sidee baad u noqon kartaa qof la jecel yahay? sidee baad u noqon kartaa qof farx
|
sidee baad u noqon kartaa qof la jecel yahay? sidee baad u noqon kartaa qof farx |
 |
|
 1. Bainii aadamku sidiisaba wuxuu jecel yhaya inuu cilaaqaad yeesho, saaxiibana sameysto, dhaqanka fayoobina wuu ka soo horjeedaa gooni daaqnimada iyo keli socoshada, hadaba xidhiidhka dadka ka dhexeeya kuma dhisna mid dhiig oo qudha. 2. shaki kuma jiro in qof kastaa uu jecelyahay inuu mar walba faraxsanaado oo uu noloshiisa ku qaato farxad, dadkana qofba qofka uu ka farxad badan yahay ayeynu ka jecelnahay..
Sideed dadka ula dhaqantaa? (qaybtii 1aad)
Bini aadamku sidiisaba wuxuu jecelyhaya inuu cilaaqaad yeesho,saaxiibana sameysto
,dhaqanka fayoobina wuu ka soo horjeedaa gooni daaqnimada iyo keli socoshada,hadaba
xidhiidhka dadka ka dhexeeya kuma dhisna mid dhiig oo qudha.
Balse waxa jira xidhiidh xaga fikirka ah,xidhiidh saaxibtinimo,xidhidh
shaqo,xidhiidh mabda,xidhiidh ganacsi i.w.m.
Qaabka dadka loola dhaqmaana waa xirfad aan in badani aqoon u lahayn ama aanay ku
wanaagsaneyn.
Tusaale ahaan in badan waxaa dhacda in kelmad ka soo baxday afkaaga oo aad ku weyday
asxaab badan,sidaa daradeed waxaa haboon in qofku ku jiro feejignaan joogto ah ah
marka uu dadka la macaamilaayo.
Maqaalkan waxaynu ku soo qaadaneynaa fanka ama asluubta ay haboontahay in dadka
lagula macaamilo,si ay u suurto gasho
Inaad hesho ama kasbato dad badan oo ku jecel.
ka aqbal cudur daarka qofka kuu cudur daarta: waayo qafka kuu cudur darta oo aad ka
aqbashaa waa sifo ay leeyihiin dadka wanaagsani,gaar ahaan marka qofka kaa doonaya
cudur daarku uu ergo kuugu soo dirsado dad ehulu sharaf ah.
Iska saar muraayada madow: dadka qaar ka mida ayaan arag wanaaga oo xumaanta oo
keliya ay u muuqataa,tusaale ahaan Rasuulka (NNKHA)wuxuu ugu bushaareeyey oo tusay
Cudeyi Biin Xaatim asxaabi la odhan jiray mustaqbal wanaagsan oo u soo socda diinta
islaamka isagoo ka saaraayey muraayad madow oo uu ka xidhnaa diinta islaamaka
wuxuuna ku yidhi " Cudeyow waxaa dhici karta in aad diinta islaamku ku diiday
baahida ka muuqata muslimiinta,Allan ku dhaartee waxaa soo dhow xilli xooluhu ay ku
soo burqadaan muslimiinta ilaa la waayo cid qaadata,waxaa dhici karta in aad ku
diiday diinta islamaaka cadaw badan oo ay leedahay,Allan ku dhaartee waxaa soo dhow
wakhti gabadhu ka soo safarto qaadisiya oo ay timado xaramka iyadoon cabsaneyn……ilaa
uu soo islaamay Cudeyi bin xaatim hadaba waxaa wanaagsan inaad iska saarto muraayada
madow oo wanaaga dadku kuu muuqdo ee aadan eegin xumaantooda oo qudha.
Waxaa dhici karta in inta aad la macaamileyso dadka aad argot mid ku khiyaameeya,ama
ku dhibaateeya sidaa daraadeed waxaa wanaagsan inaad marxaladan kaga baxdo maskax
badni iyo ka fiirsasho hadii kale waxaad ka dhaceysa muran,bal eeg tusaalahan oo ku
tusinaya maskaxda alle ku siiyeyey oo laga faa,ideysto muhiimada ay leedahay , wiil
yar ayaa la kulmay nin gabayaa ah oo caan ahaa oo la odhan jiray Abu calaa,inankii
yaraa wuxuu ku yidhi gabayaagii kumaad tahay?gabayaagii wuxuu ku jawaabay waxan ahay
gabayaagiinii caanak ahaa ee Abu-calaa,inankii yaraa wuxuu ku yidhi gabayaagii ma
waxaad tahay ninkii ku yidhi gabeygiisa
*hadii aan ugu danbeyn lahaa samankeyga,waxaan la iman lahaa wax aanay la iman
dadkii iga horeeyey.
Gabayaagii wuxuu yidhi haa,wiilkii yaraa wuxuu ku celiyey adeerow dadkii hore 28
xaraf bay u dejiyeen higaada bal adigu ku dar hal xaraf, gabayaagii wuu aamusay
waanay ku adkaatay inuu ka jawaabo su,aashii , waxaa kaloo la sheegaa in nin u yimid
inan yar oo maskax fiican wuxuuna ku yidhi:Alle maxaa ka horeeya?
Wiilkii wuxuu yidhi si aan kaaga jawaabo su,aashaada tiri kow ilaa
toban(1-10),ninkii markii uu tiradi bilaanbay ayuu inankii yaraa yidhi adeer kow
maxaa ka horeeya ninki jawaabtii way ku adkaatay,dabadeed kii yaraa wuxuu yidhi
hadaba sida aan kow waxba uga horeyn ayaan alle waxbana ugu horeyn waxbana ugu
danbeyn,guud ahaan waxaynu ka fahmeynaa tusaalayaashan quruxda ay leedahay maskxada
alle ku siiyey oo laga faa,iideysto,hadaba marka aad dadka kala kulanto arrimo aadan
ka filaneyn adeegso masxkada wanaagsan.
(qaybtii 2aad)
Dhoolo-cadeynta:- dhoolocadeyntu waa furaha wanaaga waana qufulka xumaha,waxaanay
leedahay saameyn caajiiba,waana lama huraan qof kasta oo doonaya inuu kasbado
jacaylka dadka inuu badiyo dhoolocadeynta.
