|
 |
Main |
 |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
 |
BBC Somali |
 |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi |
|
|
|
|
|
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed. |
 |
|
|
|
|
Proudly Somalilander |
 |
|
|
|
|
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde. |
  |
|
|
|  |
golayaasha dawladda oo ka wada arrinsaday doorshooyinka wakiilda iyo guurtida js
|
golayaasha dawladda oo ka wada arrinsaday doorshooyinka wakiilda iyo guurtida js |
 |
|
 Waxa shalay kulan isugu yimi madaxda sadexda xisbi qaran, Madaxweynaha Somaliland iyo komishanka qaranka. Kulankaas oo lagaga arrinsanayay waxa laga yeelayo doorashoyinka wakiilada iyo guurtida oo wakhtigodi soo guda galay.
Waxa shalay kulan isugu yimi madaxda sadexda xisbi qaran, Madaxweynaha Somaliland iyo komishanka qaranka. Kulankaas oo lagaga arrinsanayay waxa laga yeelayo doorashoyinka wakiilada iyo guurtida oo wakhtigodi soo guda galay, ayaa waxa laga soo saaray warsaxaafaded uu ku saxexan yahay af-hayeenka Madaxtooyadda, Md Cabdilahi Cukuse. Warsaxaafadedkas oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidatan: “Kulan balaadhan oo maanta ka dhacay Guriga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha JSL, madaxweyne ku xigeenka, Shir-guddonada labada gole (Guurtida iyo Wakiilada), hoggaamada saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Dorashoyinku, ayaa si guud layskula waafaqay in aanay sababo badan awgood aanay suurtagal ahayn qabashada doorashada goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada oo ay muddo aad u yari ka hadhay, iyada oo la ogyahay in ay tii deegaanaduna muddo dhaaf tahay.
Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii uu qaranku talo uga yeelan lahaa doorashooyinka goleyaasha ee kaabiga inagu soo haya, ayey madaxdu ku lafo gureen duruufta dhaqaale iyo ta siyaasadeed ee dalka, gebagebadiina waxa la isku raacay in ay madaxda sadexda Xisbi iyo Komishanka doorashooyinku ka soo talo bixiyaan wakhtiyada ku habboon iyo duruufaha kale ee ku gedaaman doorashooyinka , sida shuruucda ay badhkood qabyo yihiin.
Xubnaha ka qayb galay kulankan waxay kala ahaayeen sidan:-
1. Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud ( Silaanyo ) 2. M/wayne ku-xigeenka JSL Mudane: C/raxmaan C/laahi Ismaaciil ( Saylici) 3. Gudoomiye kuxigeenka Kowaad ee Golaha Guurtida Sh. Axmed Nuux 4. G/ xigeenka Labaad ee Golaha Guurtida Mudane: siciid Jaamac Cali 5. G/ ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax 6. Gudoomiyaha Komoshanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Ciise Yuusuf Maxamed 7. Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka maxamed axmed Xirsi Geele 8. 2 Xubnood komishanka Qaranka ah oo kala ah: Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil iyo Faarax Abiib Aadan 9. Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe 10. G/ xigeenka Xisbiga UCID Aadan maxamed Mire Waqaf 11. Af-hayeenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen 12. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi 13. G/ ku Xigeen Xisbiga Kulmiye C/raxmaan Cabdi Qaadir 14. G/ ku xigeenka xisbiga Kulmiye C/raxmaan Talyanle 15. Xog-hayaha Guud ee Xisbiga kulmiye Kayse Xasan Cige 16. Madaxwayne ku-xigeenkii Hore JSL Axmed Yuusuf yaasiin (UDUB) 17. Wasiirkii Hore Maaliyada Cawil Cali Xuseen Xisbiga ( UDUB ) 18. Gudoomiha Siyaasada ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac SL Media
|
|
|
Posted on Tuesday, August 31 @ 22:49:09 DAVT by admin |
|
|
|
|
Name : daahir Subject : Re : golayaasha dawladda oo ka wada arrinsaday doorshooyinka wakiilda iyo guurtida js Date : 2010-08-31
|
Tuesday, 31 August 2010
Sirdoonka Eithopia Oo Radinya 2 Al-shabab Oo Lagu Daweynayo Hargeysa
Sirdoonka Eithopia Oo Kudaba Jira 2 Xubnood Oo Al-shabab Oo Lagu Daweynayo Hargeysa.
