Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Xukuumadda JSL Oo Ergay Gaar Ah U Magacawday Wada-hadalada DF-da Somalia.Bandhigga Caalamiga Ah Ee Buugaagta Hargeysa Oo Furmay.Dhoofkii Xoolihii Somaliland Oo Uu Sacuudigu Dhinaciisa Fasaxay..Bucshurada Dhoofka Xoolaha Nool Ee JSL Oo Xayiraadii Laga Qaaday.Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Qoray JSL.Kulan Dhexmaray Xukuumadda D'Jibouti Iyo JSL.JSL Oo Dunida U Kala Dirtay Fariin Dadban Oo Dhinaca Wada-Shaqaynta Tooska Ah.Baarlamaanka Ingiriiska Oo La Soo Dhex-dhigay Dood Ku Saabsan JSL.M/Wayne-Ku-Xigeenka JSL Oo Qaabilay Wafti Culus Oo Ka Socday Dawladda Maraykanka
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main


- Home - News - Articles - Health - Opinion - Feedback - Search - Archive - Submit News

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
Oodweynenews
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.
Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.

beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.

News


 http://jaarcadnews.com/wp-content/uploads/2016/10/51gh.pnghttp://www.picgifs.com/graphics/s/sorry/graphics-sorry-316360.gifDalalka saaxiibada dhow ee JSL ayaa ka walaacsan dib-u-dhaca ku yimid doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Baarlamaanka iyo Guurtida.









http://gabiley.net/wp-content/uploads/2014/11/EU-flag.jpgDalalka Denmark, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ntherlands, Sweden, Britain, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sheegay inay si qotodheer uga niyad jabeen go'aanka dib loogu dhigay doorashooyiinka Somaliland.

Dalalkan oo si dhow ula shaqeeyay Somaliland ayaa sheegay in muddada loogu daray dowladda ay ka badan tahay middii ay dalbadeen.

"Dib u dhigidda doorashada madaxweynaha iyo midda baarlaamanka waxaa la sameeyay ayadoo aan la sababayn", ayaa lagu yidhi warka ay sida wada jirka ah u soo saareen dalalkaasi.

Waxay sidaas oo kale sheegeen oo ay yidhaahdeen, "Ma jiro qorshe wax looga qabanayo caqabadaha keenay muddada dheer ee loo kordhiyay baarlamaanka".

Waxay warka ku sheegeen in doorashada madaxweynaha laga dhigay Bilsha November ee 2017ka, midda Baarlamaanka iyo doorashada deegaamadana laga dhigay 2019ka.

"Dib-u-dhacu wuxuu dhaawacayaa hor-u-marka dimuquraadiyadda ee Somaliland, wuxuuna walaac geliyay ku kalsoonaanta dowladda iyo xushmadda dhaqanka dimuquraadiyadda ee saaxibada caalamiga ah", ayaa lagu qoray warka.

Dowladaha saaxiibada la ah J.Somaliland ayaa sheegay in baarlamaanka Somaliland ay xafiiska joogayaan 14 sano oo doorasho la'aan ah, haddii qorshahaa hadda la raaco.

"Waxay taasi ka badan tahay laba goor, sida uu qorayo dastuurka Somaliland", ayey ku sheegeen.

Waxay tilmaameen in Guurtida ay ku baraarujinayaan inay muujiyaan xushmadda ay u hayaan codbixiyayaasha Somaliland.

"Dib ha u eegaan go'aankooda, hana dejiyaan waqti kama dambeys oo lagu qabanayo doorashada madaxweynaha, baarlamaanka iyo midda deegaamada, sida ugu dhaqsaha badan ee muuqata".

Waxay sheegeen inay meel cad ka taagan yihiin kordhinta waqtiga iyo dib u dhigidda doorashada.

Warsaxaafadeedka waxay ku sheegeen. "Ku kalsoonaanta dowladda Somaliland halis ayey ku jirtaa, waxaana la waayi doonaa maalgashiyo muhiim ah".

Waxay dowladaha warka soo saaray sheegeen in aanay bixin doonin qarashka ku baxaya dowladda muddada waqtiga loogu daray.

Media


Posted on Thursday, March 09 @ 21:22:10 UTC by admin



beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl. - beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.