Shirkada guuleystay qaar ayaa ku xidha shuruudaha shaqaalahooda inay badiyaan
dhoolocadeynta,si ay u soo jiitaan una raali geliyaan macaamiishooda (customers).
Rasuulkuna(NNKHA)wuxuu yidhi “walaalkaa oo aad u dhoolo cadeysaa waa
sadaqo”maah-maah ay isticmaalaan dadka chineska ah ayaa tidhaa “hadaadan ku fiicneyn
dhoolocadeynta ha furan meherad”
nin maamule ka ah warshad ku taal dalka Mareykanka oo sannadkii qaata mushahaf
dhan($1000,000),ayaa yidhi lacagtan badan waxaan ku kasbaday dhoolocadeynteyda.
Nin ayaa la kulmay jilaa faransiis ahaaoo caan ahaa oo la odhanjiray Doul Karniij
wuxuuna yihdi “wuxuu u muuqday nin aan soo jiidasho lahayn, oo aan bilicfiicneyn
laakiin markii uu dhoolocadeeyey ayaan ogaaday firfircoonida iyo soo jiidashada uu
leeyahay ee lagu jeclaaday filimadiisa,waxaan kaloo ogaaday hadaanu dhoolocadeyn
badneyn wuxuu noqon lahaa nijaar ka shaqeeya faaradaha Bariisa”
Tusaalayaashan oo dhami waxay ina tusayaan muhiimada ay leedahay dhoolocdeyntu.
dhoolocadeyntu waa ficil qof kastaa sameyn karo,balse waxaa adag in la kala garto
inay tahay mid run ah iyo inay tahay mid been ah oo dadka lagu marinhabaabinaayo.
Hasayeeshee shaki waxaanu ku jirin in dhoolocadeyntu ay leedahay fasir ama cabir ka
xeel dheer ka muuqda.
Jaamacada California macalin ka dhiga cilmu nafsiga ayaa 30 kii sano ee la soo
dhaafay ku hawlanaa inuu ogaado qiyaas ay leedahay dhoolocadeyntu,wuxuuna ogaaday
caalimkaasi in dhoolocadeynta ay ka qayb qaataan xubno badan oo ku yaal jidhka.
wuxuu kaloo caalimkani bilaabmay inuu baro garsoorayaasha maxkada sare ee Mareykanka
hab lagu kala garan karo eedeysanaha beenta sheegaya iyo eedeysanaha runta sheegaya
iyadoo la eegaayo dhoolacadeynta wejigooda.
culimada Psychology-ga ayaa iyana isku raacsan in dhoolocadeytnu tahay wax dabiici
ah oo qofku ku soo dhasho balse aanay ahayn wax layskaga deydo.
Waxaana jira in dhoolocadeynta ay ku kala badan yihiin bulshooyinka caalamka ku
nooli,tusaale ahaan bulshooyinka Jarmalka,Hindida,iyo dadka ku nool bariga fog ayaa
la sheegaa in ay dhaqan u tahay ama aanay jecleyn in dadka kale dareemaan
murugadooda,cadhadooda,nacaybkooda,ama dareenkooda aan farxadda ahayn iyagoo ku
qariya dareenkaas dhoolocadeyn
Waxaa kaloo xusid mudan in dumarku ay ka dhoolocadeyn badanyihiin raga,taas
macneheedu ma aha dumarku raga ka farxad badanyihiin balse waxay aaminsanyin in
dhoolocadeyntu tahay qaab ay ku muujin karaan qurxdooda korna u qaadi karta
ilqabashadooda.
Waxaana lagu tilmaamaa gabadha dhoolocadeynta badani inay kasbatay dhedignimo
dhameystiran.,halka raga dhoolocadeynta badana lagu sifeeyo inay yihiin
bulshaawiyiin.
Waxaana hubaal in dadka aynu aragno sawiradooda iyagoo dhoolocadeynaaya ay ka soo
jiidasho badanyihiin kuwa aan dhoolocadeyneyn.
Dhoolocadeynta waxaa loo qaybiyaa dhowr qaybood oo aynu ka soo qaadan karno.
== Dhoolocadeyn lagu cabiro dareenka farxada iyo kalgacaylka saa,idka ah,marka
kasta oo farxada ama kalgacaylku sii bataba,dhoolocadeyntu way sii xeel dheeraataa.
== Dhoolocadeyn been ah waana mid lagu qaldaayo ama lagu marin habaabinaayo
dadka,waana ta ay badanaa muujiyaan dadk wax iibiya ee meheradaha
haysta,shaqaalaha,shaqaalaha soo dhoweynta iyo dibloomaasiyiinta.
Samo-fal:- ku dedaal inaad dadka u samo fasho ama u asxaan fasho si aad ku hanato
quluubtooda,tusaale ahaan dadka waxaa soo mara dhibaatooyin ay u baahdaan cid gacan
qabata,qof kasta oo dhibtaas ka taakuleeyana maxbuus ayey u noqdaan,waxaanu kasbadaa
wanaagooda,culimada qaar ka mida ayaa la weydiyey dadku ficilada ay sameeyaan kee
ayaa ugu eekaansho badan ficilada Alle sameeyo,waxayna yidhaahdeen “samafalka dadka
loo samo falo”.
Haddaba qof kasta oo jecel inuu kasbado qalbiyada dadka isagoo u samo falaaya waxaa
xusid mudan inuu ka dheeraado waxyaabaha hoos ku qoran si aan wanaagiisi u noqon
dambas dabeyli qaaday.
== Wanaaga aad dadka u sameyneysaa ha noqdo mid aad Alle ajar kaga dooneyso ee
aadan aduunyo dhaafsiisaneyn.
== Samee wanaaga ama samo-falka ado ku farxsan.
