Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Xukuumadda JSL Oo Ergay Gaar Ah U Magacawday Wada-hadalada DF-da Somalia.Bandhigga Caalamiga Ah Ee Buugaagta Hargeysa Oo Furmay.Dhoofkii Xoolihii Somaliland Oo Uu Sacuudigu Dhinaciisa Fasaxay..Bucshurada Dhoofka Xoolaha Nool Ee JSL Oo Xayiraadii Laga Qaaday.Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Qoray JSL.Kulan Dhexmaray Xukuumadda D'Jibouti Iyo JSL.JSL Oo Dunida U Kala Dirtay Fariin Dadban Oo Dhinaca Wada-Shaqaynta Tooska Ah.Baarlamaanka Ingiriiska Oo La Soo Dhex-dhigay Dood Ku Saabsan JSL.M/Wayne-Ku-Xigeenka JSL Oo Qaabilay Wafti Culus Oo Ka Socday Dawladda Maraykanka
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main


- Home - News - Articles - Health - Opinion - Feedback - Search - Archive - Submit News

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
Oodweynenews
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.
Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

duqayn loogu geystay qaxoonti somaliyeed meel u dhow dekedda xodayda/yemen.

duqayn loogu geystay qaxoonti somaliyeed meel u dhow dekedda xodayda/yemen.

News


 http://i.ndtvimg.com/mt/2014-02/spanish_cargo_ship_france_afp_240x180.jpghttp://content.presentermedia.com/files/animsp/00005000/5562/question_mark_serious_thinker_md_wm_v2.gifUgu yaraan 30 qaxooti Somaliyeed ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay xeebaha Dalka Yemen ka dib markii uu gantaal ku habsaday doondii ay ku safrayeen.







Mid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay doonta gantaalka lagu dhuftayIlo laamaha caafimaadka ka tirsan oo ku sugan Dekedda ay maamulaan Xuutiyiintu Magaalada Xodeydah/Yemen ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka mid yihiin haween iyo caruuur dhallaan ah, dad kale oo badan oo dhaawac ahna loo wareejiyay cusbitaallada Magaalada Xodayda.

Ilaalada xeebaha ayaa saxaafadda u sheegay in qaxootigan oo wata warqadii aqoonsiga qaxoontinimo oo rasmi ah oo ay bixisay Hay'adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ( UNHCR ) ay ku sii socdeen Dalka Suudaan ka dib markii ay weerartay diyaarad dagaal oo ah kuwa qummaatiga u kaca. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa waxa ay muujinayaan maydad daadsan doonta dusheeda. Ku dhawaad 80 qof oo ka badbaaday ayaa waxa loo qaaday cusbitaalada Magaalada Xodayda sida ay sheegtay Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka ( IOM ).

Dekadda Magaalo-Xeebeedka Xudayda waxa gacanta ku haya Xuutiyiinta dagaalka labada sano socda kula jira waxa loo yaqaan Isbahaysiga uu hoggaaminayo Sacuudigu. Isbahaysigaas ayaa gacanta ku haya maamulka hawada Dalka Yemen.

Wakaalada wararka Yemen ee SABA oo ay gacanta ku hayaaan Xuutiyiintu ayaa sheegtay in qaxootiga laga soo weeraray dhinaca  cirka, weerarka noocaas ahna ay geysan karaan Isbahaysiga oo keli ahi.

Sidaas oo kale mid ka mid ah ilaalada badda oo la yidhaahdo Maxamed Calay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo ay qoryo ku rakiban yihiin ay weerarkaa geysatay.

Weli si dhab ah cidina sheegan cidda ka dambeysay weerarka Balse sarkaal ka shaqeeya dekada ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in doonidaas oo ku xidhatay dekedda Xudayda, dadkii dhintay iyo kuwii dhaawacmay lagu garaacay hub fudud.

Isbahaysiga la sheego in uu Dalka Sacuudigu hogaamiyo oo shilkaas lagu eedeeyay ayaan weli hadlin dhacdadani. Ilaa iyo haddana lama oga cidda weerarkaas u gaysatay Somalidaas qaxoontiga ah.

Media


Posted on Friday, March 17 @ 21:41:10 UTC by admin



duqayn loogu geystay qaxoonti somaliyeed meel u dhow dekedda xodayda/yemen. - duqayn loogu geystay qaxoonti somaliyeed meel u dhow dekedda xodayda/yemen.