Jigjiga (TVSLE)-Warar ku dhowdhow sirdoonka Eithopia ayaa sheegaya in ay ku daba jiraan labo xubnood oo sarsare oo kamida Dagalyahanka Al.-shabaab oo dhawacooda la keenay magalada Hargeysa ee Casimada Somaliland,labadan xubnood ayaa ku dhawacmey dagaalada kasocda Magalada Muqdisho,
Sida ay xaqiijiyeen sirdoonka Eithopia waxay ay Somaliland xarun u noqotey in lakeeno dhawaca xoogaga Islamiyinta ee ka dagaalama Somaliya taaso si weyn u dhawaacadey xiriirka labada Dawladood oo hada maraya meeshi ugu xumeyd.
Dhinaca kale Xukumda Eithopia ayaa adkeysey soohdinta ay laleedahay Somaliland iyadoo ay sameyn weyn ku yeelatey isu socdka labada dal,
published on Tuesday, 31 August 2010
Name : Visitor Subject : Re :golayaasha dawladda oo ka wada arrinsaday doorshooyinka wakiilda iyo guurtida js Date : 2010-09-01 WITH THIS KIND OF CHEAP BROUHAHA, YOU WILL NEVER REACH ANYWHERE POLITICALLY, ECONOMICALLY, SOCIALLY AND MILITARILY.
THEREFORE, YOU BETTER GO BACK TO SCHOOL AND LEARN HOW TO CREATE MEANINGFUL AND EFFECTIVE POLITICAL PROPAGANDA. | Name : Lamaseege Subject : Re :golayaasha dawladda oo ka wada arrinsaday doorshooyinka wakiilda iyo guurtida js Date : 2010-09-01 Daacuun,
Murtibaa Tidhaa Doqonta Walidkii Dhalay Ayaa Nacay.!!
Hargeisa culimada joogtaa waa kuwii diinta iyo sharafta islaamka gacanta ku hayey waa wadaado islaam-nimadooda iyo dadnimadooduba ku dhisantay sidii Alleh yidhi iyo sunihii nabaiga. Qaranka JSL-na maaha mid afarta xilka haysa uun ku dhisan ee waxa ay ku dhisantay shacbiyada balaadhan ee sharafta iyo taariikhda dahabka ah leh ee sababta u ah xasiloonida iyo horumarka dhanwalba ah ee xataa somali meel ay joogtaba magaca iyo taariikhda u ah h ay ku faanaan badhkoodna kaba naxaan sidaadaas.
Hadaba waxaan kuu sheegayaa in aad cawri sidii bisada mow-da gurto iyo in aad ceel isku rido ayuunbay talo kaaga dhexeysaa qaranimadan samadaa laga aqbalaye ragna waa u xaytey.
Reality Desk
Lamaseege | Name : Haiban Subject : Re :golayaasha dawladda oo ka wada arrinsaday doorshooyinka wakiilda iyo guurtida js Date : 2010-09-01 Waa salaamantihiin dhamaantiin:
Ramadaan Kariim:
Nin isagu tooj isku shidaya oo isku markhaati-furaya,ma cidbaa u dagaalami amba u hiilin-karta,iyadoon bil xilka ku dhamaysanin bay xukuumad Madaxweynaha Md.Mj.Axmed Maxamed Maxamuud ( Silaanyo ),ayey wax waloo ay ka xanaaqi-jireen,ay ku caayi-jirtay amba dacaayadayn jirtay xukuumadii Md.Daahir Rayaale Kaahin ayey dhameys-tirtay,waana halkii Mj.Ducaale II maahmaah Carabiyaa tidhaahda (لي اختشو ماتوا-Kuwii xishoonayey wey dhinteen),bal eega intay isu jireen labadaa nabsi ee bisha iyo waxa ka yariba u dhexeeyey,ma immikaa la leeyahay,doorashooyinka Guurtida, baarlamanka iyo degaanka dib haloo dhigo,haddii la yeelo waa godob iyo eexasho cad oo laga galey xukuumadii Md.Daahir Rayaale Kaahin,anoo haddana cadaystay inaan mar-walba dabo taaganahay ka maamulka u haya JSL....