== Iska ilaali mano sheegashada
(Qaybtii 3 aad )
Ka maaran dadka gacantooda waxa ku jira:- inaad damaacido ama u baahato dadka
gacmahooda waxa ku jira waxay ku dhaxalsiineysaa nacaybkooda,mid Ka mida dadkii
hore ayaa la weydiiyey raasamaal maxaad haysataa,wuxuuna yidhi “waxaan rasamaal
haystaa waxaan qurxiyaa muuqaalkeyga, dadka gacmahooda waxa ku jirana waan ka
maarmaa”, Sharaftuna waxay ku jirtaa ado ka maarma inaad dadka wax weydiisato
haba yaraatee.
Dadka sii ahmiyadooda:- hadii aad dooneyso inaad hanitido quluubta dadka sii qof
kasta ahmiyadiisa,tusaale ahaan hadaad mid ka mida saaxibadaa aad falaqayneysaan
mawduuc cilmiyeed oo mid kale oo idin ag fadhiya aad ku tidhaa saaxiib adna muxuu
yahay fikirkaagu,waxaa hubaal ah inaad halkaa eray oo keliya aad ku kasban karto
qalbigiisa,,waxaad kale oo aad ku kasban kartaa quluubta dadka ado sheega
sifooyinkoda wanaagsan iyo waxyaabaha ay ku fiicanyihiin,tusaale ahaan gabadh la
yidhaa (Dorsi Degsi),ayaa ku sheeegtay maqaal ay leedahay in ay maalin la
kulantay nin loo xidhay kiis ah inuu guursaday dumar faro badan,markii aan
arinkaa wax ka weydiyey ayuu ku jawaabay “waxaan gursaday (233) xaas, waanan
kasbaday quluubtooda anoo khiyaamo ku hantiyin,balse waxaan xooga saari jiray
inaan gabadha uga sheekeeyo
nafteeda, iyo muhiimada ay leedahay”, waxaad kale oo qofka ku kasban kartaa qalbigiisa
ado sawirkiisa ama maqaal ama hadal uu leeyahay ku soo bandhiga qalabka warbaahinta
sida joornaalada,habkana waxaa isticmaala qaar ka mida ururada iyo saxaafada,iyagoo
qofka ay daneynayaan sawirkiisa ama maqaal ama hadal uu leeyahay ku soo bandhiga
saxaafada taas oo keenta in qofkaasi ku soo dhowaado fikirka uu qabo urukani,waxaana
xusid mudan in qof kastaa naftiisa u arko mid muhiima,tusaale ahaan yuhuudu waxay
isku arkaan inay yihiin shacabkii alle doortay,dadka Jarmalka ahina waxay isku
arkaan inay ka sareeyaan dadyoga reer Europe ee kale,dadka Hindida ahi waxay isku
arkaan inay yihiin hogaamiyaasha caalamaka,carabtu waxay isku arkaan inay ka
sareeyaan cajabta,qofka muslimka ahina wuxuu isku arkaa inuu ka sareeyo dadka aan
muslimiinta ahayn(wuuna ka sareeya),hadaba qof kastaa wuxuu isku arkaa inuu muhiimad
leeyahay ado siiya muhiimadiisana waa dariiqa aad ku kasban karto qalbigiisa.
Ha niyad jebin dadka:- qalbiga dadku waa quraarad oo kale,quraaradu haday jabtona
lama hagaajin karo,hadaba iska ilaali inaad dadka qalbi jebiso waxaana haboon
inaad adeegsato kelmado ay ku dheehantahay ixtiraam si aad qablbiyada dadka u
hanato.
Amaan oo dhiiri geli dadka:- qofku sidiisaba wuxuu jecelyahay dhiirigelinta iyo
amaanta wuxuuna necebyahay in la sheego ceebihiisa,dhiiri gelinta iyo amaantu
waxay sii kordhisaa dedaalka qofka hadii ay run tahay tusaale ahaan
Rasuulka(NNKHA)qaar ka mida asxaabtiisa ayuu ku lahaa “hadii la miisaami lahaa
Iimaanka Abu-bakar wuxuu ka cuslaan lahaa caalamka”Rasuulku mar kale wuxuu lahaa
“hadii nebi iga danbeeysa la soo diri lahaa,waxaa la soo dri lahaa Cumar bin
khadaab”,hadaba waxaa haboon inaad qofka ku amaato waxa uu ku wanaagsanyahay haba
yaraatee,tusaale ahaan ( Dail Karniiji) oo ahaa jilaa caan ahaa ayaa
tegay magaalada New Yorka boost ku taal wuxuuna arkay mid ka mida shaqaalaha oo
nebcaysanayaa shaqada,wuxuuna damcay inuu ninkaa shaqada jecleysiiyo kana farxiyo,wuu
u tegay wuxuuna gacanta saaray madixisa wuxuuna ku yidhi “waxaan xiiseyn lahaa in
inankeygu timahaaga oo kale yeesho”ninkii si la yaab leh ayuu ayuu u eegay oo ay ka
muuqato farxad iyo dhoolocadeyn wuxuna yidhi “ok” timahaygu sidii hore uma qurx
badna,Dail wuxuu ku celiyey timahaagu timahaagu waa qurxoon yihiin ninkii wuu ku
farxay hadalkii wuxuna yihdi “dad badan ayaa xiiseeya timahagya”,Dail Karniji wuxu
yidhi waxaa suurto gal ah in ninkaasi maalintaa u qado doontay gurigiisi oo uu
xaaskiisii farxad ku qaabilay oo intuu hor istaagay muraayad yidhi “cajiib timahagu
qurux badanaaa”oo shaqadii ku soo laabtay isagoo xiiseynaya.
Hadaba akhristaha sharafta lehow ku dedaal inaad qof kasta ku qadariso oo aad siiso
muhiimadiisa iyo sharaftiisa,waayo Alle ayaaba sharfay oo muhiimad siiyey,ado u
xulaya hadalka intiisa macaan kana dhowraya in dhegahooda maqlaan kelmado ay ka
didaan,taasina waxay kuu hor seedeysaa inaad kasbato,oo aad meel ku yeelato
qablbiyadooda
qofka kasta ula macaamil adoo eegaya heerkiisa maskaxeed:si aad u kasbato jacaylka
dadka waa inaad xisaabta ku darsataa in bini aadaqmku uu maro maraaxiil iyo heerar
kala gedisan,tusaale ahaan ilmahayari wu ka dabeecad duwanyahay ka dhalinyarada ah
,dabeecada dhalinyaraduna waa ay ka duwantahay ta dadka waayeelka ah,sidaa
daraadeed ha u qaadan in dhamaan dadka isu si loola dhaqamaayo,waanad qaldantahay
hadaad ilmaha yar ka doonto inuu u dhaqmo sida dadka waaweyn oo uu ka tago
ciy7aarta iyo dheeldheelka ama gabadha aad ula dhaqanto sida raga.
