Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
La-taliyaha Sharciga Ee Golaha Wakiillada JSL Oo Qoraal Soo Saaray.Guulaystaal Lagu Abaal Mariyay Waxbarashada Diinta Islaamka.Doorashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka JSL.Somaliland - Visiting The Villages Being Saved.....Speech By UK Ambassador to Somalia At Hargeisa Book FairDalalka Reer Galbeedka Oo Isha Ku Haya Doorashada JSL.Xukuumadda JSL Oo Ergay Gaar Ah U Magacawday Wada-hadalada DF-da Somalia.Bandhigga Caalamiga Ah Ee Buugaagta Hargeysa Oo Furmay.Dhoofkii Xoolihii Somaliland Oo Uu Sacuudigu Dhinaciisa Fasaxay..
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main


- Home - News - Articles - Health - Opinion - Feedback - Search - Archive - Submit News

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
Oodweynenews
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.
Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

guulaystaal lagu abaal mariyay waxbarashada diinta islaamka.

guulaystaal lagu abaal mariyay waxbarashada diinta islaamka.

News


 Arday ka qalin jebisay Macaahidda Daaru-Al-Quraan ee Magaalada Hargeysa ayaa maanta la guddoonsiiyey abaal marino kala duwan.








Munaasibada ardaydan lagu abaal marinayey oo ka qabsoontay laanta sadexaad ee macaahida Daarul Quraan ayaa abaal marino lagu gudoonsiiyey arday dhamaysatay barashada shareecada islaamka, xifdiga quraanka kariimka ah iyo ardaydii ugu akhlaaqda wanaagsanady. Munaasibadan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay ayaa waxa ka qayb galay badhasaabka Gobolka Saraar, Maamulaha Guud ee Macaahidda Daaru-Al-Qur'aan, Culimaau'diin, Abwaano, Mas'uuliyiin, Waalidiin, Macalimiinta Macaahidda iyo Marti-sharaf kale oo qiimo badan.
Maamulaha guud ee macaahid Daaru-Al-Qur'aan Md. Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ka hadlay munaasabaddan ayaa ka war bixiyey muddadii ay jireen Macaahidda Daaru-Al-Qur'aan iyo ardayda ka qalin jebinaya maanta “Macaahidda Daaru-Al -Qur'aan waa sanadkii 19aad ee ay furan tahay sanadka dambana 20ka ayaa u buuxsamaya, wakhtigii aanu furnay waxay ahayd sanadkii 1998kii, waalidkii iigu horeeyey ee ii yimidna


ilaa maanta wuu i hor fadhiyaa oo waxa dhigta qaar ka mid ah caruurtiisa, waana macaahiddii ugu horaysay ee aynu dalka ku bilawnay nidaamka cusub ee lagu xifdiyo Quraanka Kariimka ah, Illaahayna waa inoo barakeeyey, madaaris badanina way ka farcameen, anigana farxad weyn ayey ii tahay, ardayda Mcaahida Daaru-Al-Quraan ka xifdiday Quraanka Kariimka ah waxay kor u dhaafeen 1,000 ( kun ) Arday, ardayda ka baxday Macaahidda Daaru-Al-Qur'aan qaarkood shahaadooyinka ugu saraysa ee PHD ayey wataan, qaarkood waa macalimiin, qaarna waa maamulayaal”.

Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey, “Daaru-Al-Quraan waxay ka kooban tahay sadex qaybood marka la eego tacliinta aanu dhigno, xagga laamahana waxay ka kooban tahay afar, xagga tacliinta waxay u qaybsantaa qaybta xifdiga quraanka, qaybta shareecada oo aanu ugu talo galnay in ardayda dhammaysta xifdiga quraanku ay bartaan shareecada xagga diinta oo ay ku qaataan shahaadada 'Diploma',  qaybina waa iskuul la yidhaado Horseed, kaas oo ka kooban sadex laamood oo magaalada ku kala yaala.”


Sidaas oo kale Sheekh Maxamed Aadan ayaa ardayda iyo waaliidiintoodaba kula dardaarmay in ay ku dedaalaan xifdiga Quraanka Kariimka ah iyo barashada culuumta diinta islaamka. Sidaas oo kale waxa munaasabaddan ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Biixi, kaas oo ka waramay waayihii kala duwanaa ee lala soo maray xifdiga Quraanka Kariimka ah, waxaanu Sheekh Maxamed Aadan Ku ammaanay heerka uu soo gaadhsiiyey Macaahidda Daaru-Al-Quraan.


Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Jumhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Maareeyaha Telefishanka Qaranka Md. Khadar Maxamed Cakule, Waalidiin iyo Marti-sharaf kale, kuwaas oo dhamaantood ka waramay muhiimadda ay leedahay in caruurta lagu barbaariyo xifdiga Quraanka Kariimka iyo culuumta diinta islaamka, waxaanay u mahad celiyeen maamulka guud iyo macalimiinta Macaahidda Daaru-Al-Qur'aan iyo heerka ay soo gaadhsiiyeen xifdiga Quraanka Kariimka ah.

Ugu dambayn Badhasaabka Gobolka Saraar Md. Cali Maxamed Faarax oo ka hadlay munaasabadan ayaa maamulka iyo macalimiinta Macaahidda Daaru-Al-Quraan ku ammaanay heerka ay soo gaadhsiiyeen xifdiga Quraanka Kariimka iyo Barashada Shareecada Islaamka.


Waxaanu ku booriyey in ay dedaalka halkaas ka sii wadaan, isaga oo si gaar ah u xusay in ubadkiisa oo ka mid ah ardayda mac-hadku ay tarbiyad fiican iyo aqoon diineedba ka heleen macaahida Daaru-Al-Quraan.

SL Media
 

Posted on Thursday, August 10 @ 21:03:52 UTC by admin



guulaystaal lagu abaal mariyay waxbarashada diinta islaamka. - guulaystaal lagu abaal mariyay waxbarashada diinta islaamka.

The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : Xerow
Subject : Re : guulaystaal lagu abaal mariyay waxbarashada diinta islaamka.
Date : 2017-08-10
Wararkii Aduunyada ayaa lagu talax tegay oo ina jiitay ee waa kuwan wararka loo baahnaa inay dadku xoogga saaraan sidii loogu toosi lahaa.

Illaahaow Na Gaadhsii Aduun Wanaagsan Iyo Aakhiro Wanaagsan. Aaammmiiiin.

Name : Yaabane
Subject : Re :guulaystaal lagu abaal mariyay waxbarashada diinta islaamka.
Date : 2017-08-11
Amb. Cawil Xaaji Cali oo ah ninka keli ah, waa haddii aan runta la is diidsiineyn, ee Somaliland ka saari kara xilliga adag ee ku soo fool leh, oo hadda la socda weftiga Kulmiye ayaa khudbado ka jeedinayayey meel kasta oo weftigu maro. Nuxurka khudbadihiisu waxay ahaayeen yaan khaladkii lixdankii la galay oo kale lagu noqon. Si aan taasu dhicinna ay tahay in la doorto kulmiye. Amb. Cawil ma waxaynaan ogeyn buu ogyahay, digniintiisu maxay salka ku haysaa.
Inkasta on jeclaa inaan Waddani taageero markan, haddan cidna ka qarsan maayo in Amb. Cawil ii yahay role model halk uu marana aan marayo.

Somaliland ha guuleystao oo weligeed ha jirto
Name : Sheekh Bashiir
Subject : Re :guulaystaal lagu abaal mariyay waxbarashada diinta islaamka.
Date : 2017-08-12
Yaabane

Talo:

Adiga iyo Am. Cawil waxaad u baahan tihiin inaad gashaan macaahida Daarulquraan si aad u barataan jidka toosan ee lagu badbaadinayo Somaliland iyo aakhiradiina jano ku gal ah. Kulmiye oo mar kale la doortaa waa sakal kale oo lugta lala galay. Kulmiye oo dhan ma aha oo ma wada khaldana ee waa musharaxa Muuse Biixi oo madaxweyne noqda ( Anigoo wax dili kara duco qaadan maayo ).
Name : Qoslaaye
Subject : Re :guulaystaal lagu abaal mariyay waxbarashada diinta islaamka.
Date : 2017-08-15
Tuducaa "Anigoo wax dili kara duco qaadan maayo nolol kuma dardaarmee debci qorigu hay faro" waxay ku jirtay gabaygii Hadraawi dabahuwan, sidee Muse Biixi loola xidhiidhiyey

[ Reply ]



Name : BWD
Subject : Re : guulaystaal lagu abaal mariyay waxbarashada diinta islaamka.
Date : 2017-08-12
Illaahay khayr ha ka siiyo macalimiinta iyo aasaasayaashii macaahida daarulquraan.

Kaniisad la furtaana waxba ma dhimayso xaaraana ma aha ee waxay ka mid tahay nidaamka dimoqraadiyada iyo xoriyada diimaha iyo qofba waxa uu aaminsan yahay oo aan qasab ahayn.


