|
 |
Main |
 |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
 |
BBC Somali |
 |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
JSL, Coming President. Supper Hero. Sir Omar Al-Hagi |
|
|
|
|
|
Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed. |
 |
|
|
|
|
Proudly Somalilander |
 |
|
|
|
|
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde. |
  |
|
|
|  |
xafladii dhaarinta iyo xil wareejinta m/weynaha cusub iyo ku xigeenkiisa oo soo
|
|
Name : Factuality Subject : Re : xafladii dhaarinta iyo xil wareejinta m/weynaha cusub iyo ku xigeenkiisa oo soo Date : 2010-07-28
|
Kursigii heshaye, Haakaalah!
Published: 27 July 2010
Kn: Yaa yiri kursiga madaxnimo waa lagu nastaa?, laakiin waxaysan su’aal ka taagneyn in lagu xiiqo ku fariisigiisa, weeydiinta ugu muhiimsan ayaa ah “halgan dheer ka dib oo daal iyo gabow uu kula kulmey, Axmed Siilaanyo Haakaalah ma dhihi doonaa?”.
Maanta ayaa guriga madaxytooyada Somaliland ee Hargeysa si rasmi ah uu xilka kula wareegey madaxweynaha cusub ee maamulkaasi gooni isu taaga ah, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxaa lagu dhaariyey kutubka Qur’aanka ah iyo in diinta Islaamka uu ku dhaqayo Somaliland.
Ragii ay xilka kala wareegeen isaga iyo ku xigeenkiisa Seeylici ee kala ahaa Daahir Riyaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin afkooda amaan iyo bogaadin iyo dardaaran ayaa ka baxayay xiligii ay socotey xaflada.
Wufuuda aduunka uga timid in ay goobjoog ka noqdaan xafladani waxay ka kala yimaadeen 3 dal oo kala ahaa Kenya, Djabouti iyo Ethiopia, gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Dawaaraa ayaa waftiga Kenya hogaaminayay.
Madaxweynaha cusub oo xaflada ka hadlay wuxuu balan qaaday in uu dadkiisa iyo dalkiisa si daacad ah ugu adeegayo, wuxuu u mahadceliyay dhamaan wadamadii ka qeybqaatey.
Walloow dhoolo cadayn iyo dhabar iska taabasho ay xafladii ku wada joogeen madaxdii hore iyo kuwa cusub, hadane bilaha soo socda ma noqon doonaan kuwa saaxiibo ah marka gudiga la xisaabtanka hantida qaranka ee uu Siilaanyo saarey ay shaqadooda gudagalaan iyo marka xisbiga Udub uu si rasmi ah u fariisto kuraasta mucaaradka isagoo u fiirsanaya gef kasta oo ka dhaca xukuumada Siilaanyo.
Tan iyo wixii ka dambeeyey 26dii Juun oo ay doorashada dhacday, waxaa jirrey wax lagu tilmaami karro boob iyo ku tagrifal hantida qaran ee gacanta ugu jirtey saraakiisha xukuumada dhacday.
Jihawareerka ugu weyn waxa uu Siilaanyo kasoo waajihi doonaa marka nin qof kasta oo isaga u codeeyey uu doono in uu badalo qof kasta oo horey uga shaqaynayay xafiis dowladeed sidii iyagoo ahaa shaqaalo xisbiga UDUB.
Caaadi ahaan marka laga soo tago xilalka siyaasadeed iyo kuwa amaanka ee sarsare, qof kasta oo dowlada xil u haya ma ahan mid ay wax ka quseyso isbadalka awoodeed ee dalka ka dhacay sababtoo ah ma ahayn nin xisbi u shaqaynayay ee dowlad ayuu u shaqaynayay.
Mashaakilaadka Siilaanyo horyaala waxaa ka mid ah xal u helista shaqaaqada Sool iyo Sanaag, laakiin si kasta oo uu isugu dayo in uu xal u helo waxaa caqabad ku noqon doona aragtida xidideysatay ee SSC iyo hogaanka dhaqanka dadka Sool iyo Sanaag ee ah Soomaaliweyn.
