|
 |
Main |
 |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
 |
BBC Somali |
 |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi |
|
|
|
|
|
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed. |
 |
|
|
|
|
Proudly Somalilander |
 |
|
|
|
|
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde. |
  |
|
|
|  |
waraysi lala yeeshay wasiirka arr. dibadda jsl oo ku sugan shirka au-da
|
|
Name : Jawaan Bariis Subject : Re : waraysi lala yeeshay wasiirka arr. dibadda jsl oo ku sugan shirka au-da Date : 2012-01-28
|
I hope the Government of Somaliland is considering my proposals seriously for the London conference.
|
[ Reply ] |
|
Name : Jaamac cabdillaahi suleymaan Subject : Re : waraysi lala yeeshay wasiirka arr. dibadda jsl oo ku sugan shirka au-da Date : 2012-01-28
|
MAXAA KA KHALDAN XIDHIIDHKA SOMALILAND IYO ITOOBIYA
Mudo dheer xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo dawlada itoobiya wuxuu ahaa mid ku dhisan saaxiibtimo dhab ah xidhiidhkaas oo dhinac
waliba dani ku jirtay inuu ixtiraamo isla markaana dhaqan geliyo maslaxada kan kale waxaana la odhan karaa heshiiskaas wuxuu ahaa mid
lagu najaxay oo sidii la rabay u shaqeeyey taasoo keentay in labada
dhinac midhihisii mudo dheer manafacaadsadaan
Inkastoo mar walba marlaxada iyo duruufaha lagu jiray kala duwanayeen
hadana xidhiidhkaas labada dal wuxuu ahaa mid u shaqeynayey si isu
miisaan (Mutual Respect) oo dhinac waliba ilaalinayey danta iyo
maslaxada kan kale waxaana lagu wada shaqeynayey xigmada tidhaahda
(saaxiibkaa cadawgiisu waa cadawgaa) waxaa xidhiidhkaas dhaw ee labada dawladeed suurageliyey inay si wada jira uga guulaystaan cadawyo badan oo labada dhinacba lahayeen iyo iyana inay samaystaan xidhiidh ganacsi oo dhaw kaasoo suurageliyey in dekeda weyn ee berbera noqoto marinada ugu muhiimsan ee ay adeegsato itoobiya isla markaana kala soo degto waxyaalaha debeda ugu yimaada sida caawimooyinka iyo badeecooyinka kale ee ganacsiga ah iyadoo badeecooyinka dekeda berbera uga soo degto qaab transit ah oon wax cashuur ah laga qaadin.
Hadaba iyadoo itoobiya mudo dheer lahayd cadowyo kala duwan oo masaaliixdeeda iyo wadajirkeeda rabay inay burburiyaan ayaa Somaliland
mar walba waxay u ahayd difaac iyo gidaar kaga gudban cadawyadaas
waxaana carada Somaliland laga dhaariyey inay cag soo dhigaan cid
kasta oo mucaarid ku ah xukuumada itoobiya taasoo keentay in itoobiya
oo dhawr furimood ku furnaayeen inay dhinaca Somaliland isku haleyso
oo hurdo dheer seexato, waxaase imika muuqata in aan xidhiidhkaasi
sidii la rabay u shaqeyn marka loo eego dhinaca itoobiya waayo waxaa
soo if baxaya muuqaalo mugdiya kuwaasoo muujinaya in madmadaw soo kala dhex galay xidhiidhkii dhawaa ee labada dawladood iyadoo ay soo
ifbaxday dhawrkii bilood ee u danbeeyey jalaafooyin iyo hagardaamooyin loo dhigayey xidhiidhkaas oo jireenka ah kuwaasoo ka imanayey dhinac qudha.
