Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Ogaysiis: Shirka Telefoonka Qurba-Joogga JSL.       Shahaadooyin La Guddoonsiiyay 101 Arday Oo Ka Qalin Jebiyey Kulliyadda SHIFA/JSL       Ciidamada Liyuu Booliska Kilinka 5aad Oo Lagu Bedelay Kuwa Fedraalk Ethiopia.       Xukuumadda JSL Oo Aqbashay Martiqaadka Shirka London 23ka Feruary 2012.       Somaliland To Pass Central Bank Law Within 3 Weeks: cbank       Wasiirka Arr. Dibadda JSL Oo Ka Hadlay Shirka London Iyo Kooxdii Khaatumi-Seeg.       Ina Galeyd: Cagtii Joogsan Weydaa Marbay Ceeb La Kulantaa....       Taliyaha Guud Ciidanka Qaranka JSL Oo Hambalyeeyay Ciidanka Qaranka JSL.       UK Working With Somaliland On Curbing Piracy..      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
Hctv
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M
Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
Murtimaal
N
Nugaal
O
Ogadennews
OGADEN ONLINE
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
RadioSomaliland
radiohargeysa24
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
wariyaha
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
V

visitsomaliland
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.
Proudly Somalilander
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga udub/jsl.

war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga udub/jsl.

News


 War saxaafadeed uu soo saaray Xisbiga UDUB JSL oo lagu sheegay in Madaxweynihii Hore Mr. Riyaalle uu Kula Kulmay Melez Zenawi Maanta Magaalada Addis Ababa.






UDUB    

Xisbiga Dimoqraadiga Ummada Bahooday

Xafiiska Siyaasada.

War saxaafadeed

Ref:      UDUB/XS/F-4/10                                                               Date 30/08/10


"Waxan rajaynayaa inay Ethiopia si fiican ula shaqayso dawladda Cusub ee Somaliland" Madaxweynihii Hore Md. Daahir Rayale kahin.

Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga UDUB mudane Dahir Rayale Kahin ayaa manta magaalda Addis Ababa ee dalka Ethiopia kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Dawladda Ethiopia Mudane Meles Zenawi iyo madaxweynaha Ethiopia mudane Girma Woldegiorgis. Madaxweynihii hore oo si weyn loogu soo dhoweeyey xafiiska Ra’iisal wasaaraha Dalka Ethiopia ayaa waxa Meles si weyn ugu mahad celieyey sidii wanaagsanayd ay u wada shaqyeeen waqtigii uu madaxweynaha ka ahaa Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida ay u wada abuureen xidhiidh sokeeye oo dhex mara labada dal. Waxa labada dal u suurta gashay inay sameeyaan xidhiidh nabad gelyo, mid ganacsi iyo mid siyaasadeedba kaas oo gaadhay inay Ethiopia Qunsuliyad ka furato dalka Somaliland, isticmaashona Dekeda Berbera iyadoo gacan weyn ka geysatay sidii loo samayn lahaa Berbera Corridor oo ah wado isku xidha Ethiopia iyo Somaliland oo dhowaan la hir gelin doono.

  Waxay kale oo ay mahad uga celiyeen madaxweynhii Hore hir gelinta Demoqraadiyada Somaliland iyo sidii qiimaha lahayd ee uu xilka ugu wareejiyey dawladda cusub, taas oo ahayd mid dalka ka badbaadisay xasilooni daro baahda.  Waxay ku tilmaameen doorashadii Somaliland mid ku dayasho mudan, oo Afrika ay Somaliland ku soo kordhisay.

Madaxweynihii hore waxu uga mahad celieyey xidhiidhkii iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal oo ah saaxiibtinimo dhow oo sokeeye ah, waxuna u rajeeyey inay xidhiidhkaa halkiisa kala sii wadaan dawladda cusub, Ethiopiana noqoto wado Somaliland u marto xidhiidhka caalamka. Ra’iisal Wasaare Meles Zenawi waxu u ballan qaaday inay xidhiidhka halkiisii ka sii wadayaan, wada shaqayna la yeelanayaan Dawladda Cusub ee uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalialnd Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) Waxa kulnkaa kula wehelieyey saraakiil sare oo ka tirsan Xisbiga,

  1. Abdillahi Mohamed Ducaale (Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibada)
  2. Axmed Mohamed Ciise ( Xoghayihii hore ee madaxweynaha)
Cumar Jaamac Faarax
Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasada Ee Xisbiga UDUB

Posted on Monday, August 30 @ 23:58:43 DAVT by admin



war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga udub/jsl. - war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga udub/jsl.
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : Sokeeye
Subject : Re : war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga udub/jsl.
Date : 2010-08-31
Eesh calaa Madaxweyne hore Somaliland. Soo noqo adoo nabad ah.

