 Waxaa xilkii ay haysay wareejisay Wasiirkii Hore ee Qoyska iyo Horumarinta Bulshada Marwo Faadumo Suudi Xasan. Xafalddan oo ay Goog joog ahayd wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee la wareegayey xilka Marwo Ilhaan Maxamed Jama.
Waxaa kaloo madasha xilka wareejinta ay Marwo Faadumo Suudi ku martiqaaday Wasiirka cusub ee Tacliinta iyo Hiddaha Sare Marwo Samsam Cabdi Adan, iyo Wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradda caafimaadka Nimco Xuseen Qowdhan.
Waxaa wasiirka xilka wareejinayey Marwo Fadumo Suudi Xasan ay mahadnaq balaadhan u soo jeedisay dhamaan dadkii ka soo qaybgalay xilwareejinta, gaar ahaana Wasiiradda iyo wasiirku ku-xigeenka cusub. Waxay wasiirku halkaa ka carabaabtay sharafta weyn ee ay maanta leedahay madashani oo ay ku kulmeen saddex wasiir, iyo wasiir ku xigeen wada dumar ah. Iyadoo taa ka hadlaysa waxay tidhi “ Waa markii ugu horreeysay ee ay dhacdo in dumarku ku yeesho dawladda Somaliland saami intaa leg, waxaana guushaa mahaddeeda leh oo aan ku hambalyeynayaa dawladda cusub”. Iyadoo sii wadda waxay tidhi “haddaanu dumar nahay yeynaan is dhigan , waa in saamigeennu intan ka badnaada mustaqbalka”.

Waxay Wasiirkii hore ay si tafatiran usoo bandhigtay marxaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee ay wasaaradin soo martay. Waxaa xusid mudan bay tidhi wasiirku in maanta ay wasaaraddu leedahay dhisme xarumeed oo qalabaysan, shaqaale hawl kar ah, iyo iyadoo ka hawlgasha dhamaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland oo dhan. Iyadoo hadalkii sii wadda waxay marwo Fadumo Suudi tidh “ wasaaraddan Qoyska iyo Horumarinta Bulshada waxay ahay wasaaradda keliya ee la timi barnaamij shan sannadood ah oo lagu haggaayo wasaaradda, kaas oo noqonaya mid aannu ku wareejin doono wasiirkan cusub si ay halkaa uga sii wadaan fulinta barnaamijkan”. Waxay sidoo kale wasiir ka xilka wareejinayey usoo bandhigtay waxqabadkii wasaaradda, iyadoo ku soo koobtay buug u gaar ah oo ay guddoonsiisay wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo A. Bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jama. Waxaa buuggan ku dhan bay tidhi Marwo Faadumo Suudi Hassan wax walloo ay wasaaraddu ku dhex jirto qabashadeeda, miisaaniyadda wasaaradda wixii baxay iyo wixii hadhay, shaqaalaha wasaaradda iyo wax kala qabadkooda, iyo hantida maguurtada ee ay wasaaraddu gaarka u leeday.

Ugu dambeeysatii waxaa Marwo Faadumo Suudi ay u ballanqaaday wasiirka cusub, iyo dhamaan wasiirada kale ee goobtan ku sugnaa iyo lagarab taagantay wixii caawimmo ah ee ay uga baahdaan maadaama ay xilkan soo haysay muddo toddoba sanadood ah, una leeday khibrad weyn taas oo ay ka faaiidaysan karaan cidii u baahata gaar ahaan wasiiradda cusub.
Waxaa halkaa ay ku goddoontay wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo H. Bulshada buuggi ay wasiirku u diyaarisay, iyagoo labadooduba ay ku saxiixeen kala guddoonkaa.
Kadib waxaa wasiirkii hore ee qoyska Marwo Fadumo Suudi ay guddo gashay warbixin dheer oo ay ka bixisay heerkii biloow iyo halka ay maanta wasaaraddan qoyska ay joogto.
Wasiirkii Hore, iyo wasiirada Cusub.
Waxaa halkaa ay Marwo ku soo dhaweeysay wasiirka cusub oo hadal kooban ku tidhi “ waxaan aad iyo aad ugu faraxsanay inaan dhaxlay wasaarad ay gabadhi maamulaysay, isla markaan ah wasaaradda aad looga shaqeeyey”. Waxay marwo Ilhaan mahad ballaadhan u soo jeedisay wasiirkii hore marwo Faadumo Suudi, iyadoo tidhi aad iyo aad yaan u faraxsanay in wasaarad dhisan oo sharafteedu muuqato ay la wareegto.
Ugu dambayntii waxaa wasiir Marwo Faadumo Suudi halka uga mahadnaqday dhamaan dadkii madasha joogay, sida wasiirrada cusub, marti sharaftii, shaqaalaha wasaaradda, iyo saxaafadda. Waxaa Wasiirkan xilka wareejinayey ay islamarkaa ku wareejisay wasiirka cusub iyagoo socod ku kala bixiyey xaruntii wasaaradda, qalabkii, gawaadhidii, iyo diiwaankii ay ku qornaayeen xilwareejintii.
Waxaa xusid mudan rayn raynta ka muuqatay wasiirka cusub Marwo Ilhaan Maxamed Jama oo halkaa ka caddaysay sida ay ula dhacsantay hanaanka iyo sharafta ka muuqata wasaaraddan ay la wareegayso, iyadoo mahad balaadhan u jeedisay wasiirkii hore Marwo Faadumo Suudi Xasan
|