Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
British MEP: Somaliland recognition by the international community is over due       Gabadh Fannaanad/Xildhibaanad U Dhalatay JSL Oo Maanta Lagu Dilay Muqdisho.       Xukuumadda JSL Oo Soo Marti-Qaaday Ergayga Gaarka Ah Ee QM.       Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Waddani Iyo Kulmiye Oo Socdaal Ku Jooga J. Jabuuti       Qoraallo..........Maqaallo........... Articles........       Magacaabid Xil Cusub Ururka SSE       Xukuumadda JSL Oo Ka Hadashay Wada-Hadalada JSL & Somalia       Xukuumadda JSL Oo Sheegtay Xilliga La Furayo Xadka U dhexeeya Ethiopia       Israa\'iil Oo Ku Bilawday qaza Weerar Dhulka Ah.      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
Oodweynenews
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.
Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

wararkii wargeyska geeska afrika

wararkii wargeyska geeska afrika

News


 
Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay In Aqoonsi Beesha Caalamku siiso Somaliland ka hortagi Karo Isballaadhinta Maxkamadaha Muqdisho


Addis Ababa (Geeska)- Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa tilmaamay in Somaliland oo Beesha Caalamku aqoonsato ay  ka hortagi karto Isbalaadhinta Maamulka Maxkamadaha Muqdisho ku doonayaan inay ku fidaan dhammaan dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Isaga oo Wasiirku ka hadlayay shirjaraa’id oo uu khamiistii doraad ku qabtay magaalada Addis-Ababa ka hor intii aanu ka soo dhoofin waxa uu ku eedeeyay Maxkamadaha Islaamiga ah inay Geeska Afrika ka wadaan dhibaato sababi karta dagaal qarxa oo saameeya gobolka Geeska Afrika,  isaga oo sheegay inay dawladda Itoobiya ka codsadeen inay wadamada dunida gaar ahaan Midowga ku dhiiri geliso aqoonsiga Somaliland.

Shirka jaraa’id oo ay ka qayb galleen saxaafadda dalka Itoobiya iyo wakiilada
Warbaahinta Caalamiga ah waxa uu Wasiirku ka akhriyay warsaxaafadeed uu ku yidhi sidan:

“Aniga iyo xubnaha wefdiga Somaliland waxaanu halkan joognay dhawrkii maalmood ee tegay, waxaanu ku joognay  martiqaad uu noo fidiyay  ururka MIdowga Afrika (EU), si aanu noogalo tashado arrinta Somaliland  iyo  tab balaadhan ee   Geeska Afrika.

Sida aad la socotaan ee xaqiiqada ah 15-kii sanadood ee tegay Somaliland waxay ku hawlanayd  nidaamka dhisitaanka qaran oo ay ku jiraan dib u heshiisiin, hubka Dhigis, Dhisitaanka hay’adaha dawlada iyo dastuurka caamka ah, Xisbiyada badan  iyo dhiiri gelinta suqa xorta ah ee dhaqaalaha.

15-kaa  sanadood  Somaliland waxay ku naaloonaysay Nabad gelyo , Degenaansho  iyo horumar, Somaliland waxay kaalin  muuqata ka qaadatay  deganaanshaha gobolka Geeska Afrika, xoojinta Nabad gelyada iyo xasiloonida ka jirta Somaliland.

Waxaanu  kale  oo  aanu adkaynay  Iskaashiga  iyo wada shaqaynta wadamada aanu jaarka nahay, gaar ahaan  Ethiopia oo uu xidhiidhkayagu ku salaysan yahay Iskaashi  Istraatijiyadeed oo wada jir ah.

Somaliland  waxay  u bogaadinaysa una mahadinaysaa  xidhiidhka ay la leedahay  Ethiopia.