The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : udgoon
Subject : Re : beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-09
waxan leeyahay arintee caalamka hdaawwac waybaa inaga so gaadhay dimuqraadiyadeenibay dhaawacaya iyo idhiidhkii beesha caalamamka inkastoo abaaraha waxba far la dhaqaajin karin awgeed haddana waa arin inaga inp taalo dawladu kalideed haga baxdo dooroshada qabashadeeda markay gaadho kadi markay dhamaato mudadado dalkuna barwaaqoobo


[ Reply ]



Name : dadweynaha
Subject : Re : beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-10
wadaniyow ku nac oo kaa quustay.

walee xooga rajo baan ka qabay inuu xisbigaasi inuun soo caqli roonaado, haduu sidaa goostay dee bess rajoba kama qabo.

wadani waaban ka rajo dhigay, waana dhibaato kolkuu xisbi dhami ka lunto xigmadu.

Name : Yaasiinka
Subject : Re :beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-10
Ummad yahay reer Somaliland cadowbaa inaga dhextoosay la jaanqaadaya cadowga dibedda ee ayanu indhahaa oo dhan ku eegeno. Labaduba waxay ka murugaysan yihiin oo ka dgaalamayaan waxkasta oo Somaliland u kordha, isku luqad ayay ku hadlyaan. Cadowga gudaha iyo ka dibedda waxa khatarsan ka gudaha waayo inta isha dheer oo keli ah ayaa aragta ka guddaha halka ka dibedda cid waliba aragto ha la feejignaado, waxay isticmaalayaan laba website oo kala ah Qarannews iyo Hadhwanaagnews, oo loo yaqaan in Somalilanders leeyihiin.
Name : Waaheen
Subject : Re :beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-10
Boosaaso (Kalshaale) Maxamed Caydiid Jaamac oo ah gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland ayaa Idaacada Goobjoog ee Muqdisho u xaqiijiyay in dalka Imaaraadka lagu wareejinayo dekadda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Waxaaa la waydiiyey guddoomiyaha Wuxuu ka la socdo in in dekadda Boosaaso lagu wareejinayo Imaaraadka ?

“Runtii, een wey jirtaa arrintaas, duruufta ka jirta dekadda Boosaaso waxaa ay keeneysaa in dekadda Boosaaso la ballaariyo, dekadda Boosaaso ma aheyn dekad konteennarada iyo alaabaha waaweyn ee yimaada ama Maraakiibta waaweyn ay ku soo xirato, duruufta waxaa ay saamaxeysaa, wixii aad adiga qabsan kartid in aad qabsato, wixii aad qaban karinna la raadsato cid kula qabata, si hor-u-marka iyo ganacsiga u sii jiro, si hor-u-marka u xoogeysto, mar haddii dhalinyarada badda isku daadinayaan, haddii dalka kaabayaashiisa la dhiso oo xoog yeeshaan, kumaamun baa ka shaqeynaya, kumaakumkaas waxaa ay sii biilayaan kumaakum kale, marka hor-u-kac iyo kobac dhaqaale ayaa ka dhalanaya”

Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland waxaa uu ka hadlay ahmiyadda dekaddaas iyo guud ahaan Puntland u leedahay gobolka, “Puntland waxaa ay ku taallaa meel istaraatiiji ah, waxaa ay ku taalla marinta ay maraan gaadiidka badda ugu badan adduunka, waa geeska ugu kooneeya, dhinac waa badweyta Hindiya dhanka kalana Badda Cas, Marka waa marinka adduunka meesha uu maro”.

Mr. Maxamed Jamac Caydiid waxaa ku fogaaday sababta dalal uu Imaaraadka ku jiro muhiim ugu yahay gobolkan “Waxaa ay tahay meesha ugu dhaw wadamada Khaliijka sida Imaaraadka, Cummmaan Yemen iyo waddamo kale, fursadaha ganacsi ee ka jira awood ay leeyihiin, waxaa ay Puntland leedahay xoolo nool, Kalluun faro badan iyo xabkada oo dhaqaalo badan ka soo galo.”

Dhinaca kale, mar sii horreysay ayaa madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas la weydiiyay in saldhig siinayaan Imaaraadka, Gaas waxaa uu iska fogeeyay in Puntland Imaaraadka siineyso saldhig Militari, laakin waxaa uu qiray in ay jiraan tababarro ay Abu-Dhabi siiso ciidamada Puntlnad.

