Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Ogaysiis: Shirka Telefoonka Qurba-Joogga JSL.       Shahaadooyin La Guddoonsiiyay 101 Arday Oo Ka Qalin Jebiyey Kulliyadda SHIFA/JSL       Ciidamada Liyuu Booliska Kilinka 5aad Oo Lagu Bedelay Kuwa Fedraalk Ethiopia.       Xukuumadda JSL Oo Aqbashay Martiqaadka Shirka London 23ka Feruary 2012.       Somaliland To Pass Central Bank Law Within 3 Weeks: cbank       Wasiirka Arr. Dibadda JSL Oo Ka Hadlay Shirka London Iyo Kooxdii Khaatumi-Seeg.       Ina Galeyd: Cagtii Joogsan Weydaa Marbay Ceeb La Kulantaa....       Taliyaha Guud Ciidanka Qaranka JSL Oo Hambalyeeyay Ciidanka Qaranka JSL.       UK Working With Somaliland On Curbing Piracy..      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.
Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

kdq iyo 3da xisbi-qaran jsl oo ka dhawaajiyey mowqifkooda muddo-kordhinta guurti

kdq iyo 3da xisbi-qaran jsl oo ka dhawaajiyey mowqifkooda muddo-kordhinta guurti

News


 Komishanka doorashooyinka Qaranka iyo Hogaamiyeyaasha sadexda xisbi qaran ee Somaliland, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta komishanka ee magaalada Hargeysa isku waafaqay wakhtiga munaasibka ah ee ay komishanku damacsan yihiin in la qabto doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Deegaanada.





Waxanay Gudida Doorashooyinku u sheegeen hogaamiyeyaasha asxaabta siyaasada qaranka in labada Doorasho qaban karaan dabayaaqada sannadka 2011-ka. Iyagoo filayo in dhammaan la helo imkaaliyaadkii ay ku qabsoomi lahayd Doorashadu.

Wakhtigan ay komishanka cadeeyeen inay qaban karaan labada Doorasho ee Deegaanka iyo Wakiilada, ayaa ka dambeeyey kulano gooni gooni ah oo ay hore iskugu yimaadeen Hogaamiyeyaasha asxaabta siyaasada, Shir-gudoonka labada Gole [Wakiilada iyo Guurtida] iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kaasoo lagaga tashanayey qaabka loo wajahayo mudo xileedka sii dhamaanaya ee Goleyaasha.

Sidana waxa ay ku sheegeen qoraal oo ay soo saareen, kaas oo u dhignaa sidan:“Waxa maanta oo taariikhdu tahay 08.09.2010 shir ku yeeshay xarunta dhexe ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka saddexda xisbi qaran iyo xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, shirkaa oo daba socday shirar dhowr ah oo is daba socday oo uu ka horreeyey shir ay 29.08.2010 ku yeesheen guriga uu degan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Shirkaa oo nuxurkiisu ahaa sidii looga tashan lahaa Doorashooyinka Golayaasha Jamhuuriyadda Somaliland oo qaarkood xilligoodii doorasho ay muddo dhaaftay, kuwa kalena ay hada gebogebo yihiin.

Shirkaa oo uu guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah madaxda labada shir-guddoon, madaxda saddexda xisbi qaran iyo Komishanka Qaranka ee JSL. Shirkaas oo lagu guddoonsaday in ay saddexda xisbi qaran iyo komishanka qaranku ay ka soo talo-bixiyaan sidii hawlahaa doorashooyinka iyo kuwa kale oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka wada jir wax looga qaban lahaa.

Haddaba, shirkaas 08.09.2010 lagu qabtay xarunta komishanka doorashooyinka qaranka oo lagu lafa gurayey qodobo dhowr ah, taas oo qodob qodob looga dooday, iyada oo la tixgelinayo duruufaha inagu gadaaman xag kasta oo ah talo-bixin.

* In saddexda xisbi qaran isku waafaqsan yihiin talo-bixintii komishanka doorashooyinka Qaranka u soo jeediyeen Madaxweynaha ee qoraalkii tixraaciisu ahaa KDQ/XK/150/2010.