Maanta, arrintu siday doonta ha ahaatee  Nidaamkan  hiigsiga lahaa waxa laga yaabaa inaanu  u socon  sidiisii hore marka la eego wajiga siyaasadda ee uu gobolkani Geeska Afrika uu ku  jiro hadda , kaasoo ka soo baxay  ka dib markii ay soo baxday Natiijada  guulo  Milatari oo ay gaadheen  kooxaha Xag jirka ah Midowga Maxkamadaha Islaamiga  ah ee dhinaca Soomaaliyadii uu Talyanaigu  guumaysan jiray.

Somaliland   waxay tahay Bartilmaameed ay beegsadeen argagaxisadu  waxaana hore loogu dilay dhawr ka tirsan khuburada  hay’adaha Samo falka.

Intii  uu wefdigani joogay  Addis ababa waxaanu la kulanay  gudoomiyaha Guddida Midowga Afrika (AU)  H.E Prof Alfo Oumar Konare, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ethiopia   H.E Mr Seyoum Mesfin, Wasiirka Arrimaha Dibada Rwanda, Wakiilada  Midowga Yurub (EU)  iyo safiirada Wadamada : Britain, Kenya , Zambia.

Sida  aad xusuusataan, guddida Midnimada Afrika Au  wuxuu wadankayagu u soo diray Guddi xaqiiqo Raadina Somaliland, kuwaas oo la soo noqday warbixin waxyaabihii  ay soo arkeen.

Safarkayagan  waa daba gal  arrimahaasi  iyo inaanu arrintayada soo bandhigno oo ka mid yihiin : Nabad gelyada, Waxbarashada, Heshiisyada labada dhinac (Laba dawladood), Caawimooyinka dhinacyada badan isugu jira, iyadoo arrintan  ku xidhan waxaan u soo jeediyay una dhiibay qoraalka dhinaca Arrimaha  Caawimooyinka ah gudoomiyaha Midowga Afrika (AU), Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ethiopia iyo Midowga Yurub, qoraalkaasi  wuxuu samaynayay  baahida dhinacyada  Somaliland  ilaa heerkan.

  1. dhisida  dhamaan  ciidamada Amaanka  oo ay ku jiraan Booliiska , Ciidamada Milatariga, ilaalada xeebaha, kooxaha la dagaalanka Argagaxisada iyo unugyada sirdoonka, intooda badan loo dhisyao  asbaab Difaac.
  2. Caawimada qaabka waxbarashada oo heer walba leh.
  3. In la siiyo Somaliland  caawimo  toos ah sida mid laba dhinac ah  iyo mid Iskaashi dhinacyo badan ah  (Dhawr dawladood ), si loo hir geliyo  dhismaha     Waxyaabaha  muhiimka ah (Infrastructure).
Waxaan jecelahay  inaan  xuso in xaaladda Soomaaliya oo ay inteeda badan hadda hogaaminayaan Maxkamadaha Islaamiga ahi inay tahay mid  ina khusaya dhamaanteen, gaar ahaan anaga Somaliland.

Xaaladani  waa mid khatar ku ah dimuqraadiyada, Deganaanshaha iyo Nabad gelyada  , taasoo aanu soo dhisaynay 15-kii sanadood  ee tegay , ma aha dhibaato  ku dhacaysa Somaliland oo kaliya ee waa dhibaato  ku dhacaysa gobolka Geeska Afrila oo dhan si  ka si weyn , si dhibaatada looga hor tagao waa Masuuliyad wada jir ah  dhamaan dhinacyada Nabad gelyada jecel ee gobolkan (Geeska Afrika),  dhinacyayga  waxaanu qaadnay  tallaabooyin  Istraatiiji ah si looga hor tago  dhibaatooyinka ka imahnaya Maxkamadaha Islaamia ah.

Somaliland   waxay Fulinaysaa xeerarka iyo qawaaniinta caalamiga ah, weligeedna uma dabcayso  nooc kasta oo argagaxiso  ah sida ku xusan dastuurka Somaliland.

