 Ciidana Booliska G/Togdheern ayaa hawgal ay saaka qaadeen ku qabqabtay dad gaadhaya 8 illaa 10 Qof oo ay sheegeen inay ku tuhunsan yihiin inay xidhiid la leeyihiin kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalamaya Somaaliya. Daawo Waraysiga Gudd Gobolka.
Dadkan Boolisku qabtay ayaa isugu jiray macalimiin wax ka dhigta Dugsiyadda waxbarashadda gaarka, iyo kuwo, Meherado Ganacsi ku haystay gudaha magaaldda Burco kuwaasoo laga soo qabtay goobohoodii shaqo.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliland Col. Cabdi Raxmaan Liibaan Fooxle oo isagu haatan ku sugan magaaladda Burco, ayaa TogdheerNews wax ka waydiisay , Hawgalkan ay Ciidamaddu Saaka ay qaadan iyo Tiradda ay ku qababteen,Aayaa sheegay inuu yahay mid lagu xoojinayo amaanka Gobolka Islamrkaana lagu qabtay dad lagu tuhunsanyahay inay xidhiidh la leeyihiin Islaamiyiinta ka dagaalamaysa koonfurta Soomaaliya.
Sidoo kale ,Gudoomiyaha gobolka Togdheer, Yaasin Maxamed Cabdi,ayaa Shir Jar’iid oo uu ku qabtay Xafiiskiisa kaga hadlay Talaabadan Boolisku ku qab qabteen dadkan la sheegay in lagu Tuhunsan yahay in ay Xidhiidha la leeyihiin Islaamiyiinta ka Dagaalamaaya, Koonfuta Soomaaliya , kaasoo sheegay ina dadkan Baadhitaan lagu sameeyn doono oo Cidii Dembiyadda lagu Qaado, kuwii kalana la Sii dayn doono .
Hawlgalka Boolisku saaka qaaday ayaa Noqonaaya kii ugu Balaadhna ee Ciidamaddu kua Sameeyaan Gudaha magaaladda Burco, isle markaana, kii Qab qabtaan dad intaa gaadhaaya.
|