Sokeeye

Name : Visitor
Subject : Re :war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga udub/jsl.
Date : 2010-08-31
UDUB, Waaheen & Qarannews: Somaliland Waa Argagixiso Iyo Siyaasad Mooryaanta Cusub Ee Kusoo Korodhay........

Article (Buraoonline.com) 30.08.10 UDUB, Waaheen & Qarannews: Somaliland Waa Argagixiso Siyaasad Mooryaanta Cusub Ee Kusoo Korodhay Hab-dhaqanka Siyasada Somaliland

Waxa dhacday tan iyo intii ay dhamaatay doorashoyinki Madaxtooyada Somaliland ee lagu kala guulaystay ayaa masraxa siyaasada Somaliland waxa kusoo kordhayay oo lagu arkayaa hab-dhaqan cusub oo aan hore loogu aqoon saaxada siyaasadda Somaliland. Hab dhaqankaasi waa mid aan hore looga aqoon Somaliland, hase yeeshe, aad loogaga dhaqmo wadamada aynu jaarka nahay, sida Somalia. Waa hab-dhaqan magaciisa la yidhaahdo ‘Siyaasad Mooryaan’.

Isla markii Madaxweynaha cusub ee Somaliland ku dhowaaqay golahisi wasiirada, waxa xubno ka tirsanaa xukuumadii hore ee Madaxweyne Rayale, iyo saxaafadii taageeri jirtay xukuumaddi UDUB ee dhacday, sida waaheen, qarannews iyo Yool, waxay bilaabeen olole horleh oo lagula dagaalamayo xukuumadda cusub ee xisbigii talada dalka kaga guulaystay.

Tusaale ahaan arrinka ay aad u wad wadaan qolyahan UDUB waxa ugu weyn in ay xukuumadda cusub ku canbaareeyaan Xagjirnimo Diini (Islamic terrorist) iyo inay xukuumadda Ethiopia shaki ka muujisay xukuumadda cusub ee Md Silanyo. Waxa ka mid ah cinwaanada wararka ay saxaafadda UDUB soo qorto in xukuumadda Ethiopia ka dalbatay xukuumadda Md Silanyo inuu xukuumadiisa ka saaro sideed wasiir oo xagjirnimo loga shakiyey. SIdoo kale waxa ka mid aha wararkay qorayeen:

‘Madaxweyne Siilaanyo iyo Safiirka Itoobiya oo maryo Dhiigleh kala furtay (http://waaheen.com/?p=1410 – August 26, 2010)
Safiirka Ingiriiska oo la Kulmay Xubno TILMAAMAN oo ka Tirsan Xukuumada Axmed Siilaanyo http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=8770&Itemid=62
Iyo Ethiopia oo Safiirkedi u fadhiyay Hargeysa dib ugu celisay Ethiopia

Waxa ugu danbaysay aakhirkii war ay qoreen Ramaasnews taarikhdu markay ahayd 28.08.2010 oo cinwaankiisu ahaa: Warbixino Xaasaasi Ah Oo Ay Daabacday Barta Internetka Ee Oil Price Oo Ka Waramaysa Xidhiidhka Kooxaha Xadjirka Ah Iyo Xukuumada Cusub Ee Somaliland.

Waxa xusid mudan in dhamaaan wararkaasi been abuur yihiin. Sidoo kale waxa xusid mudan in safiirki Ethiopia ee Somaliland weli ku sugan yahay Hargeysa. Xukuumadda Ethiopia iyo safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland ayaa labaduba beeneyay in ay shaki ka mujiyen xukuumadan Madaxweyne Silanyo. Sidoo kale waxa xukuumada Md Siilanyo iyo xafiiska arrimaha dibedda ee Ethiopia qireen in xidhiidhka Somaliand iyo Ethiopia sidiisi u fiican yahay.