“Dowladda Imaaraadka, waxaa ay naga taageertaa tababarta ciidanka badda, wax qarsoonna ma aha, laakin saldhig militari oo imaaraad leeyahay oo Puntland ka jira ama nagala hadlay ama aanu rajeyneyo ma jirto”

Dekadda Boosaaso ayaa Noqonaysa dekaddii labaad ee dalka Imaaraadka Carabta la wareegaan muddo lix(6) Bilood gudaheed ah, August 9, 2016-kii waxaa Imaaraadkan si rasmi ah ula wareegeen dekadda Berbera, iyaga oo intaa kadib isla maamul-kaas gooni-u-goosadka ah ka saxiixday saldhig military oo ay ka sameystaan Garoonka Berbera.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya weli kama hadlin heshiisyada Imaaraadka, waxaa jiro Mooshin ay wadaan Xildhibaannada golaha shacabka oo dowladda looga hadal siinayo, Aqoon-yahanno iyo shacabka badan ayaa la yaaban damaca Imaaraadka ee Soomaaliya.
Name : udgoon
Subject : Re :beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-10
hadhwanaagnews somaliland lee mawaxa lagu hasyta dawlada may soo raacin waaryahee guulwadoow iska joog xagaaga hadhwanaag xaqa sheegaysaa way madax bananatahee cidna uga hagram mayso runtee goormay cadoow noqotay
Name : dadweynaha
Subject : Re :beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-10
waakan website ka DP World, ku qor search engine ka puntland ama bosaso, waxa kuu soo bixi doona no result

se kolkaad ku qorto somaliland ama berbera waxa kuu so baxaya heshiisyadii somaliland iyo DP World

http://web.dpworld.com/
Name : dadweynaha
Subject : Re :beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-10
sidoo kale wada baadh website yada laga leeyahay puntland ku arki maysid cid hadal haysa inay dp world la wareegayso boosaaso.

kolka beenta halaga koro, mashaariicda yaan la siyaasadayn.
Name : dadweynaha
Subject : Re :beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-10
http://web.dpworld.com/

search engine ka kore ku qor puntland ama bosaso, waxa kuu soo bixi no result

kolkase aad ku qorto somaliland ama berbera waxa ku soo baxaya heshiisyadii ay shirkadu la gashay somaliland.

warkaasi waa propoganda cadowga somaliland abaabulay oo isleeyahay bulshada somaliland ku khal khal galiya. oo ay ugu horayso caasimada.com

[ Reply ]



Name : Hudiso
Subject : Re : beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-10
Somaliland iyamaa u roon inay wax la qabsato Imaaraadka mise Beesha Caalamka iyo quwadaha waaweyn ee erayga iyo itaalka leh. Imaaraadku ma leh awood u gaar ah ee waa aalad lagu shaqaysto marka cid loo maaro waayo ama la fahmi waayo si toos ah.

Name : dadweynaha
Subject : Re :beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-10
waa yahee, yaad haysa oo ina xiisaynaya maanta. ruush inama xiisaynayo. maraykan iyo ingiriis waxay door bideen xamar.

hadaad ruush inoo keenaysaan waa hagaag, na tusa raadka. haatan dowlada qudha ee inaga soo codsatay saldhiga military waa imaaraadka.

kolka waa halkii ahayd midho gunta kuugu jira looma daadiyo kuwo geed saaran. ruush inoo yimid oo wax inaga soo codsaday ma hayno. hadiise aad keeni kartaan waa hagaage inoo keena, waaban jeclaan lahayn.
Name : dadweynaha
Subject : Re :beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-10
anagaaba idin ka jecel in ruush naloo keeno. waaba hadii la noo hayo, xitaa waan ku mudaaharaadi saldhiga imaaraadka la siinayo, waa hadaad inoo sheegtaan ruush baa saldhig inaga soo codsaday.

anaaba u horayn hadii aad taa inoo keentaan. laakiin ruush xiiso ma inoo qaba? codsi ma ka haysana, cilaaqaad wali malala bilaabay?
Name : Hudiso
Subject : Re :beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-10
Dadweynaha,

