Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Sir. Cabdi Ismaaciil Samatar oo Basaas DalacayArday Reer Somaliland ah Guulo soo hooyeyXidigaha Geeska: "Qudhaanjoye Ku Quuso"!!JSL Iyo Somalia + Mooshinka Saldhigga Millatary Ee Magaalada Berbera.Dagaal Caalami Ah Oo Laga Digay.Urur-Diineed Xabsiga Lagu Wada Guray Hargays.Waraysi: "Somaliland Waxay Xor Ahayd Somalia Oo Talyaani Gumaysto".Dawladda Kenya Oo Cuucadaysay DF-da Somalia.Qodobo Laga Gaadhay Shir Dawladda JSL Iyo Kooxda Khaatumo Uga Socday DJabuuti.
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main


- Home - News - Articles - Health - Opinion - Feedback - Search - Archive - Submit News

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
Oodweynenews
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.
Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.

sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.

Articles


 
Image result for Fiscal & Monetary Policy
Siyaasadda sicir-bararku waa gole-ka-fool soconna mayso. Adeegyada Zaadka iyo E-Dahabka waa lagu gefay. Sababaha keenay scir-bararka iyo xalka oo cilmiyaysan. By; Drs. Hoodo Yuusuf..










Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo waxa ay qaaday tallaabooyin Gole-ka-fool ah oo aan cilmi dhaqaale iyo maaliyadeed midna ku dhisnayn, “Fiscal & Monetary Policy“.

Adeegga ZAADKA & E-Dahab shaqo kuma laha sicir bararka. Waa adeegyo bulsho oo loo baahan yahay, muddo dheenna shaqaynaayay. Waxaan hoos ku sharxi doona sababaha keenay sicir bararka iyo tallaabooyinka ku haboon ee lagu xallin karo.

1). XADDIGA LACAGTA “MONEY SUPPLY“.

Sicir bararaku wuxuu ku xidhan yahay xaddiga lacagta ee suuqa ku jirta. Marka lacagta suuqa ku jirta badato, Waxa kor u kaca sicirka alaabta iyo khadamaadka “goods & services”. Sida uu iftiimiyay Eng. Mohamed Xaashi Cilmi. Wasiirkii hore Cabdicasis Samaale saddex jeer ayuu soo daabacay lacag xad dhaaf ah oo aan loo baahnayn. Lacagta xumi waxay eryataa lacagta wanaagsan 'Bad money chases out good money“. Lacagta la soo dabaacay waxay eryatay doolarkii oo qiimaheesa kor u kicisay. Lacagtaasi waxay ka baxsanayd miisaaniyadda“Budget” dawladda, waxaana loo isticmaalay Doolar Uruursi “US Dollar Hoarding’”. Olole siyaasadeed, Xaflado..iwm. Markay doorashadu soo dhawaatay 70ka Wasiir & Wasiir-Ku-Xigeen. Waxay uruursanayaan doollar inta aan xukunka lagala wareegin.

2). KOOTO XIDH “OLIGOPOLY“.

JSL waxay qaadatay nidaamka dhaqaale ee loo yaqaan suuqa xorta ah “Free Market Economy“. Xukuumaddu waxay habkaas ku bedeshay kooto-xidh ‘Oligoboly”. Marka ganacsiga kooto loogu xidho qof ama laba , waxay u suurta gelinaysaa in alaabta ay soo dejiyaan ku iibiyaan sicirka ay doonaan. Tusaale ahaan, shidaalka “Fuel” waxa kooto loogu xidhay koox-yar oo weliba loogu daray Haamahii shidaalka. Sicirka Foostada baatroolka ahi wuxuu gaadhay US $ 114 per barrel. Bilshii May 2014kii. Maanta qiimaha foostada baatroolku waxuu marayaa US $ 45 per Barrel, balse litreka shidaalku hoos uma dhicin gudaha JSL. Wuxuu weli taagan yahay halkii uu taagnaa Bilshii May, 2014kii. Faraqa waxa jeebka ku shuubta kooxda yar ee kootada loogu xidhay shidaalka . Taasna waxa sababay kooto-xidhka uu Kulmiye keenay ee lagu naas nuujinaayo gafanayaal iyo dhiigmiirato uu ka mid yahay Gafane Ina Aw Saciid.

