Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Ogaysiis: Shirka Telefoonka Qurba-Joogga JSL.       Shahaadooyin La Guddoonsiiyay 101 Arday Oo Ka Qalin Jebiyey Kulliyadda SHIFA/JSL       Ciidamada Liyuu Booliska Kilinka 5aad Oo Lagu Bedelay Kuwa Fedraalk Ethiopia.       Xukuumadda JSL Oo Aqbashay Martiqaadka Shirka London 23ka Feruary 2012.       Somaliland To Pass Central Bank Law Within 3 Weeks: cbank       Wasiirka Arr. Dibadda JSL Oo Ka Hadlay Shirka London Iyo Kooxdii Khaatumi-Seeg.       Ina Galeyd: Cagtii Joogsan Weydaa Marbay Ceeb La Kulantaa....       Taliyaha Guud Ciidanka Qaranka JSL Oo Hambalyeeyay Ciidanka Qaranka JSL.       UK Working With Somaliland On Curbing Piracy..      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

BBC Somali

Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.
Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl

muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl

News

 Golaha Gurtida Jumhuuriyadda Somaliland ayaa Maanta sameeyey muddo-kordhino muran dhaliyey oo ay muddo-xileedkii u Kala Kordhiyeen Golaha Guurtida, Wakiilada Iyo Golayaasha Deegaanadda JSL.

Mudaneyaasha Golaha Guurtida J. Somaliland, ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen waxay ku meel mariyeen mudo kordhino muran dhaliyey oo ay muddo-xileedkii u kordhiyeen Glayaasha Gurtida, Wakiilada iyo  Deegannada.

Fadhigan oo uu maanta shir-gudoominayey Gudoomiye-Ku-xigeenka 1aad islamarkaasna ah ku-simaha Gudoomiyaha Md. Sh. Axmed Nux Fure. Waxay codad aqlbiyad ah ku meel mariyeen oo ay ku ansixiyeen muddo-kordhinta sadexda gole ee guurtida, wakiilada iyo degaanada, ka dib markii uu shalay muddo kordhintaas ka dalbaday Madaxweynaha JSL Md. Siilaanyo, isla markaaana uu u gudbiyey qoraal soo jeedin ah.

Qoraalkaas oo shalay laga hor akhriyey Golaha, isla markaana nuxurkiisu ahaa in muddo-kordhin loo sameeyo Golaha Baarlamnka, Guurtida iyo iyo Golayaasha Deegaanada dalka oo dhan.

Waxaana fadhiga maanta soo xaadiray 68 Mudane oo ka mid ah 82 Mudane xildhibaanada uu ka kooban yahay Golaha Guurtida J. Somaliland, iyada oo 65 Mudane isku raaceen muddo-kordhinahaas ay sameeyee, halka ay 2 diideen iyo gudoomiye-ku-xigeenka oo aan dhiiban codkiisa.

Waxaana muddo-kordhinahaasi u dhaceen sida:-

Markii ay mudaneyaashu codka gacan-taaga ah u qaadeen muddada loo kordhinayo Golaha Wakiilada waxay isla qaateen in ay muddada u kordhiyaan oo ay xilka sii hayaan mudo 2 sano iyo 8 bilood ah oo danbe.

Halka golayaasha deegaannada dalka loo kordhiyay in ay xilka sii hayaan mudo hal sano iyo lix ( 6 ) bilood oo danbe ah.

Iyaguna [Guurtida] waxa ay isla garteen inay mudda xilka kordhistaan sadex ( 3 ) sano iyo 8 bilood oo danbe.

Arrintan, ayaa xisbiyada mucaardka ee UCID iyo UDUB waxa ay ku tilmaameen khalad ka dhan ah qorshihii la isku ogaa ee ahaa in xisbiyada iyo Komishanku ka soo talo-bixiyaan muddada xilka loo kordhinayo Golayaasha Baarlamaka iyo Deegaanada.

SL Media

Posted on Tuesday, September 07 @ 19:34:22 DAVT by admin

muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl - muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.

Pages : [ 1 ]

Name : BRAVO TO MR. SIILAANYO
Subject : Re : muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-07
WAA WAR FIICAN IN LA KORDHIYO MUDADII GUURTIDA IYO WAKIILADA. AAD BAAN UGU FARXAY GEESINIMADA IYO XILKASNIMADA UU MADAXWAYNUHU MUUJIYEY.

Name : Foojig
Subject : Re :muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-09
Khaladaadka Siilaanyo waxa ka mid ah asaga oo aan hayn mudo dheer maamulka dalka kuwan hoos ku qoran:

1) Mudo dheer u kordhiska Guurtida iyo Wakiilada

2) Siinta Cable-ka bada hoos mara dilaal reer Djibouti ah asaga oo

helaayaa mid tuus Somaliland loogu soo galiyo. Mida kale wadan yar oo

aan awood iyo siyaasad degan lahayn, Somaliland nolosheeda laguma

aamini karo. Barito ayey wax kastaba dhici karaan oo Cafartu Ciisaha

weerar ku soo qadi karta.