Sameyso shebeked asxaaba:dadku waa ku kala duwanyihiin xidhidhka ay dadka kale la
leeyihiin qaar ka mida waxay leeyiin shebekad balaadhan oo o asxaab ah meel kasta
oo ay tagaana waxay ka helayaan asxaab ay isku ficanyihiin,qaar kalena waana sida
loo badanyahaye waxay leeyihiin cilaaqaad kooban,faraqa u dhexeeyaana waxaa
weeyaankuwa hore waxay leeyihiin doonitaan ah inay iyagu dadka kale bartaan oo
aasaan iniinyaha saaxiibtinimada ,balse nooca danbe waxay sugaan in iyaga la
barto,hadiiba la bartona ma sii xiseeyaan is barashadaasi inay sii xidideysato, hadaba inaad ku dhiirato inaad sameysato shebekad asxaab ah waa sifo
wanaagsan oo ay leeyihiin dadka hanqaltaaga u saaxiibka ah ee meel sare hiigsanaya
waana halka carabtii hore ka odhan jirtay “badanaa walaal aanay hooyadaa
dhalin”,sidaa daraadeed hadii aad xiiseyneyso inaad sameysato shebekad asxaab ah
oo balaadhan raac talooyinkan:-
Ø Ka faa,iideyso muunaasibadaha kala duwan ee dadku iskugu yimadaan ama ku
kulmaan sida xafladaha aroosyada kuwa aaska,ciidaha,i.w.m.
Ø Ka faa,iideyso fursadah aad ka hesho meelaha dadku ku kulmaan sida goobaha
shaqada,ururada, iskuulada,jaamacadaha,masaajidada,i.w.m.
Ø Ka baaraandeg dariiq wanaagsan oo aad qofkaa ku geli karto sida adoo
yidhaa:hebel ma is taqaaniin,ama shirkada magacaa leh miyaad ka shaqeysaa.i.w.m.
Ø Ku bookho dadka xanuunsanaya cisbitaalka oo baro magacooda
Ø Dhoolocadeynta iyo salaantu waa hab ka mida hababaka ugu wanaagsan ee aad qofka
ku baran karto.
Ø Caawi ama hawl ay leeyiin u fududee dadka
Ø Adigu bilow isbarashada hadii jawigu kuu saamaxaayo.
Ø Dadka aad is taqaaniin u raac meelaha ay kula kulmaan asxaabtooda kana codso
inay ku baraan asxaabtooda ay yaqaan balse aadan adigu aqoonta u lahayn
Ø Safaradu waa dariiq fudud oo asxaab ku sameysan karto
Ø Baro dadka aad tihiin qaraabada ama xididka
Ø Inaad u gar-gaarto ka dulman,xaqana garab istaagto,runtana sheegto dhamaantood
waa habab aad dadka isku baran kartaan
Qodobadan iyo kuwo kale oo badaniba waxay kaa saacidayaan inaad sameysato shebeked
asxaab ah,balse ha ilaawin marka aad shebekadaa dhigeyso dhowrkan qodob
Ø Ha sheegin been
Ø U mar qaab wanaagsan barashada,si aan dadku kaa yaacin
Ø Marka aad qofka baraneyso ha ku haboonaado wakhtiga,goobta iyo duruufaha
idinku xeeran markaas
Xifdi magaca dadka: akhriste casharka ugu horeeya ee ay bartaan siyaasiyiinta xeel
dheerayaashi ahi waxa weeye inay isku taxalujiyaan xususashada magacyada dadka ay
codka ka doonayaan iyagoo aaminsan in taasi tahay furaha ay ku gaadhayaan
madaxnimada iyo hogaaminta,iyagoo ilaawa ama aan daneyn magaca dadka ay codka ka
doonayaana waa furaha guuldarada,tusaale ahaan Naabilyoonkii sadexaad ee immaaradii
Farnsiiska wuxuu ku faani jiray inuu awood u leeyahy inuu uu qof kasta oo uu la
kulmay magiciisa xasusan karo,iyadoo hawlihii boqornimona ay ku badaanaayeen,taasina
waxay ku dhacday wuxuu ahaa mid qofka magiciisa weydiiya hadii uu si cad u maqli
waayona wuxuu ka codsan jiray inuu kor ugu qaado oo ugu celiyo,hadii uu ku adkaadona
wuxuu ka codsanjiray inuu u qoro ama u yeedhiyo,inta uu qofkaa la joogona magaciisa
wuxuu ku celcelin jiray dhowr jeer,hadii uu qofku yahay mid muhiimad gaara u lehna Naabilyoon
marka uu firaaqo helo ee keligii yahay ayuu qofka magiciisii warqad ku qoran jiray
oo isu taxalujinjiray inuu xifdiyo ama maskaxda ku qabto dabadeed warqadii wuu
jeex-jeexi jiray,magicii qofka iyo qaabkii qofku lahaana maskaxdiisa ayeey ku
sawirmi jireen,waxaa kaloo sidaas ahaa Xasan AL-binaa ninkii aas-aasay uruka
Ikhwaanu muslimiin hadii uu qof la kulmo oo magicisa weydiiyo,oo qofkii ka soo hor
baxo 4-5 sanno ka dib wuu xasusan jiray magici qofka iyo meeshii ay ku kulmeen iyo
sheekadii markaa dhex martay.
Hadaba si aad u kasbato jacaylka dadka ku dedaal inaad magacoda qabato oo aad
xifdido oo aad ugu yeedho
Axmed maxamed muse caalim44@hotmail.com
kampala international university
La soco qaybo kale oo xiiso badan…………………..