Sheekadu ma aha kala doorasho dawlado keensada saldhig milatary oo la kala jeclaysanayo. Waaba khatar saldhig milatary maanta oo aan weli si buuxda loo aqoonsan Somaliland. Lama diidana Dekedaha, Wershadaha, Wadooyinka, Maalgashiga. Jaamacadaha, Soo Saarista Betroolka iyo Macdanaha kaleba. oo waa la soo dhoweynayaa Imaaraadka iyo wixii la halmaala. Haseyeeshee Saldhig Ciidan oo aan waxba laga dheefeyn ayaa dhibtiisa leh siyaasadana halis ku ah. Waxaana meesha ku jira murano shaki leh oo lala xidhiidhinayo Somaliya oo farogelin ku leh.
Name : Galbeedi
Subject : Re :beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-10
Waxaa jiraa xanuun maskaxda laga dhaca dadka la jidh-dilo oo waxay jeclaadaan ciddii dhibaatada u gaysatay.
Xanuunkan waxaa loo yaqaan " STOCKHOLM SYNDROME.
XANUUNKANI WUXUU HAYAA KUWA U DHASHAY SOMALILAND EE U RIYAAQA FAQASHTA.
WAXAY JECEL YIHIIN IN AY FAQASHTII SOO NOOLATO OO AY GURYAHOODA GASHO OO LA KUFSADO DUMARKOODA OO WALIBA LAGU YIDHAA XUN YAHAW XUNKU DHALAY.
Salaamaat.
Name : dadweynaha
Subject : Re :beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-11
hudiso

walaalo haday somalia ku lug leedahay, maxaa keenay inuu xumaado xidhiidhkii dibloomaasiyadeed ee somalia iyo imaaraadka. oo ay gaadhay inay dowlada imaaraadku safiirkeeda uga yeedhato muqdisho?

wararkii aan kasoo xigan jiray caasimada.com oo somalia laga leeyahay miyaanad arag? xamar walwal aad ah bay ka qabtaa saldhigaasi inuu aqoonsi caalami ah ina gaadhsiiyo.
Name : dadweynaha
Subject : Re :beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-11
walaalo mideeda kale waxa la yidhi aqoonsi la isa siiya waxay ku xidhan tahay danta lagaa yeesho.

maanta hadii dan nalaga yeeshay ma inaan isa seejina? hiil baanu u baahanahay dowlad inoo hiilisa. hiilkaasina iskama helayno waxaanu se ku heli karna iyadoo dan nalaga yeesho.
Name : Suldaan
Subject : Re :beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-11
Ummadda Somaliland jecel meel kast oo ay joogaan waxaan ugu baaqaayaa in loo gurmado sidii looga hortegi lahaa xisbiga Waddani, runtii way jiraan dad jecel horumarka Somaliland oo xisbiga ku jira oo weliba madax ah, laakiin waxa ku badan kuwa cadowga u ah Somaliland ee la jecel xagal daacinteeda, waa kuwa marka la yidhaaho Bosaso ayaa DP World bmaal gashanaysaa ogolaanaya maalgashiga Berberana marka la yidhaao Imaaraadka ayaa sladhiga ka dhisanaya Berberana mudharaadaya marka la yodhaaho Xamar ayuu ka dhisanyaana ogolaanaya. Qof walowba meel aad joogto wargeli cidii aad waxu sheegi karto sidii xisbigaa talada dalka looga ilaalin lahaa waa inuu kaalinta saddexaad weliba tiro yar ku galaa. Bur iyo biyo ha u kala baxaysaa waa inat wanaagga Somalilan ku faraxda iyo inta ka naxda.
Name : udgoon
Subject : Re :beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-11
haddana no boosi ma wuxuu noola baxay galbeedi hhhhhhhhhhhhh
Name : dadweynaha
Subject : Re :beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-11
c/wali gaas madaxweynaha puntland oo ku tilmaamay waxba kama jiraan in dowlada imaaraadku saldhig military boosaaso ka dalbatay sidoo kalena ku tilmaamay arrinka dp world war been ah.

waxaanu sheegay inay dowlada imaaraadka waydiisteen inay ka caawiso sidii ay ciidan xaga bada u tababarto.

http://www.hiiraan.com/news/2017/Mar/wararka_maanta11-140188.htm

[ Reply ]



Name : IndheerGarad
Subject : Re : beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-11
Reer Somaliland hadalkoodi bila macnaha baa batay, ma hadal badan iyo dood ayay arrintan uu baahantahay? Waa maya. Wax laga doodo ma yaalan meesha, si degdeg ah oo qodob qodob ah wax ha laga qabto qodobadan saxiibaheena caalamku ka hadleen.

Golaha Guurtida waxa aad mooda in ay tixgelinta ugu weyn siinayaan jeebkooda halki dimoqraadiyada Somaliland iyo magaca iyo sharafta Somaliland aanay macno sidaas uu weyn iyaga uu lahayn.

Meesha laga jabay waa komiishankan doorashooyinka oo ah dadki ugu liitay oo Somaliland soo mara, dhaawac aan yarayna gaadhsiiyay Somaliland.

