Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Bannaanbaxyo Iyo Cabashooyin Oo Ka Dhacay Magaalaada Gabiiley/JSL.       Xukuumadda Oo Ku Ballan Furtay Axsaabta Mucaaradka JSL.       G/Miyaha Wakiilada Oo Dalka Ku Soo Laabtay Kana Waramay Shir Uu Ka Qayb-Galay.       Waraysi Gaar Ah Oo Lala Yeeshay Musharax Madaxweynaha Xisbiga UCID       Malawi: The Unrecognised State of S/Land Has Thrived Without Any Donor Support.       Warqad Uu Safiirka Ingiriiska/Kenya U Kala Diray Madaxda JSL.       Tacsi Tiiraanyo Leh       Prof. Ahmed I. Samatar Was Interviewed By Chicago Public Radio.       Daah-Furka Baasaboorka Cusub Ee JSL.      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
Oodweynenews
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.
Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan

hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan

Articles


 
Hab Shukaansi Qarsoon oo Gef, Saadsi Maqaadiireed, iyo Waali Ku Saleysan.

Somaliland Patriots News

Sender's Name: Farah Ali Jama
Sender's Email: fjama022@uottawa.ca

Message:
 
Tuulo aanan doonayn inaan halkan magaceeda iyo beesha degtaba ku muujiyo kuna taaley goob qarsoon oo dhinaca waqooyi-bari ka xigta Degmada Garisa ee gobolka Waqooyi-Bari (NFD) Kenya kana baxsan wadada caadiga ah ee Garisa-Libooye marta taasoo foolasha maroodiga laga daabuli jiray todoobaateenyadii lagana dhoofin jiray Dekeda Kismaayo, ayaan qaar kootorobaandiisteyaal ah oo aanu saaxibo hore ahayn kasoo raacay magaalada Nairobi. Waxa aanu wadanay gaadhi Toyota Landcruiser ah oo habka siiblaha qaadka u dhisan kaasoo markii aanu soo gaadhnay magaalada Garisa markiiba lagaga raray saadkii ugaadhsatadaas (Poachers) duurka u joogta kaasoo ka koobnaa laba jawaan oo bariis ah, jawaan sonkor ah, kartuun caleenta shaaha, kartuun sigaar ah, kibriid, laba jawaan oo qaad ah, caagad weyn oo saliid ah, milix, daawooyin, kabo, iwm.

Markii, aanu in doora haynay wadada Garisa-Dhobley, ayaanu meel ka sokaysa tuulada Dhadhaab oo haudka ah qardajeexnay casarkiina soo gaadhnay tuladan yar ee aaney dowladu gaadhin amaba aqoon taasoo ka kooban laba dukaan iyo buulo yar yar oo ilaa labaataneeyo aqal soomaali ah oo dad wada xaasas ahi degan yihiin; halkaasanu saadkii gaadhigu siday aanu awr kaga rarnay kuwaasoo toos u tegi doona halka fadhiisinta u ah budhcaddaas sida xad dhaafka ah u hubeysan ee ugaadhsatada ahi ay joogto; Saddexdayadiina, buul weyn oo ardaa leh ayaa naloo diyaariyey halkaasoo neef adhi ah naloogu qalay dabadeetana aanu ula kala baxnay jawaankayagii qaadka iyo dhowr istiik oo sigaar ah iyadoo aanu halkaas joogi doono ugu badnaan saddex maalmood, ilaa iyo inta safarka fool maroodiga ahi uu dhinaca budhcada ka iman doono. 

Hadaba, labadan nin ee aan soo raacay dhowr jeer oo hore ayey tuuladan yimaadeen oo wey yaqaanaan hab dhaqankeeda hoose iyo macaamilkeedaba inkastoo aaney aniga waxba iiga sheegin. Dhibaata ugu weyn ee iga soo gaadhey maalintii ugu horeysay ee aan u hoydo tuuladan taasoo aaney ila qabin saaxibaday maadama ay iyagu macaamilka tuulada yaqaanin oo ay habeenkaas iska seexdeen, waxay ahayd markii aan hilibkii, maraqii, qaadkii, iyo sigaarkii aan isla dhacay ee aan makhribkii hagoogtii weynayd ee Burco oo kale ku dhuftay meeshana aanu xaas ii joogin. Waxa aan damcay in aan haasawe tago. Taad u dhukustaaba ee aad la yara hadashaba, markiiba xanaaq ayey la boodaysa iyadoo cod dheer ku hataaqeysa: Ar Lee, Ar ma haykalley ayaad ii malayn, Ar fiiriya ceebtiis (lee, waa Laa Illaaha Illaahu oo la soo gaabshey oo reer NFD caado u leeyihiin sida dadkeenu ay kelmada Bisinka oo ah Bismillaahi Raxmaani Raxiim ay u soo gaabsheen, haykalleyna waa dhilo/sharmuuto oo ah kelmed Koonfuta Soomaliaba laga isticmaalo, fiiriya ceebtiisna waydun wada garanaysaan micnahooda.)!! 