Waana halkii Mj.Ali Mohamoud Noor Ali-Eid'e....
East And West Somaliland Is Best...
Wassalaam.
Haiban. | Name : Visitor Subject : Re :golayaasha dawladda oo ka wada arrinsaday doorshooyinka wakiilda iyo guurtida js Date : 2010-09-02 Wargeyska Yool oo Dadka Ka soo Fagaya Colaadi Dagaaladi Sokeeye ee Shacabko reer Somaliland Iska Ilooben
Hargeisa (Buraoonline.com) 31.08.10 Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa qaar ka mid ah beelaha Somaliland ugu baaqay inay shir iskugu yimaadaan oo ay ka tashadaan wax uu ugu yeedhay Hoggaankii cusbaa oo qaloocday.
Sidaana waxa uu Boqorku ku sheegay Shir-jaraa'id oo uu wada jir ugu qabtay WaregyskaYool" iyo Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews, kaasoo uu Axadii Toddobaadkan ku qabtay Magaalada Hargeysa. "
Waxa kaloo, Boqorku Shirkiisaa Jaraa'id kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin ruqsadii Madaxweynuhu uu dhowaan Shirkada SOMCABLE ugu oggolaaday Isgaadhsiinta Badaha hoosteeda mara iyo Maxjarka cusub ee dhawaan isagana la siiyey ruqsada oggolaanasha.
Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi, wuxuu ugu horrayn baaq u diray qaar ka mid ah beelaha Somaliland waxaanu yidhi "Anigoo ah Boqorka guud ee Beelaha habar-magaaladle waxaan baaq u jeedinaynayaa beelaha Somaliland oo dhan gaar ahaan beelaha Habar magaadle, waxaan leeyahay Hoggaankii cusubaa ee aynu dooranay wuu qaloocay waxaan leeyahay ha la iskaga yimaado waxaan qabaa waxa soo uraya sansaantii 1992-kii oo kale, waxaan soo jeedinayaa in la iskaga yimaado oo beelahaasi aan sheegay ay ka tashadaan. Waxaan leeyahay waa inaad qaadataan maqaamka aad ku leedihiin dalkiina aad ku soo tacabteen in horumarka Somaliland la sii taabo geliyo ayay ahayd laakiin maanta waxaad moodaa inay saansaankii 1992-kii oo kale soo urayso."
Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi, wuxuu naqdiyay tallaabada Madaxweynaha Somaliland uu ugu ogolaaday shirkada SOMCABLE qorshaha hirgelinta isgaadhsiinta badda hoosteeda la marinayo waxaanu isagoo arrintaasi ka hadlayay uu yidhi "Waxaan sidaasi u leeyahay waxaad moodaa in isbedelkii iyo rabitaankii dadkaba laga talaabsaday, waxaynu ka hadli jirnay ganacsiga furfuran waxaana aynu naqdiyi jirnay in ganacsiga cid kooto loogu xidho. Waxaan leeyahay Ganacsigu waa xor sida dastuurka dalku qorayo waxaanay Muwaadiniintu u kala mudan yihiin sidii ay u soo kala horreeyeen in loo kala xaq siiyo, kooto ayaynu ka ordaynay ee in cid kooto wax loogu xidho may ahayn. In dadka la isku dirro oo la isku dhuftana ma aha. Waxaan maamulka cusuub u soo jeedinayaa inaanay qaloocinin himiladii iyo wixii loo doortay."
"Madaxtooyadii Somaliland waxa ka tallinaya ayaa la leeyahay Dumar iyo Carruur, waxa la leeyahay mindiyo ayaa dadkii loola baxayaa, mabay dhalane'e dhowrtaysan ogaa waxaan leeyahay dadka cadaalad ayaa deeqdee cadaalad ummadda ku dhaqa. Shacbiga waxaan leeyahay waxan lagu ciyaarayaa waa mustaqbalkiinii ee Xukuumadan toosiya,"ayuu yidhi Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi.
