Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Xukuumadda JSL Oo Ergay Gaar Ah U Magacawday Wada-hadalada DF-da Somalia.Bandhigga Caalamiga Ah Ee Buugaagta Hargeysa Oo Furmay.Dhoofkii Xoolihii Somaliland Oo Uu Sacuudigu Dhinaciisa Fasaxay..Bucshurada Dhoofka Xoolaha Nool Ee JSL Oo Xayiraadii Laga Qaaday.Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Qoray JSL.Kulan Dhexmaray Xukuumadda D'Jibouti Iyo JSL.JSL Oo Dunida U Kala Dirtay Fariin Dadban Oo Dhinaca Wada-Shaqaynta Tooska Ah.Baarlamaanka Ingiriiska Oo La Soo Dhex-dhigay Dood Ku Saabsan JSL.M/Wayne-Ku-Xigeenka JSL Oo Qaabilay Wafti Culus Oo Ka Socday Dawladda Maraykanka
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main


- Home - News - Articles - Health - Opinion - Feedback - Search - Archive - Submit News

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
Oodweynenews
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.
Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

xuska maalinta 18ka may ee jsl.

xuska maalinta 18ka may ee jsl.

News


 http://salaanmedia.com/wp-content/uploads/2017/05/14.jpgMadaxweynaha Jumhuuriyadda Somaliland ayaa xuska sanad-guuraada 26aad ee dib-ula-soo-noqoshada madax-banaanida J. Somaliland ka hadlay.










http://www.somalilandlaw.com/Somaliland_flag.gif
Md. Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ayaa khudbad dheer ka jeediyey xarunta mamdaxtooyada. Taas oo uu kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya mandaqada.      

Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Sarrifka, Gardarooyinka Somaliya iyo Abaaraha dalka ka jira oo uu sheegay in loo baahan yahay gurmad deg deg ah oo laga galo abaaraha aafada ku noqday qaranka Somaliland. Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in mar labaad dib loo sameeyo gurmad balaadhan oo gargaar loogu fidiyo dadka abaaruhu halakeeyeen.

Khudbada madaxweynaha oo dhamaystiran halkan kaga bogo Taariikhda: 18 May 2017.

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,,, Assalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu...

Mudanayaal iyo Marwooyin, Ugu horreyn, waxaan hambalyo iyo bogaadin ballaadhan u jeedinaya, dhammaan shacbi weynaha Somaliland meel ay joogaanba, Xuska 26 guurada munaasibadda Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18ka May 2017. Si gaar ah, waxaan u boggaadinaya halyey-yada ciidammada qaranka kala duwan ee hadh iyo habeen heegankan ugu jira adkaynta amniga gudaha iyo difaaca qaranka.   Maanta waa maalin weyn, waa maalintii aynu la soo noqonney madax- bannaanideenii murkacatay 1-dii July 1960. Waa maalintii hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo siyaasadda ee ummaddani, ay go'aamiyeen in ay dib u saxaan taladii ay il-duufeen soddon sanno ka hor, 18-kii May 1991. Waxaan caad, iyo ciiro toona saarnayn, muddadaa 26-ka sannadood ah ee aynu ahayn dal iyo dawlad gaar ah, in aynu gaadhnay guulo waaweyn oo ina illowsiiyey xanaftii iyo xanuunkii inaga soo gaadhay 371-kii bilood, ee aynu ka mid ahayn dal weynihii la odhan jiray Soomaaliya.    

Guushaa ballaadhan ee inoo soo hooyatay, waxaa galladeeda iska leh ALLAHEENA weyn ee awoodda badan. Mar labaad, waxaa mudan in aan u mahadnaqo ama u duceeyo, dhammaan hoggaamiyeyaashii qarankan taladiisa iiga horreeyey. Sidoo kale, waxaa mudan in aan bogaadiyo dhammaan haldoorkii, iyo halyeyadii ka soo kala jeeday qaybaha kala duwan ee bulshada, sida ganacsatada, culimada, haweenka, dhalinyarada, aqoonyahannada, iyo siyaasiyiinta ee doorka weyn ka soo qaatay horumarka iyo dib u dhiska uu qarankani maanta dugsanayo. Waxaan leeyahay waynu guulaysannay. Guusha dawladnimadeenna waxaa saldhig u ah, oo ay ku timi caqli, cuud iyo cudud aynu leenahay, oo aan carri shisheeye laga soo waaridin. In kasta oo aan si rasmi ah dunidu u aqoonsan qarannimadeenna. Haddana, waxaa dhab ah in badan oo adduun weynaha ka mid ahi, inay inoola macaamilaan sidii dal madax-bannaan. 