3) DOLLARISATION. Dhaqaalaha JSL waxa lagu tilmaamaa “Dollarized economoy“.

Waxay la macno tahay marka ay xukuumaddu kalsoonida kala noqoto lacagta dalka “Legal tender” isla markaa isticmaasho, kaydsato, kuna sicir goosato Dollarka Maraykanka. Doolarku waxa uu dalka ka soo galaa qurbajoogta, dhoofinta xoolaha nool iyo NGO’s. 90% waxa dolarka urursada ganacsatada waawayn iyo xubnaha xukuumadda. Markuu doolarku suuqa ku yaraado qiimahiisu kor ayuu u kacaa, noloshuna way la kacdaa, waxaana ku dulman muwaadinka aan doolar haysan. Dawladaha “Dollarisedka" ah waxa ka mid ah Panama, Ecuador, Salavdor oo dhaqaalahoodu ku xidhan yahay maraykanka (USA ).

4) KORDHINTA CASHUURTA DADBAN “INDIRECT TAX“.

Cashuurta Dadbani “Indirect Tax“ waa cashuurta la saaro alaabta ganacsiga ee laga soo dejiyo dekedaha sida bariiska, timirta, dharka, saliida iwm. Marka la kordhiyo cashuurta dadban, ganacsadahu sicirkuu kordhiyaa, waxa dhaca sicir barar dhibtuna waxay ku dhacdaa muwaadinka saboolka ah. Xukuumadda JSL waxay si isdaba-jooga u kordhisaa cashuuraha dadban. Waxa ugu danbeeyay cashuurta xad-dhaafka ah ee dhawaan la dul saaray kontainerada oo kor u kacay 67%.

La soco qormada danbe ee aanu ku eegayno “Xalka Sicir Bararka“.


Drs Hoodo Yusuf, 
London, UK.
yhoodo@yahoo.com

Posted on Thursday, January 26 @ 22:37:10 UTC by admin



sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl. - sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.

The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : Galbeedi
Subject : Re : sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-27
Zaadka iyo E-Dahab waxay ku shaqaystaan $ bes.
Taasi waxay keentay in laga guuro Shillingkii SOMALILAND oo dabadeedna uu halkaas ku joogsado isticmaalka Shillingku. Arrintaasi waa ta keentay SICIR-BARAKA.
GOAANKA UU SOO DAARAY MU. MADAXWEYNUHU WAA GOAAMADA LAGU XASUUSAN DOONO MUJ. SIRANYO.
WA BILLAHI TAWFIQ.


[ Reply ]



Name : Cali
Subject : Re : sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-27
rift valley institute


Following Mobile Money in Somaliland



file:///C:/Users/user/AppData/Local/Microsoft/Windows/Temporary%20Internet%20Files/Low/Content.IE5/F9YHQ54W/Following_Mobile_Money_in_Somaliland_by_Gianluca_Iazzolino_-_RVI_Rift_Valley_Forum_Research_Paper_4_(2015)[1].pdf

Name : Hayaan
Subject : Re :sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-27
1.Dawladu muctarf ah oo hadana aan lacagtooda isticmaalin
lacag qalad isticmaala
2.dawlado ku bahoobay lacag qudha
3. Scotland oo hadii ay ka xoroodo UK doonaysa in ay sii isticmaasho
Giniga Isterliiniga ah




