 Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi ayaa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa ka dib markii uu xalay dhiig madaxa kaga furmay uu u geeriyooday.
Alle ha u naxariistee Dr. Idiris Ibraahim Cabdi waxa ahaa xilka Wasiirka xanaada xoolaha ahaa 2003-dii illaa 2010-kii, waxaanu ahaa dhakhtar xoolaha ah oo muddo badan ku soo jiray mihnada dhakhtarnimo ee caafimaadinta xoolaha.
Marxuum- Idiris Ibraahim Cabdi waxa uu xiligan ka mid ahaa Garabka Xisbiga UDUB ee uu hoggaamiyo Ku simaha Guddoomiyaha ahna Gudoomiye Ku xigeenka xisbigaasi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
Waxa kale oo uu ka mid ahaa siyaasiyiinta xisbiga UDUB ee u olalaynayay murashaxa lagu kala qeybsan yahay ee Jamaal Cali Xuseen oo Garabka Axmed Yuusuf Yaasiin u doorteen inuu noqdo murashaxa xisbigooda ee u tartami doona jagada madaxweynaha doorashada madaxtooyada ee soo socota.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Dr. Idiris Ibraahim Cabdi.
Sidaasi waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo u dhignaa sidan:-
"Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid MARXUUM Dr. Idiris Ibraahin Cabdi oo ahaa Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha JSL oo manta ku geeriyooday magaalada Hargeysa laguna aasay. Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo bulshada reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
Ku simaha Guddoomiyaha Gudoomiyaha xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin,ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo bahweynta xisbiga UDUB ee uu ka baxay, waxaanu marxuumka ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskiisiina samir iyo iimaan ka siiyo.
Sidaas oo kale waxa dhambaalo tacsi ah u diray qoyskii Dr. Idiris Ibraahim Cabdi Guddoomiyeyaasha xisbiyada KULMIYE iyo UCID Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Faysal Cali Xuseen, waxaanay marxuumka ILAAHAY uga baryeen inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. SL Medai
|