Boqor Raabi waxa kale oo uu dhaliilay Maxjarka cusub ee Madaxweynuhu u ogolaaday shirkada INDHO-DEERO waxaanu yidhi "Waxa runtii iyadduna xusid mudan dalku maxjar Xoolaha lagu Caafimaadiyo oo magaalada Berbera ku yaala ayuu lahaa oo shahaadadiisa la aqoonsan yahay oo tii Xoolaheena Sucuudigu ku furayba ah. Maxjarkaasi ummadda dan iyo maslaxad badan ayuu u lahaa. Waxa Maxjar labaad samaystay niman ay Madaxweynaha beel ka soo wada jeedaan waxay ahayd inuu u sheego inay hastaan iyo in kale shahaadadahan caalamiga ah ee Maxjarada laga doonayo. Umuu sheegin ee wuu u fasaxay, waxaanu leenahay haddii aad maxjarka sidaasi u fasaxdo Aniguna ganacsade ayaan ahay oo imika ayaan mid furanayaa waxyaabaha dadka iska horkeenaya ayay ka mid tahay arrintaasi. Madaxweyne maxjarka labaad iyo arrinta Kaybalkaba waa fowdo aad abuurtay intaanay xaaladu halkaasi sii dhaafin ee aanay xumaanin inaad ka noqoto. Arrintaasi oo waliba kuu ah maslaxad. Aniguna waxaan waageeran doonaa xoosh weyn Nin Carbeed oo waabab noo sameeyana waayi mayno."
Waxa kale oo boqorku dhaliilay Guddida Cisbitaalka Hargeysa ee Madaxweynuhu magacaabay waxaanu Guddidaasi ku sifeeyay mid dhinac ka raran oo aan dheeli tirnayn waxaanu ku dooday in la doonayo in bulshada la iskaga hor keeno.
Intaasi ka dib waxaanu weydiinay su'aalo u dhacay sidan:-
S: Maxaad uga jeedaa Hoggaankii cusbaa wuu qaloocday?
J: Waxaan uga jeedaa Madaxweynaha sida warkuba nagu soo gaadhayo waxa la leeyahay Madaxweynuhuba kama talliyo meesha ee liisas ayuun baa loo soo gudbiyaa, isagoo mashquulsan ka dibna wuu saxeexaa uun.
S: Waa ayo cidan aad ku eedaynayso inay liisaskan aad sheegayso gudbiso? Maxaadse uga jeedaa carruur iyo dumar?
J: Waxa la leeyahay waxa ka taliya dumar iyo carruur qasriga jooga.
S: Markan aad leedahay beelo ha isku yimaadaan oo Xukuumadan ha ka tashadaan miyaanay noqonayn inaad arrintii xumaynaysid oo aad qabyaaladaynaysid oo aad is leedahay Xukuumad cusub ha lagu kaco, miyaanay wakhti ay wax ku qabato in la siiyo aanay u baahnayn dawladdu?
J: Madaxweynaha ayaan ugu tallo galin in wakhti la siiyo oo doonaya inuu isku dhufto bulshada qeybo ka mid ah, waxaan ka digayaa in la isku dhufto beelaha habar magaadle, Madaxweynuhu wuxuu doonayaa inuu dhinacna maamulka ka raro dhinacna ka baneeyo. | Name : Lamaseege Subject : Re :golayaasha dawladda oo ka wada arrinsaday doorshooyinka wakiilda iyo guurtida js Date : 2010-09-02 Odey, Muj-Haiban,
Aad baan kuu salamayaa muj.Waa runtaa oo lama diffaaci karo bahal miciya dhiig kulleh oo uurka ballax kuleh qalbigana ragad reeraysan kuleh waa run iyo xaqiiqo weedhaadu Odey Haiban.