https://qz.com/260980/meet-the-countries-that-dont-use-their-own-currency/
Name : garxajiska
Subject : Re :sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-27
garxajiskaamahabar yoonistuwaxaad ku garataaa inay soomaalia jecelyihiin waatiixamda yartiiheesi jirtay waatii muqdisho tagtay kuwaas iyo maxaa lakala siistaa somalia alla somalia jecelaa garxajisku waxa la yidhi iyagu habarjeclo soomaliyuun nicmada ku cunijireenoo ama muuska sidaas u jecelyihiin inta soo hadhay ee somaliland ka dhabtahay waa dadkakale
Name : garxajiska
Subject : Re :sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-27
gar xajis iyo soomaaliya maxaa lakala siista niyow waxay soomalia ka jecelyihii maan arag intoo badanmaba aamisnana gooni isku taaga somaliland haddi maanta loo yeedho iyagaa TAGAYA IYAga iyo habar jecloba somaliawaxbaa ugu aasan
Name : Cali
Subject : Re :sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-27
Seddexda Murashax ee Jamhuuriyadda Somaliland laba waa garxajis.
markaa halkan haka dalam dalamnayne orod oo Hargeysa tag oo labadaa Murashax Somaliland ka saar, hadii aanad kari karayn iska aamus faqashay dadka ha isku diraysa
Name : garxajiska
Subject : Re :sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-27
faysal isaga waxay dantu ugu jirtaa inuu ninkaa dhabarka ka jabiyo sidaas waxay ku kala saxeexteen mujaahid muuse biix cabdi halyeygii weynaa oo geedka usoo seexday jamhuuriyadeenan yaryar oo hadh iyo habeen cadowga jabinayay markaa cirahana waxa laga soo abaabulay muqdisho waynu aragnaa
Name : Cali
Subject : Re :sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-27
Anigu ma ihi garxajis laakin aflagaadado ma ogoli

ha haabaarin Somaliland boqolaal mujaahid ayey lahayd oo qaarkood u shahiideen

Ina Macalin Haaruun
harag waafi
Maxamad Cali
Qarash yare
Ina Goot buur
Lixle

iyo qaar kale oo badan

mujaahidiin badan ayaa markii wadanka la xoreeye iska fadhiistay ama tacbiray maxa labada meesha ku naanaabshay hadaan danaystayaal ahayn
Name : dadweynaha
Subject : Re :sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-31
anigu garxajis ma ihi, laakiin in nacas kaagan oo kale golaha laga qabto oo tooshka la saaro ayaad ku fiican tahay. noocaagaasi waa nooca ka shaqeeya isku dirka umada Somaliland iyo kala qaybin ta bulshada. dadka noocaagaasi oo kale bulshada waxba kama ahan. cidina kuma qadarinayso, sida qudha ee lagugu dhayi karo waa in dalka madaxweyne garxajis ah loo dhiiba siiba ciro oo ah habaryoonis. cudur la yidhaah qabyaalad ba ku haya, xalka qudha ee lagaaga dawayn karaa waa tiiyoonu doorano madaxweyne garxajis ah siiba habaryoonis ah. lol kkkkkkkk si fiican baad u caafimaadi, hadba qabiilkii aad nacdo ayaa madaxweyne qaran lagaaga soo dooraya. lol kkkkk. qabiilkii aad nacdo ayaanu madaxweynaha somaliland ka dhigan doona. si xanuunka qabyaalada lagaaga dhayo. lol kkkkkkk

[ Reply ]



Name : garxajiska
Subject : Re : sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-27
beenalay fiooqal beenalay tanbaa anaga drs isku kaaya sheegaysa dabadeed soodhigaysa sabab ay ku dufaacayso dhiig miiirtayaayaasha dahabshiil iyo telesom si ay taa ugu sheego been ayay soo mulmulaaqaysa deedna af engriis yar ku dardaraysaa iyadoo iska dhigaysa inay ka indho laadahay waxa ay inoo gysteen labadaa shirkadood ee telsom iyo dahabshiil waa arin layaableh cilmiga dr baratay lakiinse anagu wax ka baran dhaqaalaha laftirkeed oo aanu jaamacado ugu soo baxnay intaan baadhay maan arag faaida dheerada ee ay ka hesho shirkada telesom zaadka iyo sida ay cunaha u qabatay bulshadeena somaliland way cadtahay inay tahay shirkadahana heer gumaysi ookale iyo dhiig shubato burbur ku haysta umadeena

