Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Drs. Adna Adan oo la kulantay Jaaliyadda Kuwait       Faallo Ma Leh...Shib Ka Dheh....No Comment. ... Keine Kommentar...       Waxgaradka Gobolka Awdal Oo Ka Digay Waxyeelada Qaranimada JSL.       Mataanaynta Magaalooyinka Berbera/JSL Iyo Bristol/UK.       Shirkadda Shidaalka ( Genel Energy ) Oo Saadaalisay Shidaal Laga Heli Karo JSL.       Jaaliyadda JSL Ee Magaalada Muunikh ( Munich ) Dalka Jarmalka Oo La Aqoonsaday.       Madaxweyne Siilaanyo Oo Socdaal Tax-taxaash Ah Ku Soo Maray Hargaysa.       Qaadashada Kaadhka Diiwaangelinta Madaniga Oo Looga Digay Shisheeyaha.       Fly Dubai Airline Will Start Flights To Somaliland....      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
Oodweynenews
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.
Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

wararkii wargayska geeska afrika

wararkii wargayska geeska afrika

News


 WARARKII WARGEYSKA GEESKA AFRIKA
WARARKII WARGEYSKA GEESKA AFRIKA

 
ntntnttDo you Yahoo!?
Next-gen email? Have it all with the all-new Yahoo! Mail Beta.n
",0] ); D(["ce"]); //-->
Somalilandpatriots.com - 16/09/06


Maxkamadaha oo sheegay inay rajaynayaan in Somaliland dib ula midawdo Soomaaliya dabayaaqadda sannadkan


R
euters- Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka talliya Magaalada Muqdisho iyo deegano kale oo ka mid ah Soomaaliya, ayaa markii u horaysay caddeeyay inay u qorshaysantahay inay wada hadal la gallaan dawladda Somaliland si loo helo Midnimada Jamhuuriyadii la odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Masuulka Golaha Maxkamadaha u qaabilsan Dacwadda iyo Warfaafinta oo lagu magacaabo Sheekh Cabdiraxmaan Cali Muuday oo u waramay toddobaadkan Wakaaladda Wararka ee Reuters, ayaa sheegay inay rajaynayaan in dabayaaqadda sannadkan ay helaan Midnimadii Soomaaliya ee burburtay, “Waxaanu doonaynaa inaanu la hadalno Dawladda taagta daran [Dawladda Cabdillaahi Yuusuf], waxa kale oo aanu doonaynaa inaanu la hadalno Jamhuuriyadda la baxday Somaliland, waxaanan rajo weyn ka qabnaa in aanu helno Midnimadii Soomaaliya dayaaqadda sannadkan”, ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Muuday.


Waxa uu  sheegay in Maxkamaduhu ka soo horjeedaan nidaamka Federaaliga ah ee ay ku salaysantahay dawladda Cabdillaahi Yuusuf, ee lagu soo dhisay dalka Kiiniya, fadhigeeduna yahay  magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Waa markii u horaysay ee ay Maxkamadaha Islaamiga ahi cadeeyaan inay doonayaan inay wada hadal la gallaan dawladda Somaliland, balse Sarkaalka Maxkamadaha u hadlay ma cadayn xilliga iyo qaabka ay doonayaan inay Somaliland kula soo xidhiidhaan..


Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ku celceliyay inaanu marnaba wax wada hadal ah la galaynin Soomaaliya ilaa ay tallada dalkaas qabato dawlad dadkeedu soo doorteen.


MUDANAYAAL WAKIILADA AH OO ARAGTIYO KALA DUWAN KA BIXIYAY WARBIXINTII mADAXEYNE rAYAALE KAGA WARAMAY SAFARKIISII


H
argeysa(Geeska)- Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay warbixintii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale kaga waramay  safarkii uu dhawaan ku soo maray wadamada Jarmalka, Ingiriiska iyo Itoobiya.