Bahalka aboorka la yidhaa waad ogtay itaalkiisa iyo kartidiisa. waxaan u soo qaatay maanta ee aan dareenka akhyaarta aan ugu soo tuuray waxay tahay; Aboor-ku waa noole yar oo aynu wada ognay wadda fahmi karona.Aboorku waxa uu caqliyan talo ku gaadhay in uu taxadiro ficil kasta oo uu samaynayo jidhkiisana inta hoose ee jilicsan uu ilaashado isagoo samaysanaya wadooyin iyo dhul uu ka xaadhay wixii wax yeelikara ama dhib u geysan kara jiritaankiisa isna hortaagi kara adeegyada uu ku tiirsan yey.
Shacbiga iyo qoomiyada aad aragtay ee JSL waxa ay garan la'ayiin sharciga halaga xaadho wixii wax yeelaya hana la qabyo tiro si looga nabad galo axmaq danayste ah oo muska intiisa dalleda ah uga soo talaabsada isagoo midi dheer daabka haysta.
Siilaanyo iyo raga taageeraa intii ay qaylinayeen malin qudha kumaynaan maqqal iyagoo sharcigaa wax turxaana ku sheegaya waayo? waxa ay ka fikirayeen halkaa ay marayso ee aad farta ku fiiqday muj-Haibanow.
Reality Desk
Lamaseege | Name : Haiban Subject : Re :golayaasha dawladda oo ka wada arrinsaday doorshooyinka wakiilda iyo guurtida js Date : 2010-09-02 Waa salaamantihiin dhamaantiin:
Ramadaan Kariim.
Mj.Lamaseege:
Dee wax kale kuma garatida,miyaad noo haysaa si-kaloo sidan aanu ku kacney dhaanta oo loo hadlo Odeyga iyo agjoogayaasha ku hoonsan ee aad moodo iney iskaga dhex-daadatay khibrad la'aan ka muuqata, odeyga wax u hadhsani majiraan oo aan ahyan geeri.
Waxaanay ku fiicneyd inuu isagu maamulka hogaamiyo amba cid hanan-karta hor-jooge uga dhigo,sidaa daraadeed waxaa noo muuqda meelo aanu is-leenahay canaantaa ku toosiya.
Qofku wuxuu dan ka leeyahayna wey adagtay inuu degdeg uga quusto ee waa lala dabo joogaa illaayo ay si'uun iskugu dubo dhacayso,waananu ku rajo weynahay iney sida aanu EEBE swt uga baranay ay noo noqon doonto, waa geestaanu ka joogno sida aanu uga arkayno...birna kumaano goynin......ee bal adba..
Wassalaam.
Haiban. |
|
[ Reply ] |
|
Name : daahir Subject : Re : golayaasha dawladda oo ka wada arrinsaday doorshooyinka wakiilda iyo guurtida js Date : 2010-08-31
|
Wiil uu Dhalay Xildhibaan Dhugad oo Siilaanyo Abaal Gud ugu daray Gudida Hay'ada Shaqaalaha
Written by Waaheen
Aug 31, 2010 at 02:40 PM
Gudoomiyihii Hay'adda Shaqaalaha oo ku Dhaliilay Wasiirka Maliyada inuu Qatay Shaqaale aan Aqoon lahayn
Hargaysa (Qaran news) Guddoomiyahii hore ee Hay'adda Shaqaalaha Dowladda Mudane C/raxmaan Xusseen Ismaaciil (Cadami) ayaa shalay si rasmi ah xilkii Guddoomiyenimo ee Hay'addaasi ugu wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee loo soo magacaabay Mudane Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil xaflad balaadhan oo shalay lagu qabtay Xarunta Hay'adda Shaqaalaha.