Dhinaca warbixinta ramaasnews qoreen ee warka shabakada internetka ee Oil Price daabacday oo xukuumada Somaliland ku sheegtay in xidhiidh ay la leeyihin Al Shabab. Waxa xusid mudan in marka aad warkaa raacdo link ku qoran, waxa kuso baxaya in warku ahaa war la daabacay kowdii bishii July ee 2010, ka hor intan lagu dhawaqin natiijadi doorashada.

Hadaba waa run oo ramaasnews maaha shebekadaha xukuumadi UDUB adeegsato, sidaa darted waxa is weydin mudan warkan labada bilood ka hor la daabacay ee been abuurka ah maxay usoo qoreen. Sida muuqata ramaas waxa warkan usoo diray masuliyinta UDUB iyo xukumadi hore oo raba war iyo arrin aan jirin oo laba bilood ka hor la qoray in marba dib loso noleyo. Iyaguna labadas shebekadod marki looso diray warbixinta, iskamay eegin taariikhda ee way soo daabacen, iyada oo warkaasi ahaa mid la daabacay laba bilood ka hor o been abuur ahaa.

Olole lagu waxyeelaynayo qaranimada Somaliland Halkaas waxa ka cad olole UDUB iyo xukuumadii hore ay wado oo war been ahaa oo beri hore la qoray ay marba dib ugu soo dirayso shebekadaha, yaguna yagoon iska hubini soo dabacayn. Ololahaas ay UDUB iyo saxaafada ay adeegsato ee waaheen iyo qaran wadaan ma aha mid lagu wax yeelaynayo xukuumadda Somaliland ee waa mid wax yeelo weyn ku ah qaranka Somaliland.

Hadaba maxaa ku kalifaya masuuliyinta xukuumadi UDUB ee dhacday iyo saxaafada ay adeegsato ee waaheen iyo qaran in ay dhaawaca iyo waxyeelada intaas le’eg ula badhedhan Somaliland. Waa maxay sababta ay Somaliland uga bilaabayan hab dhaqankii ay ku dhaqmi jireen Mooryaanka Xamar ee ay isku eryan jireen kaasaa argagixiso ah iyo kaasa ah.

Jawaabtu wa laba mid. Mida hore, waxa jirtay oo sideedi sanadood ee ugu danbaysayba in xisbiga Kulmiye markuu mucaaridka ahaa aad u canbaarayn jiray xukuumadii UDUB ee Rayale. Sidaas darteed, waxa laga yaabaa in UDUB iyo saxaafadedu is leeyihin mucaaridad xoogan kala hor imaada xukuumadan Kulmiye, sidii ay yaguba idiin mucaaradi jireen. Hase yeeshe, waxa ay khaldayaan oo ku kala duwan yihin labada mucaradod. Markii Kulmiye uu mucaaradka ahaa waxa uu dhaleecayn jiray xukuumadi Rayale iyo UDUB. H ase yeeshee marnaba warxumo qaranka Somaliland waxyeelaysa oo ah waa Al Shabaab iyo Argagixiso weeye Somaliland may odhan jirin.

Sababta labaad ee ku kalifaysa masuuliyintan iyo saxaafada u adeegta inay dhaawacas ula badheedhan qaranka Somaliland ayaa noqon karta in ay ujeedo kale ka leeyihin. Dadka qaar ayaa aaminsan in UDUB iyo xukuumadi hore, gaar ahaan, sadex nin oo hore wasiiro uga ahaa xukuumadi dhacday ee Md Rayale, kuwaas oo qadiyad gaar ah wata, iyaga oo adeegsanaya saxaafada taagerta ee Yool, waaheen iyo qaran, ay rabaan in addunka ay kusoo jeediyan Somaliland oo yidhaahdaan Alshabab iyo argagixiso aya ka talisa, si qas iyo wareer u dhaco, isla markaana Somalilanad looga mid dhigo Somalia.