Name : Cali
Subject : Re :sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-27
waxaad tahay jaahil murakab ah. oo diradiraala ah
hadaad Somaliland u danaynayso maad noolayseen oo maad xoojiseen
qabyaalada oo kumaad hadaaqdeen magac beeleed.
inanta figradeeda aye dhiibatay , hadaanad dayday ahayn fikirkaaga si cilmiyeysan ayaad u dhiiban lahayd.
wadamo waaweyn ayaa iska daaye isticmaalka lacagta, qaarkoodna 1o sanadood ka bacdi waabay iska joojinayaan lacagta,wax walba waa electronic, markaa badowyaw dib haw celin dadkan soo baraarogay
Name : garxajiska
Subject : Re :sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-27
horta jaahilka xagaa inaga dhigoo haddana jaahil ahaan lahaa si aqoonlaba kulaan hadli lahayn aqoonta waa aynu isku afgaranaynu adiguba haddaad mustawaad hoosayninee takale telesom inaydhiig shubata taay wadyii cidwalba waa gumaysi casriayaysan wax ay faaidaan mooyee walee lagama faaido waana wadaado lacagtu hor martay oo waliba kabeen sheegay sheekhnimadoodu waar boqolshilin kaa dayn maayaan adigana way ku dhacaayaan waleemaan arag waxay ka faaidaysaan dawladeena diciifka ah sorry
Name : No booze
Subject : Re :sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-27
Waaryada safka hore ciyaalasuuqda ummada cayaysana waydu ogoshihiin anagana markasta "try later" aya meesha nagaga so baxaya?? Markassay yidhahdeen No Booze wa nin waalan???? Bal eega kan dad iska cayaya ?? Malaha wa qoladi majeerteen Ee sirtooda helnay inay Yuhuud la shurakobeen si Somaliland Iyo kuwa xamar jooga majerteeniya u talisso .. Ala caqligoodu intu legyahay ha la arko ...

No booze
Name : No booze
Subject : Re :sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-27
Waar kan duliga ya u sheega Ina shaqsiyaal Iyo shirkado waxay sameeyaan Ee selfishness dusha laga saarikarin qabiilo .. Caqliga dadkani Waxa u wiregaraysanyahay inay wixi dhaca ay ummada dhan o Waxa lagu sameeyay ay dusha ka saaraan .. Personal responsibility ma jire waxan la donaya collective punishment ... Sixir bararka Garxajis samayn kumu yeelan Miya?? Mise garxajis ayaanay abaar ku dhicin ?? Garxajis ku ibnadamka meesha ku nool miyaanu ahayn o hada diyaraha kaso kacaya Djibouti meesha bomb ku ridaan ku madhanaya meesha ??? Marka jaahil la noqdo waxay keenta ciyaalasuuqnimo .. Reality laga hadlimaayeh Waxa lo boodaya sheekoyin beel hablaayo aya ceel biyood qodatay Iyo beel heblaayo aya Geel wadatay ... Maskaxdiba wa beel Iyo ceel biyood Iyo geel ..

No booze supports this message
Name : No booze: stock market Iyo xassuq wa isku xidhanyihiin
Subject : Re :sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-27
Waaryadaheen sheekadu Waxa ku bilaabanta kuna dhamata wa Wall Street Iyo London stock exchange .. Waxasso ruwayad Iyo xassuq ka socda afrika Iyo middle east ku Waxa lacago lagaga macashaya suuqyada London Iyo New York .. Simple example: Somaliland Waxa problemyada ugu socdaan wa sidi bil qasab loogu keenilaha shirkado petrol qoda o markaana sharekoodu kor u kaco o markaana la iibiyo o laga macaasho .. Sheekadu inta ma dhaafsisna .. Petrol la qodo Iyo share la iibiyo Iyo dadki dhulkooda wax laga qodayay o meesha ku silca o weliba loogu biriyo Ina dhulkooda u dhulgariir ka dhaco Marka dambeh Ee isticmalaan fracking .. Waata Waxa saldhigyada Djibouti looga samaysatay Iyo cunaqabatayntaf Iyo dollar ka cunaha la Idinku qabatay ... Wa shirqool waxani .. Waana xassuq .. Wa stock market Iyo petrol Iyo dad la xassuqo ...