3) Carabkii u wareejiyey xolaheena in laga dhoofsho Djibouti ee lacagta

badana ka dhacay dadkeena may ahayn in lo saxeexo in uu MACJAR ka

dhisto Berbera asaga oo ujeedadiisu tahay in uu carqaladeeyo Carab-

kan inoo miciinay markii uu qiyaamaheenu kacay.

"Face book-kana" waxba lagu sheeg sheegaayey ee bal hada

asagana daawo haddii aad wakhti u hesho. Allow sahal amuura!

[ Reply ]

Name : Fariid
Subject : Re : muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-07
Waar hayaay...Arrintan uu maanta ku kacay Siilaanyo waxay ka dhigan tahay
: Kud u guur oo qanjo u guur:. Ma filaayo in uu sidan ku miyir qabo duqu ee
waa in uu shacab weynuhu diida. Waxii imika ka dambeeyana waa in fiiro gaar ah loo yeesha. Waar hayaay duqu ma fayooba. Shalay iyo maanta keebuu miyir qabay. Dadkii dhantay aska dartii ayaa ka masuul ah. Luusarka Eebo naga qabo.

Name : Farriid
Subject : Re :muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-09
Waryaadhaheen anagaa wax aragnay!!
Waxan la yaabi jiray Ducaale iyo Somalilander oo magacyadoodii dad uga taagla\'a.Runtii waan la yabanaa oo waxan odhan jiray waar nimanka maxaa ka si ah maxaa lagu falayaa magacooda, ninka magacooda xadayaase ma waxa uu waayey mid uu la baxao?

Saaxiibada caweyskan ku haasaawa waxan u sheegayaa in ninka magacan lihii uu yahay mid iga xaday oo doonaya in uu iga biliqeysto magacaygii.
Saaxiibkana waxan u sheegayaa in uu is cadeeyo oo aanu kusoo dhuuman magacyada dadaka kale.
MAGACA KOR KU SAXEEXANI KAYGII MAAHA, WAA mid BUG AH.

Farriid( the real one0

[ Reply ]

Name : Ducaale II
Subject : Re : muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-07
Muddo-kordhinta Golayaasha Guurtida, Wakiilada iyo Degmooyinkuba waa arrin fiican oo loo baahnaa in la kordhiyo waanan ku taageersanahy Golaha Guurtida sida fiican ee ay uga jawaabeen codsigii Madaxweynaha. Guurtidu weligeedba waa laf-dhabarta dalku ku tiirsan yahay iyo marjaca dhabta ah ee loo noqodo dastuur ahaan dalka.

Inkasta oo ay dacaayadihii ololaha doorashooyinka uu Kulmiye ku helay doorashada ay ka mid ahaayeen Isbedl-doon oo ay ahayd in muddo kordhinta waqtigaas ka gaabnaato hadana waa macquul marka la eego duruufaha jira iyo doorashadii weynayd ee dhowaan laga soo doogay.

Dheriga damcadiisu ( dhadhankiisu ) isma bedelo haddii dhardhaarada loo kala bedelo. Dadku waa uun isla dadkii oo weliba khibarado korodhsaday.

Madaxweynaha cusub waa in lala wada shaqeeyo oo fursad la siiyo mudadda xilka loo egmaday oo aan la fashilin bal se loo duceeyo in uu Alle la qabto hawlsha culus ee loo egmaday. 5 Sano ma fuga in wax lagu qiimeeyo haddii loo sabro. Lama rabo in uu waqtigu inagaga dhammaado mindi-mindi ku taag iyo ku jiqsiin sidoodii Reer Kulmiye. Haddii aan la kala roonaanna roob ma da'o.

Wa Allaahu Al-Muwafaq

Ducaale II

Name : Fariid
Subject : Re :muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-07
Ducaale 11,