Waxay doonto ha noqoto ujeedadodu, laakin waxa hubaal ah in aanay dadkaasi waxyeelo u geysanayn xukuumada Somaliland laakin ay dhaawac u geysanayan qaranimada Somaliland iyo ictiraafki ay rabtay. Waxa wax lala yaabo ah wararkan been abuurka ah ee qaarna aduunka ay ku leeyihin Somaliland waa argagixiso, qaarna ay xaalad abuur wadanka gudahiisa ka wadaan, in ay yagu ka badbaadi doonan hadii ay u hirgasho qorshaha ay wataan.

Waxaan usoo jeedinaya dhamaan shacabka Somaliland in ay meel uga soo wada jeestaan shebekadahaa waaheen iyo qarannews ee u adeegaya cadawga Somaliland. Isla markaa waxan usoo jeedinaya masuuliyinta jaraa’idka iyo shebekadaha Somaliland in ay ololahaa qorshaysan ee lagu waxyeelaynayo qaranimada Somaliland aanay ka aamusin ee farta ku fiiqan dadka wada.

Ali M. Abdirashid
Name : Lamaseege
Subject : Re :war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga udub/jsl.
Date : 2010-08-31
HABAR DHALI-WEYDEY ALEELO KU WAALATAY


Saxaafadda madaxa banaani waa xor cid xakamayn kartaana ma jirto.Balse Siilaanyo iyo go' casaha ku xeeran ee ablayda sitaa waxa ay si deegaaneysan oo xaafadaysan ay dagaal ugula jiraan qaar ka mida saxaafadaha madaxa banaan dhawaan waa kii af-hayeenka madaxtooyadu isku soo qaaday Hargeisa Star oo ah saxaafadaha madaxa banaan.

Dhawaaqan iyo qayladan ay ka keeneen saxaafada dawlada iyo taageerayaasheed midiyaha sitaa waa hal bacaad lagu lisay waana nusqaan iyo itaal daro ay muujiyeen durba.

Siddeedaba saxaafadu waxa ay isha ku haysaa dhacdooyinka runta ah waana shaqadooda in ay umada u sheegaan meelka dhacyada iyo wixii khatar ku ah qaranka JSL.Dawlada mijaha duura leh ee aan tayada iyo muuqaalka dawladeed midnaba aan inala hor imanin maaha in ay fadhiidnimadeeda ay Hargesa star ,Waaheennews iyo Qarannews ku eedeyso in ay sabab u yiin.

Waxaan u sheegayaa saxaafadu hore iyo hadaba way tilmaamaysay wixii caqli xumo ah ee hogaanku la yimaado.

Note: Dhaliilaha iyo ceebaha is dabba susumaya maamulka Siilaanyo ee beerka ku siqaya ayaa sabab u ah. Wixii saxaafadu ka qortaana waa dhab ee waxaan u sheegayaa dadkan sidii MEXICAN-KA dhanka u wada dhaqaaqaya waxaan xasuusinayaa in qaranimada loo bislaadaa waa daruuri oo wixii khatar ku ah qaranimada dhan looga soo wada jeestaa ay fiicantay bal intaas fahma oo toorayda iska dhiga.

Reality Desk
Lamaseege
Name : Khattari Saani
Subject : Re :war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga udub/jsl.
Date : 2010-08-31
saraarnews.com oo soo bandhigtay ifaifaalka bilowga ah ee muujinaya kibirka beesha Siilaanyo


HomeWararkaArticlesSuugaantaQuraanRadioAragtidacontact usLog In
Faallo: Cuqdada iyo Talaxumada Siilaanyo Godobaha iyo colaada uu habarjeclo u abuurayaa Reeraha ay galaafan doonto qaybta 4′aad.
Posted by admin on August 30th, 2010 No Comment YetPosted in: Articles, wararka



