kdq iyo 3da xisbi-qaran jsl oo ka dhawaajiyey mowqifkooda muddo-kordhinta guurti
|
kdq iyo 3da xisbi-qaran jsl oo ka dhawaajiyey mowqifkooda muddo-kordhinta guurti |
 |
|
 Komishanka doorashooyinka Qaranka iyo Hogaamiyeyaasha sadexda xisbi qaran ee Somaliland, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta komishanka ee magaalada Hargeysa isku waafaqay wakhtiga munaasibka ah ee ay komishanku damacsan yihiin in la qabto doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Deegaanada.
Waxanay Gudida Doorashooyinku u sheegeen hogaamiyeyaasha asxaabta siyaasada qaranka in labada Doorasho qaban karaan dabayaaqada sannadka 2011-ka. Iyagoo filayo in dhammaan la helo imkaaliyaadkii ay ku qabsoomi lahayd Doorashadu.
Wakhtigan ay komishanka cadeeyeen inay qaban karaan labada Doorasho ee Deegaanka iyo Wakiilada, ayaa ka dambeeyey kulano gooni gooni ah oo ay hore iskugu yimaadeen Hogaamiyeyaasha asxaabta siyaasada, Shir-gudoonka labada Gole [Wakiilada iyo Guurtida] iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kaasoo lagaga tashanayey qaabka loo wajahayo mudo xileedka sii dhamaanaya ee Goleyaasha.
Sidana waxa ay ku sheegeen qoraal oo ay soo saareen, kaas oo u dhignaa sidan:“Waxa maanta oo taariikhdu tahay 08.09.2010 shir ku yeeshay xarunta dhexe ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka saddexda xisbi qaran iyo xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, shirkaa oo daba socday shirar dhowr ah oo is daba socday oo uu ka horreeyey shir ay 29.08.2010 ku yeesheen guriga uu degan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Shirkaa oo nuxurkiisu ahaa sidii looga tashan lahaa Doorashooyinka Golayaasha Jamhuuriyadda Somaliland oo qaarkood xilligoodii doorasho ay muddo dhaaftay, kuwa kalena ay hada gebogebo yihiin.
Shirkaa oo uu guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah madaxda labada shir-guddoon, madaxda saddexda xisbi qaran iyo Komishanka Qaranka ee JSL. Shirkaas oo lagu guddoonsaday in ay saddexda xisbi qaran iyo komishanka qaranku ay ka soo talo-bixiyaan sidii hawlahaa doorashooyinka iyo kuwa kale oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka wada jir wax looga qaban lahaa.
Haddaba, shirkaas 08.09.2010 lagu qabtay xarunta komishanka doorashooyinka qaranka oo lagu lafa gurayey qodobo dhowr ah, taas oo qodob qodob looga dooday, iyada oo la tixgelinayo duruufaha inagu gadaaman xag kasta oo ah talo-bixin.
* In saddexda xisbi qaran isku waafaqsan yihiin talo-bixintii komishanka doorashooyinka Qaranka u soo jeediyeen Madaxweynaha ee qoraalkii tixraaciisu ahaa KDQ/XK/150/2010.
* In Doorashada Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada lagu qaban karo ugu danbayn December 2011.
Waxa kale oo Komishanka doorashooyinka Qaranka iyo saddexda xisbi qaran isku raaceen in doorashada Golaha Degaanka iyo Wakiillada hal mar la wada qabto.
”Si kastaba ha ahaatee Hogaamiyeyaasha sadexda xisbi qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa kulankan maanta ay ku yeesheen xarunta komishanka Doorashooyinka ku caddeeyay inay aad uga soo horjeedaan mudo kordhinta Goleyaasha Qaranka ee ay shalay Golaha Guurtidu muddo xileedkii ugu kordhiyeen, Guurtida, Wakiilada iyo Deegaanada, taas oo ay ku tilmaameeyn inay tahay mid dhaawacaysa dimuqraadiyadii Somaliland isla markaana aan loo dulqaadan Karin, iyaga oo Madaxweynahana ugu baaqay inuu mowqif cad arintaas iska taago.
Hogaamiyeyaasha sadexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinku ugu baaqeen Madaxweynaha iyo asxaabta in talo qaran laga yeesheeno mudo kordhinta Guurtida oo ay sheegeen inay tahay wax aan loo dulqaadan Karin.
Waxa Saxeexay Heshiiska:
1. Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muj Muuse Biixi 2. CabdiGuddoomiye-ku-xigeenka xisbiga UDUB Md Axmed Yuusuf Yaasiin. 3. Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe. 4. Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka Eng. Ciise Yuusuf X. Maxamed.”
Sl Media
|
|
|
Posted on Thursday, September 09 @ 00:17:15 DAVT by admin |
|
|
|