Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Ethiopia Oo Ka Hadashay Saamiga Dekedda Berbera Laga Siiyey.Curashada Bilsha Barakaysan Ee Ramadaan.The World Doen't Respond Until Children Are Dying....Madaxweynaha Maraykanka Oo Ka Sii Barakaystay Gidaarka Oohinta.Madaxa Maamulka Khaatumo-Seeg Oo Soo Gaadhay Caasimadda Hargaysa.Sanad Guurada 26aad Ee Madax-bannaanida Qaranimada JSLBBC: Somaliland One Of The Most Stable Places In Africa.Madaxweynaha Dalka Maraykanka Oo Ka Degay Dalka Sacuudiga.Xuska Maalinta 18ka May Ee JSL.
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main


- Home - News - Articles - Health - Opinion - Feedback - Search - Archive - Submit News

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
Oodweynenews
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.
Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

jsl iyo xuska maalinta shaqaalaha aduunka ee 1-da may 2017.

jsl iyo xuska maalinta shaqaalaha aduunka ee 1-da may 2017.

News


 http://s3.india.com/wp-content/uploads/2017/04/happy-labour-day.jpghttps://i1.wp.com/www.caasimada.net/wp-content/uploads/2015/03/Ahmed-Mohamed-Mohamoud_Silanyo_Siilaanyo_Somaliland_18_May_Keydmedia_Online_Somalia-620x330.jpg?fit=620%2C330&resize=350%2C200Maanta waxa maanta dunida looga dabbaal-degayaa oo la xusayaa maalinta Shaqaalaha iyada oo dalka Jumhuuriyadda Somaliland uu ka mid yahay dalalka uu shaqaalahoodu nasashada ku jiro.







Madaxwaynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud - Siilaanyo ayaa waxa uu hambalyo iyo boogaadin u dirayaa shaqalaha Aduunka, gaar ahaan shaqaale-waynaha JSL, munaasabadda 1-da Bilsha May 2017 oo ah maalinat shaqaalaha adduunka awgeed.

Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha ku sifeeyey cududda iyo xoogga wax-soo-saarka iyo hor-u-marinta qaranka, la’aantoodna aanu jiraynin himilo wanaagsan oo ummaddu hiigsato.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in uu qarankani ilaalinayo xuquuqda shaqaalaha dawladda iyo kuwa gaarka ahba, iyada oo sanadba sanadka ka danbeeya shaqaalaha dalkeenu uu kordhayo tiro iyo tayo ahaanba, lana sii wadi doono, laguna dedaali doono sidii loo sii hagaajin lahaa xirfadooda iyo aqoontooda, si kor loogu qaado noloshooda, loona dhawri doono xuquuqdooda.

Madaxweynuhu waxa uu shaqaale-waynaha JSL rag iyo dumarba u rajeeyey in ay xuskan xuskiisa ku gaadhaan, bash-bash iyo barwaaqo, isaga oo ku booriyey in ay halkaa ka sii wadaan waajibaadka ay u xilsaaran yihiin dalkooda iyo dadkooda oo ah shaqada ay u hayaan ummadooda. Maantana waana maalin nasasho oo ay dhammaan shaqaalu fasax yihiin.



Mas’uuliyiinta ugu sareeya manaasibta Dowladda J. Somaliland ( JSL ) ayaa hambalyo u diray dhamaanba Shaqaale-Waynaha JSL, iyaga oo ballan qaaday in ay Dowladdu si joogta ah u bixin doonto xaqa, xuquuqda iyo waliba gunooyinka shaqaalaha JSL.

Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Dawlada JSL Md. Sharmaake Axmed Muxumed Geele ayaa sheegay in shaqaalaha JSL laf-dhabar u yihiin hor-u-marka dalka, isaga oo shaqaalaha ku booriyay in ay sii labo jibaaraan adeegyada ay u hayaan Bulshada JSL.

Taariikhda maalinta xoogsatada adduunka, waxay ka billaabaneysaa halgankii xoogsatada ee waddamada Yurub iyo Mareykanka ee 1886kii, ka dib markii ay u adkeysan waayeen dulmiga ay kuhayeen warshadleyda naxriista darneyd, iyaga oo xoogsatada ka shaqeysanayay saacado dheeraad ah, daryeel la’aan dhinaca nolosha iyo caafimaadka.