Taasi ma'aha arrin ku timi sahalo, balse waa mid ku timi isku-tashi, tacab, tawfiiq, talo wadaag iyo ALLE taban-taabadii Somaliland waa xaqiiqa jirta oo aan cidina indhaha ka qarsan karin. Somaliland nin neceb iyo nin jecelba, waa cadceed soo baxday, oo aan cidina sacab ku qarin karin. Waxaan beesha caalamka leeyahay, Somaliland waa qaran tashaday oo wax taransaday. Waxaannu nahay ummad aan dhito xun dhigan, dhibteedana dunida ka dhawrtay. Sidaa darteed, ma geyno in lanagu gafo, ama nalagu gabood falo. Ma geyno in lanoo garba duubo, raggii aanu kala guurray, geelii isugu kaaya jirayna, aanu kala soocannay. Ma geyno in na loogu abaal gudo in na la dhayalsado. Dhinaca kalena, la dhiso dhigayaga, oo maalin kasta maqdarad loo dhigo, maalna loogu ururiyo.    

Ka garowsan mayno bulshada caalamka, in ay ku xad-gudbaan xurmada iyo xuquuqda aanu ummad ahaan leenahay, ee EEBE na siiyey. Ka garowsan mayno caalamka caddaalad darro gaadha, in ay noo kala hiiliyaan ama nooga eexdaan walaalahayo. Waxaan dunida uga digayaa, in la gaadhsiiyo Dawladda iyo Dadka aan Odayga u ahay, in uu ku dhaco gadood xun, oo lumiya gobonnimadii lagu bartay.  

Aniga oo madashan iyo munaasibaddan qaran ka faa'iidaysanaya, waxaan ugu baaqayaa dalalka Midowga Yurub, Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Africa, Jaamacadda Carabta, Dawladaha ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD, in ay garwaaqsadaan qadiyadda Qarannimada Somaliland, isla markaana ixtiraamaan xaqa aaya ka tashiga shacbigayga.

Somalidu waxay ku maahmaada: "Ninka aan waxa soo socda garani, waxa joogna ma garto".

http://www.somalilandlaw.com/SLUK18MAY_POSTER.jpgSidaa darteed, maanta ummadii soomaaliyeed way kala tagtay, waana kala tashatay, oo ma jirto dal iyo dawlad ka dhaxaysa oo ay wadaagaan. Haddaba, haddii qayb ka mid ah laga qaado cuna qabataynta hubka ama ay dunidu hubayso, waxaa hubaal ah in ay tallaabadaasi, u horseedi doonto mandaqadda Geeska Africa xasilooni darro, iyo xurgufo hor leh oo abuura xiisado colaadeed.     

Waxaan si weyn uga digayaa in qawmiyadda Soomaaliyeed la dhex dhigo utun iyo arami, sabab u noqon karta cawaaqib xumo aan laga soo kaban. Dhinaca kale, waxaan leeyahay marnaba u dul qaadan mayno, cid kasta oo fad qalale iyo farogelin ku samaysa, ciiddayada iyo calankayaga. Waxaan ugu baaqayaa dalka aanu deriska nahay ee Soomaaliya, in aanu ku wada noolaanno nabad iyo niyad sami. Waxaan leeyahay wakhti ha iskaga luminina riyo iyo dhalanteed aan run ahayn. Waxaan ku celinayaa mar kale, dadka iyo dalka aan odayga u ahay way tashadeen, oo way idinka tageen, oo isku tashadeen, ee duco qabayaal idinkuna tashada, oo iskiin u tashada.  

Haddii ay Somalidu wada noolaan kari wayday, wuxu caqliga fayoobi ina farayaa, in ay iskeed u kala noolaato.

Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxa sannadkan ina soo wajahay duruufo adag oo kala duwan. EEBE Mahaddii, waxa hubaal ah, in aynu in badan oo ka mid ah kaga soo dabaalannay dedaalkeenna iyo doobirteenna, oo aynu kaashannay ducada ALLE.