Xafladan ayaa waxa ugu horayn hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka soo jeediyay Guddoomiyihii hore ee Hay'adda Shaqaalaha Dowladda C/raxmaan Cadami waxaanu ku dheeraaday baaxada hawsha ay qabato Hay'addani waxaanu yidhi "Mudane Guddoomiye hayadda shaqaalahu hawsha ay qabataa waxay u xilsaaran tahay guud ahaan waxay kala talisaa Madaxweynaha JSL wax kasta oo khuseeya shaqaalaha waxay wakiil u tahay oo ay wakiil uga tahay shaqaalaha dowladda waxaanay u gudbinaysaa warbixita shaqaalaa madaxweynaha somaliland waxay ka kooban tahay Hay'add shan xubnood oo Komishan ah Agaasime Guud, 16 shaqaale oo agaasimayaashii waaxuhu ku jiraan, saddex aqoonyahan oo dibada laga soo kireeyay si ay u dhisaan is-bedelka shuruucdiisa oo sita Baasabooro Ajanabi ah sanad baa la kireeyay waxaanan doonaynay in sanadkaa la kireeyay aanu kala hadhno laba arrimood kow waayo-aragnimo aanu kala hadhno oo shaqaalahayagu mar walbaa arday oo dadkaasi ayay wax ka bartaan ta kale ee aanu doonaynay in aanu ka dhaxalno sanadkaa waxaanu doonaynay in ay nooga tagaan documents qoraalo mararka dambe lagu camal falo oo lagu soo celiyo.
Shaqaalaha Dowladdu waxay la duruuf yihiin shaqaale waynaha Dowladda raalina kuma nihin kuma nihin xaalada dhaqaale ee ay ku jiraan hadda, waxan warbixinta laga bixinayay waxay horseed u yihiin in wadanku dhaqaale badan helo shaqaaluhuna dabadeed sidaasi dhaqaale ku helaan iyo xuquuqdii kale ee ay shaqaaluhu lahaan jireen, Mudane guddoomiye shaqaalaha dowladda wixii kale ee dhibaatooyin ah waxaan u arkaa in la xalili karo arrimihii laga sheekaynayayna waxaasi ayay xal u yihiin balse waxa jia laba arrimood oo adag oo aan Hay'adda Shaqaalaha gaar u ahayn kow waxa weeyi Mushaharka shaqaalaha xal gaar ah Hay'addu uma hayso ta labaadna waxa weeyi dadkii gaboobay ee gaadhay patient-ka looma hayo xaqii la siin jiray looma hayo oo looma abuurin sanduuqoogii taasi waxay keentay laba sababood in shaqaalihii Dowladda boqolkiiba sodon ay yihiin dad guryihii jiifa oo buka ama socon kara balse shaqadii aan waxba ku biirinayn waxa kale oo ay keentay dadkii bedeli lahaa ee da'yarta ahaa in ay hor fadhiyaan waayo Hay'adda Shaqaalaha Dowladda way la noqon dadka guryaha jiifa ee gaboobay iyo kuwaa luudaya hadaan xaq iyo xuquuq la siinayn in jalka la siinayo ee saddex boqol ee kun in aanu ka jarno u daaya ayay noqotay taasina waxay keentay dadkii ay dhaleen ama awawga u ahaayeen in aanay shaqadii soo geli karin waana mushkilad dalka u taala.
Mr. waxa uu sheegay in aan is-bedelka la doonayaa in la sammeeyo aanu ahayn mid afka uun ku koobnaada balse loo baahan yahay in laga midho dhaliyo isla markaana iyagu Hay'ad ahaan u sammeeyeen is-bedel kaasi oo ku soo beegmay is-bedel dowladeed oo cusub taasi oo siyaasadeed ahayd is-bedel oo lagu soo doortay isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxu yidhi "anaga is-bedelka iyo reformka waxaanu bilownay mar hore hay'ad ahaan laakiin waxaan nasiib wanaag ku tilmaami lahaa is-bedelkaasi Machadka iyo Hay'adu wadaan inuu ku soo beegmay xukuumad cusub oo ajandaheeda kow ka tahay laguna soo doortay is-bedel wax la yidhaa waa dugsigii iyo dayixii oo isku beegmy markaan run idiin sheego, waxaan tabayaa in re-formka ujeedooyinka aanu ka lahayn malaha doorashadaa na rabashtee in aan nalala qaadan danta aanu ka lahayn halkaa waanu saluugsanhay anigoo tagaya waxaan ku faraxansahay haddii dowladani ka faa'idaysanayso in halkan ay ka ambaqaadi kartaa, waxa la doonayaa marka la sammaynayo is-bedel dhab ah oo aan af ahayne run ah marka hore waxa la sammaynayaa istaraatijiyad national re-form strategy, waxa kale oo ka mid ah commitment kaasi oo ah in ay run kaa tahay in aad is-bedel doon tahay haddii xataa shuruudaha kale aanad hayn wax badan baa kuu suurta-galay haddii ay niyad kaa tahay waxa kale oo ka mid ah oo ah taan u jeedo in qofka aqoonta leh laga horumariyo ka kale.