2. SIDEED U NOQON KARTAA QOF FARXAD BADAN?
shaki kuma jiro in qof kastaa uu jecelyahay inuu mar walba faraxsanaado,oo uu
noloshiisa ku qaato farxad,dadkana qofba qofka uu ka farxadda badan yahay ayeynu ka
jecelnahay,oo xiiseynaa ag joogiisa Rasuulkana(NNKHA) wuxuu ku duceysan jiray “Allow
waxaan kaa maagan gelayaa murugo”.
Hadaba hadii aad dooneyso inaad noqoto qof ku raaxeysta nolosha aduunka oo mar walba
faraxsanaada raac talooyinkan:-
1- ha laga helo iimaan qalbigaaga
2- wax tegay tiigsimaad ma leh, ha ka fekerin wixii ku dhaafay
3- ku qanac xukunka Alle,iyo risqiga lagu siiyeye
4- badi xuska Alleh
5- ka nadiifi qalbigaaga xasadka iyo xiqdiga
6- ku dedaal akhriska,kitaabku waa saaxiib wanaagsan
7- nidaami hawlahaaga,maryahaaga,gurigaaga,xafiiskaaga,….
8- ku dedaal socodka iyo jimicsiga,qalbiga fayow wuxuu ku jira jidhka fayow.
9- akhri buugaagta taariikhda ah si aad wax uga ogaato sooyaalka nolosha.
10- ha badsan waxyaabaha ay ka mid yihiin shaaha,kafeega,kana dheerow maandooriyaha
11- ku dedaal nadaafada maryahaaga iyo bilicda muuqaaga.
12- xusuusu in Alle denbi dhaaf badan yahay
13- Alle uga mahad naq nimcooyinka uu ku siiyey ee ay ka mid yihiin
araga,risqiga,diinta,caafimaadka,maqalka…….
14- ogow in dadka ay ka mid yihiin kuwa waayey caqligii,caafimaadkii,laxaadkii,……………
15- ku dedaal akhriska qur’aanka,dhegeysigiisa,xifdintiisa,waayo wuxuu qur’aaka
daawo ka yahay xanuun kasta.
16- Alle talo saaro,isagaa kugu filane
17- cafi qofka ku dulmiya,xidhiidhi ka ku gooya,u dulqaado ka kugu xad gudba.
18- ku cel-celi kelmada(laaxawla walaaquwata ilaa bilaah),Alle ayey raali gelisaaye.
19- badi istiqfaarta,waxaad helidoontaa risqi,ubbad,cilmi naafica……………..
20- ku qanac muuqaalkaaga,shaqadaada,dhaqaalahaaga, gurigaaga iyo ehelkaaga………….
21- ogow in dhibaato kastaa uu weheliyo fudeyd,maalmuhuna ay is bed-bedalayaan.
22- noqo mid niyad san, hana noqon mid niyad jabsan.
23- ku farax wax Alle ku dooro,waayo waxaa dhici karta wax aad dhibsatid oo wanaag
kuugu jiro.
24- u samo fal dadka sida adoo siyaaranaaya kuwa buka,wax siinayaa ka
baahan,caawinaaya ka tabaaleysan……
25- ka dheerow malah xun,iyo fikradaha khiyaaliga ah ee buka.
26- ogow hadii dhib kugu dhoco inaadan keli ku ahayn ee ay jiraan dad kula qaba.
27- ogow in aduunyadu tahay meel imtixaan iyo dhib
28- hala fadhiisan dadka xun-xun sida: bakheylada,xasidiinta,…waxay kugu talaalayaan
cudurkooda.
29- ku dedaal inaad salaada wakhtigeeda oogto.
30- iska Ilaali dunuubta,waayo iyagaa ah ilaha murugada.
31- dheg ah u dhigin kutiri ku teenta iyo hadalada xun ee suuqa lagu geliyo,waayo
waxay dhibayaan ka yidhaahda ee adiga ku dhibi maayaan
32- hadii cadawgaagu ku caayaan ogow inaad tahay qof qiimo leh,waayo hadaadan qiimo
lahayn cidba kuma sheekteen.
33- ogow in qofka ku xuntaa ku siiyey xasanaadkiisii.
34- ha isku adkeynin cibaadad iyo sunnaha ee ka dhig meel dhexaad.
35- noqo qof geesi ah oo go,aan iyo doonitaan leh.
36- ku dedaal inaad noqoto qof deeqsi ah si aad u hesho laab furnaan.
37- u fur wejigaaga dadka,oo kula hadal hadalo wanaagsan,iskuna dhul dhig si ay kuu
sharfaan.
38- yeelo asxaab faro badan adoo ku xulanaaya dhaqan iyo diin wanaagooda.
39- ku dedaal inaad kasbato ducada labadda waalid si ay kaaga noqoto gaashaan
dhibaato kasta.
40- qaybi hawlahaaga oo hal mar dabada hayskugu qaban,balse u yeel wakhti iyo
jadwal iyo xili nasasho.
41- eeg qofka kaa hooseeya quruxda,caafimaadaka,aqoonta,dhaqaalaha,shaqada,si aad u
ogaato in lagaa liito
42- ogow in qof kasta oo aad la macaamishaa uu leeyahay nusqaan iyo ceeb,hadad
doonto walal bilaa nusqaan ahna waxaad ku dhici bilaa walaal,saaxiib,ehel………….
43- iska Ilaali inaad wax u dhinto sharafta dadka,hana laga nabad galo carabkaaga
iyo gacantaada.
44- yeelo wakhti aad naftaada ku xisaabiso.
45- ku dedaal inaad kasbato risiqi xalaala,iskana Ilaali xaaraanta iyo inaad dadka
wax weydiisatid.
46- xidho maryo caadiya,hana ku caan bixin lebbis gaara.
47- iska Ilaali cadhada.
48- isku day inaad marmar safarto si aad u ogaato inuu jiro caalam aan ahayn kan
kugu xeeran ee aad taqaan.
49- ku hayso jeebkaaga buug xusuusu qor(note book)si aad u ilaaliso
hawlahaaga,wakhtigaaga,iyo balamada.
