xuska xaflad, xalladdii doorashada iyo xil la kala wareegii xukuumadaha jsl.
|
xuska xaflad, xalladdii doorashada iyo xil la kala wareegii xukuumadaha jsl. |
 |
|
 London: Xaflad Balaadhan Oo Lagu Xusayey Doorashooyinkii Ka dhacay 26kii Juun Jamhuuriyada Somaliland Oo Xalay London Lagu Qabtay.
 Waxa xalay ka dhacday xaafad ka mid ah xaafadaha ay Reer Somaliland aadka ugu badan yihiin oo ku taalla bariga magaladan London xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo ujeedadeedu ahayd xuska iyo dabaaldega doorashadii ka dhacdey Dalka Somaliland 26kii juun.  Xafladan oo dadlkii ka soo qaybgalay ay ka kala yimaadeen dhamaan dacalada dalkan Ingiriiska waxa ay isugu jireen dhalinyaro, aqoonyahano, haween iyo wasiiro dhawaan madaxweynaha cusub uu jagooyin u magacaabay oo nasiib u yeeshay inay ka qaybgalaan xafladan.
Xafladan oo ahayd ujeedadeedu in la xuso horumarka iyo sida quruxda badan ee ay Somaliland uga dhacday doorashadu sidoo kale sida quruxda badan ee hogaankii hore ee dalku uu xukunka u wareejiyey oo ahayd mid runtii aan ka dhacin dalal badan oo aduunka ka tirsan.  Waxa xuska nasiib u yeeshay inuu ka hadlo mid ka mid ah wasiirada xukumada cusub ee uu dhawaan soo dhisay madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah Dr. Sacad Cali Shire oo loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarka. Waxa uu aad ugu mahadnaqay dadkii soo abaabulay madashan quruxda badan iyo dhamaan shacabka Reer Somaliland ee ka soo qayb galay, waxa kale oo uu sheegay in aanay kaligood waxba qaban karin hadii aanay ka helin tageero shacabka Reer Somaliland, sidoo kale waxa uu sheegay in wasaarad ahaan ay ku dedaalayaan inay wax weyn ka qabtaan baahiyaha ka jira dalka. Xaqiiqadii dadka meesha ka hadlay oo aad u fara badnaa oo aan hadaladoodii halkan lagu soo koobi karin waxa ay dhamaan dadka madasha ka hadlay ka sinaayeen in ay maanta guul weyni u soo hoyatey Jumhuuriyadda Somaliland oo caalamkuna uu ogaadey in Somaliland ay ku talaabsatey horumar la taaban karo una baahan in caalamku wakhtigan uu Somaliland indhana ku soo eego. Sidoo kale shacabweynaha Reer Somaliland ee madasha joogay waxa ay aad ugu faraxsanayeen sida quruxda badan ee ay Somaliland doorashadu uga dhacdey iyo rajada ay ka qabaan inay dalkii ka gaystaan tageero dhinac walba leh. Dadkii meesha ka hadlay waxa ka ma mid ahaa Dr Sacad Cali Shire Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarka Somaliland, Quman Jibriil Ali, Dr Cumar Cismaan Cartan, Cabdi Bacow, Asha –lul Maxamed Yusuf, Asha M. Qalib,Casha Maxamed Mareykan, Jamac Haybe, Bashe Jamac. Faysal Cilmi iyo madax kale oo aad u fara badan. Waxa xafladan si wada jir ah u soo qabanqaabinaya ururada kala ah:
Somaliland Society UK (SSUK), West London Somaliland Community, Somaliland Society Europe (SSE), Somaliland Recognition Action Group, Somaliland Education and Cultural Project, Karin Housing Association, OSCA, Nomad International, TAF iyo Haringey Somali Community and Cultural Association. Waxa kaloo munaasibadan ka qayb qaadanaya safaarada Somaliland ee London iyo xisbiyada qaranka Somaliland ee UK (KULMIYE, UCID iyo UDUB) Hamse Ahmed Salaan London
|
|
|
Posted on Saturday, July 31 @ 17:21:15 DAVT by admin |
|
|
|