Cadami waxa kale oo ka dhawaajiyay "Waxa igu maqaale ah in wasiirka Maaliyaddu Mudane Maxamed Xaashi uu wax kala bad-bedelay waxaan note-gareeyay dadkaasi uu isku bed-bedalay in intooda badan Mac-hadka shanta sano furna ee koorasyo gaagaaban oo dhaqaalaha u badan boqolkiiba sagaashan intooda badani kuma jiraan dadka xilalkaasi loo dhiibay waa kuwii qayili jiray waa khasaare tababarka Mac-hadku haddii mid aan tababarka maalina arag in uu kii kale ee soo qaatay ag fadhiisto anigu waxaan qabaa waa khasaare.
Guddomiyaha cusub Muxumed Aw Cabdi ayaa isaguna madahshaa ka hadlay waxaanu yidhi "haddii aanu nahay Mas'uuliyiinta cusub ee loo magacaabay Hay'adda Shaqaalaha Dowladda waxaanu balan qaadaynaa in aanu xushno shuruucda dalka u dagsan sid Distoorka Qaranka Somaliland, sharciga shaqaalaha dowladda, Barnaamijkii Xisbiga Kulmiye ku galay doorashada Madaxtooyada iyo balan qaadkiisii.
Guddoomiyaha cusub wuxuu ku dheeraaday shuruucda u dejisan qofka shaqaalaha dowlada loo qaadanayo iyo waxyaabaha laga rabo inuu haysto ama la yimaad sida Shahaadooyinka iyo wixii u dhigma, sidoo kalana wuxuu soo qaatay Guddoomiyaha cusub inuu hir-gelin doono balan-qaadyadii Xisbig Kulmiye uu ku galay doorashadii Madaxtooyada ee ku qornaa Dastuurkiisa.
xafladaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa kama dambaystii guddoomiyaha cusub iyo hawl-wadeenda kale ee la soo magaacabayba la soo mariyay xafiisyada ay ka kooban tahay Hay'adda Shaqaaluhu.
Dhinaca kale waxa ka muuqday Xaflada Xil wareejinta Wiil uu dhalay Xildhibaan Dhugad oo ka mid ah Gudida uu u Magacaabay Madaxwayne Siilanyo Hay'ada Shaqaalaha Wiilkan uu Dhalay Xildhibaan Dhugad, balse halkan loo geeyay abaal gud loogu abaal gudayo Xildhibaan Dhugad iyo Halgankii uu la soo galay Xisbiga Kulmiye, iyadoo la sheegay wiilkani inaanu lahayn aqoon uu ku qabto hawshaasi culus ee loo Magacaabay, iyadoo ay hawshani tahay meesha laga kala shaandheeyo Madaxda sare ee Hay'adaha Xukuumada.
Dhinaca kale Masuuliyiinta Xilka lagu wareejiyay waxa ka mid ah Xubin ka mid ahayd Gudidii hore oo ay isku beel yihiin silaanyo kaasoo sababta loo reebay tahay dano Beeleed iyo tuhun lala xidhiidhinayay inuu Taageersanaa Xisbiga Kulmiye
Waaheen
Name : Visitor Subject : Re :golayaasha dawladda oo ka wada arrinsaday doorshooyinka wakiilda iyo guurtida js Date : 2010-09-01 TANI WAA HUU HAADII CIIL KAMA KORAHII DR. AHMED CIISE EE WAX ISMOODAY EE UU XISBIGA KULMIYE TUSAY WAXA UU YAHAY DABADANA KA SOO LAADAY. | Name : WAA FIKIR ARGAGAX AH. Subject : Re :golayaasha dawladda oo ka wada arrinsaday doorshooyinka wakiilda iyo guurtida js Date : 2010-09-01 MR. VISITOR.