Somaliland waxay  sii wadaysaa in ay  ka  gaysato  deganaansho  iyo Nabad gelyada  gobolka,  waxaanay Somaliland ka  shaqaynaysaa kor  u qaadista Iskaashiga iyo horumarinta gobolka.

Somaliland  waxay u soo jeedinaysaa  TFG [Dawladda Imbigaati]  iyo Maxkamadaha Islaamiga   ah inay khilaafkooda dhameeyaan iyagoo  adeegsan hub.

Somaliland  waxay si  cad ugu  war gelinaysaa TFG [Dawladda Imbigaati]  iyo Maxkamadaha Islaamiga ahba in aanay faro gelin  arrimaha Somaliland gudo iyo dibadba.

Tan  aadka ugu muhiimsane waa aqoonsiga Somaliland oo dhiiri gelinaysa in shacabku  ay si wadanimo leh uga hor jeestaan Maxkamadaha Islaamiga ah oo wada  dhibaato   iyo Is balaadhan  joogta ah oo ay ka wadaan gobolka Geeska Afrika.

Ugu  danbayntii dawlada Somaliland waxay ka  doonaysaa Ethiopia  iyo wadamada Kale  ee aanu saaxiibka nahay  ee Afrika  inay  ku dhiiri geliyaan  xubnaha Midowga Afrika, Barwaaqe sooranka, gaar ahaan Afrika, Caribbean  iyo dawladaha Pacifiga inay aqoonsadaan  Somaliland,  Maadaama  qaddiyada Somaliland  la geeyay ururada  Caalamiga ah sida Midowga Yurub, Qaramada Midoobay  ,  Golaha Amaanka iyo Barwaaqo sooranka (Common Wealth).

EHELADA MUWAADINAD AY MAXKAMAD KU TAALADA MAGAALADAL BOSAASO KUXUKUNTAY SHAN SANO OO XADHIGA OO WALAAC KA MUUJIYAY XAALADEEDA CAAFIMAAD.

H
argeysa(Geeska)- Ehelada muwaadinad reer Somaliland oo lagu magacaabo Xaawa Xuseen kuna xidhan  xabsi ku yaala magaalada Boosaaso, ka dib markii Maxkamadda Boosaaso ku xukunta shann sanno oo xadhig ah ayaa werwer iyo walaac ka muujiyay xaaladda ay gabadhaasi ku sugantahay.
Ehelada gabadhan oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika waxa ay sheegeen in dhaawcayadii ka soo gaadhay garaacis lagu sameeyay gabadhoodu u jiifto, iyaga oo xusay inay xaaladeeda Caafimaad liidato.

Faadumo Xusen Xandule oo ay walaalo yihiin Xaawa ayaa  sheegtay in markii qaar ka mida eheladeedu ugu tageen xabsiga ay aad uga dayriyeen xaalkeeda waxanay sheegeen in aanay jeelka dhexdiisa ku helin wax dhakhtar ah  amase caafimaad toona. “taasina waa ta keentay  in uu xaalkeedu sii xumaado.” Ayay tidhi Faadumo oo sheegtay in ilaalada xabsigaasi mararka qaarkood la dhacaan qoriga dabadiisa.

 Faadumo Xusen waxa ay ugu baaqday xukumada Somalialnd iyo ururada xuquuqal insaanka ee ka howlaga Somaliland iyo Puntland in ay wax ka qabtaan intii itaalkooda ah waxanay sheegtay Faadumo in haddii uu Maamulka Puntland sii wado cadaadiska iyo jidh dilka uu ku hayo muwaadiniinta Somaliland taasi sababi doonto in uu isku dhac  dhex maro labada bulsho ee ku kala nool labadaasi deegaan, "Hadii dadka caadiga ah lagu sheego basaasiin iyo dano siyaasadeed oo aanay waxba ka jirin waxa aan filayaa in taasi keenayso in qolo waliba marka dulmi lagu sameeyo ay keenayso in duulaan lagu qaado kuwa kale ee jooga dhinacooda markaa hddii tani nagu dhacday anaguna waayi mayno cid aan wax ku samayno ee waxa aanu intaasi xeerinaynaa in maamulka Bosaaso garto dantiisa oo u tudho dadkiisa jooga Somaliland in aan wax dhibaato ah loo gaysan” ayay tidhi Faadumo.

