shir ka dhacay london 22.01.2012 oo looga hadlayay w/barashada iyo shaqada jsl.
shir ka dhacay london 22.01.2012 oo looga hadlayay w/barashada iyo shaqada jsl.
Waxaa magalada London ka dhacay taarikhdu markey ahayd 22nd Jan 2012, shir ay soo aababulshay Hayad Cusub oo la yidhaahdo, Centre for Education and Employment Research (CEER). Wax shirkan lagaga hadlayey waxbarashada iyo shaqada JSL. Waxaa shirkaas ka soo qeyb galay aqoonyahano badan oo ka shaqeeya arimaha waxbarashada, shaqada iyo arimaha bulshada oo deggan magalada London/UK.
Waxaa shirkaas ugu horeyn soo dhaweyey aqoonyahanadan Dr Osman Warsame isaga oo dhawaan ka soo noqdey JSL. Waxa uu Dr Osman ka waramey arrimaha Waxbarashada iyo Shaqaaleynta bulshada JSL. Waxaa uu Dr Osman Carrabka ku adkeyey in loo bahan yahay aqoonta iyo cilimiga bulsha-weynta ku dhaqan Qurbaha.
Isaga oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey sidii loo heli lahaa hor-u-marinta bulshada iyada oo loo bahan yahay in la kabo waxbarashada aasaasiga ah loona dejiyo strategy lagu abuurayo waxbarasho dhasha habkii loo heli lahaa 'human resource' dalka u adeega sidaas oo kalena la helo habki ay JSL ku gaadhi lahayd wax soo-saar sida Industralisation oo u baahan aqoonta cilmiga Science-ka iyo Technologyga.
Waxaa shirkaas kala qeby galay bulshada Reer Somaliland, Agaasimaah tacliinta sare ee wasaradda Waxbarashad Mudane Khadar Ahmed Dirir. Mudane Khadar ayaa ka waramay halkey ay waxbarashada JSL mareyso iyo sida ay dawladda cusub ee KULMIYE ay rajeyneyso iney wax uga qabato arrimaha waxbarasahada. Waxaa uu khaddar intaa ku daray in qorshe 5 sano ah ay wasaradda waxbarashada iyo qorshaynta ay dejiyeen iyaga oo leh yool 5 sano ah taas oo wax lagaga qabanayo:
1. Sidii loo kobcin lahaa waxbarasahda aasaasiga ah 2. Sidii curriculumka dalka dib loogu eegi lahaa 3. Sidii tayada macalimiinta kor loogu qaadi lahaa 4. Sidii xaga tayada guud ee waxbarashada loo adkeyn lahaa Waxaa halkaa lagu weydiyey su’aalo fara badan iyadoo su’alahi ay u badnayeen side bey reer Somaliland ka ku dhaqan qurbaha ay ka qeyb qaadan lahaayeen sidii wasarada wax loola qaban lahaa.
Ugu danbeyn waxaa shirkaa ka hadley Eng Mustafe Ibrahim sidii dhaqlaha dalka loo kobcin lahaa iyo faa'dada ay leedahay in la helo Commercial Banka dadka u u suura-geliya in ay samayaan dhaqaale abuur, horseeda shaqaaleynta dhalinyarada.
Ugu danbeyn waxaa halkaa uu ururku ku doortey gudidii sanadka hoogamin lahayd arimaha hawleed ee CEER oo kala ah sidan:-
1. Chairperson – Warda Dirir 2. Vice-chair – Abdilahi Abdilahi 3. General Secretary - Nadra Muse 4. Treasurer – Fardus Ali 5. Secretary for membership and recruitment – Salma Hassan 6. Secretary for Quality Assurance - Fatima Ahmed 7. Member for Public relations – Mustafa Ibrahim Iyada oo Dr Osman Warsame uu yahay Agaasimaha (Director) CEER oo dhanka hawl maalmeedka u qaabilsan Somaliland iyo Qurbaha.
Waxa ay guddidu ku dheeraadeen sidii loo horumarin lahaa waxbarasha iyo shaqaleynta dhalinyarada Reer Somaliland iyada oo lala kaashanayo dhammaan bulshada JSL ee ku dhaqan qurbaha.
Waxa ay gudoomiyaha cusubi Marwo Warda Dirir ka codsanaaya soona dhaweynayaan in cidii leh khibrad iyo aqoon arrimaha bulshada ay ku soo biraan dhalinyarada isu xilqaantey wax ka qabashada arrimaha Somaliland.
La xidhiidh: ihwarsama@gmail.com ama warda.dirir@gmail.com Hadii aad doneysid in aad nagala qeyb qaadatid hor-u-marinta dalka hooyo ee JSL.
Posted on Tuesday, January 24 @ 15:00:29 DAVT by admin