Dowladda JSL ayaa fasaxday maalinta awgeed dhamaanba shaqaalaha rayidka ah iyo kuwa dowladda oo u dabaaldagaya munaasabadda 01da May 2017.

SL Media 

Posted on Monday, May 01 @ 15:43:44 UTC by admin



jsl iyo xuska maalinta shaqaalaha aduunka ee 1-da may 2017. - jsl iyo xuska maalinta shaqaalaha aduunka ee 1-da may 2017.

The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : Faisal Abdi
Subject : Re : jsl iyo xuska maalinta shaqaalaha aduunka ee 1-da may 2017.
Date : 2017-05-01
Muuse Biixi. Qaybtii 2aad... Waxa aynu qormadan labaad ku eegi doonnaa sababta awowgii loogu bixiyay "Cabdi-Dameer"

Muuse Biixi. Qaybtii 2aad... Waxa aynu qormadan labaad ku eegi doonnaa sababta awowgii loogu bixiyay "Cabdi-Dameer"
Shakhsiyadda Qarsoon Ee Muuse Biixi. Qaybtii 2aad...

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi-dameer hadda waa murashaxa jagada Madaxweyne iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE. Waxa aynu qormadan labaad ku eegi doonnaa sababta awowgii loogu bixiyay "Cabdi-Dameer” iyo tusaaleyaal ku aaddan musuqa iyo dhul-boobka ay Muuse Biixi Cabdi iyo qoyskiisu ku hayaan dadka iyo dalka Somaliland


Awowgii waxa uu ku caan-baxay Cabdi-dameer, waana magac si weyn looga yaqaanno magaalada Hargeysa oo aanay taageerayaashiisu jeclayn. Qof aqoon dhow u leh Muuse Biixi ayaan ku idhi "Maxaa awowgii loogu bixiyay Cabdi-dameer?”. Waxa uu igu yidhi "Awowgii oo ahaa qof jidh ahaan awood badan ayaa xil caaqilnimo u doontay dawladdii Ingiriiska ee Somaliland u talin jirtay. Kaddibna si ay garaadkiisa u hubiyaan ayaa lagu yidhi ‘gur dhagaxaanta buurtaas taalla’. Waxa uu qaaday dhagaxyo culus oo ay adag tahay in qof aadame ahi guro. Markaas isma weydiin xidhiidhka ka dhexeeya caaqilnimada iyo dhagaxa la rarayo!. Gaalkii Ingiriiska ayaa yidhi "He is a bloody donkey” "Kani waa dameer”. Garashadiisa hoose awgeed lama siinnin jagadii uu rabay, meeshaana waxa ka raacay naaneys aan hadhin.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu magaalada Hargeysa ku leeyahay 54 guri, kuwaas oo aanu midkoodna ku helin shaqo uu iskii u qabsaday. Waxa kale oo uu Muuse Biixi xoog ku haystaa beertii ay fannaaniinta qaranku ku lahaayeen Geeddeeble ee ay 1980nnadii ku soo duubi jireen muuqaallada qurxoon. Maadaama oo ay doorashadi soo dhawdahay, waxa la sheegayaa in uu Muuse Biixi Cabdi mulkiyadda beertan uu si ku-meel-gaadh ah ugu qoray nin ay ilmaadeer yihiin.

