegaanka ay dagto: ee ka kooban Bad iyo Buuro iyo Bariba , soona dhawaysaa beelaha kale ee ay dariska iyo walaalahaba yihiin .

7. beeshu waa in ayna u dulqaadan wax -samir ahna tusin wax kastoo sharafteeda iyo karaamadeeda beel nimo wax u dhimaya, cidkastoo wadana waa in sharci iyo ciqaabta ay mutaysatay la mariyaa.

Fiiro gaar ah: beeshu waa in ay dorashada soo socda codkeeda ku shubtaa meesha ku haboon oo anay marnaba kala jabin waayo manta cida la dooranaya waa madaxwaynihii Somaliland ee dalka iyo dadkaba dhibaatada ka saari lahaa.

Gabo gabo;

Somalidu waxay ku maah maahdaa taladan la ruugin waa lagu rafaadaa, sidaas awgeed waxaanu u sheegaynaa aqoon yahan ka manta talada reerka u guntaday ee Garadag ku shiraya in ay soo saran go,aan dhaqan gala oo taabo qaada , kuna shaqeeya sida ay u soo saareen, kana turjumaya hadaf fog iyo himilo horumar u horseeda beesha iyo dalkaba una noqda dhaxal reeb jiilka cusub .waxaynu ognahay in manta reer Somaliland oo dhan u dhagtaagayaan shirka Garadag, lona naawilayo in uu noqon doono shirkii ugu balaadhnaa ee ka dhaca Somaliland sidaas darted waa in uu shirku noqdaa mid dhaxal gal ah oo qodoxda iyo qondhacadaba laga idleeyey .

Waxaanu u rajaynaynaa in uu shirku guul iyo is afgarad ku dhamaado. waxanuna ilaahay ka rajaynaynaa in uu noqdo mid dadka iyo dalka anfaca oo bash bash iyo barwaaqo inoo horseeda.amiiiiiiiiiiin amiiiiiiiin

Guuuuuuuuuuuuul iyo gobanimo.

Waxaa si wada jir ah u soo diyaariyay

1. Aqoon yahan Abdi maliki Abdi Hassan(indho-cade).
Telophone:0092-3005878179
E-mail:maliki331@hotmail.com

2. Aqoon yahan maxamed General Hassan ali Abokor.
Telephone:0092-3234337405
E-mail:mdeeq_h@hotmail.com

Pakistan,lahor city:
************************************************************************************
Hadhwanaag marnaba kama masuul aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmaddeeda iyo xilkeedaba sida. Waxa keliya oo ay Hadhwanaag Media dhiirri gelinaysaa waa isdhaafsiga aragtida, canaanta gacal iyo talo wadaagga
Name : Muxummad Cabdillaahi
Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-08
BUUR MADOW INUU GEESI YAHAY, WAA BAR KUMA TAALE
BOQOR DHAB AH INUU YAHAY, BAQASKU XAARAANE
IN BAAL DAHAB AH LAGU DHIGAY, BILANTU WAA MOOGE
BUDHLAYAASHII BUU KA YURAY, BARIGA TAAGNAAYE
BAHALKII SOO HANDADAY BUU, BAYDH U LEEYAHAY
ISAGAA U BABAC DHIGAY, BELADII WAALLAYDE
INAAN NAASKA BARAS KU DHICIN, BAÈ CIBAADAYSO
SIILAANYO BOOGTII INTAAD, BURUCA BAANAYSO
AMMA AAD BAADIL GACAN SIIN, BOWDAO KAA JARA E
BELAAYO SHIDDOOY ADIGAA, BEERKU GOÀYAAYE
BAYLAHDAADA NINKII JIRAA, BADHI LA TAARAAYE
SOO RAAC BASHAASHKA YAAN ADIGA , BISIN LAGUU QABANNE
Name : Muxummad Cabdillaahi
Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-08
MR. BALQAME