Waa nasiib daro Ducaale oo maanta sidan u hadlay. Haddii dad weynuhu aanu
diidan arrintan maanta oo ay sidan ku hergasho, iga gudoon Ducalow doorashadii madax weynaha ee aynu ka soo gudubnay in ay noqonayso tii ugu dambeysay ee dalka somaliland ka qabsoonta. Abdirashid Ali Sharmarke ayaa waxa uu magac weyn ku helay markii uu yidhi dalkii 64 kii gacana waanu ku codaynaynaa, kacana waanu ku dagaalamaynaa. Hadaba maanta ayada oo aan dagaalba jirin haddii laga ogolaado in Siilaanyo arrinta ku dhaqaaqo waa nasiibdaro. Afar sannadood macquul maha, ogsoonoona mid waliba marka ay ka dhamaato mudadii xilka in ay hayaan gaadho shirci u diidi doona majiro haddii ay yaguna kordhistaan. Siilaanyo dadnimadiisi ba ifka u soo baxaday.
Aniga iyo inta ila figrada ah kalsoonidii aanu Siilaanyo u ahayney waanu kala noqonay Illaahayna waxaan ka baryayaa in dhibaatadan u dalka kula kacay uu baal mariyo.
Name : Visitor
Subject : Re :muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-08
Intaan wax la iska mucaaridin, waa in lagu xisaabtama marxalada adag ee uu dalku ku jiro.
Name : Ducaale II
Subject : Re :muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-08
Mj. Fariid,

Maahmaah Somalilander oo aan ka bartay Mj. Haiban baa waxa la yidhi, "Bilaayada wixii la arki jiray wexeeda ayaa lagula dhaqmaa oo lagula macaamilaa. Wixii inagu cusubna mid xubxaana Allaah baa laga yidhaadaa"!

Mujaahid marka laga eego dhinaca sharciga oo aan anigu cuskanayo arrintu waa mid ku bilaabmantay oo ku dhammaatay hab dawladeed sharciga waafaqsan. Madaxweynuhu waxa uu u soo gudbiyay qoraal hay'adda ugu saraysa dalka ee awoodda u leh muddo kordhinta ama kala dirka golayaasha dalka oo uu madaxweynuhu u cawday ama uu hogo-tusaaleeyay in shaqada dalku sidaas u baahan tahay. Golaha Guurtida oo ah halka ugu danbaysa ee sharci ahaan waxna xalaaleysa waxna xaaraantimaysa fulinta dastuurka.

Arrintan wax canaan ah ama cambaarayn ah kuma laha Madaxweynuhu iyo cid kale toona oo xukuumaddiisa ah. Arrinta waxa ka dooday, u codeeyay oo ansixiyay golihii ku shaqada lahaa oo u fadhiistay fadhi kooramkiisu buuxo oo xaq u lahaa in ay codeeyaan.

Sidaas darteed arrintu ama cid ha la qadhaadhaato cid kale ha la macaanaato. Waxa aan ka hadlay waa arrintaas oo qaaday jidkii ay lahayd oo ay ka mas'uul yihiin xubnaha golaha guurtida fadhiga qaatay. Sidaas baanay ku go'an tahay iyo gar la qaaday dabadeed gocgoc bana nacay.

Wa Allaahu Al-Muwafaq.

Ducaale II.
Name : Fariid
Subject : Re :muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-08
Ducaale 11,

Adiga oo iga raali ah, waxaa jirtay mudo aan fogayn oo aanu isku dhinac ahayn. Sownagii dhinac ka soo wada jeednay maaha Shalayto markii aynu ka soo horjeednay kordhinta mudada madax weynaha iyo xubnaha kale ee Baarlamaanka. Maxay tani kaga duwan tahay ee dastoorka waafajiyey kuwii horena aan waafajin. Haddii ay sheekado tahay " la joojiyana banaan la jiifiyaan banaan" anigu waxaan u arka khalad weyn oo uu Siilaanyo ka galay Ummada reer Somaliland. Dhalintii naftooda ku wayda ayaga oo uu hogaaminaayo Siilaanyo bal hada maad ii sheegi waxa ay u dhinteen.
Maxaadse ku odhan bari ninka wakhtigii xilka uu haynlaa dhamaystay hase ahaate yidhaah afar sano ayaan ku kordhistay, sharcigaan waxaan ka bartay Siilaanyo. Anigu marka aan runta ku hadlo waxa iigu dambaysay ayada oo la yidhi " Sadexda Xusbi iyo Komishankii doorashooyinka ayaa arrintan ka wada hadli doon Ramadaan ka dib, bishan september 15-da. Maxaa keenay " kuditaada amase is wanjalkan". Duqa maxaa ka si ah? DUCAALE ADIGA AYAA WAR KUGU DHAN YAHAY EE WARKA NASII.
Name : Farrid
Subject : Re :muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-09
Waryaadhaheen anagaa wax aragnay!!
Waxan la yaabi jiray Ducaale iyo Somalilander oo magacyadoodii dad uga taagla\'a.Runtii waan la yabanaa oo waxan odhan jiray waar nimanka maxaa ka si ah maxaa lagu falayaa magacooda, ninka magacooda xadayaase ma waxa uu waayey mid uu la baxao?