* In Doorashada Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada lagu qaban karo ugu danbayn December 2011.

Waxa kale oo Komishanka doorashooyinka Qaranka iyo saddexda xisbi qaran isku raaceen in doorashada Golaha Degaanka iyo Wakiillada hal mar la wada qabto.

”Si kastaba ha ahaatee Hogaamiyeyaasha sadexda xisbi qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa kulankan maanta ay ku yeesheen xarunta komishanka Doorashooyinka ku caddeeyay inay aad uga soo horjeedaan mudo kordhinta Goleyaasha Qaranka ee ay shalay Golaha Guurtidu muddo xileedkii ugu kordhiyeen, Guurtida, Wakiilada iyo Deegaanada, taas oo ay ku tilmaameeyn inay tahay mid dhaawacaysa dimuqraadiyadii Somaliland isla markaana aan loo dulqaadan Karin, iyaga oo Madaxweynahana ugu baaqay inuu mowqif cad arintaas iska taago.

Hogaamiyeyaasha sadexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinku ugu baaqeen Madaxweynaha iyo asxaabta in talo qaran laga yeesheeno mudo kordhinta Guurtida oo ay sheegeen inay tahay wax aan loo dulqaadan Karin.

Waxa Saxeexay Heshiiska:

1. Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muj Muuse Biixi
2. CabdiGuddoomiye-ku-xigeenka xisbiga UDUB Md Axmed Yuusuf Yaasiin.
3. Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
4. Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka Eng. Ciise Yuusuf X. Maxamed.”

Sl Media

Posted on Thursday, September 09 @ 00:17:15 DAVT by admin



kdq iyo 3da xisbi-qaran jsl oo ka dhawaajiyey mowqifkooda muddo-kordhinta guurti - kdq iyo 3da xisbi-qaran jsl oo ka dhawaajiyey mowqifkooda muddo-kordhinta guurti
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : Visitor
Subject : Re : kdq iyo 3da xisbi-qaran jsl oo ka dhawaajiyey mowqifkooda muddo-kordhinta guurti
Date : 2010-09-09
HAB DOWLI CUSUB OO KA HANAQAADAY SOMALILAND!

Waxa lagu hawlan yahay hirgelinta hab dowli cusub oo mandaqadan aanu ku noolahay aan laga aqoon;

Xisbiga KULMIYE-na waxa loogu talo galay inu ka madaxbanaanaado Madaxweybaga iyo Xukumadiisa oo xisbinimadiisa, barnamijkiisa, wax qabadkiisa, iyo fikirkiisa uu xor u ahaado oo aanu noqon xisbi xakiim dabodhilif ah sidii UDUB ama XHKS ama xisbiyada xakiimka ah ee ka jira Africa ama aduunyada saddexaad.

Ugu dambeyn, si hab dowligan cusubi ee ka hanaqaaday dalka uu u najaxo, Madaxweynuhu waxa uu judhiiba Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE uu uga tanaasulay uuguna wareejiyey Ku-Xigeenkiisii taasoo looga jeeday sidii looga hortegi lahaa inaanu xisbi siyaasadeedku ku dhex miilmin Xukumada Dhexe.

Name : Lamaseege
Subject : Re :kdq iyo 3da xisbi-qaran jsl oo ka dhawaajiyey mowqifkooda muddo-kordhinta guurti
Date : 2010-09-09
Visitor,

Inan gumeednimadu waa sidaa aad wax u falanqaysay iyo nidaamka buka ee aad taageerayso.Mudadu waa xaaraan kuwa u riyaaqayaana waa gun iyo fuudkeed adaana ugu weyn cada qaatayaasha sidii Mingiste dadku la yaabanyiin.

Shacbigu wuu ka tashan oo dhirbaaxo ayaa lala dhici doonaa kuwa aad ugu horeyso.

Dawladan Siilaanyo bukaanka waxay ku darsatay caqli xumo,Xayo La'aan,Wasiir xumo, Caqligeedana waynu wada aragnaa in aanay meela inoo wadin waa loo jeeda kuwa sidii ayda ka hor xidhana waynu aragnaa.