QOFKAY MAALIN WADA HADLAAN SIILAAYO MIYUU KUFRIYEY.
CABDILAAHI CAABI FAARAX AYAA BERI IS YIDHI INA CIGAAL KULA TARTAN XISBIGA KURAASTII BERBERA, DADKII INA CIGAAL AAD U AAMINSAA AYAA U QAADAN WAAYEY KURSIGA CIGAAL IN CID KALE ISKU SOO SHARAXDO MARKU KA YAABAY SIDAY UGU HANUNSAN YIHIIN CIGAAL AYUU YIDHI CABDILAAHI, WAAR YADHAHEEN NINKA DOONTA KURSIGA CIGAAL MA NIN MASAAJID BAYACAYBAA IMIKA MR VISITOR WAA NIN AY QABATO XIKMADAA UU YIDHI CABDILAAHI CAABI FAARAX 40 SANO HORTEED MARKA AAD ARAGTID SIDUU ULA HADLAYO CIDII SOO HADAL QAADA SIILANYO. | Name : Visitor Subject : Re :golayaasha dawladda oo ka wada arrinsaday doorshooyinka wakiilda iyo guurtida js Date : 2010-09-02 XAALKU, MA'AHA CIDII SOO HADAL QAADA SILANYO BAAN DIFAACAYA EE WAXA LOO BAAHAN YAHAY INAAD MEESHA LA TIMAADAAN SIYAASAD CAD IYO BAROBAGAANDE LA QAADAN KARO OO KA REEBAN NIN BEEN ABUUR, NECBEYSI IYO AFLAGAADO. | Name : Visitor Subject : Re :golayaasha dawladda oo ka wada arrinsaday doorshooyinka wakiilda iyo guurtida js Date : 2010-09-02 (SIXID)
XAALKU, MA'AHA CIDII SOO HADAL QAADABA SILANYO BAAN KA DIFAACAYA EE WAXA LOO BAAHAN YAHAY INAAD MEESHA LA TIMAADAAN SIYAASAD CAD, FAALO MACQUUL AH, BAROBAGAANDE LA QAADAN KARO OO KA REEBAN NIN NECBEYSI, SHAQSI WEERAR, BEEN ABUUR, DACAAYAD RAQIIS AH, IYO AFLAGAADO. |
|
[ Reply ] |
|
Name : Guleed Subject : Re : golayaasha dawladda oo ka wada arrinsaday doorshooyinka wakiilda iyo guurtida js Date : 2010-09-01
|
Here we go again, where is the change?. The elections must happen and take place as planned.
what is the problem because we have had the presidential election recently or not long time ago, so what! We have seen it all before and we do not need to repeat the same mistakes as in the past.
Election delays must remain in the stories of the past, not to day's nor tomorrow's election. Let it happen and let democracy flourish, come on guys you know we are different and we can do it. We are not crazy like the South Somali's nor the African's with the butcher knifes. We are a civil society. We must avoid by all means.
I hope this will not become
Name : Lamaseege Subject : Re :golayaasha dawladda oo ka wada arrinsaday doorshooyinka wakiilda iyo guurtida js Date : 2010-09-02 Waa halkii Xaji Masuul Imaam Cabdikarim(cabiwarabe) Bal tana nala eega
http://hargeisastar.com |
|
[ Reply ] |
|
Name : Somalilander. Subject : Re : golayaasha dawladda oo ka wada arrinsaday doorshooyinka wakiilda iyo guurtida js Date : 2010-09-02
|
Bravo Cali Xoor-Xoor, waa masuulkii keli ahaa ee dowladii Rayaale ka tirsanaa ee xilka wareejiyey looguna yimid khasnaduu wareejiyey lacag dhan 275 kun oo doolar halka ragii la mid ahaa iska daa lacag loogu yimadee ay dayn malayiin ah ku rebeen dowlada cusub. Cali xoor- xoor waxuu doono ha lagu sheego intii horee maantase sharaf ayuu mutaystay khaatimadisii.
Somalilander.
|
[ Reply ] |
|
|