50- dadka ku bilow salaanta adoo dhoolo cadeynaay si aad u kasbato qalbigooda.
51- Ku kalsoonow naftaada
52- iska Ilaali furaha guul-darada oo ah inaad hawlaha dib u dhigato ama aad tidhaa
hadhow ayaan qaban doonaa.
53- iska Ilaali marka aad go,aan qaadaneyso inaad dhiiran weydo.
54- ha ku lumin wakhtigaaga adoo doonaaya inaad waxyaabo badan takhasus u
yeelato,taasi waxay kaa dhigeysaa qof aan weli dhadhamin midhidhii guush.
55- bixi sadaqada haba yaraatee,waxay farxad gelisaa qalbiga,waxaanay kaxeysaa
murugada,waxaanay kordhisaa risqiga
56- ku dayo Nebi Maxamed(NNKHA),isaagaa ah hogaamiyihii guusha iyo farxadda.
57- bookho xarumaha caafimaadaka iyo jeelasha,,si aad u dareento nimcada
caafimaadaka iyo xoriyada.
58- iska Ilaali inaad dhibaatada xajmigeeda ka weyneyso.
59- isku day inaad cudur daar ka raadiso qofka ku xumeeyay,iskana Ilaali aargoosiga.
60- iska Ilaali inaad cadawgaaga tusto cadhadaada,waayo waa inta ay doonayaan inay
tashuush kugu furan.
61- markaad dadka la fadhido u fadhiiso qaab wanaagsan,ha ku hadlin waxaan kheyr
ahayn,wejigaaga fur,ixtiraam dadka kula fadhiya,dhegeyso sheekadooda hana ka dhex
gelin.
62- ha noqon sida duqsiga oo aan ku fadhiisan ama aan ku joogsan meel xun mooyaane
meel kale,waxna ha u dhibin dadka nasabkooda,hana raadin ceebtoda.
63- iska Ilaali jacaylka aan xadka lahayn,waayo waa u cadaab qofka,waana xanuun ku
dhaca qalbiga.
64- ha eegin waxyaabaha xaaraanta kaa ah.
65- nidaami xiliyada aad wax cunto,waxna ha cunin adoo dheregsan.
66- markaad cadhooto aamus,oo shaydaanka iska naar,bedel meesha aad ku
cadhootay,hadaad taagantahayna fadhiiso.
67- ogow inaad ku fikirto wixii ku dhaafay inay ka dhigantahay adoo ka fikiraaya
sidii aad caano naas ka soo baxay aad ugu celin lahayd.
68- ogow in wixii kugu dhacaa aanay marna ku gafeen,wixii ku seegaana aanay marna
kugu dheceen.
69- hadii khasaare kugu dhoco isku day inaad guul u bedesho oo ha quusan.
70- ha ka fikirin waxyaabo khiyaali ah,si aanay kuugu furmin togoga murugada.
71- badi salaada waa alabaabka farxadda laga galee
72- farxadu waa geed biyihiisa,cuntadiisa,hawadiisa iyo iftiinkiisu ay tahay
iimaanka Alle.
73- baro cilmiga waayo wuxuu kordhiyaa araga qofka.
74- ula dhaqan dadka sida aad jeceshay inay kuula dhaqmaan.
75- hadii labadda lamaane mid cadhoodo ka kale ha aamuse,inta uu cadhaysanyahay.
76- qofka haysta guri,caafimaad iyo quutal yawm ha ogaado inuu haysto nolol aduun,
77- guusha iyo farxadda waxaa sees u ah Alle(sw) oo raali kaa noqda,dadka kuu dhow
oo raai kaa noqda iyo naftaada oo raali kaa noqota.
78- cuntadu waa farxad l maalin ah,safarkuna wa farxad wiiga,xaaskuna waa farxad
bila,xooluhuna waa farxad sannad ah,iimaankuna waa liibaan iyo farxad weligiis ah.
79- ku dedaal inaad saaxiibadaa la sheekeysato,si aad iskaga kaxeyso murugada,ogowna
in kaftanka hufan uu keeno farxad.
80- qaabka noloshaadu yeelaneyso wuxuu ku jira gacmahaag,hadba qaabee noloshaada oo
ka xidhan muraayad madow.
81- farxadu kuma jirto nasabka iyo xoolaha toona balse waxay ku jirtaa
diinta,cilmiga,edebta iyo akhlaaqda wanaagsan.
82- ka fikir guulaha aad gaadhay iyo wanaaga aad sameysay kuna farax.
83- ogow in Allihii kaa kexeeyey murugadii shalay uu kaa kaxeynaayo ta maanta iyo ta
berriba,isaga talo saaro.
84- ogow in adiga iyo qofka kaa sareeya ay hal maalin u dhexayso,waayo shalay waa
tagtay oo soo noqon meyso,berrina isaguna ma laha adna ma lihid,laakiin maalintaa la
joogo oo keliya ayaa idiin dhexaysa.
85- farxadu waxay fir-fircooni gelisaa nafta,waxaanay keentaa karti.,noloshana
qiimey u yeeshaa.
86- qaamuuska(dhigshineriga)farxadda iyo liibaantu wuxuu ka koobanyahya kelmad
keliya waana raali ahaansho,hadba ka raali noqo naftaada.
87- hadii dhib kugu dhaco isku day inaad markaba meesha ka saarto.
88- hadii dhib kugu dhaco xusuuso inta dhib ee kugu dhacday ee Alle kaa bad-baadiyey
si aad u ogaato in Allihii dhibtii hore kaa bad-baadiyey uu tana kaa
bad-baadindoono.
89- markaad go,aan qaadaneyso ha qaadin go,aan aadan ka fiirsan oo aadan dhinacyo
badan ka eegin,lana tasho dadka aad ku kalsoontahay,hadii aad guuleysato waa sidii
aad dooneysay,hadii aad guul dareysatona murugoon meysid waayo go,aanka waa lagula
wadaagay.
90- dadka caqliga badan waxay leeyihiin asxaab badan,cadowgooduna wuu yaryahay,waayo
saaxiib sannad baad ku heshaa,cadowna hal maalin,wanaagna waxaa leh qofka Alle siiyo
dabeecad wanaag.
