Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Xidigaha Geeska :Ma Walaalaha Hargeysa Cusubaa?       Faallo ma leh...Shib ka dheh....No Comment. ... Keine Kommentar...       Dugsiga Sare Ee Nuuradiin Oo Dahab Ku Abaal Mariyey Hablihii Galay Kaalmaha Hore       Laybareeriga Gaandi Ee Hargaysa Oo Dib Loo Furay ( Gandi Library ).       U.S Government Subjects Travel Restriction On Ali Khalif Galaydh       Faraqa U Dhexeeya JSL Iyo Somalia.       Hambalyada Sanadka Cusub Ee Islaamiga ( Hijriyah ) 2436.       Maalinta QM Ee 24ka Oktoobar....       Madaxda Axsaabta Siyaasadda JSL Iyo Qaadhaan-Bixiyayaasha Oo Ka Wada Hadlay.....      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
Oodweynenews
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.
Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

ilbaxnimadii somalida

ilbaxnimadii somalida

Articles


 Ilbaxnimaddii Somalidu waxay bilaabmatay markii ay bulshada Somalidu bilawday in ay meel dagto, taas oo ah markii ay qaybo bulshada Somalida ka mid ahi ay bilaabeen in ay dagaan oo ay beero falasho iyo farsamo gacmeed bilaabeen ee ay joojijiyeen reer guuraanimaddii. By; Mohamud Aaden Samatar








Qaybtii dagtay waxa ka mid ahaa farsamooyinkii gacmeed ee ay bilaabeen , bir tumid , kabo tolid iyo geedo qor , waxa ay bilaabeen in ay birihii ka sameeyaan, warmo, midiyo , gudin iyo weel wax lagu cuno, waxa kale oo hargaha ka samayeen kabo , taas oo ay ka iibin jireen ama kaga badalan jireen xoolaha inta dhaqata, ama reerguuraaga ahayd.

Somalida ugu hor dagtay ee bilawday farsamo gacmeedka , bilawdayna ilbaxnimadii Somaliyeed waa beelaha imika loogu yeedho Midgaha , Tumaal ama Gabooyaha, Beelahani waqtigan la joogo ma dagaan miyiga, haddii ay dagaana aad ayay u yartahay inta imika dagtaa miyiga , sabata oo ah waa dadkii ugu hor bilaabay meel daggida, ama magaalo dagga, farsamo gacmeedka iyo ilbaxnimadooda awgeed.

Somalidani waxay ay xidhiidh la lahayd wadamo badan, sida Hindida, Carabta iyo Turkiga oo ay la lahaayeen xidhiidh ganacsi, kana iibin jireen waxa ay soo saaraan, goortaas oo ahayd intii aanay Somalidu bilaabin Beelaysiga ama Qabiilka , lana wada ahaa Somali in reer guuraa ah iyo meel dagatay kana dheexeeyay xidhiidh ganacsi.

Hadaba sidii aan horeba ugu soo sheegay qoraalkaygii ahaa , QABIILKA IYO SOMALIDA KEEBAA HORYIMID? ayaa meelahaa 1400 ilaa 1600 ka hor ama goortii ay ina soo gaadhay diinta Islaamku ay waxa dhulkeena yimid rag carab ah oo yidhi waxa aanu nahay Shuyuukh , kuwaas oo ah Shuyuukhda ay beela somalida qaar ka mid ihi ku abtirsadaan , ayaa goortaas waxa bilaabmay beelaysigii taas oo ay bilaabeen Shuyuukhdaasi, intii raacdayna ay bilawday in ay ku Abtirsato .

Intii aan raacin Shuyuukhdii inkasta oo ay muslim ahaayeen ,hadana waxa ay Shuyuukhdii ama intii raacday bilaabeen in ay iska takooraan ama iska socaan oo ay hoos u dhigaan uguna yidhaan Midgaan , Tumaal ama Gabooye .Goortaas oo ahayd bilawgii baabii ilbaxnimaddi Somalida.