Waxaa ka mid ah sicir-bararka ama sarrif-bararka, ka dhashay arrimahan soo socda:

1.  Dhoofka Xoolaha Nool oo laf-dhabar u ahaa dhaqaalaheena, isla markaana ahaa waxa ugu weyn ee aynu dhoofinno, oo la joojiyey. Taasi waxay keentay in aynu ku weyno lacagtii adkayd ee aynu ka heli jirnay, oo aan ka yarayn Saddex Boqol oo Milyan oo Dollar sannadkii.
2.  Lacagtii inooga iman jirtay xoogeenna dhoofsan (Qurba-jooga), oo sababo kala duwan darteed u yaraatay.
3.  Sannad walba, waxaynu lacag adag oo aan ka yarayn dhawr boqol oo milyan ku soo iibsannaa Qaadka, oo aan wax qiimo ah inoogu fadhiyin. Lacagtaa joogtada ah, oo ummad ahaan inagu ah dhiig bax, ma jirto haba-yaraatee, wax aynu ku beddelanaa. 4.  Ganacsigeennii iyo wax kala iibsigeennii, waxaynu ku salaynay lacag aynaan lahayn, mid kaash ah iyo mid lagu isticmaalo adeegga tilifoonnada ee casriga ah (ZAAD iyo E-dahab), taas oo meesha ka saartay isticmaalkii cumladdeenii sharciga ahayd. 5.  Waxa intaa dheer, innaga oo aan wax soo saar iyo tacab kale u feydan, iska daa waxaynu dunida u dhoofinnee, ab iyo isir khudraddii aynu beeran jirnay, ee dhulkeenna kala soo bixi jirnay, waxaynu maanta ka soo iibsannaa dalalka aynu deriska nahay. Arrimahaa aan soo sheegay, waxay keeneen baahi dollar, oo xad dhaaf ah, iyo in cumladdeennii qiimo dhacdo, markii la isticmaali waayey. Haddaba, waxaan Shacbiga Somaliland u caddaynayaa in ay naga go'an tahay la-dagaalanka sicir bararka iyo hirgelinta go'aamaddii ka soo baxay Golaha Wasiirrada, ee looga gol lahaa qiimo u yeelidda Shillinka Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudanayaal iyo Marwooyin,


Sida aad la socotaan, waxa dalka ka dhacay abaaro ba'an, oo waxyeelo u geystay duunyadii, daaqii iyo dadkiiba. Abaarahaasi waxay si xun ugu habsadeen, guud ahaan Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland. Wakhtigan xaadirka ah, waxa qiyaas ahaan la xaqiijiyey in boqolkiiba toddobaatan xoolihii noolaa ay dhammaadeen, kuwaas oo laf-dhabar u ahaa dhaqaalaha dalkeenna. Taasi waxay keentay, in dad badani ku soo hoydaan Tuulooyinka, iyagoo caydh ah. Abaartaasi markii ay dhacday, waxaan magacaabay guddi qaran oo ka kooban culimo, ganacsato iyo mas'uuliyiin xukuumaddayda ka mid ah, si ay gurmad iyo gargaar ula gaadhaan dadka tabaaloobay, kuwaas oo illaa hadda shaqaynaya. Waxaan shaki ku jirin in guddidaasi dedaal weyn ay samaysay, ILAAHAYNA sabab uga dhigay in ay badbaadiyaan nafo badan, oo baad iyo biyo la'aan u dhiman lahaa. Waxaan jecelahay, in aan halkan ka bogaadiyo Guddidii aan u xil-saaray taakulaynta abaaraha. Sidoo kale, waxaan jecelahay in aan uga mahadceliyo cid kasta oo ka qayb qaadaatay gargaarkii iyo gurmadkii loo fidiyey dadkeenna xilligii abaarta. Mar labaad, waxaan ummadayda ku hambalyeynayaa caadooyinka wanaagsan ee ay dhaqanka u leeyihiin, in ay iskaashadaan ama is caawiyaan wakhtiyada adag. Waxaan caddaynayaa in Xukuumaddaydu ay gacan weyn ka geysatay gurmadkii abaaraha, isla markaan gundhig u ahayd hawlaha gargaarka. Hore ayaa loo yidhi: "Nin adhigiisii bahal galay, ayaan darane mooyee, orod darane lama yidhaahdo".

Sidaa darteed, waxba lamaanu hadhin haba yaraatee, kuna faani mayno, oo waxay ahayd xil iyo waajibaad na saaran. EEBE, waxaan ka baryayaa, inuu ajar iyo xasanaad, dhammaanteen inaga siiyo, qaadhaankii iyo sadaqaddii aynu isu hurray. Mudanayaal iyo Marwooyin, EEBE mahaddii, roobkii waa inoo da'ay, abaartiina wey jabtay. Hase yeeshee, waxay ummad ahaan ina dhaxalsiisay, dhibaato weyn oo u baahan gurmad deg deg ah, iyo qorshe aynu kaga gaashaamanno, ama kaga hor-tagno abaaraha ina aafeeyey, ee inagu soo noqnoqnaya.