Guusha ugu weyn ee dadka Somaliland ka filan karaan in uu Siilaanyo soo hoyiyo ayaa ah in uu Somaliland u keeno aqoonsi caalami ah, xitaa haddii tabon jeer oo kale xilka isu soo taago waa qodob ay codkooda ku siin doonaan hadii uu ka miro dhaliyo.
Laakiin waa iska meeshaasi halka loo taaganyahay Siilaanyo iyo Somaliland, aqoonsi, kalmad Afsoomaali xariir ah balse uu micnaha ka suulayo marka laga doono meel aysan kaa jirin, haddii uu taasi fahmo Siilaanyo waxay noqoneysaa arrin guusheeda la gaaro.
Aqoonsiga Somaliland waa horta in ay iyada is aqoonsato, jinsada ay yihiin, deegaanka ay ku yaalaan, diinta ay heystaan, daris iyo ehal waxa ay leeyihiin, haddii laakiin aqoonsiga la raadinayo uu noqdo mid ku abtirsada taariikh gumeysi oo marin haboow ahayd.
Aqoonsiga Somaliland wuxuu ku jiraa Soomaali inteeda kale oo haatan abaal ku qabta in Somaliland ay hor kacdo.
Somaliland waxay heeysataa fursad dahabi ah, sida uu qabo Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo dhawaan u waramay barnaamijka Riz Khan ee AlJazeera English, Somaliland waxay haatan fursad u heeysataa in Hargeysana laga dhigo caasimada dalka, Axmed Siilaanyana uu noqdo madaxweynaha Somaliland sidaasina uu ku iman karo xalka Soomaaliya.
Xanta jirta ayaa ah in Siilaanyo uu u dabacsanyahay fikrada ah Soomaaliya, laakiin sidaasi oo ay tahay ma doonayo in uu ka xanaajiyo kuwa halka adag ee SNM usoo dagaalamay, iyo waliba jiilka cusub ee lagu aanqariyey nacaybka koonfurta
Si kasta oo ay ahaataba haddii uu Siilaanyo kursiga ka doonayay nasiibo waa u ku fadhiyaa caawo, in uu haakaalah yiraahdo waxay ku xirantahay in uu kabaha siinto haddiiba uu kanshadaasi u helo, haddiise uu kursiga ka doonayay isbadal wanaagsan keeno, ma jirto fursad ka haboon oo waligiis soo mari lahayd, sidoo kale markanina waa uu kabaha siibtaa si uu orod iyo rucle ugu gaaro danta guud, kolkaasi isaga iyo daal isma hurrana
KismaayoNews.com
|
[ Reply ] |
|
Name : Wiil Dhulbahante Subject : Re : xafladii dhaarinta iyo xil wareejinta m/weynaha cusub iyo ku xigeenkiisa oo soo Date : 2010-07-28
|
Waa si wanaagsan laakiin mid ogaada labdan nin ee xilka wareejiyay iyo labada lagu wareejiyayba waxay ka soo wada jeedaan isla laba beelood oo Somaliland dega, meeye beelihii kale, waa cadaalad darro aan geedna loogu soo gaban oo lagu samaynayo beelihii kale, qof walowba sidaa ula soco.
Name : Xirsi Subject : Re :xafladii dhaarinta iyo xil wareejinta m/weynaha cusub iyo ku xigeenkiisa oo soo Date : 2010-07-28 dadkaaga dhinac ka raac,waa doorasho ee hadaad wax isla hayso maad badka timaadi,
maxaa suqa madow ku dhigay.
cidna ha eersan ,adigaa ka gaabshay hadafkaagi. | Name : Tukade Subject : Re :xafladii dhaarinta iyo xil wareejinta m/weynaha cusub iyo ku xigeenkiisa oo soo Date : 2010-07-28 Runtii waa arrin lagu farxo,oo soo jiidanaysa indhaha iyo qalbiga inta damiirka leh ee og in Somaliland aanay ku oolin YURUB ama Woqooyiga Ameerika ee ay ku taallo Afrika,weliba Afrikada bari oo dadka lagu qasho,haddana waataa ay ka suurto gashay dimoqraadiyad dhab ah,oon looga baran qaaradda.