No booze
Name : Galbeedi
Subject : Re :sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-28
Marka hore salaam Guud,
Marka xigana waxaan idiin sheegayaa haddaa aragtaan qof sheegaya GARXAJIS, SUBEER AWAL, HABAR JECLO AMMA JABAR XABUUSH WAA KHAAINUL WADDAN.
SHEEGSHEEGGA MAGACYADA AAN KOR KU SHEEGAY WAA MEELAHA LAGA WAXYEELLAYN KARO JIRITAANKA JSL.
QOFKII KU DHAWAAQA QABIIL ANIGU WAXAAN U AQAAN OO AAN UGU YEEDHAA XAAR-WALWAAL IYO XAAR-QUUTTE.
Name : Quruxdiisa Geel Dhalay
Subject : Re :sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-28
Gurmadka abaarta waxa loo baahan yahay in dawladdu hogaanka u qabato. Guidida gurmadku waa wadaado lagu xulay amaanada oo ay ilaalin karaan, waana run oo lacagta danyartu waaka nabadgelaysaa laakiin hawsha intan leeg ee gurmadak ma qaban karaa.
Wasiirkii maaliayddu way dadaalaysaa laakiin hawshan ay ku jirtaa waa hoosaasin khatarteeda leh, maalin dhaweyd QARBADYO ayay qaybinaysay, xagay ka keentay qarbadyada, abayaasheen ma soo gaadhin waxa laga yaabo inay awoowasheenii saddexaad ama afraad isticmaali jireen.
Gabadhani ilaahy inaty qabatay jasaaigeeda ha siiyo laakiin hawsha waa in guddi aqoon u leh loo saaraa
Name : dadweynaha
Subject : Re :sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-31
nacaska magaca garxajis wata, kolka hore hadaad qabyaalad ka nadiif tahay soo gasho shaadh caadi ah oo lagugu garto oo magaca qabiilka iska soo dhig dhinac. waa nacasnimo qof sidaado kale ah ee reer afka la galay inuu maanta ka hadlo sicir barar oo wax lagaa waydiiyo arrin umadeed. taasi jaahilkaagan oo kale waxba laga waydiin maaye soo ilbax oo qabyaalada kasoo ilbax horta.
Name : jawaan bariisa lagu qaabay
Subject : Re :sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-02-10
no booze waa jawaan bariiskii marna somaliland ahaa marna puntland taageeri jirey anagoo maskaxda nagaga ciyaarayaa

[ Reply ]



Name : dadweynaha
Subject : Re : sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-31
asbaabaha keenay sicirka waan fahmi karaa, waanan fahmi karaa asbaaba lacagta shilling Somaliland u qiimo beeshay, xalkeedana waan hayaa. waxaase loo baahan yahay in lacagta dib u eegis lagu sameeyo, oo lasoo koobo. Somaliland shilling haatan waxa ugu saraysa 5000. 1999 kii waxa ugu saraysay 500 oo shilling. 1996 kiina waxa ugu sarayn jirtay 50 ka shilling. kolka waa in lacagta la xadido. waa in dib u qaabayn lagu sameeyo shilimaadka dhagxaanta ah si dadka dib loogu jeclaysiiyo, waa in lacagta waraaqda iyadana dib loo qaabeeyo oo lasoo koobo tirada ugu weyna noqota 50 shilling. anigu waxaan samayn lahaa hadaan ahay wasiirka maaliyada sida tan. lacagta sidan baan kusoo koobi lahaa, rubuc shilling, nus shilling, hal shilling, 2 shilling. intaasi waxaan ka dhigaya dhagxaan. lacagta waraaqda sida tan baan ka dhigi lahaa, % shilling, 10 shilling, 20 shilling iyo 50 shilling baan ugu waynaysiin lahaa. waxaan soo saari lahaa lacag plastic ah oo waraaqda xageeda gasha oo tan waraaqda hawada ayaan ka siibi lahaa, dhagxaanta waan casriyayn lahaa. waa sida aan anigu u qaabayn lahaa lacagta shilling Somaliland ta.


[ Reply ]



Name : Bulsho
Subject : Re : sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-01-31
Dhaqaalo Yahan Sharaxay Waxyaabaha Sababay Qiimo Dhaca Kuyimid Lacagta Somaliland, Tilmaamaynka Xalka.