Saaxiibada caweyskan ku haasaawa waxan u sheegayaa in ninka magacan lihii uu yahay mid iga xaday oo doonaya in uu iga biliqeysto magacaygii.
Saaxiibkana waxan u sheegayaa in uu is cadeeyo oo aanu kusoo dhuuman magacyada dadaka kale.
MAGACA KOR KU SAXEEXANI KAYGII MAAHA, WAA mid BUG AH.

Farrid(the real one)
Name : Fariid
Subject : Re :muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-09
Mudane Farrid raali ahow magaca waan kuu sii yara hayey.
Waad yara maqnayd ee haddii mar Eebe ku soo celiyey adiga ayaa
magaca iska leh dibna Fariid dambe mareegaha loogu arki maayo.

[ Reply ]

Name : somalilander.
Subject : Re : muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-08
Horta marka saraaxad lagu hadlo waa lagu degdegay isku kordhintan golayaasha waliba xisbul xaakimku markaa ahaa mucaarid waa wixii ugu weynaa ee ka caban jiray oo ah iyadoon mucaaridkii lala tashan ayaa tadii layska gaadhay. wixii qaldama waa qalad lamana inkiri karo lakiin waa in ay dowlada cusubi soo bandhigtay waxa ku kalifay in talo aan loo dhamayn loogu kordhiyo golayaasha qaranka.

Hadal iyo dhamaan dowlada cusubi waa qaladkii ugu horeeyey ee ay galaan iyadoy barbar socoto horumar wanaagsan oo ay dadweynaha tuseen intii yareed ee ay xukunka hayeen markaa waa in ay iskaga fiirsadaan qolodan cusubi wixii ay edeen qoladii ka horaysay.

Somalilander.

Name : Lamaseege
Subject : Re :muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-08
HADAAN KARINTAA LAGA GUURIN GORAYO HEERYEYSANBAA KA SOO DEGIDOONTA.!!

Shakhsiyan Anigu Ma Taageersani.!!

Haddii ay dawladan Siilaanyo ee Fiidmeerta ahi ay wixii shalay ay kaga soo horjeedey tiihore ay ku xaragooto waa ayaandaro mana fiicna. Hadii muddo kordhintuna maaha mid la leeyey sababo amaan daro ah ama xaalad qasab ka dhigaysaa jirta waa caadadii xumayd ee kali talisnimada ee faraagelinta shacabiga iyo deegaamada ay ku dhaqanyiin waana laga war hayaa damaca qadhmuun ee dawladan Duqa itaalka xun.Waa in shacbigu ka diidaa is macaashsiiska iyo isu burinta mudada.

Shacbigu waa ogyey sheekhada gudaha madaxtooyada taala iyo talada maroorta ee kaba qaadyada ku xeerani wadaan.

Tayadeeda iyo maskaxdeeduba waa taa Dawladan Fuddud ee daaladhacaysa waxana aynu maqli doonaa meelka dhacyo aad u faro badan in la xakhameeyo oo dib u fadhiista la yidhaa waa faral.

Shacbiga ayaanu ku dhiiri gelinaynaa in diidmo qayaxan lagala hor yimaado noona sheego nidaamka siqaya ee aan cadaalada
aqoon.

Reality Desk
Lamaseege

Name : Huruuse Madadaal
Subject : Re :muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-08
Huruuse Madadaal
Subject : Re :muhimadda uu dalka kenya u leedahay jsl.
Date : 2010-09-08
Cilmi yarow haddaad gooha iyo ciilka ledi weyday
caweyskii yimaaddaba haddaad gogosha ciilyooto
casho kaa tagtiyo haddaad codkii soo hibaynayso
raggana calaacalkiyo looga roon inu cattaabaaye
calafoow ba`eey`haddii aad maanta cabanayso
casho horiyo haddii aad hibtay codkii kaa lumaye
dharaartay cuddoonayd adigaa ceejay luquntiiye
cambaruudkii baxay iyo adigaan cambihii gurane
waataad kii carshiga bilay ceebta ula taagnayde
caano ma daadshow riyaale waataad canaadeene
caqli ninkii qaba dhaaxaan sheegay cibaarada eh
cudur weeye kulmiye ku nool caadifada qabileede
calanka iyo inaanu gayin cududda shicibkeenna
waataan kuu caddeeyay haddaad caaqiibo leedahaye
muxuu haatan cabaad kuu tari ceelki faddarowye
ciiddaa ka dhereg haddii kale cusko weynaha eh

[ Reply ]

Name : Muddo Kordhinta Guurtida, Wakiilada iyo Golayaasha
Subject : Re : muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-08
Waxaan u arkayaa anigoo ah nin reer somaliland ah oo indheergarad ah in muddo kordhinta Guurtida, Wakiilada iyo Golayaashu ay tahay arrin lagama maarmaan sabtuna ay tahay iyadoo waddanku maanta uu weli "loxos" yahay loxos waxa layidhaa markaad meel ka soo guurtida eed guri yagleelah degtid, iyadoo dhaqaaluhu iska yaryahay oo aan weli dalku ka soo kaban hawshii hore ee doorshada, iyadoo weli dawladii weli degel fadhi ay tahay markaa doorasha iyo food dambe qarbe qarbe ayey innagu noqoneysaa sidaa darteed Maxdaweyna arrin ma seegin ilaah ha la qabtee.