Hambalyo guud ahaan shacabka qaaradda Afrika gaar ahaan kuwa iyagu suurto geliyey in arrintan mucjisada ah ee aan fududeyni inay qabsoonto.
Guul Soomaaliland. | Name : goljano (somaliland) Subject : Re :xafladii dhaarinta iyo xil wareejinta m/weynaha cusub iyo ku xigeenkiisa oo soo Date : 2010-07-28 masha allah allah mahad le
waxaan dhamaan dad waynaha somaliland u dirayaa hambalyo
guul guul guul
ka naxow nafta waa |
|
[ Reply ] |
|
Name : Haiban Subject : Re : xafladii dhaarinta iyo xil wareejinta m/weynaha cusub iyo ku xigeenkiisa oo soo Date : 2010-07-28
|
Waa salaamantihiin dhamaantiin:
Maantay ii ahaatay,waana halkaan u bukay iney sidaa u dhacdo iyagoo is-garab taagan oo gacmaha is-haysta oo isu niyad furan iney isku wareejiyaan xukunka,waana halkii Mj.Ducaale II maahmaah somalilandaraa tidhaahda ( Qudunquutay ku quuso ), ninkii wax kale u fadhiyayow waataa JSL inamadeedii u dhigay talada dhaxal-galka leh ee kuwa ka dambeeyana u sii jeexay tubta wanaagsan ee toobiyaha ah. Inteena kalana waxaynu ku daba feyleynaa madax-weynaha JSL Md. A M Maxamuud (siilaanyo) sidii uu ku dhawaaqay madax-weynahii hore, Md. D R Kaahin,dhaarta dabadeed khudbadii xil ku wareen-jinta..
Hadal hay dambeeyee,hordhacaygii waa kan....
Waana halkii Mj.Ali Mohamoud Noor Ali-Eid'e.....
East And West Somaliland Is Best......
Wassalaam.
Haiban.
|
[ Reply ] |
|
Name : Haiban Subject : Re : xafladii dhaarinta iyo xil wareejinta m/weynaha cusub iyo ku xigeenkiisa oo soo Date : 2010-07-28
|
Waa salaamantihiin dhamaantiin:
Factuality,wiil-dhulbahante,Xirsi iyo tukade: si fiican baa u qaadaa dhigteen ee mid ma ogtihiin amba ma is-weydiiseen waxa ka dhacday meeshan JSL......
Waxa iskugu yimid 5 soomaaliyeed 4 ka mid ah.... Jabuuti,Kililka,NFD iyo Somaliland oo kulmisay,waxa ka maqan somalia oo qudha,waataa muuqata tay Somaliland bilawday 60dan sanadood hortoodo markii dhaqdhaqaaga xornimo ka soo iftiimay in 5 soomaaliyeed meel layskugu keeno,markay suurtoobi-weydeyna gooni isu taagtay 19 sanadood hortood oo ay 4 qaybood iskugu yimaadeen iney goob-joog ka noqdaan xil wareejinta JSL, oo madaxweyne shacabku soo doortay ku wareejinaayay madaxweyne cusub oo ay isna shacabku soo doortay oo aaney laba si xun isu jaleecin,waana halkii Mj.Ducaale II "Ri'ina ri gees ka ridinwaana" waana wax EEBE swt lagu mahadiyaa,ta maqana waanu u ducayneynaa in EEBE swt dariiqa toosan tuso......
Wiil-dhulbahante waxaan ku odhan lahaa bal may labada wareejinaya iyo labada lagu wareejinayaaba noqdaan beel qudha iyaga iyo golaha wasiiraduba....waxa qudha ee noo darani waa iney maamulkooda ka soo baxaan oo ay dalkooda horumar gaadsiiyaan,miyaanay dhici-karin iney wada noqdaan dhulbahante,madaxweyne illaa wasiir......
Reer somaliland wadankoodu wuxuu ka sugayaa wax qabad...tirsadkii wuu dhamaaday..........
Wassalaam.
Haiban.
|
[ Reply ] |
|
|