Dhaqaale-yahan Dr. Ismaaciil Ibraahim Oo Laga Waraystay Sicir Bararka Ka Jira Somaliland Iyo Waxyaabaha Sababay.

https://www.youtube.com/watch?v=6mcUUsltoAw


[ Reply ]



Name : Drs Hoodo Yusuf
Subject : Re : sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl.
Date : 2017-02-02
TALAABADA KOWAAD EE XAKAMAYNTA SICIR-BARARKU WAA XARAASHKA “ AUCTION” $10KII MILLION EE XAQUL-QALINKA

Xukuumadda Kulmiye waxay qaaday tallaabooyin Xumad jebin ah oo aan ku dhisnayn cilmi dhaqaale & cilmi maaliyadeed “ Fiscal & Monetary Policy “.Xal maaha in shirar ma dhalays ah loo qabto Qaadwalayaasha & Sarriflayaasha . Xal maaha in lagu galgasho adeega Zaadka & E-Dahabka. Xal maaha in Habro durbaan sita la yidhaahdo taageera Dikreetada Guul Same Siilaanyo. Maanta Qiimaha halka doolar wuxuu suuqa madow ka jooga SH 9,000 . Xalka xaqiiqada ahi wuxuu ku jiraa in Xukuumadda Kulmiye deg-deg u fuliso tallaabooyinka soo socda:

1). In Xukuumaddu si deg deg suuqa u soo geliso $ 10 kii Million ee xaqul-qalinka ahaa ee Marwo Sam-Sam isku sawirtay. Taasi waxay keenaysa in xaddiga lacagta “ money supply” ee shillinka Somaliland suuqa laga yareeyo oo qiimahiisu kor u kaco. Waxa doolarka laga iibinayaa oo qudha ganacsatada yar –yar iyo jeeblayaasha “ Licesnsed Small business owners”.

2). In Xukuumadu si deg-deg u dhinto cashuurta dadban “ Indirect tax “ ee laga qaado quut-al-daruuriga “ essential goods “ sida Bariiska, Sonkorta, Saliida ,daqiiqda iwm, kuna samayso sicir-kaab “subsidy”

3). In Xukuumadu si deg-deg u kordhiso cashuurta dadban ee laga qaado alaabta aan daruuriga ahayn “ Luxury goods” sida sigaarka , qaadka , sharaabka ,baabuurta raaxada iwm.

4) In Xukuumadu deg-deg u dhinto qiimaha shidaalka “ FUEL” iyo qiimaha korontada. Waxaynu la socona in qiimaha shidaalku suuqa caalamiga ah hoos ugu dhacaday 56 % (from $ 115 per barrel to $ 52 per barrel “ .Waxba iskama bedelin qiimaha shidaalka ee gudaha Somaliland. Waxa sicir gooya dhiigmeerato ku xidhan Xukuumada Samawade Siilaanto.

5 )In xukuumadu deg-deg u kordhiso cashuurta tooska ah” Direct Corporate Income Tax “ ee laga qaado dhiigmeeratada sida Dahabshiil, Deero Group, Omaar Group,Somcable; Telesom; laguna kaabo quut-al-dariiriga danyarto karsato.

6).In xukuumadu si deg-deg u kordhiso cashuurta laga qaado Hudheelada waawayn & fooq-yada dhaadheer “ property-tax” ee ay dhistaan kuna raaxaystaan xaraan-quutayaasha, laguna kaabo quut-al-daruuriga danyarto cunto.

7) In la joojiyo kharashyada ka baxsan miisaaniyadda qaranka sida Gunooyinka waji-ku-macaashka; Gargardaadinta Col Muuse;Xafladaha xil-wareejinta;Shir-beleedyada ;buraanburka Qasriga Madaxtooyada imw.

8).In Xawaaladaha laga mamnuuco inay dadwaynaha u furaan US Dollar Account “ Non-Resident Account.

9). In dhigaalka dawladda “ Gov’t doollar Deposits “ lagu beddelo Somaliland shiling deposits

10) In ganacsatada lagu waajibiyo inay dhigaalkooda lacageed “ Private dollar Deposits” ku bedeshaan Somaliland shilling.

11).In Bankiga Dhexe la siiyo awood buuxda uu ku maamulo Bangiyada“ “Banking supervision authority“
1
Drs Hoodo Yusuf,UK,
yhoodo@yahoo.com


[ Reply ]


Pages : [ sababta sicir-bararka ku soo kordhay sayladaha jsl. 1 ]