Mudanayaashan oo ka kala tirsan Xildhibaanada  Mucaaradka iyo Muxaafadka ee Golaha, waxa ay guud ahaan tilmaameen in ay haboon tahay in Madaxweynuhu socdaalo dibadda ugu baxo si uu taageero ugu raadiyo qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland. Hase yeeshe waxa ay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen warbixinaha uu Madaxweynuhu ka bixiyo marka uu safarada ka soo laabto.


Ugu horayn Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, oo Geeska Afrika weydiyay sida uu u arko safarkii Madaxweynaha iyo Warbixintii uu ka bixiyay,  waxa uu yidhi, “Horta runtii way fiicantahay in Madaxweynuhu socdaalo dibadda ugu baxo oo dalku wuxuu u baahanyhay u doono balse su’aashu waxay tahay 27 cisho ayuu maqnaaye, yaa wax og? Dadku inay wax ogaadaan ayaa loo baahanyahay oo la ogaado wuxuu dalka ugu maqanyahay iyo wuxuu keenay. Meelaha ugu waaweyn ee wax ogaan kara ee wax laga ogaan karo waxa ka mid ah Baarlamaanka. Adduunyada Madaxweynayaashoodu waxay ku maqanyihiin Baarlamaankooda ayay u sheegaan. Waxaan aaminsanahay ballan qaadyadan Madaxweynuhu sheegay inay yihiin qaar aan la aamini Karin, waayo Madaxweynuhu saddex bilood ka hor ayuu shirkado heshiis la soo galay wax ka hirgalayna ma jiraan.  Markaas waxaan qabaa inaanu jirin wax faraq ah oo u dhexeeya ballan qaadyadan iyo kuwii hore ee Madaxweynaha.”


Mudane Xaashi Xuseen Caabi, oo isaguna ah Mudane ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID lagana soo doortay gobolka Hargeysa ayaa yidhi, “Safarka Madaxweynuhu waxa weeye mid aan Illaahay ka rajaynayno inuu noqdo mid guul wanaagsan Somaliland u soo jiida, Madaxweynuhuna inuu baxo oo uu umadda danteeda ka soo shaqeeyo waa waxa loo doortay waana ku waajib. Markaas safarkan waxaan filayaa inaanu noqon sidii safaradii hore oo kale, balse noqdo safar ka faa’iido badan, waxyaabo badan ayuu sheegay oo ay ka mid yihin Wershadda Sibidhka iyo Wershadda laydhka in wax laga qabanayo. Waxaan rajaynayaa inay dhab noqoto, kulamadii uu la yeeshay Madaxda Jarmalka, Ethiopia iyo Ingiriiskana waxaan ka filayaa inay guul ku soo dhammaadeen.”


Maxamed Jaamac Cabdi, oo isna ah Mudane ka soo baxay xisbiga KULMIYE, ayaa isagu naqdiyay safarka Madaxweynuhu ku tagay dalalka dibada waxaanu yidhi “Horta intaan laga hadlin wax loo soo ballan qaaday ee uu Madaxweynuhu ka hadlay, waxa ka horaysa marka hore muxuu la tagay. Ma jiro wax Barnaamij siyaasadeed oo arrimaha dibadda ah oo Golaha Wakiilada intuu keenay loo ansixiyay oo aynu naqaanaa. cid intuu meel fagaare ah kala hadlay oo uu yidhi waxaan ka hadlaynaa waa waxaas waxaynu doonaynaa halkaas ayay marayaan ma jirto. Sidaas daraadeed socdaalkiisu marka horeba wax qorshaysan oo yididiilo fiican leh iilama muuqdo. Wuxuu iila muuqdaa saddex ujeedo inuu lahaa oo midi tahay ujeedo ganacsi, midina arrimo Dalxiis oo lacag fara badani ay ku baxdo, ballan qaadyadan uu leeyahay wax baa la ii soo balan qaadayna kama duwana kuwii hore ee loo balan qaaday ee aan fulin.”


Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ah Mudane ka tirsan Xisbiga UCID, ayaa yidhi,  “Horta markaan eegno socdaaladii hore ee Madaxweynaha ee uu dibadda ugu baxay kan imikana rajo kuma qabo waxaan si wanaagsan u calaamadinayaa xog warankii uu siiyay Golaha Baarlamaanka mar aanu aragnay oo ahayd saddex bilood gudahood oo uu yidhi ‘Shirkado samaynaya maal gelin ayaan la galay heshiis oo Koonfurta Bari ee Aasiya ka imanaya kuwaas oo bilaabaya hawlgalkoodii.’. Markaas warbixinaha Madaxweynuhu Waxa weeyaan warar wada noocaas ah oo aan lahayn nuxur badan oo ah wuxuun sheeg laakiin aan gun lahayn.


Hase yeeshe waxa fikirka Md. Caalin mid ka duwan qaba Md. Xasan Cawaale Caynaan oo ah Mudane ka tirsan Xisbiga UDUB, waxaanu yidhi “Runtii tegista uu Madaxweynuhu ku tagay dalalka Ingiriiska iyo Jarmalka waxaan u arkaa inuu kala kulmay guul ballaadhan oo dalka wax tar weyn u ah, marka waan ugu hambalyaynayaa Madaxweynaha, run ahaantiina waxaan rajaynayaa inay arrintaasi noqoto mid wax ku ool ah. Kolay balamo fiican waa la soo siiyay, ballamahaasi qaarna sidooda way u dhacaan qaarna way daahaan. Waxaan aad ugu rajo weynahay inay ballamadaas uu Madaxweynuhu la soo galay dalalkaasi inay sidooda u dhacaan, waxaan sugaynaana wadamada inoo ballan qaaday inay sideeda uga soo baxaan ballantaas.


Gabadh Soomaali oo iyadoo xambaarsan 76 kiilo oo Qaad ah lagu Qabtay....

Warbidxin Ikraan Cali Kaar


G
otherburg-Sweden- Wargeys ka soo baxa dalka Sweden ayaa toddobaadkan qoray in gabadh Soomaaliyeed lagu qabtay iyada oo Xambaarsan 76 Kiiloo oo qaad ah.

Inkastoo aanay  aheyn arrintani falkii ugu horeeyey ee noociisa ah oo dad soomaali ah qaad loogu qabto Sweden iyo wadamo kale oo ku yaala dalalka Galbeedka ayaa haddana tani tahay mid laga naxo marka la eego da'da aadka u yar ee lugu sheegay gabadhaasi Soomaalida ah iyo iyadoo ah ruux dumar ah.


Wargeyska maalin laha ee kasoo baxo magaaladatan Gothenburg ee Metro ayaa qoray qoraal uu kaga hadlayo gabadhan Soomaaliyeed oo la sheegay iney ku rarneyd qaad dhan 76 Kiiloo  markii la qabanayey.
Wargeyska oo amuurtan sii faaleynaya ayaa sheegay in gabadhani ay markii hore aheyd dadka maan dooriyaha sida waalida ah u adeegsan jiray oo caafimaad ahaana lagala tacaalay sidey uga hadhi lahayd walow aanu Wargeysku carabaabin  maandooriyaha ay adeegsan jirtay.


Gabadhani oo maxkamad ku taala magaalada Gothenburg loo horkeenay amuurtan ayaa haddana markii ay kasoo kabatay Maandooriyeyaashii laga daweynayey dhibaatooyinkii hor taagna iney nolosha iska celiso ay qaarkood halkoodi noqdeen, sida inaanay dugsigii dhaxe weli dhameysan iyo iyadoon helin shaqo rasmi ah.


Bishii April ee sanadkan ayey gabadhaasi tagtay magaalada Kopenhagen ee dalka Denmark halkaas oo ay  xadka Sweden ka soo gelisay qaadkan lagu qabtay ee dhan 76 kilo. Iyadoo iska difaaceysa falkan ayey sheegtay inaanay ka warqabin boorsada waxa ku jira waa sida ay ku dooday. Mida la yaabka leh ayaa ah iney hadana qirato iney iyadu gacanteeda ku soo gelisay.