91- hadii alle ku siiyo nimco ku dabar mahad-naq,kuna ilaasho daacada Alle,kuan
dedaal is dhuldhiga si ay kuugu sii joogto.
92- qofka ku sifiiba Alle ka cabsi,iimaan ka muuqdo,akhlaaqdiisuna wanaagsantahay
wuxuu gaadhaa jacaylka Alle iyo ta dadka,wuxuuna ku noolaadaan farxad.
93- ha noqon caajis low waayo caajislowgu wuu murugo badan yahay
94- nolosha inteeda qadhaadh waxaa ka badan inteeda macaan,sirtuna waxay tahay sidee
maskaxdu inoo gaadhsiisaa macaanka nolosha.
95- gabadhu haday hesho aduunyo kasta oo ay hesho bilado badan,laakiin aanay lahayn
nin (say)way ka faro badhnatahay farxadii nolosha.
96- nolosha dhameyska tirani waa adoo ku bixiya dhalinyaranimadaada hiigsi iyo
hanqaltaag,da,dada dhexana halgan,gabowgaagana ka fiirsi
97- ku canaano naftaada wixii ay ka gaabisay,cid kalena ha ku canaanan
98- ha ku qancin naftaada inay dadka ka sareyso,iskana Ilaali inaad wax kasta anni
tidhaahdo.
99- ku dedaal qosolka dhoolocateynta ah ee aan codka wadan si aad u laab
furnaato,murugaduna kaaga tagto,farxadna u keensato.
100- farxadu waxay ku jirtaa cibaadada, qofka daa,ima istiqfaartuna wuxuu ka mid
noqonayaa dadka farxadda badan
101- ogow in dadku qofka aad u dhex gala ay duleeyaan,qofka wax siin waayana ay u
cadhoodaan,qofka u dulqaatana ay weyneeyaan,qofka u baahdana ay u cadhoodaan .
102- ha ilaawin kelmada(Xasbuna laah wa nicmal wakiil),waxay bakhtiisaa dhimbiilaha
murugada.
103- iska ilaali muranka ma dhaleyska ah,saaxiibka doqonka ah
104- isku day inaad ka tagto khilaafka,ka dheerow faanka,ka nabad gal beenta,ka
raali noqo qadarka alle,kana haajir xasadka.
105- murugada waxaa sabab u ah ado ka jeesta alle,aduuna daba carar.
106- qofka sooma cuntadiisa ayaa u wanagsaata,qofka cibaado u kac habeenkii
hurdadiisa ayaa u wanaagsanaata,qofka deeqsi noqdana amaantiisa ayaa badata,qofka
madax noqdana xasadkiisa ayaa bata.
107- ogow in risiqaagu ku daba socdo sida hadhka oo kale mana dhimaneysid ilaa aad
risiqaaga dhameysato.
108- ku gaadhi maysid raaxo dedaal waxaan ahayn,kuna heli meysid mid ku jecel edeb
waxaan ahayn.
109- ha damaaciyin wax kasta oo aad maqasho,hana aaminin saaxiib kasta,sirtaadana ha
u sheegin dumar,hana daba gelin wax kasta oo aad niyeyeso.
110- maalmaha waxaa ugu wanaagsan kuwa dulqaad kuu kordhiya,aqoon kuu
siyaadiya,denbina kaa hor joogsada.
111- noloshu waa fursad aynaan garaneyn ilaa aynu weyno,caafimaadkuna wa taaj saran
madaxa dadka caafimaadka qaba oo ay arkayaan kuwa xanuunsanayaa oo keliya.
112- ogow in Alle xaq kugu leeyahay,naftaaduna xaq kugu leedahay,ishaaduna xaq kugu
leedahay,xaaskaaguna xaq kugu leeyahay,martidaaduna xaq kugu leedahay,mid kasta oo
xaq kugu leh sii xaqiisa.
113- ku dedaal kalaahada(jarmaadad)wasxay leedahay barako badan.
114- maalkaaga waxaa ugu kheyr badan inta aad ku intifaacsato,cilmigaagana waxaa ugu
wanaagsan ka kor kuu qaada,saaxiibnawaxaa ugu wanaagsan ka kula taliya ee ku
waaniya.
115- ogow hadii aanay jirin cid ku xaasidaa wanaag ma lihid,hadii aadan saaxiib
lahayna dabeecad ma lihid,hadii aadan diin lahayna mabda ma lihid.
116- cayilnaanta(baruurta)badani waxay keentaa moogaanaan,dherega badanina wuxuu
keenaa maskax yari,hurdada badanina waxay keentaa guul darro,qosolka badanina
qalbiguu dilaa,shakiguna waa cadaab.
117- addunyada waxaayaaba ugu macaan waxaa ka mida ado safar la gala qof aad
jeceshahay,kana fogaada qof aad necebtahay ,kana nabad gala mid ku dhibay.
118.- aduunka oo lagu farxo waa farxada caruurta,amaanta fiican oo lagu farxo waa
farxada rag,Alle agtiisa waxa yaala oo lagu farxaana waa farxada dadka
wan-wanaagsan.
119- runtu waa xisilitaan,beentuna wa shaki,xishoodkuna waa gashaan,cilmiguna waa
xujo,hadaka cadina waa qurux,aamusnaantuna waa xikmad.
120- qofka wanaagsani waa ka ku cibro qaata qayrkii.
121- daqiiqad aad murugootaa waxay la dherer tahay maalin dhan,maalin aad faraxdaana
waxay la dherer tahay daqiiqad,habeenka farxaduna wuu gaabanayahay,habeenka
murugaduna wuu dheeryahay.
122- biyo ha cabin ilaa aad haraado,waxna ha cunin ilaa aad gaajooto,hana seexanilaa
aad daasho.
123- wanaag waxaa iska leh qofka Alle u nimceeyo ee mahad naqa,marka la imtixaamona
samra,markuu debi sameeyana denbi dhaaf dalba,markuu cadhoodan dulqaad
sameeya,markuu wax xukumaayona cadaalad sameeya.