The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : YES BOOZE: INA GUELLEH DAMEER O ETHIOPIA U CARARAY
Subject : Re : duqayn loogu geystay qaxoonti somaliyeed meel u dhow dekedda xodayda/yemen.
Date : 2017-03-18
https://www.youtube.com/watch?v=W5hxRXxUJw4

KI INA GUELEH DAMEER AYA IMIKANA U CARARAY ETHIOPIA ISAGO KA CABSIQABA INA SOMALILAND IYO UAE USO HESHINAYAAN.. INTU XAARKIISI BACO KU SHUBTAY AYU SI QAATAY MARKAASU U TAGAY KI DESALEGN MARKASU KU LEEYAHAY WA LA IGU SO MAQANYAHAY EE YAAN DHINACAGA LA IGA SO MARIN.. FUCKING MACANGAG KALIGI TALIYEH URAYA O MUSHAKIYA BAL DAWAADA WAXA OROD U KU WAASHAY.. LOL.. FUCKING SHIT..

YES BOOZE SUPPORTS THIS MESSAGE

Name : YES BOOZE: MACANGAG KALIGI TALIYEH URAYA O OROD KU WAASHAY
Subject : Re :duqayn loogu geystay qaxoonti somaliyeed meel u dhow dekedda xodayda/yemen.
Date : 2017-03-18
WAARYADAHEEN MACANGAGI KALIGI TALIYAHA AHA EE INA GUELEH DAMEER WAABA WAASHAY MIYA? SOWKAN KOLBA MEEL OROD KU TAGAYA?? LOOOOOOOOOOOOL.. FUCKING MANCANGAG MOTHERFUCKER.. WAAR U DHAMEEYA KAN.. WAXAN LALA SUGAYA WA MAXAY?? WAAR NOOGA YEEDHA KI INA BOOREH O KU WAREJIYA WARSHADA SABIDHKA .. MARKANA NAGA DHISA DEKEDA BERBERA IYO SALDHIGA MILITARY IYO AIRPORTKA KALEH IYO DEKEDI KALEH EE BERBERA LAGA DHISAYAY.. NAGA SAMEEYA WAXAN O DEGDEG NOOGA SAMEEYAA// MAXAYDU SUGAYSAAN?? FUCKING SHIT..

YES BOOZE SUPPORTS THIS FUCKING MESSAGE
Name : YES BOOZE
Subject : Re :duqayn loogu geystay qaxoonti somaliyeed meel u dhow dekedda xodayda/yemen.
Date : 2017-03-18
WAAR WAXAYDU KA SAXEXDAAN O KALIYA UAE INAANA WAX HUB LAGALA SO BIXIKARIN SALDHIGA MILITARY IYO INANU JIRIKARIN WAX IS DHEXGAL A O KA DHAXAYNKARA MILITARYGA SALDHIGA IYO BULSHADA BERBERA.. MARKAANA DHOWR GUUTO DHUL DHIGA SALDHIGA O BAADHA CIDA SO GALAYSA IYO CIDA KA BAXAYSA.. MARKAA ARIMUHU WA OK SI FICAN O EDEB LEH AYA MEESHA LOO WADA JOOGAYA.. WAXAN LAGA HADLAYA WA SHEEKO TUUGI MEESHA LA TIMID. KA INA GUELEH NOOGA DHAMEEYA O KI AY IS NECBAYEEN EE INA BOREH KU WAREJIYA WARSHADA SIBIDHKA BERBERA O NAGA DHISA WAXA LA SHEEGAYO O DHAN DEGDEG.. HADALKI AYA NAGU BATAY.
Name : Runta
Subject : Re :duqayn loogu geystay qaxoonti somaliyeed meel u dhow dekedda xodayda/yemen.
Date : 2017-03-19
Mr. BOOZ

Khilaaf Ka Dhex Qarxey Waftigii Xukumadda Ka Tirsanaa Ee Imaaradka Heshiiska Lasoo Galaayay Iyo Wasiir Sacad Oo Iscasilaad Ku Goodiyay

Ilo wareed xog ogaal ah ayaa sheegaya in muddo laba cisho ah wadahadalkii Heshiiska Madaarka Berbera ay dib u dhigeen labada dhinac ee Somaliland iyo Imaaraad-ka kadib markii weftiga dhinaca Somaliland ka socday laba qorshe oo kala duwan hor dhigeen madaxdii ay kala kulmeen Heshiiska.