Sababata ay Carabtaasi u bilawady kala qaybinyta Somalida ayaa waxa ay ahayd si inta farsamo yaqaanka ee tartanka ganacsi kula jirtay looga saaro suuqa si Carbta uun wax looga iibsaddo, taas ayaa waxa ay dhalisay in uu dib udhac ku yimaado waxa soo saarkii Somalida inagana dhigtay in aynu u xidhxidhmano Carab iyo wax ay soo saarto ama inoo iib keento.Maantadan meelkasta oo ay Somali daggantahay waxa aad ku arkaysaa haddii ay laba dukaan , taaloole ama kabatoleba oo isku agyaal oo uu mid Somali leeyahay ka kalena Carab leeyahay , waxa aad arkaysaa in ka carabku leeyahay ay Somalidu wax ka iibsanayso ama wax ka tolaynaso, taas oo sababta in shaqadii Somaligu lahaa halkaa ku kacdo ama ku xidhanto.

Waxa iswaydiin mudan maxaa keenay in ay isku cayno hebel waa Midgaan ? Maxaa keenay in aynu iska waynayno inteenii farsamada iyo wax soorka lahayd ee ina jeclaysiiyay wax uu shisheeye sameeyay?

Bal u fiirso waxa ay Suudaanta carabawday ee woqooyi ku hayjirtay , Suudaanta kuunfur ee loogu yimid dhulka, ogow Suudaanta woqooyi waxa iska dhalay ninkii Carabka ahaa ee waxa addoonsanayay iyo haweenaydii u addonsanayay ee madoobayd ama uu kufsaday.

Maanta waa in meel kasta oo ay Somali dagantahay ha ahaato, Somaliland, Somalia, Djiboutia , Somalida Ethiopia ama Somalida Kenyaba, waa in la abaal mariyaa Somalidaa la soo dulamay, ee caruurtoodii marka ay iskuulada tagaan ay ay caruurta kale ku cayayso waa Midgaan, bal ilmahaa yar ee aan wax galbsan waxa haysta iyo mustaqabalkiisa ka warama, bal ka waran hadii uu ilmahaaga noqon lahaa ilmaasi?

Gabogabadii sida qudha ee ay Somalidu kaga bixi karaysaa Beelaysiga waxa weeyi marka ay amaan noqoto, Midgaanimadu , Tumaalnimaddu ama Gabooyenimadu, ee waxabarashada ama macadka wax barashada ee iskuulada lagu soo darro ilbaxnimaddi Somalida, in ahaahyeen dadkii ilbaxnimada Somalida bilaabay , Somlida Midgaha imika loo yaqaan , hase yeeshee uu shisheeye cay iyo dacaayad u fidiyay si uga faado Somalida kale ganacsigeeda, halkaana ay ku baa ba'day ilbaxnimaddi Somalidu.

Waa sida qudha ee ay bulsho caafimaad qabtaa ku dhalankarto Beelaysiga iyo Qabiilkuna uu ku baa bi karaa, ilmo kasta oo Somilna ay cuqdadu uga bi kartaa, waa marka aynu ilbaxnimadii Somalida taariikhdeedii caruurta iskuulada ugu dhignaa taas oo kor qaadaysa niyadda iyo kalsoonida caruurta u dhalatay beelaha bilaabay ilbaxnimada SOMALIYEED.

Mohamud Aaden Samatar
Phoenix Az, USA.

Posted on Saturday, June 22 @ 22:51:16 AST by admin



ilbaxnimadii somalida - ilbaxnimadii somalida
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : Mahamud Samatar
Subject : Re : ilbaxnimadii somalida
Date : 2013-06-22
Goormay Haboon tahay Beelaysigu/Qabyaaladu?

Sidii caadada u ahayd Somalida baryihii hore qabyaaladu waxa ay ahaan jirtay aqoonsi ama ID. Marka ay marti ama qof socoto ihi uu gabalku u dhaco reer ugu dhaw ayuu ku hoyan jiray, waa la soo dhawn jiray oo waa loo gogol digi jray sooryo ama cuna la siin jiray cidu ama beeshu doono ha ahaadee,oo gogol fiican lagu seexin jiray inta waagu baryayo.

Inkasta oo ay Somalidu caado xun soo lahayd marka ay noqoto qabyaalda oo beelaha Somalida qaar ka mida la hayb sooci jiray ama la yasi jiray , hadana kolay martidu beesha ay doonto ha ahaatee waa la soo dhawayn jiray, oo Somalidu waligeed xaga martida deeqsi bay ku ahayd.