Qaybtii Afraad

Abaaldarrada Siilaanyo iyo Raaskiisa

Waxaynu qoraalkii hore ku cadaynay inaan Abaalka Siilaanyo iyo raaskiisa loo galaa noqonin mid lagu xamdi noqo taas bedelkeediina waxa laga qaadaa Aflagaado iyo Adiyad loo geystay cidii waxtartay maalintii ay jilicsanayeen. Arintaas waxaa ka hadlaya nin sheegay inuu u hadlayo raaska madaxweynaha oo la hadlayey Madal ay joogeen ilaa 250 qof wuxuuna halkaa ka cadeeyey inay iibsadeen codadkii doorashada , toliimo, Wadaniyad iyo Aduun cid ku taageertayna aanay jirin Madaxweyne Siilaanyo, Codadkii uu ku soo baxayna ahaayeen lacagtii ay iska ururiyeen Jilibkoodu. Bal halkan ka dhegayso ninkaas oo tolkii u baanaya oo ay noo soo direen dad goobjoog ahaa oo arintan ka duubay .






Tolow ninkani miyuu ilaaway reerahan uu magacaabayaa in rag ka tirsani u dhinteen sidii Siilaanyo Kursiga u fuuli lahaa , Arin iyo Aduuna aan lagala hadhin oo shiikh iyo shariif, Suldaan iyo Abwaan noqon karin wax la iibsaday mise anaa khaldane waa abaaldaradii aynu ka hadlaynay.
Miyaanu tolow ninka sidan u hadlayaa isweydiinin markii Salaan carabay oo talo ku baahday iyo Markii Ninka ABAAL-LAAWE la baxay ee Salaan Adeerka u ahaa ayaa beri nin Dhulbahante ah si kama’ ah (aan ula kac ahayn) u diley. Nimankii Daarood waxay qabteen ninkaas iyo xoolihiisii. Salaan ninkaas waa u guntadey sidii uu u furan lahaa.

Nin Cadaawe Muquunshoo
Magli loo rabinaayoo
Maxbuusoo ku xidhnaayoo
Maqan baannu ogeyne
Ayaa reer Maxamedaay

Meelidaanu lisayneyna
In rag weerar ku miisayoo
Ka milaalay xeryaayoo
Maalayaanu ogeyne
Ayaa reer Maxamedaay

Maandhaafkii kal horeeto
Hadii aan ka- malyuun
Ama guuto milaalanoo
Maraakiibta sideeda
Madaafiic qallaqaysiyo
Mahiigaan la i siinnin
Madhabtaan ka dhashay
Makruub bay ku jirtaaye
Ayaa reer Maxamedaay

Maandhaafkii laba Faarax
Mawjaddii gudihiinna
Anba jeer an maleegtay
Waataan Ciidan malaykiyo
Macbuudkii Rabbigay iyo
Mursaliinta baryaayeyoo
Carrabkayga macaanbaa
Laga yeelay Maqbuula
Oo maraabo dhexdiinnaan
Kala maadinayeyoo
Macaluul iyo gaajaan
labadiiba mutayood
Marag iigu tihiine
Ninbase xeerku ku ——-
Abaalkii la marshaaye
Ayaa reer Maxamedaay

Sammanaa Midigtaydiyo
Haddaan Muuse u yeedho
Isba waa mudankiiyoo
Mandheertaa igu taalla
een la muraara-dilaacay
Wayga maydhi lahaaye
Ayaa reer Maxamedaay

Sida maydhida geeloo
Kii midiidin tiraayey
Maqaarkii ka halleeyey
Oo muxubbooday hadhkiiyoo
Milicdii hadhsan weydey
Kolla lay maqlihayne.

Maxaanse ulla yaabayaa isaga waa arin la isku raacsan yahaye Bal halkan hoose ka akhriso Qoraal Aflagaado ah oo uu soo diray mudo sii horaysay Cabdillaahi Sellen oo ay walaalo yihiin Taliyihii Saadka Ciidamada ee Somalia General Xasan Sellin itaalkana sheegta inuu diinta wax ka yaqaano, Madaxweyne Siilaanyona ay isku qoys yihiin.
Ninkan oo ah ninka haya Furaha E-mail group-ka Kulmiye iyo weliba Lacag haye gaar ah ma aha markii koobaad ama Afraad ee uu sidan oo kale u soo diro qoraal aflagaado oo weliba Marwooyin lagu Aflagaadaynayo xurmo iyo sharaf huwan, waxaanse is nidhi Malaa aqoon baa meesha la martay , Raas dhanise ka weyn waq aqoon xumo meel la marto.
Qoraalkan oo ka mid ah ilaa 60 E-mail oo Aflagaado ah oo Jilibka Madaxweynuhu ii soo direen aan ka soo qaato qaybo ka mid ah ninkaasi wixii uu soo qoray qaybo ka mid ah.
——————————————————————————————————————————-