Dadka uu dhulka ku haysto waxa ka mid ah Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal, marwadii Marxuun Cigaal oo ahaa madaxweynihii labaad ee Somaliland. Haweenaydan qaranka abaalka ku leh waxa Shacabka laga siiyay dhul ay xarun uga dhisto Egal Foundation for Regional Development, laakiin waxa ku qabsaday niman ay ilmaadeer yihiin Muuse Biixi Cabdi oo isaga ka talo qaata, waxaanu ku yidhi "Dee dhulka qayb ka sii”. Inkasta oo ay xukuumaddu dhawr jeer qortay go’aan fulin oo khasab lagu saari karo dadkaas, waxa hakisay xaaska marxuun Cigaal oo u tudhaysa shuftada ku xidhan Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Cigaal Eebbe ha u naxariisto’e waxa uu dhul afar baloodh ka siiyay xaafadda shacabka Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Suldaan Mahad Eebbe godka ha u nuuro’e oo ah Suldaankii Guud ee Beelaha Hawd, Hargeysa, Togdheer iyo Saaxil (Beelaha Arab). Suldaankani waa madax-dhaqameedkii kowaad ee SNM ku biira waxaanu tallaabay 1983kii. Waxa uu ka mid ahaa raggii salka u dhigay Golihii kowaad ee Guurtida oo 1984kii la aasaasay, sidoo kalena waxa ay isaga iyo Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Madar ahaayeen maskaxdii ka dambaysay in guurtida Somaliland lagu sameeyo Cadaroosh 1988kii. Waa suldaankii nabadda Somaliland, waxaana 01da Feb sannad walba la xusaa sidii ay beeshiisu hubka u wareejisay 1994kii, iyagoo ahaa beeshii kowaad ee qarannimada xoojisa.

Dhulkii suldaankan la siiyay waxa ku qabsaday Muuse Biixi Cabdi iyo kooxihii ku xidhnaa. Illaa haddana wax xal ah oo lagaga furdaamiyaa ma imannin. Suldaanka Guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa mar loo bandhigay inuu taageero Muuse Biixi waxa uu yidhi "Ma ninka nagu haysta jagooyinkii Suldaan Maxamed ayaad sheegaysaan?”.

Muuse Biixi Cabdi ayaa dhul Hargeysa ku yaalla ku qabsaday muwaaddin u dhashay Gobolka Sool, waxaanu ku yidhi "Ma Laascaanood ayaan kugu haystaa?”. Muuse waa ninka doonaya in uu hoggaamiye u noqdo ummadda Somaliland ee uu sidaas ugu kala suntay dhaladka iyo kuwo dhoof ku yimi........La Soco Qaybaha Dambe.


Faisal Abdi.

Name : Hayaan
Subject : Re :jsl iyo xuska maalinta shaqaalaha aduunka ee 1-da may 2017.
Date : 2017-05-02
Aniga waxay illa tahay in aad ku ekaato waxaad Muuse ku dhaliilayso ,oo aanad Aabihii iyo Awowgii ayaa caynkaa ahaa uga dhigin dhaliil aanu ku qaban karin xilka Madxtinimo.

Maxamad aden Dacar ayaa riwaayad uu wax ka matalaaye ayaa axmad saleebaan bide u sheeg in ay inantii ku diiday kakanaatiisa iyo jaafaajuglanimadiisa ( Xoogiisa)
wuxuu yidhi ama hadaa caafimaadkiina cay noqday,waa halkii Dacar maxaa Marxuumkaa loogu qoonsaday kartidiisaasi.

arinta dhulka anigu waan maqalay in uu dhul qabsaday intii uu wasiirka ahaa oo Maxamd Xaashi markii uu Meeyarka ahaa ku qabsaday oo Cigaal arinkaa wax ka galay.
waxaan odhan lahaa haday ay jirto Muse iyo kuwa kale hantida qaranka haysta waa in dib ugu soo celiyaan qaranka,intaa aan lala xisaabtamin goor ay noqotaba
Name : Barwaaqo
Subject : Re :jsl iyo xuska maalinta shaqaalaha aduunka ee 1-da may 2017.
Date : 2017-05-02
Faysal Abdi

Waxaad tahay nin gumeed aqoon yar oo waliba dameerna ka sii liita. Waxa khasaare xitaa ah tacabkii waalidkaa iskuulka kugu geeyey. Nin baad leedahay awoowgii ayaa sidaa ahaa! Adiga bal ka sheekee awoowgaa wuxuu ahaa. Walaahay Somaliland waxay u baahan tahay in loo gurmado xaga qoraalka iyo wacyi galinta dadka. Qoraalku waxa uu ka mid yahay meelaha dadku u doontaan xog iyo cilmi kororsi; hadiiba kan oo kale cidi akhrisanayso walee waxa uu saamayn ku yeelanayaa hab -fekerka bulshada , sidaana waxa ka dhalan karta bulsho habowsan.