Marka qudha ee ay beeli beel maagi jirtay waxa ay ahayd marka geel lakala dhaco ama nin beel ka soo jeedaa nin kale oo beel kale ah dilo, taas oo marka hore inta aan dagaal dhicin oday dhaqameedyadu geed wada fadhiisan jireen oo geela la isu celin jiray ,magna la kala qaadan jiray.Goortaasi waxa ay ahayd intii aanay Somalida dawladi u dhalan.

Hadaba kadib markii ay Somalidu xornimada heshay ee ay Somaliland iyo Somaliya isku darsameen, ayaa waxaa timid dhibaato ay dawladnimadu wadatay ama la timid, taas oo ah waxa bilaabmay in koox beel ka soo wada jeedaa ay xukinkii gacanta ku dhigto oo ay dad beeshooda uun ka soo jeedaa ka faa ideen dhaqaalihii wadanka oo dhan , colaad iyo karaahina ku beerto beelihii kale , taas oo ah sababaha u wayn ee ay maanta Somalidu isku aamini la 'dahay.Dhibaatadaasina waxa ay bilaabantay isla dhawr sano markii xornimada la qaatay.

Kadib markii uu Siyaad Barre afgambiyay dawladii hore , waa kii ku dhawaaqay in qabyaaladdi la aasayo , oo daku siinaan doonaan ,taas oo ay aad u soo dhaweeyeen Somalidii ,garaahaan beelihi la quudhsan jiray, sida Midgaha, Tumaal , Gabooyaha iyo kuwii kaleba isna yidhaadeen maanta ayaad helaysaan dawlad Somali u dhantahay oo aan ku dhisnayn qabyaalad.

Nasiibdaro waa tii dhawr sano kadib kacaankii isku badalay dawladbeeleed, bilawdayna in ay layso beelo Somaliyeed , beelo dhul laga qaatay iyo barro bixin ay bilawday, taas iyaduna aad u sii xoojisay is aamin la aantii beelaha , colaad iyo nacayb abuurtay.

Iyada oo ay tahay ama ahaan jirtay in laga xaragoodo beelaysiga ama qabyaaladda , ayna haboontahay in lab qof ku saxiibaan DABEECADDA IYO ISFAHAMKA , ayaa dawlidii Siyaad abuurtay in dadkii kala amin baxaan, oo qofka qudha ee aad amini kartaa uu noqddo mid aad isku beel tihiin, haddii laga hadlayo siyaasad iyo haddii kaleba.

Haddii ay maanta dhacday dawladdi Siyaad ee ku dhisnayd beelaysiga ,ee u xaydatay in ay dad Somali ah u layso beeshaas ayay ka soo jeedaan awgeed , waa in Somaliland iyo Somalia ay u noqotaa cashar ,ogaadaana dhibaatada ay leedahay , iyo jaahilnimada ku jirta in dad loo dhibo ama loo naco waa reer hebel awgeed, ama dhulkooda loo qaato iyada oo loo taag sheeganyo.

Waa aynu ognahay waxa ka socda Somalia , in dad Somaliyeed loo xoog sheegtay , oo dhulkoodii laga bara bixiyay , iyada oo sal looga dhigayo waanu idinka badanayhay, xoogna lagu haysto dhulkoodii.

Habkan Federaaliga ah ee ay Somalia qaadatay ee ku salaysan beelaha ayaa isna sii kala fogaynaya beelaha Somalia. Taas ood moodid in beel waliba damacsan/doonayso in samaysato maamul beeleed, sida Puntland/Majeerteen, Jubaland/Ogaadeen iyo Galmudug/Habar-Gidir, iyada oo aanay beelaha Somaliyeed kala lahayn Xuduud, sida inta ood wadaaga ihi.

Somalida qudha ee ay maanta u haboontahay , ama aanay ceeb ku ahayn in ay isbeelaystaan ama qabiil isku raacaan, waa dadka xaqoodii, ama xuquuqdoodii loo diiday reer hebel baad tihiin awgeed. Halgankooduna kama duwana , kii Koonfur Afrika, Falastiin, Israa' iil iyo Maraykanka maddow .

Maanta Somalida qudha ee aan lagula yaabin, qabyaald ama beelaysiga waa beelaha loo xoogsheetay ee Somalia iyo beelaha waligoodba la soo cadaadin jiray . dadnimadoodana la qudhsanjiray, sida Midgaha , Gabooyaha iyo Tumaalka, ha ku noolaadeen Somaliland ama Somaliaba.