From: F M
Subject: arrintu aniag sidey iila muuqato
To:
Date: Sunday, August 8, 2010, 8:55 PM
A/Caleykum.w.w.Bacad Salaan.
Inaadeer Horta maantuunbaan ku bartey
Runtaan kuu sheegayaaye ilaa xad ayaan kaala hanweynaa
Nin qabyaaladeyste ah Waxaanan kugu tirin jirey Nin qaran
laakiin maanta waxaad is dhigtey meel aanaan kaa sugeyn haabkeedana heyn oo igu wallaahi ah,
Markaas anigu Colaad ugu qaadi maayo Nin hoos jooga Faysal cali waraabe wuxu ka sheego .
"waxaan hadalkeyga kusoo Koobayaa Nin H jeclo ah yaan maalin weydiiyey Maxaa dhibey Hebel ee uu uga baxay Kulmiye oo uu abaalweyn ku lahaa
wuxu iigu Jawaabey wuxu kala garan waayey Niman ay xidid yihiin oo Reer Xaaji ah oo inan ay walaalo yihiin furey iyo siyaasadda uu aaminsan yahay oo Taas ayaa la fogaatey nimankaas Reer Xaaji ee ay xididka ahaayeen ee is qabteen Waxay gaadhsiisey inuu qaado Colaad Aadan madoobe ah oo la siman Heyb ahaan Nuux Maxamed markaas Caqligaagu"
————————————————————————————————————————–
Qoraalkan oo keliya maaha inta aanu hayno ee ay ku qoranyihiin waxyaabo dhaqanka iyo Xeerarka reeraha iyo Maamuuska Haweenka midna aan ku wanaagsanayn ee E-mail ahaan naloogu soo diray, waana tusaale muujinaya inay xaaladu tahay Fiqi tolkii kama jano tago.
Waxaan ugu jawaabay qoraal Kooban oo ahaa sidan:

————————————————————————————————————————-
Re: arrintu aniag siday iila muuqato
Sunday, August 8, 2010 10:42 PM



To:
"F M"



Waxan oo cay iyo aflagaado ah aad ii soo dirtay Aadan madoobe iyo Siilaanyo sow kugulama socdaan!. ma tihid ninkii 1,2, 3 ama 10.aad ee aadan Madoobe ah ee Aflagaado sidaa imikoo kale ah oo gabadh xurmo ka mudan u soo qora, Waxaanse isku qanciyey waa dhaqanka reerka. Waxaanse kuu balan qaadayaa inaan waxaa warbaahinta iyo umada u soo bandhigi doono , wixii xeer isaaq ay yeelatana aynu ku xisaabtami doono.

Hadaad jeclayd inaan kula caytamo ama aflagaadoodo,, horena kuugumaan soo qorin imikana igama heli doontid.

Mahadsanid
Name : yusra
Subject : Re :war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga udub/jsl.
Date : 2010-08-31
Ceebay tacaal ma tanaa u dambaysay dalkii, waa maxay dirxigan xiimaya ee dawladdii galay iyo khadiija Macallinta madaxtooyada ableyda la hor fadhidaa?
Name : Visitor
Subject : Re :war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga udub/jsl.
Date : 2010-09-01
THESE ARE TRIVIAL MATTERS OR AN OUTRIGHT NONSENSICAL HOG WASH. AND BY POSTING THEM HERE OR ELSEWHERE, YOU CAN NOT GAIN ANY POLITICAL MILAGE OUT OF THEM.

[ Reply ]



Name : Khattari Saana
Subject : Re : war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga udub/jsl.
Date : 2010-08-31
Sucuudiga oo lagu wado in uu jooiyo xoolaha uga dhoofa Berbera

Aug 31, 2010 at 01:20 PM

Hargysa,Dalka Somaliland News

Dawlada Sucuudiga ayaa la sheegayaa in ay isha ku hayso sidii ay u joojin lahayd xoolaha uga dhoofa magaalada dekada Berbera ee Somaliland, warar iska soo daba dhacaaya ilaa todobaadkani ayaa xaqiijinaaya in uu jiro khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay shirkadii xoolaha Somaliland soo furtay oo ogolaanshiiyo ka haystay xukmadii Rayaale, isla sidaasina lagu furay xoolihii xidhnaa in mudo ah.