FG: Muuse Biixi Dameerahayagu isma soo gaadhaan.
Name : Runsheeg
Subject : Re :jsl iyo xuska maalinta shaqaalaha aduunka ee 1-da may 2017.
Date : 2017-05-02
Ninkan Faisal wuxuu ka hadlayaa maaha Muse ee waa awowgii iyo weliba beeshiisa, wuxuu tilmaamayaa rag Muse ku xidhan oo wax dhacaya oo dadka u xoog sheeganaya. Ninkani waa laangaab xun oo cuqdad qaba oo ehlu naar ah. Qofka cuqdad naftiisa ka qaba calaamada ugu horreysa ee lagu gartaa waa isagoo dadka ka mudan wax ka sheega, Faysalow weligaaba qof aanad gaadhayn dba orod oo cambaaree .
Name : la soco waxay reer Somalia iska waraystaan
Subject : Re :jsl iyo xuska maalinta shaqaalaha aduunka ee 1-da may 2017.
Date : 2017-05-02
Kaftan Siyaasadeed. Dhex maray Muuse Suudi iyo cabdiraxmaan Faroole
Apr 25, 2017 -



Waxaa kaftan iyo is wareysi dhex maray Al Xaaji Muuse Suudi iyo Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.
Labadan Oday ayaa ka mid ah duqeytida Geed fadhiga(Senotor) Aqalka Odayaasha ee Dowladda Beelaha Soomaaliyeed.



Cabdiraxmaan Faroole ayaa soo wacay oo khadka telefoonka usoo galay Muuse Suudi, sheekadoodii sidan bay u dhacday.

Faroole: War Muuse waan ku salaamay
M. Suudi: Waan kaa qaaday Faroole
Faroole: Maxaa inoo kala dambeeyey

M. Suudi: Xaa noo kala dambayn lahaa, mahaad ogeyd aan subixii nimaadna waana ka hoyaadna, waxna lanama weydiiyo unukuna cidna ma wareysano, Areey Cabdiraxmaanoow aqalkaan waa laysku sirey maahee maba loo baahneyn.

Faroole: Muuse hadalkaagu waa hadal Mucaarade, dalka iyo dadka ayaynu u adeegaynaa?

M. Suudi: Aryaa Faroole muggaan ma unukaa is dhagreyne, xaad u adeegee gurigaaga dhexdiisa maad ka adeegee, maba soo xaadirine?

Faroole: Hawl weyn baan halkan ka wadaa saw ma ogid in dowladdii Imaaraatka oo oodaheedii wadata aan ku soo xirey dekadda Boosaaso, oo wax walba layla dul taagan yahay?

M. Suudi: Aryaa waaba yaabe ma ragga dalka iyo baddaha gateyaad ku jirtaa? Imaaraat tuug waaye, intaan noolahay aniga iyo inta ila mawqifka ahina riyadooru u hagaagi mayso.

Faroole: Muusoow caddaaladda waad ka fogtahay 9 Sanno ayaa Turkigu idinla joogey oo mashaariic idiin wadaye maxaa ku tusay Imaaraatkayaga?

M. Suudi: Imaaraatkayaga?Oo waaba is leedihiin miyaa? warkaan waa war igu cusube.

Faroole: Haa xagaanaan iska lahayn, saw ma nihin niman Qureysh ah, bal eeg anaga iyo Somaliland dadkii Carabta ahaa ee dhulkan ku noolaa keliya ayuu imaaraatku heshiis la galay, Qolyihii Afrikaanka ahaa, haddee Turki meel weyday iyo Ugaandhiis ayaad isku bah tihiin.

M. Suudi: Nabee inaan ku faraxanahay minaan Turki tolnahay ee mala hubaa Tolnimada carbeed Farooloow?

Faroole: War heedheh Boowe maxaad isu yeelyeelahaysaa, 27 sanno kaddib markii wiil Carbeed dalka oo dowlad la aqoonsan yahay ka jidho qabtey waa kuwaas yimid tolkanagii carbeed, Cabdullaahi waaguu joogayna hoos hoos ayay wax ula wadeen, haddee nin walba tolkiisa waa ogyahay waana yaqaan.