Waar anaga idinka xogogaalsan ee qodob qodob wax ha laga qabto arrimahan saxikbaheenu idin soo jeediyeen.


[ Reply ]



Name : IndheerGarad
Subject : Re : beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-11
Bal ummadan jahawareertay eega, immika yaa ka hadlay saldhiga militeri ee Imaraadka? Waar miyaydun arkayn cinwaanka korka ku qoran? Waxa laga hadlaya halkan waa saxiibaheena reer galbeedka ee ila 1991 Jamhuuriyadan Somaliland ka caawinayay waxbarashada, biyaha, caafimaadka, beeraha, kaluumeysiga, iwm.

Saldhigan baas ee Imaraadka ee aad kolba soo hadalqaadaysaan sida aan horeba idin sheegey waa arrin dhamaatay oo labada gole uu codeeyeen, waxa qudha ee la sugeyona waa wakhtiga dhismahiisa la bilaabayo oo aan rajaynayo inay dhowaan noqoto. Ninki raba inu ka hadlo arrin dhamaatay meelo kale ha la tago balse meeshan mawduuca yaala waa saxiibaheena reer galbeedka ah iyo tixgekin laanta ama kibirka ka muuqda golaha guurtida. Hoy kibirka waa lagu kufa ee Somaliland maanta uma baahna saxiibo la colooba ee saxiibo ay kordhisato baa uu baahantahay.

Mashruuci biyaha Hargeysa ma saxiibaheena maanta inala talinaya baa bixiyay mise golaha guurtida bixiyay sodonka malyan dollar? Waa yaab runti kibirka iyo tixgelin laanta saxiibaheena la siinayo maanta, golaha guurtida intu Salebaan qabsaday meesha goaamo wanaagsan waa jiraan laakin marka ay arrimaha doorashooyinka noqoto aad iyo aad wado khaldan baa dalka mariyeen.

GUNAANAD:

Somaliland maanta waxa looga baahanyahay in goaano degdeg ah ay ku saxayso arrimahan ay qaado. Doorashada barlamaanka iyo golaha degaaanka ha laga dhigo sanadka 2018. Somaliland kuma horumarin kelmada "ma karayno" balse waxa ay ku jorumartay "waanu karaynaa" iyo goaano adag iyo adkaysi.

Oday Salebaan ama ha ku dhawaaqo in Somaliland ka guurtay nidaamka dimoqraasiyada ama ha tixgeliyo codbixiyeyaasha Somaliland iyo saxiibaha aan caalamka ku leenahay. Hadal badan iyo wakhti lumis loma baahna ee in bil gudaheed lagu saxo arrimahan baa loo baahanyahay.

Barlamaanka iyo guurtida canshuuraha muwadiniinta baa mushaharkooda ka helaan ee ha shaqeeyaan ama meesha ha baneeyaan. Waa maxay doorashadan aana 14 sano la qaban kareyn? Meesha ma lacagta shacbiga iska cuna oo ha shaqeynina baa sheekadu? 2018 waa in la qabta doorashada barlamaanka iyogolaha degaanka ama dalalka waxa aanu ka abaabulayna mudaharaadyo waaweyn oo ka koooban dhamaan sedexda xisbi iyo reer Somaliland oo dhan.

Xaq baan uu leenahay in aan la xisaabtano kuwa aan mushaharkooda bixino, Salebaan kama yeelayno in saxiibaheena caalamka inala colowsiiyo.

Name : Jamaal
Subject : Re :beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl.
Date : 2017-03-11
Waan ku raacsanahay Indheergarad fekerkiisa. Xunkunka dalka waa in lagu soo celiyaa gacana dadweynaha sida ugu dhaqsaha badan, waayo guurtida iyo wakiiladuba way ku xadgudbeen ammaanadii shacabku u dhiibteen.

Dhibta jirta waxaa qayb weyn ka ah xisbiyada dalka ka jira oo si fool xun dadkii qabyaalad kula qaybiyey iyagoo adeegsanaya miidye (Media) aan waddaniyad iyo aqoon toona lahayn, sida awgeed, meesha ay ka baxday dareenkii shacabku wada wadaagi lahaa. Waxaa kaloo iyaguna meeshoodii gabay aqoonyahayn ku sheegii Somaliland oo ka bixi waayey daneysi iyo qabyaalad ka foolxun tii reer miyiga.

[ Reply ]


Pages : [ beelsha caalamka oo ka walaacsan dib-u-dhaca doorashada jsl. 1 ]