GABADH YAHAY U SHEEG BALQAME, BUUFIS BAA HELAYE
BEER U LAACO MOOYEE WAX KALE, BIRRIQU GARAN WAAYE
WAA RUUX LA SOO BASBAASEEYAY OO BADHIDU HUURTAAYE
BACBACLAYNTA WAA LAGU YAQAAN, BAHAA BAHAADIIYE
KOLKII BAARAX LOO DAYO DOQONBAA, BEEC LA GELIYAAYE
YUU BAROOTIISA KUGU SOO DARINE, BAAL ISKAGA LEEXI
WAA MID BUUQA IYO QAXARKA , UUN LA SOO BARAYE
KII BOQOL GAADHA BAAN ILLAYN , BARBAAR LOO CELINE
BAYDANEEYKA CARAR YAAN BAHALKU, ADI KU................
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-08
DIE WITH YOUR EVIL RAGE!

SHAME ON THE SHAMELESS!

Dadka noocan ah ee ina sheegta asalkoodu, maxay ahaayeen oo weliba kan oo kale, maxaa laga siiyaa kelmadaha foosha xun ee uu had iyo gooraale qoraaladiisa ku soo qaato kulana soo kufo golahan dadweynaha sida kelmadaha "Futo", "Dabo", "Siil", "Xaar", "Dhuuso", iyo cayda sabnimada ah?

what a lowly class idiot and a racially inferior scumbag?

Hadaba, kuwa dadnimada xun ee la isla wada arkay ee halkan ka ciya sida dameeraha ee badowda ah ee weliba iska soo caaya muwaadiniinta xalaasha ah ee ummadooda, qadyadooda, iyo jiritaanka dalkooda hooyo difaacaya ama kuwa si nabad ah oo xarago leh dantooda beeleed ka shireysa sida Beesha HJ taasoo waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala ama Diinta iyo Shareecada Islaamka ee misna, aan ka hadlin ama cambaarayn markii, ay Beelaha kale ee Somaliland uu mid kasta beel ahaan uga shirayeen danahooda ee misna, qiiqa isku qariya iyagoo ay iska dhigayaan inay qadyadu, muwaadinnimadu, wadaniyadu, iyo Somalilandnimadu, ay ka dhab tahay oo Reer Somaliland si buuxda ula jiraan iyagoo misna si cad Xukumada iyo shaqsiyaad gaar ah ugu taageeraya cadaalad darada, dulmiga iyo xumaha dhinac walba saameeyey ee weliba si wey u ragaadiyey geedi socodkii dimoqraadiyeed ee ummadan tabaaleysan iyo dalkan yar ee aan haysan aqoonsi caalami ah sidaasna u waxyeeleeya qadyada iyo jiritaanka Somaliland, waa munaafiqiinta uu Eebe inoogu sheegay Quraankiisa Kariimka, sidaas daraadeed, nooma dhuman karaan, waxna nama yeeli karaan ee ha iska ciyeen sida dameeraha geedigana inoo wada.

Hadaba, munaafiqiintani, waxba ku qaadi kari maayaan qabyaalada sumeysan ee ay adeegsadaan, nacabnimo uurka u fadhida, cadowtinada ay u qabaan kuwa xaqa ku taaan, xinkooda, xasadkooda, iyo xumahooda Alle ku caasiga ah ee halkan ka akhrista sida uu Eebe ku sheegay:
__________________________________

Surah 63. Al-Munafiqun (The Hypocrites)

1. When the Hypocrites come to thee, they say, "We bear witness that thou art indeed the Messenger of Allah." Yea, Allah knoweth that thou art indeed His Messenger, and Allah beareth witness that the Hypocrites are indeed liars.

2. They have made their oaths a screen (for their misdeeds): thus they obstruct (men) from the Path of Allah. truly evil are their deeds.

3. That is because they believed, then they rejected Faith: So a seal was set on their hearts: therefore they understand not.

4. When thou lookest at them, their exteriors please thee; and when they speak, thou listenest to their words. They are as (worthless as hollow) pieces of timber propped up, (unable to stand on their own). They think that every cry is against them. They are the enemies; so beware of them. The curse of Allah be on them! How are they deluded (away from the Truth)!

5. And when it is said to them, "Come, the Messenger of Allah will pray for your forgiveness", they turn aside their heads, and thou wouldst see them turning away their faces in arrogance.

