 Sidoo kale waxaa deegaanka layidhaahdo Gal-gala ka dhacay dagaal kaa la mid ah oo ay labadan dhan fooda isku dareen,inkasta oo ilaa iminkana aanay cadayn qasaaraha rasmigaa ee kala gaadheyay labada dhan.Deegaamadan oo ah kuwo buuraleey ah isla markaana dhinaca isgaarsiintu ay aad ugu liidato.
Deegaamada Galgala iyo Karin oo ka tirsan Sanaag bari iyo Bari ee maamul goboleedka Pugland ayay maanta kadheceen dagaalo xoogan oo ay iskaga hor yimaadeen Ciidan goboleedka Puntland iyo kooxo lasheegay inay taabacsan yihiin Al-shabaab iyadoo dagaaladan labada meelood ka biloowday saaka la isu adeegsadey hub culus.
Kooxda taageersan ururka Al-shabaab oo uu hogaaminayo Nin lagu magaacabo, Max’ed Siciid Atam ayaa saaka hiirtii waaberi ku ekeeyey weeraro xoogan deegaanka Karin oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Pugland, waxaana warar aan la xaiijin sheegayaan in ay dagaalkaasi ku geeriyoodeen ilaa 5 ruux oo labada dhan ah.
Sidoo kale waxaa deegaanka layidhaahdo Gal-gala ka dhacay dagaal kaa la mid ah oo ay labadan dhan fooda isku dareen,inkasta oo ilaa iminkana aanay cadayn qasaaraha rasmigaa ee kala gaadheyay labada dhan.Deegaamadan oo ah kuwo buuraleey ah isla markaana dhinaca isgaarsiintu ay aad ugu liidato ayaa waxa adkaanaysa in warar buuxa oo rasmi ah oo dhex-dhexaad ah laga helo.
|