[ Reply ]



Name : Bili-Bili
Subject : Re : guulaystaal lagu abaal mariyay waxbarashada diinta islaamka.
Date : 2017-08-13
Bili bili. Sheekhul Baladka Borama Oo ka Digay qatarta dhaqan diimeed ku cusub Borama.

https://www.youtube.com/watch?v=XFXhCvakj9E

Name : 21
Subject : Re :guulaystaal lagu abaal mariyay waxbarashada diinta islaamka.
Date : 2017-08-14
Hora ilaahbaa idinku dhaarshee cirro miyuu hurdo kasoo kacay markuu lahaa askartaan guryo u wada dhisayaa wax iga yaabiyay runti no booze meeyey
Name : Sheekha
Subject : Re :guulaystaal lagu abaal mariyay waxbarashada diinta islaamka.
Date : 2017-08-14
21kii Oktoobarow.

Bal u fiirso waxa laga hadlayo iyo waxaad meesha ku soo qortay. Waxaad u ektahay inaad ka mid tahay hadhaagii 21kii Octoobar hadaad garanayso wuxuu ahaa. Illaahayow naga yeel kuwaad soo hadayso.
Name : Waaheen
Subject : Re :guulaystaal lagu abaal mariyay waxbarashada diinta islaamka.
Date : 2017-08-15
Ha la joojiyo gebi ahaanba ballanqaadyada siyaasadaysan ee loo samaynayo ciidamada, ciidmadu wa anaftood hurayaal u diyaara difaaca dalka xataa haddii mushahar loo waayo waa shaqaynayaan.
Waxa iyana muuqata inaan Cirro lahayn la taliyeyaal wanaagsan. Ciidamadu waa in ka badan soddon kun, qofkastaana waa garanayaa inaan sododon kun oo guri oo u dhiganta maaglo weyn oo Hargeisa ka weyn inaan si fudud lagu dhisi karin.
Name : Cirro failed
Subject : Re :guulaystaal lagu abaal mariyay waxbarashada diinta islaamka.
Date : 2017-08-15
Cirro somaliland dan kama leh inuu Muuse qabsado isaga waxa uga fudud inay baabadaba inagu waxbaa arkayaa wuxuu rabaa inuu dalka lhalkhal galiyo ow lakiinse miduun ila ogaada cirro ma qabsanayo waligi ha aamini haduu qabsado cirro waligiiba sida qoraxday u cadahay
Name : Biixi
Subject : Re :guulaystaal lagu abaal mariyay waxbarashada diinta islaamka.
Date : 2017-08-15
Ilaahaow noo door Mudane Cirro. Waayo danta Somaliland ayaa ku jirta. Marxaladaha maanta la marayo ee dal iyo dad iyo dantu waxay maanta ku jirtaa madaxnimada Mudane Cirro
Name : Yaasiinka
Subject : Re :guulaystaal lagu abaal mariyay waxbarashada diinta islaamka.
Date : 2017-08-16
Yaa garanya cidda ka damabysa labada TV Channel ee Saab iyo Eryal. Labduba waxay fidinayaan wxayaalo liddi ku ah qaranimada Somaliland, waxana aad modaa in odaygii Jaamac Maxamed Qaalib uu duulaan cusub ku soo qaaday Somaliland isagoo istcimaalaya labdaa channel
Name : Qix
Subject : Re :guulaystaal lagu abaal mariyay waxbarashada diinta islaamka.
Date : 2017-08-16
Nala dooranayaa horta
Name : Indhobadan
Subject : Re :guulaystaal lagu abaal mariyay waxbarashada diinta islaamka.
Date : 2017-08-17
Yaasiinka,

TVga Eryal waxaad u fiirsataa backroundkiisa oo ha calankii buluugga ahaa ee Somaliya, waxase is weydiintu tahay sidee bay ku dhacday in TVgaasi xaruntiisu tahay Hargeysa, iyadoo weliba qaar ka mid ah weriyeyaashii Star TV ka hawlgalaan.
Waa inaynu donaa cida ka dabaysa labdaa TV ee maalgelisa. Saab wax tuhunku u badna yahay dhinaca Jabouti, Eryalna dhinaca Somaliya. Sida aad sheegtayn waa dhba in duulaan qarsooni inagu socdo, laakiin eeday wasaaradii warfaafinta ee dalku.

[ Reply ]


Pages : [ guulaystaal lagu abaal mariyay waxbarashada diinta islaamka. 1 ]