ajaanibtii oo la wareegay hogaanka al-shabab iyo xilalka iyo magacyadooda.
|
ajaanibtii oo la wareegay hogaanka al-shabab iyo xilalka iyo magacyadooda. |
 |
|
 Kooxaha Mujaahidiin Ajaaniib ah ayaa hogaanka Al-Shabab kala wareegay madaxdii Soomaalida taasi oo ah tallaabo loo arko inay keentay in ururkaasi uu dagaalkiisa u gudbiyo bariga Africa, wargeyska The Esat African Standard ee Nairobi ayaa sidaasi daabacay.
Kooxaha Mujaahidiin Ajaaniib ah ayaa hogaanka Al-Shabab kala wareegay madaxdii Soomaalida taasi oo ah tallaabo loo arko inay keentay in ururkaasi uu dagaalkiisa u gudbiyo bariga Africa, wargeyska The Esat African Standard ee Nairobi ayaa sidaasi daabacay.
Hogaamiyayaasha cusub oo badankood ah rug cadaayaal kusoo tababartay xerooyin Al-Qacida ay ku leedahay Afghanistan, ayaa iminka hogaamiya siyaasadda ururka, waxaana ay si toos ah mas’uul uga ahaayeen amarkii lagu fuliyay qaraxyadii Kampala.
Warar sirdoon oo ay heshay the EastAfrican, ayaa tilmaamaya in qaraxyadii Kampala looga gol lahaa laba ujeedo oo tan koowaad ay tahay in quwadaha gobolka lagu qasbo inay dagaal ka galaan Somalia iyo midda labaad oo ah in lagu guuleysto taageerada shacabka Soomaaliyeed, ayada oo la tusayo cadow gaar ah, si Al-Shabab ay dib ugu soo ceshato sumcadeedii dalka.
Sida ay ku warrameyso warbixin loo gudbiyay ururuka Midowga Africa xubnaha muhimka ee ajnabiga ah waxaa ka mid ah Fazul Cabdallah Maxamed, oo caan ka noqday bariga Afrika sababo la xiriira ku lug lahaanshihiisii qaraxyadii safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Daaru-Salam.
Cayaaryahanada kale ee ku jira golaha maamula al-Shabab ayaa ah jihaadiyiin ay adag tahay in la fahmo, oo billaabay inay Somalia tagaan horaantii sanaddii 2009.
Waxaa magacyadooda lagu sheegay warbixinta, waxaana ay kala ayihiin.
1- Sheekh Maxamed Abu-Faid, oo ah maal geliye u dhashay dalka Saudi Arabia, islamarkaana ah maamulaha ‘Manager” Al-Shabab.
2- Abu-Suleyman Al-Banadiri, oo ah Soomaali asal ahaan kasoo jeeda Yemen, oo ah la taliyaha gaarka ah ee ninka ku magacaaban hogaanka Al-Shabab ee Axmed Godane ‘Abu-Zubeyr”.
3- Abu-Musa Mombasa, oo ah nin u dhashay dalka Pakistan, kaasi oo dalka Somalia u yimid inuu beddelo Salax Cali Nabhan, oo ku geeriyooday weerar ay fuliyeen Mareykanka, waana ninka Al-Shabab u qaabilsan dhinaca amniga iyo tababarada.
4- Abu Mansur Al-Amriki, oo ah Mareykan, islamarkaana hogaamiya qeybta maal gelinta dagaal yahanada shisheeye ee Al-Shabab.
5- Maxamuud Mujajir oo reer Sudan ah, islamarkaana qaabilsan qorista iyo shaqaaleynta is qarxiyayaasha ama naftood horeyaasha (suicide bombers).
6- CabdiFitax Aweys Abu Xamza oo ah Soomaali kusoo tababartay Afghanistan oo ah taliyaha garabka Al-Qudus ee Al-Shabab.
Dagaal yahanada Ajaaniibta ah ayaa lagu eedeeyay inay Al-Shabab ka dhigeen koox aad asal raac u ah, islamarkaana badashay ujeedkeedii ahaa inay maamusho Somalia oo ka dhigtay mid leh hadafyo gobolka iyo caalamka ah.
“Garabka xag jiriinta ah ayaa la wareegay Al-Shabab waxaana ay dhiiri gelinayaan dhismaha qilaafad Islaami ah” waxaa sidaasi yiri agaasimaha geeska Africa ee hay’adda caqabadaha caalamiga ah ee International Crisis Group, Ernst Jan Hogendoom.
Waxa uu sheegay in mid ka mid ah ujeedooyinkii Al-Shabab u fulisay qaraxyadii Kampala ay tahay inay ku guuleysato jiritaan caalami ah, si ay dagaal yahanno kale oo ajnabi ah ay dalka u yimaadaan.
Sida warbixintu leedahay caddeynta ugu weyn ee muujisay in al-Shabab ay maamulaan dad ajnabi ah ayaa ahayd qaraxyadii hoteelka Shamo ee lagu laayay ardaydii iyo aqoon yahannadii, sababtoo ah ficillidaas kama suurtoobeen qof Soomaali ah, waaxana amray ajnabiga jooga Somalia.
|
|
|
Posted on Tuesday, July 27 @ 03:00:42 DAVT by editor |
|
|
|