Duco-qabayaal,  

http://www.longlivesomaliland.com/IMAGES/ASOMALILAND.jpgQoysaskii aynu xilliga abaarta caawinaynay, waxay soo doogeen iyagoo badi caydh ah, xeradii xooluhu uga buuxi jireen ay madhan tahay, oo cuud iyo calaf kalena aan haysan.  

Haddaba, markii aan arkay duruufta dalku ku jiro, waxaan garwaaqsaday in loo baahan-yahay in mar labaad aynu samayno gurmad qaran. Sidaa darteed, waxaan u beddelay debaaldegii iyo damaashaadkii 18-ka May, oo ahayd munaasibaddii qaranka, qaadhaan ururin ballaadhan oo aynu ku taageerno dadkeenna tabaalaysan. Si looga midho dhaliyo mashruucan qiimaha badan, waxaan magacaabay, Guddi Qaran oo ka kooban noocyada kala duwan ee Bulshada, culimaau-diin, ganacsato, ururada bulshada rayidka ah, Xisbiyada mucaaridka ah iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Guddidan, waxaan u xilsaaray, qaadhaan ururin ballaadhan oo ka bilaabanta dalka oo dhan maanta oo ay bishu tahay 18-ka May illaa 26-ka June 2017. Qaadhaan ururintan oo socon doonta muddada 45ka cisho, waxa lagu fulin doonaa mashaariic lagaga soo kabto abaaraha, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1.  In lagu celiyo dadkii ka barakacay deegaankoodii.
2.  In loo iibiyo xoolo nool dadka caydhoobay, gaar ahaan kuwa ugu jilicsan.
3.  In la qodo ceelal biyood, iyo balliyo biyaha socda lagu qabto.
4.  In la xidho seerayaal badan oo lagu baxsado xilliga jiilaalka.
5.  In dadka aan awoodi karin laga caawiyo qodaalka beeraha xilli roobaadkan.

Haddaba, waxaan ugu baaqayaa shacbi weynaha Somaliland ee milgaha iyo maamuuska mudan, in ay fadhiga ka kacaan oo ka qayb qaataan qaadhaan ururinta ballaadhan ee ka bilaabantay guud ahaan Gobollada Dalka oo dhan.  

Waxaan leeyahay dadkaygoow, wax isu hura, oo wax isu quudha, waxna isa siiya. Waxaan leeyahay aynu isku tashanno, ALLAHEENNA talo saaranno. Waxaan idin leeyahay, isu naxariista, si EEBE inoogu naxariisto.   Duco-qabayaal,   Waxay ummaddi asaageed ku gaadhi kartaa, aqoon, iskaashi, iyo isku duubni.

Sidaa darteed, waxaa inala gudboon:

Image may contain: 1 person, suit1. In aynu midayno maskaxdeenna, muruqeenna iyo maalkeenna.
2. In aynu kor u qaadno wada jirkeenna, iyo waddan jacaylkeenna, isla markaana aynu ubadkeenna ku ababino arrimahaa.
3. In aynu wax weyn ka beddello qaabkii aynu xoolaha u dhaqan jirnay, ee aynu ka dhaxalnay awoowayaasheen.
4. In aynu xoog saarno wax soo saarka beeraha iyo kalluunka.
5. In aynu qabanno doorasho xor iyo xalaal ah, xilligii loogu talo galay ee 13-ka November, 2017-ka, isla markaana muujinno bulsho ahaan, hab-dhaqan ku dhisan baraarug iyo bisayl badan, sidii caadada inoo ahayd.
6.  In aynu joojinno ama yarayno cunista Qaadka, kaas oo adhax jab ku ah nolosheenna dhinaca dhaqaalaha, dhaqanka iyo Caafimaadka.
7.  In aynu la nimaadno qorshayaal aynu ku qabanno biyaha badan ee badda ku shubma.
8.  In aynu dhaqan gelinno wareegtooyinkii aanu soo saarnay ee lagu daryeelayey daaqa, duur-joogta iyo deegaanka.
9.  In ay joojiyaan hudheellada waaweyn ee cuntada lagu kariyo adeegsiga dhirta iyo dhuxusha, si looga hor-tago xaalufka dhirta, waxa lagama maarmaan ah in ay ku beddelaan gaasta, oo ah mid haataan qiimo ahaan aan ka qaalisanayn.
10. In aynu abuurro mashaariic salka ku haysa isku tashi iyo iskaa wax-u-qabso, taas oo waajib ka dhigaysa in arday kasta oo ka soo baxa Dugsi Sare, ama Jaamacadda Heerka Koowaad ka qalin jabiya, in uu qarankiisa u shaqeeyo wakhti xaddidan oo xeer jideeyey.
11. In aynu ba'abiinno xidhmooyinka dhulka sharci darrada ah, isla markaana aynu soo celinno nidaamkii seerayaasha.
12.
In aynu dhiiri-gelinno, isticmaalka Cumladdeena, isla markaana ummad ahaan isugu naxariisanno sicirka badeecadaha suuqa.