Waa Guul
Eiid Wanaagsan
Charlie Arm
Somaliland Diaspora KSA

[ Reply ]

Name : Run-Sheeg
Subject : Re : muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-08
Doorasho ha inuu dambeysee goormayno xadkan sidii albaab u balaqan u xidhnaado kuwan inagu dhex jirana hubsanaa wax la celiyo iyo kuwa isha lagu hayo ka dhignaa

[ Reply ]

Name : Fariid
Subject : Re : muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-08
Ducaale 11,

Adiga oo iga raali ah, waxaa jirtay mudo aan fogayn oo aanu isku dhinac ahayn. Sownagii dhinac ka soo wada jeednay maaha Shalayto markii aynu ka soo horjeednay kordhinta mudada madax weynaha iyo xubnaha kale ee Baarlamaanka. Maxay tani kaga duwan tahay ee dastoorka waafajiyey kuwii horena aan waafajin. Haddii ay sheekado tahay " la joojiyana banaan la jiifiyaan banaan" anigu waxaan u arka khalad weyn oo uu Siilaanyo ka galay Ummada reer Somaliland. Dhalintii naftooda ku wayda ayaga oo uu hogaaminaayo Siilaanyo bal hada maad ii sheegi waxa ay u dhinteen.
Maxaadse ku odhan bari ninka wakhtigii xilka uu haynlaa dhamaystay hase ahaate yidhaah afar sano ayaan ku kordhistay, sharcigana waxaan ka bartay Siilaanyo. Anigu marka aan runta ku hadlo waxa iigu dambaysay ayada oo la yidhi " Sadexda Xusbi iyo Komishankii doorashooyinka ayaa arrintan ka wada hadli doon Ramadaan ka dib, bishan september 15-da. Maxaa keenay " kuditaada amase is wanjalkan". Duqa maxaa ka si ah? DUCAALE ADIGA AYAA WAR KUGU DHAN YAHAY EE WARKA NASII.

Name : Farrid
Subject : Re :muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-09
Waryaadhaheen anagaa wax aragnay!!
Waxan la yaabi jiray Ducaale iyo Somalilander oo magacyadoodii dad uga taagla'a.Runtii waan la yabanaa oo waxan odhan jiray waar nimanka maxaa ka si ah maxaa lagu falayaa magacooda, ninka magacooda xadayaase ma waxa uu waayey mid uu la baxao?

Saaxiibada caweyskan ku haasaawa waxan u sheegayaa in ninka magacan lihii uu yahay mid iga xaday oo doonaya in uu iga biliqeysto magacaygii.
Saaxiibkana waxan u sheegayaa in uu is cadeeyo oo aanu kusoo dhuuman magacyada dadaka kale.
MAGACA KOR KU SAXEEXANI KAYGII MAAHA, WAA mid BUG AH.

Farrid(The real one)

[ Reply ]

Name : Haiban
Subject : Re : muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-08
Waa salaamantihiin dhamaantiin:

Ramadaan Kariim oo ah maalintii 29aad,ALLOW khayrkeeda na sii..Aamiin..

Waa halkii Mj.Ducaale II maahmaah somalilandaraa tidhaahda( Magaalo qayrkaana u cey,adiguna ha daynin),kordhinta diidmadeeda daraadeed muwaadiniini hakaa dintaan oo ma maqli-kartid,immika ood hogaankii gacanta ku haystina,cid-walba ka talaabso oo ku cidhbi kaligaa,waa mid lala yaabaa,waana halkii Mj.Ducaale II maahmaah somalilandaraa tidhaahda ( Wali beer may duban ) iyo ( Mayd maxaa u dambeeyay,kaa la sii sido ),dadow reer kulmiye waa kuwaa aad arkaysaan. ALLA maxaa wax cajiiba ina soo maray oo ay ka mid yihiin 26-06-10 la codeeyo, natiijanada lagu dhawaaqo 01-07-10.ku dhawaaqidii natiijada waxaa ka dambeeyay laba bilood iyo sagaal cisho ee bal dib ugu noqda inta wax ay ka qaylin jireen reer kulmiye ay iyagii si-fudud ugu talaabsadeen.Oo immika waxaan is-leenahay tolow maxay ku xigsiin..iyo...iyo...iyo....