Marka, kelmadahaas kor ku xusan oo kale ama kuwo la mid ah dhowr jeer lagugu jawaabo, dee waad naxaysa oo mar walba goobta lagaga yidhaahdo ayaad sidii tuug oo kale uga cararaysa si aan laguugu soo bixin taasoo aakhirkiina kuu horseedeysa hungo balaadhan iyo inaad iskaga tashato inaad buulkii iyo ardaagii xumaa iskaga noqoto intaad bed qabto oo aanu dakhar dhiig lihi dhicin. Iska soo gurya noqday oo waxaan xabeenkaas galgashoba waagi ayaa ii beryey shaah, caano geel oo dhay ah, iyo hilbo kaleba naloo keen oo si fiican baanu u quraacanay.

Quraacdii ka bacdi, ayaan wixii xalay igu dhacay aan saaxibadan uga sheekeeyey maarkaasey wada qosleen oo igu yidhaahdeen waar dumarkan tuulada jooga waa la wada qabaa oo lalama hadlo; waxa lala hadlaa hablaha caano diiqda ah ee mardhow tuulada soo geli doona kuwaasoo hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadireed, iyo waali mooyaane aan si kale waxba looga qaadi karin. Yaab iyo Yaabkiis!! Waxay judhiiba saxibaday ii sheegeen in maanta ay hawshu ku koobnaan doonto xulashada gabadha aad dooneyso, xaafidaada magiceeda iyo suuradeeda, iyo ogaanshaha dhabada ay tuulada uga bixi doonto taasoo ay beri subax soo mari doonto iyada iyo saaxiibadeedba, sidaas daraadeed, caawana wax la riixa majiraan ee ina kici aanu hawshaas soo qabsane intay goori goor tahay. Qorshuhu waxa weeye, inaad feejignaata oo aad ogaata xiliga ay hablahan caano diiqda ahi ay tuulada soo galaan dushaana aad kala socotaa. Marka ay caanahana iibshaana sida caadada u ah dukaamada ayey sonkor, milix, iyo buuri ka miis miistaan; waana inaad ka soo daba gashaa oo aad adiguna sigaar aadan u baahneyn iska iibsataa adigoo hoostaas ka khaawisaya dhegtana taagaya si aad u maqasho magaca taad is leedahay wey mareysa una xaafido. Hadaba, qorshahani waa wax caadi ah oo aan ceeb la ahayn kuwa ku dhaqma waana la isla yaqaan oo judhiiba waxaad maqlaysa hablihii oo dukaanka dhexdiisa isaga yeedh yeedhaya sida, Naa Xaawoy buurigii abbaay cabdiyo ha ilaawin ama naa Maryaney kiishkaygi aaway iyadoo looga jeedo adigoo indhahaaga kaashanaya in dhegta laguugu rido ta Xaawo ama Maryan ama Batuulo la yidhaahdo oo ah intaad u buktayba, waxa keliya ee kuu hadhsanina uu yahay ogaanshaha wadiiqada ama dhabada ay tuulada uga bixi doonaan taasoo ay beri subax mar kale soo mari doonaan iyagoo dhiilihii caanaha wada.

Hab Shukaasiguna waxa weye, in aad, marka hore, salaadii soo toostaa oo aad dhabadii habluhu soo mari doonaan aad sii qaada illaa saddex kiilomitar oo aaney tuuladu kuu muuqan. Marka xigta, waa inaad caday weyn geedahaas ka sii goosataa oo iska cadeyyataa ilaa aad ka arki doonto hablihii oo soo socda dabeetana markay kuu muuqdaan waa inaad muska ka soo baxdaa oo aad dhabadii aadna iska sii qaadaa sidii nin xagaas iyo miyi iyo xoolihii u ku socda. Marka aad hablahii iska soo hor baxdaan ama isa soo gaadhaan, waa inaad markiiba salaan guud siisa hablaha, isla marahaantaasna, aad u yeedho gabadhii aad suuradeeda calaamadeysatay magaceedana xaafiday sida Xaawo oo kale oo aad tidhaahdaa: Xaawoy soo baydh waaney soo baydhaysa markiiba iyadoo ay hablahii kalena talaabada hoostaas ka boobaya si ay jaanis idin siiyaan. Marka ay Xaawo soo baydho, waa inaad, marka hore, ka wareysataa reerkii, xoolihii, in halka uu reerku degay, in dhulku baad iyo biyo leeyahay, in dhulku shilin iyo bahal leeyahay, iwm; marka xigtana, waa inaad ku soo yara dhowaataa oo aad ula soo kala baxdo hab shukaansigii la isla yiqiinay: Waa inaad hadalka ku bilowda: Hadde, Xaawoy, hadde haddii amar Illaahay igu dhaco oo aan waasho oo aan kugu soo boodo, seed yeeli lahayd? Markaasay kugu jawaabaysa: Hadde, Illaahay inaguma keene, ceebtaadan asturi lahaa taasoo muujinaysa no problem, don't worry and be happy !!