Ugu dambayntii waa in Somaliland iyo Somaliyaba ay si dhakhso ah wax uga qabtaan dhiibaatada haysata , dadka Somaliyeed ee ka soo jeeda beelaha , Midgaha, Gabooyaha iyo Tumaalka, gaar ahaan caruurtooda , loona sameeyo ilo dhaqaale iyo waxbarasho , lana ogaysiiyo in ay Somalida la simayihiin ama kaba fiicayihiin.

Mahamud Samatar
samatarapt@gmail.com
Phoenix Az, USA


[ Reply ]



Name : Mahamud Aden Samatar
Subject : Re : ilbaxnimadii somalida
Date : 2013-06-22
Somalida iyo Qabiilka kee baa horeeyay?

Ummad meel ku dhaqani ama ku wada noolayd muddo badan , sida Somalidu ogu soo noolayd geeska Afrika muddo aad u farabadan ama kuma naan sano, intii uu aadamahu ku abuurmay dunidan aan ku noolanahay, waxa ay ummad kasta oo meel ku wada nooli samaysatay af ay kuwada hadasho ama isku afgarato, sida Somalidu ay samaysatay af Somaliga, taas oo qaadatay muddo aad u dheer in uu afkaas ku baaho meelkasta oo ay Somali dagantahay, oo suuragal tahay in marba marka ay baahi timaado ay fikardo cusub dhalanayeen taas oo keenaysay in ay duruufuhu ama kolba xiliga la joogo erayo cusub oo ka turjumaya xiliga la joogo la abuurayay, eryaduna ay faafayeen, oo muddo dheer ay qaadanasay in uu eraygu hirgallo, ama uu faafo gaadiid la'aan , cabsida iyo dhibaatada bulshada ka haysatay habar dugaaga, taas oo ay jiritaanka ummad meel ku dhaqani ay caadi u ahayd in ay nolol maalmeedkeeda ku xidhnayd in ay la tartamaan dugaagga , ha ahaato iska babaadin ama ka badbaadin waxa ay ku noolaayeen markaas, sida xoolaha ay dhaqanayeen ama ugaadh ay dishoodeen.

Taariihkda aadmahu waxa ay sheegeysa in ay bulsho meel ku dhaqani ay soo martay xiliyo kala duwan

1. Xiligii ugaadhsiga
2. xiligii reer guuraanimada
3. xiligii beerro falashada iyo meel dagga sida tuulooyinka
4. Iyo xilgii magaalo dagga iyo farsamo adeegsiga
Haddaba intaas oo xili ummad kasta oo meel dagani oo leh af ay isku afgarato way soo maratay , Somaliduna intaas oo xili way soo martay oo taas waxa muujinaya degaankeena , afkeena iyo dhaqankeena.

Afkeenu, af somaligu, waa qani marka aad eegto sugaanteena , waxana ugu wacan mudada dheer ee uu af Somaligu soo jiray, taas oo lagu qiyaasi karro ama la barbardhigi karo mudada ay afafka kale ama ilbaxnimooyinka kale ee adduunku soo jireen in af Somaliguna soo jiray, laguna qiyaasi karo muddo ku dhaw 5000 ila 10,000 oo sano, sababta oo ah af ay ummadi samaysatay muddo gaaban kuma samaysmi karo, af Somaliguna samaykiisu kuma iman ama ma samaysmin intii ay Beelaysigu ama Qabiilku samaysmay, waxana taa cadaynaya haddii qof Somali ihi abtirsado , waxa laga yabaa in uu tiriyo labaatan oday, labaatankaa odayna ay qiyastii da'doodu jirtay 70 ila 80 sano, taas oo ah in ay beeshaasi jirtay 1400 ilaa 1600 oo sano.