ALLAHEEN BAA GALAD LEH,  
GOBONNIMANA SHACBIGA SOMALILAND BAA LEH,

SL Media

Posted on Thursday, May 18 @ 17:29:22 UTC by admin



xuska maalinta 18ka may ee jsl. - xuska maalinta 18ka may ee jsl.

The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : Ax Yaa Wadani
Subject : Re : xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-18
Xaji Axmed Silaanyo, si wanagsan ayuu u hadlay, bal se wuxuu hadlay mar xeedho iyo fandhaal kala dhaceen - waxa erayadiisa ka mid ah isku-naxariista - Waayay ee madaxaad ugu naxariisan weydeen oorida ninkeedii dhintay ee maanta idinka hooseeya ee gurigii ay dawladihii ka horeeyey siiyeen aad ugu galaafateen. Miyaanay taasi xeeb kugu aheen. Ma taasi oo keliya ayaa jirta? Waxa jira dhowr kun oo shacabka Somaliland oo sidaasi oo kale ama si la mida dawlada aad madaxda ka tahay ay u boobtay. Goorma ayaad toostay. Waxa madaxweyne uu khayr badneed, adiga oo yidhaa oo keliya "Shacabyahow wixii idin gaadha, anga ayaa masuul ah ee na saamaxa". Haddii adiga lagu saamaxo, yaa saamixi doona 50-ka wasiir ee ummadood xoog kaga qaaday, dhaqaali dalkuna jeebkooda galay" adna aad tahay "Cartoon" meel la soo fadhiisiyey - Goorma ayaad odhan doontaa "Istaaqfurullah" dadkaygii aan xukumi jiray dambi ayaan ka galay, waxaan ku sii daayey Yey aan waxba reebeen.

Ax Yaa Wadani

Name : Galbeedi
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-19
Yaa Waddani,
Madaxdu waxay micna iyo sharaf ku leeyihiin ixtiraamka iyo qadarinta iyo kalsoonida ay ka haystaan dadkooda.
Waxaa loo baahan yahay in aynu barano ixtiraamka iyo sida loola dhaqmo madaxda.
Mar uu haaraamay Qabaailka Reer Sheikh Isaxaaq, Wadaadkii Waallaa , Ina Cabdullah Xasan wuxuu ku tiraabay tixdan " XUSEENOOW WAR BAAN KUU HAYAAYE , WAXAAD YIDHAA WEEYE: IIDDOORKU IN UU WAADAAL AHAA WEEYE, GIDDIGII INUU WADA WAALAN YAHAY WEEYE, WADEECAAD HA FUULEE IBLAYS WARISADIIS WEEYE, WADDADA NAARTA LOO MARK INAY WADA WIDIIQSADAAN WEEYE............WEEYE....WEEYE"
WAAD AAN MADAXDEENNA WAYNAYNNO O.O XIL-QARINNO.