Reality Desk
Lamaseege
Name : Visitor
Subject : Re :kdq iyo 3da xisbi-qaran jsl oo ka dhawaajiyey mowqifkooda muddo-kordhinta guurti
Date : 2010-09-11
HADHAAGI FAQASH IYO CADOWGII SOKEEYE EE CADOWGA SHISHEEYE U ADEEGI JIREY EE AANU KA WADA ADKAANAY BAA WELI MEELAHAAS NAGA SOO CAAYAYA. CAJIIB!

Saxiib, aad baan kuu aqaan oo hore baan doodo badan kula gudhiyey hadhuudhlahana kugu daray taasoo markhaatiyadeedu ay golahan inagula jiraan; waxaanad tahay qabiileyste badow ah oo weliba maangaab ah oo aad iiga heer hooseya aadna loo quudhsado, sidaas daraadeed, ha ila qabsan oo ha isku kay dhisin hana isku kay dhereerin; haddii aad doonayso cid aad la caytantona dee, waxa golaha ku jira Mr. Big Poppa, Morgan, Jaalle Abyan, Real Darwish, Soolgirl, iwm ee bal, CAR IYO CAR IYO CAR kuwaa iska soo celi ama golahiinan beeleed ka celi.

Dhinaca kale, Mr. Kinyaati oo ah SIRDOONKA JSL ee SAWAAXILIGA ah iyo ciidankiisa ee aad halka uu ku dhashay cay uuga dhigaysay dadka kalena ku soo caayeysay baan faylkaaga iyo qaar kale oo wax maxeeriyeyaal ah oo golahan ku jira u gudbiyey, HARGEISA baaney kuu fadhiyaan; waxaanay talaabada ku haboon noocaaga iyo kuwa kula midka ah ku qaadi doonaan marka aad qabyaaladan qadhmuun ee sumeysan iyo xumaha ka waantoobi weydaan oo aad sina u dawoobi weydaan loona baahdo in markan la idiinla dhaqmo sidii uu Hargeisa uula dhaqmeen Gaani, Gen. Morgan, iwm.

YOU ARE STUPIDLY PLAYING WITH FIRE. AND FIRE WILL BURN YOU!
Name : Visitor
Subject : Re :kdq iyo 3da xisbi-qaran jsl oo ka dhawaajiyey mowqifkooda muddo-kordhinta guurti
Date : 2010-09-13
Lamaseege (Khaatumo-seege)

Garan maayo cidii igu kaa balamisay ee kugu tidhi iska kay soo cay ku shimbiro waaqle. Malaha, waa daandaansi iyo khidad lagu doonayo in golaha laga xidho Mr. Visitor sidii looga xidhay Mr. Halgame.

HASE YEESHEE, ALLAH MAXAA CANDADOWLKAAGAAS OO KALE EE BUURYAQABKA AH HADH CAD INTA RAG AANEY AQOON U LAHAYN AY ISKU SOO TAAGEEN OO MARKIIBA INDHAHA LAGA RIDAY.

Walle, haddii aan maanta farta kugu fiiqo oo aan idhahdo, waa hebele...qabntay oo foorooriyaay oo fugaay, waa lagu foroorinaya oo lagu fugayaa ee maandhow maad daandaasiga, kibirka, hab biriqleynta dameereed iyo kibir foodleyda raga kala baydhid oo aad anshax iyo asluub isu yeeshid.

Bal, hadaan gambar gaaban kugu fadhiisanayaaye, soo sheego waxa i kaa daba dhigay ama soo daa waxa aad hayso.

NEBIGA CARBEED CIDAGALE MOOD OO KU SOO HAABSO....!
Name : Lamaseege
Subject : Re :kdq iyo 3da xisbi-qaran jsl oo ka dhawaajiyey mowqifkooda muddo-kordhinta guurti
Date : 2010-09-14
IF A PEOPLE DOESN'T LIKE YOU, IT STANDS TO REASON THAT PEOPLE WON'T LIKE WHAT YOU SAY.