Sida ay Ehelada Gabadhu Geeska Afrika u sheegeen waxa inantooda lagu eedeeyay inay hawlo basaasnimo oo ka dhan ah Puntland waday iyada oo u adeegaysa Somaliland, waxaanay eheladu tilmaameen in gabadhooda loogu aar gudayo gabadh lagu magacaabi jiray Samsam oo laba sanno ka hor lagu qabtay magaalada Hargeysa laguna eedeeyay inay hawlo basaasnimo ah oo ay ugu adeegayso Puntland waday, balse markii dambe la sii daayay.

21 OKTOOBAR: MAALINTII KACAANKA IYO XUSUUS MURUGO LEH

M
aanta oo ay taariikhdu tahay 21 Oktoobar waxa ay ku beegantahay sannad guuradii 37aad ee ka soo wareegtay maalintii ay talladii dalkii Soomaaliya la wareegeen Saraakiil Milatari oo uu hoggaaminayay Gen. Maxamed Siyaad Barre oo taladii qori caaradii lagaga tuuray sannadkii 1991-kii, ka dib markii uu Madaxweyne ahaa 21 sannadood.
Maxamed Siyaad Barre iyo saraakiishii uu hor kacayay waxa ay talladda ka qaadeen dawladii Rayidka ahayd oo uu Raysalwasaare ka ahaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, iyada oo Madaxweynihi dawladaasna oo ahaa Cabdirashiid Cali Sharmaarka la dilay 15 Oktoobar, dilkaas oo ahaa sababtii ugu weynayd ee ay ka faa’iidaysteen saraakiishaas uu horkacayay Siyaad Barre.

Markii Idaacadii Radio Muqdisho laga sheegay in taladii dalka ay la wareegeen 25 Sarkaal oo Milatari u badnaa waxa dadweynihii sameeyeen isu soo bax iyaga oo u muujiyay taageero, waxaanay saraakiishii uu horkacayay Maxamed Siyaad Barre shacbiga u sameeyeen ballan qaadyo kala duwan waxaanu kacaankii sannadihii u horeeyay sameeyay dhawr qorshe oo ay ka mid ahaayeen Qorshihii horumarinta dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalka, ololihii horumarinta reer miyiga iyo qorista af Soomaaliga oo ah tallaabadii ugu weynayd ee lagu xususto kacaankaasi. Sidoo kale waxa xusid mudan barnaamijkii loogu magac daray iskaa wax u qabso oo lagu hirgeliyay mashaariic iyo dhismayaal badan. Balse arrimahaas waxa barbar socday tallaabooyin iyo arrimo kale oo fuul xun oo uu kacaanku waday sida saddex Sarkaal oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Caynaanshe Guuleed iyo Salaad Gabayre Kediye oo ka mid ahaa raggii inqilaabka la fuliyay Siyaad Barre, kuwaas oo lagu eedeeyay inay  wadeen inqilaab oo toogasho lagu dilay iyo weliba culimo-awdiinkii dhegta dhiiga loo daray ka dib markii ay ka soo horjeesteen xeerkii qoyska ee sinaanta ragga iyo dumarka.

