 Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay isgaadhsiinta Kaybalka badda hoos mara ee la siiyey shirkadda Somcable. ( Ha moogaan aaraa'da akhyaarta iyo ardaaga cawyaska Sxb-da Safka-hore JSL ).
Madaxweyne Siilaanyo Iyo Gudd. Faysal Cali Waraabe Oo Soyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Caybalka Badda.
 isgaadhiinta Somaliland la hoos geeyo dal kale, maadama Somaliland leedahay bad u gaar, isaga oo Guddoomiyuhu aanu magacaabin dalka uu sheegay ee la hoos gaynayo isgaadhsiinta Somaliland.
“Anagu xisbi ahaan wakhtigan xukuumaddu cusub tahay waxaannu goosanay inaanu siino wakhti ay isku haggaajiyaan oo aanu eegno. Laakiin mowqifkayaga ku saabsan kootada loo xidhay Kaybalka waa tii aanu warsaxaafadeedka ka soo saarnay. Midna waan kuu shegayaaye’e marna ogolaan mayno in wadankayagu uu hoos yimaado wadan kale anagoo bad leh, kana ogolaan mayno inay dawlado kale faraha nala soo galaan.
Waxa hadda noo muuqata inay dawladi nagu dhex jirto, iyadoo la noo soo raacay dad baayac mushtar ah. Anagu waanu caddaynay arrintaasi kaybalka inaanaan wadan kale hoos galayn.”
“Way caddahay in dawlado nagu dhex jiraan oo doorashadayadii ka qeyb galeen oo waanu sheegi doonaa wakhtiga dadku bislaado, Somaliland ma noqonayso dal wadan kale uu haggo,” ayuu yidhi; Md. Faysal Cali-waraabe shalay u waramay idaacadda VOA.
Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo isna wax laga weydiiyey waxa ka jira in dawladu shisheeye dabada ka riixyaan Kaybalka badda, ayaa sheegay in arrintaasi aanay waxba ka jiin.
“Ma jiraan dawlado kale oo ku lug leh arrinta kaybalka isgaadhsiinta badda hoosteeda la marinayo ee Somaliland laga hirgalinayo, ganacsigu sidiisaba waa xor Somaliland waxaanay dawladeenu ku dhaqantaa Ganacsiga suuqa xorta ah, oo Ganacsatadu ay suuqa dhexdiisa ku dhex tartanto. Arrintan kaybalka waxa u taallaa ganacsatada iyo dawlada Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibeddu. SL Media
|