Warar Soo Gaadhaya Xafiiska Warqabadka Ee Afkashacabka Ayaa sheegayaa in wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland la shir tagay qorshe sal-balaadhan oo uu kula gor-gortamayo dalka Imaaraat-ka hase yeeshee ay ka hor timi caqabad ay hore u dhigeen xubnihii mashruucan watay ee uu ka mid-ka ahaa wakiilka Somaliland ee Imaaraat-ka, kaasoo uu hore-ba Sacad u Diidanaa jirtaankiisa sida uu dhawr jeer warbaahinta ka sheegay inaanu jiri wax Heshiis ah, isla markaana aanu Saxeexayn haddii aanay Somaliland dani ugu jirin waxa la dhaafsanayo Madaarka Berbera.


Talaabadda Wasiir Sacad waxa ka hor yimi sida ay ilo wareedku sheegayaan Faysal Cali Waraabe oo dalka UK uga yimi ka qayb galka shirka lagu wadahadlayo, iyadoo la sheegay inay wakiilka Somaliland iyo Wasiirka Madaxtooyaddu u isticmaalayaan inuu Heshiiska taageero, isla markaana la dagaalamo cid kasta oo u fikirta sida ay doonayaan si ka duwan.


Qorsha kooxdaasi waxa ka biyo diiday wasiir Sacad oo qorshe cad oo ka fogaan aragsan kooxdan kale golaha la maraya, kaasoo ku dooday inaanu aqbalayn muhmal in lagu galo Heshiiska, waxaanay doodad hex martay weftiga Somaliland sababtay sida la sheegay in laba cisho dib loo dhigo wadahadalka.


Labada dhinac Somaliland iyo Imaaraat-ka ayaa la filayaa inay berri dib isugu soo noqon doonaan, iyadoo aan la ogayn qorshaha ay Somaliland mar kale la shir tagi doontaa nooca uu yahay.

[ Reply ]



Name : Faarax
Subject : Re : duqayn loogu geystay qaxoonti somaliyeed meel u dhow dekedda xodayda/yemen.
Date : 2017-03-18
dhibaato badan ayaa haysata Somalidii daganayd Yemen ee rabtay inay ku soo noqdaan dalalkooda oo ma haystaan meel ay u maraan gaar ahaan Somaliland. Yemen nololi ma taalo oo cunaqabataynta saaran baa si xun u saamaysay. Waxa ku soo korodhay duqyntan oo ujeedo badan ah. Taas oo lagu lamaanaynayo dagaalka uu cadowgu kula jiro Yemen.


[ Reply ]



Name : Hibaq Ibrahim Gamute
Subject : Re : duqayn loogu geystay qaxoonti somaliyeed meel u dhow dekedda xodayda/yemen.
Date : 2017-03-19
Xarunta Xuquuqal Insaanka, Xarunta Daraasaadka Siyadda iyo COMPAD oo ah sadex urur oo ka tirsan ururada bulshada rayidka ah ee saldhigoodu yahay Somaliland waxaay ku baaqayaan in si deg deg ah loogu sameeyo baadhitaan madax banaan si loo ogaado cidii ka danbaysay weerar lagu qaaday dooni maraysay biyo mareenka Babul Mandab ee xeebta Yaman halkaas oo ay ku naf waayeen dad shacab ah oo ka badan afartan qof.
Ururadan ka tirsan bulshada rayidka ah waxaay si adag u cabaaraynayaan weerarkas. Qaxoonti ay ka mid yihiin dad reer Somaliland ah ayaa lagu weeraray diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah. Waxa lagu dilay weerarkaas dad badan.

Weerarkan bahalnimada ah ee sida tooska ah loogu bar tilmaameedsaday dad shacab ah waa mid aan la aqbali karin, arxan daran oo ka soo horjeedaa xeerka caalamiga ah. Waxaanu ku baaqaynaa in si dhaqso ah baadhitaan loogu sameeyo dhacdadan.