Waxa xaalku cakirmay markii sannadkii 1977 uu dagaal dhex maray dalkii Soomaaliya iyo dawladii Itoobiya, kaas oo aakhirkii Soomaaliya u horseeday burbur milatari iyo mid dhaqaale, waxaana markiiba bilaabantay Mucaaradad gudaha ah lagaga soo horjeedo taliskii kacaanka iyada oo ay dibadda u baxday jabhadii ugu horaysay ee SSDF oo ka dhalatay ka dib markii ay kacdoon dhigeen dadkii degenaa goboladii Waqooyi bari ee dalka Soomaaliya. SSDF waxa ku xigtay Jabhadii SNM oo la aasaasay sannadkii 1981, ka dib markii shacbiga reer Somaliland ka dhiidhiyeen cadaadiskii iyo xasuuqii ay dawladii Siyaad Barre kula kacday. Taliskii Siyaad Barre waxa uu hadh cad badhka geeyay oo uu xasuuqay shacbiga Somaliland gaar ahaan hal doorkoodii sida aqoonyahankii iyo wax garadkii bulshada, waxaanay taasi soo dedejisay in halgankii SNM sii xoogaysto iyada oo ay xukuumadii siyaad Barre iskaga horyimaadeen dagaalo xoogan oo Siyaad Barre lagu wiiqay cududiisii. Sidoo kale waxa ay SNM madax madax isugu soo tuurtay gudaha magaalooyinkii Somaliland sida Burco iyo Hargeysa. Markii jabhadii SNM xoogaysatay halgankii waxa magaalada Xamar habeen madow laga ururiyay dad tiro badan oo reer Somaliland ah oo goor habeenimo ah laga xasuuqay xeebta Jasiira ee duleedka Xamar. Geesinimadii Jabhadii SNM waxay horseeday inay abuurmaan jabhado kale sida SPM iyo USC, waxaana bilaabantay inay wiiqanto cududii ciidan ee Maxamed Siyaad Bare, waxaana aakhirkii dhacday in Siyaad Barre loogu galo gudaha magaalada Muqdisho lagana tuuro taladii uu xoogga ku qabsaday, waxaanu ku geeriyooday dalka Nayjeeriya sannadkii 1995. laakiin talladii laga tuuray iyo geeridiisii toona may dhammayn in dhibaatadi xal loo helo, waxaana Soomaaliya ka qarxay dagaalo sokeeye iyada oo wixii la odhan jiray goboladii waqooyina lagaga dhawaaqay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland oo xornimadeedii kala soo noqotay Koonfur halka Koonfurtina ku jirto jaha wareer iyo qalalaase.

Magacyada Xubnihii Golaha Sare ee Kacaanku waxa ay kala ahaayeen:

1. Maj. Gen. Maxamed Siyaad Barre (Militeri)

2. Maj. Gen Jaamac Cali Qorsheel (Boolis))

3. Brig. Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed (Militeri) )

4. Brig. General Xuseyn Kulmiye Afrax (Boolis))

5. Brig. Gen. Salaad Gabeyre Kediye (Militeri))

6. Brig. Gen. Maxamed Cali Samatar (Militeri) )

7. Brig. Gen. Cabdalla Maxamed Faadhil (Militeri))

8. Col. Cali Mataan Xaashi (Militeri) )

9. Col. Axmed Maxamuud Cadde (Boolis))

10. Col. Maxamuud Mire Muuse (Boolis))

11. Lt. Col. Ismaaciil Cali Abokar (Militeri) )

12. Lt. Col. Axmed Suleymaan Cabdalla (Militeri)

13. Lt. Col. Maxamed Sheekh Cusmaan (Boolis) )

14. Lt. Col. Maxamed Cali Shire (Militeri))

15. Lt. Col. Maxamuud Geele Yuusuf (Militeri)

16. Lt. Col. Faarax Waceys Duule (Militeri))

17. Lt. Col. Axmed Maxamuud Faarax (Militeri)

18. Lt. Col. Axmed Xasan Muuse (Militeri)

19. Maj. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar (Militeri)

20. Maj. Bashiir Yusuf Cilmi (Militeri))

21. Maj. Cadulqaadir Xaaji Maxamed (Militeri)

22. Maj. Maxamed Cumar Jees (Militeri) )

23. Maj. Cusmaan Maxamed Jeele (Militeri)

24. Maj. Muuse Rabiile Good (Militeri)

25 Maj. Cabdi Warsame Isaaq (Militeri).


BAAQ WACYIGALINEED

A

nnagoo matalayna dhamaan da a yarta aqoonyahanka ah ee qaybaha kala duwan ee dhalinyarada, haday tahay ARDAYDA JAAMACADAHA (kuwii qalin jabiyay iyo kuwa ku jiraba), URURADA DHALINYARADA EE ARIMAHA BULSHADA,AQOONYAHANKA DAYARTA AH EE DIBEDAHA WAX KASOO BARTAY iyo ARDAYDA DUGSIYADA SARE ee dalka, waxaanu baaqan wacyigalineed xagan ugasoo jeedinaynaa guud ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshoweynta JSL, gaar ahaan dhalinyarada oo ah cida had iyo goor ay tahay inay noqdaan kuwii heegan u ahaada ee meel ugasoo wada jeeda taageerida iyo taakulaynta danaha dadkooda iyo dalkooda.

Iyadoo ay baryahan danbe madaqadan GEESKA xaalado cusubi kasoo kordhayaan oo ayaa dhalinta aqoonyahanka ah looga baahan yahay inay la jaanqaadaan waayaha iyo wadciga hadba soo kordhaa wixii uu saamayn kaga yeelan karo DALKEENA, waxaana in la timaamo u baahan tan ugu danbaysay ee kuwa aan jeclayn qarankan iskii u dhaqaaqay ay jecel yihiin sidii ay amnigiisa iyo horumarkiisaba u waxyeelayn lahaayeen oo sababtay inay dhamaanba UMADA WADANKANI indhaha ka qarsan kari weyday oo dhinacyo badan oo DAWLADA iyo CULIMAA U DIINKA iyo ODAYASHA DHAQANKUBA ka hadleen, ayna kasoo saareen hadalo wax ku ool ah oo umadana wax u taraaya cidaasna waajibaadkoodu intuu yahay u tilmaami kara ayaa hadaba muhiim noqotay inay DHALINYARADUNA siday tahay taageero ula garab istaagaan SHACBIGOODA IYO DAWLADOODABA, annagoo ugu baaqayna sidan soo socota:-

TALO SOO JEEDIN (DHALINYARADA SOMALILAND).

Maadaama ay dhalinta tahay meelaha umadi ka tiirto amma ka liicdo ayaanu lee nahay cida kaliya ee loobaahan yahay inay caqligooga iyo cududoodaba uga faa iideeyaan umadoodu waa dhalinta ee noqda kuwo MUWAADINIMADOODU dhabka tahay.

Iyadoo dhalinta tahay kuwa ugu nugul insi aan wacnayn looga faa iidaysto laguna jiheeyo waxaanay dani ugu jiri Karin ayaa muhiim tahay in qofkasta oo dhalinyaro ahi ilaashado NABDIISA iyo DANTA GUUD ee umada ka dhaxaysa.

In ninkasta oo dhalinyaro ah waajib ka saran yahay in wixii umadiisa aan ku haboonayn ee uu arko garashadiisa ka cabiro oo aannu noqon mid ka aamusa loogana baahan yahay inuu wax ka idhaahdo oo umadiisana ka wacyi galiyo waxa burbur iyo baaba a  u horseedaaya.

Umadani waxay lahaayeen DHAQAN soo jireena iyo DIIN ay ilaa awaw ka awaw ku abtirsanaysay ee aynu wada ilaali oo meel marino dhalinyaro ahaan.

Iyadoo marwalba ay bulsho isu xidhani ka wanaagsan tahay mid baabasan ayaan kula talinaynaa dhalinta inay isu xidhnaashahooda iyo wada tashigooda sii xoojiyaan.

TALO SOO JEEDIN (DAWLADA SOMALILAND)

Waxaanu DAWLADAAYADA usoo jeedinaynaa inay marwalba diyaar u ahaato horumrinta DHALINYARA ee dhinacyada kala duwan leh.