Aniga oon jecleyn in aan kula wado waxa aad walaaqanayso iyo shakhsi xumida aad muujinayso hadana waxa aan is tusay in aan ku yara iftiinsho sida shakhsiyada fiican ee Rabi karameeyey ay u hadasho ama bulshada ula dhaqanto.

I WANT TO SHOW YOU HOW TO BEGIN TO THINK MORE HIGHLY OF YOURSELF AND TO ARTICULATE THAT REALITY TO OTHERS.NOW LET ME GIVE YOU SOME WAYS TO BUILD THE KIND OF VOCABULAREY THAT CAN MAKE A DIFFERENCE IN COMMINICATION.

LISTEN AND READ.

-Anigu sideydaba ma caayo beel/reer, waayo marka aynu ka hadlayno reer dee waa qoomiyad dhan oo Rabi uumay,Karameeyey oo sheakh iyo shariifba leh in aan dhamaantood caayo oon sidadda iska soo tadhaaciyaa waa habeenkii xalay ahaa ee tagay inangumeedyow laga wada khashaafay la hadalkiisa.Akhyaarey goal-kaa goal dhaha.


-Anigu sidaydaba waa iga xaaraan in aan aflagadeeyo dumarka/haweenka sidadda oon keerley iyo kanley idhaa waayo? dumarku waa Hooyadaa,walaashaa,Xaaskaaga,Inantaada,quruxda qoyska,lafdhabarka bulshada, waa hoygii inan rag dhamaantii dhibta uu ka hoos galo.Hadaba doqonyow xayawaanku dhaamaa sideed cay ugu quudhay haweenka.Akhyaarey goal-kana goal dhaha.

Damiirka aadamuhu waa shay qaaliya Rabina ku manaystay dadkiisa hadaba shakhsiga uu damiirku tirtirmaa ileyn waa sidanoo kale bal u fiirsada duligaa aan garaadku ka duday.

Calaaya xaal hadii cidi FUGMEYSO ama FUQAYSO walle waa adiga iyo kuwa kula nooca.

Reality Desk
Lamaseege
Name : Visitor
Subject : Re :kdq iyo 3da xisbi-qaran jsl oo ka dhawaajiyey mowqifkooda muddo-kordhinta guurti
Date : 2010-09-15
Khaatumoseege,

WHEN THE GOING GETS TOUGH ONLY THE TOUGH GETS GOING!

SI WALBA KUULA HADLAY OO KAA WAANIYEY INAAD GOLAHAN KA NOQOTO SIDA AY KA YIHIIN MORGAN, JAALE ABYAN, SOOLGIRL, REAL DARWIISH, IWM OO RAG KALE OO BADANI KULA HADAL OO WAXA LAGU WADA YIDHI WAAR, SIYAASADU SIDAAD MOODEY MA\'AHE SIDAN AAD U DHAQMAYSO WAX KA BEDEL OO HADAAD WAX MUCAARADAYSO SI DEGAN OO MACQUUL AH OO WAX LAGA FAA\'DEYSAN KARO WAX U MUCAARID OO ISTUSKA IYO I ARKAAY I MAQLAADA AAD WADO JOOJI;

WAXA KALE OO RAG BADANI AY KUGULA TALIYEEN, XUKUMADAN IYO MADAXDEEDAN SARE EE AAD ISKAGA SHIMBIRO WAAQLEYNAYSO ISAGANA GEFEYSO SBAL, WAX KA SHEEG SHEEGOODA YARA WANAAJI OO WAKHTI SII ILEYN, ILAA IYO HADA SI FIICAN BAY U SHAQEENAYAANE OO WAX AY UMMADA IYO DALKA KA HALEEYEEN AMA KA BOOBEEN MA JIRAANE.