Hadaba khilaafkan iyo mad madawgan lagu xidhaayo ama lagu joojinaayo xoolaha ka dhoofa magalada Berbera ayaa ay wararku sheegayaan in ay ka danbayso xukumadan cusubi kadib markii ay maxjaro kale ka garab furtay kii weynaa ee sharciyaysnaa isla markaasna ay dhibaatooyin kale oo lug qabasho ah kula kacday ganacsatada xoolaha u dhoofisa dalka Sucuudiga, sida ay sheegayaan wararka ka soo baxaaya magaalada Berbera iyo dalka Sucuudigaba.

Warkani ayaa hadii uu dhab noqdo waxa uu meesha ka saarayaa xoolaha u dhoofa dalka Sucuudiga oo in mudo ah socdasy isla markaasna dhaqaalaha dadka reer miyiga ah iyo reer magaalka ah ee reer Somaliland kor u soo qaaday.

Sida ay doontaba ha ahaatee arimahan adhiga ilaa hada kama ay hadal ganacsatada iyo xukumadu toona iyo halka ay wax marayaan, hase ahaatee xoolaha Somaliland oo caafimaad qaba oo ah xoolaha ugu hilibka macaan caalmka waxa ay u oogsnayaan maamul xumo ka imanysa xukumada Siilaanyo, iyada oo ay xiligan jiraan ganacsato kale oo aan ahayn ilma Indho Deero oo iyana la sheegaayo in ay Maxjar sadexaad hirgaliyaan taasi oo hadii uu Siilaanyo diidana noqon doonta mid cawaaqib xun ku keenta maamulkiisa.

Xukumada Siilaanyo ayaa tan iyo intii ay dalka maamulkiisa la wareegtay waxa laalmay oo cirka isku sii shareeray xidhiidhkii wanaagsanaa ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Itoobiya, taasi oo ay xukumada Siilanyo mudo yar gudaheed ku dhaqaaqday in ay xididada u saarto dhamaan xidhiidhka ay Somaliland la lahayd dalalka dariska oo maalin walba ka sii daraaya

Name : Dawladda Garab raratada reer miyiga ah ee Siilaanyo
Subject : Re :war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga udub/jsl.
Date : 2010-08-31
Maxamad xaashi oo albaabada u laabaday Baankii Qaranka accontna ka furtay Xawaaladda Dhiig Shiil


Wasirka Maliyada oo Acount uu Kafurtay Dahabshiil Ku Amrey Ganacsatada


Wasiirka Maaliyadda oo Account uu Ka furtay Dahab-shiil Ganacsatadda Ku Amray in Qayb ka mid ah Cashuurta Xoolaha Laga Qaado ay Ku shubaan.

Hargeysa (TVSLE) - Wasiirka wasaaradda Maaliyadda uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacaabay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ganacsatadda amar ku siiyay in cashuurta xoolaha nool ee dalka laga dhoofinayo laga qaado oo lacag adag ah, ay laba account- oo dahab-shiil ka furan ku shubaan, sidoo kale waxa uu wasiirku cashuur kordhin ku sameeyay qiimihii cashuureed ee neefka adhiga ah laga qaadi jiray, oo 20% oo xukuumadii hore ka dhintay ganacsatadda uu dib ugu kordhiyay.

Sida warkan oo uu maalintii shalay daabacay wargeyska Hargeysa Star tilmaamay wasiirku sunduuq xisaabeedka furan ee uu shirkadda Dahab-shiil ka furtay ayaa ah mid ganacsatadu ku shubayaan qaybo ka mid ah lacagta dollarka ah ee xoolaha ay dhoofinayaan xukuumadu ka qaado.

Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi oo markii uu mucaaridka ahaa ku doodi jiray in lacagta cashuurta dollar ka ah ee ganacsatadda dawladu ka qaado, aanay ku dhicin khasnadda dawladda isla markaana ay tahay mid sharci daro ah oo culays ku haysa ganacsatadda, ayaa si wayn looga yaabay markii uu amray in account labaad oo kale ay badh ku shubaan.

Sida jariiradu qortay, cashuurta xoolaha dhoofa laga qaadi jiray oo kala ahayd Geela iyo Lo’da ama neefka Ishinka ah 23-dollar iyo neefka Adhiga ah oo 6-dollar laga qaadi jiray, waxay ku dhici jireen markii hore sanduuq xisaabeed ka furan Dahab-shiil oo ahaa Account no: 553, kaas oo gabi ahaanba cashuurta xooluhu si toos ah ugu dhici jirtay.

Hasa yeeshee waxa uu wasiirka maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi amar ku bixiyay in ganacsatadu 3-dollar oo cashuurta neefka Ishinka ah, sida geela iyo lo’da ku shubaan, account cusub oo uu isagu sameeyay kaas oo ah, account no:993 halka 20-ka soo hadhay ay ku shubayaan account-kii hore ee dawladu lahayd, sidoo kale cashuurta laga qaadi jiray, neefka adhiga ah oo 6-dollar ahayd ayaa lagu kordhiyay nus dollar, waxaana lagu kala shubayaa 6-da dollar oo account-ka dawladda lagu shubayo iyo nus dollarka oo account-ka cusub ay ganacsatadu ku shubayaan.


Amarkan wasiirka ayaa ganacsatadda ku noqday laf dhuun mari wayday, oo si wayn uga yaabiyay. Waxaanay xubno ka mid ah ganacsatadaasi u sheegeen wargeyska Hargeysa Star in go’aankaasi ku amrayo, cashuur kordhin dawladii Madaxweyne Rayaale hore uga dhintay oo 20% ahayd sidoo kale ay wax laga shakiyo tahay sanduuqa cusub ee dahab-shiil ka furan ee lagu shubayo qadar ka mid ah cashuurta, kaas oo ku cusub.

Si kastaba ha ahaatee waxa shacbiga iyo wax-garadka ka yaabiyay sababta uu Maxamed Xaashi u kordhinayo cashuur uu hore ugu sheegi jiray xaaraan, isla markaana uu account cusub uu badh ka mid ah in lagu shubo u amrayo. Sidoo kale marka la qiyaaso xadiga neef walba laga goynayo ee account-ka cusub lagu shubayo ayaa marka si wayn loogu daadego u eg lacag in la lunsado ama dano gaar ah lagu fuliyo looga dan leeyahay.

Ma jiraan wax ku qasbaya xukuumadda iyadoo leh bangiyo in lacag ay ku shubto account shirkad gaar loo leeyahay ka furan, sidoo kale hadiiba la gartay in lacagta cashuurta la dhigo account ka furan dahab-shiil maxaa badhba account loogu shubayaa ee meel kaliya loogu wada bixin waayay, sacabka haddaan xeeladi ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa.”

Geesta kale waxa jira talaabooyin badan oo masuuliyiinta xukuumadda cusub ay markii hore canbaarayn jireen, xiligii ay mucaaridka ahaayeen, hasa yeeshee markii ay kuraasta ku fadhiisteen halkoodi ka sii socda, halka qaarkoodna wax lagu daray. Qaar ka mid ah ganacsatadda oo arintan aanu wax ka waydiinay ayaa ku tilmaamay wax lala yaabo, halka qaar kalana ku gaabsadeen “Salaamullaahi Calal Xijaaj”



published on Monday, 30 August 2010
Name : Visitor
Subject : Re :war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga udub/jsl.
Date : 2010-09-01
WITH THIS KIND OF CHEAP BROUHAHA, YOU WILL NEVER REACH ANYWHERE POLITICALLY, ECONOMICALLY, SOCIALLY AND MILITARILY.

THEREFORE, YOU BETTER GO BACK TO SCHOOL AND LEARN HOW TO CREATE MEANINGFUL AND EFFECTIVE POLITICAL PROPAGANDA.

[ Reply ]


Pages : [ war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga udub/jsl. 1 ]