M. Suudi: Oo mugga Carabi waa tolkiin? Unukuna Turkigaan isku tolnahay?saas miyaa xaalku, dalkana carabaad siihaydiin waaba arkay Igaarkan Farmaajo ah inuusan JUBBU ka dhihin ee hoosta kala soo heshiiyey, waase haddii layska yeelo, Ameerikaan iyo Amxaar waxow iga cuni waayey Imaaraat iyo awlaadiis iga cuni maayaane, wada hawsha?

Faroole: Muusoow weligaa ilbixi maysid, haddaad xanaaqdo waad dagaallamaysaa maahine siyaasad kale ma haysid, war anagu miyaanu kula dagaallaney, Madaxnimadiina waa kaa qaadney, Federaalkiina waa ku adeeganaynaa, dowladdo na taageerana waa keensanaye, adigoon diririn Muusoow qorshe la kaalay.

M. Suudi: Dirir, Dagaal iyo siyaasadba Faroole waa kaa badiyaa waad ogtahay waxaadse iga badisaa waa FAANKA anna hee ceebaan u aqaana inaan faanno, muggaanse huri maydo waa laysku baana oo laysku faannaa ee waa halkaad wax gaarsiido, xaadse Garoowe ka qabee maad shaqada timaadid?

Faroole: Hawl yar ayaa qabyo iga ah, waxaan rabaa inta Galmudug ka burbureyso, Hirshabeellena Xamar la hoos geeynayo ee Gudoomiye Gobol Jowhar iyo Hiiraan Farmaajo u soo magacaabayo inaan halkan xarkaha siyaasadeed ka sii xirxiro, kaddibna adigoo shacab ah xamar kuugu imaad, ileeyn hubna ma haysatid, hadalna waxba iiga tari mayside.

M. Suudi: Faroole belaayaad falkihee, haddii xaal xumaadaana hadhoow aad dhahee walaxaa dhacay, Galmudug mugaad burburi haydo ee ma buunshaad u qabtaa? Hirshabeellese mugga xamar la hoos keenaayo, saw ma ogid hal berri oo aan buunka yeeriyo in Farmaajo Buffalo orod ku tagaayo?

Faroole: Fiiri fiiri waadigaa xanaaqay durtaba, war arrinku sidaa maaha, Galmudug waxaannu ka dhaadhicinay Ahlusunno inay tiraahdo Hoos halaga soo billaabo oo hadda dhisme cusub iyo ergo hala keeno, halkaasna qolada kale diido, murankaasina keeno iney meesha ka maqnaadaan dowladda dhexene mudaahano iyo dhexdhexaadin been ah ku wareeriso. Hirshabeellena haddaanu iska horkeenaynaa oo Madaxweynaha ayaa mooshin laga keenaya, kolkaasaa markuu nin reerkiina ah meesha ku soo baxo, Hiiraan gooni isu taagaysaa, hawshuna halkaasey sidaan rabnay usoconeysaa.

M. Suudi: Riyo waaye warkaaga ee waxaan kuu sheegaa ma maqashay in Jidkii Hobyo iyo Gaalkacayo dhammaaday, Hobyona Turkigu dhisaayo oo jidka Xamar iyo Hobyo aan hadda bilaabeyno, Mugaasna Boosaaso iyo Puntland hawshoodu dhammaatey? Mase ogtahay in Ceelmacaan la furaayo Gegi diyaaradeed oo caalami ahna, Ceelcadde Turkigu ka dhisaayo iyo Saldhig meleteri.

Faroole: Muusoow waxaagu waa ha lays dilo lama furi karo dekad aan nalagala tashan, dadka deegaankana in layska horkeeno waa xumaan!

M. Suudi: Adigu waxaad iigu faantey walaxaan burburihaa oo dad aan isku diraa, anna hee dalkayga aan dhisahaa aan ku dhahee yaa xumaan wadaa ma adiga mise aniga?