Dalka Sweden waxaa uu kamid yahay dalalka dhibaatada qaadka uu si weyn uga hayo mujtamaca Soomaalida haddana aaney dowlada iska saarin mas'uuliyad xoogan oo ay qaadkaasi ku mamnuuci karto. Dad badan oo Soomaali ah ayaa qaadka mooday inuu yahay ganacsi lacago laga helayo balse sida ay mar walba warbixinada qaadka la xidhidha laga qoro ayaa sheegta in qoysas badan ay dhibaatooyin qaadku ku hayaan loona xidh-xidho  Waqtiyadan dambe waxa dalka Sweden la arkayey adeegsiga qaadka oo ay dumarka si xad dhaaf ah u cunaan ugana ganacsadaan sida gabadhan yar ee  wargeysyadu hadal hayeen.


Ikraam
Cali Kaar, Sweden


FADHIGA MAANTA EE GOLAHA WAKIILADA IYO OLOLIHII XUKUUMADDA EE XALAY


H
argeysa(Geeska)- Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay in 24-kii Saacadood ee la soo dhaafay ay waday dhaq-dhaqaaq ay taageero ugu doonaysay sidii looga hortagi lahaa in Golaha Wakiiladu ansixiyaan xeerka Golaha Guurtida oo la filayo in Mudanayaasha Wakiiladu cod u qaadaan fadhigooda Maanta.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in xalay la arkayay shirar iyo kulamo kala gaar gaar ah oo ay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradu la yeelanayeen Xildhibaanada xisbiga UDUB iyo weliba qaar ka mid ah Mudanayaasha Mucaaradka ah, kuwaas oo sida la sheegay ay Wasiiradu taageero kaga doonayaan si aan Maanta loo ansixin xeerka doorashada Golaha Guurtida. Waxase wararku sheegeen inay heleen lix xubnood oo ka tirsan xisbiyada Mucaaradka.


Xeerkan ayaa waxa uu ku ansaxayaa hal dheeri, waxaana jira warar sheegaya in Mudanayaasha Mucaaradku haystaan codad ku dhow saddex Meeloodow laba meelood (2/3), taas oo xukuumadda ku abuurtay sas.

Xildhibaan ka mid ah xisbiyada Mucaaradka oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa Geeska Afrika u sheegay in Mucaaradku haysto kalsoonida saddex meeloodow laba (2/3), “Haddaba” ayuu ydihi, “Haddii fadhiga Maanta uu qas ka dhaco waxa masuul ka noqon doonta xukuumadda Somaliland”, isaga oo tilmaamay inuu jiro walwal Mudanayaasha Mucaaradku ka qabaan in fadhiga maanta uu khalkhal galo.


Xeerka doorashada Golaha Guurtida oo doodiisu ka socotay golaha Wakiilada dhawrkii Maalmood ee u dambeeyay, ayaa waxa ka muuqday inay ka soo horjeedaan xildhibaanada xisbiga UDUB oo ku doodayay inaanu xeerka dad gaar ahi soo sameeyeen oo aan loo dhammayn.


Golaha Guurtida oo mudada xil hayntooda hore ku eegtahay bisha Oktoobar ee fooda inagu soo haysa ayaa waxa ay isu kordhiyeen muddo afar sanno ah, ka dib markii Madaxweyne Daahir Rayaale u gudbiyay soo jeedin uu ku weydiisanayo in Golaha Guurtida mudada loo kordhiyo, isaga oo ku sababeeyay inay jiraan duruufo aan saamaxayn in la qabto doorashadaas

Hase yeeshe muddo kordhintaas waxa si adag uga soo horjeestay Xisbiyada Mucaaradka ah oo ku tilmaamay inay tahay sharci darro, taas oo keentay in khilaaf culusi ka dhex abuurmo Golaha Wakiilada oo ay u badanyihiin Mucaaradku iyo


