 Madaxweynaha Cusub JSL Md. Siilaanyo oo saaka ku dhawaaqay Golihiisa Wasiiradda oo ka kooban 26 Wasiir, oo isugu jira Wasiiro iyo Wasiir-ku-xigeeno. Kuwaas oo hor-dhaca u ah xukuumadda cusub ee ka hawl-geli doonta 5ta sano ee soo socota JSL.
Madaxwaynaha cusub ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa saaka si rasmi ah ugu dhawaaqay golihii Wasiirada ee xukuumadiisa cusub ee uu soo dhisay Madaxweynaha cusubi. Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magacyada golaha wasiirada cusub kaga dhaawaqay shir-jaraa’id oo ku qabtay xaruunta Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa uu bulshada ka codsaday inay si fiican ula shaqeeyaan xukuumada cusub.
Md Siilaanyo waxa uu sheegay in golaha wasiirada xukuumadiisu yihiin 20 Wasiir iyo lix ku xigeen, kuwaas oo dhammaantood is hoos imanaya.
Magacyadda Wasaaradaha iyo Wasiirada loo magacaabay xukuumadda cusub ee JSL.
1. Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah: Md. Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar.
2. Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Md. Dr Maxamed Cabdi Gaboose.
3. Wasaaradda Maaliyadda: Md. Eng Maxamed Xaashi Cilmi.
4. Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Hor-u-marinta: Md. Dr Sacad Cali Shire.
5. Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiid: Md. Xuseen Axmed Caydiid.
6. Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare: Marwo, Samsam Cabdi Aaden.
7. Wasaaradda Caafimaadka: Dr Xuseen Muxumed Maxamed (Aw-xoog).
8. Wasaaradda Gaashaandhiga: Md. Axmed Xaaji Cali Cadami.
9. Wasaaradda Ganacsiga, Warshaha iyo Dalxiiska: Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
10. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumainta Reer Miyiga: Md. Axmed Xaashi Oday.
11. Wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta: Md. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed.
12. Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaalada: Md. Prof. Ismaaciil Muumin Aare.
13. Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta: Md. Sheekh khaliil Cabdilaahi Axmed.
14. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada: Marwo, Ilhaan Maxamed Jaamac.
15. Wasaaradda Kaluumaysiga, Khayraadka iyo Maamulka Sakedaha: Md. Dr Maxamed Yaasiin Xasan.
16. Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta: Md. Dr Xuseen Cabdi Duceele.
17. Wasaaradda Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka: Md. Maxamed Xaashi Madar.
18. Wasaaradda Beeraha iyo Was-Soo-Saarka: Md. Prof. Faarax Cilmi Maxamuud
19. Wasaarada Duulista iyo Hawada: Md. Maxamuud Xaashi Cabdi
20. Wasaaradda Warfaarinta: Md. Cabdilaahi Jaamac Cusmaan [Geel-jire]
21. Wasiir-ku xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare: Md. Cali Xaamud Jibriil
22. Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arr. Dibada: Md. Maxamuud Yoonis Cawaale.
23. Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Md. Cismaan Garaad Soofe.
24. Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta: Md. Cali Cabdi Saa’iq.
25. Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda: Md. Warsame Siciid Cabdi.
26. Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka: Marwo, Nimco Xuseen Qawdhan.
SL Media.
|