Axmed Yuusuf Xasan, gudoomiyaha COMPAD

Hibaq Ibrahim Gamute, Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Daraasaadka Siyaasadda Mobile: +252 634224668 Email: centerforpolicy.ed@gmail.com

Guleid Ahmed Jama, gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka


[ Reply ]



Name : TALO
Subject : Re : duqayn loogu geystay qaxoonti somaliyeed meel u dhow dekedda xodayda/yemen.
Date : 2017-03-19
Illaahay ha uu naxariisto tahriibayaasha dhintay.

Tahriibku waa geeri. Ha tahriibin.


[ Reply ]



Name : Bulsho
Subject : Re : duqayn loogu geystay qaxoonti somaliyeed meel u dhow dekedda xodayda/yemen.
Date : 2017-03-19
Hooyooyinka Dhalay Qaar Ka Mida Dhalinyaradii Ku Dhimatay Badda Yemen Oo Si Qiiro Leh Uga Hadlay Masiibadii Haleeshay Caruurtoodii.

https://www.youtube.com/watch?v=hfZSTFiUG4Q


[ Reply ]



Name : Sir-Ma-Qabe
Subject : Re : duqayn loogu geystay qaxoonti somaliyeed meel u dhow dekedda xodayda/yemen.
Date : 2017-03-19
Waxa isa soo taraya wararka ka soo baxaya doonidii Somalidu saarnay ee lagu duqeeyay Marin-biyoodka Baabal-mandab, kuwaas oo hadda la sheegayo in dadka ku geeriyooday ay u badnaayeen Reer Somaliland, gaar ahaan Hargeysa, Burco iyo Lascanod.

Waxa geesta kale jira dad dhaawac ah iyo kuwo aanay waxba soo gaadhin oo badbaaday, kuwii dhaawaca ahaa waxa lagu dabiibayaa cisbitaal ku yaala Xudayda/Yemen, halka kuwii aanay waxba gaadhin xabsiyada lagu xidhay.

Nin ka mid ah dadka dhaawaca ah ee ka badbaaday shilkaas oo ka soo jeeda Somaliya, oo uu Geeska Afrika la hadlay ayaa si kooban u sheegay in masiibo heshay, "Walaal masiibo ayaa na heshay, dhimasho iyo dhaawac ayaan isugu jirnaa ee inta dhimatayna u soo duceeya, inta dhaawaca ahna u soo duceeya.” ayuu si kooban u yidhi wiilkani.

Ninkan dhaawaca ahi wuu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeraad ah, wuxuuse magacaabay dadka geeriyooday qaar ka mid ah oo ay safarkaas ku wada jireen. Dad ka shaqeeya cisbitaalka uu dhaawaca yaalo oo Somali ah ayaa baahiyay magacyadan hoos ku qoran oo ay sheegeen inay isugu jiraan dhaawac iyo dhimasho, kuwaas oo ay dalbadeen in la faafiyo, waxaanay kala yihiin sidan:


1: Deeq Mahad Faarax oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

2: Xafsa Cumar Daroori oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

3: Ayaan Maxamed oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

4: Faadumo Yuusuf Haybe oo kasoo jeeda Laascaanood (DHimasho)

5: Aaamina Baaxeer oo kasoo jeeda Burco (Dhimasho)

6: Hibaaq Axmed Tarabi oo kasoo jeeda Burco (Dhimasho)

7: Muxumed ISmaaciil oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho)

8: Maxamed Aadan Cabi( Maxamed Timo) oo kasoo jeeda Burco (Dhimasho)

9: Cabdiraxman hassan mohamoud Dhaawac, kana soo jeeda Lascanod

10: Maareeye Cabdiraxmaan, oo dhaawac ah kana kana soo jeeda laascaabood.

11: Cabdi Xasan oo dhaawac ah kana soo jeeda Laascaanood.

12: Guuleed Cabdifataax Giirre oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho)

13: Cabdirisaaq Dayaxo kana soo Jeeda Burco (Dhimasho)

14: Xamdi Xasan Faahiye oo kasoo jeeda Laascaanood waa dhaawac.

15: Ibrahim Ahmed (Dhimasho).

16: Abdirashiid Cismaan Bide-Cige Dhimasho Oo Ka Keeda Burco


[ Reply ]


Pages : [ duqayn loogu geystay qaxoonti somaliyeed meel u dhow dekedda xodayda/yemen. 1 ]