124- adduunyada janoo ayaa ah qofkaan gelina jannada aakhiro ma galo,waana xuska
alle,adeecidiisa,jacaylkiisa iyo weheshadiisa.
125- wanaaji camalkaaga ku foof arrimahaaga,hayso carbakaaga.
126- Alle wuxuu la jiraa kuwa ka cabsada,cadawga ayuu ka celiyaa, dhibta ayuu ka
ilaaliyaa,xanuunkana wuu ka bogsiiyaa.
127- ha murugon Allaa inala jiree,wuu ina arkaa,hadelkeena ayuu maqlaa,cadawgeena
ayuu inooga hiiliyaa.
128- kabtanka doontu markuu cabsado wuxu yidhaa “yaa Allaah”, ka lumay markuu jidka
waayo wuxuu yidha “yaa Allaah”,ka xanuunsanayaa wuxuu yidhaa “yaa Allaah”,maxaa
aidga kuu diiday inaad tidhaa “yaa Allaah”.
129- ka faqiirka ahow iska samri,waxaad ka nabad gashay inaad xoolo ilaaliso,ku
dedaasho xoolo ururis,iyo xisaabtan dheer oo Alle kula galo.
130- kan indhaha la,aw ku bushaareyso janno laguu siiyo abaal marin indhaha aad
weyday awgood,ogowna inaad ka nabad gashay inaad aragto munkaraadka.
131- maxaad ugu fikireysaa waxa aanad haynin,o aad ugu mahad naqi la,dahay waxaad
hasyo,maxaad u ilaaweysaa nimcadaad hayso ee aa u raadineysaa mid kaa maqan,maxaad
dadka u xaasideysaa ee aad u eegi la,dahay waxaad haysato.
132- ku noqo aduunka mid safar,inyar oo raati ah,kabasho biyo ah iyo
go,sita,ayaamuhu waa yaryihiin habeenaduna waa tirsanyihiin dabadeed caalamku wuu
dhamaanayaa qabrigana kii taajirka ahaa iyo kii faqiirka ahaa waa isku mid
133- ogow in boqorka lagu ag aaso shaqaalihiisa,madaxweynahana ilaaliyiisa,gabayaaga
caaka ahna lagu ag aaso faqiir caajislow ah,balse qabriga gudihiisa ay yaalaan
camalo kala duwan iyo darajooyin kala sareeya.
134 maalinta qorax cusubi kuu soo baxdo ku dheh soo dhowow matiyahay,wanaaji
maritinimadeeda ado gudanaaya waajib,towbad la imanayaa, ha ku sagootin maalintaas
denbiyo iyo murugo waayo soo noqon meyso.
135- noloshu way gaabantahay haku sii gaabin murugo,saaxiibadu waa yaryihiin ha ku
lumin canaan,cadowguna waa badanyahay ha ku sii badin macaamilxumo.
136- samirka kala mid noqo qudhaanjada,geedka 100 jeer bay kortaa oo hadan ka soo
dhacdaa,kamana daasho ee way ku noqotaa.
137- la mid noqo shinida waxay cuntaa ubax,waxaanay dhashaa malab.
138- malaa,iigtu ma gasho guri ay joogto ey,farxaduna ma gasho qalbi ay joogaan
shahwado been.
139- iska ilaali meelaha lagu murmo,diinta ayaa lagu iibiyaa qiimo jaban,dadnimadana
waa lagu dhaawacaa,nasbkana waa lagu tuntaa.
140- cayda qofka guuleysta ay caayaan kuwa xaasidinta ahi waxay ka dhiganahay iyagoo
u riday madaafiicdii hambalyada,kuna dhawaaqay guushiisa.
141- rayigaaga ku xaaji la tashi waayo hal ra,yi waxaa ka wanaagsan laba ra,yi.
142- ha u qaadan dhaliil kasta oo laguu soo jeediyo cadaawad. 143- wadado aad raacdo waxaa ugu sharaf badan ta aad masaajidka u marto,wado aad
marto waxaa ugu aaminsan ta aad gurigaaga u marto,meel aad istaagto waxaa ugu adag
inaad nin madaxa hor istaagto.
144- akhlaaqada wanaagsan iyo dabeecada fiican ayaa ka qurux badan quruxda wejiga
iyo dharka waayo waxba ma tarto qurxda qaabka ahi.
145- ka indhaha la wuxuu tabaniyaa(jecleystaa)inuu maruun wax arko,ka dhegha la,na
wuxuu tabaniyaa inuu mar uun wax maqlo,ka curyaanka ahina wuxuu jecleystaa inuu mar
uun talaabsado, adna waxbaad maqleysaa,arkeysaa,oo waad soconeysaa hadana waad
murugooneysaa!!!!!!!!!!!
146- ha u malayn in nolosha qofna loo dhameystiray ka guriga haystaa gaadhi ma
haysto ,ka xaaska haystaa shaqo ma haystoo,ka aamateed hayaa waxa uucuno ma hayst,ka
waxa uu cuno haystaana cuntadiiba waa loo diiday.
147- dadka ha ka doonin inay ku ixtiraamaan ilaa aad ixtiraamto hana ku canaan
guuldarada kugu dhacday adiga isku canaano,hadii aad doonto dadku inay ku
karaameeyaana horta adigu karaamee.
148- shimirka cuntadiisa looguma keeno buulkiisa,libaaxa cuntadiisa looguma keeno
godkiisa,qudhaanjada laguma siiyo cuntadeeda halkay degentahay balse dhamaantood way
raadsadaan,adiguna u raadso siday u raadsadaan waxaad u heli siday u heleen.
149- hadii aduunka aad ka heli weydo maxkamad cadaalad ah,dacwadaada u dhigo aakhiro
,markhaatiyadu waa malaa,iig dacwadu waa qorantahay garsooruhuna waa ka ugu
garsoorka fiican kuwa wax garsoora.
Waa diyaarintii :Axmed Maxamed Muuse
kampala international university
E-mail:caalim44@hotmail.com
|
|
|
Posted on Sunday, November 11 @ 15:34:30 DAVT by admin |
|
|
|