 Waxa shalay kulan isugu yimi madaxda sadexda xisbi qaran, Madaxweynaha Somaliland iyo komishanka qaranka. Kulankaas oo lagaga arrinsanayay waxa laga yeelayo doorashoyinka wakiilada iyo guurtida oo wakhtigodi soo guda galay.
Waxa shalay kulan isugu yimi madaxda sadexda xisbi qaran, Madaxweynaha Somaliland iyo komishanka qaranka. Kulankaas oo lagaga arrinsanayay waxa laga yeelayo doorashoyinka wakiilada iyo guurtida oo wakhtigodi soo guda galay, ayaa waxa laga soo saaray warsaxaafaded uu ku saxexan yahay af-hayeenka Madaxtooyadda, Md Cabdilahi Cukuse. Warsaxaafadedkas oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidatan: “Kulan balaadhan oo maanta ka dhacay Guriga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha JSL, madaxweyne ku xigeenka, Shir-guddonada labada gole (Guurtida iyo Wakiilada), hoggaamada saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Dorashoyinku, ayaa si guud layskula waafaqay in aanay sababo badan awgood aanay suurtagal ahayn qabashada doorashada goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada oo ay muddo aad u yari ka hadhay, iyada oo la ogyahay in ay tii deegaanaduna muddo dhaaf tahay.
Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii uu qaranku talo uga yeelan lahaa doorashooyinka goleyaasha ee kaabiga inagu soo haya, ayey madaxdu ku lafo gureen duruufta dhaqaale iyo ta siyaasadeed ee dalka, gebagebadiina waxa la isku raacay in ay madaxda sadexda Xisbi iyo Komishanka doorashooyinku ka soo talo bixiyaan wakhtiyada ku habboon iyo duruufaha kale ee ku gedaaman doorashooyinka , sida shuruucda ay badhkood qabyo yihiin.
Xubnaha ka qayb galay kulankan waxay kala ahaayeen sidan:-
1. Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud ( Silaanyo ) 2. M/wayne ku-xigeenka JSL Mudane: C/raxmaan C/laahi Ismaaciil ( Saylici) 3. Gudoomiye kuxigeenka Kowaad ee Golaha Guurtida Sh. Axmed Nuux 4. G/ xigeenka Labaad ee Golaha Guurtida Mudane: siciid Jaamac Cali 5. G/ ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax 6. Gudoomiyaha Komoshanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Ciise Yuusuf Maxamed 7. Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka maxamed axmed Xirsi Geele 8. 2 Xubnood komishanka Qaranka ah oo kala ah: Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil iyo Faarax Abiib Aadan 9. Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe 10. G/ xigeenka Xisbiga UCID Aadan maxamed Mire Waqaf 11. Af-hayeenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen 12. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi 13. G/ ku Xigeen Xisbiga Kulmiye C/raxmaan Cabdi Qaadir 14. G/ ku xigeenka xisbiga Kulmiye C/raxmaan Talyanle 15. Xog-hayaha Guud ee Xisbiga kulmiye Kayse Xasan Cige 16. Madaxwayne ku-xigeenkii Hore JSL Axmed Yuusuf yaasiin (UDUB) 17. Wasiirkii Hore Maaliyada Cawil Cali Xuseen Xisbiga ( UDUB ) 18. Gudoomiha Siyaasada ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac SL Media
|