Xafladii Xil wareejinta Iyo dhaarta M/weynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ka qabsoontay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Waxaana xaflada Dhaarinta M/weynaha Cusub iyo Kuxigeenkiisa Mudane Siilanyo iyo Saylici ka soo qayb galay M/weyhnihii hore ee Somaliland Md Daahir iyo Ku xigeenkiisa Md Axmed Yusuf golaha wasiirada ee xukuumadii hore Masuulyiiinta Xisbiga Muxaafidka Ah ee Kulmiye Masuuliyiinta Labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo UDUB shir gudoonka Wakiilada Iyo Guurtida Somaliland iyo xildhibaano ka socda labada Gole qurbajooga Salaadiin iyo marti sharaf kale oo ka kala socday dhamaan qaybha Bulshada.

Sidoo kale waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin ka kala socday Dawladaha aynu jaarka nahay waxaanay kala ahaayeen Wafti sare oo ka socday wadanka Jibuuti oo dhamaa 14 Xubnood oo uu hogaaminayay Wasiirka Dhaqanka warfaafinta iyo isgaadhsiinta Cali Cabdi Faarax .

Wafti balaadhan oo ka koobnaa 28 xubnood oo ka socday wadanka Kenya oo uu hogaaminayay Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Md Faarx Macalin .

Laba wafti oo ka kala socday Dawlada Federal ka Ethiopia iyo mid heer Deegaan ee Ismaamulka Somaalida Ethiopia oo uu hogaaminayay Wsiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawlada Federal ka Ethiopia iyo M/weynaha Kililka Somaalida Ethiopia .

Dhaarinta ka hor labada M/weyne ee Xilka la kala wareegaya iyo ku xigeenadooda ayaa ka hor dhaarinta Salaan shara ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka.

Ka dibna waxay yimaadeen goobtii loo asteeyey in lagu dhaariyo M/weynaha Cusub iyo Ku xigeenkiisaba waxaana Dhaariyay Gudoomiyaha maxkamada Dastuuriga ah ee Somaliland Md Axmed Xirsi Ismaaciil (Oomane) wuxuuna ku dhaariyay Sidan iyada oo Kitaab Qur’aanka Munazalka ah gacanta loo saaray “Waxaan Ilaahay Ugu dhaartay in aan u noqonayo Daacad Diinta Islaamka dalkayga Somaliland dadkiisana Ku maamulaayo Sinaan Iyo cadaalad Inta aan Xilka Hayo .. Wa bilaahi Tawfiiq.”

Ereyada Dhaartaas oo M/weynuhuna Ka Daba lahaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare.

Waxaan Dhaarta ka dib uu si rasmi ah xilkii madaxtinimo ee Somaliland ula wareegay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta loo dhaariyay shanta sano ee soo socota inuu Dalka maamulo.

Warbixinta Dhaarinta Iyo Xaflada Xilwareejinta oo faahfaahsan si dhakhso ah ayaanu idiinku soo gudbin doonaa Idamka Eebe.
“Wuxuu yahay abaal dirirkoo onkoday Raysku uu urree
Ama waxaydun noqon Alla doorigii
Lagu iishayee adhaxda lagaga jabay,
Ama ubadsanoo ifka aaya iya iyo intifaaca ka taga.”








TogaHerer