 Golaha Xukuumadda xilka ka degaysa maalinta berito ah oo kaga eeg mudadii distoorku u banneeyey inay xilka ku wareejiyaan, ka dib markii xisbiga KULMIYE kaga guulaystay doorashada Madaxtooyadda, ayaa todobaadkan bilowgiisii isugu yimi Xarunta Madaxtooyadda Somaliland oo ay ku galleen sawir ay ku dhammaystiranyihiin badi Golihii Wasiiradda xisbiga UDUB.
Dhab u Milicso Muuqaallada Wejiyada Golihii Xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo iska Reebay Sawir Xusuus Mudan.
Hargeysa, 26, July, 2010-(Berberanews.com)-Golaha Xukuumadda xilka ka degaysa maalinta berito ah oo kaga eeg mudadii distoorku u banneeyey inay xilka ku wareejiyaan, ka dib markii xisbiga KULMIYE kaga guulaystay doorashada Madaxtooyadda, ayaa todobaadkan bilowgiisii isugu yimi Xarunta Madaxtooyadda Somaliland oo ay ku galleen sawir ay ku dhammaystiranyihiin badi Golihii Wasiiradda xisbiga UDUB. Sawirkan waxa ka dhexmuuqda Madaxweynaha xilka ka sii degaya Daahir Rayaale Kaahin, ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin iyo 44 xubnood oo isugu jira Wasiiro, Wasiir-ku-xigeeno iyo Wasiiru-dawlayaal. Ujeedada Madaxweyne Rayaale iyo Golihiisii wasiiradu u galleon sawirkan, ayaa lagu sifayn karaa mid uu Madaxweynuhu ku sagootiyey golihiisa wasiirada ee wadashaqayntu ka dhaxaysay mudada dheer iyo xusuus iska reeb. Haseyeeshee waxaa isweydiin leh waxyaabaha ay shacabka Somaliland ku xasuusan doonaan Madaxda iyo Golaha Wasiiradda ee xukuumada uu hogaaminayay Madaxweyne Rayaale. FADLAN ILAALI XUQUUQDA SAWIRKA OO U GAARA SHEBEKADDA BERBERANEWS
|