Inay dhag u yeeshaan BAAQYADA talo soojeedineed ee kasoo baxaDHALINYARADA, AQOON YAHANKA, CULIMAA U DIINKA iyo ASXAABTA QARANKABA ee dalka iyo dadka dani ugu jirto FICILNA loo badalo si GUUL looga gaadho.

Si amaanka aynu ku naaloonaa uu u noqdo mid waara dedaalkiina dawladnimo kor usii qaadaan.

TALO SOO JEEDIN (AXSAABTA QARANKA)

Iyadoo asxaabtu yihiin calaamadaha tilmaamaaya amma lagu garawsan karo in BULSHO horumar ku talaabsatay ayaanu leenahay XOOJIYA wada shaqaynta aad DHALINYARADA la leedihiin ee kuwaajahan horumarinta danaha UMADA

TALO SOO JEEDIN (SHACABKA RAYIDKA AH)

Waxaa mar walba wanaagsan in SHACABKA UMADANI ahaado mid udhaga nugul talooyinka DAWLADA, DHALINYARADA, CULIMADADIINTA, iyo ODAYAASHA DHAQANKUBA uga soo jeediyaan hadba xaaladaha uu dalku maraaayo

Waxaa GUUL dhaliinyara gaadhsiinkara haduu shacabkoodu noqdo mid ay DHIIRIGALIN ka heli karaan.

Mar labaad waxaan leenahay bulshawaynta reer soomaaliland meel halooga wada soo jeesto cidkasta oo qaranimada iyo jiritaanka soomaalilnd ka dhanka ah iyo in ay iska qabtaan dadka qalaan qalka ku keeni kara gudaha iyo dibedaba

DHINACA MAXAAKIIMTA iyo CIDII KASTA EE CADOW KU AH DANAHA IYO JIRITAANKA SOMALILAND

Iyadoo dhalinyaradu tahay cidii usoo halgantay WADANKAN SOMALILAND XORAYSAYNA, waxay maantana si wada jira uga midaysan yihiin siday iskaga kaashan lahaayeen cidkasta oo BURBUR iyo BAROKAC u horseedaya, isla markaana sharafta iyo sumcada Somaliland wiiqaya.

Waxaan leenahay wadadan sheeganaya maxaakimta in dhalinta reer Somaliland ay tahay mid isku duubaan hab diimeedna looga faadiisan Karin.

Dhalinta reer Somaliland waxay tilmaan ahaan   ugu soo jeedinayaan qolooyinka isku magaacaabay maxaakimta in ay ku koobnaadaan inta uu dalkoodu  yahay.

Waxaanu leenahay maxaakiimta inaanay marna diin u tilmaamin cid uga aqoon badan

GEBOGEBADII BAAQA

Gabagabada iyo gunaanadka baaqani wuxuu noqondoonaa mid ay dhalinyaradu mar walba diyaar ugu ahaan doonto in ay barnaamijyo noocan ah mar walba u soo diyaariyaan bulshawaynta reer soomaaliland oo noqon doona barnaamijyo isku xidha Bulshada reer soomaaliland  Dhiirina galindoona isku duubnaanta iyo wada shaqaynta bulshada  ka Dhaxaysa

Guuleed Caydaruus Cige

Mustafe Bashiir Faarax

Ismaaciil C/laahi Ismaaciil

C/qaadir Muxumed Guuleed

Pro Maxamed C/laahi Ducaale

Cabdala Ismaaciil Yaasiin

C/raxmaan Aw-cabdi Ibraahim

Maxamed Cabdi Yuusuf

Axmed Ismaaciil Daahir

Cabdi-jaliil C/raxmaan Sheekh Bashiir


Wefti ka socda shirkad  ganacsi oo Shiine ah oo booqday Magaalada Berbera


Berbera(Geeska)- Wefti ka kooban labo xubnood oo shiine ah ayaa soo gaadhay magaalada Berbera toddobaadkan, kaas oo ay hogaaminaysay Haweenay  Shiine ah lagu magacaabo sulifto oo ku tilmaamtay ujeedada socdaalkeeda u kuurgalida xaalada ganacsi ee Somaliland.