Haddana,nin aniga yidhi dad iska reebye, dawladaa xunee kulmiye ee uu Madaxweynaha ka yahay Md.Mj. Axmad Muxammad Maxamuud-Siilaanyo ayuunbaa ii dawlad ah ,siday tii ka horeysayba iigu ahayd,oo aan ku ilaashanayaa gurigayga oo ah JSL ,waxay ii dhaantaa dawlad la'aan, waxaanan la sugayaa iney siday ku yimaadeen, sideeda ku tagaan ee aniga xageeda yaan layga marin,ninowa haygu soo lugu'in.

Danta JSL halkay jirta uunbaa noo daran,ee reer kulmiyow waxaad fashayba fashayee wa in faatakum,cagta noo dhiga oo khaladaad isku xidhiidhsan kala yara jaree...

Saaxiibkay Mj.Ducaale II waxaan odhan lahaa,arrintan dambiilaha ugu weyne ee loo raacayaa waa rugcadaadiga,Md.Mj. Madaxweyne Axmad Muxammad Maxamuud-Siilaanyo iyo dushiisa.......

Waana halkii Mj.Ali Mohamoud Noor Ali-Eid'e.

East And West Somaliland Is Best.....

Wassalaam.

Haiban.

Name : Ducaale II
Subject : Re :muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-08
Mj. Fariid. Mj. Haiban,

Haddii aynu halkan ka sii wadno doodeedana wadaniga ah. Waxa aan marka hore u mahadnaqayaa Alle SWT ina siiyay dalka iyo dadka wanaagga jecel ee caddaaladda iyo dhaqanka wanaagsan u dhinta ee ina garan siiyay.

Marka xigta waxa aan u mahad naqayaa mujaahidiinta iyo madaxeynayaasha mustaqbalka habeen iyo maalin heeganka u ah hor-u-marinta dalkooda hooyo sida labada mujaahid Fariid & Haiban iyo inta kale ee la midka ah.

Intaas ka bacdi. Horta aan iskiin baro. Aniga macallinkayga siyaasadda JSL waa macallinka weyn ee Al-Xaaji Cabdi Xuseen ( Xaaji Cabdi-Waraabe ) oo aan ka bartay sida hadalka ku dhan maahmaah Somalilanderka ah oo aan ka bartay Mj. Haiban oo tidhaahda, "Hadba ninkii hooyadaa guursadaa waa Adeerkaa"! Adeerkaana waa Adeerkaa haddii aanad waalid inkaar noqon!

Inkasta oo ay sidaas tahay hadana waxa goor walba furan dhaliil iyo is-dhaliil wax dhisaysa ( constructive criticism ). Waxa aan ka codsan lahaa Mj. Fariid in uu furo khaanadaha kaydka ardaaga cawayska, faaqidaada iyo faalooyinka Sxb-da Safka-hore ( Search ) oo uu ka soo saaro halka aan ku diidi jiray muddo kordhintii hore waqtigii xukuumaddii Md. Mj. Madaxweyene Rayaale oo isaga oo raali ah uu ina xasuusiyo.

Haani gun bay ka tolantaaye waxa i deeqay hadalka Md. Mj. Haiban ee uu yidhi sidan soo socta aniga oo soo minguuriysay ( Qoute ):

"Haddana, nin aniga yidhi dad iska reebye, dawladaa xun ee Kulmiye ee uu Madaxweynaha ka yahay Md. Mj. Axmad Muxammad Maxamuud-Siilaanyo ayuun baa ii dawlad ah, sidii ay tii ka horeysayba iigu ahayd dawlad oo aan ku ilaashanayaa gurigayga JSL. Waxay ii dhaantaa dawlad la'aan, waxaanan la sugayaa iney siday ku yimaadeen, sideeda ku tagaan ee aniga xageeda yaan layga marin, ninowna ha igu soo lugo'in".

Eesh calaa xikmad. Waa raggeedii.

Hadal iyo dhammaantiis. Xikmad kale oo Somalilander baa tidhaah, "Haddii aad taliso oo lagu diido in la jabo ma jeceshahay"! Jabi mayno. Inshaa' Allaah. Bal se waxa uu yidhi Md. Mj. Hadrwaai, "Hadba saaca ( saacadda ) joogaan tukadaa salaaddee, inaad saamo jiidiyo sanqadh tirashada kala daah"! Waxa kale oo uu yidhi, "Tiro siman sagaal tuur, sadex keen sideed hoo', waxa hadhay bal suuree, Gaariyow ma ila socotaa"!