Marka intaas lagu yidhaahdo, waa inaad xanaaq isgelisa oo aad indhaha cadeysa oo aad ugu jawaabta, HADAAN WAASHAY, kuna soo booda oo legedaa oo aad beerka kaga dhacdaa waayo waabad waalantahay. Hadii ay ku legedona, qorshihii wuu kaa buraya oo gabadhu sinaba u ogolaan meyso nin ay legeday waana inaad candhuuftaada dib u liqdaa oo iskaga tagtaa oo aad dib u raadsata mid kale oo aad hadana berito ugu bilawdo hab shukaansigan; haddii kale oo aad isa sii maqiiqdo, waxa laguu aqoonsan doona nin gabadh kufsan raba ama kufsaday taasoo mushkilad iyo dhibaato weyn kugu keeni doonta.
F.G. tan aan shuqulkaas aqoona markaad waalidaas soo qaadaba, waxay markiiba kugu jawaabeysa: Allahay ka Alle oo big (orod) bay odhonaysa waana inaad taasna aad iskaga hadhaa. Dhinaca kale, inkastoo aan shaki weyn ka qabay inu qorshuhu iga buro iyo inkale maadaama aan gabadh la yidhaahdo Batuulo aan calaamadaystay taasoo hablaha caanodiiqda ugu weynayd uuguna dheerayd aadna u xooganayd oo nin legdinta yaqaan mooyaane aanu nin kale ka ag wareegi karin, sababta aan u soo doortay ay ahayd malahaa iyada ugu khibrad badan oo hore ayaa qaar kale ku soo waasheen. 

Hadaba, si aaney gabadhu ii legdin qorshuhuna aanu iga burburin, waxaan, isla markii, aan Waashayba, Batuulo liqsiiyey bahal sabaaxad ah taasoo ah hab legdineed aaney weligeed arag ama aaney aqoon waanu iska wada khayrnay ( guurkiina waa ku heshiinay ) inkastoo aan mar dambe isku qoomameeyey oo is idhi: Bal gefkan iyo maqaadiirtan aad saadsatay, haddii bal markii uu Eebe ku waali lahaa, ileyn marbay samadu furantahaye: Seed Yeeli Lahayd?
Istaaq furullaahi Kuli Dambi, Aamin.

Farah Ali Jama. Ottawa, Canada.



Posted on Wednesday, February 22 @ 01:28:11 AST by admin



hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan - hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : mahdi
Subject : Re : hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan
Date : 2008-07-26
hi all people somali

Name : zahra
Subject : Re :hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan
Date : 2008-11-30
hay waalo iskaa waarna
Name : zaki
Subject : Re :hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan
Date : 2009-09-10
walaal waan idin salaamay salaan kadib
waxaan ka codsanayaa bahda websedka ka mas,uul ah ineey ku soo daraan shukaansi ama hadalo is weydaarsi ah mahadsanidiin

[ Reply ]



Name : zahra
Subject : Re : hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan
Date : 2008-11-30
hy dad waayna somliyed

Name : zahra
Subject : Re :hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan
Date : 2008-11-30
waa laag qaaday

[ Reply ]



Name : guureeye
Subject : Re : hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan
Date : 2009-01-14
waligay sheeka ka qosol badan intaan arkay way yartahay
war adduunku yaab badanaa!

Name : khalid
Subject : Re :hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan
Date : 2009-11-22
anaa wasa wixii soo hadal qaada hargatsa naagayow naaguhu dhaleen kadaaya af kiina yraaya hargaysa

[ Reply ]



Name : sabriye
Subject : Re : hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan
Date : 2009-04-21
waan idin salamay dhamaan iqiyaar ta oodhan iyo madax da sharaf ta leh ee hal kaan is kugu timid

Name : xasaan
Subject : Re :hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan
Date : 2013-03-20
abaayo iska waraan?

[ Reply ]



Name : Anaa wasa Somaliland
Subject : Re : hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan
Date : 2009-04-29
Ilaan hadaan kayaabay sheekadaan waa sheeko eey qoreen Dameerta Hargeesa joogta waayo waa sheeko cawaaneed.


[ Reply ]



Name : qees
Subject : Re : hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan
Date : 2009-05-16
maka ceeyka waa qees waxaa doonayaa jaceel dhab ah

Name : Kuuntawaareey
Subject : Re :hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan
Date : 2009-05-23
Walalow qees makaa dhabaa
Name : Kuuntawaareey
Subject : Re :hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan
Date : 2009-05-23
Ceebey tacaal. ma nin reer soomali land ah baa dad doqonimo ku cayn
Name : abdifatah
Subject : Re :hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan
Date : 2009-08-28
sxb sheekadaan waxay u eg tahay maskax ku samays ee wax dhacay oo dhab ah ka hadal mahadsanid
Name : somalilanad socotoo nalkeey siraateen wedaniyaha
Subject : Re :hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan
Date : 2009-12-16
ya hala dhamantiin wan idin saalamey
Name : foodeey
Subject : Re :hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan
Date : 2009-12-21
guurdoon
Name : Tamaan
Subject : Re :hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan
Date : 2012-08-16
Waa sheeko khayaali iyo riyo lagu dhisay

[ Reply ]


Pages : [ hab shukaansi qarsoon oo gef, saadsi maqaadiireed, iyo waali ku saleysan 1 ]