muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
|
muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl |
 |
|
 Golaha Gurtida Jumhuuriyadda Somaliland ayaa Maanta sameeyey muddo-kordhino muran dhaliyey oo ay muddo-xileedkii u Kala Kordhiyeen Golaha Guurtida, Wakiilada Iyo Golayaasha Deegaanadda JSL.
Mudaneyaasha Golaha Guurtida J. Somaliland, ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen waxay ku meel mariyeen mudo kordhino muran dhaliyey oo ay muddo-xileedkii u kordhiyeen Glayaasha Gurtida, Wakiilada iyo Deegannada.
Fadhigan oo uu maanta shir-gudoominayey Gudoomiye-Ku-xigeenka 1aad islamarkaasna ah ku-simaha Gudoomiyaha Md. Sh. Axmed Nux Fure. Waxay codad aqlbiyad ah ku meel mariyeen oo ay ku ansixiyeen muddo-kordhinta sadexda gole ee guurtida, wakiilada iyo degaanada, ka dib markii uu shalay muddo kordhintaas ka dalbaday Madaxweynaha JSL Md. Siilaanyo, isla markaaana uu u gudbiyey qoraal soo jeedin ah.
Qoraalkaas oo shalay laga hor akhriyey Golaha, isla markaana nuxurkiisu ahaa in muddo-kordhin loo sameeyo Golaha Baarlamnka, Guurtida iyo iyo Golayaasha Deegaanada dalka oo dhan.
Waxaana fadhiga maanta soo xaadiray 68 Mudane oo ka mid ah 82 Mudane xildhibaanada uu ka kooban yahay Golaha Guurtida J. Somaliland, iyada oo 65 Mudane isku raaceen muddo-kordhinahaas ay sameeyee, halka ay 2 diideen iyo gudoomiye-ku-xigeenka oo aan dhiiban codkiisa.
Waxaana muddo-kordhinahaasi u dhaceen sida:-
Markii ay mudaneyaashu codka gacan-taaga ah u qaadeen muddada loo kordhinayo Golaha Wakiilada waxay isla qaateen in ay muddada u kordhiyaan oo ay xilka sii hayaan mudo 2 sano iyo 8 bilood ah oo danbe.
Halka golayaasha deegaannada dalka loo kordhiyay in ay xilka sii hayaan mudo hal sano iyo lix ( 6 ) bilood oo danbe ah.
Iyaguna [Guurtida] waxa ay isla garteen inay mudda xilka kordhistaan sadex ( 3 ) sano iyo 8 bilood oo danbe.
Arrintan, ayaa xisbiyada mucaardka ee UCID iyo UDUB waxa ay ku tilmaameen khalad ka dhan ah qorshihii la isku ogaa ee ahaa in xisbiyada iyo Komishanku ka soo talo-bixiyaan muddada xilka loo kordhinayo Golayaasha Baarlamaka iyo Deegaanada.
SL Media
|
|
|
Posted on Tuesday, September 07 @ 19:34:22 DAVT by admin |
|
|
|