Weftigan oo uu la kulmay weriyaha Geeska Afrika ee gobolka Saaxil Mr. Cabdikariim Saalax, waxa ay sheegtay haweenaydaasi in ay haatan ka soo socdaashay Xarunta Shirkad ay sheegtay inay madax ka tahay oo ah magaalada Adiss Ababa ee dalka Itoobiya.


Haddaba weftigan labada xubnood ka kooban ayaa booqday goobo ka tirsan Berbera taas oo ay booqashadooda uu horkacaya Badhasaab ku xigeenka Gobolka Saaxil Maxamed Muuse Cabdale Soobe waxaanay Weftigu booqdeen xarunta Dekeda Berbera halkaasi oo ay indho indheyn ku sameeyeen xaalada Ganacsi ee Dekeda Berbera


isla markaasina waxay kusoo wareegeen qeybaha kala duwan ee Dekeda Berbera isla markaasi weftiga oo socdaalkiisa sii wata waxay booqdeen xarunta Kaluunka ee Berbera ee lagu magacaabo Negfishta halkaasi oo ay la kala tusay qeybaheeda kala duwan iaydoo ay weftigu siweyn ula yaabeen xarunta qeybaheeda oo dhawaan ay shirkad talyaani ahi ku sameysay dayactir balaadhan isla markaasi maamulka xarunta kaluunka ayaa weftia ugu deeqay Kaluunkii ay xaruntaasi ku kaydinayeen.


Mrs Sulifto oo aan wax ka weydiiyey socdaalkeeda ayaa sheegtay inay socdaalkeedan ku faraxsantahay Haweenaydu waxa ay xustay inay jiraan fursado badan oo ganacsi oo ay ka hirgalin karto somaliland Mar aan wax ka weydiiyey sababta ku kaliftay socdaalkeedan somalialnd waxay tidhi “waxaan Addis-Ababa kula kulmay Safiirka Somaliland u joogay Itoobiya kaasi oo igu booriyey in aan booqday somaliland waxaanan aad ugu mahadnaqaya sida sharafta mudan ee reer Somaliland oo si weyn ee sida iisoo dhaweeyey.”


 Mrs Sulifto oo ka hadlaysa Shirkada ay Maareeyaha ka tahay iyo waxyaabaha ay ka qaban karto somaliland waxay Tidhi “ Runtii waxaan odhan karaa Somaliland waa dal dihin oo u baahan maalgashi iyo xidhiidh ganacsi oo la wadaago taasna waxa igu dhiirigaliyey Safiirka Somaliland u jooga dalka Itoobiya oo aanu ku kulanay Adiss Ababa, Hadaanu usoo noqdo Arimaha uu qaban karto shirkada aan kasocdaa horta waa shirkad Ganacsi oo siweyn u danaynaysa horumarinta arimaha Qaarada Afrika, xaruntayada Afriakna waa Addis Ababa”


Inkastoo ay weftigani aad ugu mabsuudeen xaalada guud ee magaalada Berbera waxa hadana umay suuro galin inay la kulmaan madaxda sare ee Gobolka kuwaasi oo xiligaasi ku maqnaa Dabaan oo ay u raaceen weftigii ka socday Shirkada Jarmalka ah, Mrs Sulifto oo ka hadlaysa arintaas ayaa sheegtay in ay aad ugu qanacsantahay muuqaalka ay ka qaadatay magaalada Berbera wax dhibaato ahna aanay ku hayn madaxdaasi maadaama ay sheegtay inay gaadhay ujeedadeedii.


 SOURCE: WARGEYSKA GEESKA AFRIKA OO HARGEYSA KA SOO BAXA


Posted on Saturday, October 21 @ 16:39:39 AST by editor



wararkii wargeyska geeska afrika - wararkii wargeyska geeska afrika
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.