MADAXDU MALAAIG MA AHA EE WAA BANI AADAM.
Name : Suldaan
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-19
Xisbiga Waddani waxan filayaa waxa ku dhexjira dad dhibaatadiisa ka shaqeeya, siday ku dhacday iyadoo ummaddii sidan u wada ordayso sidii loo caawin laha adadka abaaruhu halakeeyeen, oo laba habeen gudahood lagu ururyey $3.1 million, dalkana lagu beeray in ka badan 5000 oo geed uu Waddani soo fadhiisto shaashadaha oo camabaareeyo dadaalka la wado, kaaga darane weliba yidhaaho culimadii intay ganacsigoodii iyo reerahoodii ilaaween dhexda u xidhay taakulaynta dadka, in Waddani yidhaaho hanti-dhowr ha lageliyo waxbaa la cunaye.
Maanta laga bilaabo waxaan rumaysnayaa dadka yidhaaha reer Waddani waxan ay sheegayaan waa waxay samayn lahaayeen hadday fursad helaan, wallaahi fikaradaasaan qaadanayaa. Dadka reer Somaliland ee dalkooda jecelna waxan leeyahay yaan kooxdaa fursad la siin.
Name : Galbeedi
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-19
Mud. Suldaan,
Waa sidaas sad sheegay e waxaa la odhan karaa WADDANI waa xizbi UJEEDDO-BADAN ah.
Waxaa WADDANI ku midaysan oo ku wada jira KOOX MUCAARID XALAAL AH, KOOX-FEDERAAL-DOON AH OO LA ISLA YAQAAN, KOOX LOO YAQAAN MUSDANBEED OO IYAGU AAMINSAN IN WADDANI YAHAY XIZBI REER ISKA LEEYAHAY INTA KALE EE LA JOOGTAANA AY KU YIHIIN MARTI, KOOX IYAGUNA KA SOO CADHOODAY KULMIYE OO SOO DUDAY OO IYAGANA UJEEDADOODU TAHAY IN AY KA AARGOOSTAAN XIZBIGA KULMIYE IYO HOGGAANKIISA.
TAASI WAXAY CADDAYNAYSAA IN AANU WADDANI AHAYN XIXBI QARAN OO LEH UJEEDFO IYO BARNAAMIJ
SIYAASI AH OO MIDAYSAN.ENG
Name : NO BOOZE: gen eisenhower talo ku socota
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-19
General eisenhower aka muse bixi awaxanu kula talinayna inu degdeg meesha xukunka kula wareego o ruushkana lease ka siiyo saldhiga berbera agtisa si ay iyaguna mid kaleh uga dhistaan ama airportka civilianka ee laga dhisayo meesha ay gadaal ka dhistaan mid military o runway wada isticmaalaan.. israilna lease ka siiyo lughaya o wado tagta ethiopia la si mariyo borama.
Name : NO BOOZE: talo ku socota gen eisenhower aka MUSE BIXI
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-19
gen eisenhowerow talo ma hayaan kuwan leh single motherka lacag so ururiya.. ee degdeg meesha nooga fuul.. markana u yeedh dadki meeshan wax ka qabanlaha.. carabtan aydu meesha keenteena wa baqayaaneh dadki awooda laha ee yuhuuda iyo ruushka ayanu keenidoona o aqoonsi miiska saaraya ee marka meesha degdeg u fuul o anaga no yeedh..
Name : NO BOOZE: gen eisenhower talo ku socota
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-19
general eisenhowerow single motherki caruurtodi crack qadanaysay ayay la maskaxyihiin dadka meesha kula jooga ee anaga no yeedh.. anaga waxan og.. shit.
Name : NO BOOZE: talo ku socota gen eisenhower aka MUSE BIXI
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-19
gen eisenhower waxanu u sheegayna ina sheekadani ka baxday muxafid iyo mucarad iyo ina motherfucker.. markaanu aragnay sida looga hadlayay meeshi london waxanu fahamnay ina sheekadani taahay xasuuq.. marka anaga wa inaad nala xajoota..
Name : NO BOOZE: talo ku socota gen eisenhower aka MUSE BIXI
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-19
waxanu kula talinayna gen eisenhower inu toos u sheego ina priority u galindoono maalgashi la keeno Lughaya o toos u sheego arintasi intu tago borama.. waana arin si fiican u surtagal a.. votekana waxbay ka qabandoonta.. aqoosnigana wa keenaysa.. gen eisenhower waxanu ogaysinayna ina tuugi xirsi ina gheleh la kulmay..