HASE YEESHEE, WIIG IYADOO AANEY JIRINBA AYAAD SIDII HABAR BAANIYAAL AH OO MASAYRTAY AAD QAAQDAAS IYO HAYAAY...WAA WAREEY IYO KA KACAAYAY OO AAD U FOOL XUN OO BEELEYSANI OO AAN LOOBA FADHIYIN AY KAA SOO YEEDHEEN; WAXAANAD SI GARDARO, DHAQAN IYO ANSHAX XUMO LEHBA AAD ISKAGA BILOWDAY WEERAR BILAA SABAB AH OO SHAQSI AHAANEED, BEEL AHAANEED, DEGAAN AHAANEED IYO AFLAGAADO IYAANA AAD U FOOL XUN TAASOO AAD SI GAAR AHAANEED UGU GEFEYSO SHAQSIYADA SUUBAN EE MUJ. AHMED SILANYO, MADAXWEYNAHA JSL KUNA SHEEGTAY, WAA ASAASAQ, MUSUQ BUU WADA, XOOLAHII SNM BUU DHACAY, IYO WAX BUU HALKANA DURBADIIBA KA BOOBAY, WAA IN XILKA LAGA XAYUUBIYAA (IMPEACHMENT), IWM; WAXA KALE OO AAD DAASADO MADHAN KA DABA TUNTAY DHOWR WASIIR IYO GANACSATO SIDA DEERO COMPANY GAAR AHAAN MAXJARKA KUWAASOO WADA BEESHISA AH.

MARKAA MIYAADAN GOLAHAN YAR EE JALXADA KU ADIMA EE AAD MOODAYSO INU KU XIDHAN YAHAY AADMIGA ADUUNKA OO DHAN AADAN KULA DHEX JIRIN QABYAALAD, MUNAAFAQAD, FIDMAD, COLAAD HURIN, XAASIDNIMO, XIN DUMAREED, BEEN ABUUR, KIBIR FOODLEY, FAAN BILAASH, IS TUS IYO I ARKAAY I MAQLAAY, SHAQSI WEERAR, BEEL WEERAR, DEGAAN WEERAR, IYO AFLAGAADOOYIN JOOGTO AH?

BAL, MAXAAD IS MOODAY MARKA AAD SIDAAS QADHMUUN AAD U DHAQMEYSO EE AAD DADKAAS OO DHAN AAD SIDAAS FOOSHA XUN UGU GEFEYSO?

MA WAXAAD MOODAYSA IN SIDAAS LAGAAGA AAMUSI DOONO AMA AAN MUSTAQBALKA TALAABO LAGAA QAADI KARIN?

MIYAANAN DHOWR JEER OO HORE KUGU ODHAN WAAR, ISKU HEER MA NIHIN EE HA ILA QABSAN OO MIN FADLIKUM HA ISKU KAY DHEREERIN?

MIYAANAN KU ODHAN MARKHAATIGEEDANA GOLAHA FADHIYO HADDII, AAD WAX ISKU HAYSO AMA AAD DOONAYSO INAAD CID LA CAYTANTO WAXA, GOLAHA KUGULA JIRA MORGAN, JAALE ABYAN, REAL DARWIISH, SOOL GIRL, BIG POPPA, IWM KUWAASOO ISIRKAAGA HADH IYO HABEEN GOLAHAN KU DHEX CAAYA EE BAL, CAR IYAGA GOLAHIINAN KA CELI AMA KA DIFAAC, HASE YEESHEE, WAAD OG TAHAY INAADAN ISKA CELIN KARIN, SIDAAS DARAADEED, XAALKAAGU WAXA WEEYE INAAD KUWA KULA DHASHAY IYO XUKUMADA LOO TIRINAYOO INAY TAHAY XUKUMAD ISAAQ AMA UU HOGAANKA U HAYO MADAXWEYNE ISAAQ AH EE AY KA SOO HORJEEDAAN EE AY BEEN ABUURADA FOOSHA XUN KU HAYAAN EE AY CAAYAYAAN, INAAD KA DOORBIDO INAAD XUMAHAAGA NAGULA SOO JEESATO?

WAAR, MA DOW BAA INAAD NACABKAAS SOKEEYE AAD LA MID NOQOTO OO AAD HALKAN NAGA SOO WADA CAYDAAN?