Faroole: Aniga taydu waa siyaasad ee maaha xumaan, adiga taaduse waa cunaqabateyn iyo in dhaqaalaha layskala dagaallamo.

M. Suudi: Minaan dekadahayga dhisto, oo waddooyinkayga hagaajisto ma cunaqabateynaa? Muggaad dad walaalo isku dirtaana waa siyaasad iyo ragganimo, Faroole abidkeen heshiin mayno ammaan iska kala tagnaa?

Faroole: Ma doonahayn inaan kuu sheego, haddase waa kuu sheegahayaa, Saw ma ogid in la dhisahay ciidan 18000 kun ah oo Maamullada ka soo jeeda? Ciidankaas waa ciidankii laydin xasilin lahaa, 6000 waxay ka imanahaysaa Jubbaland iyo Puntland, 6000 dhankaaga ka imanaysa, Beelaha yaryar ee aad dhibteen baan qoranahaynaa iyo rag nala shaqaynahaya, kaddibna dowladdu awood ayay wax ku meel marsiinahaysaa, Muuse Turkina inta ka hartey 2017ka ayuu sii joogahayaa, Xamarna Imaaraatbaa loo dhiibahaya iyo Kismaayo, dekad kalena dalkaan laga furi ma hayo, Doorasho ayaa lagu dhawaaqahayaa, haddee nin Imaaraat iyo Carabi la socoto, Mareykana gadaal ka joogo uun baa guuleysanahaya, aan kuugu daree Deriskuna waa nala jiraan(Kenya iyo Itoobiya) waa laga soo gudbay muggaad anaa xoog leh ku booteynaysay.

M: Suudi: Dadka muggey seexdaan ay riyoodaan, adiguse soo jeedaad ku riiyoohaydaa, Eebboow Turkigu intaan degno iyo deriskeena Koonfur galbeed ee aan walaalaha nahay usugaa xiga oo u ehel ah, ee minaad Afrikaantii isoo xejiday, Itoobiya iyo Kenya ma tolka carbeedeey ka mid naqdheen? Yaab iyo lama arag.

Faroole: War Muusoow bal weynu eegi midkeena riyadiisu rumoowdo!

M. Suudi: Anigu anigoo socdaal ah minaan kuu imaad Boosaaso iyo Garoowe i xir, muggase Galmudug iyo Hirshabeele iyo Banaadir Barwaaqadu is gaarto waa kula leeyahay hay dhihin.

Halkaas ayaa lagu kala tegay, haddaba aqriste, maxaa kaaga baxay Kaftanka labada Geed fadhi ee aqalka duqeytida Dowladda Beelaha Soomaaliyeed.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr.
Name : Ax Yaa Wadani
Subject : Re :jsl iyo xuska maalinta shaqaalaha aduunka ee 1-da may 2017.
Date : 2017-05-03
Waar jaafaajirqida iska daaya. Madaxda dalkeena cayda ka daaya, xisbigaad doonto ahow, laakin waxa wanaagsan in aynu cayda iyo aflagaadada ka deyno Madaxda Xisbiyada kuu doono ha ahaadee, iyo weliba marwada madaxweynaha. Taasi waa iga talow - intaa isku jeedaan, ma Somaliya ayaynu af iskaga celin weynay:

Waxay Somaliland ugu yeedhaan "Maamulka Somaliland" wasaaradan warfaafinta, jaraaidka, web-sites-ka, wariyaasha Somaliland ma waxay garan waayeen marka ay Somaliya ka hadlayaan, ama war ka qorayaan in ay ugu yeedhaan "Maamulka Somaliya".

Waar ama faciin iska celiya, oo dagaal yar-yareesi ma lahee iska celiya qeyrkiin, ama sida dhooreyda intu isku jeesta - Madaxdiinana cayda ka daaya, oo xaasidiinta in ay idinku qoslaan ka feejignaada.

Ax Yaa Wadani

[ Reply ]


Pages : [ jsl iyo xuska maalinta shaqaalaha aduunka ee 1-da may 2017. 1 ]