Name : NO BOOZE:talo ku socota gen eisenhower
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-19
gen eisenhower waxanu kula talinayna inu teamkisa ku daro marku gulaysto: politicianka reer mareekan sida wazirada cadaani iyo xagletosiyeh, siyasiyiinta cali warancade, axmad mumin seed, xildhibaan axmed yasiin ayaanleh iyo jamal cali xussein, inu la taliyeh ka dhigto ina cise gaboge ee jooga hargeisa ee london ka yimid..
Name : NO BOOZE
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-19
correction ninka london ka yimid ee hargeisa jooga ee aanu donayno inu noqdo la taliyeh wa Ina Cise Gabobe.. si meesha marka lo diyaariyo markaanu anagu nimaadmo.. fucking shit.
Name : NO BOOZE: talo ku socota gen eisenhower aka MUSE BIXI
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-19
gen eisenhower waxanu kula talinayna inu la taliyeh ka dhigto cida isaga ugu dhaliil badan ee isaga si fiican u criticizegareesa.. cidasi aya talada u fiican siinkarta..
Name : NO BOOZE: talo ku socota gen eisenhower aka MUSE BIXI
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-19
waxanu so jeedinayna ina la baadho waxa engriiska iyo mareekanku ku sameeyeen wadanka ghana iyo liberia ee afrika iyo ta engriisku ku sameeyay zimbabwe.. markaasaydu fahmidoonta fikirkay ka leeyihiin afrika.. marnaba toos ha ula dealgareenina uk iyo mareekan.. yuhuuda kaso mara o yuhuuda saldhig military siiya..
Name : NO BOOZE: talo ku socota gen eisenhower aka MUSE BIXI
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-19
engriiska iyo mareekanku waxa dhaqan u leeyihiin o horena lo arkay o anagu indhahayaga ku aragnay inay dhaqan u leeyihiin inay cadaabaan dadka madow iyo dadka kaleh.. waar hadaydu ilaahay taqaanaan toos ha ula dealgreenina ee dadka iyaga diintooda u taliya ee yuhuuda saldhig military siiya..
Name : UDUB
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-20
laba qoys ayaa ku bahoobay Kulmiye. Asxaabta kale waa lagu wada dhan yahay. Abaarta sanadka waxa loog magac daray Kulmiye. Waxa uu Kulmiye yahay waxa lagu garan karaa taagerayaashisa sida BOOZE. Illaahay ha inaga nabadgeliyo sharkiisa Kulmiye
Name : NO BOOZE
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-20
waar udubow ma single mother iyo xirsi tuug aya wadanka xukumaya hada?? waar hada muse bixi aka eisenhower noqonwaayo madaxweyneh diinta abihiin o jahanaba futadeeda ka laalada aya la arkidoona.. fucking shit.. udubow ma idinkaba fayow.. ta miyaydu is waydisseen marka hore inaydu fayowdihiin??
Name : NO BOOZE
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-20
wixi la isku odhanjiray jamhuriyada somalia iyo maanta hargeisa ina dad farabadan o fayow jiraan igama dhaadhacsana.. markaydu maalinkasta bariis iyo baasto cuntaan ee weliba mararka qaarkood aydaan cuntaynin.. o hablihi tagayay suuqu ka baqayaan ina la kufsado miyaydu fayowdihiin?? anagu waxanu kenayna ina habluhu markay dibada u baxaan ay baxaan iyago xoriyad leh .. fucking shit.. tuug iyo pervert iyo rapists iyo mad motherfuckers aya laga so horjeeda.
Name : Filsan
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-21
Ilayn meesha was isugu yimaada reer qudhmiye.
Beenta iyo huuhaada qudhmiyemeesha ku qora.
Qudhmiye wuxuu yahay waa la bartay.
Name : Jamaal
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-21
muddaa laga raystee, biliskii Filsan soo noqoy!
Name : Filsan
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-22
Waa maxay "biliskii" takale waa maxay laga raystay ma guri aad leedahay ayan iman jirey.
Meeshu waa public forum qofkii doona ayaa wax ku qori kara ee caadi iska dhig.