BAL, HADA YAAD ISU WANAAJINAYSA OO AAD AKHYAAR AMA ODAY AMA NIN DHAQAN LEH AMA NIN FIICAN AMA NIN FICIL LEH AMA NIN HIIL IYO HOOBA LEH AMA NIN WADANI AH AMA NIN GOB AH AAD ISAGA DHIGEYSA ILEYN, WAXA HALKAN ISKA QAAQ LEH EE LA AF GARAN LA\'YAHAY EE SIDA CIYAALKA AMA DUMARKA HALKAN RAGA KU HAYSTA HALKA AY KU KOREEN AMA KU DHASHEEN OO XITAA DA\'DOODA KU HAYSTA EE LEH WAA 64 JIR IYO WAA KAN IYO WAA KEERE SIDII GABADH GUUR DOON AHE?

SAAXIIB, DAASAD MADHAN OO KIBIR FOODLEY IYO FAAN BILAASH RAQIIS AH GOLAHAN YAR KA WADA AYAAD TAHAY, ANIGUNA SIDAADA MA SOO KOOBIYEEYO FIKRADAHA IYO QORAALADA DADKA KALE EE INGIRIISIGA KU QORAN EE WAXAAN ISTICMAALAA CAQLIGEYGA, CILMIGEYGA, AQOONTAYDA, WAAYA ARAGNIMADAYDA TAASOO SI WALBA KAA HEER SAREYSA.

UGU DAMBEYN, WAXAAN HALKAN KAAGA DIGAYA INAAD JOOJISO QABYAALADA QADHMUUN, FIDMADA, AFLAGAADADA IYO BEEN ABUURKA RAQIISKA AH EE AAD DADKA LA BARATAY.

[ Reply ]



Name : Nugul
Subject : Re : kdq iyo 3da xisbi-qaran jsl oo ka dhawaajiyey mowqifkooda muddo-kordhinta guurti
Date : 2010-09-09
Siilaanyo ayaan waxba laga dhagaysan halana ilaaliyo inta uuna ummada
ka tuurin jar iyo gabi dheer oo aan laga soo bixi karin.


[ Reply ]



Name : Fariid
Subject : Re : kdq iyo 3da xisbi-qaran jsl oo ka dhawaajiyey mowqifkooda muddo-kordhinta guurti
Date : 2010-09-09
Illaahay waxaan ka baryayaa inuu Somaliland iyo dadkeedaba waxii dhib iyo dhibaato ahba baal mariyo.
Waxaa ducadan igu kalifay markii aan arkay habka fudaydka weyni ku jiro
ee Siilaanyo u dhaqmaayo. Waa ninka asaga oo aan wali si wanaagsan u fadhiisan qasrigii ummada laga hogaaminaayey ku dhaqaaqay sadexdan arrimood ee hoos ku xusan:

1) Waa ninka siiyey Cable-ka bada hoos mara nin dilaal u ah Djibouti. Djibouti wadan maaha ee waa magaalo yar oo ay suurtogal tahay in ay bari cafartu ciisaha ka qaado maamulka dalka. Somaliland in ay hoos tagto maaha Djibouti.
2) Siilaanyo asaga oo ahaa kii ugu cabaadka badnaa marka ay noqoto mudo kordhis, may ahayn in uu ku dhaqaaqo arrintan mudo kordhiska
dheer ah. Nin waliba wuu ogsoon yahay in curado u dhinteen ayaga oo tageeraya Siilaanyo.
3) saxeexista Siilaanyo saxeexay Macjarka BerBera ee uu ka dambeeyo Carabkii xoolaheen in laga dhoofiyo Berbera diiday ee ka dhoofiyey xoolaheenii Djibouti waa dambi Siilaanyo ummada ka galaayo ee in tan iyo kuwa aan kor ku xusayba laga diidaa Siilaanyo iyo cidii ka dambaysa arrimahan.


[ Reply ]


Pages : [ kdq iyo 3da xisbi-qaran jsl oo ka dhawaajiyey mowqifkooda muddo-kordhinta guurti 1 ]