JSL weli waxa ay u afduuban tahay duruufaha jira ee ku gadaaman oo ay ugu horreyso aqoonsi la'aanta. Xaalkeeduna JSL waa sida dooni yar oo badweyn dhex dabaalanaysa duufaanona ay hareero socdaan taas darteena aan u baahnayn in la is dhigto ama la isku dheg-baso. Haba qaldanaado go'aanka muddo-kordhinta guurtidu samaysay. Bal se ma leh meel looga noqodo oo waa siduu inoo maray khayr ha inoo maro. Maadina waa maalin kale.

Wa Allaahu Al-Muwafaq.

Ducaale II
Name : X.Kulmiye Oo Ku Gacan Saydhay M.Kordhintii Guurtida
Subject : Re :muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-08
Xogh. ulmiye............

Xoghayaha Kulmiye Oo Ku Tilmaamay Muddo Kordhinta Guurtidu U Samaysay Golayaasha Baarlamaanka Iyo Deegaanka Mid Lagu Degdegay.

Hargeysa(Ramaas) Sept.08, 2010 - Xoghayaha guud ee xisbiga Muxaafidaka ah ee KULMIYE Kayse Xasan Cige ayaa ku tilmaamay muddo kordhinta guurtidu ay shalay ansixisay inay tahay mid lagu degdegay, waxaanu intaasi ku daray in aan loo baahnayn in muddada intaa leeg la kordhiyo.

Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye waxa kale oo uu sheegay inay hoboonayd in muddo sanad ama sanad iyo badh ah ugu badnaan la kordhiyo, balse tani tahay mid aan loo baahnayn.

Xoghayaha xisbigu waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka telefoonka ugu waramayey Wargeyska Haatuf waxna kaga weydiinay sida ay u arkaan xisbi ahaan muddo kordhinta guurtidu muddada xilka ugu kordhisay labada gole Baarlamaan iyo dawladaha Hoose.

“Arintan maanta dhacday ee ay Golaha Guurtidu iskugu kordhiyeen muddada xilkooda Wakiilada iyo Golayaasha deegaankana ugu kodhiyeen xisbi ahaan waxaanu u aragnaa arin lagu dagdagay, looma baahnayn in sanad ama sanad iyo badh wax ka badan la kordhiyo waana talaabo aanu dhaleecaynayno, waxaynu nahay dawladd yar oo aan dhaqaale badan haysan oo aan qaadi karayn arimo badan, waxay ahayd in arintan lala kaashado dadkii markii horeba inaga caawinayey”.

S: Maadaama oo hadda muddo kordhin ay sameeyeen Guurtidii idinkiina aad diidan tihiin maxaad xal u arkaysaa?

J: Arintan xalkeedu waxa uu yaalaa oo looga wareegi karaa waa dhinaca sharciyada Maxkamada sare, arintaasina maaha arin anaga noo taala waa mid u taala Madaxaynaha, Baarlamaanka iyo Maxkamada.

S: Warqadii uu Madaxwaynuhu u gudbiyey Guurtida miyaan la odhan Karin waxa ay qayb ka ahayd muddo kordhintan oo wuu kula socdaa miyaanay shacbigu u qaadan Karin?

J: May Madaxwaynuhu marna kulama socdo, sida loo dhigay iyo sida ay ahayd way kala duwan yihiin, Madaxwaynuhu waxa uu yidhi isagoo tixgalinaya duruufaha jira ee dhinacwalba leh, maadaama oo uu wakhtigii Golayaasha Guurtida, Wakiilada iyo Golayaasha deegaankaba dhamaanayo Guta waajibkiina Guurtidaay.

S: Talaabadani miyaanay u muuqan tii aad hore ugu dhaleecayn jirteen xukuumadii Rayaale?

J: Hadalkaas afeef ayaan ka sii dhigtey oo waanigii ku idhi UDUB hadii aanay hore u sameynin may dhacdeen hada, runtiina meel looga leexdo korodhsiimo hada ma jirto, mihiimaduna waa sidii la iskula waafaqi lahaa mudada korodhsiimada.

Dhinaca kale Ugu horayn ku simaha Gudoomiyaha xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasin, oo isagu shalay uga waramayey idaacada BBC-da laanteeda afka Somaliga, sida ay xisbi ahaan u arkaan talaabadan Guurtidu mudadii sharciyooda iyo tii sharciyada Wakiilada iyo Deegaanka waxa uu yidhi “Sadexda Xisbi qaran iyo komiishanka doorashooyinka ayaa u balansanaa in 15 Septem 2010 ay isugu yimaadaan kulan ay kaga arrinsanayaan arrintan Muddo Kordhinta Baarlamaanka iyo Golayaasha Deegaanka, Hasayeeshe muddo kordhintan ma noqonayso mid la aqbali karo waana arin aanu leenahay waa lagu dag dagay oo xisbi ahaana ma aqbalayno.”