Hadaba inga oo ku jirna xiligii Reer guuraanimada , meel dagga iyo beero falashada oo ay inteeni dagtay ay bilawday in ay farsamooyin bilaabeen , sida kabo tolka , ka samayta cumuuda daryaha iyo haamaha biyaha sida jalxadaha, iyo ka samaynta dirta alaabaha uu aqalku u baahanyahay sida fandhaalka iyo xeedhada , oo aynu isku filanahay ayaa waxa xeebaheena yimid dadyawga degaankeena u dhaw sida hindida iyo carabta , oo laga yaabo in waxogaa ingaga horeeyeen meel dagga taas oo suurtagalisay in ay xagaa farsamadana ingaga horeeyaan, mudadaas oo ku dhaw 1400 ilaa 1600 sano , taas oo ah goortii aynu bilawnay Qabiilka ama Beelaysiga.

Inaga oo Somali ahaan soo jirnay 5000 ilaa 10,000 sano caddayna uu yahay afkeena Qaniga soo abuuridiisii ayaa waxa inoo yimid Turki markii dambena Carab , inaga oo aan kala lahayn qabiil ama beello oo Somali uun wada ah ayaa mudadaas ay carabtu timid dhulkeena 1400 ilaa 1600 sana ka hor , goortaas oo laga yaabo in ahayd markii diinta Islaamku ina soo gaadhay.

Markii ay Carabtu dhulkeena timid ayaa waxa ay bilawaday in ay Somalidii kala qaybiso si ay uga faa' ido , ha ahaato ganacsi ama dhulba , waxa timid in ay la tartamaan intenii meel dagga iyo farsamada gacanta bilawday , Somalidaas oo ahay intii inoogu ilbaxsanayd, ilbaxnimadaas oo ka timid farsamdii oo ay kasameeyeen mid ganacsi oo degaanka iyo dibadaba ah .

In muddo ah iyada oo ay Carabta loltamayaan inteenii meel degga ama ilbaxnimada bilawday ,ayaa markii dambe waxa yimid dhulkeena rag Carab ah oo leh waxa aan ahay Sheekh hebel oo diinta faafinaya, iyada oo diintu iyaga ka hor ina soo gaadhay, shuyuukhdii waxa raacay intii aan meel degga bilaabin ee ahayd xoolo dhaqatada , waxa ay bilaabeen in ay dadkii maskaxda ka dhaqaan iyaga isku dadbaya diin oo intii raacday ay yidhaadeen waxa tihiin caruurtaydii ama xertaydii oo waad igu abtirsanaysaan, intii kale ee raacin ee danteeda wadatayna waxa ay yidhaahdeen waa midgo ama tumaal, kuwaas oo ahaa kuwii ugu hor ilbaxay Somalida ha ahaato xag farsamo ama meel degba, ahaana kuwii la looltamayay shisheeye kasta xag gancsi iyo farsamaba .

Qabiilku, Beelaysigu, wuxu bilaabmay markii ay Carabta ay beelaha Somalida ka midka ku abtirsadaan ay yimaadeen dhulkeena , sida Sheekh ciise , Sheekh isaxaaq iyo Sheekh ismaaciil jabarti (Daarood).Sababta oo ah haddii aanay Somalidu ka hor jirin shuyuukhdan, af Carabi ayaan ku hadli lahayn.

Somalida aan ku abtirsan Carabta laftoodu waxa ay yeesheen Sheekh Somali ah , Sheekhaas oo ay noqdeen xertiisii ama caruururtiisii kuna abtirsadaan.Shuyuukhdaas oo ku dayanayay kuwii Carabta .

Waxa dhici karta in aanu Sheekhaasi wada dhalin inta ku abtirsata , ee ay intii xeertiisa ahayduuni ay bilawday in ay ku abtirsadaan. Sababta oo Somalidu way ka da' wayn tahay Abtirsiinta, oo Shuyuukhadan xer uun baanu u noqonay, markii hore se Somalida midgaha iyo tumaalada lagu sheego ayuun baan ahayn, ka horna Qabiil iyo beello maynu kala lahayn.

Maantadan dhulka Somalidu dagto waxa aad ku arkaysaa Shuyuukh leh xer gaadhaysa 50 meeyo , oo la leyahay hebel waa xerta Sheekh hebel .