[ Reply ]



Name : Mustafe-Janaale
Subject : Re : xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-20
Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-AWAL Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Ictiraafku iman doono, isla markaana loo baahan yahay in dadka reer Somaliland isku duubnaadaan. “Ictiraafku wuu iman’e isku duubnaadda” ayuu yidhi SUldaanku.

Intaa ka dib wuxuu SUldaanku ka waramay xaaladiisa caafimaad, ka dib markii uu safar caafimaad oo qaatay muddo ku tegay dalka Itoobiya waxaanu yidhi. “Al-XAMDULI-LAAH ILAAHAY ayaa mahad leh, waan Caafimaaday oo waanigii Caafimaad ugu maqnaa muddooyinkii ugu danbeeyey dalka Ethiopia, gaar ahaan Magaalada Adis-ababa, waan soo ladnaaday oo shalay ayaan dalka dib ugu soo noqday.- waa lay aqbalay ducadii ay shacabka reer Somaliland ee gudo iyo dibada-ba Igu soo duceeyeen inuu ILAAHAY i caafiyo ILAAHAY ajar iyo xasanaad ha ka siiyo.”Ayuu yidhi Suldaan Xasan

Waxa kale oo uu Suldaanku Ilaahay uga mahad naqay raxmaadka uu shubay iyo sida ay abaartii u jabtay waxaanu yidhi “Waxaan aan Ilaahay uga mahad celinayaa inuu inoo shubay Raxmaadkiisa oo abaartii wuu naga soo jabiyay, innagu waynu is kaal-maynaynaa, waa taa la isku gurmanayo gudo iyo dibad-ba dadka reer Somaliland waan u duceynayaa meelkasta oo ay joogaan”

Suldaan Xasan waxa uu bogaadiyay shacabka reer Somaliland gudo iyo dibad-ba 26-guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii Gooni-isu-taagga Somaliland ee 18-ka May 1991-kii oo shalay oo Khamiis ah ku beegnayd, “Guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxaan ugu hambalyeynayaa munaasibadda 18-ka May oo ah maalintii lagu dhawaaqay goonni-isu-taagga Somaliland iyo lasoo noqoshada Qarannimada Somaliland ee 18-ka May, qaranimada Somaliland waxay soo martay jid dheer oo halgan leh oo nabadayn, qaran-dhis iyo horumar dhinacyo badan leh, mid dawladnimo, waxbarasho, mid kaabayaasha dhaqaalaha ah iyo bulshada oo koboc aqooneed iyo nabadeed ku tallaabsatay,….”

“Waxaan ku guubaabinayaa shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan inay isku duubnaadaan, oo ay ilaaliyaan qaranimadooda ictiraafkuna wuu imanayaa si degdega..’Ayuu yidhi Suldaan.

Name : NO BOOZE: SOMALILAND HA LAGA QABTO RAPIST IYO PERVERTS
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-20
waar meesha wa ina laga qabta rapistka iyo pervertyada u aden sirro ugu sheekeeyo masaajida ina dhowr dumara la gursanayo o ay yihiin property.. o habluhu ay noqdan human being o aana lagu kufsanin wadada marka aden sirro ugu sheekeeyo inay tahay ok ina dhowr dumar la wada fuulo mar qudha o ka dhigantahay inanay waxba ahayn dumarku.. taasanu donayna .. kulmiyeh horumarinta dumarka ayu wada.. shit.
Name : NO BOOZE: ADEN SIRRO AYA KA MASULA HABLAHA LA KUFSANAYO
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-20
MARKA ADEN SIRRO KU SHEEKEEYO LABATAN DUMARA AYA LA GURSANAYA MAXAYDU KA SUGAYSAAN MARKA INAMADA YAR YAR EE MEESHA DHAGAYSANAYA ADEN SIRRO INAY SAMEEYAAN?? INANAY INTA HABLAHA GIDAARADA U JOOGSADAAN O KUFSADAAN.. WAAR ANAGA HA NA WAALINEH ADEN SIRRO IYO FUCKING SIIRO IYO FUCKINGKIISA BAADHA..
Name : NO BOOZE: DHALINYADA KULMIYEH WA INA ROLE MODEL NOQDAAN
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-05-20
sida general eisenhower ka dhawajiyay wa in dhalinyarada kulmiyeh hablaha ixtiramaan o weliba cida hablaha waxyeelaynaysa inta shaqo ka qabtaan.. fucking shit.. hablaha sida human being ula dhaqmaan..
Name : Lamaseege
Subject : Re :xuska maalinta 18ka may ee jsl.
Date : 2017-06-12
Sudaan iyo Galbeedi, sheekada hagaajiya oo dhaliishiina soo yara qurxiya intaydaan saylada keenin. Waddani waxa uu taakulo xoogleh ka geystay dhibaatooyinkii la soo dersay shacbiga. tii Abaaraha iyo Xanuunkii Shuban Biyoodka labadaba wuu ka howl galay run ahaantii, in aynu wax aan jirin halkan isugu sheegnaa waa wakhti lumis runtii .

Bal eega Dawladda ummada cashuurteedii xalaalaysatay ee jeebka ku shubatay ee wax ay ka geysatay dhibaatadaa baahsan aanay jirin haba yaraatee. Kulciid labadaa Xusbi ee u bahoobay boobka iyo khuraafadka dhawaan waxa laga qaban doonaa shaqo balaadhan, wixii hanti ummadeed ah ee ay dhaceena waa wax meel ku qoran lagunalaxisaabtami doono.

Reality desk
Lamaseege

[ Reply ]


Pages : [ xuska maalinta 18ka may ee jsl. 1 ]