Talaabooyinka ugu danbeeyey oo keenay in wax badan layska weydiiyo
halka uu u socdo xidhiidhkii dhawaa ee labada dawladood ka dhaxeeyey
waxaa ka mida sida aan tudhaalaha lahayn ee ciidamada new police ee
itoobiya ula dhaqmayaan shacabka reer Somaliland iyadoo dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey ay dhacday in ciidankaasi gudaha Somaliland ka
fuliyey hawl galo aan ujeedadooda si dhab ah loo ogayn kuwaasoo lagu
waxyeelanayo shacabka reer Somaliland hawlgaladan oo laga fuliyo magaalooyinka iyo tuulooyinka ku teedsan xuduudka labada dal u dhaxeeya ayaa waxay ahaayeen qaar aan noocooda shacabku hore u arag una soo marin waxaana dhacday in ciidankaasi intuu u soo gudbo dhanka xuduuda Somaliland inuu ka fuliyo hawl galo isku jira dil dhac iyo
kufsi taasoo amakaag iyo fajac ku riday shacabka reer Somaliland ee
mudada dheer daacada u ahaa shacabka itoobiya waxaa taas ka sii daran inkastoo shacabku qaylo dheer dhigeen oo dareenkooda iyo dhibta loo gaystayba soo bandhigeen hadana waxaad moodaa in itoobiya weli ku sii wado faragelintii iyo hawlgaladii ay ka waday gudaha Somaliland
Mida kale ee iyana muujinaysa in xagal daac ku yimi xidhiidhkii labada shacab waxay tahay sida itoobiya dalkeeda ugu soo dhaweysay ee u soo
gelbisay koox fidmo wadayaal ah oo doonayey inay degelo nabad ah colaad ka abuuraan kooxdan fidmawadayaasha ah oo uu gadhwadeen u ahaa cali kaliif galaydh kaasoo xiligii uu ra,iisal wasaaraha c/qaasim ahaa
si toos ah uga hor yimi xukuumada itoobiya kuna tilmaamay inta itoobiya lugaha kula jirto arimaha gudaha ee soomaaliya in aan soomaaliyi marnaba heshiinayn ayaa maanta markuu bedelay mabdi,iisii wuxuu itoobiya ka dhigtay salaan uu u soo fuulo burburinta somaliland inkastoo cali khaliif iyo kayrkii toona aanay marnaba wax yeeli Karin jiritaanka Somaliland hadana waxaa ayaan daro ah in itoobiya dalkeeda ku soo soo dhaweyso rag ku suntan cadaawada ay Somaliland u qabaan taasoo ka dhigan somaliland oo dalkeeda ku soo dhaweysay admiral maxamed cumar cismaan iyo ragiisa debeda wareega ah ee dagaalka kula jira xukuumada itoobiya
Hadal iyo dhamaan itoobiya waxay ku khasban tahay inay ilaaliso masaaliixda Somaliland sida Somalilandba ugu khasban tahay inay ilaaliso masaaliixda itoobiya hadiise itoobiya ixtiraami waydo heshiiskaas ma jiro wax Somaliland ka maanacaya inay iyana dhinaceeda dib u gurato lana timaado siyaasad la mida tan itoobiya kula shaqeynayso waayo Itoobiya iyadaa ka masaaliix badan inta somaliland ku qabto
Jaamac cabdillaahi suleymaan
Cigaal215@hotmail.com
|
[ Reply ] |
|
Name : Lamaseege Subject : Re : waraysi lala yeeshay wasiirka arr. dibadda jsl oo ku sugan shirka au-da Date : 2012-01-29
|
Waxa mucjiso ah muranka ka dhashay ilduufka Siilaanyo?
Waxa Ka Qaldan Xidhiidhka JSL iyo Ethoipia waa.Waxa jirtay in markii uu Siilaanyo la wareegay hogaanka JSL uu iska dhago tiray ethoipia isagoo gafuurka taagayana uu cirka eegay.Waxa jiray xidhiidh qoto dheer oo ka dhexeeyey JSL iyo Ethoipia kaas oo ahaa mid dhinacyo badan leh oo wanaagsan.
Siilaanyo,muu tixgelin guulihii ay soo dhiseen madaxdii ka horeysey.Waxa kale oo uu Siilaanyo bilaabay hanjabaad iyo cagajugleyn uu kula kacay Ethoipia oon salka ku haynin wax sababa iyo ujeedo la sheego. Waxa kale oo jirtay in Ethiopia, siisay Silaanyo,wakhti uu ku kala miirdilaaco oo uu ku gagab gooyo, waxa kale oo Ethiopia u soo jeedisay codsi ay ku tilmaamayso in xubno ka mida dawlada Siilanyo in ay ku lid yihiin xidhiidhka labada dawladood waxana ka mid ahaa ragaa Xirsigaa maanta cidwaliba soo tuftay ee fitnada dhinacyada badan ah.
Wax uu Siilaanyo ka seexday xidhiidhkii iyo wada shaqayntii labada dawladood lahayeen ee ahayd "Nabada" halka dawladii Riyaale ay lahayeen wada shaqayn joogto ah dhankaa nabadgelyada.
Hadaba waxa ay dawlada Ethoipia dabka ku yara durkinaysaa Somaliland oo iska idha tirtay xidhiidhkii nabada dawladood ay danta caama ku wada ilaashanayeen, waxa kaloo jira dhanka heshiisyadii hore ee ganacsiga oo faro galin lagu sameeyey iyadoon xidhiidhka kaleba lahayn mijo adag oo uu ku taagan yahay arrimaha ay Ethoipia Ali khalif u soo ciyaarsiinaysaa waa sida kaliya ee ay ku heli karto Attentionka hogaanka Siilaanyo, waana arrimaha uu Siilaanyo baal maray ee uu iska dhayalsaday, hadii uu saxana ethoipia waxa ay u diyaar tahay xidhiidhkii hore iyo wada shaqayntii labada dawladood.