 SOURCE: WARGEYSKA GEESKA AFRIKA OO HARGEYSA KA SOO BAXA

September 16, 2006SomaliaSomalia Somalia Militants Kill Christian Convert Somalia Pakistani Jihadists heading for Somalia: counter terrorism expert Somalia US accused of covert operations in Somalia Somalia Somalia banishes rapists Somalia Somalia police arrest demonstrators Somalia Hundreds of Somali Refugees Cross Daily into Kenya Somalia Western agencies waste money in Somalia: Islamists Somalia Somalis Flee Key Warlord-held Port Amid Fears Of Fighting Somalia Somali Journalist: The Islamists Have a Grand Agenda; They Want to Arabize Somalia and Turn it Into an Islamic Emirate in the Fashion of Talibane Somalia U.S. counterterrorism work stumbles in Somalia

Posted on Saturday, September 16 @ 23:59:14 AST by editor



wararkii wargayska geeska afrika - wararkii wargayska geeska afrika
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : Rashid Abdillahi Gas Rashid Abdillahi Gas
Subject : Re : wararkii wargayska geeska afrika
Date : 2013-02-17
anigoo ku hadalaya magacayaga iyo ka dhamaan qurbe joogta beesha gabooye ee reer somaliland waxaan baaq taageero ku aadan safarkii uu madaxwayanaha jamahuuriyada somaliland ku tagay dalka ingiriisaka iyo guulahii uu kala soo laabatay ee wax ku oolaka ahaa waxaan halakan ka qirayanaa digniintii ka soo yedhay dalka ingiriiska inaanu waxaba u dhimi doonin jirtaaka iyo qadiyada somalilanad rabtitaanka shacanbkuna sii jiri doono waxaan mar kasata tageersanahay horumarka iyo isbadalaka ka soo kordhaaya jamhuuriyada somaliland waxaan taageeradayada ku daraynaa koontadii uu mudane madaxwayanaha jamhuuriyadu dib uugu celiyay golaha sharci dejinata inuu soo ansixiyo waxaanu si xishamdaysan uuga codsanayanaa golaha sharci dejintu inuu noo ansixiyo kontaada cayiman ee maxadwaynuhu dib uugu celiyay golaha sharci dejinta ama barlamaanka jamhuuriyada somaliland .
waxa kaloon aan furasadan uuga faaidaysanayaa inaan dhamaan qurbejoogta beeshu si hagar lanaan ah uugu soo jeedsadaan qadiyada jamhuuriyada somaliland sii mug iyo baaxadba leh waxa kaloon dhamaan madaxdhaqmeedka beesha aan si qadarin leh uuga codasanayaa inay garab taganadaan mar kasata iyo xili kasata qadiayada somaliland badiyaana shir jaraa idada ku garab taaganaatan aminaga ka jira jamhuuriyadeena somaliland madaama aad tahiin madax dhaqmeedkii beesha joogana dalaka gudihiisi waxaan habalayadan iyo taageradan ku soo koobayaa in xukuumada uu gadhwadeenaka ka yahay mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo sii kor dhiso kor u qaadista beesha gabooye dhinaca arimaha bulshada iyo kan saamiga oo aan odhan karno wali waanu ka oomanahay inaan ka muuqano shaashada xukuumadisa oo aan ula jeedo dhinca golaheeda wasaradeed oo runtii tan ay dadka reer soomaliland ee qurbaha ku sugani wada qirayaan inaanu ka maqanahay inu madaxwaynu arintaas fiiro gaar ah uugu fiirsado madaama aanu mar kasata hadaanu nahay qurbe joogta beesha gabooye salnuugno safarada ay dawladu uugu baxado dibadada marna aanu ka arki wayno wasiir ka soo jeeda beelaha gabooye oo safaradaas la socada markaa qadiyadu waa inoo wada dhaxaysaa wanan sii badinaynaa u olalaynata gooni isu taaga somaliland ee muadane madax waayne codsigaasana noo ansaxi oo naga aqabal ka qurbe joog ahaan inay beeshu hesho wasiir buuxa
wa bilaahi tawfiiq somaliland ha jirto ha joogto guul waratana waan u rajaynanyaa

Rashid Abdillahi Gas


[ Reply ]


Pages : [ wararkii wargayska geeska afrika 1 ]