 1. Dagaal xooggan oo galabta dib uga bilowday Muqdisho iyo Al-Shabaab oo looga cabsi qabo in ay la wareegaan Madaxtooyada Muqdisho. 2. Somalida oo loo dalbaday in la wda siiyo qaxoontino wadama Reer Galbeedka.
1. Dagaal xooggan oo galabta dib uga bilowday Muqdisho iyo Al-Shabaab oo looga cabsi qabo in ay la wareegaan Madaxtooyada Muqdisho.
 Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegaayaa in uu galabta dagaal xooggani dib uga qarxay goobo ka mid ah kuwii la'isku hor-fadhiyay shalay. Halkaasi uu dagaal ku dhexmaray labada ciidan DF-da oo ay taageeraayaan kuwa Amisom iyo dhinaca kale oo ay ka soo jeedaan kuwa Xarakada Al-Shabaabka.
Dagaalka galabta ayaa ahaa mid aad u culus isla markaana xooggiisu waxa uu ka socday Isgoyska Dabka iyada oo Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay galabta dagaalka si dar dar leh u qaadeen isla markaana waxaa laga maqlaayey goobaha uu dagaalku ka socdo iyo kuwa ku dhow-dhow rasaas xooggan oo ay labada dhinac iswayrsdanaayaan.
Dagaalka galabta ayaa waxaa barbar socday duqayn xooggan oo loo gaystay qaybaha kale ee Magaalada. Waxaana duqaynta inteeda badan qayb u helshay oo lagu garaacayay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo isugu hoy u noqday madaafiicda iyo duqaymaha kala duwan ee Magaalada loo geysto.
Wararka ka soo baxaaya goobaha dagaalka ayaa waxa ay sheegaayaan in dagaalka ay qaadeen xarakada Al-Shabaab kuwaasi oo sida la sheegay doonaaya in ay dagaalada ugu dambaynta Magaalada uga saaraan Dawladda KMG ah iyo kuwa Amisom inkasta oo ay mas'uuliyiinta DF-da KMG ah ay sheegeen in ay iska difaaci doonaan dagaal kasta oo uga yimaada dhinaca kooxaha ka soo horjeeda. Dagaalkii maalintii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa Xarakada Al-Shabaab waxa ay kula wareegeen meelo uu ka mid yahay Hotelada Jubba iyo Shabeele oo wax yar u jira Guriga Madaxtooyada Muqdisho. Waxayna taasi shaki weyn gelisay in habeen danbe oo loo badinayo in ay noqoto Ciidii Fidriga iyo dhamaadka Bisha Barakaysan ee Ramadaan ay Xarakada Al-Shabaab isku dayaan in ay la wareegaan Madaxtooyada taasi oo ay hadda ka hor ku ballan qaadeen in ay weerar ku qaadaan Madaxtooyada Muqdisho inta ka horeysa dhamaadka Bisha Ramadaan.
Dagaalada Magaalada Muqdisho oo galay todobaadkii saddexaad. Waxaa ku naf waayey inka badan 240 qof. Halka uu dhaawaco kor u dhaaftay 430 qof. dadkaas oo badan dad shacbi ah oo aan waxba galabsan.
|