Ali Khalif Geleydhna,waxa uu ku soo noqon doonaa gurigii uu ka iibsaday xoolihii booliga qaran ahaa ee uu ka dhacay maamuladii kala danbeeyey ee habqankii somalida.
Reality Desk
Lamaseege
Name : Jawaan Bariis Subject : Re :waraysi lala yeeshay wasiirka arr. dibadda jsl oo ku sugan shirka au-da Date : 2012-01-29 Ma Doqoonimo ayay ka tahay hadaba arintani mise waali? Anigu maba fahamsani siday u fikiriyaan Sillanyo iyo kuwa la shaqeeya, waxaad mooda inay u fikirayaan sida jaahiliin wax u dhiman yihiin. Dawlada kugu dhow e wax wada qaybsataan waa la waanajiya cilaaqaadkeeda because cilaaqaadkaasi waa labada dhinac, laakiin waanu isla weynahay iyado nala aqoonsan waaba waalida taa ugu weyn... Hadu Silaanyo leeyahay na ogolaada hadi kalena waanu is waali taasina ma soconayso, sidaasanay u eegtahay, Sillanyo wuxu ghaaday inu Ethiopia isku dayo inu ku qasbo Aqoonsiga Somaliland... waar waaba waalanyahay odaygu.. Ethiopia lama qasbi karayo because haday tidhahdo Somaliland ayaan ogolaaday dhibaato weyn ayaa uga imandoonta Carabta o waliba laga yaabo inay Masaar toos ugu so duusho... Waar miyaanay ogayn arimaahasi dawladan wareersan? | Name : Lamaseege Subject : Re :waraysi lala yeeshay wasiirka arr. dibadda jsl oo ku sugan shirka au-da Date : 2012-01-29 Jawaan,
Masarna way tageen sida aad la socoto. Waa kaloo la yaab leh odeygii aynu is lahayn qaao iyo ethoipia ayuu ku soo qaatay PHD-da ayaa maanta gacmo madhan ka taagaan waayo arragnimadii mudada dheer ahayd.
Maacalesh oo wax waa is yara weydaaran karaan lakiin maaha arrimaha xidhiidhka dawlada aad ku tiirsan tahay.
Reality Desk
Lamaseege | Name : Lamaseege Subject : Re :waraysi lala yeeshay wasiirka arr. dibadda jsl oo ku sugan shirka au-da Date : 2012-01-29 We also must realize that now it is too late now, because the damage has been done. What the Siilanyo political process has done is to expose even Siilaanyo government nakedness. Honestly it is too late now to withdraw it, because our Citizens have already formed their opinion.
Reality Desk
Lamaseege |
|
[ Reply ] |
|
Name : abdirashid Subject : Re : waraysi lala yeeshay wasiirka arr. dibadda jsl oo ku sugan shirka au-da Date : 2012-01-31
|
wasiirka arimaha dibadu aad ayuu udadaalayaa wuxuuna jecelyahay in int uujoogo keeno aqoonsiga somaalind wayna u dhawdahay haduu keeni waayana wado jiran oon qodaxi oolin ayuu kaga tagi hadal kiisuna aad ayuu u cadyahay siraanyo nin uu ku ilaawo arimii dibada ayuu helay waan baahanahay looma bahalo cuno wasiirada aan kuu dooro yaad tahay markaad aniga ii dooraysid amaan daradu se yay u daran tahay ethoupia waa in ay inaga dhaxaysaa xidhiidh labadeenaba dan u ah, ganacsi labadeenaba dan u ah, walaatinimo labadeenaba dan u ah,dawlada somaaliya maxay tahay yaanay ku soo galgalan somaaliland xildhibaankii reer kiniya ayaa hore wuxuu uyidhi cidii aqoonsiga somaaliland diidan waa cid soomaliyoodhan diiday-xuduud la igu khuukhinayaana ma lihi ee dhuunka horaa loogu sameeyay xuduudo qalad iyo saxba leh aduunkaa la qabnaa, kuwa mahamad cadilaahi si fiican ayuu wax inoogu sheegay ilaahay ha la garab galo.
Name : Lamaseege Subject : Re :waraysi lala yeeshay wasiirka arr. dibadda jsl oo ku sugan shirka au-da Date : 2012-01-31 Wasiirkan yar ee aad moodo dabadhoon yar oo haraadan ayaad leeday wax buu keenayaa,..Walee reer aan ogay ma guuro.Waar waxa xaal marayaa in habar waliba surmo inala soo tiigsato.
Midna aan ku weydiiyee ma hadaad ka soo hangalaysatay gagab goysey halkeed se ka timi.
Reality desk
Lamaseege |
|
[ Reply ] |
|
|