Waxa uu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi “Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu gowracay taladii loo balansanaa, in la isaga yimaado (UCID, UDUB iyo KULMIYE iyo komiishanka) ee la xidhiidhay muddo kordhinta”.
Name : Omar Darood Xassan
Subject : Re :muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-08
Waxa ilaahey mahadii ah islamarkan loogu mahadnaqo ah iney sadexdii xisbi qaran meel ka soo wada jeedan islamarkan ey canbaareyn go'aankaasi aan laga fiirsan ee lagu degdegay. Somalidu waxey tidhaahda NINWEYN OO DA' AH INJIR LAGAMA QABTO MARKA AD TAABATO EYUU MOODA INAAD WAX U DHIIBEYSO O uu HANQALKA LA SOO KACAA, runtii warqadii u madaxweynuhu u qorey bey moodeen inuu leeyahay kordhisda mushaaradiina waa la kordhinayaa, durbaan baa odayaasha u baxay ee waxba ha la yaabin oday jiila jooga injir iyo warqad midna looma soo diro lagman qabto, Haddii anu nahay UCID anagu marwalba diyaar baanu u nahay in ey doorasho dhacdo sida u sharicgu dhigayo, ma jiraan wax duruufo iyo qodob sheegaya dib u dhigis, labada xisbi ee kalan waxan odhan laa diyaargarooba oo doorasho usoo diyaar garooba si eynu himilooyinkeeni uga biyo dhiijino. Madaxweynahana waxa ku waajib ah inuu qadariyo axsaabta iyo komishanka qaranka go'aamadoodaasi, hadii ey guurtidu ku adkeysato in ey dib uga noqon weydo go'aankaasi ey ku degdegtay, waxa mudan in runta loo sheego oo u xiligoodi dhamaaday oo an ey maanta awood u laheyn in ey waxkordhin karan ama ansixin karan

Waxan aad ugu hambalyeynayaa xisbiga kulmiye go'aankaasi u gaadhey ee uu la garab istagay axsaabta mucaariidka ah. guul baan idin rajeynayaa
Name : Lamaseege
Subject : Re :muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-09
Guuli waa weli.Dhaqamada iyo ifafaalaha isa soo tarayaa dabadoodu waa huubo dalkana in loo tudhaa waa daruuri balse hadii shuftadan umada qaladay laga qabto ceeb maaha in la xakameeyo oo la diido mudadan aan haboonayn qad maaha waana in lagu noqdaa arintaa waxna laga bedelaa.

Reality Desk
Lamaseege

[ Reply ]

Name : LA JIIFIYAANA BANAAN LA JOOJIYAANA BANAAN
Subject : Re : muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl
Date : 2010-09-08
LA JIIFIYAANA BANAAN LA JOOJIYAANA BANAAN

Ducaale 11 waa Foojig oo hore loo odhan jiray Fariid. Maan ogeyn nin

Farrid la yidhaah in uu golaha degan yahay, sida darteed imika laga

bilaabo magacaygu waa Foojig.

Hadaba haddii aan ku soo noqdo hadalkii inaga dhaxeeyey, waxaan ku

soo gabagabaynayaa in arrintan mudo kordhiska aynu si weyn ugu kala

duwanahay. Anigu shalay, maanta iyo bariba waxaan kula hor taagnay

in Siilaanyo qaldan yahay masuuliyaduna dushiisa saaran tahay. Waana

nasiib daro asaga oo mudo dheer aan hayn Madax-weynanimada dalka

wuu khaladaadkiisu aad u bato. Khaladaadkiisa waa weyn waxa ka mid ah:

1) Mudo dheer u kordhiska Guurtida iyo Wakiilada

2) Siinta Cable-ka bada hoos mara dilaal reer Djibouti ah asaga oo

helaayaa mid tuus Somaliland loogu soo galiyo. Mida kale wadan yar oo

aan awood iyo siyaasad degan lahayn, Somaliland nolosheeda laguma

aamini karo. Barito ayey wax kastaba dhici karaan oo Cafartu Ciisaha

weerar ku soo qadi karta.

3) Carabkii u wareejiyey xolaheena in laga dhoofsho Djibouti ee lacagta

badana ka dhacay dadkeena may ahayn in lo saxeexo in uu MACJAR ka

dhisto Berbera asaga oo ujeedadiisu tahay in uu carqaladeeyo Carab-

kan inoo miciinay markii uu qiyaamaheenu kacay.

Ducaale "Face book-ana" waxba lagu sheeg sheegaayey ee bal hada

asagana daawo haddii aad wakhti u hesho. Allow sahal amuura!

[ Reply ]

Pages : [ muddo-kordhin loo kala sameeyay golayaasha guurtida, wakiilada iyo degaanada jsl 1 ]