Somalidu may kala lahayn Qabiil iyo Beeelaysi , Midgaha iyo Tumaaladuna waa dadkii inoogu hor ilbaxay , meel dagga iyo farsamadana inoo bilaabay, shisheeyuhana takooray si uu ganacsiga iyo dhaqaalaha ogala wareego

Mahamud Aden Samatar
samatarapt@gmail.com
Phoenix Az , USA


[ Reply ]



Name : ha ugu odhanin lalala hagu laadin caashaqa
Subject : Re : ilbaxnimadii somalida
Date : 2013-06-23
waar beenta iyo buunbuunint la buunbuuniyay arinkan runtii anoo ma qabo dadkan gabooyaha ama midgaanka loo yiqaano in ay yihiin dadkale lakiinse waxaan aaminsahay in ay ka mid yihiinuun bulshadan takoortay waayo ma jirto sida aabo ama cid la odhan karo hebel midgaanbuu ahaayoo wuxuu dhalay reero dhan lakiinse waxaan aaminsahuun in ay dadkan la takooray ay asal ka mid yihinuun dadkan takooray oo isku aabo yihiin


[ Reply ]



Name : ha ugu odhanin lalala hagu laadin caashaqa
Subject : Re : ilbaxnimadii somalida
Date : 2013-06-23
xaqiiqdiina waa sidaas asal ahaan waxay kasoo jeedaan dadkan dadkan takooruun meel kale kamay iman hadaba dad aad isku mid tihiin oo asal aad usku aabo tihiin maxaad ku tagoori waa in masalaadaa dib loo baadha waxana soo bixi doonta taan idiin sheegayo oo ah dadkani waxay kasoo jeedaan bulshadan takoortuun meelkaba ha u raadin

Name : al-carab
Subject : Re :ilbaxnimadii somalida
Date : 2013-06-26
NINKANI WUXUU SOO DHEGA DHEGEEYAY FALSAFAD YAHUUDU KAWADO AFRICA OO AH IN QABAAILKA ASAL CARABTA AH LAGASAARO AFRICA DABADEEDNA ISLAAMKU AFRIKA KA BAXO DAGAALKAA WAXAA LAGU BILAABAY SUUDAAN IYO MALI IMIKANA SOMALIYA AYAA LAGU WADAA.

WAXKA MUUQATA NINKAN INUU YAHAY QOLDII YIBRAHA AHEYD EE USA LAGEEYAY DABADEED LAYIDHI YAHUUD AYAA TIHIIN WAXAN UU KA HADLAAYO UJEEDO KA FOG AYUU WATAA OO AH IN DIINTA LAGABAXO OO XERTA DAJAAL LA NOQDO{FREEMAZONS}

WAXAAN KUU SHEEGAYAA QOOMNA ILAAHAY MADULEEYO IYAGOO ISDULEEYA MOOYEE ILAAHAY QURAANKA WUXUU GU SHEEGAY YUHUUDA IN WALIGOOD DULISAARNAAN IDINKANA WALIGIIN DULI IYO LAYDINYASO AYAA KORKIINA AH ILAA DIINTA ILAAHAY AMINTAAN YUHUUDNA KA HADHAAN IYO XERTA DAJJAAL CAWAR (FREEMAZONS)
Name : Hawdlabe
Subject : Re :ilbaxnimadii somalida
Date : 2013-06-27
Dadkan midgaha loo yaqaan waa qabaail inala mid ah laakiin laga tiro batay ka dibna xoolihii laga qaaday ka dibna la addoonsaday. waxan intaa ahayni ma jiraan. Waa reero ka mid qabaailka indigenouska ee beesha DIR. Waxana waa in si wadajir ah loola dagalamo

[ Reply ]



Name : ha ugu odhanin lala ha igu laadin caashaq
Subject : Re : ilbaxnimadii somalida
Date : 2013-07-03
haaaaaaaa saxiib yibraha iyo waxaad sheegaysidba yahuud maaha lakiinse bucur bacarkan dadku yidhaahdaan boqor buu ahaa wuu jirey lakiinse goormuu jirey weeyi bucur bacaar wuu jirey geeska afrina wuu noolaan jirey lakiinse waxa uu noolaan jirey wakhtigii nabi mouse aw barkhadleh waxbaa diley waa been sidaan idiin sheegayo weeyan midguha ama gabooyuhi cidkale maaha waxay ka mid yihiinuun qabiilada takoora car waakaas nmeelkale ku sheega waar dadkan meel kale kamay iman in la takoorana maaha waadadkan takooraya uunbay isku aabo yihiin


[ Reply ]


Pages : [ ilbaxnimadii somalida 1 ]