6. It is equal to them whether thou pray for their forgiveness or not. Allah will not forgive them. Truly Allah guides not rebellious transgressors.

7. They are the ones who say, "Spend nothing on those who are with Allah.s Messenger, to the end that they may disperse (and quit Medina)." But to Allah belong the treasures of the heavens and the earth; but the Hypocrites understand not.

8. They say, "If we return to Medina, surely the more honourable (element) will expel therefrom the meaner." But honour belongs to Allah and His Messenger, and to the Believers; but the Hypocrites know not.

9. O ye who believe! Let not your riches or your children divert you from the remembrance of Allah. If any act thus, the loss is their own.

10. and spend something (in charity) out of the substance which We have bestowed on you, before Death should come to any of you and he should say, "O my Lord! why didst Thou not give me respite for a little while? I should then have given (largely) in charity, and I should have been one of the doers of good".

11. But to no soul will Allah grant respite when the time appointed (for it) has come; and Allah is well acquainted with (all) that ye do.
Name : Mr. Halgame
Subject : Re :boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa
Date : 2008-08-08
DIE WITH YOUR EVIL RAGE!

SHAME ON THE SHAMELESS!

Dadka noocan ah ee ina sheegta isir ahaan asalkoodu, maxay ahaayeen oo weliba kan oo kale, maxaa laga siiyaa kelmadaha foosha xun ee uu had iyo gooraale qoraaladiisa ku soo qaato kulana soo kufo golahan dadweynaha sida kelmadaha "Futo", "Dabo", "Siil", "Xaar", "Dhuuso", iyo cayda sabnimada ah?

Afar Suldaan oo Beesha H/Jeclo oo Markii u horeysay ka hadlay Arinta BuurmadowPublished Aug 09, 2008 - 02:12 AM by siciid

Gar-adag(Togdheernews..8Ogost)Salaadiinta Beesha H/Jeclo ee ku sugan madasha shirka ee Gar-adag ayaa maanta jawaab ka bixiyay hadaladii ka soo yeedhay Boqor buurmadow,iyagoo sheegay in Shirweynihii Beeshu sidiisii u socdo,Islamrkaana Lagaga hadlayo Danaha beesha.

Suldaanka guud ee beesha habar jeclo Suldaan C/laahi oo ka hadlay shirjaraa,id oo ay maanta ku qabteen Gar-adag ayaa si weyn cambaareeyay hadadlada Kasoo yeedhay Buur madow isagoo tilmaamay shirweynihii beeshu aanu burburin ee uu sidiisii u socdo, kaasoo lagaga hadlayo danaha beesha, wax uu sheegayo Buurmadowna aany waxba ka jirin. Suldaanku, waxa uu intaas ku daray, in Dawlada uu ku hanjabayo Buurmadow ay tahay dawaldayadii aanu dhisanay ee ummadu lahayd.

Waxa kaloo halkaa ka hadlay Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, Suldaan C/raxmaan Qodax, Suldaan Carab, kuwaasoo dhamaantood cambaareeyay hadaladii ka soo yeedhay Boqor buur madow, iyagoo ku tilmaamay kuwo aan waxba ka jirin Shirkii Beeshuna u socdo sidii loogu talagalay Islamarkaana aan lagaga hadlayn wax ka soo horjeeda Qaranimada Somaliland ee uu yahay shir danaha beesha lagaga arinsanayo.

Gudoomiyaha Guurtida somalilnd Md.Saleebaan Gaal ayaa maanta u ambabaxay magaalada gar-adag ee uu ka socdo shirka beelaha Bariga Burco, kaasoo la filayo inuu ka qaybgalo, Waxa kale oo hore ugu sii sugnaa magaalada Gar-adag Gudoomiyha Xisbiga Mucaaridka Kulmiye Md.Axmed Siilaanyo.

Togdheernews
Burco.

[ Reply ]

Pages : [ boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa 1 ] [ boqor buur-madow oo shaaca ka qaaday in uu bur-buray shirkii gar-adag iyo siilaa 2 ]